Horyaal sports FM 98.2mhz

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Horyaal sports FM 98.2mhz, Sports, Degmada Hodan, Mogadishu.

30/05/2020

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

MOHAMED AHMED MOHAMED QOOMAAL
Olo Maga Cabay

15/04/2020

Juventus Oo Shaacisay Natiijada Baaritaan Lagu Celiyay Labo Ka Mid Ah Xiddigaheeda Uu Ku Dhacay Caabuqa Coronavirus

Juventus ayaa ku dhawaaqday in Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi inay labaduba ka soo kabsadeen caabuqa safmareenka ah ee Korona Fayrus.

Labada xiddig ayaa waxaa ku dhacay caabuqa halista ah bishii la soo dhaafay iyadoo Rugani uu noqday xiddigii ugu h**eeyay ee horyaalka Serie A ee uu haleelo xanuunkaan.

Maanta ayay Juventus xaqiijisay in labada xiddig ay si buuxda u soo kabsadeen iyagoo warbixin rasmi ah soo dhigay shabakadooda:

“Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi ayaa sida sharciga yahay waxay mareen baaritaan labo jeer ah oo laga eegayo caabuqa Coronavirus-Covid 19.

“Jawaabta baaritaanka waxay noqotay inaysan qabin. Sidaasi darteed ciyaartoyda waa ay soo kabsadeen, waana ay ka baxeen karantiilkii ay ku joogeen guryahooda.”

Paulo Dybala oo isna ah xiddigii seddexaad ee uu ku dhacay caabuqa ayaa u muuqda mid soo kabsaday inkastoo Bianconeri aysan weli xaqiijinin.
Xiddigaha kooxda Juventus ayaa karantiil wada galay madaama seddex ka mid ah asxaabtooda laga helay caabuqa coronavirus, laakiin haatan seddexduba waxay u muuqdaan kuwa soo kabsasho sameeyay.

Dalka Talyaaniga ayaa ka mid ahaa dalalkii uu sida xun u saameeyay caabuqa iyadoo Talyaaniga uu weli ku jiro soo kabsasho.

15/04/2020

Jurgen Klopp Oo Taatikadii Uu Ku Soo Xerogeliyay Virgil van Dijk U Adeegsanaya Xiddiga Koowaad Ee Diirada U Saaran Liverpool Xagaagan

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu si fool ka fool ah u la kulmo Timo Werner si uu uga dhaadhiciyo inuu u soo wareego Anfield.

Weerarayhanka ayaa waxaa doonaya dhowr kooxood xagaagan iyadoo Liverpool aysan dooneynin inay waqti badan ku dhumiso soo xerogelintiisa.

Kooxda ayaa ka dhigatay xiddiga Jarmalka bartilmaameedkooda koowaad, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo gaareysa ku dhawaad 50 milyan ginni.

Sida ay sheegtay jariirada weyn ee Jarmalka ka soo baxda ee Bild, Liverpool ayaa bilaabeysa inay sarre u qaado doonisteeda weeraryahanka kaasoo 21 gool ka dhaliyay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa doonaya inuu si fool ka fool ah u la kulmo Werner si uu uga dhaadhciiyo in Anfield ay tahay meesha ku haboon ee uu ku hourmarin karo waayihiisa ciyaareed.

Kulanka ayaase hakad la geliyay sababo la xiriira caabuqa coronavirus, waxaana macquul ah inay qaadato dhowr bilood ka hor inta aysan si waji ka waji ah isaga horimaanin.

18/03/2020

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

18/03/2020

waxay aheyd guul daro xanun badan kulanka adka ee
liverpool vs chelsea
goosha ugu qurux badneyd M.salah
fadlan hada kucusub tahay page
like saar
share garee
comentigana fikirkada ino gu reed
iyo wixii dhiragalin ah Mahad sanid

18/03/2020

Miyaad Waligaa Aragtay Champions League Oo Sabti Iyo Axad La Ciyaarayo? – Hadda Isku Diyaari

Xanuunka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya, waxa uu isbeddel ku keenay jadwaladdii caadiga ahaa ee ciyaaraha, waxaanu sababay in dib loo dhigo tartamada qaramada qaaradaha Yurub iyo Latin America ee Euro 2020 iyo Copa America 2020, sidoo kalena waxa halis ku jira ciyaaraha olambikada oo badhtamaha sannadkan qorshaysan in lagu qabto Japan.

Ciyaaraha horyaallada ayaa muddo bil ah taagan, waxaana jira kooxo badan oo soo sheegaya ciyaartooygeeda oo uu ku dhacay Coronavirus, gaar ahaan waddamada Spain iyo Talyaaniga.
Shir ay shalay isugu yimaaddeen xubnaha UEFA ayaa waxa lagu go’aamiyey in dhamaan horyaalladu ay dhamaadaan inta ka horreysa June 30 ee sannadkan, sidoo kalena ciyaaraha finalka Champions League iyo Europa League ayaa loo qoondeeyey inay noqdaan isla June.

