Eng Ismael Diriye

Eng Ismael Diriye

Managing, designing, developing, creating and maintaining construction projects. https://youtube.com/channel/UCPJdsD9P9WP2bUl4tpOUszw

22/11/2023

Maasha Allaah... cod qurxoon iyo qawlka Rabbi.

14/09/2023

HAL GEED OO AAD BEERTO🌳
🔹️Wuxuu nuugayaa boorka wasakhda halkii geed sanadkiiba wuxuu nuugaa 20kg oo boor ah.♨️
🔹️Wuxuu nadiifiyaa hawada ku dhawaad 100 mitir oo afar gees ah ayuu hawadii wasakheys-neyd nadiifiyaa.
🔹️wuxuu soo saarayaa 700kg oo Oxygen ah, halka uu qaadanaayo 20 Ton oo Carbon dioxide ah.
🔹️wuxuu hoos u dhigaa heerkulka ilaa 4°C, 🌡 sidaa darteed guriga geed ku abuuran yahay waa ka qabow yahay guryaha kale.
🔹️ Wuxuu kaa celinayaa codka iyo buuqa magaalada 🔇, oo hal geed oo aad gurigaaga ku hor beerto wuxuu kuu noqonayaa derbi codka iyo buuqa kaa celiya.
🔹️ Wuxuu hoy u noqonayaa tobaneeyo shimbiro ah🐦🐤🕊
🔹️dhir badan oo la beero waxay yareysaa saameynta dhul Gariirka.

14/06/2023

Sawirka midigta xiga waa intaan ciraaq la qabsan , kan bidixda xigana waa isla qofkii oo soo maray xabsi ay dhigeen American-kii kusoo duulay ciraaq

Waa "Xamiid khalaf al-cakiili" waa buunnigii(professor-kii) ciraaqiga ahaa iyo caalimkii ATOM-ka

Sawirka waxaa ka muuqda sida ardayda ciraaqiyiinta ahi ugu imaanayaan markay fahmi waayaan su'aalo la xiriira Atomic-ga chimistry-ga

Xamiid khalaf al-cakiili intaanu qaddarkaan ku dhicin wuxuu shahaadada PHD ka haystaa cilmiga Atomic-ga chimistry-ga wuxuu macalin ka ahaa jaamacada Cambridge ee ingiriiska ku taal

Maraykanka iyo xulufaddiisii markay ciraaq qabsadeen bay xabsiga dhigeen dambiga kaliya ee uu galayna wuxuu ahaa inuu ahaa professor carbeed oo ciraaqi ahaa muslinna ahaa oo ku takhasusay cilmiga Atomic-ga iyo inuu shahaadda PHD ka haystay cilmiga Atomic-ga chimisty-ga ,

Al-cakiili waxaa xabsiga laga soo daayey kadib markii uu caqligiisii ku waayey jirdilkii iyo baabi'intii qoyakiisii loo gaystay iyo dhiciddii la dhacay hantidiisii .

Al-cakiili maanta isagoo caqligiisii , qoyskiisii iyo hantidiisiiba waayey buu ku dayacanyahay waddoonyinka baqdaad.

Cabdinaasir Diiriye

06/01/2023

Dowladda Sucuudiga Ayaa ogolaatay in Dumarka Xajka Iyo Cumrada Gudan karaan ayagoon wadan wax Maxram ah ,

Waxay ku xirtay laba Shardi oo Ah in Qofka Dumarka ah ee Maxram la'aan xajinaya ay kaweeyntagay 45 sano ,

Sidoo kalana ay kuwada Socdaan koox Dumar ah kuwaas ay Isla wada xajinayaan.

Arintaan ayaa imaaneeysa waqti dheer oo si Diini ah Dumarka aysan xajin jirin Maxram la'aan,

22/12/2022

Qaybta 11aad ee Tixanaheenee sidee loo abuuraa modern villa ee Software ka Revit Architecture waxaanu ku bislaynay 𝐃𝐢𝐦𝐞𝐧𝐬𝐢𝐨𝐧 𝐒𝐭𝐲𝐥𝐞 𝐢𝐧 𝐫𝐞𝐯𝐢𝐭-𝐁𝐞𝐠𝐢𝐧𝐧𝐞𝐫 𝐭𝐨 𝐏𝐑𝐎 𝐓𝐮𝐭𝐨𝐫𝐢𝐚𝐥 .

Waxaad ku baran kartaa Dimensions oo si Saami leh oo dhameeystiran intii macquul ah aad ugu fahanto.

Si aad joogto ugu hesho Software ka Revit casharo ku saabsan waxaad Toos uga daawan kartaan intaan Tutorials ka dheeraad ah Channel keena YouTube

𝗬𝗼𝘂𝗧𝘂𝗯𝗲: https://youtube.com/

𝗙𝗮𝗰𝗲𝗯𝗼𝗼𝗸 : https://www.facebook.com/nabadon.garcade?mibextid=ZbWKwL

𝗧𝗶𝗸𝘁𝗼𝗸: tiktok.com/

25/10/2022

Wadaadka Render ka Dhagarta halaga Daayo buu idin leeyahay , Lumion iyo Enscape waa Hoowl Gaalee isaga Hara baan u Fahmay.

