Abdirisak Abdikadir Mohamed
Welcome my page
Dhulka ciid guduuda, woow jecliyaa
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan isbarasho & xog iswaraysi ah waxa uu la yeeshay maareeyaha & hawl wadeenada mashruuca Somalia Horn of Africa Infrastructure Integration Project (SHIIP).
Maareeyaha mashruuca Axmed Ducaale ayaa Wasiirka la wadaagay warbixinta shaqooyinka ay qabteen & kuwa qorshaysan.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen, Waxa uuna kula dar-daarmay in ay halkaa ka siiwadaan shaqada culus ee ay hayaan.
DHAMMAAD.
Mogadishu, October 27, 2024; Raโisal wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur & Wasiirkii h**e Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) oo dhowaan loo magacaabay Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federalka Soomaaliya.
Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano labada gole ee Baarlamaanka, Shaqaalaha Wasaaradda & Masuuliyiin kala duwan.
Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mahdi Sheikh Cumar ayaa munaasibadda xil wareejinta ku soodhoweeyey marti sharafta kasoo qayb gashay.
Wasiirkii h**e ee Wasaaradda Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa munaasibada xilwareejinta waxaa uu ka sheegay waxa u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, halka ay marayaan mashaariicda dhismaha ee Wasaaraddu ay maamusho, Qorshaha xiga iyo Siyaasadda Wasaaradda ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ee xilka la wareegay ayaa ballan qaaday in uu si daacadnimo iyo hufnaan ay ku dheehan tahay uu ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, Mudane Wasiir Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in ay sharaf iyo fursad 2-aad u tahay in uu ka noqdo Golaha Xukumadda, uuna halkaa kasii wadi doono shaqada culus ee hor taalla.
Waxa uu intaa sii raaciyay in magacaabistan ay siinayso dhiiranaan iyo fir-fircooni shaqo iyo dadaal cusub oo uu galinayo u adeegidda danta guud.
Raโisal Wasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa bogaadiyey shaqada uu soo qabtay Wasiirkii h**e waxa uuna soodhoweeyey Wasiirka cusub isagoo sheegay inuu yahay mid ka soobixi kara shaqada loo igmaday.
DHAMMAAD.
Hambalyo, Hambalyo Mudane Abdisalaan Abdi Ali oo maanta Raโisal Wasaare Xamze Cabdi Barre uu u Magacaabay Raโisal ku xigeenka 2aad.
Hambalyo, Hambalyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Dr. Elmi Mahamoud Nur oo RW XFS Xamze Cabdi Barre uu maanta magacaabay.
Calula, Puntland Somalia waa halka qoraxda ugu hor aragta Geeska Africa.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada DFS Mudane Mohamed Adam Mo'alim (Somali) ayaa faah-faahin ka bixiyey shirka iskaashiga Africa & Chine ee dhowaan uu kaga qayb galay Begin.
Martidii qolka storka lagu xidhay Abwaan Aada Garaad
Hambalyo, Hambalyo Shacabka & Dowladda Puntland Sannad-guurada 26aad ee ka soo wareegatey asaaskii Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada DFS Mohamed Adam Mo'alim Ali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Beijin ee Wadanka Shiinaha uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Horumarinta Dhijitaalka, waxaana si gaar ah sanadkaan diiradda loo saaray Iskaashiga Dhijitalka ee Kaabayaasha, Hal-abuurka, Isbeddelka, Siyaasadda, Amniga iyo Iskaashiga Awooda Dhijitaalka.
๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐๐๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ถ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada Warshadaha Iyo Teknoolojiyada ee Shiinaha, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Isgaarsiinta ee Wadamada Afrika, Shirkadaha ka shaqeeyo Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, kuwa Hal-abuurka iyo aqoonyahano ku xeerdheer ICT-da.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ oo khudbad ka jeediyey Madashaan ayaa soo dhaweeyey istaraatiijiyadaha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo hababka lagu kobcin karo wadamada Afrika ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.