Maadaama badhtamaha sannadka dambe ee 2021 la qaban doono Euro 2021 iyo Copa America 2021, waxa horyaallada xili ciyaareedka dambe ay tahay inay si degdeg ah u bilaabmaan si ay waqti h**e u dhamaadaan, sidaas oo kalena waxay tahay in fasal ciyaareedkan socda laagu dhamaystiro xilliga loo qorsheeyey, hase yeeshee, haddii xanuunka Coronavirus uu sii jiro, maxaa la yeeli doonaa?

Kulamada Champions League ayaa la sheegay in la ciyaari doono laba maalmood oo Sabti iyo Axad, sidoo kalena laga yaabo in Salaasada iyo Arbacada lagu daro, si waqti h**e ay u War-saxaafadeed ay shalay soo saartay UEFA, ayaa waxa lagu sheegay in ay suurtogal tahay in ciyaaraha Champions League iyo Europa League la ciyaaro maalmaha Sabtida iyo Axadda ee ay gaaladu u taqaano ‘dhamaadka usbuuca’, halka tartamada maxalliga ahna loo rari doono badhtamaha usbuuca.

“Xaidaadaha suurrtogalka ah, ama in wax alga dhimo jadwalka hadda, waxay sababi karayaan in tartamada xilliyda la ciyaarayo kulamada maxalliga ah loo raro badhtamaha usbuuca iyo tartamada UEFA oo ciyaarahooda la geeyo dhamaadka usbuuca (Sabti iyo Axad” ayay tidhi UEFA.

18/03/2020

Xidhiidhka FA Oo Soo Saaray War Cusub Oo Mugdi Gelinaya Horyaalka Premier League

Hadal kasoo yeedhay Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham ayaa warar cusub ku abuuray kubadda cagta dalkaas, gaar ahaan horyaalka Premier League oo dhamaadkiisa ay inta badan kooxaha uga hadhsan yihiin 9 kulan iyo shan kooxood oo min 10 ciyaarood u dhiman yihiin.

Horyaalka Premier League iyo Championship-ka ayaa dib u bilaabmi doona April 4, laakiin xanuunka Coronavirus oo wali sii faafaya ayaa mugdi gelinaya haddii ay suurtogal noqonayso in ciyaaruhu qabsoomaan.
Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham oo ka hadlay haddii horyaalka Premier League iyo EFL dib loo bilaabi doono ayaa waxa uu sheegay in isaguba aanu garanayn haddii ay taasi dhici karto amaba horyaalka xili ciyaareedkan la dhamaystiri karayo, laakiin ay tahay inta ka horreysa bisha June in go’aan laga gaadho qaabka lagu dhamaynayo.

“Waxa jira xaalado badan oo kala duwan oo aanaan midkoodna meesha ka saaraynin.” Ayuu yidhi Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham, waxaanu tilmaamay in aanay cidina ogeyn waxa dhici doona, waxaanu yidhi: “Qofna ma oga waxa dhici doona, fakaagna waxaanu u haysanaa in xagaaga la dhamaystiro, taas oo ah ahmiyadda qof walba.”

17/03/2020

Tababarihii Ugu Horreeyey Brazil Oo Laga Helay Coronavirus Iyo Koox Weyn Oo Dhamaanteed Go’doon La Geliyey

Xanuunka halista ah ee CVID-19 ayaa gaadhay waddanka Brazil, waxaana u jiifa oo laga helay tababaraha kooxda kubadda cagta Flamengto, Jorge Jesus, kaas oo uu xanuunkiisu soo baxay maalmo kaddib markii la ogaaday in Madaxweyne ku-xigeenka kooxdaas ee Mauricio Gomes de Mattos uu hayo Coronavirus.

Jorge Jesus oo Flamengto u qaaday Campeonato Brasileiro Serie A iyo Copa Libertadores xili ciyaareedkiisii u horreeyey, kaddib markii uu kaga soo biiray naadiga Al-Hilal, ayaa baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaaday in COVID-19 laga helay, laakiin kooxdiisa ayaa waxay tilmaantay inay mar kale ku celin doonto baadhitaan.

Dhamaan ciyaartoyga kooxda Flamengo ayaa karantiil la geliyey, sidoo kalena shaqaalaha tababarka iyo maamulka sare ayaa ku jira dadka sida gaarka ah daryeelka caafimaad loogu fidinayo maadaama ay si dhow ugu xidhnaayeen Gomes de Mattos.

Weeraryahanka kooxaha reer Yurub eryanayaan ee Gabigol oo dhaliyey goolkii guusha u horseeday Flamengo ciyaartii finalka Copa Libertadores ay kaga qaadday River Plate ayaa ku jira ciyaaryahannada karantiilka ku jira, laakiin qoraal uu soo saaray ayuu tababaraha reer Portugal ugu rajeeyey caafimaad degdeg ah.

17/03/2020

Miyuu Zlatan Ibrahimovic Xaqiiq Ahaan Neceb Yahay Cristiano Ronaldo? – Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Qoray

Zlatan Ibrahimovic si ixtiraam leh ayuu uga hadli jiray kabtanka reer Portugal Cristiano Ronaldo laakiin isbedel ayaa ku dhacay qaabkii uu uga hadli jiray xiddiga ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or muddo shan jeer ah.

