Nur Ali Guleed page

Nur Ali Guleed page

إن الله يعلم ما في الصدور

20/11/2023
20/11/2023

Greate photo 📸 📷

Mogadishu, Somalia 🇸🇴

01/10/2023
Photos from Nur Ali Guleed page's post 23/09/2023

Waa ku waan labada calamadood ee la isku khalday

Farqi wayn baa udhexeeya “Rainbow” Qaansaroobaad iyo LGBT Flag .
Qaansa roobaad 7 Midab bay ka koobantahay . Calanka LGBTga 6Midab buu ka koobanyahay wax xataa laysku khaldi karo maaha.

11/06/2023

Facebook ayaan ku arkaa shirkado, bangiyo iyo isbitaallo soo dhigaya su'aalo laga jawaabayo iyo ciyaaro la saadaalinayo, oo ay abaalmarin saaran tahay, balse si uu qofku ugu guuleysto shardi looga dhigay in uu follow dhaho page-ka shirkadda, sidoo kalena uu Like, comment iyo share isugu daro post-ga. Ujeedka ay shirkaduhu arrintan ka leeyihiin waxaan u fahmay in ay followers badan ka rabaan.

Markii aad Facebook ciwaan sameysanayso, waxaa qeybta hoose ku qoran in haddii aad ku dhufato 𝐒𝐢𝐠𝐧 𝐔𝐩, aad sidaas ku saxiixday shuruucda Facebook u deggan, sida 𝐅𝐚𝐜𝐞𝐛𝐨𝐨𝐤 𝐓𝐞𝐫𝐦𝐬, 𝐏𝐫𝐢𝐯𝐚𝐜𝐲 𝐏𝐨𝐥𝐢𝐜𝐲, 𝐏𝐫𝐨𝐦𝐨𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐆𝐮𝐢𝐝𝐞𝐥𝐢𝐧𝐞𝐬 iyo 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐭𝐲 𝐒𝐭𝐚𝐧𝐝𝐚𝐫𝐝𝐬.

Facebook Promotions Guidelines waxaa ku jira qodob reebaya in si ay dadku abaalmarin ugu guuleystaan, aad shardi uga dhigto in ay like, comment iyo share dhahaan post-ga, ama ay tag iyo mention ku dhahaan saaxiibbadood. Waxaa sidoo kale reebban in Facebook ku qabato tartan aad ku abaalmarinayso qofka ugu like, share, iyo comment badan.

Haddii aad Facebook ku qabato tartan, saadaal iyo su'aalo uu shardi nuucaas ah ku xiran yahay, waxay jabisay shuruucda Facebook u deggan, waxayna keeni kartaa in page-ka lagaa xiro ama lagaa xannibo. Waxaana boggaada halis gelin kara hal qof oo post-gaas Facebook ugu report-gareeya in aad shuruucdii jabisay.

Markii laga tago shuruucda Facebook, gobonnimo ma aha in dadka baahida looga faa'iideysto, oo si wax yar loo siiyo, lagu qasbo wax uusan sameyn lahayn haddii khiyaar la siiyo. Sidoo kale, bogga shirkadda micno uma sameyneyso in ay ku soo xirmaan dad aanan soo dooran, oo ay duruuftu kuu keentay. Waxaad se sameyn kartaa in aad saadaal iyo su’aalo waydiiso adigoo aan shardi uga dhigin follow, like, share, iyo in uu dad kale mention dhaho.

Wax badso wax beel ayay leedahaye, waxaa habboon in dadka shirkadaheenna masuulka uga ah Baraha Bulshada ay arrintaas ku baraarugaan, ee ay raadiyaan siyaabo ay dadka ku soo jiidan karaan, oo ay ugu horreyso in ay abuuraan xogo nuxur iyo xiiso leh, oo si dadban qofka ugu qasbi kara in uu boggaan ku xirnaado.
Xigasho: Hussein Sabrie

Photos from Nur Ali Guleed page's post 11/06/2023

Qormo aad u cajiib ah oo aadan ka caajiseyn inaad aqriso .

