Senator Dahir Ayanle Said
This is the official page of Sen.Dahir Ayanle Said (Mem.of Federal Parliament of Somalia"Upper House"
كل عام وانت بخير
Ciid Mubarak dhamaan ummada Soomaaliyeed.
.
RAMADAAN MUBAARAK
Waxaan ummada muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka somaliyeed la qaybsanaya dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Waxaan Allah waydiisanayna inu acamaasha saalixa ah naga aqbalo.
Maanta waxaan Salaaan Booqasho ugu tagay Madaxweynaha dib loo doortay ee Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni.
Alle ha u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
HAMBALYO MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA CUSUB EE DOWLADDA PUNTLAND.
Hambalyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta loo doortay, waxaan u rajeeyay Madaxweynaha la doortay in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
Waxaan boggaadinaya dhammaan cidkasta oo ka qeyb qaadatay in doorashada Puntland ku qabsoonto si nabdoon iyo dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka dadka Puntland.
Maanta waxaan Aqalka Golaha Wakiillada DPL kaga qayb-galay Kal-fadhiga 52-aad oo uu si rasmi ah furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxaa sharaf weyn ii ah inaan saaka codkayga dastuuriga ah ka dhiibtay seejada Garoonka ee Bosaso. Waxaan la dareen ahay shacabwaynaha qoraxda ku codeenaya iyo cimilada kulul si hadafkooda iyo himiladooda u xaqiijiyaan.
Puntland Guul, Somalia Guul.
.
Guud ahaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walbba oo ay joogaan, waxaan ugu hambbalyeynayaa munaasibadda Ciidul Fidriga.
Waxaan Alle ka baryeynnaa in uu innaga aqbbalo acmaashii wanaagsaneyd ee gudashada Soonkii iyo sadaqada.
CIID WANAAGSAN.
Waxaa Sharaf weyn ii ah inaan maanta booqasho ku tagay Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, Waxaana safarkeena Hoggaaminayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxaanu booqnay xarumaha Bulshada iyo Kuwa Hay’adaha Dawliga ah sida, Iskuulka Degmada, Isbitaalka Guud, Saldhiga Degmada, Warshada Cusbada, Warshada Kalluunka iyo Ceelka Degmada Xaafuun oo loo diyaarinayo Warshad Biyaha macaaneysa.
.
Guul & Horumar.
Waxaan ka qeyb-galay Munaasibadda daah-furka dhammaystirka wejiga 2-aad iyo dhagax dhigga Wejjiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Boosaaso.
Waxaan Boggaadinayaa Horumarka balaaran ee ka socda dalka.
.
Waxaan maanta kulan kuwada qaadanay Magaalada Muqdisho Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah aqalka Congress Maraykanka.
Tacsi .
Waxaan halakan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay adeer Maxamuud Cali jaamac oo ku geeriyooday Magaalada Bosaso uu maalmahan ku xanuunsanaa.
ALLAH ha unaxariisto oo janatul firdawsa haka waraabiyo danbigiisa ilaah ha dhaafo.
Dhamaan eheladii iyo qarabadii uu ka tagayna
Samir iyo imaan hakasiiyo.
Aamiin yaarabi.
TACSI:
إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Marxuum Axmed Maxamed Nuur Geesod oo ku geeriyooday magaalada Dubai ee Imaarat ka Carabta.
Si gaara waxaan tacsi ugu dirayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni, oo uu Marxuumku adeerkii ahaa, Waxaan murugada la qeybsanayaa dhammaan qoyska reer Geesood iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, rabi naxriistii jano haka Waraabiyo Qabrigana ha u Nuuro.
Waxaan Allaah uga baryayaa in uu u dambi dhaafo, qabriga u waasiciyo, jannada Firdawsa ahna ka waraabiyo, Kitaabkiida middigta ha uga dhiibo, qoyskii, eheladii iyo guud ahaan intii uu ka baxayna samir ha ka siiyo.
Waxaan bogaadinayaa dhamaystirka wajiga 1aad ee dekada Garacad oo muhiim u ah ganacsiga guud ahaan dalkeena iyo gobolka geeska Africa.
. .
Waxaan caawa Madaxtooyada Puntland kaga qayb-galay kulan casho sharaf ah oo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni u sameyey waftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo maalmahan ku sugna Puntland.
& .