Miyuu Zlatan Ibrahimovic xaqiiq ahaan neceb yahay Cristiano Ronaldo?

Waxaa jira hal Ronaldo waana midka reer Brazil. Cristiano tayadiisa ma ahan mid dabiici ah, waxay ku timid shaqo badan.” ayuu Ibrahimovic u sheegay majalada GQ sannadkii 2019.

Ibrahimovic ayaa si weyn u jeclaa halyeeyga reer Brazil Ronaldo markii uu da’ yaraa, laakiin taasi marmarsiiyo uma noqoneyso in ixtiraamdarro loo muujiyo halyeeyga waqtigaan casriga ah Cristiano Ronaldo.

Tiro dhowr jeer ah ayuu Ibrahimovic liiday xiddiga reer Portugal Ronaldo.

Markii Cristiano Ronaldo uu ka tagay Real Madrid oo uu ku biiray kooxda Talyaaniga ee Juventus, wuxuu iclaamiyay inay u tahay tartan cusub oo waayihiisa ciyaareed ah.

Laakiin Zlatan Ibrahimovic ayaa hadalkaas ku weeraray Ronaldo isagoo sheegay in hadalkii uu yahay mid qashin ah.

“In lagu biiro Juventus lama micno ahan tartan cusub, in lagu biiro mid ka mid ah kooxaha ugu fiican dunida ma ahan tartan cusub. Aniga waxaan tartan cusub u garanayaa inaad ku biirto koox liidata oo aad meel sarre geyso.” ayuu Ibrahimovic ka yiri Ronaldo isagoo la hadlayay Dazn.

Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in tartan cusub uu u yaqaano in lagu biiro koox hoos u dhaceysa sida uu isagu sameeyay markii uu ku biiray AC Milan bishii Janaayo isagoo saameyn weyn ku yeeshay kooxda.

Zlatan iyo Ronaldo waligood islama ciyaarin, sidoo kalena hadal kulul ama dagaal kuma dhexmarin garoonka dhexdiisa.

Ma laga yabaa in Ibrahimovic uu ka maseyrsan yahay Ronaldo madaama xulkiisa Sweden ay ku hareen gacmaha Porgtugal isreebreebkii Koobka Adduunka ee 2014.

Ciyaartaas ka dib ayuu Zlatan Ibrahimovic ku hadlay oraah caan noqotay isagoo yiri: “Koob Adduun oo aan aniga ka maqanahay ma istaahilo in la daawado”

Ibrahimovic waxaa lagu yaaqanaa inuu si xun uga hadlo ciyaartoyda kale mana ahan xiddig la ganbada fekerkiisa, isagoo sheegay in sababta uu xiddigaha kale u weeraro inay tahay inuu isku dhiirogeliyo.

Markii uu joogay horyaalka Mareykanka waxa uu si joogta ah u dhaleeceynayay xiddiga ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu fiican horyaalka Mareykanka ee Carlos Vela.

Waa ay u shaqeysay madaama uu Ibrahimovic qaab ciyaareedkiisa fiican dib u helay islamarkaana uu guulo ku hogaamiyay LA Galaxy.

17/03/2020

Tababare U Geeriyooday Caabuqa Dilaaga Ah Ee Coronavirus & Spain Oo Looga Murugoonayo

Tababare kubada cagta ah oo u dhashay dalka Spain oo lagu magacaabo Francis Garcia ayaa u geeriyooday caabuqa Coronavirus isagoo da’diisa ay aheyd kaliya 21 sanno jir.

Ninkaan da’da yar ayaa la shaqeynayay kooxda Malaga ka dhisan ee Atletico Portada Alta tan iyo 2016kii isagoo ahaa tababaraha kooxdooda da’da yar.

Ku dhawaad 300 qof ayaa u dhimatay caabuqa Coronavirus dalka Spain.

Garcia ayaa ahaa dhibanihii shanaad ee xanuunkaan ee gobolka Malaha laakiin waa qofkii ugu da’da yaraa ee u dhinta cudurka halka dadka kale ee geeriyooday ay da’ooda u dhaxeysay 70 ilaa 80 sanno jir.

Si kastaba, tababaraha Isbaanishka oo cusbitaalka la geeyay markii uu haleelay Coronavirus ayaa sidoo kale waxaa laga helay kansar.

Madaama uu qabay cudurka kansar waxay saameyn ku yeelatay awoodii uu kula dagaalami lahaa caabuqa. Dadka qaba xanuunada waa weyn ayuu halis weyn ku yahay Coronavirus.

Advertisements


Waxaa loo maleynayaa in Garcia uu yahay shaqsigii ugu da’da yaraa ee u dhinta Coronavirus, inkasyoo canug yar oo dhawaan la dhalay uu haleelay Coronavirus isbuucii la soo dhaafay dalka UK.

Kubada cagta Spain oo ay ku jirto La Liga ayaa hakad la geliyay si loo ilaaliyo fayowqabka ciyaartoyda, shaqaalaha kooxaha iyo taageerayaasha islamarkaana loo yareeyo faafida caabuqa dilaaga ah.