🐶Eyga waxa lagu yidhi:- Waxaad ilaalin doontaa guryaha basharka. Waxaad noqon doontaa saaxiibkooda ugu dhow. Waxaad cuni doontaa cuntooyinka wanaagsan ee uu ka dhergo iyo hambadiisa. Waxaana lagu sin doona cimri dhan 30 sano.

Eygii wuxuu yidhi:- 30 sano oo dhan? Maya! Keliya waxaan u baahanahay in aad noolaado 15 sano. Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

🦍Daanyeerka waxa lagu yidhi:- Waxaad noqon doontaa mid lagu qoslo oo lagu maadaysto. Waxaad noqon doontaa mid beerta xayawaanka dadka ku maaweeliya, waxaana lagu siiyey cimri 20 sano ah oo aad noolaato.

Daanyeerkii wuxuu yidhi:- 20 sano oo dhan? Maya! Waxaan keliya u baahanahay 10 sano! Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

🦓Dameerka waxa lagu yidhi :- Waad shaqayn doontaa qorrax soo bax ilaa qorrax dhac. garaadka waa lagugu yarayn doonaa. Dhabarkaaga waxaad ku qaadi doontaa culays iyo dhibaato badan, cidina abaalkaaga ma sheegi doonto. Waxaana lagu siiyey 50 sano oo aad noolaato.

Dameerkii wuxuu yidhi:- 50 sano oo dhan? Maya! Waxaan keliya u baahanay inaan noolaado 20 sano! Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

👨‍💻Waxa lagu yidhi Ibnu aadamka:- waxaa lagaa dhigay makhluuq garaad badan. Waxaa lagaa dhigay mudanaha koonka, waxaana laguu dhiibay furayaashiisa. Waxaad ku noolaan doontaa nolol qurux badan iyo dabaqyo dhaadheer waxaadna noolaan doontaa muddo 20 sano ah.

Ibnu aadamkii wuxuu yidhi:- ma waxaan noqday Bani aadam, misana ma waxa aan noolaan doonaa keliya 20 sano? Maya! Tiradaasi aniga way igu yar tahay. Waxaan rabaa 30-kii sano ee uu dameerku diiday ,15-kii sano ee uu Eygu nacay, Iyo 10-kii sano ee Daanyeerku uusan doonayn.
Dalabkiisiina waa loo fuliyey.

Muddi kaddib ibni aadamkii wuxuu yimi koonkii oo loo diyaariyey.

20 sano oo waxa uu u noolaa sida iinsaanka caadiga ah iyo nolol faakihaysi ah ilaa uu ka guursaday. Markaas wuxuu bilaabay in uu u noolaado 30 sano oo nolosha dameerka ah. Wuxuu dusha saartay masuuliyad iyo culays. Wuu ordayey wuxuuna shaqaynayey ilaa qorraxdu ka dhacdo mana uusan dhergaynin, cidina uma aysan abaal gudin.

Kaddib. Markii ay carruurtiisii kortay wuxuu ku noolaaday nolosha Eyda. Waxba ma cuno ilaa ay iyagu dhergaan. iyaga ayuu ilaaliyaa. Guriga ayuu albaabada usoo xidhaa, wuxuuna hablihiisa ka ilaaliya inay ciyaal suuq noqdaan.

Immika carruurtii way weynaadeen oo guryo iyo reero ayay wada yeesheen. Isna wuxuu bilaabay 10-kii sano ee Daanyeernimada. Wuxuu isaga gudbaa guri ka guri. Marba waxa uu soo booqdaa guryaha carruurtiisa isaga oo maaweelinaya ilmaha uu awowga u yahay. Marba mid ayuu dhabarka ku qaadaa oo la gurguurtaa isaga oo gaadhi u matalaya. Wuu u sheekeeyaa iyana maaweeladiisa ayay jecelyihiin. Daanyeer

Ina Hooyo Macaane. Waxaad haysataa 20 sano oo Insaannimo ah keliya. Hadiise aad sii jirto waxaad mari doontaa sannado badan oo xayawaannimo ah.🤦‍♂️💔 sidee ayaynu isu waaweyneyn karnaa.

