Danjire Dal-jire Dad jire

Danjire Dal-jire Dad jire

Publieke Figuren in de buurt

sara della santa
sara della santa
Antwerpen

Warsugan iyo wax sax ah

03/09/2023

Soo raac pge

03/09/2023

Akhrisku waxa uu quudiyaa maskaxda halka cuntadu ay quudiso jirka❤.

25/05/2019

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare uu dhacayo waqtigii loogu tala galay waxa una ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed in ay u diyaara garoobaan imtixaanka.
"Maalinta isniinta oo ku beegan 27-ka bishan Maaj waxaa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilaaban doona imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.

Ardeyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa imtixaanka waxaan u rajeyna guul.
Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya waxay markasta masuuliyad iska saareysa sidii loo garab istaagi lahaa ardeyda Soomaaliyeed
Laamaha ammaanka waxaan ka codsaneyna inay ardeyda u turan.

Imtixaankan waxaa ka qeyb gali doonta sodon iyo koow kun iyo shan boqol oo ardey kuwaasoo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo gobollada
Sidaasi waxaa yiri wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre

25/05/2019

MAXAA KA DAMBEEYA CADAADISKA SIYAASADED AY KENYA DOONEEYSO IN AY SAARTO SOOMAALIYA ?

Cadaadis kastoo siyaasadeed waa inay jiraan ulajeedo ka dambeeyso, hadaba waa maxay sababta?

A- Kenya waxaa ka soo xirmay dacwadii (legal course ) maxkamadda caalamiga oo ay Kenya aragtay inaysan ku guuleeysan doonin la wareegida shidaalka bada Soomaaliya. Waxay isku dayday in dacwada loo wareejiyo xarunta qaramadda midoobay ee New york, taasna waa laga diiday in dacwada loo gudbiyo New york.

Waa maxay sababta ay Kenya u dooneeysay in New York loo wareejiyo dacwada?

Kenya waxay ku guuleeysatay inay xubin sare ka hesho Gudi Sare UN ama qaramada midoobay u qaabilsan arimaha xuduudaha bada. Ninkaas oo lagu magacaabo SIMON NJUGUNA. Mr. Njugna waa ninkii qoray "Continental Shelf" oo lahaa fikirka la doonaayo in lagu xadeeyo Bada Soomaalida, waxaa wax lala yaabo ah inuu hadana ka mid yahay gudi go'aanka ka gaaraaya arimaha xuduudaha bada.

Taasi waa A conflict of interest (COI). Kenya waxay dooneeysaa in dacwadaan la hoos geeyo UN, si wiilkoodi go'aan uga gaaro. Taasna waa laga diiday.

B- Kenya waxaa kaloo mushkilad kaga yimid shirkadihii ay siisay ruqsada ama shatiyada si ay ula soo baxaan oil ama shidaalka, ka dib markeey arkeen shirkadahaasi in dacwada looga guuleeysanaayo Kenya, waxayna ka dalbadeen in lacagtooda dib loogu celiyo, waana sababta hada ay ugu yeereeyso gumeyste shirkadahaasi Norway, France, Italy iyo America. Waayo lacagtii h**e baa laga doonayaa inay soo gudaan ama soo celiyaan.

C- Kenya waxay kaloo sheeganeeysaa bada Tanzania oo ayadana laga helay shidaal, hadii looga guuleeysto dacwada Bada Soomaaliya waxaa hubaal ah inay ku qasaari doonto tan Tanzania, taasna Aad bay uga baqeeysaa.

Hadaba Kenya maxay ka dooneeysaa Soomaaliya?

Waxay rabtaa inay culeeys siyaasadeed ay saarto dowladda Soomaaliya (diplomatic pressure) si miiska wada hadalka Soomaaliya loo keeno si dib looga noqdo dacwadaas. Arintaas waxay ku abuuri kartaa shirkadahii ay lacagta ka qaadatay kalsooni si ay meesha uga baxdo lacagta laga rabo.

Hadaan nahay dadka Soomaaliyeed ee xoogaa fahan u leh arimaahaas, waxaa nagu qasab ah inaan shacabkeena u sheegno arinta dhabteeda si ay uga foojignaadaan lugooyadda siyaasadeed ee dalkooda lala damacsan yahay.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinki: Sheiknor Abucar Qassim.

20/05/2019
20/05/2019

Matahay qof murti leh ama xigmadeyste ah hadii jwb taada haatay wan ku soo dhoweyn ee ila wadaag
Si aan dadka ula wadaagno adigana aad uga faaidaysato waxaa kaa dhex guu xaaya dadkana ugu faaidayso waad mahadsan tihiin dhamantii