"Soomaaliya marka laga hadlaayo arimaha Dhijitaalka waxey ka qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta iyo diyaarinta Shuruucdii lagu hagi lahaa, waxaana hadda Baarlamaanka Dalka horyaalo Sharciga Amniga Saabarka iyo Sharciga Cyber Crime, waxaana qeyb weyn ka yahay Dhijitaalka Qorshaha Wasaaradda ee 2024-2029"
Madaxwaynaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye & Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo kulmay maanta kadib marti qaadkii uu Madaxwayne Fidhiye iyo wafdi uu hogaaminayo ay ka heleen Madaxwayne Geelle
Madaxwayne Firdhiye & kuxigeenka Xoghayaha guud ee IGAD oo jabuuti ku kulamay
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.
waxaan la wadaagayaa hambalyo meher Walalkaay/ sxbkay Mustafe Mahamuod Hussein iyo marwadiisa Dumaashi Saynab Siciid Abdullhi oo Xaflada Meherkoodu ay maanta Qabsoontay.
Rabi ha idinka yeelo reerkii barakooba dhisma oo dhaqma, awlaad khayr qabana hela.
โ''ุจุงุฑู ุงููู ููู
ุง ูุจุงุฑู ุนูููู
ุง ูุฌู
ุน ุจูููู
ุง ูู ุงูุฎูุฑ''
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ฒ & Wasiirka Wasaaradda Isgaasiinta & Tignolojiyadda Mohamed Adam Mo'alim (Somali) ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhismayaasha cusub oo ay yeelan doonaan Hayโadaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Dhowrista Xogta oo ka mid ah Hey'adaha hoosyimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.
Wasiir Maxamed Soomaali oo muddo kooban jooga Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa ku guulaystay in si isku tashi ah ku hirgaliyo dhismayaasha labadan Haayadood ee shaqada balaaran u haya Qaran.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mohamed Adam Mo'alim Ali (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa shir gaar ah la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson, Waxa ay kawada hadleen Xiriirka wada shaqaynta Wasaaradda Isgaarsiinta & World bank, Dar-dargalinta Mashruuca EA-RDIP, Sidii la isugu duwi lahaa deeqaha Horumarinta dhijital ah ee Soomaaliya, maadaama Wasaaraddu u igmantahay dejinta siyaasadaha qaranka, shuruucda iyo xeerarka la xiriira Isgaarsiinta, iyo Teknolojiyada Dalka.
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ง๐๐๐ก๐ข๐๐ข๐๐ฌ๐๐๐ ๐ข๐ข ๐ฆ๐ข๐ข ๐ซ๐๐ฅ๐๐ฌ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐ ๐ซ๐ข๐ข๐๐๐ก๐ง๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐ฅ๐จ๐จ๐๐ ๐๐ฆ๐๐จ๐ซ๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐.
๐ก๐ฎ๐ถ๐ฟ๐ผ๐ฏ๐ถ - ๐๐ฒ๐ป๐๐ฎ, ๐๐๐๐ป ๐ญ๐ฏ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ - Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa maanta magaalada Nairobi ku soo xiray Shirka xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika oo socday muddo Afar maalmood ah, waxaana ka soo qeybgalay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ๐๐ฟ๐ถ๐๐๐ถ๐ป๐ฎ ๐ฆ๐๐ฒ๐ป๐๐๐ผ๐ป, Maareeya'yaasha, Madaxa Mashruuca EA-RDIP, Lataliyaasha iyo howlwadeenada Wasaaradda.
Shirkaan ayaa looga hadlay maraxaladaha uu soo maray Mashruuca EA-RDIP, halka la hiigsanaayo, howlaha qorsheysan in la fuliyo iyo qaabka loo qabanaayo sannadkan inta ka dhiman.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ oo ka hadlay xiritaanka Shirka ayaa sheegay in Mashruucaani yahay mid iskuxiraayo Bariga Afrika, Soomaaliyana ay ka faaโiidii doonto baahinta Internetka in la gaarsiiyo meelo badan oo dalka ka mid ah si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo xoojinta dhijitaalka.
