Nasrullah Medical & Lab
adunyadu wa Safar Aan Sadkeeda idlayn. si kastabo Sidee noqad alla ogee. hadbo waxan Sidana Rabow Sa Nasrullah medical and lab Technical welcome
What is difference?
What's is used this Medical?
Micnazole cream 30 gram (Cyprus)
Qaado wax Tayo Leh Tabarta kugu naci meyno Kaali macmiil.
What's app nagala soo xariir xogta macmiilka wa mid asturan "don't shay our costumer"
Ompecon Cap 20mg UK waxaad ka heli kartaa Nasrullah what's nagala soo xariir macmiil
ECH
The drug used for Deworming in children is?
Name And use
WHO
Soo dhawaada
An kula Xalino Nabraha ku yalla Jirkaga insha allah
Wa diyaar Macmiil
Wa diyaar
Nasrullah medical
Kuwan iyo kuwa kalabo kuso dhawaada
Waa Khayb ka mid ah daawooyinka aan hayno Soo dhawaada Walalayaal.
Xataa waxan kuu sheegi Doona Caruurtaada kuwa liita ee ah Malnutrition.
Ka dibna haddi Canugagu Liita Nasrallah Pharmacy waxay kuu gudbin doontaa Xarunta uga dhow Ee SC,OTP ama TSFP si Bilaash ah So dhawow
Kuso dhawaw Daawo tayo leh
True
Tijaabi aqoontaada
What is Used for?
Waa maxay cudurka Monkeypox ?
Monkeypox (Furuqa daanyeerrada), waa cudur uu keeno il-ma'aragga viruska oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan famil-ka Poxviridae. Monkeypox Waa cudur virus ah oo ku dhaca xayawaaanka, u na gudba banii-aadamka (zoonotic disease). Waxaa badanaana lagu arkay keymaha Afrikada dhexe iyo Afrikada galbeed.
Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, nabarro afka biyo iyo malax ku sita iyo qanjirro-barar (fever, rash and swollen lymph nodes). Monkeypox badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 toddobaad gudahood ah (self-limited disease with the symptoms lasting from 2 to 4 weeks).
Xaalado aad u daran ayaa dhici kara mararka qaarkood oo dhimasho keeni kara (Severe complicated cases can occur). Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xayawaan qaba cudurka. Calaamadaha lagu garto waxay u eg yihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hadda ka hor laga dabarjaray, iyada oo la isticmaalay Tallaal, xaaladdii ugu danbaysay ee cudurka furuqa guud ahaan caalamka waxaa lagu arkay soomaaliya gaar ahaan Shabeelada Hoose.
Monkeypox waa ka faafid yar yahay, waana ka dhimasho yar yahay marka loo eego cudurkii furuqa ( smallpox). Monkeypox Waxaa looga hortagaa Tallaalkii cudurka furuqa lagu dabarjaray, kuwa cusubna hadda ayaa loo helay. Sidoo kale waxaa dhowaan la helay daawooyin la gu la tacaalo xaaladaha cudurkaan uu soo rito.
Fadlan aan feerjignaan muujinno si aan uga badbaadno cudurkaan oo maalmahaan dunida aadka ugu faaafay.
Xigasho: WHO
https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/monkeypox
Tarjumid: Dr Ismaaciil Xuseen Feyte
Maxaa Loo isticmaala Kaninkaan?
Qurux masha allah
Cudurkaan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa "Varicocele", waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha (Vein) uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keeneysaa in dhiig badan xididada ku aruuraan oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqanyso xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.
Varicocele wuxuu ku dhacaa hal xiniin ama labadaba, laakiin boqolkiiba 90% wuxuu ku dhacaa xiniinta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska ah u taga wadnaha.
Xanuunkaan Varicocele wuxuu ku dhacaa 15% dhamaan raga, waxaana lagu tiriyaa xanuunada ragga u keena madhalysnimada aasaasiga ah (primary) 20-40% iyo nuuca sare (Secondary) 45-80%.
Xanuunkan wuxuu horseedaa unugyada dhalmada qaabilsan in ey howlgabaan, sababtuna waaa heerkulka dhiigga xiniinta ku raagay oo sarreeya, heerkulkaasi wuxuu yareeyaa tirada iyo tayada shahwada.
Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.
Xididada arooriyaasha Alle wuxuu ku dhex abuuray wax loo yaqaano Haniye (Valve) oo howshoodu tahay in dhiigga uusan dib ugu soo laaban meesha uu ka baxo, cilladaani waxay timaadaa markuu haniya shaqayn waayo ama daciif noqdo, taasi ayaa keento in dhiigga mar walba dib u soo laabto oo xaniinta ka bixi waayo.
Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
Badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cilladaan, laakiin waxay dadka qaar dareemi karaan xanuun xaniinyaha ah, culeys laga dareemo xiniinyaha, xiniinta oo baaba'do ama yaraato muddo kadib iyo xididada bararkooda oo soo kordho.
Sidee loo hubin karaa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaaladaha qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii bilaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
* Ultrasound kalarka ah (Doppler Ultrasound).
* Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
* Baaritaan xididada arooriyaasha.
Waxaase ugu muhiimsan baaritaanka ugu korreeya, waana muhiim in cilladaan laga sooco dhowr xanuun oo badanaa lagu qaldo waxaa ka mid ah Eeranada qoraha gasho (Scrotal hernia), Biyaha xiniinyaha galo (Hydrocele), Jugta xiniinyaha gaarto (Testicular hemorrhage or hematoma), Caabuqa xiniinya ku dhaca (Orchitis) Iyo kuwa kale oo badan.
Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Haddii aadan xaas lahayn, wax xanuun ahna aysan kugu hayn ama baaritaanka shahwadane ay normal tahay ama caruur aad dhashay, wax daawo ah uma baahnid, waxaana cilladaan ay ku badan tahay dadka caatada, da'dooduna u dhaxayso 15 illaa 25 sano.
Haddii xanuun uu jiro ama shakki madhalaysnimo ay jirto ama cabsi laga dareemo baaritaanka shahwada, waxaa qofka lagu sameeyaa qalliin loo yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo lagu xirayo xidddada jiran.
Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, hadii aad u baahatid waad igala soo xiriirikartaa.
Hadii qaliin lagu sameeyo dhalmada ma soo laaban kartaa / madhalikaraa ?
- [ ] Haa hadii qaliin lagu sameeyo Varicocele inkabadan 90% waa lagu guuleystaa, bukaankane shahwadiisa wey caafimadeysaa kadibna tarankiisa wuu hagaagayaa.
Caafimaad taam ah ayaan idiin rajeynayaa.
Xuquuqda qormada: SomaliDoc
Kaliya waxyar baan kusoo kordhiyey.
Maxaa utaqaan xaaladan caafimaad
Ramadan kariim
Jawabta case kan isku day
Ramadan mubarak
Soo dhawada Sxbyaal
Dhamanteen Kuwo caafimad qabba allaha inaga wadda dhigo.
Waad Salamantahiin Saaxibada Halkaan ku xidhan
πNasrullah Medical & Lab
Xabad sowdada waxay ugu horraysaa miraha laga helo caafimaadka, waxaana lagu daaweeyaa cudurro badan oo aan halkaan maanta ku xusi doono oo badankood tijaabo iyo cilmi baaris lagu arkay.
Horay ayaan uga hadalnay xabad sowdada guud ahaan, laakiin maanta waxaan diiradda saari doonnaa saliidda xabad sowdada.
Annagoo og, faaida diinteena ay ka sheegtay xabad sowdada ayaan waxaan rabaa maanta cilmi baaris ahaan waxa laga sheegay in aan idin la wadaago.
Xabad sowdada waxay ka mid tahay geedaha aad loo diraaseeyay oo dad badan wax ka qoreen, waxaana la qiyaasaa ku dhawaad in 300 ka badan oo diraasado kala duwan in lagu sameeyay.
βQaabka ay cudurrada u la dagaasho:
β’ La dagaallanka infakshanka khaas ahaan cudurrada bakteeriyada ay keento.
β’ Xoojinta difaaca jirka iyo ka sifeynta jirka sunta iyo waxyaabaha khatarta ah.