11/05/2017

Waxa La Turjumay(Afsoomaali Lo bedelay) Qoraal Uso Dhigay Isago English Ku Qoran Nin U Dhashay Wadanka Ghana.16 Qodob Amma Sababood Oo Loo Diley Qadafi Madaxwaynihii Libya, Loona Baaba'shay Libya.
1- Majirin Wax Biil Koronto Ah Oo Laga Qaadi Jiray Muwaadin Kasta Oo Libyan ah. Dhammaan Wadanka Korontadiisu Waxay Ahayd Bilaash.
2-Majirin Wax Saaritaan Lacageed Ah Dhanka Bankiyada, 0%.
3- Qadafi Wuxuu Hirgeliyey Amma Saxiixay Sharci Dhigaya In Uusan Qof Familygiisa Ahi Helin Guri Ilaa Uu Muwaadin Kastaaba Helo Guri. Qadafi Aabihii Wuxuu Dhintey Isagoo Aan Lahayn Wax Guri Ah.
4- Laba Kasta Oo Is Guursadaa Waxaa Lasiin Jiray Lacag Gaadhaysa 60,000 Diinaar Oo U Dhiganta (50,000$).
5- Waxbarashada Iyo Adeega Caafimaadka Ee Muwaadin kasta Oo Libyan Ah Waxay Ahayd Bilaash. 25% Ayaa Waxbarasho Tegi Jiray Qadaafi Kahor Dabadiina 83%.
6- Muwaadinkii Doona Inuu Shaqaysto Isagoon Lahayn Aqoon Waxaa Laga Caawin Jiray Waxbeerashada Iyo Xoolo Dhaqashada, Waxaana Lasiin Jiray Guri Beeri Kudhex Taal.
7- Haddii Qof Libyan Ahi Kabaxo Jaamacad Balse Uusan Helin Shaqo Waxaa Dawladu Siin Jirtay Lacag Udhiganta Aqoontiisa.Inta Uu Shaqo Kahelayona Lacagtaas Ayu Qaadan jiray.
8- Qof Libyan Ahi Haddii Uu Gato Gaari Kala bar lacagta Waxaa Kabixin Jirtay Dawlada.
9- Shidaalka Litre Kasta Waxa Uu Ahaa Qiime Garaya 0.14$. Wax Aan gaarin 0.5cent.
10- Majirin Libya Wax Dibada Uga Imaan Jiray,Sidas Oo Ay Tahayna Waxaa Gudaha Wadanka Kaso Xeroon Jiray Lacag Gadhaysa 150 billion.
11- Qofka Aan Gelin Jaamacad Ee Waxbarashada Iyo Shaqada Aan Haysan Waxaa Dawladu Ku Kaabi Jirtay Lacag Dhan 2,300$ Bil Kasta.
12- Dakhliga Saliida Wadanka Waxaa Toos Logu So Shubi Jiray Bankiga Dawlada Waxaana Dib Loogu Celin Jiray Shacabka Libya.
13- Hooyo Kasta Oo Dhasha Cunug Waxay Qaadan Jirtay 5,000$.
14- 40 Xabo Ee Rootiga Ahi Waxaa Lasiin Jiray Qiimo Dhan 0.15 . Wax kayar 0.5cent.
15- 25% Bulshada Libya Waxay Dhamaysteen Jaamacadaha.
16- Qadafi Wuxuu Sameeyey Qorshe Horumarineed Uu Ubaxshay "The great man" Oo ah " Ninkii Sareeyey Ama Qiimaha Badnaa" Oo Uu Ula Jeeday Waari Mayside War Hakaa Hadho.
Ugu Danbayntii Haddii Hogaamiyaha Sidaas Uwanaagsan Ee Ummadiisa Sidaas Ugu Shaqaynaya Lagu Tilmaamayo Amma U Yahay Keligii Taliye, Dimuquraadiyada Waxa Reer Galbeedku Ula Bexeen Ee Ay Kusheegaan Jahanama Ha Isla Galaan".
Walaal, Haddiibaa aAad Intaan So gaartay Share U Sii Dheh Asxaabtaada Si Ay Uga Faidestaan Qoraalkaaan # #

10/05/2017

Gur yaha dunida ugu quruxda badan iyo wadamada ay ku kala yaalan wax kabaro iyo weliba qaabka ay udhisan yihiin wax yaabaha ay kaga duwan yihiin guryaha kale

10/05/2017

QISADII Macron & XAASKIISA

Madaxweynaha Cusub ee Faransiiska Emmanuel Macron, waxa uu jeclaaday macallimaddiisa oo la qabo, 24 sanno ka hor. Si kedis ah ayey isugu dheceen, waxa uuna ka dhunkaday dhabanka! Jacayl xad dhaaf ah ayaa uu u qaaday.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa faafisay waalidka Emmanuel Macron, in ay dhabanna-hays ku noqotay markii ay ogaadeen in wiilkoodu caashaqay macallimaddiisa dugsiga.

Qoraa Anne Fulda, oo buug ka qortay Macron, buuggaas oo la yiraahdo “A Perfect Young Man.” Ayaa kala hadashay waalidka Macron, jacaylka aan caadiga ahayn ee haleelay wiilkooda, islamarkaana jacaylkiisu ay marwo u tahay aabbaha saddexdeeda carruurta ah.

Waalidkiis markii ay amankaag ku noqotay, waxa ay go’aansadeen in ay wiilkooda aan qaan-gaarka ahayn ka saaraan dugsiga ku yaal magaalada Amiens, una diraan caasimadda Paris si uu uga sii dhammaysto inta uga hadhay dugsiga.

Hooyadii oo u sheekaynaysa qoraa Fulda, ayaa tiri: “Ma aaminayso arrintaas, in uu Macron la kulmay Brigitte, annagu ma oranayso waa wax caadi ah!”

Marwo Briggitte kal h**e mar ay wareysi siinaysay wargeyska Paris Match waxa ay qirtay in Macron uu wacad ku maray in uu guursan doono iyada, xilli uu ahaa 17 sanno jir oo keliya.

Madaxweyne Macron, waxa uu guursaday xaaskiisa sannadkii 2007, ka dib markii marwo Briggitte ay kala tageen Andre Louis, oo ay u dhaxday muddo 33 sanno ah!

Wasiirkii h**e ee Dhaqaalaha iyo Warshadaha, haddana ah madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska waa adeerka (adeer hooyo), saddex ubad ah oo waa weyn, uuna ku jiro Sebastien oo ah wiil laba sanno ka weyn adeerkiis hooyo!

