FaezSchool

School of business and technology

26/09/2022

PART 3
PHP SYNTAX-QAAB QORAALKA PHP

php code marka aad doonaysid in aad qortid waxaad ka bilaabaysa qaabkan

filka php marka ad save garaynaysid waxaad raacinaysaa .php

Photos from FaezSchool's post 24/09/2022

PART 2
Sidoo kale php waxaad ku samayn kartaa form data lagaga soo guri karo
waxa kale ee samaysaa php waa in hali karto waxa loo yaqaan cookes.
sidoo kale waxa wax kabadal ku samayn kartaa database iyo wax yaale kale oo fara badan .

suaal kale ayaa laga yaaba in aad iswaydiinayo maxaynu u dooranay php ee aynaan u doran luuqadaha kale ee computerka programiyo .
1:php waxa lagu shubi karaa dhamaan platforms jjra sida WINDOWS , LINUX ,UNIX ,MACOS iyo qaarkalebada.
2: PHP waxa la jaanqaadi kartaa dhamaan serverada jira sida APPACHA ,ISS IYO qaarkale bada
3:PHP waxay taagerta ama lagu isticmaali karaa database farabadan sida mysql
4:PHP waa bilaash.
5:PHP waa fududtahay waxayna ku shaqaynasaa serverka dhexdiisa si heer sara ah.

Photos from FaezSchool's post 24/09/2022

PART 1

PHP waa luuqad ka mid ah luuqada loogu talagalay in lagu isticmaalo serverka,waxaana ay caan ku tahay in lagu dhisay FACEBOOK oo ah midka aad imka igala socoto .
PHP waxaa loosoo gaabsanday [HYPERTEXT PREPROCESSOR ]

PHP Waxa leedahay Taariikh , Taariikhdeedana mar gaah ayay soo qoranayaa inshalah.

WAA MAXAY PHP?
PHP waa luuqad aad loo isticmaalo aad u awood badan ,waa luuqad open source ah macneehadu aan lagaa xigsanayn cid gaar ah ama shirkado aan u xidhnanyn ,
Luuqadan php waa bilaash si fududna waad kusoo dagsan kartaa .

PHP FILE.
php files waxa ay ka kooban yihiin HTML ,CSS ,JAVASCRIPT IYO PHP scripts .
Extensionka ay isticmaasho php ama ay leedahay file pho waa .PHP

Waxaad is waydiinaysaa maxay qaban kartaa php hadaan barto .

PHP waxaa lagu dhisaa websites waxaad aad u caansan oo lagu dhisay facebook iyo wordpress oo ah labaduba laba aad loo isticmaalo .
sidoo kale waxaad ku aburikartaa,ku furikartaa ,ka akhrikartaa ,kaga titirikartaa ama ku xidh-xidh kartaa filesha serverka ku jira.

24/09/2022

PHP

Casharada JavaScript -Part 1 Variables iyo Datatypes 12/05/2022

https://youtu.be/bPbQNpztcsA

Casharada JavaScript -Part 1 Variables iyo Datatypes Salaamu calaykum soo dhowaada asaxaabta ,faexschool waxa uu xooga saarayaa xrifadaha ama luuqadaha computerka lagula sheekaysto waxaanan casharada xooga saar...

Casharada javascript Qaybta 2aad 06/05/2022

https://www.youtube.com/watch?v=EvuzbzkfiHc

Casharada javascript Qaybta 2aad Salaamu calaykum soo dhowaada asaxaabta ,faexschool waxa uu xooga saarayaa xrifadaha ama luuqadaha computerka lagula sheekaysto waxaanan casharada xooga saar...

Luuqada javascript macluumad muhiim oo ku saabsan luuqada! Hordhac 05/05/2022

https://www.youtube.com/watch?v=6UL8l9R9Cg8

Luuqada javascript macluumad muhiim oo ku saabsan luuqada! Hordhac Salaamu calaykum soo dhowaada asaxaabta ,faexschool waxa uu xooga saarayaa xrifadaha ama luuqadaha computerka lagula sheekaysto waxaanan casharada xooga saar...

