Tanaad Printing Press

Tanaad waa kaydkaaga iyo kaaliyaahaga

16/11/2023

Bandhiga buugga 'CASIGII DAHABIGA AHAA EE ISLAAMKA'

15/11/2023

Bandhiga buugga 'CASIGII DAHABIGA AHAA EE ISLAAMKA'

Waxaan si sharaf leh idinkugu martiqaadaynaa in aad nagala soo qaybgashaan Bandhiga buugga 'CASIGII DAHABIGA AHAA EE ISLAAMKA' oo ay qalinka u qaadatay Muna Sh.Axmed

Goorta: Jimcaha, 17-11-2023.
Goobta: Rays Hotel (Boorama)
Amminta: 6:30 PM (Maqribnimo).

Ka soo qaybgaalkaadu waa inoo muhiim.

MAHADSANID

05/11/2023

Daah-furka Buugga 'SAREEDO MAQAN'

Waxaan si sharaf leh idinkugu martiqaadaynaa in aad nagala soo qaybgashaan daahfurka buugga 'SAREEDO MAQAN' oo uu qalinka u qaatay Faarax Axmed Cali
Goorta: Arbaco, 08-11-2023.
Goobta: Hayaat Hall Km4.
Amminta: 6:30 PM (Maqribnimo).

Ka soo qaybgaalkaadu waa inoo muhiim.

MAHADSANID

05/10/2023

Ardayad Xaawo-Luul Cabdulqaadir oo soo koobtay dhiganaha SIDEE WAX LOO AKHRIYAA?
___________________________________________

Bismilaah.
Soo koobida dhiganaha SIDEE WAX LOO AKHRIYAA?.
•Qoraaga: Maxamed Saalax .
•Turjume: Maxamed Aadan Ismaaciil.
•Dhiganaha: Sidee wax loo akhriyaa?.
• Bogaga: 116.
• Madbacadda:Tanaad.

Horeysa iyo dambeysaba Alle ayee u sugnaatay mahad dhammaanteed, amaan, raacid iyo rumeyn nebigii Alle doortay ayaa mudan naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Sidoo kale, waxan u mahadcelinaya qoraaga buugga iyo afnaqaha oo afkeena innooga soo turjumay.

Mahad celin kaddib, dhiganahaan weydiinta ku bilaawanaya waxa uu hagayaa akhristayaasha ku cusub safarka wax akhriska. Qof walbana su'aashaan mar ayuu isweydiiyay, wixii jawaab ahaa ee uu soo helayna in ay shidaal u noqdaan baa u rejeyni.

Buuggaan waxa uu qoraaga kaga hadlay culimadii h**e iyo kutubta sida ay isku ahaayeen, waxa aynna wehel iyo wedaayba ka dhigteen buuggaagta dheefta leh, waqtigoodana wax akhriska ayee ku bixin jireen.

Culimada aad ayee wax u akhrin jireen ilaa heer ay cimrigoodu ay kusoo qaateen wax akhriska. Goobo gaar ah iyo meel lagu keediyo dhiganayaasha ayee lahaayeen, taasina waxa ay ina tuseysaa sida ay wax akhriska u jeclaayeen.

La joogitaanka buuggaagta ayaad ka heleysaa garasho sare iyo maan dhisid. Sidaas aawgeed, wax akhriska dheef badan ayaa laga helaa, tan ugu h**eysana waa wehelka uu kuu yahay iyo waxyaabaha badan ee aad ka faa'iideyso kolka aad gacantaada ku heysato dhiganayaasha.

Abuubakar Al Qafaali waxa uu leeyahay:-
√Dhiganaheygu waa aabbe baari ah iyo hooyo turid badan, labadaasba isaga ayaa ii ah marka aan aabbe iyo hooyo laheyn.
√Waxa uu iiga warramayaa warar aanan ka cabsaneen in aan ka daalo, waa run sheege aan ka cabsanin runta.

