Midowga Nabadda & Cadaaladda

The Union for Peace and Justice officially abbreviated as UPJ is a political party formed and led by

The Union for Peace and Justice officially abbreviated as UPJ is a political party formed and led by active, farsighted and professional team included in both genders not regarded beyond academics and experiences qualifications.

17/01/2021
18/12/2020

Waxaan murugada la qeybsaneynaa qoysaskii, qaraabadii iyo saaxiibadii ay ka baxeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacey Galkacyo.

Waxaan leenahay samir iyo iimaan Ilaah ha inaga wada siiyo, iyagana ha naxariisto.

08/12/2020

BAAQ KU AADAN DOORASHOOYINKA 2021

Sida aan wada ognahay Soomaaliya waxey ku jirtaa xilli kala guur oo doorashooyin dalka kusoo wajahan yihiin iyada oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay qaababka iyo wadooyinka loo marayo qabashada iyo maamulidda doorashooyinka heer federaal 2021.

Sida aan ognahay maamulka Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo xooggan iyo mida qabashada iyo maamulidda doorashada ee deegaannada Jubaland iyada oo dhinac kasta doonayo in sida ay iyada rabto wax u qabsoomaan, iyada oo ay jiraan heshiis doorasho wadar oggol ahaa oo ay dhammaan dowlad goboleedyada, gobolka Benaadir iyo dowladda federaalka ku wada gaareen Muqdisho loona baahan yahay in la fuliyo oo lagu dhaqmo.

Xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda waxa uu muujinayaa walaaca ballaaran ee uu ka qabo qaabka la isugu dhegan yahay oo loo kala aragti duwan yahay iyada oo la doonayo in lagu aado doorasho, iyada oo laga duulayo walaacyadaas & khilaafyadaas jira waxa uu xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda ku baaqayaa in doorashada noqoto mid xalaala oo waqtigeeda lagu qabto lana fuliyo dhammaan heshiisyadii doorasho ay wada gaareen dowlad goboleedyada, gobolka Benaadir iyo dowladda federaalka, iyada oo loo turaayo nabadda, deganaanshaha iyo dowladnimada Soomaaliya.

23/08/2020

Xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda Wuxuu soo dhoweynayaa natiijada shirkii Dhuusamareeb 3 ee ku aadaneyd nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta marka uu dhammaado muddo xileedka xukuumadda hader talada dalka heysa taas oo ah doorasho dadban.

Xisbigu wuu taageerayaa go'aanka madaxda Jamhuuriyadda federaalka, gudoomiyeyaasha maamul goboleedyada & maamulka gobolka Banaadir ee ay isla qaateen doorasho dadban ee nidaam ergo & xisbiyo taas oo ay iskula arkeen danta shacabka & dalkaba.

Waxaa muuqatey in aanay dalka hader ka dhici karin doorasho qof & cod ah taas oo u baahan waqti, dhaqaale, amni & tasiilaad dheeri ah oo aan hader Soomaaliya haysan, waana bogaadinaynaa tanaasulka madaxda Jamhuuriyadda, gudoomiyeyaasha maamul goboleedyadu iyo maamulka gobolka Banaadir ka sameeyeen aragtida & fikirka doorashada la filaayo in dalku ka dhacdo 2021 haddii Alle idmo.

Xisbigu wuxuu dhammaan madaxda, shacabka, mucaaradka & daneeyaasha ugu baaqayaa inay dhowraan dowladnimada, xasiloonida dalka, lagana baaqsado wax kasta oo qalqal gelinaya dowladnimada, wadajirka, nabadda & horumarka Soomaaliya.

Wabillahi towfiiq.

03/07/2020

Nagula soo biir sxb Midowga Nabadda & Cadaaladda

Like & Follow ๐Ÿ™๐Ÿ‘

01/07/2020

ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ุŒ ุงู„ุณู„ุงู… ุนู„ูŠูƒู… ูˆุฑุญู…ุฉ ุงู„ู„ู‡ ูˆุจุฑูƒุงุชู‡ุŒ

HAMBALYO MUNAASABADDA 1-DA LUULYO

Waxaan farxadda & damaashaadka 1-da Luulyo 1960-kii, 60 sano guuradii kasoo wareegtay maalinkii gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iska dulqaadeen maxmiyadii Talyaaniga & la midowgii gobolada waqooyi halkaan kula qeysaneynaa taageerayaasha xisbiga & dhammaan shacab weynaha Soomaaliyeed.

Waxaan leenahay midnimo kale Ilaahay ha ina siiyo wadajir baa xoog leh.

