Dr-Abdourahman Abdourashid,MD
Klinikker i nærheden
Copenhagen
Copenhagen 2100
Copenhagen
Copenhagen 1550
Copenhagen
Favrskov 4791
Copenhagen
Copenhagen
Copenhagen
Du vil måske også kunne lide
Somali, Medical Doctor, Clinician,Humanitarian worker, better health and education advocy towards underserved,resource limited and low income Communities.
My Decade ' Doctor's Journey of Hope and Healing'.
maqaalkani wuxuu ka hadlayaa soo koobidda tobanka sanno ee aan cilmiga caafimaadka ku jiray.
maqaalkani wuxuu iftiiminayaa dhibaatooyinka iyo carqalada ka jira caafimaadka wadanka sidoo kale wuxuu dhiirigalin u yahay dhalinta dhigata cilmiga caafimaadka.
walaw uu luuqada ingiriiska ku qoran yahay hadana waxaan rajaynayaa inaad wax badan ka fahmi doontid.
waxaan rajaynayaa in meelo kale oo caalami ah lagu daabici doono hada se waxaad ka akhrisan kartaa
websitekayga ;-https://drabdourahman.blogspot.com/
Linkinkayga;-https://www.linkedin.com/in/dr-abdourahman-abdourashid-587b5a202/
https://drabdourahman.blogspot.com/2022/02/my-decade-doctors-journey-of-hope-and.html
My Decade 'Doctor's Journey Of Hope And Healing' N.B Since this month was the conclusion of my 10 years in medicine career (2012-2022) , this article is highlights personal struggles an...
Wacyigelin
Waxaa Marar kala duwan goobta shaqo iigu yimaada hooyooyin walwalsan oo dhawr Dhakhtar u tagay sababtoo ah caruurtooda oo kuus yar ku yeeshay xudunta.
Xanuunkan Waxaa la yidhaahdaa Umblical hernia 'Bog-dilaac ama Eernada Xudunta Ku Dhacda'.
xanuunkani aad buu ugu badan yahay caruurta dhasha gaar ahaan kuwa aan sadkooga dhamaysan.
kaliya ilmaha waxaa lagu arkaa kuus yar oo xundhurta Ilmaha ka soo muuqda, wax xanuun ah malahan, kuuskaas yar wuxuu waynaadaa goortii uu ilmaha yari qufaco ama uu ooyo.
waxaa muhiim ah hooyooyinku inay ogaadaan inaanu xanuunkani wax daawo ah u baahnayn, Si iskii ah ayuu kuuskaas yari iskaga baabi'i doonaa markuu ilmahu gaadho 3-4Sanno.
waxaa Jira suunyar oo la ilmaha dhexda loogu xidho in muddo ah oo aan sawirkiisa soo galin doono qaybta comment ugu horaysa.
kuuskaasi kaliya wuxuu qaliin u baahan karaa marka uu aad u wayn yahay ama uu tagi waayo ilmaha oo gaadhay 5sanno.
F.G Sawiradani waa kuwa aan ka qaaday bukaano kala duwan xiliyo kala duwan sababta aan u soo galiyayna waa Wacyigalin iyo Baraarujin.
DrAbdourahman Abdourashid
Sii share garee si dad badan fariintani u gaadho.
Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, soomaliya waxay ka mid tahay dalalka aanu ka jirin daryeel fiican oo caafimaadka maskaxda ah. Kalkan waxaan ku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ka hadlaysa caafimaadka maskaxda.
“Maanka/maskaxda caafimaadka qabta” Waa marka uu qofka gaaro heer uu
ogyahay waxa karaankiisu yahay, marka uu maareyn karo daruufaha nolosha ee caadiga ah, uuna wax u qaban karo naftiisa iyo bulshada uu la noolyahay.
Si qofka uu ugu noolaado nolol tayo leh waxaa muuhiim ah in uu la socdo xaalada caafimaad ee uu maankiisa ku suganyahay iyo inaanbarano sida aan u ilaalin laheyn caafimaadka maankeena.
Soomaali haddaan nahay , marka aan ka hadalno caafimaadka maskaxda waxaan ka fekernaa qofka waalan oo keliya. Marka qofku gaaro heerka waallida waa heerka ugu dambeysa uguna xag jirta xanuunada ku dhaca maskaxda. Marka waxaa muhiim ah in aan diiradda saarno sidii aan u maareyn laheyn caafimaad qabka maskaxda
Calaamadaha lagu garto marka qofka caafimaadka maskaxdiisu fiican tahay waxaa ka mid ah:
1. Kartida wax barasho
2. Kartida in wax la dareemo, laga hadlo lana maareeyo dareemada kala
duwan ee nolosha.
3. Kartida in xiriir wanaagsan lala yeesho dadka kale
4. Kartida in la aqbalo in nolosha sida la rabo aanay mar walba noqoneyn.
5. Waxay xamili karaan baahida nolosha iyo dhibka la soo gudboonaada.
6. Go’aamadoodana iyaga ayaa gaari kara
Somaalida waa bulsho isku xiran, istaakuleysa, wada xiriirta isna garab taagan.
dhaqamadaasna waa kuwo horumariya caafimaadka maanka.
