Faafinta diinta islaamka

Cilmiga halaguu dhigee caqliga kaashaba layidhi ๐Ÿ“–๐ŸŒŽ

15/08/2023

ISLAAMKA IYO WAXA UU KA QABO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Muslinow run sheeg oo Muslinow run oga qaado.
Waa murti ku dhaqankeedu uu inoo dhaami lahaa sida aan maanta nahay.

Waxaa aad inoogu batay waayadan dambe tuhmo iyo shaki iyo malaha oo laysu xumeeyo, iyada oo aad arkayso in aad loo kala tagay oo qof kasta uu ka shakisan yahay midka kale qolo kasta ay tuhunsan tahay kuwa kale,

Waxaad arkaysaa in hadalkii laysu badalayo oo qof kasta ama qolo kasta aysan u muuqan karin khayrka qofka ama qolada kale.

Taasina waxay sahashay inuu xiqdigii ina hareeyo oo aan ugu dambeyn dhiig isaga daadino wax aan deero mid kale ku hardiyin oo gidigood ku dhisan tuhun iyo shaki uu sheydaan dhoodhoobay.

Haddii dhoohanaantu caqligeenu ka dhigtay mid aan dhabta ka tarjumi karin oo aan inaba u soo jeedin istixgalin ilbaxnimo ku dhisan.

Bal ma isweydiinay inay diintu inaga celinayso calanwanlaynta tuhunka iyo malaha xun ka tarjumaya.

Hadaan mowduuca ku soo dhowaado halkan hoose waxaan ku soo diyaariyay qaar ka mid ah Nusuusta diinta ee ka hadlaya arintan iyo halka ay salafku ka taagnaayeen cudurkan cid kale daayee galaaftay qolooyinka sheegta inay garwadeen ka yihiin diinta ee saanyaday dadkii iyo dalkii.

Ilaahay wuxuu yiri:-

ูŠูŽุง ุฃูŽูŠูู‘ู‡ูŽุง ุงู„ูŽู‘ุฐููŠู†ูŽ ุขูŽู…ูŽู†ููˆุง ุงุฌู’ุชูŽู†ูุจููˆุง ูƒูŽุซููŠุฑุงู‹ ู…ูู†ูŽ ุงู„ุธูŽู‘ู†ูู‘ ุฅูู†ูŽู‘ ุจูŽุนู’ุถูŽ ุงู„ุธูŽู‘ู†ูู‘ ุฅูุซู’ู…ูŒ ูˆูŽู„ูŽุง ุชูŽุฌูŽุณูŽู‘ุณููˆุง ูˆูŽู„ูŽุง ูŠูŽุบู’ุชูŽุจู’ ุจูŽุนู’ุถููƒูู…ู’ ุจูŽุนู’ุถุงู‹.

"Kuwa iimaanka laga helayoow ka dheeraada in badan oo malaha xun ah waayo malaha xun waa dambi ee ha is jaasuusina oo qaarkiin yuusan xaman qaarka kale".

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

- ุนู† ุฃุจูŠ ู‡ุฑูŠุฑุฉ ุฑุถูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู†ู‡ ู‚ุงู„: ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…: ((ุฅูŠุงูƒู… ูˆุงู„ุธู†ูŽู‘ุŒ ูุฅู†ูŽู‘ ุงู„ุธู†ูŽู‘ ุฃูƒุฐุจ ุงู„ุญุฏูŠุซ)) [5905] ุฑูˆุงู‡ ุงู„ุจุฎุงุฑูŠ.

"Waxaan idiinka digayaa malaha xun waayo malaha xun waa sheeko la dhoodhoobay oo been ah".

Wuxuu kol kale Rasuulka sxw yiri:-

ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ๏ทบ : ุฅููŠู‘ูŽุงูƒูู…ู’ ูˆูŽุงู„ุธู‘ูŽู†ู‘ูŽ ููŽุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ุธู‘ูŽู†ู‘ูŽ ุฃูŽูƒู’ุฐูŽุจู ุงู„ู’ุญูŽุฏููŠุซู ูˆูŽู„ูŽุง ุชูŽุญูŽุณู‘ูŽุณููˆุง ูˆูŽู„ูŽุง ุชูŽุฌูŽุณู‘ูŽุณููˆุง ูˆูŽู„ูŽุง ุชูŽุญูŽุงุณูŽุฏููˆุง ูˆูŽู„ูŽุง ุชูŽุฏูŽุงุจูŽุฑููˆุง ูˆูŽู„ูŽุง ุชูŽุจูŽุงุบูŽุถููˆุง ูˆูŽูƒููˆู†ููˆุง ุนูุจูŽุงุฏูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฅูุฎู’ูˆูŽุงู†ู‹ุง . ุฑูˆุงู‡ ุงู„ุจุฎุงุฑูŠ (6064).