01/05/2022

Eid mubarak dhamaan umada islaamka ah oo dhan ,

Macluumad muhiim ah oo ku saabsan faezschool ?✅ 29/04/2022

https://youtu.be/f9AXtjjGTTM

Macluumad muhiim ah oo ku saabsan faezschool ?✅ ✅ Waxaan rajaynayaa inaad jeclaysatay muuqaalka✅schoolka xirfadaha lagu bixiyo✅quickbook accounting✅web development✅accounting ✅business management ✅iyo barn...

15/04/2022
27/12/2021

Habka Diwaangalinta Xisaabadka Ganacsiga
Nidaamaka Labada Dhinac Lagu Diwaan Galinayo(The Double Entry System)
Nidaamkani waa lafdhabarta xisaabadka.

Qeexid
waa maxay nimaadka double entry system-waa nidaam xisaabeedka lagu diwaangaliyo wixi macaamilo ah ee ganacsiga, kaas oo samayn ku leh laba account xisaabeed ama kabadan,
waxaanna uu ku salaysan yahay xeer xisaabeedka labada dhinac,

Debit and Credit
Qeexid -luuqada xisaabadka marka la sheegayo waxa loo kala yaqaana
Debit -Dhinaca bidiz ee accountka
Credit -Dhinaca midig ee accountka

Marka aynu eegayno double entry system waxa lagu qoraa macaamilada ganaciga ka dhex dhacday markay ugu yartahay dhinaca bidix (debit) ee account iyo mid kale oo account ah dhinaca midig (Credit) , taa macnaheedu wa in uu is dheeli tiraan dhinac bidix iyo dhinac midig ee account uu saameeyay macaamilada ganacsi ee dhacday.

Account
waa meesha lagu ururiyo xisaabta isku midka ka hadlaya tusaale accounka hantida ,account daynta ganacsiga lagu leeyahay iwm.

marka ay noqdaan dhowr accountna ah waxa loo yaqaanaa ledger .

waxa jirta sharciyo uu raaco Debit Iyo Credit, qoraalka xiga ayaynu inshalah ku faaqidaynaa
com-

Photos from FaezSchool's post 27/12/2021

T Accountant
waa Habka ugu fudud ee loo qoro Account xisaabeedka ,waxaana loo dhisaa qaabka uu qoran yahay xarafka T.
Dhinaca Bidix waxaa lagu qoraa Debitka dhinaca midigna Credit .
waxa jira xeerar ay raacan Debit iyo Credit .
Marka aynu ka hadlayno Ganacsiga laf ahaantiisa, Badanaa Shirkaduhu waxay leeyihiin 6 (lix) Account xisaabeed waxaana ay kala yihiin
1:Asset -kheyraad kasta oo ay leedahay ama maamusho ganacsigu .
2:Expenses -Kharashadka Shirkadu Gasho
3:Drawings -Lacagaha Uu Isticmaalo Shakhsiga Shirkada Iska Leh.
4:Liability -Daynta Shirkada Lagu leeyahay
5:Capital-Cash cadaan ah, Guri , Dayn suuqa kaaga maqan .
6:Revenue -Dakhliga Shirkada Soo Gala
Lixdaa account xisaabeed midkastaa dhinac ayuu ka koraa xisaab ahaan,
Accountka Assetku waxa uu ka koraa dhinaca midig ee loo yaqaan Debit ,dhinaca bidix ee loo yaqaana credit waa uu ka yaraadaa.
Accountka Expenses waxa uu ka koraa dhinaca midig ee loo yaqaan Debit, dhinaca bidix ee loo yaqaana credit waa uu ka yaraadaa.
Accountka Drawings waxa uu ka koraa dhinaca midig ee loo yaqaan Debit, dhinaca bidix ee loo yaqaana credit waa uu ka yaraadaa.
Accountka Liability waxa uu ka koraa dhinaca Bidix ee loo yaqaan Credit, dhinaca midig ee loo yaqaana Debit waa uu ka yaraadaa.
Accountka Capital waxa uu ka koraa dhinaca Bidix ee loo yaqaan Credit, dhinaca midig ee loo yaqaana Debit waa uu ka yaraadaa.
Accountka Revenue waxa uu ka koraa dhinaca Bidix ee loo yaqaan Credit, dhinaca midig ee loo yaqaana Debit waa uu ka yaraadaa.
Hadaba waxa jira wax layidhaa Normal Account Balance , Accountkast oo ah kuwa aynu dusha kusoo xusnaywaxa uu Normal Balance ka sameyn kara dhinaca uu ka kordho marka xisaabta la xidhayo bisha .
Hadaynu soo koobno wixii kusoo xisaab ahaan soo galay ganacsiga k**a badnaan karo xisaabtii kaa baxday ,Labada waa in uu bato xisaabtii kusoo galay ama ay is leekaadan.