17/03/2020

UEFA Oo Magdhow Weydiisan Doonta Kooxaha Iyo Xidhiidhada Dalalka Yurub Haddii Uu Dib U Dhaco Tartanka Euro 2020

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa magdhow ka dalbadan doona kooxaha Yurub ee ka qayb-gala tartamada Champions League iyo Europa League League, haddii uu dib u dhac ku yimaaddo xilligii loo qorsheeyey oo ahaa bisha June.

Horyaallada dunida intooda badan oo ay ku jiraan Champions League iyo Europa League ayaa hakad la geliyey markii uu soo baxay xanuunka Coronavirus oo si ba’an u faafaya, waxaanay hadda xaniban yihiin muddo bil ah iyadoo la filayo in bisha April horraanteeda lagu soo laabto garoomada.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Nyon ee waddanka Switzerland, waxaanay ku gorfaynayaan go’aamo xaasaasi ah oo ay kasoo saari doonaan sida laga yeelayo tartanka Euro 2020 ee bisha June ku muddaysan iyo tartamada kale ee Champions League iyo Europa Legue oo hakad galay.

Go’aamada laga soo saaro, waxa la filayaa inay noqdaan kuwo dib u riixa waqtiga EURO 2020 maadaama ay suurtogal tahay in xili ciyaareedkani ka dheeraado waqtigiisii caadiga ahaa ee uu ku dhamaan jiray

Advertisements


Sida uu ku warramay David Ornstein oo ka tirsan warbaahinta The Athletic, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA waxay ka dalban doontaa kooxaha iyo xidhiidhada £275 milyan oo magdhow ah, laakiin waa haddii la isku raaco in muddo 12 bilood ah Euro 2020 dib loo dhigo.

Wariyuhu ma sheegin masuul uu kasoo xigtay arrintan iyo sida ay ku hirgeli karayso, laakiin waxa la sugi doonaa waxa kasoo baxa shirka UEFA ee maanta.

17/03/2020

Goolasha Cristiano Ronaldo, Rikoodhka Guul-darro La’aanta Lazio, Saamaynta Ibrahimovic Iyo Xogta Cajiibka Ah Ee Laga Diiwaangeliyey Serie A Xili Ciyaareedkan

Horyaalka kubadda cagta waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa dib u furmi doona sida uu qorshuhu yahay April 3, kaddib muddo bil ah oo loo joojiyey xanuunka Coronavirus ee dalkaas iyo waddamo kale oo badan ba aafeeyey.

Waddanka China oo uu Coronavirus kasoo bilaabmay, waxay hadda u muuqdaan inay xakamaeeyeen, laakiin Isniintii, waxa waddanka Talyaaniga dadka uu ku dhacay ay marayeen 24,747 qof oo 1,809 qof oo ka mid ah ay u geeiyoodeen.
Ka hor intii aanu xanuunkani carqaladaynin horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxa xorriyad dhinaca gool-dhalinta ah haysatay Atalanta oo wacdaro layaab leh dhigaysay, laakiin Lazio oo rikoodh guul-darro la’aan ah oo layaab leh samaynaysa ayaa horyaalka kula hirdamaysa Juventus iyo Inter Milan oo dagaalka ugu adag dhex-marayo, laakiin naadiga uu hoggaaminayo Simone Inzaghi waxay culays badan ku hayaan labada naadiba oo ay xattaa usbuucyadii ugu dambeeyey mar kala wareegeen hoggaanka.

15/03/2020

Van Dijk Oo Balanqaad Ku Saabsan Dabaaldega Hanashad Premier LeagueU Sameeyay Taageerayaasha Liverpool

Virgil van Dijk ayaa sheegay inuu aadka uga xumaan doono haddii taageerayaasha Liverpool ay awood u yeelan waayaan inay u dabaaldegaan horyaalkoodii ugu h**eysay ee muddo 30 sannadood ah.

Caabuqa faafaya ee Coronavirus ayaa qasab ka dhigay in hakad la geliyo horyaalka Premier League ilaa iyo bilowga bisha April.
Marka la gaaro bisha April waxaa suurtogal ah in kulamada lagu ciyaaro garoomo maran.

Geesiga Liverpool Van Dijk ayaa u murugeysan taageerayaashii isku diyaarinayay dabaaldega hanashada horyaalka ka hor inta uusan dilaacin caabuqa Coronavirus.

Laakiin waxa uu ka balanqaaday in ciyaartoyda Liverpool ay hanashada horyaalka uga dhigi doonaan mid special ah marka wax walba ay si caadi ah ku soo laabtaan.

“Haddii aan horyaalka ku qaadno garoon maran oo aysan taageerayaasha joogin, aad ayaan uga xumaan doonaa” ayuu yiri daafaca.

15/03/2020

Man United Oo Talaabo Weyn Oo Looga Hortagayo Coronavirus Qaaday Madaama Ay Yihiin Kooxda Kaliya Ee Premier League Ee Tababar Sameyneysa Waqti Xaadirkaan

Dhakhaatiirta kooxda Manchester United ayaa ka baaraya caabuqa Coronavirus xiddigaha kooxda labo jeer maalintii inta ay joogaan xarunta tababarka.