Ka qayb qaado kobcinta cafimaadka maskaxdaada:
1. Ka hadal dareenkaaga: Marka qofku uu ka hadlo waxa uu dareemaayo,
waxey ka caawisaa in caafimaadka maankiisu uu xoogsado iyo in uu wajaho dhibaatooyinka soo foodsaaray.
2. Jimicso: Jimicsiga waxuu qofka u fududeeyaa in uu helo hurdo, dareemana jawi fiican.
3. Cunto tayo leh Cun: Cunto dheelitiran waxa ay u fiicantahay caafimaadka jirka iyo ka maskaxdaba.
4. Caawinaad weydiiso: Haddii aad dareentid in xaaladda kugu soo
wajahantay ay tahay mid aadan maareyn kareynin caawinaad weydiiso.
Waxaa laga yaabaa in qoyskaaga ama asxaabtaada ay kaa caawiyaan.
5. Jawiga Badalo: Daqiiqado gaaban ayaa kuu noqon kara wax aad ku
nafistid. Naftaadaa waqti u gaar ah sii.
6. Ku qanac qofka aad tahay: Kalsoonida waxa ay kaa caawineysaa in aad
dulqaad u yeelato marxaladaha adag ee nolosha.
Talaalka Duumada Oo Lagu Guuleystay
Tallaalka cudurka duumada ayaa la xaqiijiyey 77% inuu yahay mid wax ku ool ah.
Duumadu waxay dishaa in ka badan 400,000 oo qof sannadkii, inta badan waa caruur ku nool wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Baadhayaasha ayaa sheegaya in talaalkan uu saameyn weyn ku yeelan karo caafimaadka bulshada.
Duumadu waa cudur halis geliya nafo badan, waxaana sababa dulin lagu kala qaado qaniinyada kaneecada.
In kasta oo laga hortagi karo lana daaweyn karo, haddana Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu ku qiyaasayaa inay jiraan 229 milyan oo qof inuu ku dhacay adduunka oo dhan sannadkii 2019 uuna sababay 409,000 oo dhimasho ah.
Cudurku wuxuu ku bilaabmaa astaamo sida qandho, madax xanuun iyo dhaxan, wuxuu si dhakhso ah ugu gudbi karaa cudur daran oo keeni kara dhaawac iyo dhimasho.
Wax Ka Ogow Xanuunka Hawl-gabka Wadnaha(Heart Failure).
Hawlgabka wadnuhu wuxuu dhacaa goortii uu wadnuhu awoodi waayo inuu dhiiga si fiican u gaadhsiiyo qaybaha kala duwan ee jidhka,Wadnaha oo hawlgab noqday macnaheedu maaha inuu wadnuhu joojiyay shaqadiisa.
Wuxuu ku dhaci karaa Da' kasta balse wuxuu ku badan yahay dadka waawayn.
Calaamada lagu yaqaano hawlgabka wadnaha waxaa ka mid ah:-
1. Neeftuur ama Xiiq uu dareemo qofku goortii uu socdo.
2. Barar Jidhka ah gaar ahaan lugaha
3. Daal Badan.
4. Wadne garaac.
Waxyaabaha keeni kara waxaa inuu wadnuhu hawlgab noqdo waxaa ka mid ah :-
1. Xididadda wadnaha oo xidhma
2. Dhiigkar Wakhti dheer soo jiray
3. Fiilooyinka(Valves) wadnaha oo Xanuun ku dhaco.
4. Ekfashan(Infection).
5. Mararka qaarkood lama yaqaan waxa keenay (Idiopathic).
Daawaynta xanuunkani waxay ku xidhan tahay kolba wixii keenay xanuunka iyo saamaynta uu gaystay intay leeg tahay.
Sii Faafi Si Ay dadka u gaadho.
DrAbdourahman Abdourashid
4 Calaamadood oo Muujinaya inay sonkorta jidhkaagu sarayso (Hyperglycemia).
1.Haraad badan
2. Kaadi badan
3.daal badan iyo awood la.aan
4. Af-qalayl.
sonkorta jidhkaaga oo aad u saraysa waxay halis ku tahay caafimaadkaaga, dadka qaarkood ma cabiraan sonkortooda, waxay se is ogaadaan markii uu saamayn wayn xanuunku ku yeesho.
Sonkorta jidhkaaga hubi dhawrkii sannoba mar.
Akhriste adigu calaamadahan marna ma isku aragtay?
Share Garee si ay dad badan u gaadho.
Asalamu Calaykum Dhamaantiin.
Soo Dhawaada Dhamaan 13,500 Followers ee ku xidhan boggayga Facebook. Magacaygu Waa Dr-Abdourahman Ahna dhakhtar ku takhakhusay xanuunada guud kana hawl gala wadanka gudihiisa.
waxaan halkan ku soo gudbin doonaa barnaamijyo caafimaad oo wacyigalin ah, La talinta bukaanada, iyo Su,aal kasta oo caafimaadka ku saabsan.
