Abdi majid Hassan

Kusoo Dhawaada Bogga Rasmiga Ah Abdi majid Hassan

Photos from Abdi majid Hassan's post 06/01/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO OO SAXIIXAY SHARCIGA BURINTA IS-AFGARADKA DOWLADDA ITOOBIYA IYO MAAMULKA SOOMAALILAND EE AY ANSIXIYEEN LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FS

Muqdisho, Jannaayo 06, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

05/01/2024

DEG DEG: Howlgal lagu laayay maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay deegaanka Samatar Madow oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara.

Goor dhow la soco faah-faahin ku saabsan howlgalkaan iyo Khasaaraha wayn ee Khawaarijta gaaray

05/01/2024

Dowladda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dalbatay iney shir deg deg ah isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsi ku aadan in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta si ay uga wada hadlaan cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Somaliland.

Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in Arrintaan laga qaato mawqif midaysan oo Carbeed lagana jawaabo xadgudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

05/01/2024

Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay damaca liita ee dowladda Itoobiya ayaa si buuxda u garab istaagtay Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa adkaysay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

04/01/2024

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa caddeeyay sida ay u diidan yihiin is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ah ficil xadgudub ku ah madax bannaanida iyo midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo guul Diblomaasiyadeed ah oo dowladda Soomaaliya ka soo hoysay fagaarayaasha Caalamka sida dowladaha saaxibada la ah iyo ururada calaamiga ah ee ay xubinta ka tahay, waxaana loo arkaa in tallaabooyinkan ay xoojinayaan go’aanada dowladda Soomaaliya uga soo horjeestay xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

04/01/2024

BARO Taariikh-da Aas-aaskii Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug

Magaalo Difaaceedka Taariikh-da baal kaga jirta

03/01/2024

Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya taas oo ku saabsan xuduuda 1960.

03/01/2024

Sida wararku shegayaan kooxda khawaarijta ah ayaa caawa degaanada Miliqo iyo Dabagalo Dadkii deganaa ku soo rogay amar ah in aaysan guryahooda ka soo bixi karin.

iyadoo sidoo kale aay jirto in degaanadaas aay kaabiga ku hayaan ciidamada xogga dalka daraawiishta galmudug iyo ciidamada difaaca degaanka.

Kooxda khawaarijta ah ayaa waxaa soo wajahay walwal iyo culays aay ka qabaan ciidamadeena Qaranka.

Il dheer caawa halagu ayo degaanadas.

Photos from Abdi majid Hassan's post 03/01/2024

Ciidanka daraawiishta galmudug kumaandoska gorgor iyo ciidanka deegaanka ayaa hada lawaregay degaanka caad ee konfurta gobolka gobolka mudug ciidamada ayaa hada waxaay ka wadaan Magaalada miina baris xogan.
Kooxda khawaarijta ah ayaa iskaga cararay Magaalada ka dib markay arkeen awooda ciidamada.

Goor dhow filo muqaalka degaanka caad.

03/01/2024

Baarlamaanka Carabta ayaa si buuxda u diiday isku dayga ka dhanka ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha, si loo helo amni iyo xasilooni ka dhalata gobolka.

03/01/2024

Dowlada Soomaaliya oo ka hortimid Qoraalka soobaxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Urur Gobaleedka IGAD

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon.

02/01/2024

Xildhibaan Mahdi M. Guuleed ayaa faahfaahinaya xeerka ay soo saareen Mudanayaasha Labada Aqal ee ku aaddan burinta is afgaradka maamulka Soomaliland iyo Ethiopia.

02/01/2024

Afirkooy Daya.

01/01/2024

Siyaasi Liibaan Axmed Xasan ayaa waqti galiyay Dagaalka Khawaarijta Galmudug looga saarayo

Wadani Dalkiisa u daqnaday

01/01/2024

'Waanadu waxay anfacaysa dadka Muuminiinta Ah Sheekhana waxan leeyahay ku soo dhawow Degmada Wisil' Gudoomiyaha Maxakamada Degmada Wisil Sheekh Cabdullaahi Macalin Cali.