βXanuunada la arkay in ay daawo u tahay oo si dhakhso ah loogu bogsado waxaa ka mid ah:
β’ Madax xanuunka
β’ Ilko xanuunka
β’ Hargabka iyo Durayga
β’ Xanuunada dheefshiidka ku dhaco
β’ Xanuunada lafaha
β’ Neefta iyo Sanboorka
β’ Xajiinta iyo Allerjiga
β’ Sonkorowga / Kaadi macaanka
Waxaa kaloo la ogaaday in caadada dumarka ay u fududeyso, waxayna siyaadisaa caanaha hooyada ilmaha nuujiso.
Saliidda qaababka loo isticmaalo waa in la marsado ama la cabo iyadoo lagu qasan karo cabitaan kulu sida shaaha, caanaha ama cabitaan qabow sida juuska, waxaa kaloo lagu dari karaa biyo kulul, kadibna uumiga ka soo baxo ayaa la isku huurin karaa markii lagu daawaynayo cabburka, xiiqda iyo sanboorka.
βXanuunadaan aan kor ku soo xusnay sidee loogu daaweeyaa?
β’ Neefta: Qaado buuxda oo saliid xabad sowdo saafi ah ku qaso koob coffee ah laba jeer maalintii, xabadkane marso habeen kasta muddo usbuuc ah, waxaa kaloo isku qiiqisaa uumiga adigoo ku dhibciya biyo kulul oo aad isku dabooshay. (baaritaan lagu sameeyay dalka malaysia waxaa lagu ogaaday in Neefta ay ku daaweeyeen qaabkaan aan kor ku sheegay.
β’ Sonkorowga: Takhaatiir u dhalatay dalka India waxay sheegeen haddii Koob buuxa oo miraha xabad sowdada ah, koob haafkiis miraha geedka bagalka "watercress seeds" iyo koob haafkiis qolofta rummaanka "pomegranate peel", kadibne la isku shiido, kadibne qaado haafkeeda oo waxa shiidan ah lagu qasto qaado saliid xabad sowdo ah, subax kastane quraacda ka hor la isticmaalo muddo bil ah, waxay sheegeen in sokorta ay dajinayso oo qofka daawo kaga maarmi karo!!!
β’ Sanboorka iyo Cabburka: Isku uumi ama isku qiiqi saliid xabadsowdada adigoo ku dhibicya biyo aad u kulul kadibna isku daboola illaa aad safiican ugu neefsatid.
β’ Madax xanuunka: Madaxa foolka iyo dhinacyada oo lagu daliigo saliid xabad sowdada waxaa la ogaaday inuu u roonyahay madax xanuunka loo yaqaanno "Tension headache iyo Cluster headache", akhriso noocyada madax xanuunka:
β’ Murqo xanuunka: sidoo kale ku daliig meesha lagaa hayo, muddo 5 daqiiqo ah.
β’ Xanuunada lafaha iyo Roomatiisamka: Sidoo kale takhaatiir shiinees ah waxay sheegeen haddii saliidda xabad sowdada la qandiciyo kadibne lagu daliigo xubinta ku xanuunayso illaa jirka safiican u gasho, kadibne hal qaado oo saliid xabad sowdada oo la cabo sedex jeer maalintii in ay daawo u tahay xanuunka roomaatiisamka "Rheumatoid Arthritis".
β’ Ilkaha iyo Cirid xanuunka:Miraha xabad sowdada oo lagu kariyo Khalka "Vinegar", kadibna ku dar saliid xabad sowdo, subax kastane ku cadayso iyadoo cajiin camal ah.
β’ Quumanka: Caruurta quumanka ku soo noqnoqdo, waxaa dhuunta loo mariyaa saliid xabad sowdo, habeen kasto markay jiifanayaan, subaxiina iyadoo shiidan ayaa afka laba far qaadkeed loogu shubaa, tan waxay ka hortagaysaa bararka iyo infakshanka quumanka.
Waxaa jiro xanuunno kale oo dhowr ah oo xabad sowdada lagu daaweeyo, dad badan oo tijaabiyayne way kuu sheegi karaan xanuun hayay oo ay kaga daawoobeen, taasi macnaheeda maahan in xabad sowdada cudurkii baaris lagu ogaaday kaliya in ay waxtar u leedahay.