Sidoo kale waxaan bogan talooyin ku siin doonaa ardayda soomaaliyeed ee hadaku gudo-jirta barashada kuliyada caafimaadka.
Ku Xidhnow bogan siina share garee si ay dad badani uga faaidaystaan.
waxaad sidoo kale nagala socon kartaaan Instagramka https://www.instagram.com/drabdourahman/
Silent Killer (Hypertension).
Waxaan akhriyay warbixin qaramada midoobay ay somalia ka qortay oo ay ku sheegtay in Soomaalida 33% (Soddon iyo Saddex boqolkiiba) oo kamid ah inay yihiin dad Cudurka Dhiig karka qaba.
Saddexdii qof ee Soomaali ah ee aad aragtid mid kamid ah ayaa Dhiig kar qaba.
Sidoo kale WHO waxay sheegtay in Kaalinta 27 aan dalalka adduunka uga jirno dadka Dhiig-karka u dhimanaya.
Ardayda jaamicadaha dalka ka qalinjabinaya waa inay baadhitaankooga thesis ku Sameeyaan arintan " Prevalence and associated factors of hypertension among adults in Somalia".
Adigu Maxaad u malaynaysaa inay dadka somalida xanuunkan ugu batay?
Waakan linkiga
https://www.worldlifeexpectancy.com/cause-of-death/hypertension/by-country/
Waakan qaybtii labaad eed sugayseen ee mawduuceenii xanuunka gaaska.
Qaybtani waxay ka hadlaysaa sida loo daweeyo xanuunka gaaska iyo cuntooyinka u fiican qofka gaaska qaba.
Fadlan share garee si ay u gaadho dadka la dhiban xanuunkan gaaska.
Daawaynta Gaaska.
Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.
Waxaana kamid ah dawoyinka .
Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale.
fiiro gaar ah
Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.
Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada
Dheecaanka dheefshiidka oo yaraada.
Iyo hurdo laaan.
Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.
Cuntada koobaaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.
Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.
Marka h**e qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.
Cuntada labaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.
Waxaa kamid ah
Sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa .
Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.
Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah
Karootada cabitaan ahaan oo la badsado
Caleenta cagaaran ee shaaha.
Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay
Sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah
Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.
Cuntada sedaxaad ee gaaska.
Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.
Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo.
Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa.
Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay .
Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.
Tusaale: baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.
Tusaale kale: waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.
Cuntada afaraad ee gaaska.
Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.
Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.
Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.
Cuntada shanaad ee gaaska.
Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.
Ha cunun cuntadaan.
Basbaaska
Sabuulka
Cuntada la qamiiriyay
Digirta iyo salbukada
Shukulaatada
Cabitaanada ash*tada leh sida cocacola
Cuntada warshada soo martay
Kafeega
Kuntada saliida ama baruurta leh.
Like share and comment.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub.
Balanteenu waa Soomaali Caafimaad Qaba.
Waakan mawduucii aan ku balansanayn inaan ka soo hadalno.
Fadlan share garee si ay u gaadho dadkeena la dhiban xanuunkan.
Gaasku waa caabuq ku yimaada dahaarka (xuubka) caloosha ama mindhicir yaraha kaa oo ka difaaca in dhecaamada dheefshiidku waxyeeleeyaan.
Gaaska waxaa sababa waxyaabo farabadan kuwaa oo ay haboontahay in aad wax ka ogaato.
Waxayabaha sababa waxaa loo kala qeybiyaa
1-kuwo waqti yar gaaska sababa iyo
2- kuwo waqti dheer ay ku qaadato waxyeleynta dahaarka
1-kuwo waqti yar gaaska sababa waxaa kamid ah
1- Alcoloda
2- dawoyinka xanuun babiyaha (NSAID) sida (asprin) (diclofenac) (ipoprofen) iyo dawoyinka naqaska lo isticmalo.
2-kuwo waqti dheer ay ku qaadato sababida gaaska.
1-bacteriyada lo yaqaano H.pylori bacteriyadan waxaa lagu kala qaada hindisada, cuntada aan nadafada lahayn, biyaha aan nadiifka ahayn, iyo cuntada aan la karkarin
Waxa ay waxyeeleysaa caloosha iyo mindhicirka yar lkn waxa ay bacteriyada kale kaga duwantahay waxa ay ku noolaankartaa ash*tada (acid) caloosha waxa ayna samaysataa dahaar ay ku noolaato soona daysa sun (ammonia) jirka u daran kadibta dhaawac sababta
2-streska
3-cuntada basbaaska leh
4-cuntada dufanku ku badanyahay
Calaamadaha gaaska
Gubasho ama kuleel qeybta sare ee jirka
Lalabo ama matag
Xanuun boga ah
Daaco badan
Mararka qaar dhiig qofku matago
Apetite la,aan
saxarada oo madow noqota
neefta oo adkaata
dhibaatooyinka uu kaasku qofka u keeno
1- Dhiig la,aan
2- Cancer
3- Nafaqa daro
4- eerno
Gaaska waa ladaweyn karaa lkn waxaa muhiim ah in qofku aqoon u yeesha waxa ku keena iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo waxa loo adeegsadaa baritaano badan si loo ogaado heerka uu gaarsiisanyahay ama nooca sida
1- kamirada afka lagaliyo
2- dhiig qaadista
3- saxaro baarista
La soco qaybta labaad.
