Jama Taqal Abbas

Former Minister of Energy and Water Resources, Member of Parliament,๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Photos from Jama Taqal Abbas's post 16/11/2023

Addis-Ababa 16 Nofeembar 2023

Waxaa Maanta magaalada Addis-Ababa Nooga furmaya shirka Wasiirada Biyaha ee IGAD oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga ku saabsan โ€œ Badbaadada Biyaha ee Sugnaanta Cuntadaโ€.
Sidoo kale, Wasiirrada u qaabilsan arrimaha biyaha ayaa isku raacay hannaanka xoojinta iskaashiga iyo maareynta iyo horumarinta kheyraadka biyaha.
Waxa kale oo aan xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga xuduudaha si loo maareeyo kheyraadka biyaha si siman oo waara Wasiiradda Biyaha ee IGAD waxay qireen baahida loo qabo dadaallo wadajir ah oo wax looga qabanayo caqabadaha la xiriira biyaha iyo sare u qaadida fursadaha

12/10/2023

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa xuska maalinta calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar oo ku beegan 69 sanno ka hor markii la yagleelay calanka ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด oo ah astaanta ay dunidu nagu taqaanno islamarkaana ka turjumaya qarannimada, midnimada & wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

27/09/2023

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Waxaan Ummada Muslimiinta ah meel ay joogaanba la qaybsanayaa Farxada maalintan weyn ee ku beegan dhalashadii Nebigeena Maxamed Nabad iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Eebbe weyne hayna waafajiyo dariiqa suuban.

25/09/2023

Waajib Qaran waxaa ku ah muwaadin walba, Shacab iyo Ciidan in loo midoobo ciribtirka cadowga firxadka ah, si aan ugaarno Soomaaliya oo xur ka ah fikradaha argagixisada iyo waxyeeladooda"

Khawaarijta
Khawaarijta
Howgalk

Photos from Jama Taqal Abbas's post 24/09/2023

Waxaa Maanta kulan la yeeshay shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Solarka, kulankaas oo daarnaa is-xog waraysi ku saabsan howlaha Tamarta Solarka, qorshayaasha hortebinta u leh Wasaraadda iyo sidii shirkadaha doorkooda ugaga qaadan lahayeen Qaabeynta suuqa Korontada Wadanka.

Kulanka ayaa waxaa warbixino Ugu dhagaysatay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeeggayada Tamarta Solarka iyo Daladda Shirkadaha Tamarta iscusbooneysiisa, iyada oo sidoo kale meesha lagu soo bandhigay caqabadaha haysta Shirkadaha ka shaqeeya suuqa Tamarta Cadceeda dalka iyo sidii loogu wadashaqaynlahaa.

Ugu dambeyntii Waxaa La dardaarmay shirkadaha in ay laba jibaraan howlaha ay u hayaan bushada somaliyeed sidookalena wasaradda si dhow ula shaqayn doonto kana warhayndoonto hadba xaaladda ay ku suganyihiin Shirkadaha Tamarta Solarka.

22/07/2023

Waxaa Manta ka qeybgalay furitaanka Kulan Cilmiyeed loogu hadlaayo Dawlad-dhiska Soomaaliya kaas oo Mawduuciisu ahaa โ€œCasharradii shalay iyo tilmaamaha Mustaqbalkaโ€ ayna soo qaban qaabisay Heyโ€™adda Cilmi-baarista iyo Horumarinta Bariga Afrika ee DAD.

Photos from Jama Taqal Abbas's post 18/07/2023

Waxa aan maanta hor-tagay Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, dedaalada socda, waxyaabaha noo qabsoomay iyo caqabadaha jira inta ba.

Waxa aan u mahadcelinayaa guddoomiyaha guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad), iyo Xildhibbaanada kale ee xubanaha ka ah guddiga ba oo aan boggaadinayo sida ay ugu diyaarsan yihiin ka wada shaqeynta hawlaha shaqo ee dalka, waxaana ka wasaarad ahaan aanu qaadan doonaa doorkayaga si loo xoojiyo wada shaqeynta.