26/12/2021

Habka Diwaangalinta Xisaabadka Ganacsiga
Nidaamaka Labada Dhinac Lagu Diwaan Galinayo(The Double Entry System)
Nidaamkani waa lafdhabarta xisaabadka.

Qeexid
waa maxay nimaadka double entry system-waa nidaam xisaabeedka lagu diwaangaliyo wixi macaamilo ah ee ganacsiga, kaas oo samayn ku leh laba account xisaabeed ama kabadan,
waxaanna uu ku salaysan yahay xeer xisaabeedka labada dhinac,

Debit and Credit
Qeexid -luuqada xisaabadka marka la sheegayo waxa loo kala yaqaana
Debit -Dhinaca bidiz ee accountka
Credit -Dhinaca midig ee accountka

Marka aynu eegayno double entry system waxa lagu qoraa macaamilada ganaciga ka dhex dhacday markay ugu yartahay dhinaca bidix (debit) ee account iyo mid kale oo account ah dhinaca midig (Credit) , taa macnaheedu wa in uu is dheeli tiraan dhinac bidix iyo dhinac midig ee account uu saameeyay macaamilada ganacsi ee dhacday.

Account
waa meesha lagu ururiyo xisaabta isku midka ka hadlaya tusaale accounka hantida ,account daynta ganacsiga lagu leeyahay iwm.

marka ay noqdaan dhowr accountna ah waxa loo yaqaanaa ledger .

waxa jirta sharciyo uu raaco Debit Iyo Credit, qoraalka xiga ayaynu inshalah ku faaqidaynaa

.com-

23/12/2021

Accounting luuqada uu ganacsigu ku hadlo🗣

08/12/2021

Scm waxad nagala soo xidhiidhi kartaa email :[email protected]
Accounting Software
Quickbooks
Sage 50

29/11/2021

Muhiimadu ay leedahay xisaabadku darteed iyo codsiyo farabadan oo naga soo gaadhay ganacsatada iyo ardayda hanka sare leh ee jaamacadaha, waxaan go'aansanay in aan bilawno tababarka
1:Quickbooks Desktop
2:Quickbooks Online
3:Quickbooks Point of Sale

Mahadsanidin.

Allah Mahadleh.

Mustaqbalku uu ifayaa!

Maamulka Faezschool.

Photos from ‎Shilling l شلن‎'s post 15/11/2021

waa maxay bookkeeping ?
Bookkeeping waa habka loola socdo dakhliga ganacsigaaga soo galaya iyo kharashka kaa baxaya .
Ma muhiim baa in aan sameeyo bookkeeping ?
Haa waa muhiim ,sababtoo ah waxaad la soconaysaa halka uu marayo ganacsigaagu ,
Sideedaba ganacsiyadu laba qaab uun bay u samayeen bookkeeping ,
1:qaab waa qaabkii qadiimaga ahaa oo waa in aad ku qorto xisaabta ganacsigaaga bugaag.
2:Qaabka labaadna waa computerized oo waxa la isticmaalyaa computer yadoo la isticmaalyo software u qaabaysan looguna talagalay ganacsiga xisaabadkiisa .
waxa jira software farabadan oo loogu talagalay in lagu xisaabiyo ganacsiyada waxaana ugu caansan laba software oo kala ah
1:Quickbooks
2:Sage Peachtree
Maanta ganacsiyada somalida %90 waxay isticmaalaan labada software waana laba software oo cajiib ah si ficaana kuula koraya marka aad ganacsigaaga korayo ,aad si fudud u balaadhsan karto software