Comment,like, iyo share mawducan.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Waxaynu qaybta labaad kaga hadli doonaa daawaynta gaaska iyo talooyin kale oo muhiim ah.
Beri insha allah waxaynu ka hadli doonaa Xanuun aad ugu badan dadkeena kaas oo loo yaqaano Gaas Calooleed.
Wali h**e ma laguugu sheegay xanuunkan mase garanaysaa cid qoyskaaga ama Qaraabadaada ah o xanuunkan la dhiban?
Fadlan Like Share Iyo Comment Garee Qoraaladeena Si Ay Dad badan u gaadhaan.
Mahadsanidiin
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Waxaan hambalyada Sanadka Cusub Ugu Hambalyaynayaa Dhamaan Dadwaynaha Soomaaliyeed Ee Ku Xidhan Bogayga.
Sanad Inoogu curta Nabad iyo Badhaadhe Ayaan Inoo Rajaynayaa.
Waxaan soo Dhawaynayaa Dadwaynaha 13ka kun ee qof ku dhaw.
Bogan Waxaad ka heli doontaan insha alah:-
1)La talin caafimaad oo bilaash
2)Wacyigalinta caafimaadka
3)Cashiro caafimaad ah oo ardayda caafimaadka dhigata ka faaidaysan doonaan.
Hadii aad Muqdisho joogto maanta fadlan tag isbitaalka Digfeer oo dhiig bixi kana qeyb qaado badbaada dadka dhibaatadu kasoo gaartay qarixii saakaydii h**e ka dhacay magaalada Muqdisho
waxa aad loogu baahan yahay Dhiigaga nuucayadooda kala duwan sida A-, B-, AB-, A+, B+, AB+, O- iyo O+
Dhiigaaga ku Caawi Ardaydii iyo Dadweynihii kale ee saakay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Ex-Control afgooye
Si share garee oo gaarsii walalka kale.
Sidii balanteenu ahayd Mawduuca todobaadkan ay dadku u bateen wuxuu noqday Xanuunka Ay Soomalidu U Taqaano Neefta Ama Xiiqda Afka Qalaadna loo Yaqaano Asthma.
Wadankeena Soomaliya ayaa ah meelaha Ugu badan xanuunka xiiqda ama neefta Sababtuna waa In Dalkeena Somaaliya yahay meel hawo kulul oo qalalan sidoo kalena ah meel boodh badan ama dust badan, dhamaan waxyaabahaasina waxay kiciyaan xanuunkan neefta.
Insha alah beri ayaan soo galin doonaa xanuunka oon si faahfaahsan uga hadli doonaa.
Akhriste adigu Maxaad ka Taqaanaa Xanuunka neefta Mase Garanaysaa Cid qabta Xanuunkan.
Dhamaan walaalihi kale ee codeeyay balse aan mawdoocoogii la qaadan tix galin gaara ayaan siinayaa oo waynu ka soo hadli doonaa.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub.
Balanteenu waa dadkeena soomaaliyeed oo hela wacyi galin.
Jimce Wanaagsan Dhamaantiin.
Anigoo tixgalinaya Rabitaankiina Todobaadkan Mawduucee Ama Xanuunkee Baad Rabtaan Inaan Ka Soo Hadalno?
Mahadsanidiiin.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Fariinta dhakhtarka ee ku aadan hooyooyinkeena soomaaliyeed:
Haddii ay hooyadu dhiig-bax badan yeelato xiliga dhalmada ka dib oo afka qalaad loo yaqaan Postpartum Hemorhage (PPH) waxaa khasab ah in ilmaha ku xiga ay ku umusho hospital ama goob caafimaad madama ay halis ugu jirto inay ilmaha labaad yeeelato dhiig-bax kale.
Fadlan share garee si ay u gaadho fariintani haweenka soomaliyeed.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Shaaha Cagaaran (Green Tea)
Shaaha Cagaaran waa kan ugu caafimaadka badan waxyaaha la cabo ee dunida, sida ay aaminsan yihiin khubarada caafimaadka ku xeesha dheer.
Tobanka faa’ido ee la xaqiijiyey ee shaaha cagaaran waxaa ka mid ah:
1- Kobcinta Caafimaadka Guud
Waxaa Ku Jirta maadooyin loo yaqaano Bioactive, polyphenols maadadan ayaa hoos u dhigta bararka jidhka waxaanay la dagaalantaa kanserka iyo catechin oo ka hor tagta dhaawacyada unugyada jidhka.