"Waxaan idiinka digayaa malaha xun waayo malaha xun waa sheeko been ah oo la dhoodhoobay,
Ha is xuuraamina oo ha is jaasuusina oo ha isu caroonina oo ha isu dhabar jeedinina ee noqda addoomo Alle oo walaalo ah".

Cumar binu Khadaab wuxuu yiri:-

- ู‚ุงู„ ุนู…ุฑ ุจู† ุงู„ุฎุทู‘ูŽุงุจ ุฑุถูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู†ู‡: (ู„ุง ูŠุญู„ู‘ู ู„ุงู…ุฑุฆ ู…ุณู„ู… ูŠุณู…ุน ู…ู† ุฃุฎูŠู‡ ูƒู„ู…ุฉ ูŠุธู†ู‘ู ุจู‡ุง ุณูˆุกู‹ุงุŒ ูˆู‡ูˆ ูŠุฌุฏ ู„ู‡ุง ููŠ ุดูŠุก ู…ู† ุงู„ุฎูŠุฑ ู…ุฎุฑุฌู‹ุง. ูˆู‚ุงู„ ุฃูŠุถู‹ุง: ู„ุง ูŠู†ุชูุน ุจู†ูุณู‡ ู…ู† ู„ุง ูŠู†ุชูุน ุจุธู†ู‡) (1) .

"Qof Muslim ah uma banaana inuu dhagaysto hadal malaha u xumaynaya walaalkii kadibna uu ku camal falo isaga oo awooda inuu waxa uu maqlay u fasirto sida fiican.
Wuxuu kaloo yiri khaliif Cumar rc ninka aan malihiisa dadka ku anfacin naftiisa dadka kuma anfaco.

Cali ibnu Abuu daalib wuxuu yiri:-

- ูˆู‚ุงู„ ุนู„ูŠ ุจู† ุฃุจูŠ ุทุงู„ุจ ุฑุถูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู†ู‡: (ู…ู† ุนู„ู… ู…ู† ุฃุฎูŠู‡ ู…ุฑูˆุกุฉ ุฌู…ูŠู„ุฉ ูู„ุง ูŠุณู…ุนู†ู‘ูŽ ููŠู‡ ู…ู‚ุงู„ุงุช ุงู„ุฑู‘ูุฌุงู„ุŒ ูˆู…ู† ุญูŽุณูู†ุช ุนู„ุงู†ูŠุชู‡ ูู†ุญู† ู„ุณุฑูŠุฑุชู‡ ุฃุฑุฌู‰) (2) .

โ€œQof kasta oo walaalkii ku yaqaana dhaqan suuban yuusan dhagaysan dadka kale xumaha ay ka sheegayaan,waayo ninka waxa ka muuqda ay wanaagsan yihiin waxa u qarsoon ayaa ka mudan in khayr loogu sii rajeeyo.

Saciid binu Musayib wuxuu yiri:-

- ูˆุนู† ุณุนูŠุฏ ุจู† ุงู„ู…ุณูŠู‘ูŽุจ ู‚ุงู„: (ูƒุชุจ ุฅู„ูŠู‘ูŽ ุจุนุถ ุฅุฎูˆุงู†ูŠ ู…ู† ุฃุตุญุงุจ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡: ุฃู† ุถุน ุฃู…ุฑ ุฃุฎูŠูƒ ุนู„ู‰ ุฃุญุณู†ู‡ุŒ ู…ุง ู„ู… ูŠุฃุชูƒ ู…ุง ูŠุบู„ุจูƒุŒ ูˆู„ุง ุชุธู†ู‘ูŽู† ุจูƒู„ู…ุฉ ุฎุฑุฌุช ู…ู† ุงู…ุฑุฆ ู…ุณู„ู… ุดุฑู‹ู‘ุงุŒ ูˆุฃู†ุช ุชุฌุฏ ู„ู‡ุง ููŠ ุงู„ุฎูŠุฑ ู…ุญู…ู„ู‹ุง) (4).