Waxey ka weynatahay Da' Aad uweyn Waxeyna wax bari Jirtay Isagoo Intaan Ka Caruursan, Sidee Kula Tahay Adiga ?

Share

10/05/2017

Wadanka Japan waxa uu soo saaray Machine/ Mashiin Shegayo qofka Tuuga ah Tijaabo ahaan mashiinkas waxaa lo geeyay dhowr Wadan

Mareykanka Tijaabadii kowaad oo aheed 30 daqiiqo waxa uu qabtay 20 tuug

Ingiriiska 30 daqiiqo Waxa uu mashiinku qabtay
500 oo Tuug

Spain 20 daqiiqo waxa uu qabtay 25 Tuug

Wadanka Ghana 10 daqiiqo wuxu qabtay 6kun oo Tuug

Uganda 7 daqiiqo wuxu mashiinka qabtay 20 kun oo Tuug

Somaliya 5 daqiiqo kadib Mashiinkii Laftisii ayaa la xaday.........

Somaliya waa laga qeyliyay Wax kale waaye

09/05/2017

9, 2017 - danjire news
Warar hoose ayaa ka soo baxaya shir xasaasi ah oo ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Odayaasha, Waxgaradka & Siyaasiinta Beesha Habargidir oo ay uga wada hadleen arrimaha la xariira dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee uga yimid dhinaca dawladda Faderaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa daba socday shirar ay guddi beeshaas ka socda la yeesheen Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka Soomaaliya, kaas oo ay shalay ogaatay Danjir Dal-jire Dadjire uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.
Guddiga ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii ay ugu tageen Madaxweynaha & Raysalwasaaraha oo ay ku soo koobeen sadex qodob oo kala ah.
In kiisaska la xariira Hanti Dhawraha Guud iyo Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta lagu xaliyo si ka duwan sidda ay hadda wax ku socdaan, lana joojiyo xabsiyada iyo caga-jugleynta.
In Xaquuqda beeshaas ay ku leedahay gobalka Banaadir & guud ahaan wax qeybsiga beesha Hawiye dhexdiisa ah la muujiyo.
In go’aan wada jir ah laga soo saaro xirnaanshaha wadaadka mayalka adag ee Xasan Daahir Aweys oo xabsi gurri ah iyo qodobo hoos imaanayey.
Guddigu waxay si cad usheegeen in aysan waxba garowshiyo ah ka helin madaxda dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Raysalwasaaraha ayay sheegeen in uu si cad ugu sheegay in xaqii beesha Hawiye uu isagu ku fadhiyo saamigeeda.
Kiisaska la xariira Hanti Dhawraha guud oo xilkii laga qaaday, loona haysto dilkii Wasiirkii howlaha guud & Guryeynta ayay sheegeen in ay Madaxdu si cad u diiday in qaab-qabaa’il wax loogu xaliyo.
Ka dib dhinacyada Beeshan ayaa isku raacay in la soo saaro go’aamo Saxaafadda lala wadaagayo oo ay ugu h**eeyaan in dib loo eego xariirka dawladda Faderaalka iyo Beelahan kala dhaxeeya, sidaas oo kalena taladan laga qeybgaliyo wasiiradda & Shaqsiyaadka Xukuumada hadda jirta wax ka ah ee beeshan ka soo jeeda.
Go’aamadaas iyo talaabooyinka ay Muqdisho ka wadaan beelahan ayaa u muuqda kuwa ay uga soo horjeedaan dagaanshaha iyo dawladnimada Soomaaliya, taas oo dhaxalsiin karta dalka xaalad adag oo jahawareer siyaasadeed iyo mid amniba dib u soo celin karta.

28/03/2017

Sanadkan ayaa waxaa shir madaxeedka Jaamacada Carabta marti gelinaya dalka Urudun, kadib markii Yaman ay ka cudur-daaratay sababo ammaan awgeed.

Shirkan ayaa noqonaya kii 28-aad ee ay madaxda wadamada ku bahoobay ururkan ay isugu yimaadaan, kulankan kii ka h**eeyey ayaa ka dhacay Muuritaaniya.

Ururka Jaamacada carabta ayaa waxaa la aas-aasay 28-dii May sanadkii 1945-tii, waxaana shirkii ugu h**eeyey ka qayb galay todobo wadan oo lagu aas-aasay, kuwaas oo kala ah Masar, Urdun, Sucuudiga, Yaman, Ciraaq, Lubnaan iyo Siiriya.

Waxaa xarun joogta u ah magaalada Qaahira ee dalka Masar. Hada waxaa gudoomiye ka ah Axmed Abu-Alqayd.

14 sano kadib markii ay Jamhuuriyada Soomaaliya heshay xuriyadeeda ayay kamid noqotay wadamada ku bahoobay Jaamacada Carabta 14 Feb sanadkii 1974-tii.

Ajandyaasha shirka madaxda hor yaalla waxaa kamid ah arinta Falastiin, dagaalada ka jira wadamada Siiriya, Ciraaq, Yaman iyo Liibiya, waxaa kaloo looga hadlayaa taageerida dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka Suudaan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb gelaya boqoro, Amiiro iyo madaxwaynayaal gaaraya 16, Waxaana Soomaaliya uga qayb gelaya wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Waxaana la filayaa in madaxwaynuhu uu ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada ay dawladu ku doonayso in gacan lagu siiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo dagaalada lagula jiro ururka Alshabaab.