25/08/2022

Qaabka Loo Maareeyo Mushaarka kusoo Gala 💸

Part 9 | Modern Villa | Revit Tutorials 05/08/2022

Part 9 | Modern Villa | Revit Tutorials

Part 9 | Modern Villa | Revit Tutorials 👉Part 1 | Modern Villa | Revit Tutorialshttps://youtu.be/Kp0RPddVgU4👉Part 2 | Modern Villa | Revit Tutorialshttps://youtu.be/QaSi6BszC5I👉Part 3 | Modern V...

01/08/2022

( فَخُذۡ مَاۤ ءَاتَیۡتُكَ وَكُن مِّنَ ٱلشَّـٰكِرِینَ)

27/07/2022

Hadaad isticmaasho Computer Gaming laptop ah waan Hubaa inaad dhib ku Qabto soo saarista video Gaaray size ahaan 1GB iyo wax kabadan maadaama uu High Resolution kusoo baxayo

Hadaad Tahay Video editor oo isticmaasho Camtasia, Filmora, premiere pro, final cut pro, power director, Davinci Resolve, waxaad Marwalba ku dhibantahay video Rendering adigoo soo saaraya video ku dhaw 4K resolution ama kabadan

Sidoo kale hadaad Engineering ahaan u isticmaasho oo video kasoo saarto sida Lumion oo kale waxaad arkaysaa video kayar Daqiiqad oo kabadan 1GB

Hadaba problem kaas waxaa xaliyay Software Yar oo lagu magacaabo 𝗛𝗮𝗻𝗱𝗯𝗿𝗮𝗸𝗲

Handbrake waa Software ilaa iyo 2003 la isticmaalayay , waa free software, wuxuu kuu Qabanaa video kabadan 𝟏𝐆𝐁 inuu gaarsiiyo oo kaaga dhigo wax ka yar 𝟐𝟎𝐌𝐁,
Waliba asagoon Hoos udhigin video Quality ga.

Wuxuu badalayaa Format walba oo video ga kusoo baxo sida 𝐅𝐋𝐕, 𝐖𝐄𝐁𝐌, 𝐌𝐏𝟒, 𝐌𝐎𝐕, 𝐖𝐌𝐕, 𝐀𝐕𝐈, 𝐌𝐊𝐕 iyo kuwa kale oo badan

Mahadsanid.

Ismael Diriye

26/07/2022

Artificial intelligence wuxuu marayaa inuu Codadka Kala Aqoonsado , meel buuq ah hadaad wax ku duubto , wuu Kala fahmaya codkaaga saxdaa iyo background Noise ka.

Eng ismael diriye - YouTube 19/07/2022

■ 𝗦𝗵𝘂𝗿𝘂𝘂𝗰𝗱𝗮 𝗮𝗮𝘀𝗮𝗮𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗸𝗮𝗯𝗶𝗱𝗮 𝗯𝗶𝗿𝘁𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 [ Basic Rules for lapping in column Reinforcement] .

Hadeey birta aad isticmaaleeyso gaabato waxaa Qasab ah inaad kabto oo bir kale ku dhajiso si Culeeyska dhismaha Ee birta tiirka Saaran si Saami ah oo Nabad Qabta ugu Gudbiso bir walba Tan kale , hadaba waa in lagaa helaa Shuruucdaan.

➊ Hadaad Rabto inaad xariiso laba bir si aad u hesho cabirka eey iska jarayaan waxaa waajib ah inaad isticmaasho formula-daan taasoo ah 𝐋.𝐋=𝟓𝟎𝐃 , L.L= waxaa laga wadaa dhirirka birta iska fuuleeyso [ lap Length ] , halka 𝐃= waxaa loola jeedaa dhexroorka birta [ Bar Diameter ]

Tusaale : waxaad Rabtaa inaad kabto Bir tiir Diameter keedu Yahay 16mm , waxaad sameeyneeysaa L.L= 50D = 50x16= 800mm= 80cm , waxaad kabaysaa cabir la'eg 80cm

➋ Hadii labada bir aad isku kabeeyso cabir ahaan Kala Duwnaadaan , waxaa waajib ah birta cabirka weeyn ineey tahay mida Hoose halkan tan Diameter ka yarna kor marayso , kasoo Qaad waxaad isku kabeeysaa bir D=16ᴍᴍ , iyo mida kale oo cabir ahaan ah D=14ᴍᴍ , sidaa hadeey dhacdo formula-da 𝐋.𝐋=𝟓𝟎𝐃 waxaad ku shaqeeynaysaa birta Diameter ahaan Yar

𝐋.𝐋=𝟓𝟎𝐃 = 50x14= 700mm = 70cm , birta waxaad kabeeysaa 70cm

➌ bir kabida waa ineey ka dhacdaa bartamaha Tiirka , sababtoo ah Qeeybta kore iyo Qeeybta hoose oo u dhiganta L̼/̼4̼waa Tension zone ,
halka Qeeybta dhexe tahay meesha la ictimaado ineey Safe tahay waana L̲/̲2 , waana inta aad ka kabi karto birta

Tusaale = haduu Tiirka yahay 8 meter
L/4= 8/4= 2 meter , ha isku kabin laba meter oo kore iyo labada meter ee hoose , ee waxaad kabtaa afarta meter ee dhexe L/2= 8/2= 4 meter

➍ labada bir ee la isku kabayo Tan kore waa Ineey Noqotaa bir Yara Duuban si loo dul-saaro Tan hoose , Si Gudbinta Culeeyska [ Load transfer] si Toos ah ugu Dhaco una Gaaro meesha aad la rabto.