Photos from FaezSchool's post 03/11/2021

financial accounting vs Managerial accounting

maanta waxaynu kala saaraynaa ama kala qeexaynaa waxay ku kala duwan yihiin finanacial accounting iyo managerial accounting
aynu ku horayno
Financial accounting : waxa uu soo saara macluumadka maamilyadeed ee shirkada si ay goaan ugu qaatan laamahan kala duwan sida ,maalgashadayaasha ,bananka iyo dowladuba

Managerial accounting : waxa uu soo sameeyaa macluumadka maaliyadeed ee shirkada kaas oo khuseeya maamulaya yaasha iyo shaqaalaha shirkada

midkaastaa shuruuc ugaar ayuu maraa .

FaezSchool

Photos from FaezSchool's post 02/11/2021

Xirfadaha Maaliyada vs Xisaabiyaha

Xogahan waxa aan ku falanqayn doonaa labada xirfadood ardayga barta maaliyada (Finance) iyo xisaabiyaha(Accounting)

marka h**e aynu qeexno waxa ay kala yihiin

Xirafada maaliyada (finance):Maaliyaddu waa maaraynta lacagta iyo maalgashiga shakhsiyaadka, shirkadaha, iyo dawladaha.

Xirfadlayaasha maaliyaddu waxay ka shaqeeyaan xarumaha ay ka mid yihiin bangiyada maalgashiga, maareynta hantida, iyo qorsheynta iyo falanqaynta maaliyadeed

(Accounting) xisaabadku :Xisaabintu waa kaydinta, ilaalinta, iyo ka warbixinta diiwaanka maaliyadeed ee shirkadda.
Xirfadlayaasha xisaabaadka waxay ay ka shaqeeyaan shirkadaha ganacasiga ,dowlada ,hayadaha .

Marka la abuurayo ganacsi kasta waxa ugu h**eeya la shaqaalaysiyaa waa xisaabiyaha .

02/11/2021

Qaybta 3aad
Private Company iyo Public Company
Shirkadaha waawayni waxay u kala baxaan laba
1:Private limited company waa shirkad saamiyadeeda kaliyaata ay haystaan samilaydu ,suuqa lagu kala iibsado saamiyadana laguma iibiyo
2:Public limited company :waa shirkad saamiyadeeda ka diwaan gashan yihiin sayladaha saamiyada lagu kala iibsado ama lagu kala gato

Qaybta 3aad
Private Company iyo Public Company

Shirkadaha waawayni waxay u kala baxaan laba
1:Private limited company waa shirkad saamiyadeeda kaliyaata ay haystaan samilaydu ,suuqa lagu kala iibsado saamiyadana laguma iibiyo
2:Public limited company :waa shirkad saamiyadeeda ka diwaan gashan yihiin sayladaha saamiyada lagu kala iibsado ama lagu kala gato

Shilling l شلن

02/11/2021

Waxa qoray Sh. Abdirahman Bashir
Waxa turjumay macalin almis
Hogaamiyaashu xagay ka yimaadaan?
Su'aasha udub dhaxaadka u ah ayaa ah hogaamiyaashu ma hibaa,?
mise waa dad la seemeyo?,mise waxay khaas u tahay qoysaska qaar?mise hogaamintu waxay ku jirtaa oo ku abuurantahy dadka oo dhan?