Xigasho : W/Q : saadaq Abdi

31/05/2023

Dhamaan ardayda somaliyed ee f4 ka ee 2022-2023 da waxaan idinku boogadineynaa dadaalkiinii iyo juhdigiinii aad sanaado badan u soo dhabar adeygeyseen
Aadna ku soo bixiseen waqti iyo maalbo
Oo aad maanta ku soo afmeerteen si farxad lehna aad ku gaarteen gaban gabadii yoolkiina qaybtiisii 1aad ee dugsiga dare,
Guushiinii wax yarbaa ka harsan ee ha isdhiganina oo ducada afka ku haaya salaad kasta ciribteeda oo Alle ka tuuga in aad natiijo wanaagsan ka heshaan
Annaguna weli waxan idiinla garab taagan nahy ducada i.a guuleysta idanka Alle
Ibnukhaldun Intermediate and secondary school
Abdi Risaq Cise Cabdi
Cabdirisaaq Salaad Axmed
Mohamed Nor Ahmed

27/05/2023

Dhaman ardayda soomaaliyed f4 ka ah sanad waxbarasheedka 2022--2023
Ee saaka uu u billaawdey National examku waxaan idin leeyahy Allaha imtixaanka idiin fududeeyo, si nabad ahna allaha idin kugu soo dhameeyo, guuleysta oo natiijo aad ku faraxdaanna allaha idinka siiyo.
Gaar ahaan waxaan guulweyn iyo kaalimaha h**e urajeynayaa ardayda f4 rada ee dugsiga Ibnukhaldun Intermediate and secondary school .

20/04/2023

Faa'iidada istiqfaarta

13/04/2023

Solar plant !

11/04/2023

Try your best exercise

18/09/2022
12/06/2022

Maskax daada yarta ahi hakugu filnaato

Wax kasta run ha moodin
Qof kastadna daacad ha u malaynin

26/05/2022

Webiga Furaat ayaa bilaabey inuu gudho waxaana dhawaan bilaaban doonta in buurtii Dahabka ahayd ee Rasuulku Sallallaahu Calayhi Wasallam uu sheegy ay soo baxdo.

Buurta dahabka ah ee webigan kolkuu gudho soo baxaysa waa la isku layn doonaa Rasuulkeenu Sallallaahu Calayhi Wasallam wuxuu dardaarmey in qofka soo gaadha inuusan buurtaas Dahabka ah waxba ka qaadan.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لَا تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى يَحْسِرَ الْفُرَاتُ عَنْ جَبَلٍ مِنْ ذَهَبٍ يَقْتَتِلُ النَّاسُ عَلَيْهِ فَيُقْتَلُ مِنْ كُلِّ مِائَةٍ تِسْعَةٌ وَتِسْعُونَ وَيَقُولُ كُلُّ رَجُلٍ مِنْهُمْ لَعَلِّي أَكُونُ أَنَا الَّذِي أَنْجُو
2894 صحيح مسلم كتاب الفتن وأشراط الساعة باب لا تقوم الساعة حتى يحسر الفرات عن جبل من ذهب
Sidoo kale wuxuu Suubanuhu Sallallaahu Calayhi Wasallam noo sii sheegey sida loogu dagaalami doono, "Qiyaamadu dhici mayso ilaa webiga furaat uu gudho oo buur Dahab ahi ay ka soo dhex baxdo, Dadkuna ay isku dilaan, boqolkii qofba 99 ka mid ah ayaa la dili doonaa ninkasta wuxuu is odhan waxaa laga yaabaa inaan noqdo ninka badbaadaya" (ee Boqolaad).