➎ Birta istaafka [ stirrups] oo ah Tan lagu Duubo birta Toosan ee Tiirka cabir ahaan Qaybta dhexe ee tiirka aad ka kabtay waa ineey isku dhawaataa , spacing ka labada stirrups waa ineey isku dhawaataa ,

➏ hadaad dhoowr bir oo Hal tiir ah kabayso waa inaad labadii kaba u dhaxeeysiisaa cabir dh 𝟯𝟬 𝗰𝗺 adigoo ilaalinaya sharcigii ahaa kabku inuusan dhaafin L/2 kuna beegan waaxda dhexe ee Tiirka.

➐ Sida uu Qabo 𝗜𝗦 𝗰𝗼𝗱𝗲 hadii birta cabir ahaan Diameter keedu dhaafo 𝟑𝟔𝐦𝐦 waxaa Qasab ah in labada bir la isku alxamo , sidoo kale hadii Rak**aatiga kasoo baxaya Dusha sare ee salootada gaabato ayadana waa la Alxamayaa.
N.B = Hadii birta loo Alxamo Gaabnaan Darteed waxay awoodeeda lumineeysa ( 10%-40% ) ,

Ismael Diriye

Eng ismael diriye - YouTube " ISMAEL DIRIYE " is a place where I share my knowledge, tutorials, tips and tricks for Architectural modeling in Autodesk Revit , AUTOCAD, LUMION and other ...

15/07/2022

Fikirkaaga badal , si aad Dunida Ubadashid.

Part 1 | Modern Villa | Revit Tutorials 15/07/2022

Learn Revit Architecture From 𝗕𝗮𝘀𝗶𝗰 to 𝗔𝗱𝘃𝗮𝗻𝗰𝗲𝗱 Level

📝 ku baro Si step by step ah ayadoon Hal Qeeyb laga boodin sida aad ugu Naqshadayn lahayd Dhismo CAJIIB ah Software ka Revit Architecture.

𝗦𝘂𝗯𝘀𝗰𝗿𝗶𝗯𝗲 dhaho YouTube channel keena si aad joogto ula socoto Casharadaan Tixanaha ah.

Part 1 | Modern Villa | Revit Tutorials 🔔 Check out our complete Revit Architecture Course👉 https://youtube.com/playlist?list=PLU3n1c_hMIzzJA8MfWNO8xoa6T3vVDfpW🔔 Check out WOODEN STRUCTURAL FR...

02/07/2022

وَلَئن سَأَلۡتَهُمۡ لَیَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلۡعَبُۚ قُلۡ أَبِٱللَّهِ وَءَایَـٰتِهِۦ وَرَسُولِهِۦ كُنتُمۡ تَسۡتَهۡزِءُونَ
لَا تَعۡتَذِرُوا۟ قَدۡ كَفَرۡتُم بَعۡدَ إِیمَـٰنِكُمۡۚ

28/06/2022

𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐮𝐥𝐚 𝐃𝐚𝐠𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚 𝐯𝐢𝐝𝐞𝐨 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐥𝐚 𝐚𝐤𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲?

Mararka Qaar waxaa dhacda inaad Aragto videos markaas Free ah oo waxyar kadib lacag Noqon kara , ama mid Lacag ah oo inta Gadato waqti cayiman laguu ogolyahay kadib waa kaa xirmayaa , marka waayihii H**e waa lala dagi jiray adoo isticmaalaya IDM ama Duubanaya video ga oo dhan adoo isticmaalay Camtasia ama Filmora,

Balse waayahaan Danbe waxaa adkaatay inaad videos kii Sidaas ufududaa la xadiday, sababa ah inuu videos ka Qiimahooda Dunida kusii Kordhayo Dhaqaale ahaan, aadna Business looga abuurto , sidaa Darteed baa loogu Sameeyay Copyright ©️ si aysan Dadku u download Gareeysan oo Dad kalana ula wadaagin.

Kadib dadkii baa abuurtay meelo Aad loo ilaaliyo ineey kusoo bandhigtaan videos kooda [ secure video Hosting platforms ] kuwaas oo Qolooyinka ku ganacsanaya ka Qaata Lacago Nool , sida vimeo, wistia, brightcove , cincopa,

Inkastoo Kala adagyihiin hadana sida ugu fudud ee u Record Garayn karto videos kaas , waxaad lasoo Dagtaa Firefox , sidoo kale lasoo Dag icecream screen recorder.

Icecream screen recorder waxaa Adag in Qolooyinka Copyrights kaas ilaaliya sida Fudud ku arkaan.

Marka Firefox sitting waxyar kabadal waxaad tagtaa , sitting- General - digital rights management waxaad saartaa tick.