โ€œMid walaaladay ka mid ah ayaa warqad iiga keenay qaar Asxaabtii Rasuulka ka mid ah, warqadaas waxaa ku qornaa.
โ€œKa dhig fikirka aad walaalkaa xaaladihiisa ka haysato midda ugu wanaagsan' hadaysan wax kaa qaalib noqda xagiisa kaaga imaan,
Waligaana ha u qaadan kalmad qof Muslim ah ka soo baxday shar inta aad u leexin kartid xagga khayrka".

- ูˆู‚ุงู„ ุงู„ู…ู‡ู„ุจ: (ู‚ุฏ ุฃูˆุฌุจ ุงู„ู„ู‡ ุชุนุงู„ู‰ ุฃู† ูŠูƒูˆู† ุธู†ู‘ู ุงู„ู…ุคู…ู† ุจุงู„ู…ุคู…ู† ุญุณู†ู‹ุง ุฃุจุฏู‹ุงุŒ ุฅุฐ ูŠู‚ูˆู„: ู„ูŽูˆู’ู„ุง ุฅูุฐู’ ุณูŽู…ูุนู’ุชูู…ููˆู‡ู ุธูŽู†ู‘ูŽ ุงู„ู’ู…ูุคู’ู…ูู†ููˆู†ูŽ ูˆูŽุงู„ู’ู…ูุคู’ู…ูู†ูŽุงุชู ุจูุฃูŽู†ููุณูู‡ูู…ู’ ุฎูŽูŠู’ุฑู‹ุง ูˆูŽู‚ูŽุงู„ููˆุง ู‡ูŽุฐูŽุง ุฅููู’ูƒูŒ ู…ู‘ูุจููŠู†ูŒ [ุงู„ู†ูˆุฑ: 12]ุŒ .

"Caalimka Muhlab wuxuu yiri:- ilaahay waxa uu waajib ka dhigay in qofka Mu'minka ah uu Mu'minka kale khayr ku maleeyo waligii waayo Eebe waxa uu yiri" markii ay been abuurka maqleen maxay Mu'miniinta rag iyo dumar ay naftooda khayr isugu malayn waayeen oo ay u oran waayeen waxani waa been abuur cad"

- ูˆุฑูˆู‰ ู…ุนู…ุฑ ุนู† ุฅุณู…ุงุนูŠู„ ุจู† ุฃู…ูŠุฉ ู‚ุงู„: (ุซู„ุงุซ ู„ุง ูŠุนุฌุฒู† ุงุจู† ุขุฏู…ุŒ ุงู„ุทู‘ููŠุฑุฉุŒ ูˆุณูˆุก ุงู„ุธู‘ูŽู† ูˆุงู„ุญุณุฏ. ู‚ุงู„: ููŠู†ุฌูŠูƒ ู…ู† ุณูˆุก ุงู„ุธู‘ูŽู† ุฃู† ู„ุง ุชุชูƒู„ู… ุจู‡ุŒ ูˆูŠู†ุฌูŠูƒ ู…ู† ุงู„ุญุณุฏ ุฃู† ู„ุง ุชุจุบูŠ ุฃุฎุงูƒ ุณูˆุกู‹ุงุŒ ูˆูŠู†ุฌูŠูƒ ู…ู† ุงู„ุทู‘ููŠุฑุฉ ุฃู† ู„ุง ุชุนู…ู„ ุจู‡ุง) (6) .

Macmar waxa uu Ismaaciil bin Umaya ka wariyay inuu yiri:-
Bani Aadamku seddex k**a caajiso waa baasaysiga iyo xasadka iyo malaha xun
Xasadku waxaad kaga badbaadi kartaa inaadan walaalkaa wax yeello la doonin waligaa.
Malaha xunna waxaad kaga badbaadi kartaa inaadan sheeg sheegin.
Baasaysiga waxaad kaga badbaadi kartaa inadan waxba ka soo qaadin.

