Mogadishu Channel
Nearby media companies
Mogadish 252
Muqdisho 2526
Street
Degmada Boondheere Gaar Ahaan Dhabarka Dambe Ee Xanaanada Gabdhaha Agoonta
0000
Wadada Dabka
Banaadir
Mogadishu
Km5
24 hours
Mareykanka ayaa dhowr diyaaradood oo militari oo ay ku raran yihiin hub iyo saanad kale oo militari ka dejiyay Suuriya , iyadoo la geynayo saldhigyada uu halkaa ku leeyahay, tallaabo lagu sheegay in looga hortagayo weerarro ka imaan kara Iran iyo xulafadeeda kooxaha ay taageerto ee gobolka.
Ururka Xisbullah, wuxuu markii u horreysay u adeegsaday weerar ka dhacay bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Telaabiib gantaalka ballistic-ga ee Fateh-110, kaasoo leh madaxyo qarxa oo culeyskoodu dhanyahay 500 kg.
Fiiro gaar ah;
Inta badan gantaalkan waxaa lagu garaaca bartilmaameedyo muhiim ah, iyadoo la arkay 24 saac ee la soo dhaafay inay Xisbullah weerarro ka geysatay saldhigyo militari, warshado wax soosaarka militariga, garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla Telaabiib iyo haraarihiisa, halka Israa’iil oo u muuqata inay weerarradan ka aargoosanayso ay weerarro culus ka geysatay gudaha Lubnaan oo uu ku jiro meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Rafic Hariri ee ku yaalla Beirut.
Xogta. Iman Jama
Ruushka oo ka gows-adaygay in uu tahniyad u diro Trump: "Ha iloobin in Mareykanku yahay 'dal aan saaxiib ahayn' kaas oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh dagaal ka dhan ah dawladeena." - Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.
Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka ololaha Trump, ayaa ku dhawaaqday in tallaabada u horreysa ee uu qaadayo Trump marka uu xafiiska la wareego inay tahay fulinta ballan-qaadkiisii ahaa masaafurinta muhaajiriinta aan sharciga haysan, sida ay baahisay shabakadda NBC News.
Leavitt ayaa tiri; “Dadka Mareykanka waxay gaarsiiyeen guul lama filaan ah madaxweyne Trump… guushani waxay awood u siinaysa Trump fulinta ballanqaaadkii hawlgalkii ugu weynaa ee masaafurinta, si wax looga qabto guul-darrooyinka siyaasadda socdaalka ee Kamala.”
~Iman Jama
Soomaaliya oo ku biirtay dalalka tahniyadda u diraya madaxweynaha la doortay Donald Trump.
Trump oo jeediyay khudbadii u horreysay , wuxuu sheegay; “Ma billaabi doono dagaallo, waan soo afjari doonaa.”
Hoggaamiyayaasha Yurub ayaa hambalyo u diray Trump. Waxay rajeynayaan dib u doorashadiisa inay horseedo nabad.
Trump oo markale noqonaya Madaxweynaha Mareykanka: “Waxa samaynay taariikh iyo guul siyaasadeed oo aan wadankeenu h**e u arag".
Netenyahu ayaa durba tan ku tilmaamay 'Soolabasho-taarikhi ah' tii u weyneyd.
Haseyeeshee soolabashadan waxa ay hoos u dhigtay rejada soogalootida ay Soomaalida u horreyso, xilli DFS ay bilaabayso soocelinta Soomaalida bilaa sharciga ku ah dalalka Yurub.
~Mohamed Salh
Gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar ayaa markii saddexaad xejisatay kursigeeda Aqalka Wakiillada, degmada shanaad ee Minnesota ee Mareykanka.
Xarunta dhexe ee ololaha Kamala Harris ee Washington , waxaa dadka ku sugan laga arkayaa inay jab, iyadoo dadka qaar ay billaabeen inay isaga baxaan goobta ay ahayd in dabaal-degga u horreya ay ku qabsadaan haddii ay guul ka gaaraan doorashada, lamana filayo inay wax hadal ah jeediso waqtigan taageerrayaasheeda Harris.
Donald Trump ayaa hoggaaminaya natiijada hordhaca ah , isagoo helay 240 cod halka Kamala Harris ay heshay 210. Waxay u baahanyahay si uu usoo afjaro waddada uu guushiisa ku gaarayo Trump inuu ku guuleysto kaliya Pennsylvania ama Michigan.
Xisbiga jamhuuriga ee uu ka socdo Trump ayaa sidoo kale qarka u saraan markii u horreysay tan iyo 2020 inay guul weyn ka gaaraan aqalka senate-ka iyagoo ku dhow aqlabiyada golaha, waxaana suuragal ah inay sidoo kale la wareegaan aqalka Congress-ka.
Fiiro gaar ah;
Kooxda ololaha Harris, ayaa laga soo xigtay inay aad cariiri u tahay guul ay doorashada ka gaarto haweenayda, waxay sheegayaan inaysan rajada lumin, balse ay ku soconayaan waddo cariiri ah, halka Elon Musk oo ay hal miis wada fadhiyaan Trump uu sheegayo guusha ay ku dhowyihiin.
