Hayir Health Center

Improving the health and well-being of communities by proving best patient care in an atmosphere of

23/03/2023

Ramadan Mubarak

20/03/2023

Widal test Examination

15/03/2023

โ€œQuality medicine and efficient serviceโ€
๐ŸŒŽ๐ŸŒŽ
Address: Near IbnuQayim School, IshaBorama, Hargeisa somaliland.

21/11/2022

Come and visit us.

16/10/2022

Carruurta waxaa qanjaha laga jari karaa keliya marka ay daโ€™doodu tahay 4 jir iyo ka weyn, qanja xanuunkuna/caabuqu uu ku soo noqnoqdo ugu yaraan 5 illaa 6 jeer sannadkii. Waayo qanjuhu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin koritaanka ilmaha ee inta uu ka yaryahay 4 jirka iyo koboca uu samaynayo habdhiska difaaciisu.

Sidaas waxaa caddeeyey, guddida xidhiidhka dhakhaatiirka Sanka, Dhegaha iyo Dhuunta (ENT) ee dalka Jarmalka.

Dhinaca kalana waxa ay sheegeen in qanja xanuunka soo noqnoqdaa uu abuuro xaalad u nuglaanshiyo bakteeriyada iyo jeermiga ah, taasina ay keeni karto in xanuunku u gudbo xubnaha kale ee jidhka. Waxa aanay sababi kartaa kelyo xanuun iyo caabuq ku dhaca Haniyeyaasha Wadnaha (Halbawlayaasha dhiigga ku haba Wadnaha).

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen, ilmaha laga jaro qanjaha in muddo 14 maalmood ah laga ilaaliyo cuntooyinka iyo cabbitaannada sababi kara dhiig baxa, sida shaglaydhka (Jokolayt), roodhida ama khubuska adag, iyo sharaabbada soodhaha leh.

Aljazeera / Turj: Kamaal Marjaan

02/11/2021

๐—–๐—จ๐—ก๐—ง๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—œ๐—ก๐—ž๐—” ๐—จ ๐—ช๐—”๐—ก๐—”๐—”๐—š๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—›๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—”๐——๐—” ๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—›. ๐ŸŒฝ๐Ÿ ๐Ÿฅ‘๐Ÿฅฌ

Inaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.
Markaad uur leedahay jirkaaga wuxuu u baahan yahay nafaqooyin badan, fitimiino iyo macdan.

Lix da bilood ee ugu danbaysa waxaad u baahan tahay in aad cunto in kabadan intaad cuni jirtay, maxa yeelay ilmaha ayaa kula qaybsanaya wixii nafaqa ah.

Hadii ay kugu yartahay nafaqada aad cunayso, waxay wax u dhimaysaa ilmahaaga dhalan doona.
10 kaan cuntooyin waa cuntooyin la rabo in ay hooyada uur ka leh cunto si ilmaheeda iyo ayada ay u helaan nafaqo buuxda.

1-Waxyaabaha caanaha laga sameeyo :

Caanaha iyo wixii laga sameeyo waxay siinayan hooyada iyo ilmaheeda caloosha ku jiro protein iyo calcium ( barootiin iyo kalsiyoom). Labadaasba waxay muhiim u yihiin hooyada iyo ilmaha caloosha ku koraya.
Caanaha iyo wixii laga sameeyaba waxaa ka mid ah, cheese ka ( JIIS) iyo Yogurt ( Caanaha la fadhiisiyay). Waxaa laga helaa 2 nooc oo protein ah โ€œcaseinโ€ iyo โ€œwheyโ€ ku wa loo yaqaan, kuwas oo aad ugu muhiimsan ilmaha iyo koritaan kiisa.
2- Digirta Iyo Misirta ( Legumes) :๐ŸŒฝ๐ŸŒฝ

Cuntooyinkaan waxaa ka buuxo โ€“ fiber, protein, iron, folate (B9) and calcium โ€” kuligood waxay muhiim u yihiin hooyda iyo ilmaha caloosha ku koraya.