Photos from Jama Taqal Abbas's post 13/06/2023

Muqdisho, Juun 13, 2023;
Waxaa maanta ka qayb galay munaasabadda Lagu Daah-furayay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuuudiga.

Daah Furka Ayaa Waxa Goob Jooga Ka Aha Ra'iisul Wasaaraha Xukumada Federalka Somalia Mudane Hamza Abdi Barre Wasiirka Wasarada Xanada Xolaha dhirta Iyo Daaqa XFS Hassan Hussein (Eelay)Iyo Xildhibanada Laba Aqal Ee Barlamanka Federalka Somalia

Ra'iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Sido Kalle Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

15/05/2023

Waxaan dhallinyarada Soomaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan ugu hambalyeynayaa sannad guurda 80-aad ee aas-aaskii ururkii Dhallinyaradii gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL oo horseeday xornimada maanta dalkeennu ku naalloonayo.

Dhallinyaradu waxay udub dhexaad u ahaayeen halgankii xoreynta dalkeenna, walina waxeey tiir u yihiin dowladnima-deenna, iyagoo kaalin muuqata kaga jira ciidamada qalabka sida, shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guul ayaan ayaan u rajeynayaa dhallinyada Soomaaliyeed oo aan ku boorrinayo midnimo, iskaashi iyo gudashada masโ€™uuliyadda qaran.

HAMBALYO DHALINYARO.

01/05/2023

Waxaan Farxadda iyo xuska la qeybsanayaa dhamaan Shaqaalaha aduunka gaar ahaa Shaqaalaha Soomaaliyeed maadaama maanta ay ku beegan tahay 1-da May oo ah Maalinta Shaqaalaha Aduunka.

Shaqaaluhu waa laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliyeed waxaanna u rajaynayaa in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan barwaaqo iyo horumar.

Hambalyo guuleystayaal.

20/04/2023

Waxaan dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa farxada Ciid Al-fidri. Waxaan Allah ka baryayaa inuu naga aqbalo waajibaadka iyo cibaadada bishii Ramadan aan soo gudanay, uuna nooga dhigo danbi dhaaf iyo Alle u dhawaansho.

Waxaan qof walbe oo awoodo inuu wax baxsado ku boorinayaa inuu farxada Ciidda gaarsiiyo walaalaha kale ee duruufaha noloshu aysan u saamixin inay farxaan ama ubadkooda u iibiyaan agabyada Ciida. Si gaar ah waxaan qof walba oo Soomaali ah ku boorinayaa inuu xiriiriyo uuna sadaqada, farxada iyo salaanta maalinta Ciidda gaarsiiyo Qaraabada aan la nooleyn, dariska ku dhow iyo masaakiinta ku duruufeysan magaalada uu qof walba ku suganyahay.

Waxaan Allah ka rajeynayaa in Ciidan Ciideeda kale aan ku gaarno Nabad iyo Horumar.

13/04/2023

Waxaan boqasho ku taganay aniga iyo Wasiiro Iyo Xildhibane Ka Tirsan Dowlada Federalka Somaliya Degmada Tarikhiga Ah Ee Balcad Halkas Oo An Kula Kulany Bulshada Ku dhaqan Degmadaas Sido Kalle Waxan Boqanay wabiga shabele Iyo Warshada Dharka

12/04/2023

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta 12 April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) u dirayaa, sarreeyayaasha saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dablayda, xaasaska iyo carruurta CXDS. Iyagoo furumaha dagaalka dhaxan iyo kuleyl ku hayso, ayaan ku jiifnaa ku nasannaa guryaheena iyo goobteenna shaqada.

Ciidanka Xoogga waa laf-dhabarta ciidamada qaranka, waa astaan muujineysa jiritaanka dowladnimada, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed. Waxay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan cadawga Khawaarijta iyaga oo si buuxda argagixisada ugala wareegay deegaanno badan oo ay horay ugu dhibaatayn jireen dadka Soomaaliyeed.

