Somali Entrepreneurship

Somali Entrepreneurship

You may also like

Ummmah
Ummmah

Boggan waxan ku lafaguri doonaa, aqoonta ganacisiga iyo xirfada uu u baahanyahay qofka ganacsadaha ah

23/02/2024

TAXANE #242 DHIBANE U AHAANSHAHA FAA’IIDADA KHIYAALIGA AH

“Dhammaan buugta aduunka taalo oo dhan haddaad aqrido kuu sheegi maayaan shaqadaada maalinlaha ah, haddaad tahay midkood ganacsi bilow ah ama koraaayo” Waxaa sidaa tidhi Ruch Lowbridge.

Waxaa jira aragti caam ah oo ay qabaan Soomaali badan, ganacsi la furo in uu iska barakoobi uusan u baahneyn aqoon iyo xeeldheeri.

Dhibta ugu wayn ee haysataana waxa weeye ganacsatada Soomaliyeed ma kala fahmi karaan waxa ay kala yihiin labada buug ee lacagta (Cashflow Statement) iyo buugga faa’iidada iyo khasaaraha (Profit & Loss Statement).

DHACDO AAN QORAY MAANTA OO KALE 10 SANNO KA HOR:
Dhacdadan waxa ay qusaysay sida loo maareeyo halista ganacsiga ku timaado iyo baalmarida sharciga. Waxa aanan dhacdadaas ku ogaaday in ay adeegaha (ganacsadaha) iyo loo adeegaha (macmiilka) labaduba ay dhibane u ahaayeen dhib ay iyagu geesteen.

Ugbaad Care Ltd, waxa ay ahayd shirkad bixiso xanaanaynta caruurta, waxa ay xanaanaynjirtay 10 ciyaal ah oo ay walidiintood ka shaqo tagaan. Waxa ay siinjirtay adeeg xanaano oo 16 sacadood ah asbuucii.

Mulkiilaha iska leh ugbaad waxa ay ku faraxsaneed adeega ay bixiso iyo sida ay wax u socdaan. Waxa ay ka fikiraysay in sannadka soo socdo gaarsiiso ilaa 100 ciyaal ah xanaanadeeda.

Ugbaad waxaa u dhammaaday sannad xisaabeedkii ugu h**eeyay May 2012 ilaa May 2023. Waxa ay go’aansatay in ay u tagto xisaabiye u xisaabiyo sannadkaa dhammaaday.

MAALINKII 1-AAD UGBAAD IYO XISAABIYAHA

Ugbaad: Sidee tahay xisabaiya?
Xisaabiye: Fiican, maxaan kaa caawiyaa?
Ugbaad: Sannad ka hor waxa aan bilaabay shirkad, markaa ma iga caawin kartaa in aad xisaabta ii samayso, cashuurtana talo iga siiso?
Xisaabiye: Dhib ma jirto, yaa kuu sameeyay diwaangelinta shirkada?
Ugbaad: Xisaabiye Asian ah
Xisaabiye: Ma haysaa dhammaan buugtii shirkada dhakhli iyo kharashba?
Ugbaad: Maya! Waxanse hayaa waraaqaha bangiga
Xisaabiye: Waa si fiican lakiin kaliya kuwaas ma noqonkaraan cadayn buuxdo
Ugbaad: maxaad ka wadaa cadayn buuxdo?
Xisaabiye: Banigaga waxa uu ii sheegayaa lacag baxday oo kaliya ama soo gashay iima sheegay waxa ay ku baxday iyo sababata ay u baxday ama u soo gashay
Ugbaad: Oo markaa hadda waxaad iga doonaysaa warqadihii biilasha oo dhan?
Xisaabiyaha: Haa dabcan
Ugbaad: Qaar warqadaha, ka mid ah mabaan helin, qaar kalena kumaan keydin meel fiican.
Xisaabiya: warqadahaa la’aantood waxba ma qaban karno, markaa maad soo heli kartaa waraaqahaa?
Ugbaad: maxaad wax wayn ugu dhigaysaa waxaaban kuu hayaa bangigii dhammaa ay wax waliba ka baxeen?
Xisaabiya: waxba wax wayn k**a dhigin lakiin aniga waxaan kugula talinayaa talada saxda ah
Ugbaad: Hadda bal xafiiskaan ku noqonayaa waxaan soo heli karo yaan kuu keeni

MAALINKII 2-AAD UGBAAD IYO XISAABIYAHA

Ugbaad: Subax wanaagsan, Xisaabiye
Xisaabiye: Wanaagsan! Maxaan kaa caawiyaa?
Ugbaad: Nasiib wanaag, dhammaan waraaqihii waxaan ka soo helay xafiiskayga, waanan kuu keenay.
Xisaabiye: Si fiican yaad samaysay, shaqo fiicana waad qabatay
Ugbaad: Mahadsanid, intee in la eg yay kugu qaadanaysaa in aad xisaabtan ku dhammayso
Xisaabiye: Berri waan diwaangelin dhammaan kharashaadka iyo dhakhliga lakiin maalinta xigto xisaabta yaan samaaynayaa, markaa adigu saddex cisho waan ku dhammayn
Ugbaad: waad mahadsantahay xisaabiye waanan jeclaaday adeegaaga
Xisaabiye: Soo dhowoow waxa tahay macmiil wanaagsan
Ugbaad: macsalaama
Xisaabiya: macsalaama