31/12/2023

Duqeymo cirkaa ayaa Caawa lagu beegsaday Fariisimo khawaarijtu ku lahaayeen nawaaxiga Deegaanka Jeex jeexa ee koonfurta Gobolka mudug

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay caawa howgalkaas ay wadajir u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Kaalmeeya

Gaadiid Dagaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu beegsaday sida waarku sheegayaan

Photos from Abdi majid Hassan's post 31/12/2023

Sanadkaan waxuu igu dhamaaday furimaha dagaalka ee konfurta gobolka mudug si nabada.

31/12/2023

Wariye Saadaq Saciid Nuur waxuu rabaa inuu Hobyo ka dhisto hotel elite 2.

30/12/2023

Governo wali suugtii iyagoo cusub ayey soo wadaan wali

maanta suuga la barawaynaayo waxaa iska leh adeer Farale.

Sugaan waxuu ku birayaa sugaag kale oo furinta caad ku sugan.

Photos from Abdi majid Hassan's post 29/12/2023

Warmurtiyeedka Shirka Djibouti ee wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland.

26/12/2023

Guddoomiyaha Degmada Hobyo Cismaan Ahmed Cabdulle ayaa bulshada Bajeela ku booriyay inay la shaqeeyaan maamulka Cusub ee Bajeela

Photos from Abdi majid Hassan's post 25/12/2023

Wasiiro ,Xildhibaano, Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Guddoomiyaasha Deegaanada hoos yimaada Hobyo, Maamulka Degmada Wisil iyo bulshada Bajeela ayaa ka qeybgalay Caleema Saarka Guddoomiyaha Cusub ee Bajeela Cabdirisaaq Shuuke Abshir

Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug ayaa kaalin oga jirtay Dagaalka Khawaarijta Galmudug looga saaray Deegaano nadan oo ka tirsan waxaana ku dhintay Guddoomiyihii Magaaladan Maxamed shuuke Abshir

Qaar ka tirsan Masuuliyiintii ka qeyblay Caleema Saarka Guddoomiyaha ayaa wadajir u sheegay inay Bajeela laf-dhabar u ahayd Dagaalka Khawaarijta Galmudug looga saarayo

Cabdirisaaq Shuuke Abshir Guddoomiyaha Cusub ayaa balan qaaday inuu Cadaalad ugu Adeegi dokno Bulshada

Xildhibaan Maxamed Calool Geel oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Guddoomiyaha Hobyo Cismaan Ahmed Cabdulle, Xoghayaha Wisil iyo wasiir ku xigeenka Caafimaadka Galmudug Awoowe ayaa wadajir ugu mahadceliyay Maamulka Bajeela

Reer Bajeela Bilan waa Gob iyo gessiyaal

25/12/2023

Ciidamada xogga dalka daraawiishta galmudug iyo ciidamada Difaaca degaanka ayaa saaka markale howlgal kooxda khawaarijta loga Xoraynaayo ka bilaabay aaga u dhaxeeya caad iyo jeex jeexa.

24/12/2023

Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha Cusub ee Bajeela Cabdirisaaq Shuuke Abshir

Photos from Abdi majid Hassan's post 24/12/2023

Howlgal lagu baacsanayo khawaarijta ayaa markale dib ugu bilowday aaga caad.

24/12/2023

Deg deg : Dagaal Culus ayaa ka socda degaanka Jeex jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Konfurta Gobolka Mudug halkaas oo Ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ay cadowga casharo ugu dhigayaan.

Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor ayaa weerar Culus ku qaaday goobo ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu waxaana lagu jabiyey difaacyadii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka maanta isla markaana Khawaarijta laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay ooh adda la sii baacsanayo.

23/12/2023

DEG DEG:- Hawlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya oo iska Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Iskoyska Cadaley iyo Howdka u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta AS.

Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in qasaare Balaaran lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadkii ka tirsanaa kooxda ee ku sugnaa saldhiggaasi.

22/12/2023

Warbixin
baxa siyaarad 23aad Ee Shiikheena Sheikh Muxamad Cusmaan jimcaale RC Ayaa lagu qabtay magaalada Diimeedka Dawgaab Ee Gobolka mudug.

Siyaarada ayaa looga hadalay dhibaatada khawaarijta aay ku hayaan dalka iyo sida aay ugu been shegaan diinta islaamka sidoo kale culimada ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta ah uu yahay mid waajiba ah garabna lasiiyo ciidamada dagaalka kula kooxda diinlaawasha ah.

