Ogaal TV
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ogaal TV, Sport & recreation, Km4, Mogadishu.
WAR DAG DAG: dowladda Sacuudiga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in barito Ciid tahay.
Bari Waa Ciid. Sidaas Sacuudiga ayaa sheegay, waxaana lagu qoray bogga Xarameenka.
Xog dheeri ah oo hadda soo dhacday
Dhawaqa Hoobiyayaal hor leh ayaa hadda laga maqlayaa magaalada Muqdisho, waxa ayna ilaa iyo hadda ku dhaceen degmooyinka kala duwan sida Shangaani, Boondheere iyo Wadajir.
DEGDEG: 2 Qarax ayaa hadda ka dhacay Muqdisho.
Ruushka oo ka jawaabay Go’aanka maxkamada dambiyada caalamiga ayaa Qoraal ay soo saareen cinwaan uga dhigay “U Diyaar Garooba Dagaalka sadaxaad ee dunida. War World lll “
DEGDEG: Haweenka ku jira Xildhibaanada golaha Shacabka oo tuuryo iyo Buuq billaabay.
DEGDEG: juug cuulus oo is xigxigtaa aya lagaa maqlayaa qaybo badan oo magaladaa
Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho ilaa Dubai ayaa bilaaban doona Goordhow sida ay maanta ku dhawaaqday Dowladda Federalka Somaliya.
Shirkadda Fly Dubai ayaa duulimaadyadii ugu h**eeysay ka bilaabi doonta Muqdisho ilaa Dubaay iyadoo aan meelna lagu istaageeyn.
: Shirkadaha isgaarsiinta dalka oo lagu amray in faro iyo sawiro ka qaadaan macaamiisha cusub ee qaadanaya Simcardkooda halka kuwii horayna loo qabtay in muddo 90 cisho ah ay isku diiwaan galiyaan.
Sidoo kale waxaa la xadiyay isticmaalka maalin la ah ee lacagaha loo yaqaano electronic Money-ga, sida EVC ama E-dahab.
DEG DEG:- Kaalin shidaal oo ku yaallo aagga Digfeer ayaa gubanaya, waxaana laga maqlayaa jug qarax u eg oo uu dabka sababay.
DEGDEG: Dhawaqa wax lamoodo Qarax oo ka dhacay aagga Bakaaraha-Muqdisho kadib waxaa la maqlayaa rasaas xoog badan.
:- Dhawaqa rasaasta oo goos goos ah ayey saakay ku waabariisteen mar kale shacabka ku nool magaalada Laascaanood, kaddib markii shalay inta badan magaaladaas laga saaray Millateriga Somaliland.
Allah ha u naxariisto 7 caruur iyo hooyadood oo ku geeriyooday dagaalka Laascaanood.
15ka qodob ee ka soo baxay Shirka madaxda Africa ee ciiidamadoodu ka joogaan Soomaaliya, kaas oo maanta ka dhacay Muqdisho.
1. In la tixgeliyo madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya
2. Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab
3.Shirka waxaa lagu sheegay sida ay Africa uga go’an tahay sii wadidda taageerada laga siiyo Dowladda Federalka Soomaaliyeed dadaallada ay ugu jirto xoreynta dalka.
4. Waxaa la bogaadiyey dadaallada Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubanaha ka ah, kuna aaddan siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
5. Waxaa la xusay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka gaartay Gobollo badan oo ay Ciidanka Soomaaliya iyo ATMIS kala wareegeen Alshabaab.
6. La bogaadiyey horumarka laga sameeyey dib u dhiska iyo casriyeynta ciidanka qalabka sida.
7. Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.
8. Waxaa carrabka lagu adkeeyey baahida degdegga ah ee loo qabo in si wadajir ah loo qorsheeyo Istaraatiijiyad adag oo ka dhan ah Alshabaab.
9. La isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee h**e u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
10. La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka h**e laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale.
11. Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga lagu wajahayo.
12. Waxaa la soo dhaweeyey codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidama
Kooxda Hiddo oo dhammaantood ah dhallinyaro oo muddo yar saameyn xooggan ku yeeshay fanka Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay maanta madaxdii dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.
Kooxdan ayaa muddooyinka loo xulanayay soo dhoweynta madaxda caalamiga ah, waan dhallinyaro ka yaabsaday abwaannadii waaweynaa.
Madaxweyne Ruto isagana waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.
Ciidanka Dowladda Federaalka SNA ayaa la filayaa in dhammaadka 2024 ay ciidanka ATMIS kala wareegaan gabi ahaanba Amniga Somaaliya.
Sharuuda ugu weyn ee arrintaas ku xiran ayaana ah in ay Soomaaliya leedahay ciidan dhan 24k marka lagaaro december 2024.
Lataliyaha Amniga Qaranka Hussein Sheikh Ali ayaa sheegay in ay rajeenayaan inta uusan dhammaanin sanadka 2023 in Soomaaliya ay yeelanayso ciidan dhan 15 kun oo askari .
Haddii deadline-ka Somaaliya ku diyaarin weeyso ciidan intaa la eg waxa ay u muuqata in ciidanka ATMIS heli donaan muddo kordhin hadeey u yaraato sanad ah .
Update “ Qarax “Baabur ay wateen ciidmada cusub ee ka yimid dalka Eritrea ayaa lagula eegtay Qarax nuuca Miinada soo boodooyda ah xaafada Soos oo ka mida Dagmada Hilwaa .