Jaamacada carabta ayaa ka kooban wadamo ku yaalla Aasiya iyo Afrika. wadamadan ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyo kala duwan ah sida: Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isgaarsiinta, Arimaha bulshada, Caafimaadka iyo arimo kale.

Jaamacadda carabtu waxay ka koobantahay 22 wadan oo ku kala yaalla qaaradaha Aasiya iyo Afrika.

Bedka dhulka ee wadamada ururkan ku bahoobay waxaa uu dhanyahay 13,953,041 km2. Dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 339,510.535, waxayna ku jiraan kaalinta 4-aad waxaana ka dad badan Shiinaha, Hindiya iyo wadamada midawga Yurub.

Ujeedooyinkii loo dhisay ururkan oo sagaal qodob ka koobnaa ayaa waxaa ugu waynaa in wadamada carabtu gacan ku siiyaan Falastiiniyiinta halgalka ay ugu jiraan in ay dhulkooda ku difaacdaan, wadamada kale ee carbeed ee markaas gumaysiga ku hoos jirayna ay xuriyadooda helaan

26/03/2017

(Madaxwayne Farmaajo iyo arrimo layaab leh oo uu ka Rumeeyey.Barnaamjika Ma Ogtahay)

Ma og Tahay in Golaha Wasiirada aanu ku jirin Hal Wasiir oo Farmaajo reerkooda ah(Mareexaan).

Ma ogtahay inuu Yahay Madaxwaynihii ugu H**eeyey ee reerkiisa ka Mamnuuca Golaha Wasiirada.

Ma ogtahay Shalay in Madaxawayne Farmaajo Diyaaradii uu Nairobi u Raacay ay ahayd mid Raab ah oo uusan Raacin mid Gaar ah Isaga oo ilaalinaya Dhaqaalaha Dalka

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo iyo Khayre oo isku Talo ah ay Golaha Wasiirada u Qaybiyeen si is leeg oo aan loo Qaybin 4.5.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo ku amray Cidii ajaanib ah ee Dalka Sharci daro ku Joogta inay ka Baxaan Lagana Saaray Dalka dad kenyan ah.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo u Diiday madaxda Shisheeye ee Dalka imanaya in Lagula Kulmo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuna armay in ay Toos u tagaan Madaxtooyada dalka.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo durba ku Guulaystay Bixinta Mushaharka Ciidanka Qaranka soomaaliyeed iyagoo aan Todoba Bilood Lacag Qaadan.

Ma ogtahay in Madaxwayne farmaajo uu ka Lacag yar yahay Rw khayre marka la eego Hantida ay haystaan.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo uu Si Cad ugu Sheegay Dawladaha Dariska ah inay somalia Fara galinta ka Daayaan.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo soo Jeediyey in uu Diyaar u Yahay in lala Xisaabtamo isaga iyo Xukuumadiisaba.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo uu ehel iyo Qaraabo dhow la Yahay Deegaanka SSC.

Ma ogtahay in Somalia tahay Dalka kaliya ee Carab ah oo Sadex Madaxwayne oo xilka u kala Danbeeyey ay Wada Joogeen Xarunta Doorashada oo Waliba ay Gacmaha is Qabsadaan.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo Markii ugu Horaysay uu Somalia ka sameeyey Wasaarad u Gaar ah Dadka Jilicsan ee Masaakiinta ah.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo uusan Wax balwad ah lahayn.

Ma ogtahay in Madaxwayne Farmaajo uu Diyaarinayo Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida Dawlada turkiguna ay ka Caawinayso.

Ma ogtahay in Madaxwayne farmaajo uu Yahay nin aan isla waynayn oo Dadkiisa aan Ka Dhuuman.

Ma ogtahay in Kalmada Farmaajo Tahay Cunto La Cuno.

Ma ogtahay in Barnaamijkan Ninka Diyaariyey uu Yahay Axmed Maxamed Nadiif (Axmed Qaran).

Qalinkii Axmed Maxamed Nadiif (Axmed)
Share Garee Walal Soamlia Guul insha

Timeline photos 04/03/2017
04/03/2017

Jclka sidaan oo kale hakaa ahaado ama iska dhaaf wakhti hays kaga lumin ee

Photos from Danjire Dal-jire Dad jire's post 24/01/2017
19/01/2017

FADLAN AKHRI HADAD TAHAY MUWAADIN

Nuxurka Warbixinta Xarunta Wadahadalka , Cilmi barista iyo iskaashiga Itoobiya (CRDC) kasoo saartay arrimaha siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya .

Warbixinta ay Xaruntu ka qortay Soomaaliya ayaa ah mid ka kooban ilaa 15 bog, kuna qoran Af-ingiriis , waxa ayna tibaaxaysaa aragtida dawladda Itoobiya ee ku aadan arrimaha haatan ka socda Soomaaliya , gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2016-2017, maadaama Itoobiya xaruumo cilmi baaris oo madaxbannaan ka jirin , marka arrimaha siyaasadda laga hadlayo.

Markii aan isha mariyay qoraalka waxaa iigu mihiimsanaa arrimihii aan ka fahmay :

1- Kooxda Al-shabaab waa awood wali jirta , oo qaadi karta hawlgallo ciidan , waxa ayna kooxdu wali haysataa ciidan ku filan oo ay qorato iyo ilo dhaqaale oo ay hawgaladeeda ku maalgeliso , weerarada loo gaystay madaxdooda sar sarena maaha kuwa wiiqay awoodda kooxda ee markaba waxa ay ku bedelaan rag cusub oo hawsha meehsii kasii wada(bogga 4-5).