Shaaha Cagaaran (Green Tea)
2- Maskada
Waxa ku jira shaaha cagaaran maadada caffeine oo aan sidaa u badnayn, balse waxtar u leh soo jeedka maskaxda kana caawinaysa garaadka qofka, xasuusta, falcelinta iyo badqabka maskaxda ee hoormoonada qaarkood in la soo daayo.
3- Duxda
Cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyey ayaa dhamaantood muujinayey in shaaha cagaan uu qeyb ka yahay miisaan dhimida isla markaana uu dedejiyo hanaanka cuno burburinta ee (metabolic rate) loo yaqaano
4- Kanserka
Kanserku waa unugyada jidhka oo si aan xadidaad lahayn u qeybsama, waana mid wakhti xaadirkan cudurada dunida dimashadoodu ugu badan tahay.
Waxaa qeyb ka ah in xanuunkani u faafo dhaawaca unugyada jidhka ee ay sababaan oxidative, waxaana ka hor tag u ah antioxidants oo laga helo shaaha cagaaran.
5- Ilawga iyo Gariirka
Shaaha cagaaran ayaa qeyb weyn ka qaata inuu hormariyo shaqada maskada, waxaa kale oo uu ka hortagaa inay gabawdo.
Alzheimer's waa xanuun waxyeeleeya neerfayaasha waxaanu badanaa ku dhaca dadka xanuunka oo keena dementia.
Parkinson's xanuunkan ayaa ah kan labaad ee ugu badan dunida kuna dhaca neerfayaasha waxa lala xidhiidhiyaa inuu dilo unugyada soo saara dopamine ee maskaxda.
6- Caabuqa/ Infekshanka
Sida lagu sheegay daraasado xidhiidh ah waxaa uu shaaha cagaran uu la dagaalamo bakateriyooyinka qaar, gaar ahaana kuwa afka ku dhasha sida sterptoccocus mutans iyo qeyb ka mid ah viruska keena Durayga/Hargabka ee influenza virus.
7- Macaanka 2
Waxa uu ka caawiyaa ganaca inuu soo saaro insulin ku filan isaga fudeydiya in xadiga sonkorta ah ee dhiiga la dhimo. 48% japan.
8- Wadnaha
Xanuunada ku dhaca wadnaha, Waxa uu shaaha cagaarani hoos u dhigaa duxda dhiiga sida cholesterol sha.
Asalamu Calaykum
Habeen wanaaagsan dhamaan dadwaynaha soomaliyeed ee ku taxan Bogaygan.
Waxaan soo dhawaynayaa walaalahayga ku cusub bogeena.
Magacaygu waa Dr.Cabdiraxmaan Maxbuub,Dhakhtarka Xanuunada Guud Oo ka hawl gala mid ka mida isbitaalada ku yaala dhulkeenii Hooyo.
Bogan Waxaan ugu talo galay inaan dadkayga soomaaliyeed Kaga Haqabtiro Wixii La Talin caafimaad ee ay u baahan yihiin sidoo kalena inaan ku wacyi galino bulshadeena madama ay aad u hoosayso wacyi galinta caafimaad ee dadkeena.
Soo dhawaada dhamaantiin
Faa’idooyinka Sinjibiisha & Xanuunada Ay Dawada U Tahay
Sinjibiisha oo ka mid ah dhirta qarniyada badan adduunka laga yaqaannay, bulshooyin badanina u isticmaali jireen dawo dhaqameed.
Qormadan oo lagu faafiyey shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa faa’iidooyinka cilmibaadhisaha kala duwan iyo xeeldheereyaasha caafimaadku ka marag kaceen in laga helo isticmaalka sinjibiisha.
JOOJINTA KORITAANKA KANSARKA
Cilmibaadhayaal Maraykan ah oo ka tirsanaa jimciyadda culuumta kiimikada ee Maraykanka ayaa ogaaday in madadda ‘Capsaicin’ oo ah isku dhiska keena dhadhanka kulayka ah ee busbaaska cas, haddii lagu daro maadadda kale ee ‘Gngerol-6 oo iyaduna ku jirta sinjibiisha in ay ka qayb qaataan joojinta koritaanka degdegga ah ee unugyada kansarka ah ee sambabka ku samaysma.
XANUUNKA CROHN
Xanuunkan oo ah bukaan ku dhaca midhicirada oo saamayn ku yeelan kara guud ahaan habdhiska dheefshiidka, laga bilaabo afka illaa qashin mareenka.
Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan xarunta caafimaadka ee Atlanta oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa daraasad ay sameeyeen sannadkii 2016 kii ku ogaaday in sinjibiisa loo adeegsan karo daweynta xanuunka Crohn iyo nabarka calooleedka.
DAWEYNTA NEEFMAREENKA / HUNGURIGA
Hay’adda daryeelka caafimaadka ee dalka Qatar ayaa ku talisay in cuno xanuunka loo isticmaalo sinjibiisha oo lagu daray malab.
Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa ay ku sheegtay in sinjibiishu ay daweyn karto dhibaatooyinka neef mareenka, gaar ahaan marka lagu daro malabka oo ay u fiican tahay daweynta hunguriga oo ay kala dagaalanto bakteeriyada.