Aduun xaaalkiisu waa kaas.
Remember linke and follow
Qore
Hassan Laki Salad Hassan

26/05/2022

Wax ka ogoow degmooyinka gobolka banaadir

1- DEGMADA WADAJIR

( Qaybta 1aad)

Degmada wadajir waxay kamid tahay degmooyinka xeebta dhaca waxayna xuduud la leedahay degmooyinka kala ah Waabari, Hodon, iyo Dharkeynleey sidoo kale waxaay xuduud la leedahay gobalka shabeelada Hoose. Magaca Degmada Wadajir waxaa loolajeedaa Wadashaqeenta waxwada qabsiga iyo iskuduubnida ay degmada wada leedahay iyo dadka degan degaaankani oo dada meelo kala duwan laga soo jebiyey oo leysu keenay degaanada laga soo jebiyey oo laga kala keenayna waxaa ka mid ah Buulo mashiidiyo Buulo xaashi Buulo mugdi Iskurarankii buulo eelaay Dadkaa isku darka ah ayaana lagu magacaabay wadajir. Degmada Wadajir Degmada Wadajir Waxaa la,aas aasay sanadii 1970 waxaana lagu bilaabay dadka aan soosheegnay oo lagakaljebiyey degaanada aan kor ku soosheegnay oo ka kala tirsanaa waaberi iyo hodan. Calanka Degmada Wadajir Degmada Wadajir waxey leedahay Calan kaas oo ka kooban sedex midab oo kala ah buluug,jaale iyo cagaar Buluuga waxaa dhexda kaga taal xidig cad kaasoo lagasoo qaatay calankeena soomaaliyeed, Midabka jaalaha ahna waxaa dhexda kaga yaala gacmo isa salaamaayo kuwaas oo muujinaaya degmada magaceed wadajir ah, Midabka cagaaran waxaa laga matalaayaa barwaaqada degmada taalo iyo in dhulka ugu nabdoon ay tahay.

Maamulka degmada Wadajir Waxaa uu u dhisan yahay sidan

Gudoomiye Degmo Gud.
kuxigeen Arimo bulsho Gud.
kuxigeen Arimo siyaasad Xoghaye Afarta Gud.
Waaxda Uruka Haweenka Degmada Wadajir Dhismaheed Maamulka Waxaa Ka loo kaaba Dhismahaasi Kaaliye Gudoomiye Madax dhaqaalaha Madax Samafalka Ururka dhalinyarada.

Degmada wadajir waxey ka koobantahay 4 waaxood kuwaas oo kala ah
1. Waaxda Jeneraaldaa,uud
2. W/Xaawataako
3. W/Xalane
4. W/Timacade
Waaxahaani Waxey kakoobanyihiin 16 laamood oo ah 50 tabeele oo ah 460 deris.
N.B sawirka hoose D.wadajir oo kaliya maahan

soomaray Degmada..................................................................................
Lasoco qaybta 2 aad I.A