28/06/2020

ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู…ุŒ
ุงู„ุณู„ุงู… ุนู„ูŠูƒู… ูˆุฑุญู…ุฉ ุงู„ู„ู‡ ูˆุจุฑูƒุงุชู‡ุŒ

Salaan kadib, xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda & Cadaaladda waxa uu la qeybsanayaa shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka gobolka Benaadir guushii shaley uu gobolka ku helay matalaadiisii aqalka sare ee Soomaaliya ee aheyd in 13 xubin leeyahay gobolka Benaadir lagu kordhiyo aqalka sare kaas oo si aqlabiyad ah ku ansixiyeen golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda waxa uu si weyn usoo dhoweynayaa go'aanka geesinimada leh ee uu baarlamaanka Soomaaliya ugu cadeeyey xaqa gobolka Benaadir ee aqalka sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale, isla shaley waxaa la wada sugaayey in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka heer qaran hor yimado golaha shacabka una cadeeyo nuuca doorasho ay soo diyaariyeen & waqtiga ay ku dhaceyso, gudoomiyeha guddigaas Marwo Xalima Ismaaciil (Xaliima yarey) ayaa baarlamaanka hortimid sheegtayna in 2 nooc doorasho midkood dalka ka dhaceyso
1. Nuuc diiwan gelin gacameed (manual registration) taas oo isla maalinka codeynta gacan lagu diiwan gelinaayo codeeye yaasha ayna ku qabsoomi karto Maarso 2021.
2. Nuuc diiwaan gelin electronic (electronic registration) taas oo la diiwaan gelinaayo codeeye yaasha inta aan la gaarin mudada loo dareerayo codeynta iyadoo la hubinaayo sax ahaanshaha xogta codeeye yaasha, waxeyna ku dhici kartaa Agoosto 2021.

Sidaas darteed, xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda waxaa ka digayaa muddo kororsi soona dhoweynayaa in doorashadu xilligeeda lagu qabto lana dhowro dastuurka, shuruucda kale ee dalka & dowladnimada.

Ugu dambeyn, xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka, siyaasiyiinta & madaxduba in la dhowro nabadda, xasiloonida & dowladnimada dalka maanta haysto.

โœ”

26/06/2020

HAMBALYO MUNAASABADDA 26 JUUN.

Xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda waxa uu shacab weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha weyn ee 26-ka Juun 1960-kii oo aheyd maalinkii ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya iska dulqaadeen gumeystihii Ingiriiska ayna calanka buluuga ee Cawaale ka taageen dhul weynaha Soomaalida, kana soo wareegtay 60 sano.

๐Ÿค๐Ÿผ

16/06/2020

ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู…โ—‹
ุงู„ุณู„ุงู… ุนู„ูŠูƒู… ูˆุฑุญู…ุฉ ุงู„ู„ู‡ ูˆุจุฑูƒุงุชู‡โ—‹

Salaan kadib, Xisbiga midowga nabadda & cadaaladda waxaa uu halkaan ku cabirayaa kuna soo gudbinayaa mowqifkiisa ku aadan wadahalada Soomaaliya & Soomaaliland uga soconaya dalka Jabuuti, kaas oo hadda loo magacaabay guddi ka kooban labada dhinac oo sii wadi doona hirgelinta & dib u yagleelidda midnimo Soomaaliyeed.

Xisbigu wuxuu soo dhaweynayaa dadaalada & dabacsanaanta ay muujiyeen madaxda labada dhinac kaas oo sahlay in guddi loo xilsaaro howshaas ayna sii socoto kuna ekaan maalin & laba maalin, iyagoo muujiyey in Soomaalida isjeceshahay.

Xisbigu wuxuu taageerayaa ahmiyad weyna siinayaa sii wadidda wada hadallada u dhaxeeya Soomaaliya & Soomaaliland, kuwaas oo abuuri kara isu soo dhowaansho, heshiis & midnimo umadda Soomaaliyeed.

Xisbigu wuxuu dhammaan umadda Soomaaliyeedba ugu bishaareynayaa in wada hadallada u dhaxeeyey labada dhinac ay meel wanaagsan marayaan rajo fiicanna laga qabo in ay kasoo baxaan go'aano ka duwan kuwii h**e oo ku qotoma midnimo ay Soomaaliya dib u hesho.

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿค

Midowga Nabadda & Cadaaladda

05/06/2020

WAA MAXAY DASTUUR ?

Dastuur waa heshiis ama qaanuun bulsho deegaan dhexmara ama dowlad yeelato kaas oo ay ku qaabeysanayaan ama ku degsanayaan nidaamkooda maamul, siyaasad & nolol kaas oo u ogolaanaya nabad ku wada noolaansho, wax wadaag, horumar & is xukun. qaanuunka ama dastuurka waxaa uu leeyahay noocyo kala duwan.