KANSARKA NAASKA
Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda boqor cabdalcasiis ee dalka Sucuudiga ayaa iyaguna ogaaday in Sinjibiishu ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato daweynta kansarka naaska. Waxa ay sheegeen in sinjibiisu ay awood u leedahay burburinta unugyada kansar, iyada oo aan wax dhibaato ah gaadhsiin unugyada badqaba.
KA HORTAGGA MATAGGA XILLIGA WALLACA
Waxa ay khubradu sheegeen in sinjibiisu ay xal u noqon karto matagga ay dumarka qaar isku arkaan xilliga uurka bilowgiisa ee wallaca loo yaqaanno. Laakiin waxa ay ku talinayaan in isticmaalka ka hor dhakhtarka lagala tashado.
DIGNIIN
Waxaa xusid mudan in bukaanka kansarka looga digay in ay isku darka labadan maaddo ama sinjibiisha iyo busbaaska u qaataan in ay yihiin dawo lagu beddelan karo dawooyinka ay qaataan. Waana in ay dhakhtarka xaaladdooda gacanta ku haya kala tashadaan isticmaalka labadan maaddo.
Waxa kale oo la ogyahay in sinjibiishu ay furfurto dhiigga, sidaa awgeed qofka qaata dawooyinka dhiigga furfura waxaa lagula talinayaa in uu dhakhtar kala tashado isticmaalka sinjibiisha.
-Kamaal Marjaan
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Cuntooyin Ay Tahay Inay iska ilaaliso hooyada naaska nuujisa ilmaha yar.
Fadlan share garee si ay fariintani u gaadhp hooyooyinkeena Soomaaliyeed
Sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan dhakhaatiirta iyo cilmibaadhisaha kala duwan ee caafimaadku, waxaa jira cuntooyin iyo dawooyin aan qaadashadooda loo ogolayn hooyada ilmaha naaska nuujisa, sababtuna ay tahay mid la xidhiidha xaalado caafimaad darro oo ilmaha ay jaqsiinayso gaadha, sida xasaasiyadda iwm, ama saamayn ku yeesha caanaha naaska oo ay dhici karto in ay yaraadaan ama uu gudho. Haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka ay khubarada caafimaadku sheegeen in cunistoodu aanay u fiicnayn dumarka carruurtu jaqdo, waxa aanu ka soo xiganay majaladda arrimaha bulshada ka faalloota ee Sayidatii.
1. Kalluunka: Noociisa Libaax badeedka iyo noocyo kale oo ka mid ahba waxaa jidhkooda u tallaaba maadadda Mercury oo ka soo raacda badda ay ku dhex nool yihiin, waxaana caafimaad ahaan la og yahay in maadaddani haddii ay jidhka ku badato aanay u fiicnayn guud ahaanba caafimaadka aadamaha. Haddaba haddii ay hooyada ilmuhu jaqaa ay kalluunka cunto waxaa imanaysa cabsida ah in maadaddani ay jidhkeeda u gudubto, taas oo ilmahana u raacaysa caanaha uu hooyadii ka nuugo, jidhkiisuna uma adkaysan karo xaddi kasta oo maadaddan Mercury ah.
Si kastaba ha ahaato ee khuabrada caafimaadku hooyada uma ay diidin in ay cunto cuntooyinka kale ee badda, sida kalluunka Solomoonka iyo Shirinbiska.
2. Cuntooyinka Gaasta leh (Naqaska keena): Waxaa ka mid ah khudaarta keenta kaasta, sida busbaaska, iyo kaabashka, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in cuntadani ay sida qofka cunay oo kale ilmuhuna uu hooyadii ka jaqayo oo ay ku keenayso naqas (Gaas).
3. Cabbitaannada leh maadadda Caffeine: Sida cabbitaannada leh maadadda Caffeine ay qofka ugu keenaan firfircooni dheeraad ah, iyo tamar sababta in aanu hurdo dareemin, ayaa ilmaha hooyada jaqayana ay ugu gudbaysaa oo ay xaaladahaas oo kale ku keenaysaa. Caffeine waxa ay ku jirtaa Shaaha, bunka iyo cabbitaannada la sameeyo qaarkood, waxa aanay dhakhtarradu hooyada kula talinayaan in ay iska ilaaliso inta ay ilmaha jaqsiinayso, si aanay khalkhal ugu keenin jadwalka hurdo ee ilmaha.
4. Toonta: In kasta oo ay toontu dawo dhaqameed guun ah tahay, cuntada lagu sameeyana dhadhan iyo ur fiican siiso, haddana baadhitaanno caafimaad ayaa xaqiijinaya in carruurta qaar ay si adag u diidaan naaska hooyada, haddii ay ka dhadhamiyaan toonta, arrintaas oo aan caafimaad ahaan u fiicnayn carruurta. Waxa aanay ku talinayaan in haddii ay lagama maarmaan noqoto ay hooyadu ugu yaraan laba ama saddex saacadood u dhexeysiiso cunista toonta iyo naas-nuujinta ilmaha.
