Ministry of Finance - Somalia

This is the official Page of the Ministry of Finance FGS
Kani waa bogga rasmiga ah ee W. Maaliyadda.

(Wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Soomaaliya)
The Ministry of Finance is the central authority of Government of Somalia charged with the responsibilities for maintaining both micro and macro-economic stability in the country. Moreover, the key role of the Ministry lies with the more rationale allocation of resources; better management of public expenditure; enhanced mobilization of both internal a

11/12/2023

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad ku wargalinaysaa in la gaaray waqtigii dhammaadka safarkii dheeraa ee geediga , taas oo ay shaacin doonaan giddiga sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ugu dambeyn 13 Bishaan December ee dhammaadka sanadkan 2023-ka.

Waa Albaabka Maalgashiga iyo Bilaawga Horumarka Dalka!!

09/12/2023

Baarlamaanka JFS labadiisa Aqal oo kulan wadajir ah ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

186 Mudane oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa gacantaag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Mudane.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo meel-marinta Miisaaniyadda kadib la hadlay Baarlamaanka ayaa u mahadcelyay, waxa uuna tilmaamay muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya.

09/12/2023

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa sharaxay Warbixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

06/12/2023

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Baarlamaanka labada Aqal oo wadajira ka hor akhriyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

Miisaaniyadda oo h**e ay u soo meelmariyeen Golaha Wasiirada ayaa taariikhda markii ugu h**eysay waxa ay gaaraysaa Hal Bilyan iyo kabadan.

06/12/2023
Photos from Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed's post 05/12/2023
Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 05/12/2023

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah Uqeybsamaha isku-duwidda Howlaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah taageerada hannaanka deyn cafinta kadib iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeeshada bulshada Gobolada qaar ee Soomaaliya.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 30/11/2023

Muqdisho, November 30, 2023: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta xaaladaha Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2023. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha barnaamijka deyn cafinta.

"Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka qeybtiisa 8-aad taasi oo aan diirada ku saarnay sida ay biyihu muhiim ugu yihiin nolosha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haddana waxa aan horumar muuqada ka samaynay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go'an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar dakhliga gudaha ah uu sameeyay sanadkaan inkastoo ay jiraan caqabado sameeyay homurka dhaqaaalaha taasi oo ay sababeen xaalaha isbeddelka cimilada, daadadka ka dhashay roobka iyo ayax oo dhibaato kale ku haya deegaanka.

Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay sharuudaha iyo xeerka ku xiran barnaamijka Deyn Cafinta oo la filayo in lagu dhawaaqo bisha December ee sanadkaan 2023.

Wakiilla Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 27/11/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kanqeyb galay munaasabadda daah-furka Hiigsiga Qaran ee 2060-ka oo uu si rasmi ah u daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud. Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo sida ay Soomaaliya u ekaan doonto 36 kadib marka ay boqol jirsato. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay kaliya in aysan ku ekaan riyo ee loo baahan yahay in la hir galiyo hiigsiga Soomaaliya.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 24/11/2023

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf, oo Soomaaliya guul uga soo hooyay billadda 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟑 ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, oo lagu abaalmariyo hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Hormuud Telecom oo ah shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo ka qeybgasha tartankan waxaan ku bogaadinaynaa in ay magaca Soomaaliyeed geeyeen, guulna Dalkeenna uga soo hooyeen abaalmarintan oo ay ku tartamaan hoggaamiyayaasha shirkadaha ugu waaweyn isgaarsiinta caalamka.