Waxay u muuqataa inan galnay waqtigii jamhuuriga oo labada aqalka illaa aqalka cad si aqlabiyad leh ugu guuleysanaya! Waxaana u maleynaya inuu Trump taariikh sameyn doono oo kaliya cododka loo baahanyahay si uu u guuleysto ee 270 inuu dhaafayo..!
Qore: Iman Jama
Dibadbaxyo looga soo horjeedo xil ka qaadista wasiirkii difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa ka billowday magaalada Tel Aviv, iyadoo dibad baxayaasha ay xireen waddada isgoyska Shalom.
Dalka Equatorial Guinea ee ku yaalla xeebta galbeedka ee Afrikada dhexe ayaa hadal heyn ka dhaliyay dunidda, taa oo xataa ka sare martay doorashada Mareykanka , kaddib markii madaxii hay’adda dambi baarista qaranka ee maaliyadda, Ebang Engonga oo lagu waday baaritaanno la xiriira musuq maasuq lagu eedeyay laga helay telefoonnadiisa muuqaallada haweenka ay qabaan madaxda sare ee dawladda ; Madaxtooyadda, wasiirrada, xildhibaannada , shaqsiyaadka saameynta leh illaa xaasaska walaalaha isaga la dhashay oo uu gogol-dhaaf la sameynayo. Arrintan waxay noqotay dhacdo aan h**ey loo arag , taa oo ka dhigtay dalkii Equatorial Guinea mid caan ku noqday dhaqan-xamadii ugu xumeyd ee hal qof uu ku kacayo isagoo beegsanaya xaasaska madaxda, oo ay ku jiraan haween saameyn ku lahaa siyaasadda dalkaa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Fiiro gaar ah;
Dawladda Equatorial Guinea oo hadda wajahaysa xaalad jahwareer ah ayaa xabsiga dhigtay sarkaalkan sare, Ebang Engonga oo ay qaraabo yihiin madaxweynaha Equatorial Guinea. Sidoo kale waxaa la qaaday tallaabooyin lagu xaddidayo muuqaallada haweenka madaxda oo gaaraya ku dhawaad kun haween ah oo baraha bulshada lagu baahiyay, hadda waxaa la xiray in muuqaal lala degi karo lana daawan karo ama la wadaagi karo gudaha dalka Equatorial Guinea, si hoos loogu dhigo fadeexadan.
Sawirka; Ebang Engonga.
Warbixinta: Iman Jama
Taliye Ku xigeenka Sirdoonka Sacuudiga iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada muqdisho iyaga kulamo la qaatay madaxda hay’adda Nabad Sugidda Qaranka
Taliyaha Hay’adda sirdoonka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolahe iyo taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga ayaa qaatay kulamo looga hadlay xoojinta xariirka Sirdoon iyo iskaashi ee labada dal.
Sanbaloolahe ayaa bishii July tegay dalka Sucuudiga halkaas oo kulamo kula soo qaatay Sirdoonka Sucuudiga kaasi oo laysla gartay xoojinta xariir iskaashi oo sirdoonka iyo amniga qaranka ah.
~Abdulkadir Ok
Diyaarad ku dhacday dhul ay joogaan kooxda AS ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo is khilaafsan.
Diyaaraddan oo aan la ogayn dowladda iska leh ilaa iyo hadda ayaa gacanta u gashay kooxda AS.
Ila mihiim ah ayaa sheegay in aysan diyaaradda lahayn Turkiga oo aysan kuwa fuliya duqaymaha.
Dowladda Soomaaliya ayaana wax war ah ka soo saarin dhacda la xariirta diyaaraddan.
Xogta. Abdulkadir Ok
Qaraxyo ayaa ka dhacay warshada shidaalka Tupras oo ku taalla magaalada Izmit, ee bariga Istanbul ee dalka Turkiga, sida ay ku warrantay Al Jazeera oo xinaysa warbaahinta Turkiga.
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth ayaa ku warramay in guutooyin ka tirsan ciidanka Israa’iil laga soo saaray xadka Lubnaan, taa oo ka dhigan in hoos loo dhigi doono howlgalka dhulka ee ay Israa’iil ka wado xadka Lubnaan.
Dowladda Ireland waxa ay kala guri la'dahay lacag; Tani waxa ay ka timi heerarka cashuuraha hooseeya oo keeney in ay saldhigtaan dalkaasi shirkadaha ugu waa weyn caalamka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu
HOTELWEHLIYEAREA
Km4, Mogadishu , Banadir
Mogadishu, 252
Page Kaan waxaad ka heli kartaa buug kasto of pdf ah
Mogadishu
asxbta kusoo dhawaada page cusub waxaad kaheley kartaa waxa waliba oo xiisaleh
Mogadishu
Follow na dhaha Saxibayaal Waxaad Naga heleysaan warbixanadii ugu dambeeyey ee gudaha dalka iyo diba