Waa suaal udub dhexaad u ah waana muhiim,
waxa jira calaamadu kuwaso ku jira kitaabka Ilahay ,gaar ahaan suratul Baqara, marka aynu eegno qisada cajiibka ah ee daluut ( طالوت),
Suraatu waxay inoosoo gudbinaysaa qisso ka dhex dhacday reer banu israail iyo nabi iyga ah, reer banu israil waxay dooneen hogaamiye ciidan kaas oo ka xoreeya adoonsiga nafeed iyo adoonsiga siyaasadeed ,ilahay ayaa u jawaabay reer banu israail ,waxaana uu u dooray hogaamiye sifooyin leh ,halkaasanay jawaabta ka heleen reer banu israail ,waxayna jawaabtu ka turjumaysay waaqicii siyaasadeed iyo ka fikir ahaaneed ee ay ku noolaayeen, waxay ku yidhaadeen nabigoodii reer banu israail "sidee ayuu boqor noogu noqanayaa (daaluut ) ,anagaaba kaga xaq leh boqornimada isaga" , sababma ?, waxay yidhaahdeen " maaha mid maal badan haysta ".

suaal ma jirtaa xidhiidh ka dhexeeya lacagta iyo hogaaminta? sidoo kale miyuu mudan yahay qofkasta oo lacag hayastaa in uu noqdo hogaamiye?
Kaas ayay daliil ka dhigteen qawmkaasi (reer banu israail ),waxa laga yaabaa in ay lahayeen wax ka mid ah caqlaaniyada hanti-goosadka ah ee casriga ah. sidoo kale waxa jira aragtiyo isku xidha hanitda iyo hogaaminta ,saboolinimada iyo nacas nimada,
kuwaasi waxay leeyiin shakina kuma jiro in uu saameyo faqrigu garaadka heerkiisa ,sidoo kale halida maal ku yimaada qorshayn waxay saamayn cad ku leedahay garaadka iyo soo saarida caaqilo iyo hogaamiyaal .

qaybta 2aad la soco inshalah

Waxa qoray Sh. Abdirahman Bashir
Waxa turjumay macalin almis
Hogaamiyaashu xagay ka yimaadaan?
Su'aasha udub dhaxaadka u ah ayaa ah hogaamintu ma hibaa,?
mise waa dad la seemeyo?,mise waxay khaas u tahay qoysaska qaar?mise hogaamintu waxay ku jirtaa oo ku abuurantahy dadka oo dhan?

Waa suaal udub dhexaad u ah waana muhiim,
waxa jira calaamadu kuwaso ku jira kitaabka Ilahay ,gaar ahaan suratul Baqara, marka aynu eegno qisada cajiibka ah ee daluut ( طالوت),
Suraatu waxay inoosoo gudbinaysaa qisso ka dhex dhacday reer banu israail iyo nabi iyga ah, reer banu israil waxay dooneen hogaamiye ciidan kaas oo ka xoreeya adoonsiga nafeed iyo adoonsiga siyaasadeed ,ilahay ayaa u jawaabay reer banu israail ,waxaana uu u dooray hogaamiye sifooyin leh ,halkaasanay jawaabta ka heleen reer banu israail ,waxayna jawaabtu ka turjumaysay waaqicii siyaasadeed iyo ka fikir ahaaneed ee ay ku noolaayeen, waxay ku yidhaadeen nabigoodii reer banu israail "sidee ayuu boqor noogu noqanayaa (daaluut ) ,anagaaba kaga xaq leh boqornimada isaga" , sababma ?, waxay yidhaahdeen " maaha mid maal badan haysta ".

suaal ma jirtaa xidhiidh ka dhexeeya lacagta iyo hogaaminta? sidoo kale miyuu mudan yahay qofkasta oo lacag hayastaa in uu noqdo hogaamiye?
Kaas ayay daliil ka dhigteen qawmkaasi (reer banu israail ),waxa laga yaabaa in ay lahayeen wax ka mid ah caqlaaniyada hanti-goosadka ah ee casriga ah. sidoo kale waxa jira aragtiyo isku xidha hanitda iyo hogaaminta ,saboolinimada iyo nacas nimada,
kuwaasi waxay leeyiin shakina kuma jiro in uu saameyo faqrigu garaadka heerkiisa ,sidoo kale halida maal ku yimaada qorshayn waxay saamayn cad ku leedahay garaadka iyo soo saarida caaqilo iyo hogaamiyaal .

inshalah waa inoo qaybta 2aad

01/11/2021

Qaybta 2aad
Limited Company

Sharci ahaan shirkadaha limited ah waa ay ka la nidaamsan yihiin maamulka iyo iyo lahaansha shirkada.