Shaqaalaha caafimaadka ee xerada tababarka Man United ee loo yaqaano Carrington ayaan dooneynin inay qaataan wax riski ah madaama uu fidayo caabuqa Coronavirus.
Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in kooxda Ole Gunnar Solskjaer la baaro marka ay soo galayaan iyo marka ay ka baxayaan xarunta tababarka.

United ayaan qorsheyneynin inay xirto garoonkeeda tababarka ee Carrington weli, inkastoo garoomada tababarka Arsenal iyo Everton ee laga helay caabuqa Coronavirus ay xiran yihiin.

11/03/2020

sadaali kulanka adag udhaxeyo kooxaha
liverpool vs atletico madrid kooxda badineyso
kugu leyso lagac dhan 50dollor
shuruudaha
like saar
share garee
comentiga inoo guureeb waxa ay kudhamaneyso

Photos from Horyaal sports FM 98.2mhz's post 11/03/2020

Liverpool Champions!!!! Kaddib Baaqashada Kulanka Man City vs Arsenal, Goorma Ayay Liverpool Ku Guuleysan Doontaa Horyaalka Premier League?

Kulankii caawa dhex-mari lahaa Manchester City iyo Arsenal ayaa la baajiyey markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciyaartooyo ka tirsan Arsenal ay la kulmeen qof la xaqiijiyey inuu ku dhacayo xanuunka Coronavirus oo ah mulkiilaha naadiga Olypmpiacos oo February 27 garoonka Emirates ku daawaday ciyaartii ay Gunners kaga reebeen Europa League.

Ciyaartan baaqatay waxay isbeddel ku keentay waqtiga ay Liverpool ku guuleysan doonto horyaalkeedii ugu horreeyey muddo soddon sannadood ah, kaas oo ay suurtogal ahayd in maalinta Sabtida loo caleemo-saaro.

Horyaalka Premier League oo ay ka hadhsan yihiin sagaal ciyaarood, Liverpool kaliya waxay uga baahan tahay laba guulood ama lix dhibcood, laakiin waxa suurtogal ahayn in iyagoon xattaa garoonka soo gelin Sabtida ay noqdaan horyaalka, sababtuna waxay ahayd in Manchester City oo kusoo xigta ay khasaare geli karaysay ciyaarta caawa ay la dheeli lahayd Arsenal iyo kulanka xiga ee Sabtida ee Burnley, taas oo haddiia ay dhici lahayd ay lixdii dhibcood ee ay Liverpool u baahnayd ay City ka go’i lahaayeen.

Kooxda tababare Klopp oo maalinta Isniinta ee 16 March tegaysa garoonka Goodison Park, waxay wali u dabbaal-degi karaysaa horyaalnimada haddii ay guuleysato, isla markaana laga badiyo City oo garoonkeeda Etihad ku qaabbili doonta Burnley March 14.

10/03/2020

Real Madrid Oo Xaqiijisay Labo Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Seegaya Kulanka Adag Ee Man City Ee Champions League

Goolhaye Thibaut Courtois iyo Marcelo ayaa seegi doona labada kulan ee soo socota ee Real Madrid ka dib dhaawacyo soo gaaray.

Labada xiddig ee muhiimka u ah tababare Zinedine Zidane ayaa seegi doona kulanka Jimcaha ay la ciyaarayaan kooxda Eibar iyo kulanka Talaadada ku xigta ee ay la ciyaarayaan Manchester City ee Champions League.

Courtois iyo Marcelo ayay sidoo kale u badan tahay inay seegi doonaa kulanka ku xiga ee ay Bernabeu kula ciyaarayaan Valencia 21ka bishaan Maarso.

Goolhayaha reer Belgium ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaaray kulankii Axada ee Real Betis. Kooxda Los Blancos ayaa sidoo kale xaqiijisay Marcelo oo la bedelay daqiiqadii 59aad ee kulankii Betis inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada lugta bidix.

Inkastoo Real Madrid aysan shaacinin mudada uu garoomada ka maqnaan doono Courtois hadana waqtiga looga soo kabsado dhaawacyada ceynkaan oo kale ah waxay qaadataa muddo labo isbuuc ah.

10/03/2020

DEG-DEG: Horyaalka Waddanka Spain Ee LaLiga Oo Muddo Laba Toddobaad Ah Lagu Ciyaari Doono Garoomo Madhan

Waxa halkooda kasii socda saamaynaha kala duwan ee uu xanuunka Coronavirus ku yeelanayao kubadda cagta caalamka waxaana markan laga dareemi doonaa garoomada kubadda cagta ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Dhawaan ayay ahayd markii xidhiidhka kubadda cagta Talyaanigu ay gaadheen go’aan ah in mudo ku dhawaad hal bil ah gabi ahaanba hakad la geliyo horyaalka Serie A ee dalkaasi.
Haatan xidhiidhka kubadda cagta ee Spain oo markooda go’aan gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in labada kulan ee soo socda ay kooxaha horyaalkaasi dhammaantood ku ciyaari doonaan garoomo madhan oo jamaahiir la’aan ah.