16/03/2022

*U DIYAAR GA'ROOW BISHA RAMADAAN OO 26 BERI NAGA XIGTO:*

1. Haddii Soon lagugu lee yahay iska gud
2. Ramadaan ka hor Ilaahay u noqo oo u toobad keen
3. Ilaahay waydiiso in aad Ramadaan ku gaarto nolol, Caafimaad iyo nabad
4. Qor qorshayaal cadcad oo aad kari karto
5. Katanaasul balwadaha naftu laqab satay
6. Niyadaada wanaaji
7. Dadka cafi oo noqo qof laab xaaran
8. Daymaha iska gud
9. Gurigaaga iyo reerkaaga diyaari
10. Baro ama dul mar axkaamta Soonka
11. Ka takhalus waxyaabaha ku mashquuliya oo khayrka kaa hor taagan
12. Naftaada sii edbi oo kheyrka sii jeclaysii
13. Howlahaaga sii kala nidaami
14. Saacadaha baraha bulshada sii kala yaree
15. Ka fagow wax kasta oo wakhtiga kaa cuna
16. Qur’aanka sii xifdi oo dib ugu laabo
17. Salaadda habeenkii nafta sii bar
18. Salaadaha sunnaha bilow oo xooji
19. U tababar naftaada bixinta sadaqada
20. Caruurtaada wax bixinta ku ababi
21. Qalbigaaga Ilaahay u kali yeel
22. Xuska Ilaahay badi iyo salliga nabiga SCW
23. Soojeedka ajar la'aanta ah jooji
24. Hurdaada wakhti usamee
25. Cuntada iska sii yaree
26. Masjidka ku nagaad oo haka cararin guriga Allah
27. Adeegaaga badankiis Ramadaan ka hor sii gado
28. Qur’aanka sii bilow oo dhaqaaq samee
29. Xasuusnow Ramadaan waa bil cibaado Ee maahan bil cunto kana dheerow cuntooyinka saliidda badan,
30. Utur walaalkaaga caawinta ubaahan
31.Cafis kadalab dhamaan dadka
32 Ilaasho salaadaha jimcaha
33 Ugu dambayntii faafi khayrka

Photos from Nur Ali Guleed page's post 08/03/2022

’m 25. My father is 2 times my age. When I’ll be 50, how old is my father #

Photos from Nur Ali Guleed page's post 08/03/2022

Hamplyo BA18A at Darul-xikmah

31/12/2021

1- waxey iskuulka nagu bareen in Christopher Columbus uu ahaa ninkii helay Amerika, laakiin waxey naga qariyeen inuu dilay maalyiin cali beesteen ah( Hindida gaduudan, asalka dadka mareykanka loogu tagay).

2- waxey iskuulada nagu bareen in Majlan uu ahaa nin juquraafi oo dhulal badan helay, laakiin waxey naga qariyeen inuu ahaa ninkii dumiyey masaajidka weyn ee wadanka Filibiin, dad badana laayey oo muslimiin ah.

3- waxey iskuulka nagu bareen in dowladii Amawiyiinta ay aheyd dowladii ugu h**eeysay ee bilaawda in xukunka la Kala dhaxlo, waxey naga qariyeen in dowladii Amawiyiinta ay diinta ku faafisay shiinaha ilaa Andalus.

4- waxey iskuulka nagu bareen in dowladii Cusmaaniyiinta ay daciif aheyd ilaa ay u bixiyeen " the sick man in Europe", waxey naga qariyeen in dowladii Cusmaaniyiinta ay furatay magaalada Istanbul ayna qabsatay yurubta bari oo dhan, ilaa magaalada Vienna laga celceliyo.

5- waxey iskuulka nagu bareen in mamaaliikta ay ahaayeen adoomo xukunka Masar xoog ku qabsaday, laakiin waxey naga qariyeen mamaaliikta ay horjoogsadeen qatartii Maguulka ama Tataarka ayna ku jabiyeen dagaalkii Ceyn Jaaluud.

Waxey na bareen waxey naga qariyeen ayaa ka badan.

Sidirikam!!!!

Xiriirka ka dhexeeya hurdo la'aanta iyo tabaryarida dhanka galmada - BBC News Somali 30/12/2021

Faa'iidooyinka hurdada

https://www.bbc.com/somali/war-58389651?at_campaign=64&at_custom4=14161860-68CF-11EC-83C9-E5540EDC252D&at_custom2=facebook_page&at_medium=custom7&at_custom3=BBC+News+Somali&at_custom1=%5Bpost+type%5D

Xiriirka ka dhexeeya hurdo la'aanta iyo tabaryarida dhanka galmada - BBC News Somali Sababaha aaney dad badan hurdo ku filan u helin ayaa waxaa ka mid ah niyad-jabka iyo feejignaan la'aanta khataraha ku imaan kara qofk haddii uusan si wanaagsan u hurdin.