- ูˆู‚ุงู„ ู‚ุชุงุฏุฉ: (ุฅู†ู‘ูŽ ุงู„ุธู‘ูŽู† ุงุซู†ุงู†i: ุธู†ู‘ูŒ ูŠูู†ู’ุฌููŠุŒ ูˆุธู†ู‘ูŒ ูŠูุฑู’ุฏููŠ) (7).
"Imaan qataadda wuxuu yiri malahu waa laba:-
Mid wanaagsan oo ku badbaadiya iyo mid xun oo Naarta

30/07/2023

SHEIKH MUSTAFA X.HAARUUN

12/02/2023

Gaaladu waxa ay islaamka ku hayaan dhibaatoyin badan oo bahalnimo ah marka laga tago inta muuqata inta qarsoonbaa badan, iyagoo aduunka dadka kunool kula meeraysanaya xaquuqul insaan iyo waraabo utaagyo aan waxba kajirin oo sawir ah ayay hadana daaha dabadiisa inalaga dagalaamayaan

Ha ilaawin cadaawadii islaamka ay u qabeen wakhtigii islamka iyo in iyagy bur buriyeen dawladii islaamka maantana waad arkaysaan inta dawladood ee islaamka ah ee gubanaya dagaaladu ka socdaan

11/07/2021

Asc dhaman umatu islam

06/07/2021

Walalkayga muslinka waxa guuldaro๐Ÿ˜ข๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ข ah hadan wax xun soodhigi laha waad awoodi lahyd inad isoo caydid lkin wax wacan hadan soodhigo maxad u awoodi wayday inad shere dhahdo oo walalada gaadhsiiso Sidan idinla jecladay ookale

23/05/2021

Xaqiiiq dib uyar dhagayso hadad xaqiiqada jeceshay soomalia

01/04/2021

Xaqiiq dhagayso wll.oo faafi diinatada macan heesha iyo sawiranta qaawanba comment iyo shere danbi mooyee khayr kujirin ayaad wakhti siisaaye

31/03/2021
17/03/2021

Nolosha inta aad haysato dadka qaar baan haysan ilahay
Ku shukri naq alxamdulilaah dheh
FAAFI WALALKAYGA QIIMAHA BADAN HADAY FARIINTAN KUSOO GAADHO

03/01/2021

Janada Xisaab La'aan Allaha Ku Galiyo Haddaad Alle Dartii U Share Gareeysid Insha Allah.

27/12/2020

Walaalo adigoo mahadsan shere dheh ๐Ÿ˜ฃ๐Ÿ˜ฃ๐Ÿ˜ฃ

26/12/2020

Shere dheh wll

25/12/2020

Faafi walaal adna ku camal fal

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

SHEIKH MUSTAFA X.HAARUUN
Walalkayga muslinka waxa guuldaro๐Ÿ˜ข๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ข ah hadan wax xun soodhigi laha waad awoodi lahyd inad isoo caydid lkin wax wacan ha...
Xaqiiiq dib uyar dhagayso hadad xaqiiqada jeceshay soomalia
Xaqiiq dhagayso wll.oo faafi diinatada macan heesha iyo sawiranta qaawanba comment iyo shere danbi mooyee khayr kujirin ...
Nolosha inta aad haysato dadka qaar baan haysan ilahay Ku shukri naq alxamdulilaah dhehFAAFI WALALKAYGA QIIMAHA BADAN HA...

Category

Telephone

Website

Address


0633566165
Hargeisa
KISOOBIIRDIINTASUUBAN
Other Bloggers in Hargeisa (show all)
Hage media Hage media
Hargeisa

waxkasta oo rabi raali kayahyi

Rafiiqa Rasuulka Rafiiqa Rasuulka
Hargeisa, 252

xus oo xasuuso rabigaaa

Maansoor Magazine Maansoor Magazine
150 Street
Hargeisa, 00252

Mohamed Haaji Hassan Mohamed Haaji Hassan
Hargeisa

please like this page

Ahmed kaafi Ahmed kaafi
Jigjiga Yar
Hargeisa, 00252

please follow our page

moheit._ moheit._
150
Hargeisa

So yaca๐Ÿ’ธโค๏ธโ€๐Ÿ”ฅ

OzyyQuotez OzyyQuotez
Hargeisa

Be a wize-pErson๐ŸŽฏ

Mohamed daacad Mohamed daacad
Hargeisacalaamadaha
Hargeisa

Zakarie Bade Zakarie Bade
Hargeisa

Sociologist, Ph.D (c), and a Senior Researcher.

ENG-Zalmaan ENG-Zalmaan
New
Hargeisa

waxan idiin soo gudbin dona ishaalah bugaag www.engsalmaan.com

Cabdifatax Sancho Mancity Cabdifatax Sancho Mancity
Hargeisa, BORAMA

sport man