Dheefaha laga helo wax akhriska waxa ka mid ah:-
★ Waad noolaaneysaa kolka aad safarka wax akhriska ku biirto.
★ Wuxuu kaaga sheekeynayaa dhacdooyin waa h**e dhacay oo aadan goobjooge ka aheyn.
★ Wuxuu kaaga sheekeynayaa sooyaalka taariikheed ee bulshada soo maray.
★ Waxaad ku ogaaneysaa qarniyadii h**e iyo kan maanta adiga oo miisaanka saaraya taaganta aad joogto sida ay waayuhu yihiin.

Ugu dambeyntii buugga sida uu cinwaankiisa uu yahay wixii warcelin ah waxad ka akhrisan doontaan gudaha buugga ee soo akhrista, waa mid wanaagsan oo mudan in qof kasta uu soo akhristo, gaara ahaan dadka jecel wax akhriska. Waxana siinayaa afar xidig 🌟🌟🌟🌟, ee akhris wacan.

F.G: Qof kasta sabab ayuu wax u akhriyaa, akhriste kastana ula jeedka uu wax u akhriyo asiga ayaa garanaya, wax la akhriyana kitaabka quraanka kariimka ayaa mudan oo ugu h**eeyo, ajir badan ayaana laga helaa, sidaas darteed, qof walba haku dedaalo akhrinta kitaabka Alle goor walba.

∆Inta buug ee aad akhrisay waa kuwo maalin uun wax kuu tari doono.
Jimce wanaagsan.
Ila soo akhrista.
Mahadsanidiin.

Ardayad ✍️

Photos from Tanaad Printing Press's post 30/09/2023

Buug la magac baxay Casrigii Dahabiga ahaa ee Islaamka ayaa xalay lagu soo bandhigay magaalada Jigjiga.

Dhiganahan oo ay qortay gabadh dhallinyara ah oo udhalatay DDS ayaa waxaa kaso qaybgalay qaar ka mid ah masuuliyiinta Xafiska Xirfadaha & Shaqa-abuurka DDS, Mac'hadka Jaamacadda Jigjiga ee Afka Soomaaliga ,
Xildhibaanno, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Buugan oo lagaga hadlay laguna qalin reebay taariikhdii dahabiga ahayd ee Islaamka iyo aqoonta adduunka dadkii tiir dhexaadka u ahaa Islaamka iyo waayahoodi nololeed, iyada oo ogaal reeb looga dhigay "U fikir si dheer si aad ugu noolaato si gaaban''

20/08/2023

“Mataantii jacaylkaay,
Maxaad mudatahay dabaday?
Ma nooshahay, ma dhimashaa?
Xaggeed manta joogtaa?"

-Abwaan Faysal Cali Goonni

Buuggan Baadi Goobkii Mataanti Jacaylka, waa qiso dhex martay laba qof oo ah wiil iyo gabadh. Waa qiso taaban doonta meelo badan oo noloshaada ka mid ah, haddii aad dhuuxdid oo aad akhridid, dhammaysatidna. Taas oo ay ka mid yihiin sida: Daacadda, dhaqanka wanaagsan iyo kalsoonida nafta. Sidaa darted, labadan qof ee ay dhex martay qisadani waa laba qof oo inta ay kala lumaan oo uu wakhtigu kala kaxeeyay; ilaa midba uu qaarad tago. Kadibna way is baadi goobeen ilaa intii ay iska helayeen. Noloshana wadaagay amarka Illaahay iyo samirkooda.

Ridwaan iyo Rayaan waxaa is barashayoodii ka bilaabatay mid ka mid ah basaska rakaabka ah ee u kala goosha magaalada Burco iyo magaalada Hargeysa. Is barashadoodaa ka dib waxaa safar kadis ah magaalada Laasanood u gashay inantii Rayaan ahayd. Oo u tagtay dad qaraabadeeda ka mid ah. Safarkaa ay Rayaan u bilawday magaalada Laascaanood waxa uu bar bilaw u ahaa safarro badan oo ay ugu kala gooshtay: Qaarado: Waddamo, gobollo iyo magaalooyin ay degaan Soomalidu iyo kuwa aanay dagin labadaba. Halka safarkaasi Ridwaan uu u noqon doono bilawga, halganka iyo baadi goobka Rayaan. Isaga oo tagi doonta meel kasta oo luugu sheego. Kaas oo Ridwaan ku sababi doonta in tiroba laba jeer xabsiga la dhigo. Balse kaama danbaysta soo bixi doona. Isaga oo xabsiga iyo nolosha caadi ah labadaba kala kulmi doona nolol adag, oo ka duwan nolosha caadiga ah ee aynu nool nahay.