Wasiirka ayaa muddadii uu shirku socdey shir doceed la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson, Waxa uuna kala hadalay sidii la isugu duwi lahaa deeqaha Horumarinta dhijital ah ee Soomaaliya, maadaama Wasaaraddu u igmantahay dejinta siyaasadaha qaranka, shuruucda iyo xeerarka la xiriira Isgaarsiinta, iyo Teknolojiyada Dalka.
๐ ๐ฎ๐๐ต๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฎ ๐๐๐ธ๐๐
๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ถ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ (๐๐-๐ฅ๐๐๐ฃ) waxa uu diiradda saarayaa Horumarinta isgaarsiinta casriga ah, Waxaana u xilsaaran fulintiisa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiada, waxaana maalgeliyey Baanka adduunka, iyadoona si gaar ah u maamuli doono Unugga Fulinta Mashruuca (Project Implementation Unit) waxa uuna leeyahay xubno wakiillo ah oo ka shaqayn doono dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Caddaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Mawalad.
Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay uga qayb qaadan lahayd arrimaha horumarinta iyo gargaarka bani aadan-nimada ee deegaannada SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Safiirka taageeridda ay Boqortooyadu la garabtaagan tahay guud ahaan Soomaaliya, isaga oona u gudbiyey taageerada ay hadda uga baahan yihiin deegaanka SSC-Khaatumo.
Amb Axmed Bin Maxamed Al-Mawalad ayaa sheegay in ay dhankooda diyaar u yihiin sidii ay u garab istaaggi lahaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed & gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.
๐ก๐ฎ๐ถ๐ฟ๐ผ๐ฏ๐ถ - ๐๐ฒ๐ป๐๐ฎ, ๐๐๐๐ป ๐ญ๐ฌ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ - Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadair ah Magaalada Nairobi ugu furay Shirka Xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.
Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarint ganacsiga, la-xaalidda masiibooyinka deegaanka iyo isdhexgalka dhaqaalaha.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ayaa sharxay yoolalka iyo Muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa isdhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka.
Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ๐๐ฟ๐ถ๐๐๐ถ๐ป๐ฎ ๐ฆ๐๐ฒ๐ป๐๐๐ผ๐ป ayaa Bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalinta Mashruucaan.
Sidoo kale Shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Hey'adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey'adda Isgaaraiinta Qaranka, Madaxa Mashruuca EA-RDIP iyo Mas'uuliyiin kale.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay wadaa dadaal looga faa'iideesanaayo baahinta internetka si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo Hormarka Dalka.
๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก ๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐ ๐๐๐ข๐ช๐๐ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐ง๐๐๐ ๐๐๐๐จ๐จ๐ก๐๐ (๐จ๐ฃ๐จ) ๐๐ฌ๐ข ๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ข๐ช๐-๐ช๐๐๐๐๐ก๐๐๐ ๐ช๐๐๐ซ๐๐ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐ง๐๐๐.
Xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa maanta lagu qabtay Xafladda soo dhaweynta Guusha deyn cafinta Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyo Dhiirigalinta howl-wadeennada Waaxda Boostada, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Hey'adda Seybarka, Maareeyey ku-xigeenka Hey'adda Dhowrista Xogta, iyo howl-wadeennada Waaxda Boostada.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa sheegay in deyn cafintaan ay tahay guul muhiim ah oo la gaaray, lana si wadi doono horumarinta Boostada Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye oo ka hadlay Xafladda Guusha deyn cafinta ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeyo loogudbi doono sidii loo tayen lahaa adeegga boostada Soomaaliya si shacabka ay ugu faa'iideystaan howlaha muhiim ah ee ugu xiran Boostada.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada XFS ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyey dhameyntirka deyn cafinta xilligaana wixii ka danbeeyey loo gudbi doono howlaha kale ee derista Boostada "Xafladdaan muhiimadda ugu weyn ee loo qabtay waxa ay tahay in la dhiirigaliyo Howlwadeenada waaxda Boostada Wasaaradda, shaqadii ay soo qabteen waxa ay ku muteesteen in la siiyo Shahaado Sharaf, waana waajib in loo mahadceliyey waax walbo oo la timaado shaqo wanaag iyo guul tan oo kale".....ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa dadaal badan ku bixineyso hirgalinta Adeega Qaran ee Ciwaanada Boostada, (National Post Addressee) waxa uuna fududeen doonaa Ganacsiga iyo adeegyo badan oo bulshada u baahanyihiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya, isagoo kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka.