2- Itoobiya waxa ay sii wadaa dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo kooxa kaleba , waxa ayna Soomaaliya ku leedahay galaangal ciidan iyo mid siyaasadeed.

Waxa ay qiraysaa warbixintu in Itoobiya oo ciidankeeda Soomaaliya ka jooga ka mid noqday hawlgalka AMISOM sanadii 2014, ay joogitaan xoog leh ku leeyihiin dalka Soomaaliya . Waana joogitaan walwal ku abuura qayba ka tirsan beesha caalamka , kuwaas oo ay warbixintu ku canaanatay in aanay qirsanayn ama garwaaqsanayn kaalinta muhiimka ah ee Itoobiya ku leedahay Soomaliya iyo inay tahay tan culayska ugu badan ku dhaco ee sugiidda nabadda Soomaaliya (bogga 7-8).

3- Warbixintu waxa ay ku talinaysaa in xukunka mar kale uu qabto madaxwaynaha hadda talada haya ee Xassan Shiikh si loo xaqiijiyo sii socoshada hawlaha dib usoo celinta hay’adaha dawliga aha (qaybo ninkeedaa dhamaystira ), waxa ayna ka digaysaa warbixintu madaxwaye cusub oo talada loo dhiibo, taasoo burbur ku ah hay’daha dawliga ah ee jira iyo haykalka dawladnimo guud ahaan (boga 8- 9).

4- Warbixintu waxa ay ku eedaynaysaa dawladda Kenya iyo dal Carbeed oo aanay carabaabin (waa Imaaraadka sida muuqata) inay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii RW Cumar Cabdirashid u noqon lahaa madaxwaynaha bedela Xassan Shiikh. Waxa ayna warbixintu tibaaxaysaa in arrintaas ay ku lug leeyihiin shirkado shidaal oo danaynaya shidaalka ceegaaga xad badeed ka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya (bogga 9).

5- Warbixintu waxa ay ku eedaynaysaa RW CCC inuu heshiis hoose kula jiro Kenya oo ku saabsan inuu Kenya u fududeeyo arrimaha dacwadda muranka sohdin badeedka labada dal u dhexeeya , taas bedelkeedana ay madaxwayne nimada gacan ku siiyaan (bogga 9).

6- Warbixintu waxa ay gaashaanka ku dhufatay eedaha loo soo jeediyo MW Xassan ee ah uu xiriir dhaw la leeyahay koox diimeedka Damul Jadeed , waxayna cuskanaysa in madaxwaynuhu arrintaa iska fogeeyay (bogga 9).

7- Warbixintu waxa ay ku adkaysan in guul daradii ka qabsatay Farax Shiikh Cabdulqadir inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka aanay ka dhignayn guul daro loo saadaalin karo saxiibkiis Xassan Shiikh , taas bedelkeedana ay tahay fursad uu Xassan dib ololihiisa ugu abaabuli karo , korna u qaadaysa fursad uu mar kale madaxwayne ku noqdo (bogga 11).

8- Warbixintu waxa ay ka digaysaa in madaxwaynaha soo socda ka yimaado beelaha Daarood , gaar ahaan Majeerteen, maadaama qabaa’ilka Hawiyaha ah ee u badan Muqdisho iyo nawaaxigeeda aanay aqbali doonin , soona xusuusin doonto cadaadiskii Max’ed Siyaad , ayna keeni doonto in mar kale Caasimaddu u gacan gasho kooxda Al-shabaab. Waxayna warbixintu si toos ah ugu talin in jagada madaxwaynaha mar kale loo daayo in uu qabto musharax kasoo jeeda beesha Hawiye (bogga 12).

9- Warbixinta waxaa ka muqata in Itoobiya ka hortimi qorshihii Shariif Xassan uu ku doonayay inuu madaxwayne noqdo ,isaga oo reer kale ku riixaya booska afhayeenka baarlamanka , waxaana ka muuqata warbixinta in Itoobiya ku guul daraysatay inay Sahriifka ka dhaadhiciso inuu taageero Xassan Shiikh, kana tanaasulo doonistiisa kursiga madaxwayne nimada, waxa ayna ku eedaynaysaa Shariif Sakiin inuu iska lumiyay fursad uu ko noqon karay “king maker” (bogga 10-13).

Guud ahaan, warbixinta waa mid muujinaysa tabar dari ay dareentay Itoobiya iyo in ay lumisay galaangalkii badnaa ee ay ku lahayd siyaasiyiinta Soomaalida iyo beesha caalamka iyo inay jiraan dawlado kula baratamaya dalka Soomaaliya oo ay caal u wayday .

Sidoo kale warbixinta waxaa laga dheehan karaa hanjabaad dadban oo Itoobiya u jeedisay beesha caalamka oo kusoo biya shubanaya hadii aad taladayadii diideen waxaad ka heshaan wax hanaga siinina .

Timeline photos 18/01/2017

Fadlan hafurin swrkaan hadan waaji baadkiisa marin hayn siidhaaf fadlan

17/01/2017

Ma og tahay kuf sigu inuu ka xun yahay sinada qaybe heeda kale

17/01/2017

AQRISO Warbixinta Gabadhii La Faraxumeeyay iyo Sida ay wax u dhaceen...

(Dareen Damqasho hadii aad leedahay walaal u duceey Gabadha la dhibaateeyay)

• Gabadha Meeqo Ayaa Kufsatay?

6 wiil ayaa kufsaday, Midka ugu weyn waa 27 jir. Lixda mid kamid ah Suldaan ayaa dhalay, midkalana wuxuu la dhashay Ex-Xildhibaan Xoosh oo Barlamaanka Somaliya ka tirsanaa, marna wasiir noqday

• Falka Siduu u Dhacay ?

