Xisbiga Daryeel Qaran

Xisbiga Daryeel Qaran

Xisbiga Daryeel Qaran waa xisbi siyaasadeed qaran oo ka diiwaan gashan dalka, lehna xarumo dalka gud

Photos from Xisbiga Daryeel Qaran's post 08/11/2023
Photos from Xisbiga Daryeel Qaran's post 08/11/2023

Saameynta fatahaada wabiga uu ku yeeshey shacabka soomaaliyeed gaar ahaan gobolada Hiiraan, Shabeelooyinka, Gedo iyo jubooyinka ayaa waxaa ka dhashey xaalad u baahan in degdeg looga jawaabo

Gaar ahaan xaalada ay ku sugan yihiin kumanaan dadka shacabka ah ee degan deegaanada uu maro wabiga daawo iyo shabeele ayaa ah mid halisteedu sii kordheysa iyadoo dadka goobahaasi degan ay qaarkood go-doon ku yihiin biyaha iyagoo laga cabsi qabo inay halkaasi ka dilaacaan cudurada shuban biyoodka iyo kaneecada maadaama ay isku darsameen musqulihii iyo biyahii wabiga

sidaasi darteed xisbiga daryeel qaran wuxuu ugu baaqayaa hay-adaha heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo kuwa caalamiga ee ka shaqeeya samafalka soomaaliya iney gurmad degdeg u fidiyaan shacabka ku go-doonsan biyaha dhexdooda ee halista ugu jira masaska, yaxaaska iyo iney dayac u dhintaan

xisbiga daryeel qaran wuxuu mar kasta garab istaagayaa bulshada soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana ugu baaqayaa qurba joogta, ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn iney gargaar u fidiyaan deegaanada ay fatahaada wabiga saameysey

wabilaahi towfiiq
xarunta xisbiga Muqdisho
Information & public relations

22/02/2023

War saxaafadeed: Mowqifka xisbiga daryeel qaran ee mudo kororsiga.

11/02/2023

war murtiyeed:

hogaanka sare ee xisbiga daryeel qaran wuxuu ka xun yahey dhibaatada ka jirta laascaanood oo runtii sababtey dhimashada iyo dhaawaca shacab aan waxba galabsan, barakac iyo burbur hanti oo baahsan. waxaana ugu duceyneynaa dhamaan dadka ay dhibaatada ka soo gaartey xiisada laas caanood in ALLE ugu badalo soo kabasho iyo caafimaad degdeg ah.

xisbiga daryeel qaran wuxuu ugu baaqayaa maamulka Somaliland iyo puntland iyo guud ahaan bulshada laas caanood in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida deegaanka.

soo noqnoqoshada xiisada siyaasadeed ee laas caanood waxey hor istaageysaa dibu dhiska, soo kabashada iyo horumarka deegaanka, sidaasi darteed waa in la helaa xal waara oo ay qeyb ka wada yihiin dhamaan dhinacyada ay quseyso

dawlada federaalka oo kaashaneysa saaxiibada beesha caalamka waa iney door firfircoon ka qaataan nabada iyo xasiloonida deegaankaas si loo joojiyo dilka, dhaawaca iyo barakaca.

xisbiga daryeel qaran wuxuu diyaar u yahey inuu qeyb ka noqdo raadinta xal waara oo wax looga qabto qadiyada laascaanood iyo guud ahaan gobolada sool, sanaag iyo ceyn.

mahadsanidiin
Gudoomiyiaha xisbiga daryeel qaran
xildhibaan muse

31/12/2022

war murtiyeed:

hogaanka sare ee xisbiga daryeel qaran wuxuu ka xun yahey qalalaasaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaadey laascaanood oo runtii sababey dhimasho, dhaawac iyo barakac

waxaan ugu baaqeynaa maamulka Somaliland iyo puntland iyo guud ahaan bulshada reer laascaanoood in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida deegaanka

waxaan ku baaqeynaa in degdeg loola xisaabtamo askartii rasaasta u isticmaashey mudaaharaadka laascaanood ee sababey geerida iyo dhaawaca shacabka

soo noqnoqoshada xiisada siyaasadeed waxey hor istaageysaa dibu dhiska, soo kabashada iyo horumarka deegaanka, sidaasi darteed waa in la helaa xal waara oo ay qeyb ka wada yihiin dhamaan dhinacyada ay quseyso

dawlada federaalka oo kashaneysa saaxiibada caalamka waa iney door firfircoon ka qaadataa nabada iyo xasiloonida deegaankaas si loo joojiyo dilka, dhaawaca iyo barakaca socda

xisbiga daryeel qaran wuxuu diyaar u yahey inuu qeyb ka noqdo raadinta xal waara oo wax looga qabto qadiyada laascaanood iyo guud ahaan gobolada sool, sanaag iyo ceyn.

mahadsanidiin
Gudoomiyiaha xisbiga daryeel qaran
xildhibaan muse

27/11/2022

insha allaah waxaan gaari doonaa waqti uu qabiilka iyo qabyaalada aysan wax qiima ah ugu fadhinin qofka soomaaliyeed

