Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka

Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka-🇸🇴

08/04/2024

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka, Gudoomiye ku xegeenka, Xubnaha iyo howl wadeennada Guddiga , waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dahir Toortoorow oo Aabahii Nabadoon Gaabow Buulla Xasan oo caawe lagu dilay Magaalada Muqdisho, waxayna marxuumka Alle u waydiinayaan in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo Daahir Gaabow Buulle Xasan dhammaan qoyskii iyo eheladii uu marxuumku ka baxay.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 01/04/2024

KULAN MAHADCELIN AH

Muqdishu, Apriil 1, 2024-Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee -u- eegista iyo Hirgalinta Dastuurka Avv. Burhan Adan Omaroo ay waheliyaan Gudoomiye ku xigeenka Mohammed Hassan Idriss , xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka iyo xoghayaha guud ee Guddiga Abdulkadir Mohamed Hassan ayaa kulan mahadcelin ah la qaatey hawl- waddeena guddiga kuna amaanay shaqadii baaxada lahayd ee ay qabteen muddadii lagu guda jiray doodahii Baarlamaanka,latashiyadii iyo aragtiyihii dadweynaha sidii quruxda badnayd ee ay u diwaangalinyeen aragtiyhii iyo soo jeedimihii waliba qaab casriyeysan oo reebaysa taariikh iyo tixraac keyd ah.

Intii uu kulanku socday xubnaha Guddiga ayaa si guud ugu mahadceliyay howl-waddeena dhabar adaygii iyo howl-karnimadii ay muujiyeen intii lagu guda jiray doodahii Baarlamaanka,latashiyadii iyo aragtida dadweynaha mahadcelin ka bacdi kalanka ayaa looga dooday cashardii laga bartay dib -u- eegistii cutubyadii 1-4aad ee datuurka, doodahii iyo soo jeedaha Baarlamaanka, latashiyadii iyo aragtiyahii dadweynaha iyo ugu danbayn diyaarintii nugulka k**a danbaysta ahaa ee Baarlamaanku ansaxiyeen sidoo kale waxaa dood iyo taxliilin lagu sameeyay qorshe howlaha shaqe ee hortabinta u leh arrimaha dastuurka.

Gabogabaddii, Gudoomiye Burhan Adan Omar ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga iyo shaqaalaha inay sii labo jibaaraan dadaalkooda si loogu guulaysto waajibaadka shaqo iyo qorshaha guddiga ee sanadka 2024.

30/03/2024

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhan Adan Omar oo khudbad mahadcelin ah jeediyey, ugana mahadceliyey Baarlamaanka labadiisa aqal ee BFS ansixintii 4-ta cutub ee ugu h**eeya Dadtuurka.

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 30/03/2024

DOODDII BFS LABADIISA GOLE UU UGA DOODAAYEY WAX-KABEDELKA DASTUURKA CUTUBYADIISA UGU HOREEYEY EE 1-4AAD OO MAANTA CODKA LOO QAADEY

Mugdisho, Maarso 30, 2024. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiis gole ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay nuqulka k**adambaysta ah ee cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka, iyadoo marka h**e Afarta cutub mid mid loo codeeyay codka Rasaynta, kaddibna afarta cutub oo wada socda Labada Gole si gooni gooni ah ugu codeeyeen labada aqal ee BFS.

Kooramka maanta fadhiday
1. Golaha Shacabka: 212 mudane.
2. ⁠Aqalka Sare: 42 mudane;
3. ⁠Wadarta waa 254 mudane.

Dhammaan wadarta guud ee Labada gole oo ahaa 254 ayaa HAA ugu wada codeeyey, codka kadib Gudoomiyaha Guddiga madaxabanaan Avv. Burhan Adan Omar ayaa BFS iyo Guddiga la-socodka Dastuurka uga mahadceliyey wada shaqayntii iyo talooyinkii wax ku oolka ahaa ee ay ku biiriyeen cutubyada maanta la ansixiyey.

30/03/2024
30/03/2024

Taxanaha Fahamka dastuurka qeybtiisa 5-aad ee Cutubka 4-aad

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 30/03/2024

Kulanka wadajirka labada Aqal ee BFS ayaa hadda furmay, ayadoo maanta la filayo in xubnaha labada Aqal ay ansixiyaan nuqulka k**a dambaysta ah ee cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka, oo uu soo diyaariyey Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka uuna aqbalay Guddiga Dib-u-eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka.

29/03/2024

Taxanaha fahamka Dastuurka qeybtiisa 4-aad Cutubka 3-aad ee Dastuurka.