1:Saamilaydu shirkadu waa mulkiilayaasha shirkada ,laakin waxay leeyihiin awoodo xadidan marka la jooga shaqada socodsiinta maalin laha ah . samilaydu waxay gashtaan shirkada hanti taa badalkeedana waxay helaan faaido.
Samilaydu waxay noqon karaan hayaadu maalgalineed , sidoo kale waxa ay noqon karaan dad shakhsiyaad ah sidoo kale waxay noqon karaan shaqaalaha shirkada.
2:Agaasimayaasha waxa magaacaba saamilayada si ay u socod siiyaan shaqada shirkada taala ,agaasimayaashu waxay u kala baxaan laba qaybood

a) Executive Directors (agaasimeyaal fulineed) , waxa ay masuulayadiisu tahay socodsiinta shaqada maalinlaha ee shirkada
b)Non-Executive Directors (agaasimayaal aan fulin lahayn),waxay masuulayadoodu tahay waxa lagu soo qayb galiyaa tala bixin,
si ay tala uga darsadaan khibradooda iyo xirfada ay u leeyihiin.

3:Operational Management (maamulka fulinta): badana waxay ka kooban yihiin maamulayaal xirfadoodu aad u sarayso waxana la xisaabtama board shirkada.

shirkadaha limited company waxay u qaybsamaan laba qaybood uun

1:Private limited company:
2:Public limited company

qoraalka xiga ayaynu inshalah ku faaqidaynaa labada ay qaybsamaan shirkaduhu

Shilling l شلن

31/10/2021

Waxa qoray macalin almis

Shirkadaha Ganacsiga
ganacsigu marka la abuurayo waxa loo abuura in faaido uu keeno shakhsiga abuurtay,
Sharci ahaan ganacsiyadu waa saddexuun
1:Solo (ganacsi qof shakhsi ah iska leeyahay)
2:Partner (ganacsiga shuraaka ah waxana iska leh qof wixii ka badan mana badna dadkaasi)
3:Limited Company (ganacsi dadbadan leeyihiin)

(Solo) ganacsiga shakhsigu leeyahay iyo (Partner) ganacsiga shuraakada ah sharci ahaan waxa isku noqonayaa hal ,waxaa loola macaamilaa qaab isku mid ,waxaana ay ka siman yihiin hadii ganacsigaasi dayn uu ka qaato bank ama meel kale , oo iska bixin kari waayo, waxa la xaraashayaa hantida dadka ganacsiga iska leh si loo bixiyo daymahaa.

Limited Company sharci ahaan waa ka duwan yahay ganacsiga qofka kaliya leeyahay iyo shuraakadaha ah waxaana loo la macaamilaa shirkadaha Limited company sidii in ay yihiin qof bani aadam ah , hadii uu shirkadu (Limited company) ay dayn qaadato oo ay dayntaa iska bixin kari waydo waxa la xaraashayaa hantida shirkadu leedahay lamana xaraashayo hantida dadka shirkada samiga ku leh ay leeyihiin ,kaliya waxa ay waayayaan saamigii oo ah hantidii shirkada kaga jirtay.
_____________________________________________________________
qaybta danbe waxaynu ka hadlaynaa inshalah, qaybaha ay u kala baxaan limited companies iyo sida loo maamulo

