Abdisalam Guled

Abdisalam Guled

Waxan ugu tala galay page kaan in aan ku gaarsiiyo ummada Soomaaliyeed wixii aan markaas u arko in ay u adeegeyaan danta dadka iyo dalka.

Waxan ahay qabiir ka faalooda arimaha amniga iyo siyaasada. Waxana u cabiraa fikirkeyga si madax banaan.

03/07/2024

Yaa isgaaraba

Photos from Abdisalam Guled's post 02/07/2024

Khilaafka iyo wada hadalada Soomaaliya & Itoobiya ee ku sabsan MOU, waxaanu qiimeyneynaa mowqifka iyo rabitaanka labada dhinac. Addis waxay ku doodaysaa in loo cadeeyo waxa ay heleyso hadii ay ka laabato is afgaradkaad badda. Taas ooy kala jeedo in meel kale badda Soomaaliya laga siiyo, macquulna ma ahan.

Soomaaliya waxay u furan tahay in laga wada hadlo sidii Ethiopia u heli lahayd dekedo ay isticmaasho, marka ay ka laabato is afgaradka. Lkn ma ogola sharuudahana k**a mid ahan, lahaasho, iyo xarun ciidamada badda Ethiopia. Guusha wada xaajoodyadu maaha in ay noqdaan, HAA ama MAYA ee waa in dhinac walba xaqiijiyo gaarista yoolkiisa iyo rabitaankiisa.

Madaxda labada Dal, Somaliya iyo Itoobiya. Abiy Axmed ka Itoobiya ayaa naftiisa ku maaweeliya rajo been abuur ah, oo ah marin badeed ay helaan 120 milyan oo Itoobiyaan ah, isaga oo ku tiirsan awoodo samaawiya oo isaga keliya ogyahay iyo talada kaniisaddiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta badan ku mashquulsan wax yaabo aan iska yaryar iyo shaqooyin ay ahayd in dadkale qabtaan. Waxana laga cabsi qabaa in uu la habsaamo go’aamo masiiriya, maadaama uusan waqti u helin karin inuu ka fikiro berri, isla markaana uu la tashado oo kaliya ilaaladiisa iyo qoyskiisa hoose.

Madaxda aan kusoo sheegay xal ma heli karaan xal?

01/07/2024

Abwaan/Wariye wadani Guur, waa milkiilaha Idaacada Kulmiye (KNN) waxan filayaa hadalkaan wuu sheegay waqtigii idaacaduhu Suuqa Bakaaraha ku shaqay jireen. Abwaan Gure, Wuxuu ahaa Ninkii kasoo bad baadshay Radio Shabelle idacada kaloo badan Alshabab.

Abwaanoow, ka waran hadii maanta 2024, 1July idaacadihii gudaha iyo kuwii aduunka kale wax tebinayay laga hor istaagay in ay soo tebiyaan munaasibada sidaas kuula weyn.

Waa nasiib daro weyn iyo ujeedo guracan.

01/07/2024

Shiikhow, Xageed u socotaa?
# Muxuu yahay u jeedkaadu?
, Soomaaliya waa daalan tahay, dhowris iyo dhoodhoobis baay rabtaa!
Soomaaliya Eritrea Mahaan, Muqdisho, Casmara maahaan, adiguna Afwerki ma tihid.
Alshabab Taliban mahaan, Soomaaliyna Afghanistan maahan.
indhaha kala fur oo caqligu ha shaqayo inta goori goor tahay.

01/07/2024

SOOMAALIYEY XASAN WAA KAA.
Waxyaabo layaab leh ayaa maanta ka dhacday fagaaraha DALJIRKA dahsoon, xafladii 1July ee xuska 64 guurada. Waxa ladiiday dhamaan warbaahinta gudaha iyo dibada in ay ka qayb galaan dabaal dega xaflada iyo dhoolatuska ciidamada oo aad loo daneynayay. War baahinta Qaranka/Dowlada oo keliya ayaa loo fasaxay.

Waxa la isweydiinayaa maxay tahay sababtu?
Waxa gebi ahaan ladiiday Wariyaasha gudaha iyo kuwa caalamigaa. Xitaa waxa la diiday sawir qaadayasha ka socday gobolka banaadir iyo booliska. Lkn, waxa aysan fahamsaneyn dadka meesha imaanaya intooda badan mobile ayay sawiro ku qaadayeen welibana sitoosa usoo tebinayeen.

Markaan lahaa Xasan Shiikh Wuxuu isku qaldayaa Casmara iyo Mogadishu, in waxan soo socdaan baan arkyay. Waxay iskudeyeysaa dowladu in ay qariso shirka Doha Qatar ka furmaya 22 ka bishaan July, oo ilaa 300 Soomaali lagu casuumay. Wada hadalka Ethiopia iyo Somaliya. Wada xaajoodka Alshabab Vs Somaliya. Maantana waxay diiday in warbaahintu ka qayb gasho xushka 1da July. Maxaa qaldan.

