Zultan Digital

Graphic Design. Digital Marketing Contact Creator

15/06/2024

EID AL ADHA MUBRAK

05/06/2024

Our Services Design

Whats up Riix 📲 https://wa.me/252636529738
☎+252-63-6529738

04/06/2024

Waxaan diyaar U nahay Inan muujino ganacsigaga
kuso ban dhig adeegaga baraha bulshada 📱

Whats up Riix 📲 https://wa.me/252636529738
☎+252-63-6529738
📱

Photos from Zultan Digital's post 03/06/2024

Waxaan diyaar U nahay Inan muujino ganacsigaga
kuso ban dhig adeegaga baraha bulshada 📱

Whats up Riix 📲 https://wa.me/252636529738
☎+252-63-6529738
📱

Photos from Zultan Digital's post 03/06/2024

Waxan diyaar U nahay Inan muujino ganacsigaga
kuso ban dhig adeega baraha bulshada 📱

Whats up Riix 📲 https://wa.me/252636529738
☎+252-63-6529738
📱

Photos from Zultan Digital's post 02/06/2024

Waxan diyaar U nahay Inan muujino ganacsigaga
kuso ban dhig adeegaga baraha bulshada 📱

Whats up Riix 📲 https://wa.me/252636529738
☎+252-63-6529738
📱

Barashada HTML -Casharkii 2aad - Af Somali 17/01/2022

Barashada HTML -Casharkii 2aad - Af Somali

https://youtu.be/lnoGCAVD7ss

Barashada HTML -Casharkii 2aad - Af Somali Waxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https://twitter.com/khaalidqaadirfacebook : www....

17/01/2022

Lesson 2 ll inshalah 1:30 ayaan so galin dona

https://youtube.com/channel/UCV-sVmTpy36Q6_aiANvfSbg

Barashada HTML - Hordhac (Lesson 1) - Af Somali 15/01/2022

Barashada HTML - Hordhac (Lesson 1) - Af Somali

https://youtu.be/5PRsYMqEbxs

Barashada HTML - Hordhac (Lesson 1) - Af Somali visual studio code: https://code.visualstudio.com/downloadWaxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_...

15/01/2022

Lesson 1 inshalah 1:30 ayaan so galin dona

https://youtube.com/channel/UCV-sVmTpy36Q6_aiANvfSbg

HORDHAC | COURSES CUSUB | | HTML5 | 12/01/2022

HORDHAC | COURSES CUSUB | | HTML5 |

https://www.youtube.com/watch?v=MFylIdFdFoU

HORDHAC | COURSES CUSUB | | HTML5 | Waxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https://twitter.com/khaalidqaadirfacebook : www....

12/01/2022

Waxa ino bilaami dona courses ku saabsan programminka waxan inagu so h**een dona luqada Html5 casharadan waxa si toosa u so galin doona bartayda youtube ka 💯la socod wanagsan👨‍💻

Difference Between Compiler and Interpreter ( Somali ) 15/11/2021

Difference Between Compiler and Interpreter ( Somali )

https://youtu.be/rD9Q5FKBRbg

Difference Between Compiler and Interpreter ( Somali ) Waxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https://twitter.com/khaalidqaadirfacebook : www....

FreeLance Websites | Fiverr | 12/11/2021

FreeLance Websites | Fiverr |

https://youtu.be/sOpLxPgKWCk

FreeLance Websites | Fiverr | link for The Fiverr :https://www.fiverr.comWaxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https...

Online Education Websites Part 4 | Futurelearn | 11/11/2021

Online Education Websites Part 4 | Futurelearn |

https://youtu.be/MXIIVs0dr5E

Online Education Websites Part 4 | Futurelearn | link for The futurelearn:https://www.futurelearn.com/Waxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_Abdiq...

Online Education Websites Part 3 | Udemy | 10/11/2021

Online Education Websites Part 3 | Udemy |
https://youtu.be/KZqQ-XcC8Ro

Online Education Websites Part 3 | Udemy | link for The Udemy:https://www.udemy.com/Waxaad nagala soo xidhidhi kartaaGmail:[email protected] Kanaalka :www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https:/...

Online Education Websites Part 2 | Alison | 09/11/2021

Online Education Websites Part 2 | Alison |

https://youtu.be/Q65jaI1klWk

Online Education Websites Part 2 | Alison | link for theAlison : https://alison.com/waxaad nagala soo xiriir kartaaGmail : [email protected] kanaalka : www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https:/...

Online education websites part 1 | Udacity | 08/11/2021

Online education websites part 1 | Udacity |

https://youtu.be/b7Ho5CENLBI

Online education websites part 1 | Udacity | link for the free coding courses: https://www.udacity.com/courses/all?p...waxaad nagala soo xiriir kartaaGmail : [email protected] kanaalka : www.you...

Ganacsiga qarsoon Ee Internetka Dhexdisa (DarkWeb) 06/11/2021

Ganacsiga qarsoon Ee Internetka Dhexdisa (DarkWeb)

https://youtu.be/pNWp5ww40Ig

Ganacsiga qarsoon Ee Internetka Dhexdisa (DarkWeb) waxaad nagala soo xiriir kartaaGmail : [email protected] kanaalka : www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https://twitter.com/khaalidqaadirfacebook : www...

Baro 5 Xirfadood Sanadka 2022 | Xaqiijinta insha alla is Badal | 05/11/2021

Baro 5 Xirfadood Sanadka 2022 | Xaqiijinta insha alla is Badal |

https://youtu.be/MdfMQ_ZclFM

Baro 5 Xirfadood Sanadka 2022 | Xaqiijinta insha alla is Badal | waxaad nagala soo xiriir [email protected] : omar inshar kanaalka : www.youtube.com/Khaalid_Abdiqadir https://twitter.com/khaalidqaadirfacebook ...