Shirkan waxaa ka qeyb-galay Raโiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mohamed Adam Mo'alim Ali ayaa Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre u gudbiyey lana saxiixday Ballanqaadka Wasaaradda ee 2024-ka taas oo qeyb ka ah hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo la xisaabtanka.
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ง๐๐๐ก๐ข๐๐ข๐๐๐ฌ๐๐๐ ๐ข๐ข ๐ฆ๐๐๐ฅ ๐๐ ๐ค๐๐๐ง๐๐ฌ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ - ๐๐ฏ๐ฟ๐ถ๐ถ๐น ๐ฎ๐ฏ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ; Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa maanta xarunta Wasaaradda waxa uu shir Isbarasho iyo soodhaweyn ah waxa uu la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawl gala Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka Wadashaqeynta & iskaashiga ee ka dhaxaysa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.
Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ayaa bogaadiyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaarsiintu ay u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti maal gashiga ah u galiyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka "Sida aan la socono aduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa, Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa ganacsatada soomaaliyeed, Waxaad u baahantihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waan fahmayaa waxaana rajeenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeedโ ayuu yiri ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ.
๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ถ๐ถ๐ป๐๐ฎ ayaa ka Mahadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoonaan.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada XFS ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป Mohamed Adam Mo'alim Ali ayaa maanta kulan isbarasho & dar-dargalinata shaqada waxa uu la qaatay Madaxda iyo Howlwadeenada Mashruuca Iskuxirka Dhijitaalka ee Gobolka Bariga Afrika (EA-RDIP)
๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฐ๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ฒ ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐ฎ ๐ซ๐ถ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ฟ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐ต๐๐๐ฟ๐ฐ๐ฎ ayaa Wasiirka u sharxay yoolalasha iyo Muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa isdhexgalka xiriirka ganacsiga, hubinta iyo ilaalinta sharciyada gaarka ah, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ayaa ka Mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee la qaabtay marka loo eego Wadamada bahwadaaga ku ah Mashruucaan, ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ waxa ay gaartay heer fiican.
๐ ๐ฎ๐๐ต๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฎ ๐๐๐ธ๐๐
๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ถ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ (๐๐-๐ฅ๐๐๐ฃ) waxa uu diiradda saarayaa Horumarinta isgaarsiinta casriga ah, Horumarinta iyo xoojinta Machadka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Dib-u-yagleelidda adeeggii boostada Qaranka iyo in la xoojiyo Ganacsiga qaab-danabeedka ah ee Dalka.
Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay RW Hamza Abdi Barre ayaa maanta loodhaariyey xilalkooda.
Wasiir Mohamed Adam Mo'alim Ali oo loo magacaabay Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada kamid ahaa.
Congratulations markale
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Contact the organization
Telephone
Address
KM4
Mogadishu
KM4
Mogadishu, 256
Waa bogga rasmiga ah ee Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.
Waberi
Mogadishu, 252
ASC waxan idinka mahad celinaya wacan ad usoo boqotay page-kani waxana kuso gudbin doona oo ad igala socon doontan ONLINE BUSSINES waxana so galin doona product-tiyal kala duwan in...
N/A
Mogadishu
Hadalyar iyo Howlbadan Hiigsi iyo Hormar Hufnaan iyo Cadaalad
MOE Building, Afgoi Road
Mogadishu, 252
MP, Formar Minister of Education,Culture & Higher Education, Somalia
Mogadishu, 252
Member of Somalia Federal Parliament | Fmr NISA Chief of Staff & Villa Somalia Dep. Chief of Staff
Soddonka Street
Mogadishu
Member of Finance, Budget & International Cooperation Committee of the Somalia Federal Parliament.