29/03/2024
28/03/2024

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv.Burhan Adan Omar ayaa soo bandhigey dhammaan talooyinkii iyo natiljooyinkii dooddii Xildhibaanada iyo Senatarada ee cutubyada 1-4, ayadoo la adeegsanyo barnaamij danabaysan casri ah oo uu sameeyey Guddiga Masaxabannaan.Sidoo kale Guddoomiye Burhan Adan Omar ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay kasoodhiibteen aragtiyadoodda qaab online ah oo lagu baahiyay mareegta guddiga iyadoo kudhawaad 8 kun oo gof ay sodhiibteen fikradahoodda.

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 28/03/2024

LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA AH AYAA MAANTA LOOQEYBIYAY NUQULKA K**ADANBEYSTA AH OO LAGU SOODHAFAY SOOJEEDIMAHII WAX-KABEDELKA DASTUURKA CUTUBYADA 1-4AAD.

Mugdisho, Maarso 28, 2024. Waxaa qabsoomay kulanka wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka ayadoo Xildhibaanada labada aqal loo qeybiyay nuqulka k**adanbeysta ah oo lagu soodhafay soojeedimahii wax-kabedelka dastuurka cutubyada 1-4aad.Nuqulka k**adanbeysta ah cutubyada 1-4 oo lagu soodhafay soojeedimahii doodahii Baaralmaanka, latashiyada lyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed lagu waydiiyay mareegta online ah.

Guddiga Madaxbanaan ee Dib -u- Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa ku sameeyay taxllilin,turxaan- bixin iyo lafagur una bedelay luuqad Dastuuri ah soo jeedimihii doodahii Baarlamaanka, latashiyada lyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiibteen online kuna daray nuqulka k**adambaysta ee cutubyada 1aad-4aad Dastuurka kaas oo uu aqbalay Guddiga La-Socodka Daatuurka BFS ayaa maanta loo qaeybiyay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ayadoo maalinta sabida, 30 Maarso 2024 Baarlamaanka Fedraalka codka u qaadi doonaan.

Intii kulanku socday Guddoomiyaha Guddiga La socodka mudane Xildh. Xuseen lidow, ayaa lawadaagay Xildhibaannada warbixin soo koobaysa talooyinkii lagu soo dhafay nuqulka k**adanbaysta ah xildhibaannada afartii cutub, Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhan Adan Omar ayaa soo bandhigey dhammaan talooyinkii iyo natiljooyinkii dooddii xildhibaanada iyo senatarada ee cutubyada 1-4, ayadoo la adeegsanyo barnaamij danabaysan casri ah oo uu sameeyey Guddiga Masaxabannaan. Guddoomiye Burhaan ayaa xusay in bulshada soomaaliyeed ay kasoodhiibteen aragtiyo qaab online ah iyadoo kudhawaad 8 kun oo qof ay sodhiibteen fikradahoodda.

=DHAMMAAD=

Email: [email protected]
Website: icric.gov.so
X/twitter:@ CRICSomalia
Facebook: http://www.facebook.com/ threads:www.threads.net/instagram:
icricsomalia2023
http://www.tiktok.com/

28/03/2024

Fadlan halkan ka daalaco Nuqulka k**adanbeysta ah ee cutubka 1-4aad wax-kabedelka dastuurka ee loo qeybiyay BFS.
https://icric.gov.so/wp-content/uploads/2024/03/Soojeedinta-Nuqulka-Kama-Dambayst-ah-28.3.2024.pdf

28/03/2024
Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 28/03/2024

Kulanka wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa hadda furmay, ayadoo maanta looqeybiyay xildhibaanada labada gole nuqulka k**adanbeysta ah oo lagu soodhafay soojeedimahii wax-kabedelka dastuurka cutubka 1-4aad.

27/03/2024

Qeybtiii 2aad Taxanaha Fahamka bulshada ee Dastuurka.

27/03/2024

Guulaha laga gaaray Dib-u-eegista Dastuurka: Latashiyada iyo Gaarista Dadweynaha.

26/03/2024
Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 26/03/2024

GUDDIGA MADAXABANNAAN DIB -U- EEGISTA IYO HIRGALINTA DASTUURKA AYAA USOO BANDHIGAY XUBNAHA GUDDIGA LA SOCODKA BFS NUQULKA K**A DAMBAYSTA AH EE LAGU SOO DHAAFAY TALOOYINKII IYO SOOJEEDIMIHII XILDHIBAANADA LABADA AQAL IYO LATASHIYADA

Muqdisho, Maarso 26, 2024. Guddiga Madaxabannaan Dib - u- Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa u soo bandhigay Guddiga La socodka Dastuurka BFS nuqulka k**a dambaysta ah cutubyada 1aad-4aad , oo lagu dhafay natiijada aragtiyihii iyo soo-jeeddimahii dooddii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtiyooyinka dadweynaha Soomaaliyeed.