Mida kale wax kasta miisaan iyo cabir ayay leedahay, haddii la iska badiyo saliid xabad sowdada way dhici kartaa in ay dhib kuu keento.
Nasrullah Medical & Lab
Visit π la wadag Bulshadeena
Qumanka waa qanjirada ku yaala xaga danbe ee cunaha, waxa ay ka hortagaan cudurada soo weerara jirka waa difaaca ugu h**eeya ee jirka intiisa kale. marka uu infekshan amaba caabuq haleelo dalqada waxaa loo yaqaanaa caabuqa Qumanka. Quman-ka waxa ay ku dhici karaan qof kasta, in kastoo ay caruurta ay ubadan yihiin. astaamaha qumanka waxa ka mid ah oo lagu gartaa cunaha oo xanuuna, quman-ka oo barara iyo qandho. Xaaladaan waxay sabab u noqon kartaa in feyruska iyo bakteeriyada ay jirka si fudud ku galaan. Waxaa si fudud lagu baaraa oo lagu ogaada caabuqa qumanka. Marka la daweeyo astaamahana waxay ku baxaan muddo 10 maalmood gudaheeda.
Maxaa Sababa
Qumanku waa difaaca ugu h**eeya ee jirka,waxaa ku xareesan unugyada cad cad ee dhiiga oo ka hortaga in jirka ay soo galaan cudur sababa yaal sababi kara in jirka uu ka dhaco caabuq, lakiin qumanka qudhooda waxay unugul yihiin caabuqa kaga imaanaya ilma qabatada. Qumanka oo barara waxaa keena fayrus sida hargabka amaba caabuq ay bakteeriya keentay .
πAstaamaha
Waxaa jira astaamo badan oo la xariira qumanka waxaana ka mid ah:
Laqitaanka oo dhib noqda
Cuna xanuun
Quman-ka oo barara
Lallabbo ama matag
Qoorta oo adkaata
Qandho iyo qarqaryo
Dhago xanuun
Dalqada oo dhibco cadaan ka soo muuqdaan
Cunno xummi
Xanuunka qumanka oo soo laalaabta wuxuu caruurta u keeni karaa in infekshanka uu ugudbo xubnaha kale ee jirka ka tirsan sida wadnaha ama kilyaha.
Sidee Looga Hortagi Karaa Qumanka
Caabuqa qumanka ku dhaca way sahlan tahay inuu faafo, si hoos loogu dhigo in ay jirkaaga soo weeraraan ilma qabatada, waxa haboon in aad ka fogaato dadka qaba caabuqa qumanka. Gacmahaagana si joogta ah u nadiifisid gaar ahaan kadib marka aad la kulanto qof qaba dhuun xanuun, qufac, hargab. Hadii aad qabto qumanka ka fogoow dadka kale ilaa iyo mar danbe. Mar walba ha hilmaamin in aad dhaqtarkaaga kala tashatid xaaladaada cafimaad.
NASRULLAH MEDICAL & LAB
π
πππ’ππ¨π¨π²π’π§π€π π₯ππ π π‘ππ₯π¨ ππ’π²ππ‘π
Subixii h**e marka aad kacdid waxaad u bahan tahay in aad cabtid hal galaas oo biyo ah.
Galaaskaas biyaha wax badan ayuu wax u tarayaa jidhka.Faaidooyinka laga helo biyaha waxaa kamid ah
β}Tamar siin dhanka maskaxda ah
β}Kor u qaadida cafimaadka ee kilyaha.Biyaha wuxuu ka hortagaa in ay dhawac soo garaan kilyaha iyo in aysan ku sameysman dhagxaan.
β}Isku dheeli tirka aash*tada caloosha
β}Qurxinta maqaarka biyaha waxay soo saraan qurxinta maqaarka.
β}Biyaha waxay kor u qadaan candhuufta ama sameynta candhuufta.Haddii uu jidhka ku yar yahay biyaha waxaa qatar gali kara in ay dildilacaan bishimaha iyo maqaarka.