MAALINKII 3-AAD UGBAAD IYO XISAABIYAHA

Ugbaad: Galab wanaagsan xisaabiye
Xisaabiye: wanaagsan
Ugbaad: Howshii maxaa ka qabatay?
Xisaabiye: cashuur celintaadii iyo xisaab xidhkaagiiba waa diyaar waxaanan diyaar u ahay in aan celiyo.
Ugbaad: maan arki karaa xisaabta
Xisaabiye: Haa dabcan
Ugbaad: I tusi haddaba
Xisaabiye: Tani waa xisaabtaada, tanina waa cashuurta lagaa doonayo in aad bixiso
Ugbaad: waxa ay u egtahay si xeelad dheer warbixin loo sameeyay, lakiin ma fahmayo imisa yaan u baahanahay cashuurta in aan bixiyo
Xisaabiya: Ok ma in aan ku macneeyaa inta aad bixinayso?
Ugbaad: haa fadlan
Xisaabiye: waxa aad bixinaysaa £15,470
Ugbaad: Sideen u bixiyaa maba aan helin lacag intaas la eg?
Xisaabiye: Imisa macmiil ayaad adeegan siisaa asbuucii?
Ugbaad: waxa aan siiyaa 10 macmiil
Xisaabiye: maadan ka helin halkii macmiilba $300?
Ugbaad: Haddaan fahmay, meesha ay wax ka qasanyihiin k**a helo lacagta oo dhan
Xisaabiye: Hee!!!
Ugbaad: Lacagta dadkan dowlada ayaa ka bixiso £210 si dadka shaqeeyay aan ciyaalka heesan karin loo caawiyo markaa iyaguna waa in ay ku daraan £90. Markaa macaamiisha tii ay iyagu in ay ku daraan loogu talagalay ma bixiyaan, anigana iyagaan dib u sii siiyaa 50% inta aan dowlada ka helanay oo u dhiganta $105.
Xisaabiye: Maxaad sidaa u samaysaa?
Ugbaad: suuqa tartana adag ayaa ka socda ganacsiga noocan ah, haddaan sidaa yeelin , dadku meelo kale yay iga tagayaan
Xisaabiye: Ma ogtahay dowlada waxa ay u bixinayso waxan waa in ciyaalka lagu hayo?
Ugbaad: Haa lakiin may dhicin
Xisaabiye: Ma ogtahay ciqaabta ka dhalan karto waxa aad samaysay?
Ugbaad: Anigu waxaas ba k**aan fekereen lakiin dad furatay oo sidaa samaynaya unban arkay
Xisaabiye: maanta waxa aan kuu sheegayaa laba khatarba waad ku sugantahay mid dhaqaale iyo shaci waxa aanan ku tusinayaa labada khatarba sida aad ugu sugantahay
Waxa aad samaysay khasaare dhan £1,749, sidoo kale dowladuna waxa ay kaa rabtaa £15,251 cashuur ah. Tani waa khatarta dhaqaale.

Khatarta sharcina dowladu haddii ay idhin baadho adiga iyo macmiilkaba jeelka ayay idin dhigaysaa

La soco jimacaha soo soscdo

09/02/2024

GUUSHA GANACSIGA IYO FAHANKA DADKA AAN GANACSIGA EHALKA U AHAYN

Ganacsigu caadiyan saddex geeddi yuu galaa (1) Iska badbaadinta dhimashada (2) Hannaqaadid, korid iyo waynaasho (3) Guulaysasho.

Geediba geediga uu ka h**eeyo, yuu ka dhib badanyahay, ka xanuun badan yahay. Inta saddexdaa geeddi lagu jiro waxaa loo baahanyahay sagaal xirfadood:

: waa in la maareeyo shaqada maalinlaha ah iyada oo la ilaalinayo tayada shaqada, wax soo saarka shaqada iyo gaadhsiinta adeega/badeecada macaamiisha. Intaasna waxa laga shaqaynayaa sidii ay macaamiisha ugu qancilahaayeen adeega iyo badeecada labadaba.

: waa in la fahmaa macaamiisha waxa ay u baahanyihiin, badeecada iyo adeega ay ka rajaynaayaan in ay ka helaan shirkadan iyo sidoo kale sidii lagu gaadhsiin lahaa fariinta kolba badeecada cusub iyo qiimaha cusub ee lagaga gadayo, waxa ay badeecadaada iyo adeegaaga kaga dooranayaan shirkadaha kale.

: waa in la dajin karo miisaaniyad, waa in loo isticmaalikaro dhaqaalaha la haysto qaabka ugu wanaagsan, waa in la diyaarin karo warbixin maaliyadeed uu qof waliba fahmi karo, hantidana laga ilaalinkaro khatarta.

: waa in la sameeyaa xulasho shaqaale, tababar, maaraynta cabashada, soo daahida, maqnaashaha iyo dagaalka dhexdooda ah, qiimaynta habsamisocodka shaqadooda iyo ku abaalmarinta waxa fiican ay qabtaan, kula xisaabtanka waxa ay xumeeyaan iyo anshaxmarinta waxii anshaxa ka baxsan ee la sameeyo.

: waa in la dajiyaa aragti fog oo lagugaarayo ujeedooyinka mustaqbal ay rabto mehradan in ay gaadho. Taas oo inta badan ujeedada ugu danbayso laga leeyahay ay tahay in la wiiqo tartamada banaanka ka imanaya, si taas loogu babacdhigana la gaaro go’aanka ugu wanaahsan ee kheyraadka la haysto looga faa’iidaysan karo.

: waa in la maareeyaa isku socodka alaabada ay mehradu dalbatay iyo kuwa ay macaamiisha u dirayso. Had iyo jeer waxaa loo baahanyahay qulqul alaabeed mida soo galaysa mehrada iyo mida ka sii baxaysa labaduna waxa ay u baahanyihiin in la isku dheelitiro sida la isugu dheeli tiro ayaana loo guulaysan karaa.

: waa in la ilaaliyaa xidhiidhka macaamiisha lana dhisaa xidhiidh fiican oo u dhexeeyo mehrada iyo macaamiisheeda, shirkadu waa in ay taqaano sida ay ugu kala fiicanyihiin macamiisheeda isla markaana mid walba mansabka iyo maamuuska uu mudanyahay ay siiso.

: waa in laga shaqeeyaa had iyo jeer cilmi baadhis iyo hormarin mar waliba talada, tusaaleyaasha iyo fikradaha baadhida ku yimaado waa in la qaadaa, la shiilaa, la kala shaandheeyaa inta waafaqaysa iyo inta u qalanto ujeedooyinka waawayn ay shirkadu hirgeliyso.

: waa in la fahmaa sharciyada suuqan aad ku jirtid u gaarka ah, deegaankan aad ka ganacsanayso dhamaan sharciyada u taalo iyo sidoo kale adiga iyo dadka kugu xeeran oo ay ku jiraan; mulkiilayaasha, shaqaalaha, macmiisha iyo dadka adeega ku siiyo xeeraraka idin kala qabanaayo.

Way yartay in la helo, 9-kan qodob aan sheeganay qof isku yaqaana ama wax ka wada fahansan, qof wax yar mid waliba ka fahansan haddii la helo ama kaliya og culayska ay leeyihiin waa hubaal qofkaas ganacisga uu gacanta ku dhigo in uu guulaysanaayo wayse yartahay in qof noocaas la helo, waxaase la helaa badi dad iyagu aragti fog leh, fahmi kara in intaas oo shay loo baahanyahay.

Aduunyadan horumartay iyadu waxa aad helaysaa 9-kan shaqo inay 9 qof oo kala takhsus duwan ay qabtaan isla markaana qofkii aragtida lahaa uu ku hago aragtidiisa halka ay ka bidhaamayso uusan isagu shaqadooda hoose ku habsaamin.

Wadankan aan joogno ee Soomaaliya ma helaysid dad xirfadlayaal ah oo kula shaqeeyo, kuwii kugu hareeraysaanaa k**a nabadgalaysid sida mulkiilayaasha, shaqaalaha, macamiisha iyo kuwa adeeg ku siiyo.

Goormaad aragtidaada hirgelin, waxa aad noqotay nin laguha lawada haysto.
Guusha ganacsigu ciyaar maaha meel waliba oo la joogo, waxaase ka sii daran intaa qofka ganacsi Soomaaliya jooga ku guulaysta waa qof ka adag kana cilmi, caqli iyo karti badan qofka ganacsi guulaystay ka sameeyay wadamada kale ee aduunka.
Ganacsade Soomaliyeedow Allaha kuu gargaaro.

La soco jimcaha soo socdo
Mohamed Jibrill

Photos from Somali Entrepreneurship's post 02/02/2024

TAXANE #239: FAHANKA IIBKA IYO SUUQGEYNTA (BUSINESS FUNNEL)

Afka qalaad waxa ay isticmaalaan kalmad u dhiganta dubaalad marka ay ka hadalaayaan iibka, ujeedka ay ka lahaayeena waxa uu yahay iibka ama suuqgeyntu waxa ay u shaqaysaa sida dubaalada loogu shubo biyaha ama saliida marka h**e in badan ayaa soo gasha daloolka wayn ee sare, marka danbana in badan yaa ka baxda oo tiro yar.

Iibka iyo suuqgeyntuna waa sidaa si la mid ah, in badan oo dad ah ayaa ku soo booqan, in badan oo dad ah ayaa ganacsigaaga hadal hayn haddan inta wax kaa iibsanaysaa waa in tiro yar. Adigu laftaada dad tiro badan yaad gaadhi oo fikradaada ka soo dhaadhicin oo aad adeegaaga ka soo dhaadhicin haddana, inta kuu imanaysa ee wax kaa iibsanaysaa waa in kooban.

Dubaaladaa waxa ay maraysaa, jaranjarooyin. Qofka iibiyaha ah iyo mehraduba haddii ay fahansanyhiin jaranjarooyinkaa waxa ay ku guulaysandoonaan in ay gaadhaan haddafkooda iyaga oo aan dareemin culeys badan.

OGAANSHAHA KOOWAAD

Marka ugu horayso, ay qof ku soo dhacdo in uu casho tago, waxa ku soo dhacayso, in uu caawo soo cuno shawarmo ama Burger, haddana waxa ku xiga ee ku soo dhacayso waa maqaaxidee aadaa. Haddii uu qofku yahay qof aqoon leh, ama uu joogo meel maqaaxiyuhu waxa ay sameeyaan ay internet ku soo bandhigaan, waxa uu aadayaa internet isla markaana, waxa uu baadhayaa dhammaan maqaaxiyaha internet jooga isaga oo eegayo cuntadii uu rabay meesha uu ka helayo, qiimaha, meesha sida ay u egtahay & waxii horay looga sheegay. Qofka haddii uu ka heli waayo waxaas waxa uu aadayaa meel kale markaas macnaheedu maaha qof waliba oo ku ogaado in uu wax kaa iibsanaayo waxaa la joogaa dubaalada halkeedii sare ama afkii waynaa ee dubaalada.

XIISAHA LABAAD

Qofka waxa dhici karta marka uu shawarimadaada iyo burger-kaaga arkay in ay xiiso galisay uu jeclaan lahaa in uu kaa iibsado balse ay jiraan duruufo uu kaaga iibsan waayay. Baddanaana qofka waxaa lagu gartaa, qofkii h**e wuu kaaga soo dhawaan, waxa uu ku waydiinayaa Shawarimada ama Burger, meal deal ma jiraa, imisa yaa la siiyaa, cabitaanka ma raacsanahay, xaafad hebal xarun maku leedihiin. Tirada dubaalada afkeeda h**e ku soo gaartay, hadda waxbaa ka sii yaraanaaya tirada dubaalada afkeeda dhexe soo gaarayso.

FALGALKA SADDEXAAD

Qofka waxa uu bilaabayaa in uu ku dhaho ninayahow shawarmidiina iyo burger-kiina way fiicanyihiin, aad yay u waawaynyiihiin muqaal ahaan, wax macaan yay u egtiyihiin lakiin qiimaha waa la idinka jabanyahay sidaas yaan idinkaga tegaayaa. Dubaalada afkeeda hoose yaa loo sii socdaa dadku marba afka hoose ee dubaalada markii la sii aado wuu yaraanaayaa.

RABITAANKA AFARAAD

Qofka waxa uu bilaabyaa in uu ku dhoho niyahow waxaan waa rabaa in aan kaa gadto, lakiin qiimaha wax mala iga dhaafi karaa, cabitaanka ma la iigu dari karaa, meel gaar ah oo fadhiisano ma heli karnaa, waqti heblaayo ma furantihiin. Dubaaladu way sii yaraanaysaa, tirada dadka ah ee qaybtan imanayana waxa ay ku tusaysaa in diyaar u yihiin in ay wax kaa gataan, laakiin wax yar ka dhimantahay in ay afka hoose ee dubaalada laga bixi lahaa ka baxaan.

IIBSASHADA

Marka ugu danbayso qofka go’aan yuu gaaraayaa wax waliba oo uu ka soo gudbay imtixaankooda wuu soo baasay waxa uuna go’aansanayaa in uu kaa iibsado.

IIBSASHADA KADIB

Qofka marka uu kaa iibsado kadib waxa uu isku fiirinaa maqaaxiyihii h**e dhaqankooda sidii uu ahaa iyo taada sida ay tahay. Waxaa laga yaabaa adigagan aqrisanaayo in aad is tidhaahdo waxaas waxba k**a jiraan. Lakiin maqaaxida marka aad sii baxayso firkadaada lagu waydiiyo, lagu wanaajiyo iyo mida kursiga ka kac bax lagu dhaho tee ku noqon lahayd marka labaad is waydii.

Qofka maqaaxida leh ama maamulaha ka ah waxa looga baahanyahay in uu ugu yaraan fahansanayahay sida dubaalada ay u shaqayso, haddiiba uu qof dadka kale wax dheeryahayna fahansanayahay waaya aragnimada macmiishuusu ay dhaxalayso tilaabo waliba marka ay taaganyihiin, Ninka ka sii xariifsan ninkaan waxaa laga doonayaa in uu macaamiisha isaga dhanka uu doono u wadi karo kalifi karana in dubaaladaa ananan qaadayn dadkaa tirada badan uu ku qasbo in ay isku dagaalaan, cidhiidhsadaan ama saf ugu jiraan ilaa daloolka yar ay ka baxaan inta tirada badan ee daloolka wayn isugu timid.

La soco jimcaha soo socdo
Mohamed Jibrill

26/01/2024

TAXANE #238: MACAMAAMIIL JECEL IN AY WAX BILAASH AH HELAAN IYO KUWA LACAGTA AY BIXIYAAN DADKA IN AY KU GUMAYSTAAN JECEL

Wali ma fahantay sababta ay dadyowga qaar u jecelyihiin in ay iyaga lacagtooda dhaqaaleystaan lacagaha dadka kalena si xad dhaaf ah u isticmaalaan?

Macaamiisha kuu soo galaysaa macnaheedu maaha gabi in ay wada fiicnayhiin, macnaheedu maaha gabi in ay adeega/badeecada aad bixinayso u imanayaan, macnaheedu maaha in ay adeegaaga/badeecadaada ku raaxaysanayaan. Qaar waxa ay u imanayaan saxiibadood yaa tagay meesha, qaar waxa ay u iminayaan waxa ay moodaan in ay kaa caqli badanyihiin oo ay ku qaldi karaan, qaarna maba yaqaanaan sababta ay kuugu yimaadeen.

Waxa jirta fikrad h**e, oo sheegaysa had iyo jeer in ay macaamiishu saxsanyihiin. Waxaase ka daba timid fikrad danbe leh macaamiisha had iyo jeer ma saxsana.

Dadka fikradan danbe aaminsan yaa iyagu, waxa ay ku andacoonayaan, macmiilku marka uu deyn kaa qaato rabina in uu bixiyo ma macamiil fiican baa? Marka uu badeecad kaa qaato sida uu doono u soo isticmaale kuuna soo celiyo kuuna sheego in uu rabin ma macmiil fiican baa?

Arragti kale oo waxa jirta oranaysa 80% dakhligaaga waxa aad ka samaysaa 20% kamid ah macaamiishaada. Aragtidaas waxa ay intaas ku daraysaa 20% waa macaamiisha ugu wanaagsan, ugu akhlaaqada badan, kuuguna wax tarka badan.

Sidaas darteed 80% aanan wax badan kuu tarayn, ku soo gelinayso 20% dakhli ah, waxa kuu roon in aadan sii haysan kuwaa oo aad erido, haddii aadba sii haysanayso, tamar badan iyo waqti ha iska gelin. Ku fooganoow oo ka shaqee 20% ee ay dantaadu ku jirto.

CALAAMADAHA LAGU GARTA MACAMIISHA SUNTAN AH:

1. Biilka in ay bixiyaan way ka caga jiidaan
2. Had iyo jeer wax ay doonayaan siyaado iyo wax bilaash ah.
3. Had iyo jeer cudurdaar aan sax ahayn yay sheegaan
4. Khidado ay kugu marinhabaabinaayaan yay isticmaalaan
5. Waxa danta u ah mehradaada waxa ay ka horaysiiyaan dantooda
6. Iyaga oo waxba ku siin yay rabaan in ay wax kaa helaan
7. Haddaad wax ku heshiisaan iyaga had iyo jeer ka baxa
8. Haddii wax la isla qabanaayo waxa ay jecelyihiin in ay waxa ugu yar qabtaan

Maqalka waa dareen ka mid ah dareenada illaahay ina siiyay ee shanta ah sida araga, dhadhanka, taabashada, urta.

Dhagaysiga waa adaab ka mid ah adaabta fahanka ee u baahan xeeldheeri.

Si aad u fahanto macmiilka xun iyo macmiilka fiican fadlan isticmaal xeeladan:

1. Dhagayso waxa uu leeyahay macmiilka
2. Turjumo waxa uu leeyahay macmiilka
3. Qiimee waxa uu ku yidhi macmiilka
4. Markaas kadib ugu jawaab waxa aad ka fahantay

BADI GANACSATADA WAXA AY SAMEEYAAN

1. Way dhagaystaan
2. Isla markiiba iyaga oo fahmin yay u jawaabaan.

Waxa ugu muhiimsan waxa ay yihiin in aad macaamiisha kala barato 20% kuugu muhiimsan dadaalkaaga iyo tixgelintaada galisid. 80% kale adiga oo aanan iyagan xumeenayn lakiin cabashadooda iyo buuqooda culays badan isku saarayn. Ama aynan kaa mashquulinayn dadaalkaaga iyo howshaada kale.

La soco jimcaha soo socdo
Mohamed Jibrill

19/01/2024

TAXANE #237: MAXAY AHMIYAD U LEEDAHAY CAADIFADDA (EMOTIONS) GANACSIGA

Horta ma taqaanaa macnaha caawdifta iyo waxa la yidhaahdo, hadaad taqaanid inta caawaadif ee aad Af Soomaali ku taqaanid hoosta iigu qor?

Haddaadan aqoon fadlan waxba ha aqrinin qoraalkan, kow soo baro maxaa la dhahaa caawaadif.

Ganacsatada qaar yaa waxa ay aaminsanyihiin in ay ganacsiga iyo caadifadu waxba ka dhaxaynin, lakiin sidaasi sax maaha.

Caadifadu, ganacsiga waxa ay ka ciyaartaa doorka ugu muhiimsan ee ay guusha ku gaadhi karaan. Caadiifadu waxa ay saamayn togan iyo tabanba ku yeelataa; wada shaqaynta kooxaha, qancinta macaamiisha, maaraynta xidhiidhka shaqaalaha iyo jeceylka shaqaalahu u qaadaan ka shaqaynta mehradaas.

Waxaa intaa dheer caawadiftu waxa ay saamayn togan iyo taban ku yeelataa go’aan qaadashada, qorshaynta, heshiis galida, xalinta khilaafka, hal-abuurka iyo hab fekerka toolmoon.

Sidoo kale waxa ay caadifadu, saamayn wayn ku yeelataa iibka iyo guud ahaan sida lacata loo maaraynaayo.

Wax la yaab leh maaha marka aad aragto macaamiil aad u qanacsan oo faraxsan, marka ay shaqaaluhu fahmaan dareenka cadifadeysan iyo baahida ay macaamiishaa qabaan.

Lakiin aragtidu maaha fahanku kaliya in uu ku koobanyahay macaamiisha oo kaliya ee sidoo kale dadka wada shaqaynaayaana in ay is fahmaan midba midka kale cawaadiftiisa uu fahmaa. Haddii cawaadiftoodu is fahanto waxa ay dhaxalsiinaysaa in ay iyaguna waqti dheer wada shaqeeyaan isla mehradaana waqti dheer u shaqeeyaan.

Ahmiyada kale oo ay u leedahay hogaamada ganacsiga fahanka cawaadifta, waxaa ka mid ah in ay fahmaan shaqaalahooda, waxa ayna noqon karaan maamulayaal aanan kaga harin shaqaalaha marka uu yidhaahdo waan xanaaq badanahay ama waan dabeecad xumahay.

Maxaa yeelay maamuluhu hadii uusan ahayn qof cawaadifta hoos ugu degi kara ama aad u fahmi karo “Emotional Granularity” waxa ay keenaysaa in uusan fahmin fahanka dhabta ee shaqaalaha. Haddiiba ay sidaasi dhacdana waxa ay ku kalifi doontaa in uu qaato go’aan aan ahayn kii saxda ahaa ee la qaadan lahaa.

Cawaadiftu aad ayay ahmiyad kale u leedahay marka ay timaado arrimaha daryeelka macaamiisha, waxa ay qeyb wayn ka qaadataa iibka iyo suuqgeynta ugu danabayntana ganacsigu in uu lacag sameeyo. Si aad u fahantid in ay cawaadiftu muhiim yihiin, bal adiga u fiirso marka aad wax iibsanayso sida uu hab-dareenkaaga iyo hab-dhaqankaagu u shaqeeyaan markaas yaad fahmi doontaa xaqiiqda ay caadifadu leedahay dhibta ugu wayn waxa ay tahay qofka ganacsadaha ah meel fog ayuu wax ka raadinaayaa si aadan meel fog wax uga raadin isku fiirso adiga uun inleen dhammaan waxii macmiil uu samayn lahaa waad samaysaa.

Waana sidan inta badan ganacsiyada waawayn ee guulaystay ay sameeyaan, waxa ay is dhigaan meeshii uu macmiilkooda joogay, waxa ay u fikiraan sidii uu macmiilkooda u fikiri lahaa iyaga oo aan ahayn ganasto kaliya fahmi kara dareenka dusha ama cawaadifta dusha guud oo kaliya, noqo ganacsade fahmi karta ilaa gunta hoose ee cawaadifta.

Marka ay timaado dhisida sumadda shirkadaada iyaduna waa arrin kale ahmiyadeeda leh, macna badan samayn mayso sida aad u samayso ama u xayaysiiyo hal-abuurnimadeeda, farsamadeeda iyo madadaaladeeda, waxaa se muhiim ah in aad ku darto cawaadif taabaso xoogan iyo in aad istaraatiijiyadaada suuqgeynba ku dhisantahay maxaan ka aqaanaa cawaadifta macaamiisha, xagayse ka abaari karaa.

Cilmi baadhis ay samaysay Binet and Field, waxa ay ku ogaatay ol’olayaashii ganacsi ee guusha laba jeer ka badnaa ol’ole kale oo la barbar dhigay waxa ay ahaayeen kuwii taabanaayay caawaadifta macaamiisha. War bixintaas waxa ay sheegtay shirkadaba shirkada ay ka fahmi ogeed shirkada kale caawaadifta macamiisha in ay kaga fiicneed wax iibinta iyo ku soo noqnoqshada macaamiisha.

Haddaba ganacsatadu waa in ay fahmaan waxa ay u sheegayaan culimada cilmi-nafsiga oo ah dabcan fahanka cilmi-nafsiga iyo cawaadifituba waa wax qoto dheer fahankiisuna uusan dhoween, lakiin waxa kaliya ee la fahmi karaa ay yihiin farxada iyo murugada farqiga u dhexeeyo maxuu yahay cabsida iyo warwarka farqida u dhexeeyo maxuu yahay goorta aan faraxsanahay iyo goorta aan xanaaqasanahay go’aamada aan qaato maxay saamayn ku yeelan karaan ganacsigayga. Awood ma u leeyahay in aan koontroolo caawadiftayada goorta ay joogto go’aamada xasaasidga ah.

1. Hadduu macmiil wax iga sheego
2. Hadduu shaqaale wax iga sheego
3. Hadduu maamule wax iga sheego
4. Hadduu ninka/gabadha alaabta iga gado wax iga sheegto
5. Haddii ay dowlada wax iga sheegto
6. Hadduu wariyaha wax iga sheego

Sidee uga falcelinaayaa, ma waxa aan baadhayaa horta waxa la sheegay maxaa ka jira? Sidee wax u jiraan?

Mararka qaar iyada oo waxa la sheegaayo ay run tahay ayaa duruufta kugu hareeraysan aysan kuu suura gelineen waxa lagaa sheegay in aad fuliso. Mararka qaar waqtiga ayaa kugu simayn waxa lagaa sheegaayo oo tusaale waxa ay u baahantahay si aad howshaa u dawayso ugu yaraan sannad

Ganastaduna waxa ay u baahanyihiin in ay ka faa’iidaystaan awooda caadifada oo ah marka ay dadku wax dareemaan unbay wax iibsadaan, dadku marka cawaadiftooda la dareemo umbay wax iibsadaan shaqaalahu marka caawdiftooda la dareemo unbay kula shaqaynayaan.

La soco jimcaha soo socdo
Mohamed Jibrill

Photos from Somali Entrepreneurship's post 29/09/2023

TAXANE #236 HAYAT MARKET IYO KACDOONKA CAMBAHA

1. Maxaa uga diyaarsan ganacsatada Soomaalida dhacdooyinka dhaxalreebka leh kuwooda togan ama taban ee suuqgeynta?
2. Sideed u aragtaa falcelinta dadka ka falceliyay cambaha suuqa xayaad ay ka keentay wadanka masar?
3. Maxaad ka taqaanaa labada aragtiyood ee kacdoonka isticmaalka badeecadda/adeegga iyo kacdoonka falcelinta macaamiisha?
4. Maxaad ka taqaanaa waxyaabaha qarxa/la kala kiciyo (viral) ama lagu daato ama lagu kacsanyahay (trend) iyo sida ay saamaynta ugu yeeshaan baraha bulshada ee uu ganacsiga leeyahay?

KACDOONKA MACAAMIISHA (CONSUMER BACKLASHES)

DAGAALKA COLA - 1985

Waxa jiray dagaal dhex maray shirkadaha iibiya cabitaanada aash*tada/Sodhada leh.

Dagaalkaas xoogiisa waxa uu dhex maray Coca Cola iyo Pepsi Cola. Coca Cola waxa ay gashay 15 sanno oo isku xiga oo ay ku jirtay hoos u dhac badeecadooda iyo suuqyada qaar. Waxa ay markii danbe samaysay cilmi-baadhis ay is barbardhigaysay Coca Cola iyo Pepsi Cola midka la jecelyahay, waxa ay wareesteen 200,000 oo qof, badidoodu waxa ay yidhaahdeen waxa aan jecelnahay Pepsi Cola.

Coca Cola go’aan waxa ay ku gaadhay in ay qaacidada wax ka badasho, markii ay qaacidada wax ka badashayna waxa ay go’aansatay in ay sameyso Ol’ole loogu magac daray “New Coke”.

Ol’olihii cusbaa waxa uu kalifay in dadkii ay cadhoodaan isla markaan aad ugu xoomeen xarumihii ay ku ogaayeen haraagii badeecadii h**e ay yaqaaneen.

Xarunta Coca Cola waxa ay helaysay 1,500 oo teleefoon wacitaan maalinkiiba ilaa iyo ay wacitaanadu ka gaadhaan 400,000. Taasi waxa ay kaliftay in ay go’aankoodii ka noqodaan isla markaana dib ugu noqdaan qaacidadiid h**e.

Kacdoonkii iyo ka jawaabida Coca Cola ee rabitaanka macaamiishooda waxa ay kalfitay in ay mar kale Coca Cola suuqa dardar cusub ku soo gashoo guul aan la qorsheena ka gaadho.

Coca cola sida ay wax u qorsheenaysay waxa ay kala kulantay hungo isla dhinaca kalena waxa ay la kulantay wax ay fileen oo ah in markale isla badeecadii ay ka werwersanaayeen ay suuq aan caadi ahayn u abuurto.

KACDOONKA ISTICMAALKA BADEECADDA/ADEEGGA (CONSUMER REVOLUTION)

Aduunyada waxa ay soo martay kacdoono farabadan oo kala duwan waxaana ka mid ahaa kacaankii beeralayda qarnigii 18-aad, kacaankii warshadaha qarnigii 19-aad, kacaankii macluumaadka qarnigii 20-aad.

Kacdoonadaas mid waliba waxa uu watay duruuftiisa, waxa aana isla badalay dhammaan nolosha.

Is badalkaa ay kacdoonadu wataan mid la mid ah ayaa hadda ka socodo Soomaaliya taas yaana keentay in ay maanta noloshu badiba ka timaado dalka dibadiisa; waxyaabaha aan cuno badidoodu waxa ay ka yimaadaan wadanka banaankiisa in markaa cambo lakeenay laga dhigo qadiyad wayn waxa ay u baahantahay in la baadho oo la dabagalo sida ay ku timid.

Wadanku inta uu kobcaayo, koraayana waan ku qasbanahay in banaanka laga keeno wax waliba oo laga keeni karo. Marka aan ka hadlayno ganacsi macnaheedu maaha in aan ka hadlayno saddaqo iyo arrimo bulsho. Qofka ganacsiga leh macaamiil yaa ku xidhan waxana ka go’an macaamiishaa wax u soo doonanaysaa in ay marna waxba ka waayin.

MAXAA UGA DIYAARSAN DHACDOOYINKA DHAXREEBKA YEESHA GANACSATADA

Adigu bax oo warayso dhammaan ganacsataga wadanka ma jiro hal ganacsi oo leh guddi u qaabilsan anshaxa suuqa, kan shaqaalha, kan macaamiisha iyo tartankaba (Ethics Committee). Markaas taas waxa ay keenaysaa sida suuqa xayaad ku dhacday iyaga oo aan wax badan la iska weydiin in isla markaaba laga saaro warbixintii canbaha ku saabsaneed ee la soo galiyay iyada oo aan la is weydiin, markii h**e maxaan u gelinay? Hadda maxaan uga saaraynaa? Haddaan ku deyno maxaa dhici kara?

KALA KICINTA, QARXINTA IYO KU DAADASHADA (VIRAL & TREND)

Haddaan u fiirsano dhacdadan waxaan arkaynaa in ay dad badan isku deyeen in ay ka faa’iidaystaan dadkaa badhkood iyagu laftooda ay yihiin dadk qayb ama door muhiim ah ka qaadan lahaa waxan ay bulshadu ka doodayso oo iyagu bangiyo u badan oo islahaa uun isla markaa xaaladu taagantahay ka faaiidaysta.

Hadda waxa aan abla-ablaynay oo is barbardhignay suuqa xayaat baraha bulshada guulihii uu ka gaadhay bishii august iyo September. Waxaana noo soo baxday in uu bisha August ka fiicnaa bisha September. Ma dhihi karno dhacdaday yaa samyn ku yeelatay waayo dhacdadan waxa ay dhacday 10 maalmood ee bisha ugu danbaysay. Waxa aan u baahanhay in aan baadhno una sugna sida ay samayn ugu yeelato bilaha soo socdo.

Xogta hordhaca ah ee aan hadda ka shaqaynay waxa ay na tusaysaa sida jaantuska aan raacinay qormadan uu na tusayo in ay celcelis 54% hoos u dhacday 7 qodob ee aan abla-ablaynay.

Ugu danbayn, anigu waxa aan ku talin lahaa, in ay ganacsatadu yeeshaan koox ka masuul ah waxii degdeg ah ee yimaado in ay ka jawaabaan isla markaan kooxdaas ay ka koobantahay dad dhinacwaliba ganacsiga ka eegi kara guul iyo guul daro iskuna kalsoon si kalsooni lehna uga jawaabi kara kolba waxii soo dhacaa.

Macamiisha kacdoonkooda ka jaawbid wuu mudanyahay lakiin waxa ay ku xidhantahay waxa uu salka ku hayo, sida loo soo abaabulay, cida ka danbaysa iyo in uu yahay kacdoon cadaalad ah oo mudan in laga jawaabo.

Suuqa Xayaat-na kulama taliyeen in ay ka saraan haddii ay aniga I waydiin lahaayeen.

La soco jimcaha soo socdo

Mohamed Jibrill

22/09/2023

MACMIILKA QIIMO INTEE LA EG YUU KUU LEEYAHAY

Waxaa jira fikrad ganacsi oo la yidhaahdo dhexjooga macaamiisha (Customer-Centric View). Fikradan waa fikrad la xidhiidha go’aan ka gaadhida macmiil-ka iyo safarka uu la galayo mehradaada iyo mehradaysiga.

Fahanka fikradan waxa ay u baahantahay in aad macmiilkaaga fahanto, isla qabsataan, uu kaa helo in ka badan filashadiisa iyo adeeg/badeecad xusuus ku reebta.

Marka aan leenahay xusuus ku reebto waxa aan u jeednaa xusuus wanaagsan. Qofka/macmiilka tilaaba waliba uu qaado waxa uu helaa waayo aragnimo xusuus ku reebta xusuusahaasi waxa ay noqdaan qaar marka uu maqlo ama arko u riyaaqo, jeclaysto uu yidhaahdo, aloow yaa maalmahaa kuu soo celiyo iyo qaar uu yidhaahdo illaahow mar danbe ha i soo marin oo ha i tusin.

Intaa waxaa fahmi kara ganacsadihii si fiican u fahmo firkadan aan maanta qormadan ku xusnay.

DHEXJOOGA MACAAMIISHA (CUSTOMER-CENTRIC VIEW)

HAD IYO JEER KU FOOGNOOW BAAHIDA MACMIILKA

Waxa lagaaga baahanyahay had iyo jeer in aad ogaato ama hesho baahida uu macmiilku qabo, sababata uu u doorbidaayo, caqabadaha uu haysto iyo meesha cuncunaysa ee uu rabo in loo xoqo.

DHEXJOOGA IYO DHAQANKA MACMIILKA

Ganacsatadu badi waxa ay moodaan, in ay macaamiishu waxa ugu muhiimsan ay tahay istaraatiijiyada, laakiin ma ogga in ay tahay waxa ugu weyn hab-dhaqanka macaamiilada, is fahanka, isla qabsiga iyo is dhexgalka.

LA QABSASHADA

Suuqa marmar wuu is badelaayaa, adeegyada/badeecadaha way is badelikaraan, markaa ay is badelaan waa in aad fahmi kartaa lana jaanqaadsiin kartaa kolba is badelka dhacaya.

WAAYA ARAGNIMADA MACMIILKA

SAFARKA MACMIILKA

Macmiilka tilaabo waliba uu qaadayo ee qusaysa ganacsigaaga ama helida baahidiisa waa in aad la socotaa, fahantaana si aad uga jawaabto dhibta iyo baahida uu qabo.

JOOGTEYNTA

Waa in la joogteeyaa fahanka, oo uusan noqon wax marna la sameeyo marna la iska joojiyo.

SHAKHSIYADEENTA

Maalmahan danbe dadka waxa ay aad u danaynaayaan in ay iyagu si gaar ah loo tixgeliyo, loo koolkooliyo, loo soo dhoweeyo.

FALCELINTA

Had iyo jeer waa in la joogteeyaa weydiinta falcelinta macaamiisha. Taasi waxay sahlaysaa in fahanto isla markaana ay fahankaaga iyo rabitaankooda is waafajiso.

Marka intaa aad samayso waa in aad cabbirtaa waxii dhacay.

CABBIRKA

Waxa aad u baahantahay in aad cabbirto afar wax:

DAACADNIMADA: Cabbir macaamiisha kuu daacada ah taas adiga oo ka ogaanaay sida ay macaamiisha sida ay kuugu soo noqnoqdeen iyo sida ay dadaka kale kaaga sheegaynaayaan
QANAACADA: Qanaacada guud ee macaamiisha waxaa lagu ogaankaraa waysi iyo xog ururin
QIIMAHA CIMRIGA MACMIILKA: Abla-ablay oo qiimee macmiilka inta uu kula joogay cumri ahaan
KA WARYHEYNTA: Had iyo jeer macaamiishaa aad indhaha ku hayso cabbir isbadalada adiga oo is barbardhigaayo waqtiyo go’an.

TUSAALE

Marka aad rabto in aad cabbirto qiimaha uu kuugu joogo cumriga macmiilka (Customer Lifetime Value), waxa aad xisaabinaysaa saddex shay celceliska halkii marba imiso yuu kaa iibsadaa, inta uu kula joogay isma jeer yuu wax kaa iibsaday iyo imisa sanno yuu kula joogaa.

Hadduu macmiil A kula joogay, 5 sanno, intaa uu kula joogayna uu ganacsi idin dhexmaray 50 jeer ugu yaraan halkii marna celcelis uu kaa gadanayay $123. Macmiil B kula joogay 3 sanno, intaa uu kula joogayna uu ganacsi indin dhexmaray 15 jeer, ugu yaraana halkii jeer celcelis uu kaa gadanayay $91.

Macmiil A CLV = ($123@5@50) = $30,750
Macmiil B CLV = ($91@3@15) = $4,095

Labadan macmiil waxaa kuu qiimo badan oo ay tahay mudnaan 5 jeer ka badan in la siiyo macmiil A.

La soco Jimcaha danbe

Want your business to be the top-listed Business in Birmingham?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Birmingham
B109QN
Other Business Services in Birmingham (show all)
LionHearts Ent LionHearts Ent
Birmingham, B70888

LionHearts Ent

Build Plus Build Plus
Birmingham, B31

Contact us now for a free no obligation quote or for more details about Build-Plus and the services we offer.Tel: 0121 624 7185 or 0798 064 7678Web: www.build-plus.co.ukEmail: info...

DCE - Design Craft Exhibitions DCE - Design Craft Exhibitions
Unit 9 Roman Way, Coleshill
Birmingham, B461HG

Design Craft Exhibitions

Libro Proofreading and Copyediting Services Libro Proofreading and Copyediting Services
Birmingham

Proofreading, copyediting, transcription and localisation services for business, academic, creative

Sneh Sangam Day Centre 50 plus Sneh Sangam Day Centre 50 plus
7 Halfway Close
Birmingham, B448

Registered Charity number 1113946

Siren Siren
Edmund House, 12-22 Newhall Street
Birmingham, B33AS

Digital Marketing Agency specialising in eCommerce & Lead Generation through Paid Search & Social.

2020 Innovation 2020 Innovation
Pinewood Business Park Coleshill Road, Marston Green
Birmingham, B377HG

20:20 Innovation offers UK accounting firms membership packages for training, marketing & growth.

Columba Columba
Birmingham, B11TT

Leading the way in successful brand-agency partnerships.

Digger hire Digger hire
Birmingham, B100US

Bitcoin investor sandra 01 Bitcoin investor sandra 01
Birmingham

EXPERT BINARY OPTIONS TRADE 🏅👩‍💻earn over $30,000💰 weakly DM📩 me to get started

Adorable British short hair kittens for adoption Adorable British short hair kittens for adoption
Birmingham

pure breed pet dealer.

Bannereco Bannereco
Birmingham

The Green Personalised Banner Company. www.bannereco.co.uk