Guddiga Madaxabannaan Dib - u- Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa ku sameeyay taxliilin, turxaan- bixin iyo lafagur una bedelay luuqad Dastuuri ah soo jeedimihii doodahii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed kuna daray nuqulka k**adambaysta ee cutubyada 1aad-4aad Dastuurka loo gudbin doona Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

=DHAMMAAD=
Email: [email protected]
Website: icric.gov.so
X/twitter:@ CRICSomalia
Facebook: http://www.facebook.com/ threads:www.threads.net/instagram:
icricsomalia2023
http://www.tiktok.com/

24/03/2024

Waxaa maanta qabsoomay kulankii joogta ahaa ee Guddiga Madaxabannaan Dib -u- Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo maanta ajandahu ahaa diyaarinta nuquika k**a dambaysta ah cutubyada laad-4aad, si loogu soo dhago natiijada aragtiyihii iyo soo jeeddimahii dooddii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtiyooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee sida danabaysan (DIGITAAL) ah u soo gudbiyey.

Guddiga ayaa doodda taxliilin iyo lafagur ku sameeyay soo jeeddimihii dooddii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed si loogu daro nuquika k**adambaysta ee cutubyada laad-4aad Dastuurka.

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 24/03/2024

GUDDIGA MADAXABANNAAN DIB -U- EEGISTA IYO HIRGALINTA DASTUURKA AYAA YEESHAY KULAN AY KU TAXLIILINAYAAN DOODDII BFS EE CUTUBYADA 1-4aad

Muqdisho, Maarso 24, 2024. Waxaa qabsoomay kulankii joogta ahaa ee Guddiga Madaxabannaan Dib -u- Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo maanta ajandahu ahaa diyaarinta nuqulka k**a dambaysta ah cutubyada 1aad-4aad , si loogu soo dhafo natiijada aragtiyihii iyo soo-jeeddimahii dooddii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtiyooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee sida danabaysan ( DIGITAAL) ah u soo gudbiyey.

Kulanka intii uu socday guddiga ayaa doodda taxliilin iyo lafagur ku sameeyay soo jeedimihii dooddii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed si loogu daro nuqulka k**adambaysta ee cutubyada 1aad-4aad Dastuurka.

Kulanka waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha guddiga Avv. Burhan Adan Omar oo uu waheliyo Gudoomiye ku xigeenka Mohammed Hassan Idriss siddo kale kulanka waxaa ka soo qeyb-galay dhammaan xubnaha guddiga iyo howl-wadeenada guddiga ayadoo kulama lagu taxliilinayo soo jeeddimahii Baarlamaanka, latashiyada iyo aragtidii dadweynaha maalmo kooban sii sicon doonaan.

=DHAMMAAD=
Email: [email protected]
Website: icric.gov.so
X/twitter:@ CRICSomalia
Facebook: http://www.facebook.com/ threads:www.threads.net/ instagram:
icricsomalia2023
http://www.tiktok.com/

23/03/2024

Gudoomiyaha Gudiga Madaxabannaan ee Dib-u- Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv.Burhan Adan Omar ayaa soo bandhigey dhammaan talooyinkii iyo natiijooyinkii dooddii xildhibaanada iyo senatarada ee cutubyada 1-4, ayadoo la adeegsanyo barnaamij danabaysan casri ah oo uu sameeyey Guddiga Masaxabannaan.

Guddoomiye Burhaan ayaa xusay in ay xoghaynta guddigu udiyaariyeen soojeedimaha xildhibaanada labada gole hab cod, qoraal, iyo muuqaalba ah, sidoo kalana talooyinga lagu soo dari doono nuqulka k**a danbaysta ah.

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 23/03/2024

DOODA AFARTA CUTUB EE DASTUUR OO LA SOO GABAGGABEEYEY

Muqdisho, Maarso 23, 2024 , Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal BfS ayaa maanta lagu soo gabaggabeeyey doodda wax-kabeddelka Cutubka 4aad.

Muddadii ay socdeen doodaha soojeedimaha wax-kabeddelka cutubka 4aad, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka ayey soojeediyeen aragtiyo wax-ku-ool ah oo qaabayn, sixid iyo siiqayn, kuwaas oo uu diiwaangeliyey Guddiga Madaxabannaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka hab qoraal, cod iyo muqaal ahba, Cutubka 4aad ee maanta doodiisu soo idlaatey ayaa ahaa cutubka ugu danbeeya Afartii Cutub ee ugu h**eeyey oo ay soo diyaariyeen Guddiga madaxabannaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, aqbaleena guddiga la socodka doodiisuna soo bilaabatay 12 Feebarayo 2024 -23 Maarso 2024.