Jamaahiir la’aanta ahaa dhibaato gaar ahaaneed ku noqonaysa koox kasta oo kulankaas garoonkeeda lagu ciyaarayay maadaama oo ay waayayaan taageerihii iyo dhiiri-gelintii ay jamaahiirtoodu ku cabsi gelinayeen kooxda kasoo horjeeda.

Barcelona oo haatan hoggaanka horyaalka La Liga dib u qabatay ayaa labadaas kulan midka h**e booqan doonta Mallorca halka ay midka dambe soo dhawayn doonto Leganes,

Dhinaca kale Real Madrid oo iyadu toddobaadkan lumisay hoggaanka horyaalka ayaa kulanka h**e ee labadaas kulan soo dhawayn doonta kooxda Eibar halka ay midka dambe markale soo dhawayn doonto kooxda xoogan ee Valencia.

08/03/2020

Saadaali oo ku guuleyso $50 Dollar



1.Like saar page kan !
2. Ku Share Garee post-gan ugu yaraan 10 Group
3.Saadali Natiijada Ciyaarta iyo Xidiga Dhalin Doona Goolka 1aad..
4.Chennelkan Subscribe Saar Mahadsanid
Link Hoos Taabo
https://youtu.be/XQ4duDg3VFg

FG : Qofka xaga Wakhtiga ugu h**eeya ee buuxiya Dhamaan Shuruudaha ayaa ku Guulaysan doona Abaalmarinta

Waqtiga ay ku eegtahay waa 1 Saac Ka Hor Kulanka insh alh !!

07/03/2020

Liverpool Oo Rikoodh Cusub U Dhigtay Horyaalka Premier League

Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu h**eysay abid ee taariikhda horyaalka Ingariiska ee 22 kulan oo xiriir ah ku badisa garoonkeeda ka dib markii ay 2-1 ku qaarjiyeen kooxda Bournemouth.

Guushii kulanka maanta ayaa ka dhigan in Liverpool ay tahay kooxda kaliya ee horyaalka Ingariiska ee garoonkeeda ku badisay 22 kulan oo isku xigta.
Rikoodhka ay Liverpool dhigtay iyaga ayaa iska jabiyay madaama ay rikoodhkaan ku hayeen 21 kulan oo isku xigta oo ay Anfield ku badiyeen horyaalka Ingariiska intii u dhaxeysay Janaayo ilaa December 1972, waxaa iyagana 20 kulan oo isku xigta garoonkooda ku badiyay horyaalka Ingariiska kooxaha Man City, Newcastle iyo Preston.

Bournemouth ayaa hogaanka ku hormartay kulankii maanta ka dib gool uu u saxiixay Callum Wilson laakiin waxaa Reds u barbareeyay Mohamed Salah kaasoo dhaliyay goolkii 70aad ee kulankiisii 100aad ee Premier League ee Liverpool.
Waxaa Reds guusha u xaqiijiyay Sadio Mane kaasoo isna kaalinta afaraad ka soo galay xiddigaha Afrika ee ugu goolasha badan Premier League isagoo dhaliyay goolkiisii 80aad ee horyaalka.

07/03/2020

saadali kulanka adaag ee udhaxeyo kooxaha
liverpool vs Bournemouth
kugu leeyso lagac 2o dollor ah
sharudahana buuxi
like saar page ka
share garee
commentiga nogu reeb sadalintada iyo numberkada
si aan kuso garsiino abaal marintada

07/03/2020

Solskjaer Oo Ciyaartoyga Manchester United Ka Joojiyey Inay Daawadaan Muuqaalo Laga Soo Ururiyey Man City, Si Ay Uga Fiirsadaan Meelaha Ay Kaga Adkaan Karayaan

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyey inuu isbeddel ku samayn doono qaabkii ay kooxdiisu ugu diyaar-garoobi jirtay kulamada, isla markaana uu joojinayo inuu ciyaartoygiisa daawadsiiyo muuqaallada Manchester City ka hor inta aanay ciyaartu bilaabmin.

Manchester United waxay si la mid ah kooxaha kale ciyaartoygeeda daawadsiin jirtay muuqaallo loogu sharraxayo naadiga ay la ciyaarayaan, iyadoo loo tilmaamayo meelaha ay ka jilicsan yihiin, sida ay taatiko ahaan ugu qaban karayaan weerarka lagu soo qaado iyo habka ugu fudud ee ay guul uga keeni karayaan.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlayey shir jaraa’id waxa uu xusay in aanu ciyaartoygiisa Jimcihii shalay iyo Sabtida maanta midkoodna siin doonin muuqaallo daawasho ah oo ay ku dersayaan City, waxaanu yidhi: “Ma jiri doono muuqaal Video ah oo ciyaartoyga la daawadsiinayo Jimcaha ama Sabtida, sababtoo ah marar badan ayaaanu iyaga la ciyaarnay, makaa taas ayaa caawinaysa.

“Waxaanu doonaynaa inaanu ciyaarno, kooxdayduna wali horumar ayay samaynaysaa, waxaananu rabnaa inaanu ka hor tagno kuwa ugu wanaagsan. Waxaanu u baahanahay inaanu barano, usbuucyadii ugu dambeeyeyna waxay ahaayeen kuwa ugu wanaagsan. Anaga ahaan, loollan adag ayay noo tahay.”