30/10/2022

BAYAAN: xisbiga daryeel qaran wuxuu la qeybsanayaa shacabka soomaaliyeed xasuuqii SUUQA SOOBE oo ay kooxda alshabaab ku beegsatey dad shacab ah oo aan waxba galabsan sida odayaal, hooyooyin, dhalinyaro iyo caruur.

waxaan u rajeynaynaa shuhadadii aan waxba galabsan ee musiibadaa ku dhimatey janatul firdowsa inuu hoygooda ka dhigo, isla markaana inta dhaawaca ah uu ALLE bogsiiyo aamiin.

waxaan umadda soomaaliyeed u cadeyneynaa in kooxda alshabaab ay leedahay hal ajande oo qura kaasoo ah daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed

waa in shacabka soomaaliyeed ay kala doortaan iney kusii jiraan ciqaabta, cabsi gelinta iyo baada lacagaha ay alshabaab ka qaadaan

waa in dagaalka looga soo horjeedo kooxaha khawaarijta ee alshabaab uu noqdo mid isu dheeli tiran leh isla markaana leh qorshe iyo istiraatijiyad waqtiga fog ah

Waxaan kula talinaynaa masuuliyiinta dawlada federaalka iyo dawlad goboleedyada ee ku shiraya muqdisho iney balaariyaan qorshaha dagaalka si looga guuleysto kooxda.

wabilaahi towfiiq.
xafiiskiisa warfaafinta xisbiga
Muqdisho.

Photos from Xisbiga Daryeel Qaran's post 03/09/2022

Cambaareyn: xisbiga daryeel qaran wuxuu cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee ay kooxda alshabaab ku xasuuqdey shacabka aan waxba galabsan ee nawaaxiga beled Weyne ee gobolka hiiraan

waxaan alle u weydiineynaa dhamaan intuu ku dhimatey musiibadaas dambi dhaaf iyo janatul firdowsa insha allaah,

dawlada federalka, dawlad goboleedyada iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed waa iney hal meel uga soo wada jeestaan kooxaha dhiiga shacabka daadinaaya maalin iyo habeen.

Xafiiska warfaafinta
Muqdisho

26/06/2022

HAMBALYO 26-Ka JUNE 2022: Xisbiga daryeel qaran wuxuu umada sioomaaliyeed la qeybsanayaa dabaal dega munaasabada 62 guurada 26ka June 1960 oo ah maalinta xoriyada gobolada waqooyi ee soomaaliya oo ay ka soo wareegtey 62 sano, sidaasi darteed waxaan umadda soomaaliyeed u rajeynaynaa horumar, nabad iyo barwaaqo.

hogaanka xisbiga daryeel qaran.
Xarunta Muqdisho

16/05/2022

Hambalyo iyo bogaadin:
hogaanka sare ee xisbiga daryeel qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa madaxweynaha 10naad ee jamhuuriyada federalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo xilka culus, waa qabiir h**e loo soo tijaabiyey, oo aan kalsooni buuxda ku qabno inuu is badal muuqda horseed u noqon doono,

xisbiga daryeel qaran wuxuu balan qaadayaa inuu kaala shaqeeyo nabada, dibu heahiisiinta, horumarka iyo dib udhiska dalka,

Mahadsanidiin

Soomaali wey guuleyssatey:
xildhibaan muse sheikh omar
Gudoomiyaha xisbiga

09/05/2022
28/04/2022

Hambalyo:
xisbiga daryeel qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka xildhibaan sacdiyo Yaasiin Samatar oo caawa loo doortey xilkaas, waxaan leenahey hambalyo, allaha kuu fududeeyo masuuliyada iyo waajibaadka culus:

Mahadsanidiin.

xildhibaan muuse sh cumar
Gudoomiyaha Xisbiga daryeel qaran

Photos from Xisbiga Daryeel Qaran's post 27/04/2022

Hambalyo:
Hogaanka sare ee xisbiga daryeel qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka sheekh aadan Maxamed Nuur (sheekh Aadan Madoobe) oo loo doortey inuu hogaamiyo golaha shacabka BJFS, afarta sano ee soo socota, waxaana alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo masuuliyada culus, aamiin.

xildhibaan muse sheekh cumar
Gudoomiyaha xisbiga

Photos from Xisbiga Daryeel Qaran's post 12/04/2022

Munaasabada sanad guurada 12-ka April ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed awgeed waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa dhamaan qeybaha ciidanka xooga dalka iyo qoysaskooda , waxaana idiin rajeynayaa horumar iyo barwaaqo

Xildhibaan muse sh cumar
Gudoomiyaha xisbiga daryeel qaran

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

HAMBALYO 26-Ka JUNE 2022: Xisbiga daryeel qaran wuxuu umada sioomaaliyeed la qeybsanayaa dabaal dega munaasabada 62 guur...

Telephone

Address


Mogadishu
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:30 - 05:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00