29/12/2021

Mucjisooyinka uu leeyahay Numbar 7

-Qaaradaha Aduunka waa 7

-Samooyinka waa 7

-Albaabada Naarta Waa 7

-Kacbada waxaa lagu soo wareegaa 7

-Maalmaha Asbuuca waa 7

-Kuwa Harka Alle Harsanaya Maalinka qiyaamo waa 7

-Nabigeena Muxammed Scw Caruurtiisa waxay ahaayeen waa 7

-Quraanka waa 7 jalaad.

Bal ku darso adigana😅

Qor Alxamdullilah

DHEH,

29/12/2021

𝐃𝐞𝐚𝐫 𝐦𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧.
Marabtaa inaad macalin wangsan noqoto.

Haddaa tahay micalim fadlan qaado talooyinkan quruxda badan:
💼📖
1. Khibrad lahaaw:
Sedaxda sano ee macalinnimada kuugu h**eyso si fiican u hormari naftaada oo kabci habka aad casharada u bixiso oo dooro waddo saxan ood ku socon doonto waayo wixi 3daas sano ka dambeeya wey kugu adkaaneysaa inaa badasho dabeecadda iyo qaabka aad casharada u gudbiso.
💼📖
2. Isku kalsoonoow:
Looma baahna macalin aan isku kalsooneyn oo cabsoonaya, looma baahna macalin aan aqoon casharka halkuu ka bilaabi lahaa oo buuga rogrogaya ama aan cod dheer wax ku sharxi karin casharada, loomana baahna macalin ardayda ka xishoonaya oon indhahooda eegi karin.
💼📖
3. Qorshe wanaagsan la imaaw:
Fasalka intaadan galin ahaaw macalin ay u kala qorsheysanyihiin daqiiqadaha uu fasalka ku jiro waxa uu qaban lahaa, noqo macalin waqtigiisa maareeya oo waqti firaaqo ah uusan usoo harin intuu xisada ku jiro, noqo macalin casharada horay usoo diyaarsaday oo buug u gaar ah kusoo koobay casharka uu bixinayo, noqo macalin diyaarsan oon isku dhexyaacsaneyn.
💼📖
4. Badbadal qaabka aad ardayda wax u bareyso:
Yeysan kugu caajisin ardayda oo mashquuli mar walba intey adiga kugu mashquuli lahaayeen oo ay kugu buuqi lahaayeen waayo caajiska ardayda wuxuu sababayaa in uu fasalka wada buuq noqdo oo uu farahaaga ka baxo, sidaa awgeed marna casharka u sharax mar su'aalo ay fasalka uga shaqeeyaan u dhiib, marna dhiira gelin iyi hadalo wax u kordhinaya u sheeg, oo haddey caajisaan halmar istaaga ku dheh ee nashiidado qaada, ha noqon macalin xisadiisa lagu caajiso marnaba.
💼📖
5. La kaftan ardaydaada oo bashaash noqo:
Lahadal ardayda oo la kaftan lana tali waayo waa ay kuusoo dhawaanayaan warna wey kaa qaadanayaan.
💼📖
6. Mashaakilka noloshaada iyo haddaa xanaaqsantahay ama murugeysantahayba albaabka 🚪 fasalka uga soo tag oo adoo faraxsan soo gal fasalka waayo gurigaaga ood qofkaa doonto ku xanaaqeysid ma joogtid.
💼📖
7. Ku dhex jir ardaydaada:
Ha taagnaan ama ha fadhin xisada oo dhan sabuuradda akteeda intaa casharka sharaxeyso, ee kusoo dhex socsoco fasalka oo ardayda lasoco kan wax qoraya iyo kan iska cayaaraya, oo marka ay su'aalo ka shaqeynayaan saf waliba ag istaag oo fiiri sida ay wax uga jawaabayaan oo hadduu arday caawimaad u baahani jiro caawi, waxay xoojineysaa xeriirka ardayda iyo macalinka ka dhexeeya aad ayeyna ku ixtiraamayaan.
💼📖
8. Jeclaaw shaqadaada:
Wax baridda waa shaqada kaliya ee aysan wanaagsaneyn in uu ka shaqeeyo qof neceb..
Haddeysan wax bariddu ku xiiso gelineyn ama aadan ku faraxsaneyn, haddaadan la kulanka ardayda iyo sabuuradda istaagisteeda aadan u xiiseyn oo aysan qiimo kula laheyn, haddaadan mas'uuliyad dareemeyn oodan waajibkaaga sidi larabay u gudaneyn haddaba raadso shaqo kale oo kuu dhaanta waayo macalinnimadu waa mas'uuliyad weyn oo gacmahaaga ayaa soo saarayaa jiil aqoon leh oo awood leh.
Haddaadan daacad u aheyn shaqadaada ama mishaarka aadan ku qanacsaneyn fadlan macalin ha iksu noqon, waayo cilmiga ma ahan wax la hagrado oo lagu ciyaaro.
💼📖
9. Si fiican u labiso mar walba oo muuqaalkaaga hagaaji, sidoo kale fartaa sabuuradda ku qoreyso mid kala baxbaxsan oo aad u qurxoon ha noqoto waayo ardayda waxay macalinka dhan waliba ka wanaagsan ka dhigtaan tusaale waana ay ku daydaan.
💼📖
10. Ardaygii dhib badan xafiiska geyso ee wareyso waayo haddaa ardayda hortooda ku canaanato ciil buu kasii qaadayaa.
💼📖
11. Hakuu wada sinnaadaan ardayda oo si gaar ah ha usoo dhaweysan arday ad macalin u tahay iskana ilaali inaa noqoto macalin gabdhaha ardayda ah xeriir la yeesha waayo waad qiimahi ay ardayda kuu hayeen aad buu u yaraanayaa taasna kuuma wanaagsana.