Waa guul taariikhi ah oo uu Soomaaliya u soo hooyay Guddoomiye Axmed oo noqday hoggaamiyihii 25ᵃᵃᵈ ee ku guuleystay abaalmarintan, oo ay ku tartamayeen madaxda shirkadaha 𝐃𝐞𝐮𝐭𝐬𝐜𝐡𝐞 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐤𝐨𝐦 ee 𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐌𝐚𝐬𝐌𝐨𝐯𝐢𝐥 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee 𝐒𝐩𝐚𝐢𝐧, 𝐂𝐨𝐥𝐭 𝐓𝐞𝐜𝐡𝐧𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬 ee 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚, 𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧 𝐍𝐞𝐭𝐰𝐨𝐫𝐤 ee 𝐁𝐚𝐱𝐫𝐞𝐲𝐧 iyo shirkradda 𝐊𝐚𝐜𝐢𝐟𝐢𝐜 𝐁𝐫𝐨𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧𝐝 𝐒𝐚𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐭𝐞𝐬 ee fadhigeedu yahay Dalka 𝐒𝐢𝐧𝐠𝐚𝐩𝐨𝐫𝐞. Waxaan sidoo kale Guddoomiye Axmed ku bogaadinaynaa guushii ay todobaadkii h**e Soomaaliya uga soo hooyeen abaalmarinta 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 ee ay bixiso 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐅𝐞𝐬𝐭𝐢𝐯𝐚𝐥, oo uu uga guuleystay madaxda shirkadaha 𝐎𝐫𝐚𝐧𝐠𝐞 𝐄𝐠𝐲𝐩𝐭, 𝐕𝐨𝐝𝐚𝐜𝐨𝐦 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩, 𝐒𝐚𝐬𝐟𝐢𝐧 𝐁𝐚𝐧𝐤, iyo 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐁𝐚𝐧𝐤.

Waxa aan Maamulka Shirkadda ku bogaadinaynaa kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaateen horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalka iyo guulaha is dabajoogga ah ee ay Dadlkeenna uga soo hooyeen tartannada isgaarsiinta ee Afrika iyo caalamka. Waxaana rajaynaynaa in ay sii laba-jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan isku xirka bulshadeenna, fududeynta nolosha dadkeenna, shaqa-abuurka Dalka, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 21/11/2023

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo uga qeybgalay London shirka Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya

London, November 21,2023: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa Guddoomiyay shir ku saabsan Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galeen maalgaliyayaal ka socda dalka Ingiriiska. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo shirka furay ayaa u sheegay ganacsatada UK in Soomaaliya diyaar u tahay maalshagi caalami ah oo ah dhinacyada, Beeraha iyo Kaluumaysiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha dalka. Wasiir Biixi ayaa sheegay sida ay muhiim iyo fursad qaali ah ugu tahay ganacsatada reer UK in ay Soomaaliya maalgashadaan kadib gaba gabada hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gabagabo ku dhaw.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London kaasi oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee cuntada Adduunka.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 16/11/2023

Muqdisho, November 16,2023: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Guddiga Qaran ee Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo ay xubno ka yihiin hey’adaha Dowladda ee ka shaqeeya Dhaqaalaha iyo Amniga.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Amniga XFS, Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha Hey’adda NISA, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaliya Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC. Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah iyo maalgelinta argagixisada oo dhib badan ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan xubnaha Guddiga waxa ay xoojiyeen ballan qaadkooda ku aadan in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo hey'addaha iyo bulshada Soomaaliyeed. Nidaam Maaliyadeed oo hufan walibana xoogan wuxuu daruuri u yahay in dalku helo maalgashi caalami ah, la xaqiijiyo amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 16/11/2023

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow oo ku sugan magaalada Darusalaam ee dalka Tanzania, ayaa ka qeyb gashay shirka heerka sare ee maalgalinta haweenka Africa.

Marwo Raaxo M. Janaqoow ayaa shirka ka jeedisay hadal kooban oo ay ku faah faahisay mudnaanta ay Dowladda Soomaaliya siiyay xuquuq-sinaanta shaqo iyo maalgalinta haweenka xili ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaal xoogan ugu jirto dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 13/11/2023

Wasiir ku xigaanka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Xil. Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta kormeer ku sameeyey Shaqada ka socda Dekada magaalada Muqdisho, iyaga oo ka duulaya dadaalada lagu dar-dar galinayo dekhliga gudaha si Dalka uu u gaaro isku-filnaansho maaliyadeed

Wasiir Kuxigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa kulan la qaatay saraakiisha maamulka Furdada oo lagu siiyey warbixin la xiriirta dardar galinta dakhliga iyo saameynta uu dekeddu ku yeeshay roobabka maalmihii ugu dambeeyay ka da’ayey magaalada muqdisho.