Waxaan Filayaa hadaad kamid tahay Dhalinta ku wareertay inaad xal Buuxa heli Doonto

26/06/2022

Markaad tahay Shaqsi aan Dan ka dhex arag Dadku waxay Daneeyaan , waxaad Talaabo ujirtaa Guusha

23/06/2022

Xamar waxaan ku arkay dadka kartida iyo aqoonta leh ee shaqo yaqaanka ah waa go’doon (isolated) aan gallaangal qabiil aqoon ama aan ku xirnayn dadkooda. Danna k**a lahayn in ay qabiil iyo qof raadiyaan. Sababtu waa in ay kalsooni xad dhaaf ah isku qabaan. Dadkaas ama dowladda Soomaaliya ha u shaqeeyaan ama hey’ado kale ha u shaqeeyaane waa dad ka soocan dadka intiisa kale.

Inta aan wax—galka ahayn ‘‘highly incompetent(ka) ah’’ waa inta dadka ugu xiriirka badan oo ugu oradka badan. In other words, they have very massive and well connected networks. Sababtuna in ay wax helaan ayey xoog badan gelinayaan oo xargo badan ayey isku xirxirayaan maadaama aysan aqoon iyo hufnaan waxba ku heli karin.

Dadkaas aan wax—galka ahayn ee xiriirada badan xagga iyo xageer ba waa kuu dhaafayaan. Sababtuna waa in ay ogyihiin in aysan xirfad lagu dooran karo ama aqoon logu xulan karo lahayn. Hayeeshee, waa xarfaan ka xeelad badan dadka intiisa kale, kana orad iyo gallaangal badan.

Wax—ma—galeyaashu wax ay qaban karaan ma lahan. Haddana inta badan waa helaan waxa ay raadinayaan. Xarfaanta kale inta ay is aruurinayaan ayaa laga tagayaa oo Soomaaliya wax—ma—taraha ayaa xil iyo xoolo hela!

20/06/2022

(وَنَادَىٰۤ أَصۡحَـٰبُ ٱلنَّارِ أَصۡحَـٰبَ ٱلۡجَنَّةِ أَنۡ أَفِیضُوا۟ عَلَیۡنَا مِنَ ٱلۡمَاۤءِ أَوۡ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُۚ قَالُوۤا۟ إِنَّ ٱللَّهَ حَرَّمَهُمَا عَلَى ٱلۡكَـٰفِرِینَ
[Surah Al-A'raf 50]

13/06/2022

Ma biloownaa planswift software?

Waa maxay planswift? waa software ku shaqaleh Qiimaynta Dhismaha [Estimation] , waxaa lagu Qiimaynaa karaa projects ka waawayn iyo kuwa yar yar , sida Commercial, industrial, institutions iyo Residential houses ka , iyo nuuc walba oo Ganacsi.

Planswift interface ka waa nuuc ah visual point and click interface, meelaha Qaar waa Drag an drop , wuxuu kuu Hal beegayaa Construction works, ayadoo kujirto HVAC , plumbing, electrical, flooring, painting, and framing iyo waxyaabaha tirinta ubaahan sida Daaqadaha iyo Albaabada , sidoo kale wuxuu kuu siinayaa cost of materials, labor and equipment.

Qiimaynta asaga ayaad Kala bixi kartaa , hadaad Rabtana si dhaqsaa buu excel kuugu gayn doonaa ,

Hadaad barato wuxuu kuu save Garayn doonaa waqti badan, wuxuuna kaa yarayn Doonaa pressure ka Detail Estimation ka

Akhiyaar badan oo halkaan nagula jira hadeey soo wada codsadaan si free ah baan idinkula share gareeyn doonaa cilmigaas.

Halkaan Kala soco wixii macluumaad ah
https://youtube.com/c/Engismaeldiriye

10/06/2022

Ajaanibta Dalka Soo buuxisay een canshuurta aan bixin ee Muruqmaalka ah Doowlada waa ineey Dib u eegtaa si Baahiyaha dhalinyarada oo ah ubaxa Dalka loo Daboolo.

09/06/2022

Dhaqan xumadii Farmaajo ayuu xasan Sheakh icraabayaa

Yaa aqoon wax ku Noqda meshii lasugayay waxay maraysaa yaa Guul Wadayn wax ku Cuna.

Photos from Eng Ismael Diriye's post 25/05/2022

Applications ka aad Soo Dagsato Haku xirin Google Account kaaga ama Facebook Account iyo Account kale oo Qaas kuu ah ,

Waxaad sameeysaa si caadi ah SIGN UP udheh kadib Gmail gali ama Account kale waxaadna ku xirataa password aan ahayn Kan aad ku isticmaasho Gmail kaaga caadiga ah ,

Waxaan layaabay Qolo meeshaan ah oo Waxaan arkaa maalin walba soo Galisa Telegram ka Accoun Facebook ay soo jabsadeen ,

marka wax kale kuma keenaan Applications eey soo galiyaan oo lacago ayagoo ah lajabiyay sida Netflix iyo DSTV beey Dadka usoo dhigaan Qolka markaad ladagto hadaad Gmail kaaga Toos ugu xirto waxay Toos u arkayaan user ka iyo password ka.