Ole Gunnar Solskjaer waxa uu tilmaamay in kooxdiisu ay haysato wax ay layaab ku gelin karto Manchester City, sidaas oo kalena Pep Guardiola uu isaguna haysto sidaas oo kale.

United iyo City, waxa kulankoodani uu imanayaa iyagoo guulo ka keenay ciyaarahoodii FA Cup oo ay wareegga 8-da ogyihiin kuwa ay la ciyaarayaan

07/03/2020

Liverpool Oo Shaqada Ka Caydhinaysa Jurgen Klopp, Saddexda Tababare Ee Beddelkiisa U Sharraxan Iyo Waayihii Farxadda Anfield Oo Isbeddelay

Liverpool iyo Jurgen Klopp waxay soo wada qaateen waqti farxad badan, laakiin hadda dib ayay wax u noqdeen, waxaana saddex guul-darro oo kali ah ay beddeleen jawigii Anfield.

Reds waxay afar ciyaarood oo guulo ah kaddib ku guuleysan karaan horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo soddon sanandood ah, waxaanay 22 dhibcood ka horreeyaan kooxda kusoo xigta ee Manchester City xilli dhamaadka xili ciyaareedkana kaliya 10 ciyaarood ay ka dhiman yihiin.

Xisaab ahaan, Liverpool waxay u baahan tahay 12 dhibcood si ay horyaalka u qaadato, saamayna kuma yeelan karaan waxa ay sameeyaan naadiyada kale marka laga reebo in dhibcaha ay u baahan yihiin ay uga soo yareeyaan inta ay hadda yihiin.

Tababare Jurgen Klopp oo heshiis soconaya illaa 2024 kula jira Liverpool, waxa uu h**e ugu qaaday Champions League iyo Club World Cup, laakiin waxa toddobaadkan sugaya kulan weyn oo ay u baahan yihiin inay ku garaacaan Atletico Madrid oo lugtii h**e 1-0 kaga soo badisay, si ay ugu gudbi karaan wareegga 16-ka.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star, Liverpool waxay hadda suuqa u gelaysaa inay raadsato tababarihii beddeli lahaa Jurgen Klopp, waxaana u calaamadsan saddex macallin oo midkood uu raad-h**e ku lahaa Anfield.

07/03/2020

Xanuunka Coronavirus Oo Sabab U Noqday In La Baajiyo Ciyaartii Maanta Ee PSG vs Strasbourg

Dhibaatada uu xanuunka Coronavirus ku haya nolosha binu-aadamka ayaa sii kordhaysa, waxaana daqiiqad kasta la diiwaangelinayaa dad cusub oo uu ku dhacay, waxaana cabsidii marka h**e lagu go’doomiyey waddanka China ay noqotay mid dunida oo dhan la wadaagtay.

Waddanka China oo ah dalkii uu kasoo bilaabmay, waxa ku dhintay dadka ugu badan illaa hadda, gaar ahaan magaalada Wuhan, waxaana albaabada la isugu dhuftay Jaamacadihii, dugsiyadii iyo xattaa ciyaarihii
Markii uu usoo gudbay qaaradda Yurub, Talyaaniga ayaa noqday dalka uu xattaa ciyaarihiisii hilfaha u laabay, waxaana labadii usbuuc ee tegay la baajiyey kulamo badan, qaar kalena garoomo madhan ayaa lagu ciyaaray.

Waddanka Faransiiska ayaa noqday dalka labaad ee ka mid ah shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub ee uu ciyaarihiisii saamaynta ku yeeshay, waxaana la baajiyey kulankii maanta dhexmari lahaa kooxda hoggaanka horyaalka haysa ee Paris Saint-Germain iyo Strasbourg, kuwaas oo cabsi darteed dib loogu dhigay.
Maamulka horyaalka Ligue 1, ayaa go’aamiyey in kulankan oo bilaabmi lahaa fiidka caawa gebi ahaantiiba dib loo dhigo, lamana sheegin waqtiga suurtogalka ay tahay ee la ciyaari doono.

Waxa kale oo albaabada loo laabay dugsiyada gobollada Ouse iyo Haut-Rhin oo muddo 15 maalmood ah fasax la geliyey ardayda, iyadoo gobolladaas la sheegay inuu Coronavirus ka dillaacay.

06/03/2020

Mohamed Salah Oo Baacsanaya Rikoodh Gaar Ah Oo Premier League Kulanka Bournemouth

Xiddig walba waxa uu leeyahay koox uu jecelyahay in uu ka hor tago waliba uu mar walba gool ka dhaliyo Mohamed Salah ayaana Sabtida ka hor iman doona kooxda uu jecelyahay in uu la ciyaari.
3 Sabab darteed Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa jecel in uu mar walba ka hor tago kooxda Bournemouth.
Salah ayaa dhaliyay 7 gool 5 kulan oo uu ka hor tagay kooxda Bournemouth Kuwaas oo iman doona sabtida Anfield kulan ka tirsan toodbaadkii 29-aad ee premier League.
Hadii uu gool dhaliyo waxa uu salah sii dheeraysan doonaa rikoodhka khaas ah isaga oo haatan la bar-baro ah Xiddiga Burnley ee Chris wood kaas oo 6 gool ka dhaliyay West Ham 5 kulan oo uu ka hor tagay.
Taas ayaa Salah iyo Wood ka dhigi doona kaliya labada xiddig ee taariikhda premier League rikoodh 100% ah ku leh koox kale oo ay ka hor tageen.
Laakiin hadii uu salah 6 kulan ka dhliyo 8 gool waxa uu noqn doonaa xiddiga kaliya ee rikoodhkaas ka dhigay premier League maadama uu Wood la ciyaari doonin West Ham ilaa 18 bisha April.