13/11/2023

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federal ka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Afartii Bilood ee la soo dhaafay in ay sare u qaado dakhliga gudaha oo kordhay 25% taas oo sababtay in Miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka ay gaarto Hal Bilyan iyo kabadan, taasoo ah markii ugu h**eysay ee ay heerkaas gaartay miisaniyadda Dowladda tan iyo 1991.

Hadaba Muuqaalkan kooban waxa uu faah-faahinayaa Kororka Dakhliga, gaba ganada barnaamijka Deyn Cafinta iyo Dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

Photos from Hon. Abdiqafar Hange's post 13/11/2023
Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 06/11/2023

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula yeeshay wakiilka Hey’adda Cunada Adduunka ee WFP El-Khidir Daloum iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska Soomaaliya ee WFP.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgalinta Cunada iyo horumarinta qeybaha wax soo saarka si loo gargaaro dadka ay saameeyeen abaaraha iyo coladaaha ka dhaca meela qaar ee dalkeena.

01/11/2023

Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda.

Muqdisho, October 31,2023: Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyo Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaadhay barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaga oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixinta IMF ayaa ku bilaabatay sidan, ‘Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta k**a dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa k**a dambeysta ah bisha December 2023-ka.

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah.

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha k**a dambeysta ah ee kadib barnaamijka Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya. IMF waxa ay xustay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ah in ay lama huraan tahay.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxaa kale oo ay sheegtay in horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka wanaaga sannadihii la soo dhaafay,

Iyada oo laga duulayo horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga sanadihii la soo dhaafay, ayaa hadana mudnaanta gaarka ah waxa ay noqon doontaa jaangoynta xasilinta siyaasadda muhiimka ah ee dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta Maamulka Maaliyadda.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta. In ka badan 30 sano ka dib, Soomaaliya waxa ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa hey’adaha Maaliyadda Adduunka.

Link-ga hoose ka akhrista Warbixinta oo English ah.

https://www.imf.org/en/News/Articles/2023/11/01/pr23372-somalia-imf-reaches-sla-on-36-month-ecf-arrangement?s=08

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 01/11/2023

Wasiirka Maaliyadda DFS oo daahfuray Mashruuc cusub oo lagu magacaabo ‘Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya’.

Muqdisho, November 1,2023: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Marwo Raaxo M. Janaqiyo iyo Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka. Sidoo kale waxaa munaasibadda ka soo qeyb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadalka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taagero fursamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey'adda kale ee Dowladda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kale duwan maanta uu ugu dambeyn dhaqangalay oo daahfuray. Waxa uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey'addaha Dowladda.

Wasiirka Maaliiyadda Dowlad Goboleedyada Galmudug Mudane Farxaan Cali Maxamuud oo magaca Wasiirada Dowlad Goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka. Waxa sidoo kale shirkaan hadal ka jeediyay Kusimaha Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamuud Guure ahna Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 31/10/2023

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Gudoomiyay kulankii Billaha ahaa ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo looga wada hadlay muhiimada ay Dalka u leedahay kheyraadka gudaha iyo Horumarinta Maamulka Maaliyadda Dad-Weynaha.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, Gudoomiyaha Bangiga dhexe, la-taliyauaasha dhaqaalaha ee xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo xubno ka socday Bangiga Adduunka iyo IMF.

29/10/2023

Miisaadiyadda Dowladda ee 2024-ka ayaa la filayaa in ay noqoto tii ugu badneyd marka loo eego sanadihii la soo dhaafay. Waxa aan halka hoose idinkula wadaageynaa Sawir muujinaya Shaxda kala sareynta Miisaaniyadeed ee sanadihii 2022 & 2023-ka.