Inta ku dhimatay iyagoo Dalka difaacaya allaha u naxariisto inta dhaawaca la jiita ama ku naafowdayna allaha caafiyo.

23/03/2023

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐ข ๐ค๐ฎ ๐š๐ก๐š๐š ๐›๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
๐Ž๐จ ๐š๐š๐ง ๐Š๐š๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐„๐ž ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐š๐ซ๐œฤฑ๐ ๐š ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐„๐ž ๐ƒ๐ก๐จ๐ฐ๐š๐š๐ง ๐‹๐š ๐Œ๐ž๐ž๐ฅ ๐Œ๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ

22/03/2023

Ramadan mubarak dhammaan muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meelwalbo oo ay aduunka ka joogaan.. Bisha Soon waa bil ku suntan cibaado, isjaceyl, naxariis, iscafin,isu-dhimrin iyo saddaqada alle hana waafajiyo kheyrka bisha ramadaan.

Photos from Jama Taqal Abbas's post 08/03/2023

Waxaan U Mahad Celinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud Oo saxiixay sharciga Korantada dalka, Sharcigan oo ay h**e usoo ansixiyeen Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Muhiimada guud ee hindise sharceyeedka Korantada Dalka Ayaa Ah Ah Horumarinta iyo taabbagalinta Siyaasadda Qaran ee Tamarta, Abuurista hannaan sharci iyo mid maamul oo haga dhammaan qaybaha adeegga koronto ee dalka, Dhisidda Hayโ€™adda Korontada Qaranka, Dhisidda Shirkadda Korontada Qaranka iyo horumarinta iyo dhiirigalinta tamarta is-cusboonaysiisa, sida; dabaysha, kulka, qorraxda iwm.

Sharcigu wuxuu dhanka kale Ilaalindona xuquuqda macaamiisha iyo adeeg-bixiyeyaasha korantada dalka, sidoo kale wuxuu fududeyn donaa dhiirigelinna donaa maalgashiga adeegyada korontada iyada oo la dhawrayo maalgashiyada tamarta ee dalka laga leeyahay..

Wasaaradaha tamarta, iyo khayraadka biyaha ee heer federal iyo maamul goboleed ayaa iska kaashan doona, fulinta iyo taabagalka sharcigan, waxaana dib loogusoo bandhigidoona loona qaybin doona dhamaan daneeyayaasha suuqa korantada dalka iyo guud ahaan cidwalba oo kulug leh ama ka shaqaysa suuqa tamarta, dadwaynaha hela adeegyada tamarta, maalgashadayaasha ama cidwalba oo xiisaynaysa inay maalgashato suuqa tamarta dalka.

07/03/2023

Waa Bogga Rasmiga Wasiirka Wasarada Tamarta Iyo kheyraadka Biyaha XFS

Photos from Jama Taqal Abbas's post 04/03/2023

Waxaa la kulmay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hogaaminayay Amb Yousef Aldobeay, waxan ka wadahadleen fursadaha lagu xoojinayo iskaashiga Iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira biyaha & saameynta abaarta hadda jirta.

01/03/2023

Waxaan u mahadcelinaya Ka soo qeygalayasha hay'adaha bah-wadaagta la ah Wasaaradda, beesha caalamka, wakiilada hay'adaha Qaramad midoobe iyo safiirada soomaaliya u fadhiya Muqdisho.

Photos from Jama Taqal Abbas's post 01/03/2023

Waxaa sharaf weyn ii ahayd in aan maanta daahfurnay Madasha Hormarinta Adega Biyaha Dalka ee 2023, oo uu si rasmi ah u daahfuray Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo ay kasoo qeyb-galeen masโ€™uuliyiin ka tirsan hayโ€™adaha dawladda ee heer Federaal & heer Dowlad Goboleedba leh, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada, Hayโ€™adaha Qaramada Midoobay iyo hayโ€™adaha caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha, iyo safaaradaha Ka hawlgala Muqdisho.