Guddoomiyaha Guddiga La socodka mudane Xildh. Xuseen lidow, ayaa lawadaagay Xildhibaannada warbixin soo koobaysa talooyinkii xildhibaannada ee afartii cutub, Sidoo kale, Gudoomiyaha Gudiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhan Adan Omar ayaa soo bandhigey dhammaan talooyinkii iyo natiijooyinkii dooddii xildhibaanada iyo senatarada ee cutubyada 1-4, ayadoo la adeegsanyo barnaamij danabaysan casri ah oo uu sameeyey Guddiga Masaxabannaan.

Guddoomiye Burhaan ayaa xusay in ay xoghaynta guddigu udiyaariyeen soojeedimaha xildhibaanada labada gole hab cod, qoraal, iyo muuqaalba ah, sidoo kalana talooyinga lagu soo dari doono nuqulka k**a danbaysta ah.

=DHAMMAAD=
Email: [email protected]
Website: icric.gov.so
X/twitter:@ CRICSomalia
Facebook: http://www.facebook.com/ threads:www.threads.net/ instagram:
icricsomalia2023
http://www.tiktok.com/

23/03/2024
Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 23/03/2024

Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda furmay, ayadoo maanta Ajendahu yahay soo gaban gabeynta ka doodista wax ka beddelka Cutubka 4aad gaar ahaan Madaxyada 3aad iyo 4aad.

23/03/2024

24 SAAC BAA U HARSAN WELI aragti dhiibashad dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aadan cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka.

FADLAN GUJI LINKIGA HOOSE ⬇️.
icric.gov.so/tallo-dhiibo/

21/03/2024

HEERKA FALCELINTA XOG-ARUURINTA!

Barnaamika Danabeysan ee Latashiga Dadweynaha ee Dib-u-egista Dastuurka (Cutubyada 1aad, 2aad,3aad iyo 4aad) xogta najiidada hordhaca ah, xog uruurintaan la baahiyay Maarso 13, 2024, 173, 513 muwaaddin ayaa booqatay bogga xog uruurinta ayadoo rayigooda dhiibteen 6,016 muwaaddin.

Weli waxaa socda aragti dhiibashad dadweynaha Soomaaliyeed ee muwaaddin ka qeyb-qaado oo aragtiidaadda ku biiri dib -u-eegista Dastuurka gaar ahaan cutubyada 1aad-4aad. Adoo GUJINAYA LINKIGA HOOSE ⬇️.

icric.gov.so/tallo-dhiibo/

21/03/2024

Weli waxaa socda aragti dhiibashad dadweynaha Soomaaliyeed oo u haysta fursad qaali in ay aragtiidooda ku biiriyaan cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad.

FADLAN GUJI LINKIGA HOOSE ⬇️.

icric.gov.so/tallo-dhiibo/

20/03/2024

Weli waxaa socda aragti dhiibashad dadweynaha Soomaaliyeed oo u haysta fursad qaali in ay aragtiidooda ku biiriyaan cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad.

FADLAN GUJI LINKIGA HOOSE ⬇️.

icric.gov.so/tallo-dhiibo/

Photos from Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka's post 20/03/2024

Kulanka wadajirka labada gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta sii anbaqaaday Dooda Cutubka 4aad gaar ahaan madaxyada 3aad iyo 4aad.

Mogadishu, Maarso 20, 2024: Waxaa maanta qabsoomay kulanka wadajirka ah labada Aqal ee BFS, ayadoo maanta lasii anbaqaaday doodda wax-kabeddelka cutubka 4aad gaar ahaan madaxyada seddexaad iyo afaraad, mudanayaasha Baarlamaanka Federaal ee Soomaaliya ayaa kulankii 5aad ka doodaya cutubka afraad oo ka hadlaya Matalaada Shacabka, ayadoo diirada la saaray maanta iyo shalay madaxyada seddexaad iyo afraad oo ku saabsan Xisbiyada Siyaasadeed iyo Maamulka Doorashooyinka.

Cutubka 4aad oo ah mid balaaran ayay mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka labadiisa gole ka yeesheen dood qoto dheer shantii kulan ugu danbaysay ayadoo lagu wado in Sabtiga soo gaban-gaboobi doonto doodda Cutubka 4aad, Intii ay socotay soo jeedinta wax- ka badelka Dastuurka Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa soo jeedinta Xildhibaanada u qaadayay hab goraal,cod iyo muqaal ahba.

=DHAMMAAD=
Email: [email protected]
Website: icric.gov.so
X/twitter:@ CRICSomalia
Facebook: http://www.facebook.com/ threads:www.threads.net/instagram:
icricsomalia2023
http://www.tiktok.com/

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Guddiga Madaxabanan ee Dastuurka

Address


Jubba Street KM 0
Mogadishu
SO00000