19/05/2022

Sheakh usuuli oo Fariin Adag udiray Taageerayaasha Farmaajo

09/05/2022

Sheekh Xuseen Cali (Jabuuti), badanaa wuxuu Muqdisho yimaadaa xilliga la gaaro kulanka weyn ee ay culumada Tabliiqu iskugu yimaadaan. Kulankaasi ma lahan jadwal la sii qorsheeyay oo albaabka Masjidka lagu soo dhejiya sida ay sameeyaan culumada casriga ah ee qurbaha ama xitaa ma jiro ogeysiis idaacadaha laga sii daayo, ma na jirto meel aad ka ogaan kartid in uu kulankii dhici rabo oo aanan masaajidada ka ahayn.

Culumada kulanku laabtoobyo ma wataan, hoteello loo sii kireeyayna ma jiraan oo masjidka dhexdiisa ayay xerta inteeda kale cibaadada kula dhafraan, haddii wax waardiye ah ay jiri karaanna waa labada nin ee albaabka Masjidka ulaha dhaadheer la taagan ee ilaalinaya in gelidda iyo bixidda masjidka uusan buuq ka dhalanin. Dhaqan h**e oo qofka dareensiinaya sida ay diintu dadka walaala uga dhigtay ayaa masjidka ka dhex jira. Qof walba wuxuu kaa hor imaanayaa isaga oo dhoollacadaynaya. Dhallinyaradii aad xaafadaha magaalada ku taqaannay oo labiskii iyo tintii soo qurxistay ayaad masjidka ku arkaysaa. Marka aad dhallinyaradaas xaafaddii ula laabato lagama yaabo in midkood uu ka sheekeeyo cayaarihii iyo adduunyadii kale oo maalmahaas dhanka cibaadada ayay u bataan. Waxaa jira in qaybaha masjidka lagu kulmayo lambarro loo kala yeelo oo sidaas ay ku kala degaan xerta maalmahaas goballada uga imaanaya kulan-waynaha. Marka uu kulanku furmo ma ogaan kartid Sheekha xiga ee khudbeyn doona, waxa sidaas loo samaynayana waa isduldhig (Tawaaduc) iyo in kulanka la weyneeyo ee aanan shakhsi gaar ah la weynayn.

Masjidka Alhidaaya oo magaalada geddiga ugu xaggeeya ee degmada Hiliwaa xaafaddeeda Waxaracadde ku yaalla ayuu kulanku ka dhacaa. Waa meesha Muqdisho ay dadka ugu badan ee arrin diinta la xiriirta ka tashanaya ay ku kulmaan . Sheekh Xuseen ayay dadka badankoodu hadalhaayaan. Dadka qaar ayaa dhaha Sheekh Xuseen Tabliiq. Waa kan ugu fasaaxada iyo balaaqada wanaagsan ee marka uu khudbeynayo inta masjidku buuxdhaafo ay dadku istaagga dibadda uga dhagaystaan. Khudbadihiisa badanaa ma lahan ciwaanno. Hadduu kulanku galab furmo markaas waxay u badan tahay in salaadda maqrib kadib uu makrafoonka qabsado. Towxiidka ayuu aad uga hadlaa iyo qisooyinka xoojinaya. Aduunyada iyo hantida loo kala ordayo ayuu dadka tusaa in ay gacanta Rabbi ku jirto. Qanaacada iyo in nimcooyinka laga mahadceliyo ayuu ku dheeraadaa. Kulankii u dambeeyay wuxuu ka hadlay cudurka Karoonaha oo uu sheegay in qaababka looga hortegi karo oo dhan ay diintu noo sheegtay. Wuxuu yiri " Nebigii joogay xilligii awrta iyo fardaha ayaa innooga warramay badbaadada nafteenna adduun iyo aakhiraba".

Kulanka oo soconaya saddex maalmood ayaa maalinta u dambaysa subaxeeda waxaa lagu soo xiraa duco ay xertu inta badan jecel yihiin in aysan ka baaqanin. Waxay badanaa isku boorriyaan in subaxa ducada la soo xaadiro. Marka ay ducadu dhammaato waxaa xertii loo kala diraa goballada dalka iyo qaar xitaa waddamada deriska ah iyada oo loo eegayo qof ba inta maalin ee uu qortay si uu diinta uga shaqeeyo. Xerta isqorta looma oggola taleefannada waawayn ee qadka laga galo, waxaana sidaas ugu billaabanaya gudashada xil weyn oo u baahan in loo dhabar-adaygo.

~Aduunyada ku qanac inta aad ka haysato, balse cibaadada ha ku qancin inta aad haysato~ Sheekh Xuseen.

14/03/2022

Mararka qaar waxaa dhacda in farriin aadan akhrin ay kuugu jirto
E-mailkaaga, hase yeeshee, farriimo badan oo ka danbeeyay awgeed aysan kuu suurto galayn in aad dib u raadiso oo hesho.

Haddaba sida sawirka hoose ba ka muuqata, waxaad barta sare ee wax laga baaro ku qori kartaa erayadaan:

category:primary is:unread

Deedna waxaa hoos kaagasoo baxaya farriinta / fariimaha kaliya ee aadan wali akhrin.

Sida ay isugu dheganyihiin erayadu waa muhiim inaad aadan kala goyn.

Ka faaideyso oo asxaabtaadana u faaidee.
Mahadsanid.