Wax wakhtigu iyo waayuhu is guroba waxaa la gaadhayaa wakhtigii uu nasiibku u hiilin lahaa lammaanaha. Waxana uu Ilaahay u suura galiyay rafaad iyo is-waa-dheer ka dib in ay nolosha ku midoobaan. Waxana ay qisadu ku soo idlaanaysaa guul ay gaadheen.


Tanaad Printing Press
Waa Keydkaaga iyo kaaliyahaaga
Kala xariir 0616326636

28/06/2023

كل عام وانتم بخير

Photos from Tanaad Printing Press's post 16/06/2023
Photos from Tanaad Printing Press's post 16/06/2023

14/06/2023. Galab Arbaco ah, waxa ay Tanaad Printing Press ka qaybgashay Xafladda sanad guuradda 2aad ee Murzali Platform, Waxayna door muhiim ah ka qaadatay qabsoomida Xafladaas.

Tanaad printing press, waxa ay marwaliba u taagan tahay dhiirigalinta dhalinta iyo sare u qaadida Akhriska iyo Qoraalka.

04/06/2023

Waa diyaar Buugga QISO IYO QALIN oo ay qalinka u qaadatay SUCDI MAXAMED JIMCAALE

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir: 61 6326636

30/05/2023

Sidee Wax loo Akhriyaa?
Qore:Maxamed Saalax Al-Munjid
Turjume: Maxamed Aadan Ismaaciil

Kitaabku waa wehel wanaagsan. Qofki la saaxiiba oo weheshada ayaa libinsaday, qofku wuxuu kitaabka ka kororsadaa aqoon, fahmad, murti iyo dulqaad. Qofku kitaabka wuxuu kaga mashquulaa waxyaabo aan laga mashquulin, sida barkulannada xanta iyo iskudirka lagu hayo iyo la saaxiibidda dadka ay hawadooda iyo baadilku hodeen. Laakiin... Akhriska wax-ku-oolka ah wuxuu leeyahay asaasiyaad iyo tiirar ay habboontahay in la ilaaliyo, si loo xaqiijiyo maslaxada togan ee akhriskaas laga leeyahay iyo si ay faa'iidadiisu u dhamaystiranto. Haddaba, maxay yihiin waxyaabaha akhriska togan horjoogsan kara? Maxaa sabab u ah in dadka lagu kari waayo akhriska Kutubta? Maxaase lagu xallin karaa arrinkaas? Illaa aan soo saarno jiil jiheysan oo aqoon iyo garasho sare ku hubaysan oo hab fikirkiisa iyo wacyigiisu ay sarreeyaan, kaa soo diintiisa baranaya, danaha diimeed iyo kuwa duunyeed xaqiijintoodane ku dadaalaya.

Arrimahaan iyo kuwa kale waxaan kaga bogan doonnaa mudaalacadeenna Kitaabkaan. Maxaa dadka uga muhiimsan ogaanshiyaha arrimahaan oo kale! Gaar ahaan da'yarta ay in badan oo wanaag-tabiyaasha ka mid ah kaga noogeen waano, wacyigelin iyo jiheyn inta ba. Kitaabku waa hub lagu la diriro jahliga, qofki si wanaagsan u adeegsada ugu horrayn naftiisa ayuu jahliga kaga xoraynayaa, oo hanuuninteeda iyo hagaajinteeda ayuu ku dadaali doonaa. Balse, qofki si xun u adeegsada Kitaabkaan, jahligiisi h**e inuu isaga jiro ayaa loo qaatay!