04/11/2021

Kuso Dhawada bartayda inagu kudo gudbin dona muqaalo yaryar oo kusabsan da👨‍💻

https://vm.tiktok.com/ZM89yFgTT/

Nagu so biir hadad xiiso☝😊

Photos from Khaalid Abdiqadir's post 14/02/2021

Waxaan si aad ah uga walwalsanahay inaan ku gaboobo, waddan aan akhristayaal ahayn!"
Beryahaa ma arag sheeko ka qurux badan iyo Warbixin ka saameyn badan. Labo Sanno ka hor ayey baahiyeen BBC-du, Laamahooda Talyaaniga iyo ta Ingiriisiguba, qisada 73-Jir kan lib gaadhay qorshe ubad talyaani ah lagu barayo islamarkaana lagu dhiirigelinayo akhriska.
Darawalku waa Antonio La Cava, oo ah macallin hawlgab ah, oo go'aansaday inuu u beddelo gaadhigiisa Makatabad Guurguurta. 42-Gu' ka dib markii uu hawlgab ka noqday hawlihiisii macalinimo, waxa uu is-dareensiiyey in ay jiraan shaqooyin uu qaban karo, oo bulshadiisa manfac uleh. Antonio La Cava, waa 73 jir ku dhashay Ferrandina (Matera), waxa soo martay noloshiisa 42 sanno oo cajiib ah oo uu Bare (Macalin) ka ahaa dugsi Hoose. Intii u dhaxeysay 1999 iyo 2000 wuxuu abuuray maktabbada "Bibliomotocarro". Tan iyo markaas, wuxuu u socdaalay si aan kala joogsi lahayn, tuulooyin yar yar oo ay degganyihiin ilaa 1000 qof ayuu gaadhi jirey. Isagoo Buuggaag ugeeya Caruurta, tuulooyinkaasi ku nool ee aan jaaniska wanaagsan uhelin Akhriska. Caruurtani ayaa buugta amaahan karta, haddii ay ubaahdaana qaaddan kara, balse' muhiimada u weyn ayaa ah in la fahansiiyo Macnaha akhriska iyo ogaalka.
Shaqadan ayaa uu ka bilaabay Gobolka Basilicata, oo ku yaal koonfurta fog ee Talyaaniga; gaar ahaan Tuulooyinka ay ka mid tahay 'San Paolo Albanese'. Wallow magaalooyinka waaweyn ee gobolkani dalxiisayaal badani yimaadaan, haddana tuulooyin badan oo cakiran ayaa jira.
Tuulooyinkani ayaa ah buuraleey iyo Qarfo aan inta badan danayn gaar ah la siin. Kumanaan ka mid ah dadkii deegaanka ahaa, ayaa uhaajirey Naples iyo Roma.
Antonio La Cava wuxuu socdaa 200-300 KM maalintii, mana istaago xitaa xagaaga. "Bibliomotocarro", waligiis fasax ma galo!
Sheekadiisan ayaa aad looga hadal hayey warbaahinta kala duwan ee dalka Talyaaniga iyo caalam kaba, sida Wargeysyada,Tiifiiyada iyo Warabaahinta kale ee caalamiga ah.
Sheekadan ku saabsan shaqsiyada Antonia iyo shaqadan uu qabtay, waxay hanan kartaa runtii qalbiyadeenna. Waana Sheeko ku saabsan wax siinta iyo tixgelinta dadka kale gaar ahaan ka fikirida mustaqbalka caruurta. Si fudud waxa inagu soo dhacaysa fahamka fikradda ah, in hal qofi sameyn karo Isbedel isbadel bulsheed. Sanadkii 2019-kii dabaaldeggii dhaqameed ka dhacay magaalada Metera ayaa Antonio loogu aqoonsaday ama lagu sharfay in uu yahay Muwaadin la ixtiraamo.
"Caruurteenu inta badan Buug la'aan ayey joogaan". La Cava