β}Dhiigga jidhka 100kiiba 90 waa biyo.jidhka wuxuu u bahan yahay biyo joogta ah.Si ay xubnaha jidhka u helaan oxygen waxaad u bahan tahay in aad cabtid 3 liter oo biyo ah (maalintii)
β}Culumada cafimaadka waxay shegaan biyaha in ay yareeyan misaanka halka kuwa qarkood yiradaan cab hal galaas oo biyo ah cunnada ka h**e si dheefshiidka caloosha isku dheelitirmaan.
β}Cabidda biyaha waxay la dagalamaan hurddo yarida qofka waxay siyaan hurdo isku dheeli tirsan..
β} Cabidda biyaha badan waxay yareyaan stresska,walwalka iyo isku buuqidda dhanka maskaxda ah.
W/Q Dr Cadceed
Faaidada ay lee dahay ukunta
Haddii ay jirto cunto aad u wanaagsan, ukunta waxay noqoneysaa midda ugu sareysa. Markasta waa diyaar, way fududahay in la kariyo, way qiimo jaban tahay, waxaana ka buuxo nafaqooyiin kala duwan.
"Ukunta waxay tahay shay ka wanaagsan cunto kasta, waxayna kobcisaa unugyada jirka. Waxay si muuqata uga sameysan tahay nafaqo aad u badan," ayuu yiri Christopher Blesso, oo ah bare jaamacadeed oo dhiga k*k nafaqeynta arrimaha seyniska ee jaamacadda Connecticut, ee Mareykanka.
In aan cunno ukun ay lagu daray cuntooyiin kale waxay jirkeena ka caawinayaan in aan helo fitamiino kala duwan. Tusaale ahaan, Cilmi baaris ayaa sheegtay in ukun aan ku darsano saladh aan ka heleyno fitamiin E aad badan.
Balse, muddo tobannaan sano ah, cunidda ukunta waxay noqotay mid muran dhalisa, taas oo ay ugu wacan tahay kolesteroolka badan ee ku jira - oo dhowr cilmi baaris ay la xiriiriyeen halista ah in ay sare u kacaan xanuunada ku dhaca wadnaha.
Esomeprazole 40 mg waxay ka tirsan tahay raxanta lagu daweeyo gaaska caloosha,biyaha kulul ee ku soo rogmada dhuunta,nabarka caloosha (peptic ulcer), iyo yareenta ash*tada caloosha waa dawo aad u xoog badan wax tarkeedana h**ey laga arko. Subixii h**e adigoo hamuuman hal xabo ka liq biyo badana la cab.
NB:Dawada gaaska si joogta ah ha u qaadan haddii kale waxaad kala kulmi kartaa dhibatooyin daran,sidoo kale inta aadan qaadan dawadan la tasho Dhakhtarkaada si uu ku siiyo dawo kugu habboon.
Waligaa ma qaadatay dawadan ?
W/Q Dr cadceed
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Contact the practice
Telephone
Address
Mogadishu
Wadnaha Road , Geedjaceyl
Mogadishu, 252
Haldoor Diagnostic&Training Center waa xarun bixisa tababar sheybaar sameysana baaritaannada caafima
Jidka Janaral Daud
Mogadishu
DEEGAAN HEALTH TRAINING CENTER WAXAAD KA HELEYSAA BARASHADA CAAFIMAADKA IYO SHEYBAARKA
Mogadishu, 630
The Institute was established to serve Somali community with the required diagnostic and health care service in addition to conducting research to identify diseases bedeviling the ...
Mogadishu, DHARKENLEYDISTRICT
kusoo Dhawaw Page-keyga Si aan Isku wedaarsano Aqoon iyo Xirfad Intaba Waana I Sharaf inaad Ka mid N
Muqdisho
Mogadishu, 252614688080
Shifau Raxman Herbal Center waa xarun cilaj ah oo aad ka heleyso Daawo dhired iyo Quraan Saar
Mogadishu
I created this page to share my thoughts and experiences with my followers. I hope that my followers will politely express their views on the topics posted on this page. Please ref...
Abudwak
Mogadishu
waxad halkan ka heli dontaa talooyin caafimad sidoo kle waxaan kuu samayn doonaa baaritaano caafimaa
Digfer Road, Hodan District
Mogadishu, 0000
Specialist Fertility Hospital in Mogadishu. Isbitaalka Taqasusiga ee Daweynta Taranka & Awood Yarida.