Siyaarada ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada Degmada Baxdo madaxa wacyigalinta ciidamada iyo gudoomiyaha gudiga dib u xoraynta konfurta gobolka mudug iyo taakulaynta ciidamada Shiikh cabdimanan shiikh Maxamed Cusmaan.

22/12/2023

Beeshii governo iyo dowladoodii oo is kaashanayaa ayaa lafilayaa goordhow inay garaan caad dumaye iyo dabagalo illahay idankiis. Khawaarijtii firxadkooda ayaa ladaba jogaa.

Abdi majid Hassan .

21/12/2023

Wafdigii Nabadeynta ee ka socday Beesha Sacad ee uu Hogaaminayay Suldaan Cabdullaahi Cali Sheikh ayaa kulan kula qaatay Degmada Cadaado Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleemaan, oo uu hogaaminayay Suldaan Mawliid Sheikh Jaamac

Odayaaaha iyo Waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleemaan ayaa dhankooda aqbalay in ay diyaar u yihiin dhaqan galinta Heshiiskii ay horay ula gaareen walaalohooda Beesha Cayr, Waxayna soo dhaweeyeen Dhexdhexaadinta Wafdiga Beesha Sacad garwadeenka ka yahay

20/12/2023

Waxan maalmo ka hor booqday dariixa lagu-raqsay oo aay ku duugayahiin culimo fidinta diinta islaamka qeyb wayn ka soo qaatay culimada meshaas ku aasan waxaa ka mid ahaa intaan ka aqaan.
1 Shiikh Cali Samrat
2 Shiikh Cali Cilmiyare
3 Shiikh Cismaan Ciid
4 Shiikh Maxamed Cismaan iyo culimo kale oo badan illahay ha u wada naxariisto.

Abdi majid Hassan .

Photos from Abdi majid Hassan's post 20/12/2023

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta ayaa ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee Koofurta gobolka Mudug halkaas oo hadda lagu ciqaabayo Khawarijta.

Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta Maleyshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaanadaas.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey cadowga walina uu socdo dagaalku.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey shufto diimeedka caadeysatay dhibaatada shacabka.

20/12/2023

Beesha Sacad naf iyo maalba way iskugu geyeen dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta ah.

19/12/2023

Wisil ilaa Hobyo

Photos from Abdi majid Hassan's post 19/12/2023

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay Ciidamado la wareegayn ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad.

Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta Qaran ayaa inoo sheegay in wali uu socdo howlgalka islmarkaana khawaarijta lagu baacsanayo Dhulka howdka ah.

Photos from Abdi majid Hassan's post 19/12/2023

Governo Saaka caad ayey u jihaysteen dhagahu qeyr ayey maqli donaan.

19/12/2023

War Deg Deg ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug oo khawaarijtu ka firxadeen

Deegaanada Ciidamadu saaka wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanada Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow oo dhamaan hoos yimaada Caad

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa kusoo waramaya inay saaka howlgalku socdo laguna baacsanayo Khawaarijta arxanka daran ee AS Dhulkaa

Photos from Abdi majid Hassan's post 18/12/2023

Beesha Sacad oo Deeq Xoolo ah ku wareejisay Ciidamada Qaranka, kuwa degaanka iyo Daraawiishta Galmudug ee Ku sugan Furinta U dhexaysa Caad Iyo Camaara.

Wareejinta deeqdaan oo xoolaha ah oo gaaraysa 170 Neef oo ari ah ayaa beesha waxaa Wakiil uga Ahaa Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre iyo Saraakiil U dhalatay Beesha oo qeyb ka ahaa wareejinta xoolahaan, waxaana ka Gudoomay Taliyaha Qeybta 21-aad G/sare Cabdi Salaad Cali, Taliyihii ee qeybta 21-aad, Saraakiisha Ciidamada Gorgor, Abuu Dujaana, Ciidamada degaanka iyo Odoyaasha Degmada Camaara.