26/09/2021

Economy -Dhaqaale اقتصاد-ط

30/08/2021

Aqoon-Cilmi

07/07/2021

FaezSchool

29/06/2021

Salamu calaykum dhamaantiin
waxaan ka bilownay barta an ku leenahay facebook course lagu baranay graphic design gaar ahaan software adobe Xd
waa casharlii 1aad ka faaidayso

https://youtu.be/U_F5MfvQvrQ

Casharada Graphic Designing adobe xd qaybta 2aad installation 29/06/2021

Salamu calaykum dhamaantiin
waxaan ka bilownay barta an ku leenahay Youtube course lagu baranay graphic design gaar ahaan software adobe Xd
waa casharlii 1aad ka faaidayso

https://youtu.be/U_F5MfvQvrQ

Casharada Graphic Designing adobe xd qaybta 2aad installation kusoo dhawaada casharka kowaad qaybta installation software adobe xd waa software loogu talagalay in lagu design garayee web app iyo graphic desing la xidhii...

13/06/2021
13/05/2021

Ciid wanaagsan dhamaan umada islaamka ah oo dhan , meel walba oo aad aduunka ka joogtaan , ciidaan ciideeda kale nabad iyo barwaaqo allaha nagu gaarsiiyo
🌻🌹

01/05/2021

FaezSchool schoolka technologyada iyo ganacsiga laga barto

27/04/2021

Salaamu calaykum

Dhamaan ardayda doonaysay in ay isdiwaangaliyaan waxna ka bartaan FaezSchool ,waxaan ogaysiinaynaa in dib u habayn lagu samayno lana casriyaynayo qaabka tabinta waxbarashada ,waxayna qaadan doontaa mudo saddex asbuuc ah inshalaha
wabilahi tawfiiq
Maamulka FaezSchool

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

graphic designer
Jumca barakaysan صلى الله عليه وسلم
hormar samee
HORDHAC

Category

Address


Hargeisa
Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 19:00
Tuesday 08:00 - 19:00
Wednesday 08:00 - 19:00
Thursday 08:00 - 19:00
Saturday 08:00 - 19:00
Sunday 08:00 - 19:00
Other Schools in Hargeisa (show all)
Hadraawi Primary & KG School Hadraawi Primary & KG School
Cabaaye, Degmada Gacan Libaax
Hargeisa

Hadraawi Primary & KG School provide learning spaces and learning environments for the teaching of s

Yasin ahmed Yasin ahmed
Hargeisa

Shucay fiiqay Shucay fiiqay
Hargeisa
Hargeisa

pagekan kala'soco barashada qur'aanka kariimka ah iyo arimaha dacwada islaamka

Jiil Al-jadiid Schools Jiil Al-jadiid Schools
Hargeisa

Goob wax barasho

Aayatiin Schools Aayatiin Schools
Bada Caas
Hargeisa

Kindergarten and Primary School

Ilays primary New-Hargeisa Ilays primary New-Hargeisa
Hargeisa

kani waa bogga Rasmigaa ee Ilays Primary (1) Ilays waa hoyga aqoonta. Fadlan Like saar,oo nasoo raac

Machad al- Itqaan Machad al- Itqaan
New Hargeisa
Hargeisa

ku soo dhawoow Machad Al-Itqaan waa hoyga barashada qur'aanka kariimka ah iyo sunnada nebi muxamed (

Al Nour Al Nour
150 Ka
Hargeisa

Wax barasho

Daarul Quran Online Academy Daarul Quran Online Academy
Air Port Street
Hargeisa

Hamigayagu waa in ay bartaan hadal Ka rabbi ubadka somaaliyeed ee Ku dhaqan dhamaan daafaha dunida.

Ibrahim Amoudi Ibrahim Amoudi
26June Road
Hargeisa

BA English Literature and Master of DRM

Mu'assasatu ibnu baaz-Q/barbaarinta ubadka Mu'assasatu ibnu baaz-Q/barbaarinta ubadka
Hargeisa

Qaybta barbarinta "Abaal ruux lahaan jiray Maruunbuu u aayiye Ajrigaa shaqaysoo Ibnu baaz kacoo gee "