Folate (B9) wuxuu ka mid yahay fatamiinada (B) ga, aad ayuuna muhiim u yahay siiba 3 bilood ee ugu horeeya uurka.
Balse, hooyooyika badankood wuu ku yaryahay Folate(B9). Waxaa lagu sheegay hooyaduu ku yaryahay in tuubada cuntada siisa ilmaha aysan si fiican u abuurmin iyo ilmaha ku dhashay hooyaday ku yartahayna uu infakshan ka ku dhaco, ilmahaas uu u badnaado markuu korayo ilma jiro badan.

Cunitaanka digir ta kala duwan waxay ku siinaysaa oo kale- fiber, iron badan , magnesium iyo potassium. In taasoo muhiim u ah adiga iyo ilmaha caloosha ku jira.

3- Baradhada Macaan: ๐Ÿ ๐Ÿ 

Baradhada macaan waxaa aad uga buuxa waxa loo yaqaan -beta-carotene- taasoo vitamin A isku badasho kadib markii aad cunto.

Vitamin A wuxuu muhiim u yahay koritaanka unuga ( Cell) iyo waxa unuga ku wareegsan. Ilmaha caloosha ku jiraa wuxuu u baahanyaha in unugyadiisu ay koraan si uu u koro.
Balse, Vitamin A ga ka imaada xayawaanka in hooyada uurka leh aysan isku badin ayaa lagu waaniyaa kaasoo sun isku badala hadii aad la iskugu badiyo.

4- Kaluunka loo yaqaan Salmon: ๐Ÿฆˆ๐Ÿฆˆ

Salmon ka waxaa aad ugu badan waxyaabaha daruuriga ah ee loo yaqaan- ( amiga 3 fatii asids) -omega-3 fatty acids.
Omega-3 fatty acids waxay muhiim u tahay koritaan ka indhaha iyo maskaxda ilmaha ku jira caloosha.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay 2-3 jeer isbuucii cunto kaluun, hadii ay hesho salmon na kaba fiican. Balse, maadama laga helay cadanta qalinka Jilicsan, bir, ( Mercury) jirka kaluunka hadii hooyada ay isku badisaa markii ay uurka leedahay waxuu dhibaato u geeystaa ilmaha koraya. Saas darteed 2-3 jeer isbuucii inaysan cunin ayaa lagu waaniyaa.
Waxaa kaloo Salmon ka siiyaa hooyada Vitamin D, kasoo muhiim u ah ayada iyo ilmaha koraya.

-4 Ukunta/Beedka sida wacan loo bisleeyay: ๐Ÿฅš๐Ÿฅš

Ukunta waa midii ugu fiicaneed nafaqo la cuno maxaa yeelay waxa ku jiro waxyaala badan oo cuntooyin badan laga helo.
Ukunta waxay qeebwayn ka qadataa koritaan ka dhan ee jirka hooyada iyo ilmaheeda waana cuntada ugu sahlan in la kariyo lana helo.

5- Khudaarta cagaaran:๐Ÿฅฌ๐Ÿฅ’

Khudaarta cagaaran sida isbinaajka ( Spinach) iyo broccoli da waxaa ka buuxa nafaqooyinka hooyada iyo ilmaheeda ay u baahan yihiin.
Kuwaasooy ka mid yihiin โ€“ fiber, vitamin C, vitamin K, vitamin A, calcium, iron, folate and potassium. Cunitaanka khudaartan waxay ka caa wisaa hooyada in ay si sahlan u saxarooto.

6- Hilib baruurta ku yartahay: ๐Ÿฅฉ๐Ÿฅฉ

Hilib ka waxa laga helaa protein badan, B vitamins iyo macdan badan uu jirka hooyada iyo ilmaha u baahan yihiin
Waxa kaloo aad ugu buuxa hilibka Iron, kasoo muhiim u ah unugyada jirka in ay helaan oxygen . Hooyada uurka leh aad ayay ugu baahan tahay Iron maxaa yeelay dhiigeeda jirka wuu bataa markay uurka leedahay.
Si uu Iron ka jirka si ficiin u qaato, waxaa lala qaataa cuntooyin ka Vitamin C ga uu ku badan yahay sida liin bambeelmada ( Oranges). Vitamin C ga wuxuu caawiyaa Iron ka inuu jirka si sahalan u isticmaalo Iron ka.