Photos from Abdi majid Hassan's post 18/12/2023

SHABELOW; 18-12-2023;

Wasiirka wasaradda Amniga Galmudug Mudane Mohamed Abdi Aden gaboobe Ayaa maanta boqday furimaha h**e Ay ku sugan yihiin ciidamada XDS iyo Daraawiishta Dowlada galmudug kuwa oo ku wajahan Magaalada Caad iyo degaanada hoos taga si ay u xoreyaan shacabka dulmaan ee ku nool magalada caad ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa halkaa kula kulmay Saraakiisha kala duwan ee hogaamineysa ciidamada, Waxeyna oga war bixiyeen wasiirka iney kooxda naflacarigaa ee As kasareen meelo badan walina ay baadi goobayaan meelaha ay kaga dhumaleysnayan eeyna daba joogi donaan meel kasta ooy galaan maalmaha soo socdana ay gaari doonaan Caad iyo Miiroon.

Wasiirka amniga galmudug ayaa malmihii laso dhafay ku suugna furiimaha h**e ee dagalka si uu hogaamiyo dhamadka wajiga labad ee lagu ciribtiraayo khawarijta.

Waxaana la filayaa in geesiyada qaranka ay sacadaha so socda la waregaan magaloyinka Caad iyo Miiroon oo ay wax ka yar 15km u jiran hataan.

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

BARO Taariikh-da Aas-aaskii Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug Magaalo Difaaceedka Taariikh-da baal kaga jirta
Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranim...
Xildhibaan Mahdi M. Guuleed ayaa faahfaahinaya xeerka ay soo saareen Mudanayaasha Labada Aqal ee ku aaddan burinta is af...
Afirkooy Daya.
Siyaasi Liibaan Axmed Xasan ayaa waqti galiyay Dagaalka Khawaarijta Galmudug looga saarayo Wadani Dalkiisa u daqnaday
'Waanadu waxay anfacaysa dadka Muuminiinta Ah Sheekhana waxan leeyahay ku soo dhawow Degmada Wisil' Gudoomiyaha Maxakama...
Wariye Saadaq Saciid Nuur waxuu rabaa inuu Hobyo ka dhisto hotel elite 2.
Governo wali suugtii iyagoo cusub ayey soo wadaan walimaanta suuga la barawaynaayo waxaa iska leh adeer Farale. Sugaan w...
Guddoomiyaha Degmada Hobyo Cismaan Ahmed Cabdulle ayaa bulshada Bajeela ku booriyay inay la shaqeeyaan maamulka Cusub ee...
Warbixin baxa  siyaarad 23aad Ee Shiikheena  Sheikh Muxamad Cusmaan jimcaale RC  Ayaa lagu qabtay  magaalada Diimeedka  ...
Beeshii governo iyo dowladoodii oo is kaashanayaa ayaa lafilayaa goordhow inay garaan caad dumaye iyo dabagalo illahay i...
Wafdigii Nabadeynta ee ka socday Beesha Sacad ee uu Hogaaminayay Suldaan Cabdullaahi Cali Sheikh ayaa kulan kula qaatay ...

Telephone

Website

Address

Mogadishu
Other Media/News Companies in Mogadishu (show all)
Bahja cadeey Bahja cadeey
Mogadishu

video news

Caadle online store Caadle online store
Degmada Shibis
Mogadishu, 252

mudulood media mudulood media
Muqdisho
Mogadishu

calimuuse

Faruq bookshop Faruq bookshop
Km4, Mogadishu , Banadir
Mogadishu, 252

Page Kaan waxaad ka heli kartaa buug kasto of pdf ah

GOAL Somalia GOAL Somalia
Mogadishu

Himilo Wadag Himilo Wadag
Mogadishu

asxbta kusoo dhawaada page cusub waxaad kaheley kartaa waxa waliba oo xiisaleh

Abdiaziz Rabaani Abdiaziz Rabaani
Airport Street
Mogadishu, 252

Waaberi news network Waaberi news network
Mogadishu

Follow na dhaha Saxibayaal Waxaad Naga heleysaan warbixanadii ugu dambeeyey ee gudaha dalka iyo diba

HAGE MEDIA HAGE MEDIA
Mogadishu

HAGE MEDIA

Garaad service exchange Garaad service exchange
Mogadishu

Kala soco wararka ciyaaraha kusaabsan

Ruunirgood media Ruunirgood media
Kaaraan
Mogadishu

kala soco xogog qarsoon