Habeen 20:00 ayey ahayd, Gabadha waxa ay dhoweyneeysay Gabar kale oo saaxibteed ah. 2 wiil ayaa jidka u galay, wey qash-qashaadeen. Kadibna Gaari cad ayaa yimid oo lagu qaatay gabadha la damacsanaa in la kufsado.

Waxa ay geysteen Baadiyaha magaalada Goldogob ee Puntand, Halkaas ayey ku fara xumeeyeen iyagoo 6 ah. Inka badan 3 saac ayey heysteen

• Gabadha Marka H**e Maxey Sameeysay?

Ridaaya Gabar qurux badan oo 16 jir ah ayey ahayd, xaafadeeda aad ayaa looga jeclaa. Edeb iyo asluub ayey laheed lakin Ragaan ayaa marar badan isku dayay in ay qasbaan, ayadana waaka diiday.

Markii dambe waxa ay go'aan ku gaareen in ay kufsadaan madama gabadha ay aad u qurux badneed.

• IYADOO MIIR DABOOLAN AYEY KUFSADEEN

Wey diiday inbadan in ay kufsadaan, kadib ayey tooreey lasoo baxeen, waxa ayna ku mudeen meelo badan oo jirkeeda kamid ah. Sidaas ayeyna gabadhii Ku suuxday, iyagana xaajadooda ay guda galeen

• Dhaawac Noocee ah Ayaa loo Geystay?

Gabadha Qeybta wadnaha, dhabarka, caloosha, Xubinta taranka, wajiga dhamaan mindi ayaa looga muday. Waana dhaawac halis ah hadda

Waxa ay ku jirtaa isbitaal Dhagacade ee magaaalada Gaalkacyo. Marka ay soo naaxdo iyadoo wax waalan oo kale ah ayey dadka ula hadashaa. Lakin inta badan waa qof iska miirdaboolan.

Dhaqaatiirta isbitaalka waxay sheegeen in gabadha caafimaadkeeda uu wali soo hagaagin, balse ay la tacaalayaan.

• HADALADA GABADHA MAXAA KAMID AHAA?

Marka sharafteeda lagu ciyaaray, waxa ay hooyadeed ka codsatay in ay iska iloowdo, waxa ay tiri "hooyo iyo aabe midna ma sheegan doono, aduun aan cadaalad ka jirin ayaan ku noolahay".

• MUUQAALKA MARKII H**E SIDUU KU FAAFAY?

Lixda wiil ee inanta faraxumeeyay waxa ay ka qaadeen muuqaal lasoo galiyay website-yada lakin in laa faafiyo iyaga ma rabin ee Waxa ay uga qaadeen in markale ay ku xujeeyaan gabadha in ay u timaado oo hadana xaajad kale la galaan.

Mid kamid ah wiilasha ayaa muuqaalka wuxuu u diray gabar kale oo saxib ahaayeen, Gabadhaas ayaa muuqaalka faafisay.

• Puntland Waa Loo Diiday

Reerka ragii wax kufsaday ayaa diiday in dowlada Puntland ay soo dhexgasho arinta. Waxa ay sheegeen in labada reer ay iyaga dhexdooda ka hashiin doonaan

Madaxweyne C/wali Gaas wuxuu maanta sheegay in qolyaha falka geystay lasoo istaajin doono maxkamada, walibana gabadha ay heli doonto xaqeeda. Hase yeeshee reerka inamadii dhibta geystay ayaa wali diidan in lasoo dhexgalo.

• Aaway hada Ragii Dhibaatada Geystay?

5 kamid ah waxaa gacanta ku hayya Qoyska gabadha, mid kamid ah wuu baxsaday oo lama oga halka uu aaday.

Waxaa la leeyahay Sharciga diinta islaamka ayaa la marin doonaa lakin Abtiga gabadha la dhibaateeyay oo u hadlay VOS ayaa sheegay in ragaan oo aan la toogan in xaq uusan jirin.

• Dareenka Shukri

Shukri C/raxmaan Cabdullahi waa hooyada dhashay Gabadha. Dhiikar ayey iyadana la xanuunsaneeysaa, murugo ayaa heysa, waayo inanteeda yar ayaa si xun loo galay.

Maamo Shukri oo aan wacay waxa ay ii sheegtay in Odaygeeda iyo iyadaba ay la xanuunsan yihiin Kufsiga gabadhooda loo geystay.

• Faquuqa Xaafadda ay Dagan Yihiin

Inbadan qoysaska dariska la ah reerka dhibaatada soo gaartay ayaa la ii sheegay in ay faquuqaan oo ay wax ka sheegaan reerka iyo gabadhaba.

Maamada waxa ay ii sheegtay in Maanta wiil 11 jir ah oo gabadha la dhashay uu la dagaalay mid kale oo yar kadib markii uu ku yiri "walaashaa baa la kufsaday ee maxaad nagala hadli".

Waana niyad jabka hada heysta qoyska dhibaateeysan.

• Gabadha Oo dil isku dayday iyadoo Xanuunsan?

Waxa ay damacday in ay toorey qaadato oo wiilashii mustaqbalkeeda ku ciyaaray ee hadana dhaawacay ee muuqal ka duubay ay soo disho lakin waalidkeed ayaa celiyay.

Ooyin iyo ciil iyo xanuun ayey hada la jiiftaa.