27/02/2023

Anigo Ah Wasiiraka Wasarada Tamarta Iyo Kheyradka Biyah XFS Waxan ka codsanya Dhaman Dadka Somaliyeed Iyo Saaxibada Besha Calamka in aya Nagala so Qeybgalaan Madasha Horumarinta Waaxyaha Biyaha Soomaaliya Oo ay si rasmi ah uga furmi doono 1-da Maarso 2023 Muqdisho, Soomaaliya.

Photos from Jama Taqal Abbas's post 21/02/2023

Waxaa Maanta soo xiray kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay hawl-wadeenada Wasaaradda iyo hay'ada FAO oo mudo laba maalmood ah socday.

Kulankaas oo diiradda lagu saarayay hirgelinta Istaraatiijiyada Qaran ee Biyaha (NWRS) iyo hawlgelinta Xarunta Isuduwidda Biyaha.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay maareynta joogtada ah ee kheyraadka Biyaha dusha sare iyo biyaha dhulka hoostiisa, si wax looga qabto jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda loona horumariyo korriin iyo soo kabasho waarta ee Dhanka Biyaha

Photos from Ministry of Energy and Water Resources Somalia's post 19/02/2023
Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Waxaa Manta  ka qeybgalay furitaanka Kulan Cilmiyeed loogu hadlaayo Dawlad-dhiska Soomaaliya kaas oo Mawduuciisu ahaa โ€œC...
Waxaan  boqasho ku taganay aniga iyo Wasiiro Iyo Xildhibane Ka Tirsan Dowlada Federalka Somaliya Degmada Tarikhiga Ah Ee...
๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐ข ๐ค๐ฎ ๐š๐ก๐š๐š ๐›๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง  ๐ž๐ž Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed๐Ž๐จ ๐š๐š๐ง ๐Š๐š๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ...
Waxaan u mahadcelinaya Ka soo qeygalayasha hay'adaha bah-wadaagta la ah Wasaaradda, beesha caalamka, wakiilada hay'adaha...
Anigo Ah Wasiiraka Wasarada Tamarta Iyo Kheyradka Biyah XFS Waxan ka codsanya Dhaman Dadka Somaliyeed Iyo Saaxibada Besh...

Category

Telephone

Address


Warta Nabada
Mogadishu
Other Politicians in Mogadishu (show all)
Qaran doon Qaran doon
Mogadishu, 3456

Ninkii dilay walaalkeen ana wanoo danleeyahy

Hassan Sheikh For President Hassan Sheikh For President
Km4 Road
Mogadishu, 2526

Waa bogga rasmiga ah ee olelaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Abdi Osman Daamey Abdi Osman Daamey
Mogadishu

Abdi O Damey Novia University of Social Art, BA Social pol. MBA - Master's in Business Administration

Jabril Ibrahim Abdulle Jabril Ibrahim Abdulle
Mogadishu

Amb.Jabriil Ibraahim Cabdulle

Zadam Elmi Zadam Elmi
Zadamalpi@gmail. Cm
Mogadishu

Hon Ibraahim Hassan Hon Ibraahim Hassan
Maka Almukrama
Mogadishu, 252619036759

"Anigoo beer fashaa iiga roon cida baryeentooda"

Eng. Ahmed kahiye arale Eng. Ahmed kahiye arale
Mogadishu

ku so dhawow gacmo fuaran

H E Adam jimale Mohamed H E Adam jimale Mohamed
Mogadishu

be humble

Abdulrahman Haji Abdulrahman Haji
Mogadishu

Kaaliye Kaaliye
Mogadishu

falanqeeye arimaha geeska Africa iyo loollanada ka socda.

Abdiqadir Ali Mohamud Abdiqadir Ali Mohamud
Mogadishu, 253

HALDOOR LAHUBO KUDOORO MATALAAD DHAB AH GARAB ISTAGA DHALINYARADA