W/T: Jamaal Dasuuqi

xigasho :Jamaal Ibraahim Dasuuqi

Photos from Khaalid Abdiqadir's post 16/01/2021

Fawdo!
Nin dhaawacan baa la soo galinayaa masaajid dad ku tukanayaan. Gabadh xijaab iyo naqaam ku daboolan baa la socota oo kadinka lagaga reebayaa. Nin la socday oo garbaha hayey iyo rag kadinka masaajidka u dhawaabaa si Muslimnimo ka muuqato ayey u wada caawinayaan ninka dhiigga shalaqsanaya. Dadkii masaajidka ee ku soo kacay waxa ka mid ah Cali Kariim. Cali marka uu u soo dhawaado ee caawi is yidhaahdo ninkii dhaawaca ahaa, sheekada gebideeduba way is beddelaysaa. Dhaawicii inta uu boodo buu bistoolad la soo baxayaa, dabadeed ku qabanayaa Cali. Kii siday ninkii loo wada kacayna dadkii kale ee caawinta u soo kacay ayuu bistoolad ku qabtay oo yidhi car halkaa soo dhaafa. Gabadhii kadinta lagu reebay ee xijaabnayd nin bay noqotay mar qudha. Xabbaddii ugu horraysay ee ay ridday ama uu riday wuxuu madaxa ku kala dhambalay ninkii kadinka ku celiyey ee u malaynayey in wuxu tahay ruux dumar ah. Bas caasi yar oo si baas meel baas uga soo fudhu yidhi baa si halhaleel ah isu soo taagaya afaafka masaajidka meel u dhaw. Ninkii la afduubay baa lagu ritay dabadeed cidhib baraka leh.
Maxbuuskii Cali Kariim qol baa lagu xidhay. Waxa markiiba la soo hordhigay sawirrada inantiisa oo qalliin u baahnayd xanuun hayey darteed. Wax kasta oo qalliinka iyo caafimaadkeeda ku baxaya ayaa loo ballanqaaday. Maxaa lagaa rabaa? Hal magac uun in afkiisa laga maqlo; hoggaamiyayaasha xarakada ninka ugu baastarsan. Si aad u dhib yar ayuu judhiiba u odhanayaa waa Tawfiiq Mustafa Xamiid oo magaciisa afgarashadu yahay Abu Axmed. Meeshu waa Bariga Dhexe, waa Falastiin, waa Israa’iil; dhulkii hooggu ka socday. Abu Axmedka la raadinayaa waa hoggaamiyayaasha sarsare ee ururka Xamaas, siiba qaybta qaraxyada lagu shuf beelo. Yuhuuddii masaajidka ka soo dhex afduubtay ninkii Cali ahaa way rumaysan waayayaan in Abu Axmed wali nool yahay.
Sannad iyo lixbilood ka hor in ay dileen baa u diiwaangashan, laakiin nin kale ayey dileen, isaguna dhuumaalaysi buu kula dagaalamayey dawladda Israa’iil siddeeed iyo tobankaa bilood. Way u qaadan waayayeen in laga caqli badiyey oo muddada intaa leeg ay la dagaalamayeen junuud iyo rooxaan ay moodayeen in ay bari h**e ka takhaluseen.
Doroon oo ah ninkii dilay markii loo sheegay in Abu Axmed wali nool yahay, indhaha ayaa ka soo dhacay. Xataa aas loo sameeyey oo Falastiiniyiin badani u barooratay buu ogaa.
Cali waxa kale oo uu Yuhuudda u sheegayaa, in Abu Axmed uu dhawaan ka soo qabygali doono arooska walaalkii Bashiir Mastafa Xammiid. Meeshaa meel ka wanaagsan oo lagu qaban karaaba ma jirto. Maxaa Abu Axmed sidan oo dhan loogu raadinayaa? Waa habaarqabe hal maalin dilay 116 oo Yuhuud ah oo askar iyo shacab isugu jiray.
Kooxda hawlgalka loo dirayo waxa ku jiray ninkii moodayey in uu Abu Axmed h**e u soo dilay ee Doroon iyo seeddigii oo Bawes la yidhaahdo. Bawes waa cunug yar oo iminka labaatanka madaxa la dhaafay oo fadhfadh iyo kibir badan. Meel walba jidgooyo iyo istob baa ku go’an oo si adag Yuhuuddu cid walba iyo gaadhi kastaba ugu baadhaysaa afar iyo labaatanka saac. Abu Axmed Mustafa Xammiid waa reer aakhiraadkaa aan meesha laga filayne arooskii walaalkii in uu ka soo qaybgalo ayuu doonayaa, inta uu waxaas oo dhan ka soo gudbo. Arooska waxa lagu furayaa Faataxo loo akhriyayo Abu Axmed Mustafa Xammiid oo martida ka mid ah laakiin aan wali soo gaadhin.
Arooska waxa iyaguna in yar kaddib ka soo qayb galaya kooxdii Yuhuudda ahayd ee loo soo diray Abu Axmed in ay markan madaxiisa keenaan ama nolol ku soo qabtaan. Cunto ayey keenayaan. Arooska ayey ka shaqaynayaan oo dadka cuntada u dhigdhigayaan iyaga oo Abu Axmed ka dhex raadinaya. Xarunta sirdoonka oo wasaaradda difaaca hoos tagta ayaa arooska si toos ah looga daawanayaa oo kamarado aad u yaryar oo qarsoon bay sitaan kooxdu. In yar kaddib Nasriin oo ah xaaskii Abu Axmed ayaa nimanka ka shakiyeysa. Nasriin waa mid ka ah shanta qof ee og in odaygeedii Abu Axmed nool yahay. Inantiisa yar ee lix jirka ah, Abiir Tawfiiq Mustafa, iyo wiilkiisa Axmed oo aanay waxba kala waynayni aabbahood geeri bay ku tirinayaan oo agoon bay isu haysataan.