Xasanow maxaad soo wadaa?
Soomaaliyey Xasan waa kaas🤔

AMNIGA QARANKA #4:HOWLGALKA ATMIS, HESHIISKA SHABAAB, IRAN &XUUTIYIINTA YEMAN KIISKA IKRAN TAHLIIL. 28/06/2024

https://youtu.be/MfG0IVRXdJE?si=7eSkg4PLt757USWc

AMNIGA QARANKA #4:HOWLGALKA ATMIS, HESHIISKA SHABAAB, IRAN &XUUTIYIINTA YEMAN KIISKA IKRAN TAHLIIL. AMNIGA QARANKA #4:HOWLGALKA ATMIS, HESHIISKA SHABAAB, IRAN &XUUTIYIINTA YEMAN KIISKA IKRAN TAHLIIL.©copyrighted material Used.©copyright strike may apply to...

28/06/2024

Dr Xuseen Tanzania. “Magacaygu waa Xuseen Maxamed Aadam, waxaan ahay Soomaali.

Waxaa naloo yaqaana Irish-ka Afrika, sababtoo ah waxaan mar walba diyaar u nahay inaan la dagaalanno gumeystaha kala qeybiyay ummaddeenna, noona diiday rabitaankeenii ahaa Qaran Soomaaliyeed oo madax-banaan”.

AUN, Dr Xuseen, wuxuu sameeyay Documentary kii ugu wanaagsanaa ee abid laga sameeyo Soomaaliya.
—————————————————————————

Challenge of the week. Tartanka Asbuuca.

Magaceygu waa Cabdisalam Yusuf Guled, waxan ahay Soomaal.

27/06/2024
27/06/2024

Xaalada Amniga deganada Galmudug oo sii xumaneysa. Waxana la aaminsan yahay in ay lug leeyihiin, Mid ama ka badan Murashaxiinta GMS. Shib K**a dhihi doono shar wadaha/Yaasha

26/06/2024

Faanoole fari k**a qodna ✍🏽

26/06/2024

Soomaaliya waxa u dhimatay.
1) Culuma Culumanimadii katagtay.
2) Siyaasi dhaqaala doona.
3) Dhaqan dhaqankii kategay.
4) Ganansade dhibaatada iyo dhimashada dadka ka ganacsada.

RABI TALA KU FILAN

25/06/2024

Qoraal aan maanta arkay:
Waxa xaqiiqa ah, in dhaqaalihii wadanku gacanta ugu jiro Dajir, DJ= UDP. Waxan sugeynaa ******* hopefully is not too far.

24/06/2024

Thanks for being a top engager and making it onto my weekly engagement list! 🎉 Abdirisak Ahmed, Geel Dooje Wiilka Haylaan, Cabdiwali S. Toosane, Siciid Iraad Ali, Saacid Jamaal, Herow Mohamed Dahir, Abdi Hafiid Montero, Abdirisaq Maxamed, Abdihakin Ali, Nuur Đææhir Æhmed Ciyow

24/06/2024

Gartu ilaahbey taqaanaaye, hadalkaan Madaxweyne XSM wax ceeba ugama jeedo. Waa dareemi karaa oo Soomaalidu waxay dooneysaa, hadalla kul kulul oo canaan iyo caro ka muuqato.

23/06/2024

ALBAAB WEYN OO SIRTA QARANKA UGA FURAN ALSHABAB.
Maamulka HSM iyo Meesha xaal marayo: Waxa ila soo xariiray muwaadin Soomaaliya oon garanayo, Shaqaale dowlada. Wuxuuna ii sheegay arin khatar weyn ku ah amniga Qaranka ayna ku lug leeyihiin Madax sare. Waxan la hadlay dhowr qofood si arinkaas wax looga qabto, waxayna siyaaba kala duwan iigu sheegeen inaan waxba laga qaban Karin inta XSM hogaanka dalka hayo.

Dabcan qofk laga hadlayo Madaxweynaha ayay aad iskugu dhow yihiin wayna adag tahay in uu talaaba ka qaado. Waana Albaab weyn oo sirta qaranka uga furan Alshabab, Hadaan la xirina dhib weyn baa horay u dhacay dhicina doona.

RABI TALA KU FILAN

23/06/2024

Dr. Fariisanaya Imtixaanka Dugsiga Sare🤔

23/06/2024

TAARIIQDU WAA MACALIN.
Raadinta xaquuqda ciidamadu ma ahan wax aan maanta bilaabay, Video gaan waa 2010 kii. Waxan ahay Soomaali, waana ahaan doonaa. Waxan aaminsanahay Soomaalinimo, Somaliya waa jiri doontaa dadkeeduna nabad iyo barwaaqo waa heli doonaan. Isha allah.