Qoondada ku talagalka Moosaaniyadda 2024-ka oo xalay ay meel mariyeen Golaha xukuumadda FS ayaa la filayaa in loo gudbiyo Baarlamaanka Sooomaaliya, si ay iyaguna u ansixiyaan.

28/10/2023

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2024, taas oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 25%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa warbixin kooban ka bixiyay Miisaaniyadda iyo wax yaabaha ay kaga duwan tahay ku wii h**e.

26/10/2023

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi waxa uu kulan muhiim ah kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeqbixiyayaasha, kulankaas oo looga wadahadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu maanta la kulmay sidii Dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta. Wasiir Biixi ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 21/10/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar'id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay
halka uu marayo barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda iyo waxyaabihii ka soo baxay kulamadii uu la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka iyo IMF oo toddobaadkii h**e ka dhacay magaalada Marrakesh ee dalka Morrocco.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo ka hadlay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya halka uu marayo iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhalinta in la gaaro guusha Deyn Cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in Dakhliga gudaha dalka uu horumar wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guul wax ku ool ah oo laataban karo.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dakhliga dowladda uu ku filnaaday Mushaaraadka joogtada ah ee Dowladda, haddana ay ku dadaalayaan qorsheyaasha ku aadan sidii ay Dowladdu ugu filnaan laheyd kharashaadka lagu socodsiiyo howlaha xafiisyada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey'addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka mira-dhaliso Geedi Socodka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda maraya heer gabagabo ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu sheegay in soo bandhigista xogta guud ee Maaliyadda iyo ka qayb qaadashada dadweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha ay fure u tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo Dowlad wanaagga.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 15/10/2023

Marrakesh, Morocco:-Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IFC . Wasiirka ayaa kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen taageerada Dowladda Soomaaliya kadib barnaamijka deyn cafinta iyo loo maalgalin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta ganacsiga bulshada Soomaaliyeed.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 15/10/2023

Marrakesh, October 15,2023: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga qeybgalay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco shirka Agaasimaha Guud ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF,Bangiga Adduunkaiyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa hadal jeedintiisaa diirada ku saaray sida Bangiga Adduunka iyo IMF ay uga falcelikaraan taageerada ay u baahan yihiin dalalka uu dhaqaalohoodu saameeyay Colaadaha iyo Masiibooyinka dabiiciga ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xal ku jaan go’an sinaan marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah, waxa uu intaa ku daray in ay haboontahay in la tixgaliyo talooyinka iyo waxa uu dal walbo u arko in xalkiisa uu ku jiro.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 14/10/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Marrakish ee Dalka Morocco oo sanadkan lagu qabanayo shirka Sanadlaha ah ee IMF/World Bank ayaa kulamo gaar ah la qaatay Masuuliyiin Dowladeed iyo Hey’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda, qeyb muhiim ahna kulahaa arrimaha deyn cafinta iyo dib-u-haneynta Maaliyadda Soomaaliya.

Shir-doceedyadan uu galay Wasiirka Maaliyadda ayaa dhamaantood waxa ay ku qotomaan hannaanka dib-u-eegista Maaliyadda, dib-u-haneynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kulamadaas waxaa ugu h**eeya,

:- Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Dowladda kadib gaba-gabada hannaanka deyn cafinta waxa uu kula yeeshay dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali Bin Ahmed Al-Kuwari.

:- Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu sidoo kale kulan miro dhal ah la qaatay Hogaanka Wafdiga Dowladda Faransiiska uga qeyb galaya Shirka Marrakish, Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faraniiska doorkii muhiimka ahaa ee ay ka cayaartay Wadamada ku bahoobay Naadiga Paris oo hannaanka deyn cafinta qeyn weyn kulahaa.

:- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta Bangiga Adduunka qeybta loo yaqaan (Africa Group 1) Dr. Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen sidii Bangiga uu uga qeyb qaadan lahaa taageerada Dowladda Soomaaliya, kadib marka uu dhamaado barnaamijka deyn cafinta oo hada gaba gaba maraya.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 13/10/2023

Morocco, Marrakesh:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qayb galay shir gaar ah oo Wasiirada Maaliyadda Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo Xubnaha sare ee Bangiga, shirkaas oo uu Wasiir Biixi ka jeediyay khudbad kooban ayuu uga hadlay horumarka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale fariinta ay jeediyeen Wasiirada oo dhan waxay ahayd in taageerada Bangiga ay xoogga saarto sidii loo helilahaa dhaqaale la saadaalin karo, dabacsanaan leh, oo ku habboon dhammaan Wadamada xubnaha ka ah Bangiga oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 12/10/2023

12-October waa maalin qiimo weyn ku leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴

12/10/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco Kaaliye Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda qeybta dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka Mr. Brent Neiman.

Kulankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii Dowaldda Soomaaliya taageero caalami ah u helilaheyd kadib hannaanka deyn cafinta oo hada meel gabo-gabo ah maraya. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay barnaamijka dib-u-haneynta Maaliyadda oo ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan Wasaaradda Maaliyadda.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 12/10/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay Dalka Morocco.

:-Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib.

:- waxa uu Wasiirku kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymha kuleh Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu sooray sidii go’aan looga gaarilahaa arrimaha deymaha.

: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha deyn Caginta la qaatay maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta kuleh.

:- Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shirar muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, Mudane Wasiir Biixi ayaa kulanka ugu h**eeya la qaatay Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 11/10/2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco, isaga iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo ka kooban Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Xubno matalaya Guddiyada Maaliyadda ee Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xarunta Warbixinada Maaliyadda FRC, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo la taliyeyaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa maanta ka qeyb galay kulan ka mid ah kulamada loo dhan yahay, gaarna u ah Afrika kaas oo ay ka soo qeyb galeen Qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Agaasimaha guud ee IMF Kristalina Georgieva.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada looga baahan yahay IMF xiliyada ay jiraan marxaladaha adag ee u baahan in la xasiliyo iyo kobcinta dhaqaalaha Dowladaha ka soo kabanaya dhibaatooyinka dhaqaale darida. Soomaaliyana waxa ay ka mid tahay Dalalka ka soo kabanaya saameynta dhaqaalaha masiibooyinka iyo Colaadaha laga dhaxlay.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 10/10/2023

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Marrakesh ee dalka Morocco ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey'adda Ceymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (MIGA) oo ka mid ah hey’adaha hoostaga Bankiga Adduunka.

Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka MIGA Mr. Junaid Ahmed ayaa looga hadlay sida Soomaaliya ay usoo jiidan laheyd indhaha maalgashiga caalamiga ah iyagoo laga faaiideysanayo caymiska iyo dammaanad qaadka Hey'adda ee Bankiga Adduunka. Maalgashiga shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa laf-dhabar u ah soo kabashada dhaqaale ee Soomaaliya.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 10/10/2023

Wasiir ku xigeenka Wasaardda Maaliyada ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo ay wehlinayso Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyada Marwo Raaxo Maxamud Janaqoow ayaa xarunta Wasaardda Maaliyada kulan kula qaatay, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Mareeyaha Hay'adda Diiwaan-gelinta dadweynaha (NIRA).

Kulan kan ayaa ku saabsanaa bilowga bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaran ee Dadwaynaha iyo arimaha Maaliyadeed ee la xiriira, si loo dardargaliyo shaqooyinka qaadasgada Kaarka loona gaarsiin lahaa guud ahaan Dalka.