Qol baa la la galayaa labadii cuntada qaybinayey oo midi Doroon yahay. Shaw in yar ka hor waxa qabanqabaabiyayaasha arooska soo wacay hudheelkii ay cuntada ka dalbadeen oo u sheegay in dalabkoodii wali jidka ku soo jiro oo dariiqu jaam yahay, oo dalbanaya in loo cudurdaaro. Nimankii Yuhuudda ahaa marka la wayddiiyo waxa ay ahaayeen, iyada oo bistoolad lagu hayo, waxa ay ku adkaysanayaan in ay yihiin isla hudheelkii ay cuntada ka dalbadeen laakiin labadii nin oo h**e ee dalabka loo soo dhiibay ay iyaga oo isla hudheelka uun ka shaqeeyaa kala wareegeen. Haddii aydaan na rumaysanayn hadda la hadla oo waxa aad tidhaahdaan hebel iyo hebel ma ka shaqeeyaan hudheelkiinna. Xarunta sirdoonka Yuhuuddu wuu la socdaa waxa dhacaya wuuna dhagaysanayaa oo daawanayaa wali. Lambarradii hudheelka oo dhan bay wax ku furayaan oo mashquul ka dhigayaan. Marka lagu celiyaba waa mashquul uun buu odhanayaa taleefanku.
Gebagebada iyada oo la isba fahmay oo qoladii Falastiiniyiinta shakigii ka baxay, oo ay labadii Yuhuudi kadinka ka sii baxayaan, ayuu mid Falastiini ahi dhabarka ka taabanayaa labada nin midkood. Markaas bay arrintu faraha ka baxaysaa oo xabbadda ugu horraysaa dhuunta qoriga macasalaamaynaysaa. Aroosaddii ayey madaxa bistoolad ka saarayaan. Caruuskii, Bashiir, ayaa si tabcaannimo badani ku jirtay mindi u la soo cararaya. Way tooganayaan. Markaa xabbaduhu furmeen ayaa ninkii la raadinayey ee Abu Axmedna irridka dibadda soo gaadhayaa, isaga oo iska soo dhigay oday tabcaan ah oo dirqi ku luudaya.
Yuhuuddii oo dhawr qof oo aan hubaysnayn dishay, iyagana mid laga dhaawacay, ayaa baskoodii cawralaay cago ku fuulaya. Marka ay sidaa u dhaqaaqaan bay arkayaan ninkii Abu Axmed, isna wixii galaba wuu galinayaa oo cagaha ayuu wax ka dayayaa. Waa la is baacsanayaa. Baabuurkii, mid dhulka cararaya iyo xaruntii dhexe ee wasaaradda difaaca oo satalaydka ka hagaysaaba Abu Axmed bay cagta cagta u saarayaan. Habeenkii oo galinkiisii h**e Bariga Dhexe iyo dhul carbeedba sagootiyey baa la is baacsanayaa jidadka cidhiidhiga iyo foolxumada badan ee magalada Kafar Qasim oo toddobaatan kiiloomitir dhanka waqooyi-galbeed ee badda ka xigta magaalada barakaysan ee Baytal Maqdis. Abu Axmed oo dhaawacani guri ayuu galayaa oo sidaa ku baxsanayaa, hawlgalkiina sidaas buu ku fashilmay. Wiil hoog.
Abu Axmed waxa lagu dawaynayaa cisbitaal yar oo ku yaalla xaafadaha Falastiiniyiinta. Waxa ka shaqaysa Shiriin oo ah Falastiiniyad caafimaadka ku soo baratay Faransiiska. Waxa si qarsoodi ah ugu haya cisbitaalka cunug qaddiyaddu miyirkiisa dabooshay, Waliid, oo ah wiil yar oo labaatan jir ah. Waliid iyo Diktoor Shiriin xidhiidh qoysnimo iyo mid jaarnimo oo h**e ayey lahaayeen. Dhawr cisho gudahood ayey Yuhuuddu ku soo ogaadeen in uu cisbitalkan ku jiro Abu Axmed. Doroon baa inta uu gacan iska soo dhaawaco imanaya cisbitaalka si loogu daweeyo. Wuxuu khaakhaayiraad iyo haasaawe u galayaa Shiriin oo iska maskiin iyo dhegweynba ah. Maalinta xigta wuxuu u soo dirayaa gabadh kale oo kooxda kula jirta, si ay ugu la soo dabbaalato meel barkad lagu raaxaysto ah. Taleefanka ayuu markii xigtay ka qoranayaa oo xidhiidh ka dalbanayaa. Waliid shaki baa daf la siinayaa, dabadeed in uu degdeg Abu Axmed cisbitaalka uga saaro ayuu go’aansanayaa.
Maalintii xigtay Abu Axmed cisbitaalkii waa laga saarayaa waxaana lagu dawaynayaa gododkiisii uu ku dhuuman jiray. Diktoor Shiriin ayaa gaadhigeeda kula baxsatay oo aan ururka Xamaas shaqo ku lahayn laakiin ina adeerkeed Waliid garab ehelnimo ku siinaysa jihaadka uu ku jiro.
Dadkii badnaa ee shakiyey in Abu Axmed nool yahay waxa ka mid ah Amal. Amal waa caruusaddii habeenkeedii ugu farxadda badnaa noqday isla habeenkeedii ugu madoobaa nolosheeda. Iyada oo ah carmal gashaanti ah oo aan wali la taaban, ayey go’aansanaysaa in ay u soo aarguddo ninkeedii iyaga oo aan bismlaha is odhan bistooladda beerka loo galiyey. Waliid yare ayey u imanaysaa oo istish-haad (isqarxin) ka dalbanaysaa. Abu Axmed oo ka fikiraya sidii uu walaalkii ugu soo aari lahaa, ayaa loo sheegayaa in dumaashidii diyaar tahay. Iyada oo garabka ku sidata boorso yar oo bam ku dhex jiro ayaa loo dirayaa baar khamriga lagu cabbo oo Yuhuuddu leedahay. Baarka waxa joogto u yimaadda waladkii yaraa ee Bawes oo la saaxiib ah hablaha dadka khamriga waraabiya mid ka mid ah. Nasiibdarro, isaga oo aan gudaha soo galin oo kadinka markaa soo gaadhay bay gudaha baarka ka hillaacayaan wixii ka hillaaci jiray meel Xamaas soo gashay.
Dadka u shaaxiday sidii laxoox daawe lagu illaabay bay ku jirtaa Bawes saaxiibaddii. Dabadeed dhiishka ayaa dhaqaaqaya Bawes yare, ciilka iyo cadhada uu Xamaas iyo Falastiiniyiinta u qabaana boqol baac bay kor uga sii kacayaan halkii ay isku ogaayeen isaga iyo wasaaraddiisa gaashaandhiggu. Waxa maalmahaa la soo daynayaa ninkii Cali Kariim oo dantii laga lahaa laga soo fushaday inantiisiina qalliinkii loogu sameeyey. Dadka hortooda baa hadhcad lagu afduubay oo Abu Axmed iyo kooxdiisu way iska og yihiin in uu warramay. Cali wuxuu mari kari waayayaa jidadka oo khaayin iyo basaas baa lagu sheegayaa illaa uu naftiisa iyo qoyskiisa u yaabay. Abu Axmed in uu la kulmo ayuu codsanayaa.