Duco oo kaliya ayey kaaga baahan tahay ee u duceey Please in walaasheen caafimaad uu Alle siiyo, Allow caafi yaa allah 😭😭

Share Garey aan ka damqano dhibaatada ku dhacday gabar Soomaali ah..

Timeline photos 17/01/2017

Amiin arts

Timeline photos 16/01/2017

Amiin arts run badana

Timeline photos 14/01/2017

Say allaahu akbar

14/01/2017

Minneapolis: Warbixin ay shaacisay jaraa’idka caanka ee Startribune ayaa lagusoo bandhigay xadgudubyo iyo tacadiyo lagu eedeeye mulkiilaha suuqyada waaweyn ay Somaalida ka ganacsato ee loo yaqaan 24 Mall iyo Karmel Mall.

Mulkiilahaan oo ah shaqsi carab ah oo lagu magacaabo Sabri ayaa eedaymo farabadan kaga imaanayeen deriska, Ganacsatada Somaalida iyo waliba maamulka Magaalada Minneapolis.

Warbixintaan ayaa tilmaantay in maamulka magaalada Minneapolis ay ku cadayse 182 sharci jebin ama waxa loo yaqaan “code violations.”

Gudoomiyaha degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayay warbixintu sheegtay in uu dhaqan galiyey heshiis iyo balanqaadyo uu maamulkiisu la saxiixay mulkiilaha ganacsigaasi.

Heshiiskaasi ayaa ka koobnaa qodobo ay kamid yihiin goobaha ay gawaarida dhigtaan, in uu dayactiro dulduleelo uu biyuhu kasoo galayeen iyo in uu kordhiyo suuliyada.

Warbixintaan ayaa sii faah-faahisay in gudoomiyaha degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis Abdi Warsame uu ka damqaday dhibaatooyinka lagu hayo ganacsatada Somaalida kuna tilmaamay tacadiyadaan mid aan loo dulqaadan Karin.

13/01/2017

Wlhi su aalo dhaxal gal ah buu madax waynaha waydiiyey wiilkan dhalin yarada ah

13/01/2017

Heesa 2017 bay kashidan tahay daawo adiga qosli doone 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂

Photos from Danjire Dal-jire Dad jire's post 13/01/2017

Ka dib usbuucyo badan oo uu ku qaatay furinta dagaalka askari Ruush ah (Russian) intuu socday dagaalkii labaad ee dunida, waxa uu helay fasax u ogolaanaya Inuu ku laabto Magaalada Leningrad ( St. Petersburg).

Markuu soo gaaray Wadada gurigiisa ku yaaley ,waxa uu arkay gaari milatari oo nooca xamuulka ah oo wadada dhinaceeda taagan gaariga ayaa ay saarnaayeen maydad fara badan.
ciidamada cadawga ayaa Magaalada duqeyn ba'an u geystay taas oo ay ku dhinteen kumanaan qof kumanaan kalena ku dhaawacmeen.

Maydadkaan ayaa ahaa kuwa laga soo ururshay Magaalada si loogu duugo (aaso) xabaal wadareedyo.

waxa uu dhinac istaagay meydadkii isagoo aad u naxsan una murugaysan,wuxuu isha ku dhuftay(arkay) intuu fiirinayey meydadka Haweenay xiran(qabta) kabo uu hada ka hor xaaskiisa u soo gaday.

wuxuu si dhakhsaa ugu orday dhinaacaas iyo guriisii si uu so hubsado Haweenaydaas inay xaaskiisi tahay , lakiin si dhakhsaa ayuu u soo laabtay wuxuuna baaritaan ugu dhaqaaqay (bilaabay) gaarigii si uu u hello haweenaydii uu arkay waaba xaaskiisi !!.

waxa uu dalbaday in la so dajiyo si uu ugu qaato guriisa aas saxana u sameeyo.
Lakiinse intii la soo dejinayey waxaa la ogaaday inay nooshahay, iyadoo laga dareemay dhaqdhaqaaq yar iyo neefasho si hoose uga soo baxaysa.

Isla markiiba waxaa la wacay baabuurta gargaarka degdegaa(Ambulance) kuwaas oo ula cararay Cisbitaal , iyadoo Mar kale nolosha ku soo laabatay (noqotay) .!!

Dhawr sano ka dib dhacdadaas waxay yeelatay (qaaday) uur haweenaydii ku dhowaatay in nolosha lagu aaso, waxayna dhashay wiil loo baxshay Falaadamiir buutin (Vladimir Putin).

Sarkaalkii ugu caansanaa caalamka ee soo Mara Sirdoonkii midowgii Soofiyeetka ( Soviet Union ) ahna madaxweynaha haatan ee dalka Ruushka.
isagoo dib usoo celiyey Awoodii iyo magacii Ruushku ku lahaa caalamka.