Plz share garee ajarbaa kuugu sugan ❤

29/12/2021

KAFTANKA caawa

Xariif reer Waaberi ah ayaa xaaskiisa furay ayadoon la aqoon wax ay ka halleysay, cidda gabadha ka dhalatay waxey codsadeen in ninkan uu u sheego waxa gabadhoodu ka bi’isay, wuu diiday illaa maxkamad la isla tago in uu sheego waxa uu ku furay xaaskiisa.

Maxkamaddii marka la geeyay waxaa la weydiiyay “Maxaa ku furtay xaaskaaga oo ay kaa halleysay”?.

Waxuu yiri asoo xanaaqsan “Rikoorkii umaay majawin kartoo”.

Haye maxey dhibeysaa haddey jabiso?.

Umaay BBC ma rabtoo.

Waxaa la yiri “Intaas maa u furtay xaaskaaga”?.

Waxuu yiri “Maxaa jiraa, intaas bilaayo ka weyn maa jirtaa, us rikoor jawiyoow maxaa xigaa

Ciddii gabadha oo awalba yaabanaa oo islahaa toloow maxaa lagu arkay gabadhiina ayaa farxad iyo qosol billaabay.

Maxkamadda xaakimkii joogay ayaa ku yiri ninkii “Rikoorka hooyadaa haddey jabisay maxaa midkale melaha ugaso gadi weysay si aysan u dhaafin BBC adna aad xaaskaga u heysato”.

Xariifkii ku yeh “Leeeeeee waanba hilmaami taas, waan ku tuugaa beentiis waye maka furmato dheh, ilaahey macbuudkii xaaskeyga waan jeclahay Rikoorkaas ay sawabsatay maahine.

24/12/2021

Jwb wacan inta xisaabta ku fiican

24/12/2021

WAXAY TIRI

Aabahey Ayaa Albaabka Iisoo Garaacay Aniga Oo La Sheekeysanaya Xabiibkeyga Aan Jecelahay... Laakin Uma Aanan Jawaabin Aabe.