Sheekh Cawdullaah oo dhanka diinta u qaabbilsan Xamaas buu Cali Kariim u tagayaa oo ku soo ooyayaa. Abu Axmed in uu hal mar uun la kulmo oo ugu dhaarto in aanu sirtiisa bixin buu u silcayaa. Aakhirka meel qarsoodi ah baa ballan loogu qabanayaa in uu Abu Axmed kula kulmo. Yuhuuddu aalad ay kala socdaan dhaqdhaqaaqa, codkiisa iyo wixii taleefan ama iimayl ku soo dhaca ayey Cali ku soo rakibteen. Goobta iyo saacadda kulanka marka ay ogaadaan ayey dhankooda ka soo diryaargaroobayaan. Cali Kariim marka uu isbarraxo in Abu Axmed fasaxo ayuu filayey laakiin wuu dilayaa.
Kooxdii Yuhuudda ahayd ee Cali ku daba jirtay kolka ay goobtii soo gaadhaan bay is qaybinayaan. Kadinkii ay ka soo galeen waxa ay kaga imanayaan Doroon seeddigii Bawes oo ay isugu darsameen hurdo la’aan, khamri iyo xashiishadi. Marka ay sidaa uga soo dhaqaaqaan, iyaga oo aan wali soo gaadhin Abu Axmed meeshii uu kula kulmayey Cali, Bawes indhaha ayuu waxba ka arki waayey oo tamartii baa ka gabaabsi ku ah. Falastiiniyiinta qudhoodu waa jiman kale e’, meel bannaanka ah Abu Axmed waxa u joogay laba nin oo gaadh ah oo dusha ka ilaaliya. Waxa ay arkayaan ninka Yuhuudiga ah ee indhaha marmaranaya ee qoriga haysta. Abu Axmed iyo ilaaladiisii markiiba meesha way iskaga baxeen oo meydkii Cali uun baa yaalla. Bawes sidaas bay Xamaas ku afduubatay.
Doroon xaaskiisii baa cunaysa oo leh maxaad walaalkay u ilaalin wayday. Wuxuu talo aan madaxdiisu la ogayn ku gaadhayaa in uu seeddigii soo daayo wax kasta oo ay ku qaadanayso. Isaga iyo kooxdiisii waxa ay soo qafaalanayaan sheekhii Xamaas ee kulanka Cali iyo Abu Xamsa fududeeyey. Mujaahidiinta Xamaas waxa ay ka fikirayaan in askarigan ay ku beddeshaan maxaabiis Xamaas ah oo Yuhuudda xabsiyada ugu jira oo dhawr boqol ah. Arrintan in Masar dhexdhexaadin ka gasho ayey sidoo kale Xamaas is tusaysaa. Iyaga oo qorshahaa degay ayuu Abu Axmed waalli kale oo aanu cidna kala tashan ku fikirayaa. Si lamafilaan ah buu ku ogaanayaa in Bawes ka mid ahaa raggii soo weeraray qoyskiisa ee walaalkii oo aroos ah aakhiro u diray.
Abu Axmed waxa uu handadayaa Diktoor Shiriin, si ay qalliin ugu samayso Yuhuudiga sida fudud ee amakaagga leh qaniimada ugu noqday ee gacantooda u soo galay. Haddii ay diiddo hooyadeed baa dunida ka tagi doonta oo Abu Axmed waa bahal kaftanka iyo qosolkuba xaaraan ka yihiin. Kallida bidix ayaa Bawes laga daloolinayaa kaddibna bambo yar oo shar badan gaysan karta ayey ku aasayaan jidhkiisa. Markii uu hawsha si wacan isugu fadhiisiyo ayuu wacayaa lambarkii sheekh Cawdullaah. Waxa ka qabanaya kooxdii Doroon ee askarta Yuhuudda ka tirsanayd. Oo shaw Abu Axmedow adiga ayuun baa kalidaa isu camiraye waad illawday in lagugu soo maqnaa oo sheekhaagiiba la afduubtay saaka tobankii subaxnimo!
Markii ay dubbe faraha kaga garaaceen ayuu sheekhu qiray in Abu Axmed nool yahay. Xataa wuxuu siinayaa cinwaanka guriga uu ku dhuumanayo. Markiiba way soo weerarayaan bartii tilmaantu ahayd, laakiin Waliid yare oo aad u feejigan bay wax ku odhanayaa waa la idinku soo maqan yahay, dabadeed in ay meesha ka aagbeddeshaan bay noqonaysaa. Gurigii oo madhan bay imanayaan Yuhuuddu.
Qorshaha aanu cid kala tashan ee Abu Axmed beddelay iyo jawaabta kooxda Yuhuudda ah ee xafiiskoodii iyo madaxdoodii ka falaagowday, labada dhanba –Xamaas iyo dawladda Israa’iil– si xun bay uga xumaanayaan. Abu Axmed kolka uu Doroon ka qabto taleefankii sheekh Cawdullaah, waxa uu Waliid oo afka Abu Axmed ku hadlayaa kula gorgortamayaa in sheekha iyo konton maxbuus oo kale ay kaga beddeshaan maxbuuska Yuhuudiga ah. Isriixriix kaddib waxa lagu ballamayaa meel cidlo ah.
Doroon iyo Abu Axmed waxa uu midba midka kale la hadashiinayaa maxbuuskiisa, si labada dhanba ugu qancaan in ay maxaabiista iyagu gacanta ku hayaan oo aan cid kale u hayn. Doroon marka uu la hadlo seeddigii, ayuu Bawes u sheegayaa in kalli laga saaray.
Doroon markiiba wuxuu isku sii daynayaa Diktoor Shiriin oo uu qiyaasayo in ay arrinta wax ka og tahay, maadaam ay kolkii h**eba Abu Axmed iyadu dawaynasay. Wuxuu isaga dhigayaa nin aan haasaawe qudha u socon ee sidoo kale uu yahay sirdoon maamulka Falastiin ka tirsan. Sidaa awgeed, ninka ay Xamaas afduubatay uu xogtiisa raadinayo. Wuxuu ku qancinayaa, in maamulka Falastiin aanu afduubankan raalli ka ahayn oo dhibaato ka weyni iman karto, waayo Xamaastu waa shar wadayaal. Marka ay isku dhex yaacdo ayuu afkeeda ka soo saarayaa in ay nin Yuhuudi ah qalliin ku samaysay oo jidhkiisa dhex galisay wax aanay garanayn oo lagu qasbay.
