Madasha Dhaxal Dhowr
Madasha Dhaxal Dhowr, waa madal qaran, taasoo loogu gol leeyahay ilaalinta dhaxalka dadka Soomaaliye
Golaha sare ee Madasha Dhaxal Dhowr wuxuu soo saaray bayaan ka dhan ku xad-gudubka uu ku kacay xisbiga Wadajir.
1. Wuxuu meel ka dhac weyn iyo gef aan la qaadan karin goluhu ku tilmaamay isticmaalka magaca madasha oo aan fasax loo qaadan.
2. Wadajir Party iyo koox laga soo abaabulay xafiiskooga maanya si xoog ah u isticmaaleen magaceena, iyagoo xaflad beenaad ku sameystay.
3. Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa wuxu ku bixiyay dhaqaale, si uu ula dagaalo golaha sare ee Madasha Dhaxal dhowr.
4. Madashu wuxuu cadaalad u raadsan doonaa maxkamadaha dalka ka jiro, adeegsiga xoogga ah iyo turufada ee magaceena u isticmaaleen kooxda Wadajir ee uu hoggaamiyo Abdirahman Abdishakur Warsame.
5. Berri, waxaan gal dacwadeed ka furaneynaa maxkamadda Gobolka Banaadir, sababtoo ah magaceenu wuxuu ka diiwaan gashan yahay dowladda hoose ee Xamar. Sidaas awgeed ayaan dacwadaas kaga furaneynaa.
Mahadsanidiin
Xulufada Wadajir Party boobka iyo xoogeysiga ee ku waddaan fikirka dhalinyarada Soomaaliyeed ma ahan wax laga aamusi karo.
Xalay, waxaa laa baahiyay sawirka koobaad oo logo ahaan loogu isticmaalay astaanka calanka, maantana waxay isla page-kooga ku daabaceyn logo beenaad oo aan shaqo ku laheyn logadeena saxda ah.
Wadajir party iyo kooxda Abdirahman Abdishakur waxaa ugu digeynaa in afkaarta dhalinyarada loo madax baneeyo, oo ka dhaafaan dhaca iyo xoogsiga ee ka bilaabeyn baraha bulshada.
Dadka Soomaaliyeed waxaan ku marqaati gashaneynaa in kooxdaasi oo u weyn yahay Abdirahman Abdishakur in magaceena ee ku qaraabanayaan.
Mahadsanidiin
Madasha Dhaxal Dhowr waxay si cad ah oo aan ganbad laheyn u beenineysaa warqaddaan lagu baahiyay baraha bulshada, taasoo ee soo abaabuleyn koox wax ma garato ah.
Madasha, waxay leedahay aragti ka sal weyn in shakhsiyaad gooni ah loogu adeego guul si wadajir ah loo soo dhiciyay.
Abdirahman Abdishakur Warsame
Hassan Sheikh Mohamud
Mohamed Abdullahi Farmaajo
Omar Abdirashid Ali Sharmarke
Mahdi M. Gulaid
Madasha Dhaxal dhowr waxay shaacineysaa in ee soo bandhigi doonto dhamaan halyeeyadii u hiiliyay baddeena.
Waxaana shakhsi kaste ku maamuusi doonaa doorkii uu ku lahaa guushii laga soo qaaday maxkamadda caalamiga ah ee Heeg.
Waxaan shaacin doonaa dhamaan halyeeyadii qeybta weyn ka qaatay guusha taariikhda noo gashay ee aan maanta hoos harsaneyno.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu