Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug

Kani waa page-ka Rasmiga ah ee ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug.

08/08/2023

Dhuusomareeb, 8-August 2023. Hogaamiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug mudane Cabdifitaax Ciise Cumar iyo qaar kamid ah xubnaha ururka ayaa gaarey xarunta barakacayaasha ee ARLAADI oo ku taala magaalada Dhuusomareeb.

Xubnaha Ururka ayaa u kuur-galay xaaladaha biniaadanimo ee ka taagan xirada ARLAADI iyagoo wareysiyo Kala duwan la yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool ARLAADI IDP camp.

Xirada ARLAADI waxaa ka jira xaalad biniaadanimo oo aad u liidata una baahan wax ka qabasho degdeg ah.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA:-
Facebook:- https://www.facebook.com/UrurkaIlaalintaXuquuqdaAadanahaeeGalmudug?mibextid=LQQJ4d
Instagram:- https://www.instagram.com/reel/Cvr0hVzopcT/?igshid=MzRlODBiNWFlZA==
Twitter:- https://twitter.com/hra_gm/status/1688900416262582272?s=46
Email:- [email protected]

23/07/2023

Dhuusomareeb, 23-July 2023. Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug oo uu horukacayo Xoghaya Guud ee ururka Mudane Cabdifitaax Ciise Cumar ayaa gaaray Xarunta Barakacayaasha Hilaac.

Qaar kamid ah Xubnaha Ururka ayaa u kuur-galay xaaladaha nololeed ee ay ku suganyihiin Dadka ku nool xarunta Barakacayaasha Hilaac iyagoo wareysi doceedyo la yeeshay Barakacayaasha Xarunta ku sugan.

Dadka xarunta ku sugan ayaa ka soo barakacay meelo kala duwan sababo amni daraadeed. Xarunta ay ku suganyihiin Barakacayaasha ayaanen laheyn Biyo, Caafimaad iyo waxbarasho. Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Galmudug wuxuu masuuliyad iska saari doonaa Gudbinta baahiyaha Barakacayaasha si Hay’addaha caalamiga ah iyo cida ay quseyso oga soo jawaabaan baahidaan.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA DADWEYNAHA:-
Facebook:- https://www.facebook.com/UrurkaIlaalintaXuquuqdaAadanahaeeGalmudug?mibextid=LQQJ4d
Instagram:- https://instagram.com/protection_hra_gm?igshid=NTc4MTIwNjQ2YQ==
Twitter:- https://twitter.com/hra_gm/status/1683230417854267393?s=46
E-mail:- [email protected]

03/07/2023

Dhuusomareeb, 3-July 2023. Hogaamiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug mudane Cabdifitaax Ciise Cumar iyo qaar kamid ah xubnaha ururka ayaa gaarey xarunta barakacayaasha ee OOG oo ku taala magaalada Dhuusomareeb.

Xubnaha Ururka ayaa u kuur-galay xaaladaha biniaadanimo ee ka taagan xirada OOG iyagoo wareysiyo Kala duwan la yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool OOG IDP camp.

Xirada OOG waxaa ka jira xaalad biniaadanimo oo aad u liidata una baahan wax ka qabasho degdeg ah. Dowlada hoose ee Dhuusomareeb, maamulka sare ee Galmudug, Hay’adaha ku shaqada leh dhowrida xuquuqda insaanka iyo cidkasta oo garab muuqata ka qaadan taakuleynta dadka taabaaleysan waxaan ka codsaneynaa in ay arintaan si hoose u fiirshaan dadkaan-na lala soo gaaro caawimaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA:-
Facebook:- https://www.facebook.com/UrurkaIlaalintaXuquuqdaAadanahaeeGalmudug?mibextid=LQQJ4d
Instagram:- https://instagram.com/protection_hra_gm?igshid=NTc4MTIwNjQ2YQ==
Twitter:- https://twitter.com/hra_gm/status/1683229448617721856?s=46
Email:- [email protected]

27/06/2023

Dhamaan Xubnaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug waxa ay farxada ciidaul Adxa ee Maalinta berri-ta ah la qeybsanayaan dhamaan Muslimiinta meel walba oo ay Dunida ka joogaan.