5. Liinta: Noocyada kala duwan ee Liinta, sida liin macaanta, liin dhanaanta iyo Liin Baydariinta waxaa ku jira maaddooyin ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay ilmaha aadka u yar ay ku keeni karaan xasaasiyad, sida maqaarka oo boogo yeesha iyo calool olol. Sidaa awgeed maadaama oo uu ilmuhu maaddooyinkan ka jiqi karo caanaha hooyadii, waxa ay khubaradu ku talinayaan in hooyadu muddada ilmuhu jaqayo aanay cunin liinta.
Ugu dambayntiina hooyo kasta waxa ay kula talinayaan in ay dhakhtar takhasus ah kala tashato cuntooyinka ku munaasabka ah in ay cunto xilliga ilmuhu jaqayo.
Daryeel magazine
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Dhamaan dad waynaha soomaaliyeed ee ku xidhan bogaygan waan soo dhawaynayaa.
Insha alah bogan waxaan ku kala qaadan doonaa cilmi badan oo dhamaanteen faaiido inoo leh.
Bogan Waxaad kala socon Doontaa 1)Talooyin Caafimaad oo Bilaash ah
2) Wacyi Galinta dhanka caafimaadka
3) Casharo caafimaad ah.
Mahadsanidiin.
Dr Abdirahman Maxbuub.
https://www.facebook.com/Drcabdiraxmaan/
Caado wareerka "Irregular Me**es".
Waxyaabaha Sababa Caado Wareerka.
Dumarka Waa ku kala duwanyihin dumarka intey le'egtahey dhiiga ka imaada waqtiga caadada ku jiraa.
Sida caadiga ah ayaa ah dumarka qeebtood helaan wax ey qiyaasta ka baxda 12 qaando oo dhiig ah, kuwana waxa laga yaaba 3 qaando ama ka yar bishii.
Mararka qaarkood haweenka waxa lasoo gudboonaata caado-xanuun ama caado wareer, taaso micnaheedu yahey in caadada eey dhibto dumarka qaarkood. Waqtigaas caada wareerka la soo gudboonato ayaa dumarka qeebtood waxey is weeydiyaan su'aalo ey ka mid yihiin: Maxa caadada iga soo dahday? Maxan laba goor caado u heley bil gudaheed? caadeydu maxey u istaagi la'dahey? iyo goormey istaagi?
Su'aalahaas iyo kuwo la mid ah oo dumar badan ka nixisa, oo jahwareer iyo shaki ku rida hadeysan aqoon u laheyn.
Gabadhu waxey hesha cadada ‘Menstrual Cycly’ inta u dhaxeyso 10 ilaa 15 sano, gabdho qeebtood ayaa da’aadaas ka hor dhiiga ugu h**eeya ka dhaca ‘Menarche’ kuwana kadib qaangara.
Dakhatirta ayaa wareegtada dhiiga dumarka iney tahay 28 maalmood ku mucayima. Sidoo kale bil kaste iney ka duwanaato bilihi h**e dhinaca maalmaha ayaa suurta gal ah khaasatan sanadada ugu h**eeya ee gabadhu hesho cadaada. Cadaada ayaa waxa sababa ugxanta dumarka aan bacrimisamin oo kala daata kuwaaso noqda cadaada haweenka.
Caadada caadiga ah (A Normal Period)
Waa ku kala duwanyihin dumarka intey le'egtahey dhiiga ka imaada waqtiga caadada ey ku jiraan. Sida caadiga ah ayaa dumarka qeebtood helaan dhiig qiyaasti dhan 12 qaando, kuwana waxa laga yaaba 3 qaando ama ka yar bishii iney ka dhacdo.
Caado Wareerka (An irregular Period)
Caado-keen (Premenstuaral Syndrome),taaso ah iney dumarka isku arkan xanaaq dhaw, murqo xanuun caloosha agagaarkeeda ah, dulqaad la’aan, iyo wareer imaada ka hor inteysan helin caadada. Sidoo kale is badal ku dhaca hab-socodka dabiiciga ah ee cadada.
Maxa sababa caado wareerka???
Haween badan ayaa wahjaha caado wareerka oo ma ahan wax had iyo goor halis ah. Balse waa muhiim inaad ogaatid waxa sababay, hoos waxa ku xusan waxaayabo sababa caado wareerka:
Ugaxan-sidaha Fiixda Leh (Polycystic O***y Syndrome)
Ugaxan-sidaha fiixda leh ayaa ah xaalad caafimaad oo sabab caan u ah caada wareerka dumarka. Sidoo kale wuxu dhaliya qofka oo aad u cayila, timaha oo aad u baxa iyo madhaleysnimo. Cudurkan oo ah mid hido loo kasbado ama ku dhaca haweenka markey dhallaan kabacdi, taaso la ogeyn sababta runta ah oo keenta. Ugaxan-sidaha Fiixda leh oo aan laheyn dawo rasmiya laakin dakhtar hadaad u tagtid kuu sheegi karo qaabab aad raaci kartid si uu xanuunkisa kugu sahlanaado oo ey ka mid tahay badalida qaabkaga nolol maalmeed.