Sidaas darteed, xisbiga UPJ ee midowga nabadda & cadaaladda waxa uu ahmiyadda koowaad siinayaa ilaalinta dastuurka qabyada ah & shuruucda kale ee dalka u degsan, xisbigu waxa uu sidoo kale ka digayaa ku xadgudub & ku takrifal ka dhan ah dastuurka, si loo xaqiijiyo badqabka dowladnimada, shacabka & dhulka Soomaaliyeed iyo in la bidhaamiyo lana sahniyo hadafyada & himilooyinka qaran ee dowladnimo ee ay hader Soomaaliya tacbiheyso.

Ugu dambeyn xisbiga UPJ waxa uu qeybaha kala duwa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed sida dhalinyarada, haweenka, salaadiinta, ganacsatada, aqoonyahannada, ciidamada, siyaasiyiinta iyo madaxda ugu baaqayaa in muhiimadda koowaad la siiyo wax kasta oo la wada leeyahay ee ay ugu h**eyso dowladnimada si Soomaaliya u gaarto nabad, barwaaqo, wada noolaansho, midnimo & dowladnimo.

Like ๐Ÿ‘‰ Midowga Nabadda & Cadaaladda

05/06/2020

ุฌู…ุนุฉ ู…ุจุงุฑูƒ

Jumca Mubaarak.

03/06/2020

Muqdisho, Soomaaliya 3-da Juun 2020

Xisbiga Midowga Nabadda & Cadaaladda wuxuu sii diiran oo wadaniyadi ku dheehan tahay usoo dhaweynayaa hadalkii dhowaan kasoo yeeray raysal wasaareha qaranka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ee ahaa in la guda galayo isu diyaarinta howlaha doorashooyinka qaran ee 2021.

Raysal wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya afartii (4) sanaba mar ay ka dhacdo doorasho, sidaas darteed ay dowladiisu isu diyaarineyso qabashada doorashooyin qaran.

Ka xisbi UPJ ahaan waxaan aminsanahay in xalka iyo horumarka dalka uu kaliye kujiro qabashada doorashooyin qaran oo ku dhaca jawi degan, cadaalad, nabad & kawada qeybgal. sidoo kale danaha & himilooyinka qaranka ayaa kujira in la ilaaliyo dastuurka & shruucda kale ee dalka u degsan si dowladnimada ay Soomaaliya maanta heysato loo sii kubciyo shacabkana ay ku naaloodaan nabad, barwaaqo, nidaam iyo dowladnimo.

UPJ wuxuu dhammaan daneeyaasha siyaadadda Soomaaliya muwaadiniin & ajaaniibba ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo sidii ay doorasho dalka uga dhici laheyd waqtiga loo asteeyey ee ah bilawga sanadka 2021.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in cudurka CaronaVirus uu naga baabi'iyo dalkana nabad & barwaaqo inooga dhigo.

2021 & doorasho inshaAllah๐Ÿƒ

Kusoo biir๐Ÿ‘‰Midowga Nabadda & Cadaaladda

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Maka Almukarrama
Mogadishu
Other Political Parties in Mogadishu (show all)
X. isbedel doonka Sh/hoose X. isbedel doonka Sh/hoose
Mogadisho
Mogadishu, 252

Waa xisbi loogu talagay samata bixintta shabeelaha hoose kaaso kashaqayn doonta awoodsiinta dhalinyar

Abdi aziiz mohamed Abdi aziiz mohamed
Hodan Mugdisho
Mogadishu

Political

Aragti Dheer Aragti Dheer
Mogadishu
Mogadishu, 252

daacad news

Xisbiga Horyaal Qaran Xisbiga Horyaal Qaran
Airport Area, Wadajir, Banadir, Region
Mogadishu

Hadaf Togan iyo Hogaan Hagaagsan

Abdirahman H. Gallaf Abdirahman H. Gallaf
Mogadishu

politicalist

Wadani Wadani
Mogadishu

Xorseed

Peace, Justice  and Freedom Party of Somalia PJAF Peace, Justice and Freedom Party of Somalia PJAF
Haji Baasto Road
Mogadishu

PJAF Party is a democratic political party in Somalia founded by a group of Somali politicians, intellectuals and social activists from different parts of the country, with a wide ...

Afhayeenka dhalinta Belweynta hawiye Afhayeenka dhalinta Belweynta hawiye
Karaan
Mogadishu

kahadlida warar xaqiiqda kusaleesan sida wararka xasaasiga ahi wararka belweynta hawiye wararka beesha caalamka

Kaabeiyokobciye Kaabeiyokobciye
Mogdisho
Mogadishu

dalka dhiso dalka dhiso
Maahirabshir764@gmail. Com
Mogadishu, 252

Colaad Ali Faarax Colaad Ali Faarax
Mogadishu
Mogadishu

colaad

Gudoomiyaha golaha shacabka  sheikh Adam madoobe Gudoomiyaha golaha shacabka sheikh Adam madoobe
Near Villa
Mogadishu

Parliament chairman sheikh adam