Albaabka Ayuu Soo Furay Laakin Dheg Jalaq Uma Siinin..

Cabaar Ayuu I Ag Taagnaa Illaa Aan Hadalka Ka Dhameystay... Kadib Ayaan Dhankiisa Soo Eegay.

Isaga Oo Dhoolla-caddeynaya Ayuu Igu Yiri; Maxaad Sameyneysey?

Waxan Ku Iri; Aabe Wax baan Weydiisanayey.

Aabe Ayaa Igu Yiri; Oo Maxaad Aniga Ii Weydiisani Weysey Soo Aabahaa Ma Ihi?

Waxaan Ku Dhahay; Aabe Ma Ahan Wax Aad Awooddo Oo Gacantaada Ku Jira.

Aabe Ayaa Ugu Yiri; Maad Reerka Soo Dhex Fariisatid, Oo Casho Soo Doonatid?

Waxaan Ku Dhahay; Maya Aabe. Xabiibeyga Ayaan Iskala Sii Sheekeysanayaa, K**a Maqnaan Karo!

Aabe Ayaa Igu Dhahay; Oo Ma Sidaas Oo Dhan Ayaad U Jeceshahay?

Waxaan Ku Iri; Haa Aabbe. Qalbigeyga Ayuu Degay.

Kadibna Aabe Ayaa Iga Dhaqaaqay Aniga Oo Wali Ku Fadhiya Salligii Aan Ku Tukanayey..... Isaga Oo Dhahaya; Wallee Tarbiyadaadii Kuma Qasaarin Alxamdulillaaah!

Xabiibka Laga Hadlaayo Waa Allaah SWT.

Owlaadda Alla Hanoo Hagaajiyo🤲

Intii Sheekada Wax Kale Moodeysana Alla Ha Caafiyo🤲

Abdullahi HEYNOSH Mohamed

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Faa'iidada istiqfaarta

Telephone

Website

Address

Mogadishu
Other Mogadishu schools & colleges (show all)
Maxamud Osman Mahamed Maxamud Osman Mahamed
Mogadishu, M

Bogeeyga rasmiga ah waakan waxan ahay ardey dhigta heerka koowaad ee jaamacada kuliyatu shareeca wal qaanuun sidoo kale waxaan ahay bare culuumta shareecada iyo maadiga .

Samiir Beerof page Samiir Beerof page
Hanaan Guast House Dolow
Mogadishu, CIISAYARE

Dolow

Hamar Research and Consultant Center Hamar Research and Consultant Center
Wadajir, District, X-Zobe
Mogadishu

Hamar Research and Consultant Center is Research center those quipping researchers and students

Faculty of medical laboratory_ plasma University Faculty of medical laboratory_ plasma University
Mogadishu

without laboratories men of science are soldiers without arms �

Nile University of Science and Technology Nile University of Science and Technology
KM5, Zoope Street
Mogadishu, 252

Nile University is based on innovative quality instruction, research, and service to society.

Gap Bridge Institute For Research & Consultancy Gap Bridge Institute For Research & Consultancy
Digfeer Road
Mogadishu

GAP BRIDGE INSTITUTE FOR RESEARCH & CONSULTANCY 1. Research initiatives 2. Consultancy 3. Training

Fiiqsade fiigsan Fiiqsade fiigsan
+252619680308
Mogadishu, 2468

My page will be sent anything which is important for the society

Somali Formal Somali Formal
KM4/Taleex
Mogadishu

Standard Somali Project

TAAJU DIIN TAAJU DIIN
Mogadishu
Mogadishu

DIIN

nafiiso nuura nafiiso nuura
Mogadishu, 252

waxan ku soobandhiga fikirgayga nagu Soo biir wall

Kiyaaz official Kiyaaz official
Warshadaha
Mogadishu

I normaly motivate people specially students at university or schools