Telegram – a new era of messaging 15/12/2021

🐶Eyga waxa lagu yidhi:- Waxaad ilaalin doontaa guryaha basharka. Waxaad noqon doontaa saaxiibkooda ugu dhow. Waxaad cuni doontaa cuntooyinka wanaagsan ee uu ka dhergo iyo hambadiisa. Waxaana lagu sin doona cimri dhan 30 sano.

Eygii wuxuu yidhi:- 30 sano oo dhan? Maya! Keliya waxaan u baahanahay in aad noolaado 15 sano. Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

🦍Daanyeerka waxa lagu yidhi:- Waxaad noqon doontaa mid lagu qoslo oo lagu maadaysto. Waxaad noqon doontaa mid beerta xayawaanka dadka ku maaweeliya, waxaana lagu siiyey cimri 20 sano ah oo aad noolaato.

Daanyeerkii wuxuu yidhi:- 20 sano oo dhan? Maya! Waxaan keliya u baahanahay 10 sano! Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

🦓Dameerka waxa lagu yidhi :- Waad shaqayn doontaa qorrax soo bax ilaa qorrax dhac. garaadka waa lagugu yarayn doonaa. Dhabarkaaga waxaad ku qaadi doontaa culays iyo dhibaato badan, cidina abaalkaaga ma sheegi doonto. Waxaana lagu siiyey 50 sano oo aad noolaato.

Dameerkii wuxuu yidhi:- 50 sano oo dhan? Maya! Waxaan keliya u baahanay inaan noolaado 20 sano! Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

👨‍💻Waxa lagu yidhi Ibnu aadamka:- waxaa lagaa dhigay makhluuq garaad badan. Waxaa lagaa dhigay mudanaha koonka, waxaana laguu dhiibay furayaashiisa. Waxaad ku noolaan doontaa nolol qurux badan iyo dabaqyo dhaadheer waxaadna noolaan doontaa muddo 20 sano ah.

Ibnu aadamkii wuxuu yidhi:- ma waxaan noqday Bani aadam, misana ma waxa aan noolaan doonaa keliya 20 sano? Maya! Tiradaasi aniga way igu yar tahay. Waxaan rabaa 30-kii sano ee uu dameerku diiday ,15-kii sano ee uu Eygu nacay, Iyo 10-kii sano ee Daanyeerku uusan doonayn.
Dalabkiisiina waa loo fuliyey.

Muddi kaddib ibni aadamkii wuxuu yimi koonkii oo loo diyaariyey.

20 sano oo waxa uu u noolaa sida iinsaanka caadiga ah iyo nolol faakihaysi ah ilaa uu ka guursaday. Markaas wuxuu bilaabay in uu u noolaado 30 sano oo nolosha dameerka ah. Wuxuu dusha saartay masuuliyad iyo culays. Wuu ordayey wuxuuna shaqaynayey ilaa qorraxdu ka dhacdo mana uusan dhergaynin, cidina uma aysan abaal gudin.

Kaddib. Markii ay carruurtiisii kortay wuxuu ku noolaaday nolosha Eyda. Waxba ma cuno ilaa ay iyagu dhergaan. iyaga ayuu ilaaliyaa. Guriga ayuu albaabada usoo xidhaa, wuxuuna hablihiisa ka ilaaliya inay ciyaal suuq noqdaan.

Immika carruurtii way weynaadeen oo guryo iyo reero ayay wada yeesheen. Isna wuxuu bilaabay 10-kii sano ee Daanyeernimada. Wuxuu isaga gudbaa guri ka guri. Marba waxa uu soo booqdaa guryaha carruurtiisa isaga oo maaweelinaya ilmaha uu awowga u yahay. Marba mid ayuu dhabarka ku qaadaa oo la gurguurtaa isaga oo gaadhi u matalaya. Wuu u sheekeeyaa iyana maaweeladiisa ayay jecelyihiin. Daanyeer

Ina Hooyo Macaane. Waxaad haysataa 20 sano oo Insaannimo ah keliya. Hadiise aad sii jirto waxaad mari doontaa sannado badan oo xayawaannimo ah.🤦‍♂️💔 sidee ayaynu isu waaweyneyn karnaa.

Telegram – a new era of messaging Fast. Secure. Powerful.

07/12/2021

Somalida balwada maanka doorisa hadaan laga joojin dhacdaba dhacdadey kasii xuntahay ayaa maalin kasta dhagaheenu maqlayaan.

Ninbaa Hooyadii dilay
Ninbaa xaaskiisii gowracay
Nin baa dhamaan qoskiisii laayay
Nin baa caruutii uu hooyadood qabay dilay.

SUBXAANALLAH.