Maanta waxaan garoonka diyaaradaha Gen, Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhawaynay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo safar booqasho ah kusoo gaaray Puntland.
Madaxweyne kusoo dhawow .
& .
https://twitter.com/SenDahirAyaanle/status/1562798428161130498?t=K-bneUCa0fcyx1ygnn_1YQ&s=19
إنا لله وانا اليه راجعون
Eebbe godka ha u qaboojiyo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Oo maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday,
Waxaan Alle SWT u weydiinayaa inuu fadhigiisa Fardowsa ka yeelo, Qaranka, qoyskiisa iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin.
T a c s i
إنا لله وإنا اليه راجعون
Waxaa isoo gaadhey geeridida Xildhibaan h**e Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo caawa ku geeriyooday Garoowe, waa geeri xanuun badan oo aanan filayn waase qadarka Alle. wuxuu ahaa oday miisaan ween ugu fadhiyey Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya kana soo shaqeeyey Nabadda iyo Dowladnimada, gaar ahaan ka shaqeynta Amniga isagoo soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Xildhibaan Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland.
Waxaan uga tacsiyeeynaya dhammaan Shacabka Puntland, qoyska iyo qaraabada, Allena waxaan u weydiinayaa denbi-dhaaf iyo naxariis.
AMIN
AAMIN
AMIN.
Hambalyo dhamaan ummada Soomaaliyeed munaasibada Ciidul-Adxada farxadku ciida meelkasta oo aad Dunida ka joogtaan ciid mubaarak.
Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee u dabbaaldegaya farxada munaasabadda Ciidul Adxa Eebbe uga baryayaa caafimaadsan, horumar, nabad waarta, baraare iyo barwaaqo.
Hambalyo Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud.
Eebbe ha kuu fududeeyo masuuliyda aad qaaday.
Ciid Wanaagsan dhammaan Ummada Soomaaliyeed Allah baa mahad iska leh nabad iyo caafimaad qab inoogu dhameeyay bishii barakeysneyd ee Ramadan, Ilaahay acmaashii wanaagsaneyd ha innaga aqbalo aamiin.
Mar kale Hambalyo dhammaan Ummadda Islaamka ah meelkasta aad Dunida ka joogtaan.
Ciidul caafiya.
Waxaan maanta kulan wada qaadanay Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim.
Hambalyo Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka BJFS ee kusoo baxay doorashadii golaha Allah ha u fududeeyo masuuliyada weyn ee loo doortay.
Hambalyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS ee caawa la doortay Mudane Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) ilaahay xilka culus ee lagu doortay haku fududeyo.
Hambalyo Guddoonka cusub ee Aqalka Sare .
Maanta waxaan dooranay Gudoonka 4 sano ee soo socota ee Gollaha Aqalka sare,
Dhammaan 3 mudane ee kala ah Gudoomiyaha Aqalka sare Cabd Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Gudoommiye Ku-xigeenka labaad Abdullahi Ali Hersi Timacadde ilaahay xilka culus ha u fududeeyo.
Hambalyo Hambalyo.
Waxaan maanta yeelanayn Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 1-aad oo si rasmi ah maanta noogu furnay Ajandaha Kulankeena ayaa aha.
1- Warxibixin kooban ee guddoomiyaha KMG ah howlaha horyaal Golaha.
2- Qaybinta xeer-hoosaad u gaar ah doorashooyinka Guddoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Madaxwaynaha JFS.
Golaha Shacabka BJFS & Aqalka Sare
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Website
Address
Mogadishu
KM4
Mogadishu, 256
Waa bogga rasmiga ah ee Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.
Waberi
Mogadishu, 252
ASC waxan idinka mahad celinaya wacan ad usoo boqotay page-kani waxana kuso gudbin doona oo ad igala socon doontan ONLINE BUSSINES waxana so galin doona product-tiyal kala duwan in...
N/A
Mogadishu
Hadalyar iyo Howlbadan Hiigsi iyo Hormar Hufnaan iyo Cadaalad
MOE Building, Afgoi Road
Mogadishu, 252
MP, Formar Minister of Education,Culture & Higher Education, Somalia
Mogadishu, 252
Member of Somalia Federal Parliament | Fmr NISA Chief of Staff & Villa Somalia Dep. Chief of Staff
Soddonka Street
Mogadishu
Member of Finance & International Cooperation Committee, Somalia 11th Federal Parliament.