13/01/2017

Daawo kuna cimra qaado sina share garay ilaahay dartiis qisadan

13/01/2017

Qoraalkan waxan ugu tala galay hoyaday oo aan uxiisay wakhti badana aan arkin
Ma ihi qof qoraa ah ama hal abuur leh lkn waxa iga keenay xisasa aan hoyaday u xiisay runtii hooyo hodon wankuu xiisay😍 wana ku jclhy

❤❤❤❤
❤Maxaan hooyoy ku tebey
❤Maxaan hurdo sexan waayey
❤Maxaan hamiyon ku waayey
❤Maxaan hibashada ku waashay
❤Maxaan berhulac dareemay
❤Maxaan habeen iyo dharaar inta hooyoy lahaa
❤Maxaan hadalkaaga waayey
❤Maxaan adi kuuhiloobay
❤Maxaan hooyoy kuraadshay
❤Maxaan noloshayda hiifay hooyoy kaamaq naan shahaaga
❤Maxaan cunto u holan waayey
Maxaan dadka lahadli waayey
❤Maxaan kuu halaahalayey adiga hooyoy mcn
Wlhi hooyoy mcn anigu habeen iyo dharaar inaan ku hil maami hayn hiyaga kaa ilaawi hayn
❤Hooyoy hadii anaan ku arag
❤Hooyoy waxan kuu hibeeyey
❤Hooyoy ducada eebiyo amaanta
Janada eebahay kugey aduunkana sharaf kujoog

Ilaahow hoyaday ii dhawr iyo dhamaan hoya kasta oo aduunka joogta akhiro jano aduunkana sharaf 💓💓💓💓💓💓

12/01/2017

Warbixin cusub ayaa la soo bandhigay, taasi oo lagu muujiyey Amarka Duqeynta ee Xafiiska Madaxweyne Obama Barack ka soo baxay sannadkii la soo dhaafay ee 2016-ka.

Warbixintaasi oo ay diyaariyeen Golaha Xiriirka Dibedda (Council on Foreign Relations) ee Kongareeska Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Milliteriga Maraykanka sannadkii h**e 26,171 Bambo ku daadiyeen 7 dal oo uu Maraykanka la beegsado Duqeymo Qorsheysan.

Inta badan Bambooyinkaasi waxaa lagu duqeeyey dalalka Iraq iyo Syria, waxayna duqeyntaasi qeyb ka tahay Hawlgalka Isbahaysiga Maraykanka kula dagaalamayaan Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Labadaasi Waddan midkiiba lagu duqeeyey 12,000 oo bambaano, waana in ka badan 93% tirada guud ee Duqeymaha ay Milliteriga Maraykanka ka geysteen Caalamka.

Shaxda dalalka ay Milliteriga Maraykanka sannadkii h**e la dhaceen Bambooyinka ay Diyaaradaha soo daadiyaan ayaa waxaa kaloo ka mid ah:

Dalka Afganistan oo lagu daadiyey 1,337 Bambooyin,

Dalka Libya oo lagu duqeeyey 496 Bambooyin,

Dalka Yemen waxaa lagu duqeeyey 34 jeer

Dalkeenna Somalia, waxay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ku duqeeyeen 14 Bambooyinka waxyeelladda badan u geysta Dadka iyo Duunyada.

Dalka Pakistan waxaa Bambooyinka lagu daadiyey 3 jeer.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay Maraykanka Bambooyin lagu qiyaasay 26,171 xabbo ku daadiyeen dalalka Somalia, Iraq, Syria, Libya, Yemen, Pakistan iyo Afganistan, haddana ma jiro Dagaal Rasmi ah oo ay Dowladda Maraykanka shaacisay inay kula jiraan 7-daasi

Wilt u dat uw publiek figuur hét hoogst genoteerde Publiek Figuur in Antwerp wordt?
Klik hier om uitgelicht te worden.

Video's (alles zien)

Type

Telefoon

Website

Adres


Antwerpen
Antwerp
2140
Andere Schrijver in Antwerp (alles zien)
GLAM AT HEART GLAM AT HEART
Antwerp

"You create your own reality." instaglam: @glam_elfi GLAM NAILS (Standaard Uitgeverij) #nailart ST

Hubert Lampo Genootschap Hubert Lampo Genootschap
Jan Van Rijswijcklaan 153 Bus 3
Antwerp, 2018

Vlaams schrijver, Antwerpen 1920 - Essen, 2006. Publiceerde 50 jaar geleden "De Komst van Joachim St

Monika Triest Monika Triest
Antwerp, 2000

My Page deals with the history of the United States, with the focus on social movements. My latest book is 'Het andere Amerika, in de schaduw van Trump' (The Other America, in Trum...

'michA'- Poëzie, proza, woord, onzinnen e.d.m. 'michA'- Poëzie, proza, woord, onzinnen e.d.m.
Antwerp

Onder z'n niet érg vergezochte alias '-michA-', schrijft Micha Milants er lustig op los.

Wij zijn alles Wij zijn alles
Antwerpen
Antwerp

Een podcast van Steve Aernouts ism Brecht Wouters. Inspirerende verhalen over transformatie en zinge

Mahad Cabey Mahad Cabey
Antwerp

Ku soo dhawaaw halkaan waa pagekeyga Mahad Cabey waa ifarxad inaad ka mid noqoto asxaabteyda

Islamic topics\ اسلامک ټوپکس Islamic topics\ اسلامک ټوپکس
Antwerp

The word “Islam” means “submission to the will of God.” Followers of Islam are called Muslims. Muslim

Wamachiya gedeon Wamachiya gedeon
Minervastraat
Antwerp, 2018

j'aime la lutterature

Saskia De Coster Saskia De Coster
Antwerp

onregelmatige updates over alles&niets&werk van saskia de coster

De Paseo con Ella De Paseo con Ella
Antwerp, 2000

Una escritora de closeth un tanto sentimental y soñadora

Lizzy in words Lizzy in words
Antwerp

The spectacles of my mind, heart, body and soul. All work is original © Published writer. Order 'A travelling Soul' https://www.amazon.com/Travelling-Soul-Poetic-Journey/dp/19493...

Maliboe Maliboe
Napelstraat
Antwerp, 2018

Kersvers schrijverscollectief op een cuisson van creativiteit, met een licht exotische nasmaak. En een tien voor sfeer en gezelligheid.