Warshadii h**e ee Barfuunka irideeda h**e ayaa lagu Aasay Miinada balse ma jiraan wax qasaara ah oo ay u geestay Askara iyo Shacabka .
Ciidanka ayaa bilaabay in ay rasaas xad dhaaf ah ku ridaan shacbka taas oo sababtay in bulshadu ka ar gagaxaan.
Wadooyinka oo xiran Hadii ay dhacayaan weerara Hoobiyaal ah iyo qaraxyada Miinooyinka Maxaa Amaan ah oo la adkeeyay ?
:- Xildhibaan Ilyaas Shiikh Axmed ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP #147, kaddib doorasho ka dhacday maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug.
Kursigaan waxaa horay ugu fadhin jiray Taliyaha hay'adda NISA Mahad Salad, waxaana lagu mateli doonaa bulshada reer Guriceel.
Dhawaqa ilaa iyo Afar jug oo culus oo loo maleynayo in ay yihiin Hoobiyayaal, ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Muqdisho.
Saaka wadoyinkaa Muqdisho way xiiran yaahin.
DEGDEG: Dowladda Soomaaliya amar ku bixisay in la joojiyo diyaaradaha waddanka imaanaya ama ka baxaya, maalmaha Salaasada (Talaado) iyo Arbacada.
Labada maalin ee diyaaradaha la joojiyey Muqdisho waxaa tagaya Wufuud dowladda Soomaaliya kala hadlaya sidii Ciidanka Amisom-Atmis dalka looga saari lahaa, maadaama waqtigoodu dhammaaday.
Waxaa suuragal ah in labadaas maalin sidoo kale guud ahaan la xiro jidadka Muhiimka ah ee Xamar.
DEGDEG: Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliiska. Xijaar waa laa badalay
Horay wuxuu u ahaa intaan la magacaabin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, waa nin Jubaland kasoo jeeda.
Jubaland waxay heystaa laba xil oo waaweyn sida, Ra'iisul wasaaraha iyo Taliyaha Booliiska.
DEGDEG “ Boliska Somalia Ayaa hadda Soo Afjaray weerarkii Al shabab ay ku qaaden gudaha xarunta Gobalka Banaadir.
Xarunta Amnigeeda waxaa hada la wareegay Taliyaha Ciidmada sida Gaarka u taba baran ee Haramcad Gaashanle Fanax.
Dhimasha iyo dhaawac badan ayaa jiro balse lama xaqiijin Karo Tirada saxda ah .
Taliyaha Booliiska ee Degmadda Xamar weyne, Najiib Carab ayaa ku dhaawacmay Qaraxa Xarunta Gobolka Banaadir.
Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta looga arrimiyo Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho kadib weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday.
Kooxaha xarunta Gobolka Banaadir gudaha u galay ayaa la dagaalamaya Ciidamadda ilaaliya xarunta iyadoo laamaha amniga ee Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan inay kasoo badbaadiyaan shaqaallaha xarunta weerarka lagu qaaday.
DEGDEG: Air Port-ka Muqdisho oo maanta looga soo dagi waayey, loogana dhoofi waayey Ammaan la xumo darteed kadib markii Shirkadda maamusha ee Favori ay ku tumatay xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya garoonka.
Favori oo ah shirkad Ajnabi ah maamushana garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa tacadiyo aan kala joogsi laheyn oo ay ku heyso dadka u shaqeeya kadib, waxaa shaqo joojin sameeyey shaqaalaheeda, waxaana saakay la waysan yahay dadkii baari lahaa kuwa soo dagaya ama ka baxaya garoonka, xaalkuna waa mid cakiran.
Sidee ammaanka garoonka Muqdisho lagu sugi karaa, haddii shaqaalihii lagu aaminay badqabdka garoonka, xuquuqdooda mushaarka ah ay ku takri falayso Shirkadda Favori?.
DEG DEG: Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda oo saakay ka dhaqaaqay furimaha Koonfurta Gobolka Mudug ayaa kaabiga ku haya degmada Xarardheere.
Ciidamadan ayaa xooggooda ka baxay deegaanka Qararoow, wararka laga helaayo degmada Xarardheere ayaa sheegaya in ay iskaga baxeen kooxda khawaarijta ah ee AS.
Shilkaan galabta ayuu ka dhacay Muqdisho.
Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga Xasan Jaamici ayaa gaaray koonfurta gobolka Mudug, kaas oo uu ka jirto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan, kuwaas oo ku wajahan degmada Xarardheere.
Taliye Jaamici ayaa kulamo halkaas kula qaadan doono saraakiisha ciidamada xoogg iyo kuwa daraawiishta Galmudug, si loo dardargeliyo howlgallada dib loogu xoreynaayo deegaannada ka maqan gacanta maamulka Galmudug.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Website
Address
Mogadishu
Kasoo Horjeedka Masjidu Saxaba 3, Baar-Hilaac, Jidka Sodonka, Warta-Nabada
Mogadishu
Koriso Bodybuilding Supplements and Nutrition is the one-stop trusted destination for top quality pro
Mogadishu
Kusoo dhawaw Hooyga Ciyaaraha Caalamka Com Page Kan Kala Soco Football Ka Wax yaabihii Ugu dambeyay
Juungal
Mogadishu, JUNGALMOGADISHO
Waxaan tahay qofka igaarsiin kara wadada aan rapp hap dheeratee ee garap qabo ��