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir: 61 6326636

Photos from Tanaad Printing Press's post 25/05/2023

Maalinta 2aad iyo Munaasabadda bandhigga Carwada Buugaagta ee Muqdisho.

The Mogadisu Book Fair, 2023

Tanaad Printing Press
Waa Kaydkaaga iyo kaaliyahaaga!

22/05/2023

GOOR DHAW FILO

Waan ku jeclahay...Waab ku necbahay!!

Gabdhu marka ay saaxiibkeeda tiraahdo; aad ayaan kuu necbahay. Kuma arki karo, xabbad xitaa in aan kugu dhufto waan jeclaan laha. Inta aan ku la kulmi laha in aan iska dhinta ayaa la iiqaatay.

Marka ay timaheeda caro darteeda la rifayso, cijiyahana dhirif dartiisa ay la taagayso, jacayl ayay ka tahay ee ma ah nacayb. Wax farqi ah uma dhexeeyo jacaylka iyo nacaybka, labaduba waa olol, waa danayna saa'id ah, iyo xariir kulul oo ka dhexeeya labo qalbi.

Haddii aannu danayn jiri lahayn, dhiiggu ilaa heerka ma kacayn. Xubanahu ma kala dhantaalmeen.

Nacaybka waxa uu kalifa dhibaata ka badan tan jacaylka, sababtoo ah, waa dareen aan dabiici ahayn. Waa dareen rogan, sida dhaqdhaqaaqa walxaha ee ka dhanka ah cuj-isjiidadka dhulka. Waxa ay u baahantahay awood dheeri ah, tamar badana waa ay qaadanaysa.

Qayb kamid ah, buugga "NOLOSHA JACAYLKA" ee uu qoray Qoraagga iyo Mufakirka wayn ee Reer Masar Dr. Mustafa Maxamud.
Turjume; Cabduwahaab Buusiri.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir: 61 6326636

30/04/2023

GOOR DHAW FILO

Daabacaadii 2aad ee buugga Arday Bile oo uu qalinka u qaatay Saciid Ibraahim Abdullahi.
Buuggan oo uu ugu wanqalay magaca "Arday-Bile", waa buug talo siinayo, toosinayo, tarbiyeynayo, tayeynayo, taabbaggelinayo, isla markaasina turxaanbixinayo guud ahaan bahda waxbarashada, gaar ahaanna ardayda Soomaaliyeed—iyada oo aan loo eegin heerka waxbarasho oo ay kala jooggaan. Arday haddii aad tahay, buuggan waa dhigane kuu tilmaamaya dhabbaha ugu fudud ee aad nolosha adduunyo kaga guulaysan karto, waxa uuna tayeynayaa hab-dhaqanka noloshaada, aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada shakhsiyadeed.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir: 61 6326636

19/04/2023

GOOR DHAW FILO

Buugga SARBEEB oo uu qalinka u qaatay ustaad Cabdiraxman Rafiiqi , naga soo doono goordhow.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir:+252616326636

07/04/2023

GOOR DHAW FILO

Buugga BAADI KAA MAQAN oo uu qalinka u qaatay Muxudiin Samadoon , naga soo doono goordhow.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir:+252616326636

07/04/2023

GOOR DHAW FILO

Buugga GEEDDI SOCODKA GUUSHA oo uu qalinka u qaatay Abwaan Muqtaar GEEDDISAME , naga soo doono goordhow.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir:+252616326636

30/03/2023

GOOR DHAW FILO

Buugga GALKA MURTIDA & MAAH-MAAHDA oo uu qalinka u qaatay Ustaad Cabdiraxman Rafiiqi , naga soo doono goordhow.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir:+252616326636

30/03/2023

GOOR DHAW FILO

Buugga DHACDOOYINKA DHAQANKA oo ay qalinka u qaadatay Shukri Maxamed Xasan, naga soo doono goordhow.