Doroon wuxuu fahmay in jidhka Bawes waxa la galiyey bambo yahay. Haf iyo balaw buu odhanayaa oo wuxuu soo afduubayaa inantii Abu Axmed dhalay –Abiir Tawfiiq Mustafa. Abu Axmed ma oga kaadhka cusub ee ciyaarta ku soo biiray iyo Abiirta maqan.
Madashii marka la isugu yimaaddo, isaga oo taleefanka ka hagaya Waliid iyo nin kale oo maxbuuskii Bawes wada, ciyaartu way isla rogtay. Abiir iyo Sheekh Cawdullaahba jaakeeddo bamb ku jiro ayuu uu soo galiyey Doroon. Marka Waliid yare u sheego sida wax yihiin, Abu Axmed waxa uu samaynayo iyo wax kale ayuu kala garan waayayaa. Aayado Quraan ah inta uu akhriyo ayuu amar ku siinayaa kolka Bawes gaadho Doroon, sheekha, Abiir yar iyo wixii la socda, in bambka Bawes ku rakiban rimoodka lagu qarxiyo, si waxooduba isula shuf beelaan. Nasiibdarrada dhacday ayaa ah in ay bambka qarxinayaan isaga oo aan Bawes gaadhin dadkii Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda isugu jiray. Wuu khalkhalay ninkii Waliid. Doroon ayaa isna odhanaya sheekha orod oo iska tag cidi ku dili maysee. Laakiin bartii uu Bawes ku qarxay kolka uu marayo ayuu isagana qarxinayaa. Doroon sidii wax la maray ayuu kalidii iska dhaqaaqayaa maaddaama seeddigii iyo qorishihiiba gacantiisa ka baxeen.
Abiir oo dhaawac soo gaadhay ayey dib u qaadanayaan Yuhuuddu, si aabbaheed loogu soo dabo, Waliid iyo mujaahidkii la socdayna orod bay isa sii daynayaan. Doroon sida uu sii socdo masaajid buu iska galayaa. Waxa qayayaabka leh ayaa ah in Yuhuuddan dagaalka kula jirta Xamaaastu yihiin dad asalkoodu Carab ahaa laakiin gadaal ka yuhuudoobay. Waxa jirta taariikh xusaysa in illaa qarnigii toddobaad ay dad carbeed oo asalkoodu reer Bani Israa’iil yahay ku hoos noolaayeen dawladihii Carabta ee jasiiradda Carabta. Dadka waxa loo yaqaan Mustacribiin –kuwii Carabta la noolaa. Kooxdan ay Xamaasta isla besbeeleen qudhooda magacaas baa la yidhaahdaa. Sidaa awgeed, muuqaalka, lahjadda Carabagi ee aan sinnaba looga garan tan Falastiin, sida ay diinta Islaamka u yaqaanaan, cabbista badeecadda iyo dhaqanka oo dhami waa isku mid oo ma jiro wax u kala soocan ama lagu kala soocaa. Haddii aad is yara wayddiinaysay maxay guul u gaadhi la’yihiin Falastiiniyiintu ama talaabo u qaadi la’yihiin, mid ka mid ah jawaabuhu waa in si walba loogu dhex jiro oo khamiiska la la gashan yahay.
Nasriin waxa ay u talaabasysaa daanta Yuhuudda oo inanteedii Abiir lagu dawaynayo. Mid ka mid ah saraakiishii Doroon ka sarreeyey wuxuu tagaya xafiisyada maamulka Falastiin looga arrimiyo. In Israa’iil soo qaban kari wayday Abu Axmed oo ay doonayaan in maamulka Falastiin soo qabto kaddibna iyaga gacanta u soo galiyo ayuu kala hadlayaa. Ninkan xafiiska loogu tagay walaalkii oo Yuhuuddu haysato in loo soo daayo iyo labaatan baabuurta qafilan ah oo ay h**e Israa’iil ugu ballanqaadday maamulka Falastiin ayuu ku beddelanayaa soo qabashada Abu Axmed, waaba haddii uu soo qaban karo e’.
Doroon oo laba carruur ah iyo xaas leh waxa ay isku sii fogaanayaan Dr. Shiriin oo ah carmal mar madaxa dhulka loogu soo dhuftay. Goor ay gurigeeda ku wada baashaalayeen ayey soo weerarayaan laba nin oo Abu Axmed soo diray. Mid degdeg xabbadi ugu dhacday mooyee kii kale ayaa wax kasta sheegaya. Kii labaadna Doroon wuu dilayaa. Shiriin ayuu huteel gaynayaa oo uu u arko in nafteedu halis ku jirto. Abu Axmed wuxuu qorshaynayaa qarax dhegaha Yuhuudda dhawr sano ka sii yawleeya. Xaaskiisii, Nasriin, oo cisbitaalkii Yuhuudda kula jirta Abiir yar, waxa loo soo bandhigayaa in nolol cusub oo macaan badan Baarliin laga siin doono oo Bariga Dhexe oo dhan laga fogayn doono; kaliya waa in ay sirdoonka Israa’iil ka caawisaa sidii loo soo qaban lahaa odaygeeda. Shiriin oo kaligeed ah waxa albaabka ku soo garaacaya Waliid. Waxa markiiba la hadlay ninkii huteelka oo isu garanayey.
Doroon wuxuu toos ugu tagayaa meeshii uu waraysiga Abu Axmed kaga qaadayey dadka sida mutadawacnimada ah doonaya in ay qaraxa ka qayb qaataan. Abu Axmed doqoniimadiisa ninkii Doroon oo aanu muuqiisa garanayn ayuu rumaysanayaa oo u diyaarinayaa hawl naf hurid ah. Qaar ka mid ah madaxda sare ee Xamaas ayaa iyaguna Abu Axmed dhankooda ka raadsanaysa oo waliba dil la maaggan.
Tobanka xalqadood oo h**e ee taxanaha Fauda ayeynnu sidaa ku oo koobnay, waa se saddex xidhmo (season) oo min laba iyo toban xalqadood ah iyo tii afraad oo iminka soo socota. Filinka waxa wada sameeyey labada nin ee sawirka idiinka muuqda, kuna kala metelaya Doroon iyo Abu Axmed. Labaduba waa Yuhuuddii carabowday. Wax badan oo run ka ah nolosha Falastiin iyo Israa’iil eyey masrixiyadda ku soo gudbinayaan. Laakiin gacan sarraynta sheekadu xagga Yuhuudda ayey mar walba u janjeedhaa, sidaa awgeed haddii aad xiisaynayso ku daawo indho Muslim!