Ilaahay Ciidaan ciideeda kale nabad, Caafimaad iyo baraare ha inagu gaarsiiyo.

Photos from Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug's post 20/06/2023

Dhuusomareeb, 20-May 2023. Hogaamiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug mudane Cabdifitaax Ciise Cumar ayaa maanta waxa uu booqday Xafiiska Qareenada Xalane faraceeda Galmudug halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Abuukate Ismaaciil Xalane oo ah u qaabilsanaha Xafiiska Qareenada Xalane, Galmudug.

Xoghaya Guud ee ururka iyo Abuukaate Ismaaciil ayaa ka wada sheekeystay xaaladaha biniaadanimo ee ka taagan Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb iyo sidii loo waji lahaa dhibtooyinkaas biniaadanimo iyadoo loo marayo sifo sharciga waafaqsan.

Ugu danmbeyn Hogaamiyaha ururka mudane cabdifitaax Ciise iyo Xafiiska Qareenada Xalane ayaa isku fahmey in la xoojiyo wada shaqeynta sharci ee ay wadaagaan labada xafiis iyadoo ujeedada Guud tahay ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee Galmudug iyo difaacida dhibanayaasha aan adeeg ama marin sharci haysanin.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA:-
Facebook:- https://www.facebook.com/UrurkaIlaalintaXuquuqdaAadanahaeeGalmudug?mibextid=LQQJ4d
Instagram:- https://instagram.com/protection_hra_gm?igshid=NTc4MTIwNjQ2YQ==
Twitter:- https://twitter.com/hra_gm/status/1683228730653589504?s=46
Email:- [email protected]

16/06/2023

Dhamaan xubnaha ururka waxa ay u hanmbalyeenayaan mudane Cabdifitaax Ciise Cumar oo ku guuleystay Doorashada Xogyaha Guud ee Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug.

Photos from Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug's post 16/06/2023

Dhuusomareeb, 16-May 2023. Cabdifitaax Ciise Cumar ayaa loo doortay Xoghaya Guud ee Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug.

Waxaa galabta oo Jimco ah qabsoomay doorashadii sharciga eheyd ee Xoghaya Guud ee
Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug.

Waxaa kulanka soo xaadiray inta badan xubnaha ururka si ay codadkooda u dhiibtaan. Xilka Xoghayaha Guud waxaa u tartamayay labo musharrax oo kala ah:
Mudane cabdifitaax ciise iyo Shacayb Faarax.

Dhammaan Musharraxiinta Xilka Xogyaha Guud u tartamayay ayaa jeediyay hadallo kooban oo ku saabsan waxa ay qaban doonaan. Sida uu sharcigu qabo codeynta doorashada ayaa ahayd mid gacan taag ah. Tartan xiisa lahaa dabadiis, waxaa xilka Xogyaha Guud ku guuleystay si aqlabiyad leh mudane Cabdifitaax ciise oo helay 23 cod, halka Shuceyb uu helay 14 cod.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA
https://www.facebook.com/UrurkaIlaalintaXuquuqdaAadanahaeeGalmudug?mibextid=LQQJ4d

16/06/2023

Galabta waxaa loo madalsanyahay Doorashada Xog-haya Guud ee ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug. Ururkaan ayaa 4-tii sano-ba mar loo doorta Xog-haya Guud ee ururka kaasi oo ah hogaamiyaha ahna jiheeyaha ururka. Doorashadaan ayaa waxaa ku tartamaya Labo musharax, iyadoo ay Doorashada ka dhici doonto magaalada Dhuso-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Halkaan ayaan idin kugu soo gudbin doonaa tabinta toos-ka ah ee doorashada iyo natiijooyinka musharaxiinta tartameysa.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Dusa Mareb?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Dhuusomareeb, 8-August 2023. Hogaamiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug mudane Cabdifitaax Ciise Cumar i...
Dhuusomareeb, 23-July 2023. Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug oo uu horukacayo Xoghaya Guud ee ururka Mudan...
Dhuusomareeb, 3-July 2023. Hogaamiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug mudane Cabdifitaax Ciise Cumar iyo...

Telephone

Website

Address


Dusamareb
Dusa Mareb
GALMUDUG
Other Dusa Mareb non profit organizations (show all)