7-Midhaha : ๐Ÿ‰๐ŸŒ๐ŸŽ
Miraha sida Tufaaxa, Qaraha, Canabka iyo wixii la mid ah, waa muhiim inay hooyada cunto maxa yeelay waxaa laga helaa > biyo, fiber, vitamins iyo antioxidants.
Waxaa aad ugu badan Vitamin C ga kasoo aad muhiim ugu ah caafimaadka maqaarka iyo difaaca jirka.

8- Hadhuudhka oo dhan:๐Ÿฒ๐Ÿฒ

Hadhuudhku waa muhiim in lacunaa, siiba hooyada uurka leh. Waxaa laga helaa > B vitamins, fiber iyo magnesium. Waxaa kaluu Hadhuudhka u sahlaa hooyada dhinaca saxarada in ay u sahlanaato.

9- Avocados:๐Ÿฅ‘๐Ÿฅ‘

Avocados waa miro aad u muhiimsan cunidooda siiba hooyada uurka leh.
Waxaa laga helaa dufanka loo yaqaan Monounsaturated fats, ku waasoo aad u caafimaad ah dadka siiba hooyada uurka leh. Waxaa kaloo leh Dufankaas Olive oil, iyo nuts sida looska.
Sidoo kale waxaa ka buuxa Avocados ka โ€“ fiber, B vitamins (siiba folate), vitamin K, potassium, copper, vitamin E iyo vitamin C.

10- Biyo:๐Ÿ’ฆ๐Ÿ’ง

Hooyada markay uurka leedahay waa muhiim inay biyo cabitaankeeda la socotaa, maxaa yeelay dhiigeed wuxuu kordhaa 1.5 liters am 50 ounces markay uurka leedahay.
Ilmaha caloosha ku jiro wuxuu u baahan yahay oo dhan hooyaduu ka qaataa, marka waxa dareemaya daal iyo oon waa hooyada.
Ado biyaha kugu yar yihiin waxaad ku garan adoo dareema daal badan, madax xanuun iyo adoo xanaaq badan dareema.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay cabto 2 liter oo biya ah maalintii, balse dadku way kala duwan yihiin. cab biyaha markii oon ku qabto ilaa aad si fiican u dareento biyaha calooshhada galay.

Ugu Danbeeyntii
Waxaad cunto markaad uurka leedahay waxay saamaynaysaa adiga iyo ilmahaaga caloosha ku jiro. Hadii aad cunto dheeli tiran cunto waxaad dareemaysaa quwad iyo caafimaad.

Ma aha inaad ka walwashaa in aad buurato markaad uurka leedahay. Waa caadi waana loo baahan yahay inuu culays yar ku koraa si ilmahaga iyo adigaba aad u dareentaan in aad hesheen nafaqo indinku filan.
Tani ha kuu ahaato meeshaad ka bilaabi lahayd safar kaagii uurka ee caafimaadka badnaa. Ilahayna hakuu fududeeyo.
W/Q: somali super moms

06/10/2021

Adeeg Gaar ah:

Macmiil waxaanu kugu bushaaraynaynaa inaan ku diyaarinay talaalka Joonis cadka ama Cagaarshowga (HBV) adiga oo qaadanaya Muddo Kooban. Saddex bilood oo xidhiidh ah.

FG. Waxaanu ku samaynay Qiimme dhimis balaadhan

Come and visit us. Thank you.

19/07/2021

Ciid Wanaagsan

Dhamaan umadda muslimiinta gaar ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.
Caafimaad ku ciida.

16/07/2021

DAAWOOYINKA AAN LA SIIN HOOYADA XILIGA AY UURKA LEEDAHAY

1. Diazbam
2. Chloramphencol
3. Tetracycline
4. Ciprofoloxin
5. Naproxen
6. Aspirin
7. Ibuprofin
8. Methimazole
9. Heparin
10. m Warfrin
11. Kanamycin
12. Primaquine
13. Sulfonamide
14. Codine

Dawooyinkani waxay sahameyn kuyeelan karaan ilmaha marka uu caloosha kujiro ama marka ay dhashaan kadib saameynta dawadaan ay kuyeelan karto ilmaha uurka kujira waxay ku xidhantahay marxalada koriin kooda iyo nuuca daawada laqaatay in badan waxaa dhici karta in ay hooyadu ku xanuunsato

LIKE and SHARE

26/06/2021

Adeeg Gaar ah:

Macmiil waxaanu kugu bushaaraynaynaa inaan ku diyaarinay talaalka Joonis cadka ama Cagaarshowga (HBV) adiga oo qaadanaya Muddo Kooban. Saddex bilood oo xidhiidh ah.