06/03/2020

Man United Oo Dhirbaaxo Xun La Kulantay Ka Hor Kulanka Man City, Maxaa Soo Kordhay?

Harry Maguire ayaa ku qasbanaaday in uu seego kulankii FA Cup-ka ee ay Man United garaacday Derby kadib markii uu soo gaadhay dhaawac kuraanta ah dhaawacaas ayaana keeni kara in uu seego kulanka adag ee ay Man United la ciyaari doonto Man City Axada.

Tababaraha Man United ee Ole Gunner Solskjaer ayaa xaqiijyay in sababta uu xiddigu u seegay kulankii Derby tahay dhaawac ka soo gaadhay tababarka.

“Waan la hadlay isaga ka hor tababarkii shalay, waxana aan u sheegay in aanan Nasin doonin kulanka Derby”ayuu Solskjaer u sheegay MUTV.

“Laakiin waxa uu ka dhaawacmay Kuraanta intii uu ku jiray tababarka, waxa aan rajaynayaa in uu taam noqon doono laakiin ma hubo in uu diyaar u noqon doono kulanka Man City”ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Man United marka loo eego in uu Maguire yahay daafac si fiican u dajiyay kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray.

05/03/2020

saadali kulanka adag ee galabta udhaxeya kooxaha
muqdisho city club VS Rajo Football Club
oo kuguu leyso abaal marin qaali ah
guuleystaha ugu h**eyo ayan abaal marinta gudoonsiin donaa

shuruudaha
like saar page
share garee
comentiga noogu reeb waxa ay ku dhamaneyso ciyaarta

05/03/2020

Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay Kevin De Bruyne Iyo Kulamada Uu Maqnaan Doono

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawac soo gaadhay xiddiga ugu muhiimsan kooxdiisa khadka dhexe ee Kevin De Bruyne oo seegay kulankii FA Cup ee xalay ay 1-0 kaga badiyeen Sheffield Wednesday.

Aguero ayaa City u dhaliyey goolka kaliya ee kulanka ee booska uga sameeyey wareegga 8-da, waxaanay isku beegmeen Newcastle United oo ay wada ciyaari doonaan bishan March gudaheeda, hase yeeshee intii kulanku socday waxa la tabay waxqabadkii tayada sare lahaa iyo bandhiggii xarragada ee uu kubadda Man City ku qurxin jiray Kevin de Bruyen oo dhaawac kasoo gaadhay kulankii Wembley ay ku qaadeen koobka Carabao Cup ee Aston Villa uu dhaawac kasoo gaadhay.

Tababare Pep Guardiola ayaa xalay sheegtay in laacibka reer Belgium aanay xaaladdiisu cuslayn, laakiin waxa uu qiray in uu shaki ku jiro haddii uu taam u noqon karayo kulanka Manchester derby ee Axadda soo aaddan, waxaanu yidhi: “Dhulka ayuu ugu dhacay meel xun, dhibaato xun ayaana kasoo gaadhay dhabarka. Ma garanayo inta uu maqnaan doono, waxaase rajaynayaa in aanay badbnaan doonin.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

tawinta maxamed aadan mudey Alcadala
Radio Horyaal waa hooyada ciyaaraha dalka iyo dibida

Category

Telephone

Website

Address


Degmada Hodan
Mogadishu
Other Sports in Mogadishu (show all)
c/naasir c/naasir
Mogadishu, 123

Viva Blues Viva Blues
Mogadishu

Welcome to Viva Blues page

Iprahimzeymarofficial Iprahimzeymarofficial
MOGADISHU
Mogadishu, MOGADISHU

Tyga Bella Tyga Bella
Benadir Street
Mogadishu

sports funny

allsportstv24 allsportstv24
Mogadishu, 202122

Hoyga ciyaaraha

Real madrid somali fanz Real madrid somali fanz
Cawaalesaleban13@gmail. Com
Mogadishu

CUMAR CADE CUMAR CADE
0613625632
Mogadishu, 5632

�HORSEDKA GUSHU WAA HURMARKA FANSKADA WLL�

Al-Nasser Somali Fans Al-Nasser Somali Fans
Banaadir Road
Mogadishu

Welcome Al-Nasser Fans

FARAX FARAX
Mogadishu

KU SOO DHAWOOW

news page4e news page4e
Hodan
Mogadishu, 252

writer �

Abdifitah Taban Abdifitah Taban
Mogadishu

Waba So Gashe FollowGa Ha igala Tagin