22/06/2024

Raadinta cadaalada iyo u doodista dulmanayasha waa damcigeyga. Video gaan wuxu ahaay film dheer oon ka duubay xasuuqii iyo dhibaatadii ciidamada Ethiopia iyo dowladii Abdulahi Yusuf u geysteen Shacabkii Soomaaliyeed ee Xamar deganaa. Safar xaqiiqa raadisa oon koofurta Soomaaliya ku tegay 2008 dii.

21/06/2024

Waxan doonayaa in aad ogaataan inaan Diaspora Shalay wadanka yimid ahayn iyo Waxa aan wadan kaan kasoo maray 2010.

NEW SOMALIS PARTY.mpg 21/06/2024

Fiirso video gaan, Wuxuu ka kooban yahay 18 sano oo taariiqa. Wuxuu iskugu jiraa Dhowr qayb oor oo kala duwan. Gudbi hadaadan ka helin wareysiga.

NEW SOMALIS PARTY.mpg This Video is property of New Somalis Party. New Somalis is a political party, created and aimed to safe Somalia. Our key terms of this political party is, ...

21/06/2024

Shir lagu heshiinayo beelaha kasoo kala jeeda caabud waan iyo Xiraale oo dhowaan dagaal xoogan dhex maray ayaa Maanta Dhusamareb ka socda. Madaxweyne QorQor ayaa dadaal xoogan ugu jira nabadeynta beelaha walalaha.

21/06/2024

WADA HADALKII ALSHABAB MIYAA BILOWDAY. Shir ay kaso qayb geleyaan ilaa 300 qof oo qurba joogta Somalida u badan ayaa 22 ka July ka furmaya Doha Qatar. Shirkaan waxa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada DF iyo safarada Soomaalida ee Qatar. Inkasta uu yahay shir soconaya Ilaa 2 maalmood hadane ujeedkiisa lama shaacin. Dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin “Aniga sihoose ayaa la iigu casuumay, cidna hala wadaagin baa la igu yiri” Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan maxaase loo qarinayaa?

Shir 300 qof Somaliya ka qayb geleyso ma ahan wax la qarin karo, sirna ma noqon karo. Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ay la leedahay dowlada XSM. Waxa kalooy tusaale u tahay, Abu Dhubai iyo Doha ayaa SOOMAALIDA u dhow.
AS, Taliban ma ahan ee waa Alqaeda, Soomaalina maahan.

20/06/2024

Wax walba waa hogaanka.
Hadii geel ari hogaamiyo sida ariga ayuu usoconayaa. Hufnaan iyo Hogaan wanaagsan waa lama horaan.

"AMNIGA QARANKA|: JAHAWAREERKA KA TAAGAN BIXITAANKA ATMIS, XULAFADA TURKIGA&MASAR QORSHAHA ITOOBIYA. 19/06/2024

https://youtu.be/UaQywzKpmBM?si=yrtB9MrUGjnTm2yi

"AMNIGA QARANKA|: JAHAWAREERKA KA TAAGAN BIXITAANKA ATMIS, XULAFADA TURKIGA&MASAR QORSHAHA ITOOBIYA. "AMNIGA QARANKA|: JAHAWAREERKA KA TAAGAN BIXITAANKA ATMIS, XULAFADA TURKIGA&MASAR QORSHAHA ITOOBIYA.©copyrighted material Used.©copyright strike may apply to...

18/06/2024

Hab dhaqanka siyaasiga Soomaaligaa marka uu dhedhemiyo, awooda iyo dhaqaalaha.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo Mahad Salad waan garanaynaa marka ay awood iyo dhaqaale helaan. Lkn, waxa nagu cusub, waa Liibaan shuluq oo waxa uu la imaan doono ayna weli cadeyn.
Gacan iyo geyi Nabada Galmudug. 🤔🤔

18/06/2024

MUXUU YAHAY U JEEDKA CIIDAMADA ETHIOPIA?
Xog rasmiya oon kahelay degaanka Dollow ayaa sheegaysa in ciidama badan oo Ethiopian ah, Lkn aan tiradooda la xaqiijin shalay Ilaa saakay soo gaarayeen degaankaas. Waxa la isweydiinayaa, maxay tahay sababta ay u imaanayaan? In Ethiopia ciidamada cusub usoo dirto Soomaaliya xili la filayay in ay ciidamadeeda kala baxdo.