16/03/2020
09/03/2020

Qisada Pompeii | Magaalo Dadkeedi Dhagaxoobeen kadib Volkaano |

Ogaansho

05/03/2020

XIGTADA GUMAYSTAHA

Haadka loo yaqaanno " Gariirka" meelaha qaarna looga yaqaanno " Gallayr" waxaa uu leeyahay caawiye si wayn uga taageera qabashada ugaarta, haddii uu GALLAYRKU doonayo in uu mas qabto, waa la kaabaa, xayawaanka taageeradaas wayn u muujiya waxaa loo yaqaan " KABSAS" dhirirka, qaab-dhismeedka jirka iyo dabeecadahaba waxa ay aad ugu dhawdahay DABAGAALLAHA ( UUNRAYS) laakiin midab ahaan waa guduud tiq ah. Kabsastu ma duusho waxa ay ka tirsantahay xayawaannada dhulka socda waxa ayna bah-wadaag yihiin " Dabagaallaha" iwm kolkaa si wayn bay uga hiillisaa xayawaannada dhul socotada ah, kolkaas bay gacan siisaa Gariirka oo aan dhulkaba soo caga dhigan mar dhifa mooyee.

Ma garan karo waxa uu ku dhisan yahay xiriirka ka dhexeeya labadaas xayawaan ee kala deegaanka, kala nolosha, kala dabeecadda iyo kala qaabka ah, se waxaa suuragal ah in uu ka dhexeeyo " QARAAB" kolkii uu Gallayrku qabto xayawaanka uu ugaarsaday, oo uu disho, oo uu si fiican uga noolaado, reeb reebka ka soo hara ayaa ay KABSASTU dhabaqsataa, dhabaqsigaas aan nuxurka badani ka muuqan baa xiriir QARAAB dhex dhigay GARIIRKA IYO IYADA,

si taa la mid ah xiriirka ka dhexeeya SIYAASIGA SOOMAALIYEED iyo GUMAYSTAYAASHA CASRIGA AH nuuc walba oo ay yihiin baan ugu yeeraynaa
" FIDNADA GEESKA" siyaasigana waxa uu noqonayaa XIGTADA GUMAYSTAHA. Siyaasadiisana waxaan oran karnaa " Saamileey siyaasadeed " oo Rogida dalka unool .

Ismael Diriye

24/02/2020

Wuxuu Yiri " Mudo 30 sano kadib ah waxaan dib u Arkay saaxiib ii khaas ahaa oo aan is weeynay ,

Markaan Arkay hantida uu ileeheey isiiyay baan ilaaheey umahad celiyay , waxaan Geeyay maqaayad oo calooshaan ubuuxiyay , wuxuu watay dhar iska Caadiya balse Duruuf aduun baa Ka muuqatay , balse asaga wuxuu ahaa nin Farxad kamuuqato balse Aniga waxaa ii muuqday nin Duruufeeysan ,

Kadib majecleeysan inaan waqti badan wada joogno , wuxaan Kala Qoranay Nambarada , waxaan Ku iri aan Gaarigayga cusub kugu Qaado , balse wuxuu Yiri Gaari aan leeyahay baa isoo socda , waxaana uyimid Gaari Qanax ah oo dhamaaday wuuna Raacay ,

Maalintii xigtay ayaan Gurigeeyga Ku Marti Qaaday wuxaana usameey Qado Cajiib ah waxaan Rabay inaan tuso sida Quruxda badan aan unoolahay iyo Guriga aan Ku Noolahay , waxaana usheegay in dhibaatada laga bixi Karo noloshana labadali Karo waxaan intaa Ku daray in eey jirto company weeyn oon ushaqeeyo oon lacaga badana Ka abuuray oo aan shaqo uga soo Raadinayo ,

Wuxuu ladhacay Guriga aan Daganahay Quruxdiisa , waxaan Iri amaah Yar ood Guri kadhisato Luna Ganacsati baan bank kaaga Qaadayaa , wuxuu igu Yiri mahadsanid , Ganacsi Yar baan leeyahay waana Ku Qanacsanahay

Wuxuu Yiri Anigana halmaalin isoo booqo si aan Qado kuugu sameeyo , waana Ka aqbalay ,
Maalintaas xaaskeeyga waa iga Diiday ineey iraacdo , waxeeyna Igu tiri aan Ninkaas waa miskiin Wax maheeysto ee aan booqano dadka Wax heeysta oo Taajiriinta ah ee caanka ah
Intaas kadib xaaskeeyga waan baryay ilaa ugu danbeey ee iga yeesho ,

Wuxuu daganyahay xaafad iskayara caadi ah oo teeyda inyar Ka hooseeysa , intaan sii soconay dadka wadada sii Narayan ayaan weeydiineeynay gurigiisa balse magacyo kale oo Qurux badan beey dadka ugu wacayeen , wuxuu daganaa Guri iska Roon balse aan waligii gaareeyn Kan aan daganaa

Qadada markaan Cunay kadib buu iweeydiiyay Shirkada aan ushaqeeyo , kadib baan usheegay ,

Wuxuu iweeydiiyay maamulaheeyga kadib baan iri waa Booskeeyga waana saaxiibkeey , wuxuu iyir waan aqaan oo saaxiib baa Nahay ,

Anoo yaaban oo dhinacyada eegaya baan arkay Hadiyad miis meeshaas yaala saaran oo Shirkada magaceeda Ku Qoranyahay , oo Shirkada usoo dhiibtay ,