Uurka (Pregnancy)
Waqtiyada badan oo dumarka caado wareerka ku dhaco waxa u badan markey uur qaadan, taasoo dhiiga kasoo daaho ama in ka yar/ ka badan intey h**e u heli jireen hela. Tan micnaheedu ma ahan inaad uur leedahay markastoo caado wareer kula soo gudboonado balse waa haboontahay inaad dakhtar u tagta.
Walalka (Stress)
Dhakhatirtu waxey isku raaceen in walwalka uu sabab weyn u yahay caado wareerka, Cortisol, oo ah hormoonka walwalka ayaa saameyn toos ah ku yeesha inta brojostoon iyo istroojin uu jirka soo saaro. Marka dhiigagu haduu coristol badan leeyahay waxad isku arki karta caadada oo isbedel ku imaado, waqti iyo inta ka dhacadaba bil kasta.
Cuntada (Diet)
Sabab kaloo aad loo yaqan waxa waye cuntada aad cuntid oo sameyn ku leh caadada, tasoo dib u dhigta waqtiga aad caadiyan heli jirtay ama soo hor marisa.
Jimicsiga
Had iyo goor dumarka jimicsiga ku lug leh cadaado ma toosna oo waqti aan xadidneyn ayey timaad. Jirka wuxu u baahanyahay quwad ‘energy’ si ey dumarku caado u helaan. Hadaba hadaad wax badan jimicsatid tamar badan ayaa ka baxeysa jirkaga taas oo suurtagalnimada inaad bishaas caado heshid hoos u dhigeysa.
Dawooyinka
Kaniinada looga hortago ama lagu xadidiyo uurka ayaguna saameyn weyn ayey ku yeeshan caadada dumarka taaso hormoonada jirkaga kala badala eeyna waqti qaadato iney la qabsadan kaniinyadas. Sidoo kale hadaad qadaneysid daawoyin kale waxa laga yabe in caadada kasoo dib dhacdo, maxa yeelay dawoyinka waxey sameeyan qaabka jirkaga u soo saaro astrojiin iyo broojistroon.
Dhalmadeys (Menopause)
Sida uur qaadista sameyn ugu leedahey ayey dhalmadeysku saameyn aad ahe ugu leeyahay, 10 ka hor inteysan haweenku dhalmada deyn ayey ku bilaabata caado wareer, waa markey 40 dhaafan oo eysan 50 sano gaarin. Waxey wajahan waqtiga caadada oo jahwareer ku imaado.
Daweynta caado wareerka
Waxey fududahay markaad ogtahay waxa sababey in si sahlan dakhtarkaaga daawo mucanyan ah kuu siiyo. Dawaadas oo dheeli tireysa hormoonada jirkaga. Waa laga yaaba in dhakhtarkaagu wax ka qaban kari waayo taaso ku xiran hadba waxa sababay.
*hormoon: Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya ubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
*borojestaroon: Hormoon ku lug leh ubuurka unugyada taranka.
*istroojin: Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka umarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub
Klik her for at gøre krav på din sponsorerede post.
Type
Kontakt praksis
Internet side
Adresse
København
1050–1778,2100,2150,2200,2300,2400,2450,2500
København, 2300
Sexolog og orgasmeekspert Emotions fokuseret parterapeut og psykoterapeut
Nansensngade
København
Sammenligning af proteinpulver, mere uddybbende info om protein, og hvilke fordele og ulemper der er ved indtagelse af proteinpulver. Lækre proteinrige opskrifter til en proteinr...
Schleppegrellsgade 10, Kld
København, KØBENHAVNN
PSYKOTERAPI v. Azadeh Ahadi-Vinther Traume - Selvværd - Indre barn - Hele dig Praksis: København N, Roskilde og online sessioner. Kontakt mig for en gratis telefonisk forsamtale...
Bartholinsgade 6R, 1. Sal
København, 1356
Vi er en stor dynamisk lægeklinik i hjertet af København i en bygning, som tidligere var en del af
Ålborgvej 23
København, 4793
Reiki Healing Clairvoyant Rådgiver Clairvoyant Healing Meditation Undervisning Sprituel Mentoring
København
København
so:ma - i vedisk sammenhæng navnet på måne og udødelighed, på græsk ordet for legeme. Ud fra disse to sider af mennesket arbejder jeg terapeutisk, men at samle enderne og undersøge...
København, 2200
Psykoterapi, supervision, konsulentbistand, kurser og undervisning. Særlig viden om LGBTQ+-området, minoriteter og normkritik.
København, 1050–1778,2100,2150,2200,2300,2400,2450,2500
Kropsbehandlinger Lydterapi Plantemedicin
Nørrebrogade 5 (baghuset)
København, 2200
CERTIFICERET IYENGAR YOGALÆRER. Min intention med Lasse Flintholm Yoga er at hjælpe dig med at leve et liv med mere glæde og balance.