FG. Waxaanu ku samaynay Qiimme dhimis balaadhan

28/05/2021

H A Y I R - H E A L T H - C E N T R E

IshaBorama
Hargeisa, Somaliland

13/05/2021

Ciid Wanaagsan ku ciida dhamaan umadda islaamka ah.

ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุงุนู…ุงู„
ูƒู„ ุนุงู… ูˆุงู†ุชู… ุจุงู„ู ุฎูŠุฑ

13/04/2021

Ramadan Mubarak ๐ŸŒ™ 2021

Soon qaad Wanaagsan dhamaan ummadda Muslimiinta ah.

Follow instagram | https://instagram.com/hayirhealthcentre?igshid=8fzz7472w4wq

Photos from Hayir Health Center's post 06/03/2021

โ€œQuality medicine and efficient serviceโ€
๐ŸŒŽ๐ŸŒŽ
Address: Near IbnuQayim School, IshaBorama, Hargeisa somaliland.

Photos from Hayir Health Center's post 05/01/2021

โ€œQuality medicine for quality service.โ€

Xaafadda IshaBorama
Hargeisa, Somaliland

Photos from Hayir Health Center's post 02/08/2020

โ€œQUALITY MEDICINE FOR QUALITY SERVICEโ€

Venue: Isha-Borama, Near Ibnu Qayim School

Photos from Hayir Health Center's post 04/07/2020

Welcome to open hands
Opening Hours
Morning 7.30am-12.00Pm
Afternoon 4.00Pm-12.00Am

Photos from Hayir Health Center's post 03/07/2020

NOW OPEN

23/05/2020

Ciid Wanaagsan Ciid Wanaagsan Ciid Wanaagsan.

Dhamaan Umada Muslimiinta ah iyo kuwa Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin waxaan halkan uga direynaa hambalyo ku aadan ciidal Fidriga oo maanta ku beegan.
Ilaahay haynaga aqbalo soonkii, salaadihii iyo Acmaashii saalixa ahayd. Allahumma Aamiin
ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„
01st Shuwwal, 1441

Want your business to be the top-listed Health & Beauty Business in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Pharmaceutical and Diagnostic Center

It is easy to get a thousand prescriptions, but hard to get one single remedy. ...

Telephone

Website

Address


Isha-Borama
Hargeisa
NEARIBNUQAYIMPRIMARYSCHOOL
Other Pharmacies / Drugstores in Hargeisa (show all)
Life Pharma Hargeisa Life Pharma Hargeisa
Jigjiga Yar, Near Admas
Hargeisa

Al-Xariiri Pharmacy Al-Xariiri Pharmacy
Calaamada Kasoo Horjeedka Star Hotel
Hargeisa

Sells health products and drugs

Al-Haramayn pharma Al-Haramayn pharma
Hargeisa

Al-Haramyn pharmacies and advanced clinics are ready to closely monitor their high-quality drug trea

Dauus Health Dauus Health
Hargeisa

We Offer Non-Prescribed Drugs & vitamins with Excellent Quality.

Diamond.dental Diamond.dental
Koodbuur, Agagaarka Hotel Ka White Hourse
Hargeisa

oral mouth health including cleaning bleaching , filling teeth replacing missing teeth , straighteni

Waaheen Clinic, Pharmacy & Laboratory Waaheen Clinic, Pharmacy & Laboratory
Fooqa Faarax Joome
Hargeisa, 524965

CILINIC PHARMACY &LABORATORY

Galaydh Clinic Pharmacy & Laboratory Galaydh Clinic Pharmacy & Laboratory
Xaafadda Xawaadle, Aaga Xanaanada Xawaadle
Hargeisa, 252

Pharmacy Clinic & Laboratory Centre

Xayat Pharmcay Xayat Pharmcay
National Celimo
Hargeisa

xayaat waxad ka heleysa daawin yurub shaybaadhki dhakhtar jiifkii xalaalynta wiilasha iyo waliba bo

Abdirizak Axmed-Nasir Abdirizak Axmed-Nasir
Hargeisa

Dr.zaapir