FAHAMKEYGA.
Ciidamadaan yimid Waxay ilaali doonaan jidadka ay ku baxayaan ciidamadeeda ka baxaya Soomaaliya. Sida muuqata Ethiopia waxay ay dooneysaa in ay kala baxdo ciidamadeeda ugu yaraan dhowr meelood oon muhiimiyad weyn u lahayn, Kadibna Alshabab la wareegto. Gobolka iyo aduunka intiisa kale dowlada XSM ayay fashil kaas amni dusha ka saari doonaan.

16/06/2024

Waxa muuqata in Madaxtooyadii Soomaaliya ka xishootay shaacinta safarada xad dhaafkaa ee Madaxweyne XSM. Switzerland iyo ankara ayaa lagu arkay 🤔😄

16/06/2024

Shaki iigama jiro in Madaxweyne Xasan Shiikh, quus taagan yahay, wax rejo ahna Soomaaliya ka qabin. Waana sababta uu dibada u waregayo.
RABI TALA KU FILAN.

16/06/2024

I've just reached 6.5K followers! Thank you for continuing support. I could never have made it without each and every one of you. 🙏🤗🎉

16/06/2024

Ciid Muabarak dhamaan ummada Soomaaliyeed. Waxan fiirsaday fariintaan madaxweyne XSM, waxaana maanta ii dhabowday oon xaqiiqsaday hadalkii ahaay (CIDNA LOO JOOJI MAAYO) Xasan Shiikhow in aadan qudbadaadii Ciida uga hadlin kuna soona hadal qaadin Arinkii Iskool Boliisiya iyo Khabuuro faagistii oodka iska dhegatirtay waxay calaamad u tahay in aadan damiir iyo Diir naxa lahayn. Ummada aad meeshaan ka salaameysid ood fariinta ciida u direysid waa kuwa ehelkodii khabuuraha laga soo faagay. Waxana muuqata oo maanta qofkasta u cad amarkaada iyo ogolashahaada ehlu khabuurka loogu dhacay. Uma maleynayo in aad ku liibaaneysid dan qarana k**a shaqaysid ee Allah ummadaan hakaa badbaadsho.

Want your business to be the top-listed Home Improvement Business in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Yaa isgaaraba
Abwaan/Wariye wadani Guur, waa milkiilaha Idaacada Kulmiye (KNN) waxan filayaa hadalkaan wuu sheegay waqtigii idaacaduhu...
Dr Xuseen Tanzania. “Magacaygu waa Xuseen Maxamed Aadam, waxaan ahay Soomaali. Waxaa naloo yaqaana Irish-ka Afrika, saba...
Gartu ilaahbey taqaanaaye, hadalkaan Madaxweyne XSM wax ceeba ugama jeedo. Waa dareemi karaa oo Soomaalidu waxay dooneys...
TAARIIQDU WAA MACALIN. Raadinta xaquuqda ciidamadu ma ahan wax aan maanta bilaabay, Video gaan waa 2010 kii. Waxan ahay ...
Raadinta cadaalada iyo u doodista dulmanayasha waa damcigeyga. Video gaan wuxu ahaay film dheer oon ka duubay xasuuqii i...
Waxan doonayaa in aad ogaataan inaan Diaspora Shalay wadanka yimid ahayn iyo Waxa aan wadan kaan kasoo maray 2010.
Wax walba waa hogaanka. Hadii geel ari hogaamiyo sida ariga ayuu usoconayaa. Hufnaan iyo Hogaan wanaagsan waa lama horaa...
Hab dhaqanka siyaasiga Soomaaligaa marka uu dhedhemiyo, awooda iyo dhaqaalaha. Madaxweyne Qoor Qoor iyo Mahad Salad waan...
I've just reached 6.5K followers! Thank you for continuing support. I could never have made it without each and every on...
Ciidamadaan ayaa lagu sheegay in ay u socdaan xoojinta dagaalka Khawaarijta ee ka socda deeganada Jubbaland, Nasiib daro...
Qofbaa Iisoo qoray, “Waxan maqlayay boqor tooyada Doha ayaa lacag xoogan ku bixineysa xalinta khilaafka Somaliya iyo Eth...

Address


Mogadishu
Other Home Security Companies in Mogadishu (show all)
SPF SOM SPF SOM
Mogadishu

Ilalinta Nafta iyo Maalka Dadweynaha

ISIA : Hiraad Institute For Security And Intelligence Analysis ISIA : Hiraad Institute For Security And Intelligence Analysis
Mogadishu

ISIA is a private institute for research and analysis on issues about security and world intelligence

Reduan Premier Services Reduan Premier Services
Mogadishu
Mogadishu, 252

Xallane Xallane
Mogdisho
Mogadishu, 252

Protect And Serve

Integrated Security Solutions .ISS. Integrated Security Solutions .ISS.
Mogadishu

Integrate Security Solutions (ISS) provides CCTV, Access-Biometric, Video Door Phones, burglar Alarm, Fire Protection, Vehicle Tracking, Boom Barriers etc.