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir:+252616326636

22/03/2023

Ramadaan Kariim

22/03/2023

GOOR DHAW FILO

Buugga NABSI iyo DHAAWAC oo uu qalinka u qaatay Ustaad Cabdi Wali Toosane, naga soo doono goordhow.

Buuggaan waxa u dhacaya qaab sheeko faneed ah, waxa uu qaadaadhigaya diiradana saaraya ayaaha cidkasta oo aaddanaha hagardaamo iyo lugooyo ladaba jooga. Buuggana oo kamid ah buugaagtii ugu danbayey ee uu qoraaggu qalinka u qaatay, goordhow ayaad ka heli doonta maktabadda Tanaad Printing Press, na soo booqo si aad cimrigaaga u kordhiso.

Golahaan istaagaa
Amaantaada gaarka ah
Goos-goos u tabiyaa.!

Caashaqaad gardaadisay
Intuu gun iyo baar baxay
Goonyaha u kala fiday
Intuu haanka ii galay
Ayuu igu gandoodaa...!

Tanaad Printing Press
Kaydkaaga iyo Kaaliyahaaga
Kala xiriir:+252616326636

02/02/2023

"Sideen u wanaajin karaa xirfadahayga wax-akhris?"

❓️Haddii tani ay tahay su'aashaada fariintaani adigaa iska leh.

📖Haddii aad rabto in aad horumariso xirfadahaaga wax-akhris waa in aad akhriska caado ka dhigataa.

📖Sida aad u qubeysato maalin kasta, sidaas oo kale wax u akhri maalin kasta.

" Joogtayntu waa furaha." -odhaah

Tani waxay sidoo kale khuseysaa akhrinta;
Haddii aad joogteeyso akhriska, waxaa hubaal ah in aad horumarin doonto xirfadahaaga wax-akhris.

Wax akhri maalin kasta.

Haddii aad runtii rabto inaad horumariso xirfadahaaga wax akhrinta waa inaad diyaar u ahaataa inaad maalin kasta wax akhrido.

Tanaad Printing Press

Want your business to be the top-listed Computer & Electronics Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Bandhiga buugga 'CASIGII DAHABIGA AHAA EE ISLAAMKA'

Telephone

Address

Baar-Ubax
Mogadishu
Other Printing Services in Mogadishu (show all)
Social Sign Social Sign
WadnahaRoad
Mogadishu

Digital Advertising Makers

SMART SIGN SMART SIGN
Howl-wadaag Street, Bakaro Near Hormuud Telecom
Mogadishu, 252

SMART SIGN is the digital printing and publication services in Somalia.The HQ is Mogadishu and has es

Hirbad Hirbad
Makkah Almukarama Street
Mogadishu

branding and Advertising agency

Kobciye Sign Kobciye Sign
STREET WADADA ABDIQASIM
Mogadishu

kusoo dhawoow shirkadda dabacadda guud ee KOBCIYE SIGN

Keif Advertising Agency Keif Advertising Agency
Mogadishu, Hawl Wadaag
Mogadishu

Tawaad advertising agency is a network of carefully selected, highly talented marketing & printing s

Qarni Sign Qarni Sign
Isgoyska Maanaboliyo
Mogadishu

graphic design and video editing

Pixel Digital Advertising Pixel Digital Advertising
Bakaaro Xarunta Weyn Ee Hormuud
Mogadishu, 2526

# Pixel Main services : Design, print, And photo

Qudus Sign Qudus Sign
Howlwadaag, Dhabarka Dambe Ee Amal Bank
Mogadishu

Qudus Sign | Printing and Advertising Company in Mogadishu

Mezut Ebrahim Printing Materials Mezut Ebrahim Printing Materials
Howlwadaag Street
Mogadishu, 00252

Aqiil Arts Aqiil Arts
Hamar Weyne
Mogadishu

KU SOO DHAWOOW AQIIL ARTS GROUP

Raad Printing Raad Printing
Maka Al Mukrama Road
Mogadishu

Printing made easier 🖨