Waxaan iri Shirkada Aqoon miyaad uleedahay , wuxuuna iigu jawaaba Shirkada 70% anaa leh ,
Waxaa iga soo daatay Dhisid waaweeyn , wuxuu kaloo Igu Yiri Guriga aa dagantahay iyo xaafada Ka H**eeysana anaa leh , ee waxaan jeclahay Dadka masaakiinta ah aan Garabkooda ahaado oo dhibaatada la wadaago ,

waxaan kasoo Tagay anigoo hoos eegaya Garan la' meeshaan joogo , marna leh haye mudane waad Mahadsantahay , xaaskeeygana warkii baa Ku dhagay ilaa aan Gurigeena nimid ,

Waxaan Bartay cashar adag oo ah in muuqaalka dadka aad kuu Siri Karo , waxaa Halmar isoo Hor istaagtay in Guriga aan kirada Ku daganahay iyo Shirkada aan kashaqeeyba asaga leeyahay , waxaana Go'aansaday Nolosheeyda Danbe inaan is Qaad Qaadka iska Daayo oo bulshada si Caadiya ugu dhex noolaado

19/02/2020

Ismael Diriye

18/02/2020

Like & share

Prank kii ugu waalnaa , Soomaalida aaba I Qarso ah

16/02/2020

💔

Afar Nuuc oo Dumarka ah iska Ilaali waligaa

15/02/2020

Gabayaagii Carbeed ee caanka ku ahaa geesinimada Cantar Binu Shadaad ayaa maalin la arkay isagoo ka baqday oo ka cararaya Dibi uu lahaa.

Markaas ayaa la weydiiyay ma adigoo Cantar ah oo geesinimo caan ku ah ayaad ka baqatay ama ka cabsatay Dibigaaga ?.

Cantar ayaa isaguna ku jawaabay :”Dibigu muxuu ka garanayaa inaan ahay geesigii iyo Gabayaagii Carbeed ee Cantar Binu Shadaad”.

Dulucdu waxa ay tahay awoodaada ha u muujin Jaahil aan garaneyn qiimahaaga kaas oo laga yaabo inuu dhib kuu gaysto.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

11/02/2020

🔫

Aabaha Dhalay Caasho ilyaas Aadan oo soo dhaweeyay Toogashada lagu Fuliyay Ragii Gabadhiisa kufsiga ugeeystay

11/02/2020

🇸🇴

Heshiiskii Doowlada Somalia iyo maamul-Goboleedka Butland ee 14-FEB-2014 lagu Kala saxiixday magaalada Garawe , wuxuu Qeexayaa in Butland si xor ah uqaado imtixaanka Dugsiyada Sare waliba sameeysato shahaado ayada u gooni ah ,

Sidee u Aragtaa in xasan Shiikh inuu ogolaado heeshiis Nuucaas ah inuu Dalka Ka Dhaco ,

09/02/2020

🇨🇳

Coronaviras iyo Doowlada China , Maxaa Kala dhaxeeya Qoowmiyada Muslimiinta UIGHUR

Want your business to be the top-listed Equipment Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Owner

He is owner

Videos (show all)

Maasha Allaah... cod qurxoon iyo qawlka Rabbi.#quranverses
Qaybta 11aad ee Tixanaheenee sidee loo abuuraa modern villa ee Software ka Revit Architecture waxaanu ku bislaynay 𝐃𝐢𝐦𝐞𝐧...
Qaabka Loo Maareeyo Mushaarka kusoo Gala 💸
Ajaanibta Dalka Soo buuxisay een canshuurta aan bixin ee Muruqmaalka ah Doowlada waa ineey Dib u eegtaa si Baahiyaha dha...
Sheakh usuuli oo Fariin Adag udiray Taageerayaasha Farmaajo
Like & share
🔫
🇨🇳

Telephone

Address

Mogadishu
Other Engineering Services in Mogadishu (show all)
Structural and Surveying Engineering Consultant Structural and Surveying Engineering Consultant
Hodan
Mogadishu

STRUCTURAL & SURVEYING ENGINEERING CONSULTANT

Hilaac Service Hilaac Service
Makkah Al-mukarama
Mogadishu

Xerida, Gelinta, Cilad bixinta Mukeyfyada, Qasaaladaha & Talaajadaha.

Cilmi Iyo Farsamo Cilmi Iyo Farsamo
Mogadishu

Engineering

AQAL GROUP AQAL GROUP
TELEH/HODAN-MOGADISHU-SOMALIA
Mogadishu

We are group of expert engineers who can change your dreams to real

Col Ujoog Col Ujoog
Km4 Mogadishu
Mogadishu

Waa pageka Rasmiga ee Col Ujoog.

Barre billion trade Barre billion trade
Eng-yariisow
Mogadishu, 252

+252615880576

mohaa.boss mohaa.boss
Mogadishu

https://instagram.com/mohaa.boss?utm_source=qr&igshid=ZDc4ODBmNjlmNQ%3D%3D

Qalan Construction Qalan Construction
Mogadishu

Arkan.so Arkan.so
WADNAHA Street, HODAN DISTRICT MOGADISHU
Mogadishu, 252

Meccet Engineering Service Meccet Engineering Service
Makka-al Mukarrama
Mogadishu, 252

Construction

Tabac Agricaltural services Tabac Agricaltural services
Muqdisho
Mogadishu

shirkada dhismaha green house yada iyo wax sosaarka beeraha

ASAL TECH ASAL TECH
Howlwadag
Mogadishu

technology company