W.Q Khadar cabdi Cabdilaahi
Xigasho Jamaal Ibraahim Dasuuqi

XAQIIQADA CHRISTMASKA EE INAGA QARSOON ⁴ᴷ┇ Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil 25/12/2020

XAQIIQADA CHRISTMASKA EE INAGA QARSOON
Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil

XAQIIQADA CHRISTMASKA EE INAGA QARSOON ⁴ᴷ┇ Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Asc , Walaalayaal Waxaan idinka Codsanaynaa in aad ka qeybqaadataan horumarka channalka alnasiixa idinka oo :📩 SHAREGAREEYA👍🏼 LIKEGAREEYA📋 COMMENTGAREEYA...

29/10/2020

Jean-Paul Sartre ... faylasuufkii faransiiska ahaa ee necbaa faransiiska diidayna gumeysiga Algeria

Kadib xaaladdii ugu xumeyd ee ka jirtay Faransiiska kadib dilkii macallinkii Faransiiska ahaa ee Samuel Batee kadib markii uu tusay kartoonno aflagaado ah oo Nabi Muxamed ah - naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye - ee ardaydiisa, iyo is-qabqabsiga xigay ee nacaybka ku wajahan Muslimiinta guud ahaan, iyo natiijada ka dhalatay mindi lagu dilay laba gabdhood oo xijaaban. Intaa ka dib, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu go’aansaday inuu difaaco kartoonadan oo tusaale u ah xorriyadda hadalka, halka sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha, waxa u muuqday kor u qaadista codka garabka midig ee Macron ee ku aaddan qaybaha Yemen ee ku sii kordhaya gudaha Faransiiska.

Kordhintaas awgeed, olole ballaaran ayaa la bilaabay oo lagu qaadacayo alaabada Faransiiska ee dalal dhowr ah oo Carbeed ah, iyadoo lagu dhawaaqayo diidmada qayaxan ee dembi kasta oo taabanaya Nebiga Islaamka, taasoo ku kalliftay Emmanuel Macron inuu bartiisa Tweeter-ka ku soo qoro isagoo leh, "Waxba dib ugama dhigayaan. Waan ixtiraamaynaa dhammaan khilaafaadka ruuxda nabadda. Marnaba ma aqbalayno." Hadalka nacaybka iyo u doodista caqliga saliimka ah. Waxaan markasta garab taagnaan doonaa sharafta aadanaha iyo qiyamka guud.

Isaga oo ka jawaabaya bartiisa Tweeter-ka, falcelinta carabta iyo islaamku waxay ku yimaadeen guud ahaan iyagoo diidaya qoraalkan, iyo hadalada ka soo yeeray wasaarada arimaha dibada ee faransiiska oo ay ku sheegtay in wicitaanada qaadacistu ay ka yimaadeen "qowmiyada xagjirka ah ee xagjirka ah" isla markaana ay si deg deg ah u dalbanayso in la joojiyo qaadacaada Natiijo ahaan, jawaabta oo ay raacday tweets-ka oo soo xasuusiyay dhaxalkii gumeystihii Faransiiska, waxayna dhaleeceeyeen "hadalka islaweynida" sida ay ku tilmaameen.

Marka laga soo tago khilaafka hadda jira, waxaan dib u xasuusineynaa falsafigii faransiiska ahaa ee John Paul Sartre, oo ahaa nin jecel dalkiisa, France, halkaas oo uu ku caabiyey Na**sm oo uu kaqeybqaatay Dagaalkii Labaad ee Aduunka, laakiin waxbaa jacaylkiisii ​​iska badalay Sida falsafadda xorriyadda, sida lagu yaqaan, waxay dhibaatooyin badan kala kulantay siyaasaddiisa dhulka ee gumeysiga Algeria iyo dalal kale, iyo sida ay tani u saameysay aragtidiisa xuquuqda aadanaha iyo dhaleeceynta uu u leeyahay siyaasado badan oo Faransiis ah.

Weligaa ma maqashay qof isla wax isla jecel oo neceb? Shaki kuma jiro in tani u horseedi karto waalli ama - ugu yaraan - xanuun qoto dheer, xaaladuna way ka sii dari kartaa haddii sheygan uu yahay gurigaaga. Taasi waxay ahayd kiiska Jean-Paul Sartre, wuxuu ahaa falsafad faransiis ah oo ka soo horjeeday Faransiiska, waa falsafad falsaf ah oo ka soo jeeda René Descartes isla markaana aad u jecel Honoré de Balzac, oo u soo dagaalamay France Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuuna maxbuus u ahaa dagaalkii Jarmalka. Si kastaba ha noqotee, xaaladdu way is beddeshay dagaalka kadib. Wuxuu noqday qofka ugu dhaleeceeya siyaasada Faransiiska. Waa maxay sababtu?

Sartre wuxuu arkay sida Faransiisku - oo ah dhul xorriyad, sinnaan iyo walaaltinimo - uu u ahaa ugaarsade gumaysi Algeria, Cameroon iyo Indochina (qayb ka mid ah boqortooyadii gumeystaha Faransiiska ee Koonfur-bari Aasiya). Tifaftirkii ugu horreeyay ee "Les Temps Modernes" sanadkii 1945, Sartre iyo khabiir ku takhasusay Maurice Merlio Ponti waxay caddeeyeen in carruurta Mucaaradkii Faransiiska ee u soo halgamay xoreynta Faransiiska Dagaalkii Labaad ee Adduunka, oo markaas ku sugnaa Indochina, ay la mid ahaayeen askarta Jarmalka; Waxay u dagaallamaan faashiisnimo. Isaga, Paris waxay u muujisay astaan ​​xorriyad ka soo horjeedka habka faashiistaha, laakiin hal toddobaad ka dib dhimashadii Hi**er, Paris - isla magaaladaas magaceeda lala xiriiriyay jacaylka iyo xorriyadda - waxay u dirtay xoogag si ay uga geystaan ​​xasuuq dhiig ku daatay magaalada dhaqaalaha ee Aljeeriya ee Setif, oo ay ku gawraceen kumanaan reer Algeria ah. Sannado ka dib, Faransiiska ilbaxnimada ayaa sii waday cabudhinta naxariis darrada ah ee dhaqdhaqaaqa kacdoonka ka soo horjeedka ah, oo inta badan xukuno dil ah ku rida shaqsiyaadka maxkamadaha militariga.

Jean-Paul Sartre wuxuu dib ula midoobay Che Guevara oo ahaa kacaanyahan
Tani waxay ku kaliftay Sartre inuu ku dhawaaqo, isagoo ku qaylinaya, "Dhamaanteen waxaan nahay gacan ku dhiiglayaal" ciwaanka maqaalkiisa 1958, ee uu ku qoray:
“Bishii Nofeembar 1956, Fernand Efeton, oo xubin ka ahaa Dhaqdhaqaaqa Halgamayaasha Xoreynta (koox dhuumaaleysi ah oo ay aasaaseen Xisbiga Shuuciga Aljeeriya), ayaa bam ku aasay xarunta korontada ee Hama, isku day aan sinnaba loola simi karin fal argagixiso. Shilku wuxuu ahaa bambo waqti si sax ah loo dhigay si uusan qaraxu u dhicin ka hor intaan shaqaaluhu tegin, laakiin taasi waxay ahayd mid aan micno lahayn.Sidaas darteed Ephton waa la qabtay, waxaa lagu xukumay dil, wuuna diiday wax dib u dhac ah, sidaa darteed ninki waa ladilay. Cid ayuu dilay, laakiin waxaan dooneynay inaan dilno waana sameynay annaga oo aan indhaha ka laaban.

Faransiisku mar dambe ma ahayn geesinimada xorriyadda Sartre, laakiin taa lidkeeda; Xorriyad-diid. Waxay ciyaaraysay laba ciyaar; Waxay isku dayeysaa inay qaadato door hoggaamineed oo ku saabsan hadalka xuquuqda aadanaha, iyadoo caburinaysa dadka asaliga ah ee ku nool dhulalka ay gumeysato.

Hordhackiisa buugii Franz Fanon ee 1961 ee “Dunida xun,” Sartre wuxuu ku sheegay in Faransiisku ay tahay inuu iska fogeeyo Faransiiska; Taasi waa, Faransiiska, waddankaas xorta ah ee xorta ah, waa inuu ka soocaa Faransiiska dowladdii gumeysiga. René Cassin, oo ah borofisar ku takhasusay sharciga Faransiiska, wuxuu ahaa wakiilka Faransiiska ee guddiga qoraya Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha wuxuuna ka shaqeeyay dib u eegista qoraalkiisii ​​ugu horreeyay sannadihii ka dambeeyay dagaalka. Shaki kuma jiro in Sartre lallabo yeelan lahaa haddii uu arki lahaa mashruucan. Baaqiisa ku saabsan in xuquuqul insaanku uu qiyaasayo ilbaxnimo aad u saraysa, sidaa awgeedna aanu khusaynin kuwa ku jira heerarka "aasaasiga ah" ee horumarka. Tani waxay muujineysaa in xuquuqul insaanku uusan aheyn mid dadka oo dhan u gaar ah, laakiin uu yahay mid bani’aadamnimada ugu badan.

'

Sikastaba xaalku ha ahaadee, Sartre muddo soddon sano ah ayuu ka leexanayay fikirka xuquuqda aadanaha, maxaa yeelay wuxuu su'aal ka keenay dhowrista aragtida xuquuqda aadanaha ee ku wajahan dadka la ciqaabayo oo uu ugu yeeray "ilbaxnimo la'aan". Haddii kan soo saaray bayaanka uu ahaa boqortooyooyinkii gumeysiga sida Faransiiska iyo Ingiriiska, runti ma waxay noqon laheyd ku dhawaaqid nabadeed, cadaalad iyo niyad wanaag, mise waxay ka dambeysay dhoolacadeyntaas dabacsan ee bina aadamka, ilko fiiqan?

Haddii Sartre uu ahaan lahaa mufakir bidix, mowqifkiisa ka dhanka ah shaqsiyadda tooska ah ayaa cadayn lahayd; Laakiin iyaduba way jirtey sidoo kale, shaqsiyadnimaduna waa mid ka mid ah tiirarka aasaasiga u ah jiritaanka
Sartre mararka qaar wuu difaaci lahaa bayaanka maxaa yeelay wuxuu arkay in, in kasta oo ay xaddidan tahay, ay sare u qaaddo xuquuqda dadka

Sida Cicek ay tiri: “Way cadahay, tusaale ahaan, in afgembigii Saddam Hussein ee uu hogaaminayey Mareykanka, kaas oo ku helay sharcinimadeeda ku saleysan joojinta dhibaatada dadka reer Ciraaq, kaliya ma aheyn mid ay wadeen danaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, laakiin sidoo kale fikrad gaar ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee "Xorriyadda" hoosteeda ayaa loo gacan geliyay dadka reer Ciraaq; waa hanti-wadaaga dimoqraadiga ah ee deeqsi ah, ku-biirista dhaqaalaha suuqa adduunka, iwm.



Sidaas darteed ma sahlana in la yiraahdo Sartre wuxuu gabi ahaanba taageeray, ama gebi ahaanba ka soo horjeeday, aragtida xuquuqda aadanaha. Laba qodob oo muhiim ah waa in la sheegaa: Kow; Aragtida xuquuqda aadamuhu waxay leedahay awoodo badan oo aadamigu leeyahay, waxaa la dhihi karaa waxay ka kooban tahay ugu yaraan abuurka xuquuq loo siman yahay aadanaha oo dhan. Marka labaad; Haddii aynaan fiiro gaar ah u yeelanin shirkadda hanti-wadaaga ah ee gumeystaha ah si ay u ilaaliso danaheeda siyaasadeed iyo dhaqaale, iyadoo la iska indhatirayo xuquuqda aadanaha marka aysan la jaan qaadi karin danahaas, markaa aragtida Xuquuqda Aadanaha waxaa si fudud u isticmaali kara quwadahaas.

Waxaa la dhihi karaa inkasta oo Sartre iyo dhaqdhaqaaqayaasha dunida saddexaad ( africanka ) ay ka codsadeen xuquuqda aadanaha codsiyadooda sinnaanta iyo sharafta aadanaha, taariikhda Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha waxay muujineysaa in bilowgii xuquuqda la qoray si looga difaaco muwaadiniinta reer Yurub argagixisada Naasiyiinta, ee aan loo difaacin dadka aan reer Yurub ahayn Ka soo horjeedka gumeysiga reer Yurub.

Soomaaliyeey is maqalaa
Ijaabadu ku sugan tahay
intaad wada jirtaanaa
Udubkiinnu ku mudan yahay.
Waayeelkoo arrimiyiyo
Dhallinyara adeegtaa
Is kaashigu ku wacanyahay


  • Ninka ugu ildheerbaa

  • Dadka ugu ayaan daran

  • Waxaan lala arkeynbaa

  • Asiga uun muuqda
  • Telephone

    Website

    Address


    Hargesa