Photos from Ministry of Finance - Somalia's post 09/10/2023

Morocco, Marrakesh:-October 9,2023: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco 🇲🇦 , halkaas oo sanadkan lagu qabanayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF. Kahor furitaanka shirka guud, Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdigiisa waxa ay shirar muhiim ah oo horudhac ah la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa iyagoo ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka Cafinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixii Imaan Cige iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Antoinette Monsio Sayeh oo ah Agaasime ku xigeenka guud ee IMF. Waxa ay ka wadahadleen Geedi socodka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhammaystirka sharuudaha muhiimka ah dadaalada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Ku xigeenka Maamulaha Guud ee IMF sidoo kale ka hadlay sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heli lahayd Deeqo Maaliyadeed oo dheeraad ah kaddib barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya marka laga gudbo.

Wasiir Biixi iyo Wafdiga la socda ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha, Deyn Cafinta iyo xoojinta wadashaqeynta Hey'addaha Maaliyadda caalamiga ah la qaato, Madaxda iyo Dowladdaha ka qeybgalaya shirkaan sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga.

06/10/2023

Shir ay yeesheen Guddiga Sare ee Bankiga Horumarinta Afrika ayey ku ansixiyeen $13.3 Milyan oo doollar oo ah deeq loogu talagalay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay gacan uga geysato horumarinta dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo arrimaha muhiimka ah sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay deeqda Maaliyadeed ee uu Bangiga Horumarinta Afrika ugu deeqay Soomaaliya si loogu horumariyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ka mid ah saaxibadda caalamiga ah sida joogtada ah u taageero Dowladda Soomaaliya, sidoo kale Bangiga ayaa mashaariic horumarineed waxa uu ka fuliyaa gudaha Soomaaliya.

https://www.afdb.org/en/news-and-events/press-releases/somalia-african-development-bank-group-approves-133-million-grant-help-improve-domestic-revenue-mobilisation-and-public-expenditure-management-64772

Sawirku Waa wasiirka Maaliyadda iyo Nnenna Nwabufo oo ah Wakiilka Bangiga ee dalalka Bariga Afrika

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Baarlamaanka JFS labadiisa Aqal oo kulan wadajir ah ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.186 Mudane oo ka koob...
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa sharaxay Warbixinta Miis...
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Baarlamaanka labada Aqal oo wadajira ka hor akhriyay Miisaan...
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federal ka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Afartii Bilood ee la soo dhaafay in ay sare u q...
Wasiirka Maaliyadda XFS oo sharaxaya Miisaaniyadda Dowladda ee 2024
Muhiimadda Canshuurta
Farriinta Dib - u- habaynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha
Wasiirka Maaliyadda oo Ummadda Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan munaasabadda Ciiddul Fidriga
Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee 2019-ka
Canshuur la'aan Dowladi ma jiri karto, hadaba si dowladnimo u hano qaado shacabkuna u helo dhammaan adeegyada asaasiga a...
Hormarka Dhaqaalaha Dalka
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo waraysi siiyay Idaacada VOA-laanteeda Af Soomaal...

Address


Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30

Other Government Organizations in Mogadishu (show all)
Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad
Benaadir
Mogadishu, BENAADIR

Follow Us

Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor
Jaziira Street
Mogadishu

Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor waa col kamida CXDS. pagekaan waxaa kala soconkartaa waxqabadka Guu

Somali journalist Somali journalist
Mogadishu, 252

Somali Journalist is private investigator

Somalia National Institute of Health Somalia National Institute of Health
Via Londra, P. O. Box 22, Hamarweyne
Mogadishu

The Somalia National Institute of Health

Maxk**adda Gobolka Banaadir Maxk**adda Gobolka Banaadir
HQ Office, London Road, Xamarweyne
Mogadishu, 00252

Bogga rasmiga ah ee Maxk**adda Gobolka Banaadir

BRA Commission for Refugees and IDPs BRA Commission for Refugees and IDPs
Banadir Region Administration Office Del Governatore, Hamar-weine District, Mogadishu-Somalia
Mogadishu

SONIC SONIC
Hamar Wayne
Mogadishu, BN0300

SONIC is responsible for the administration of the domain namespace for the country code (ccTLD) of

Horumarka Gobolka Benaadir Horumarka Gobolka Benaadir
Via Roma
Mogadishu, 252

Boggan wuxuu idiin soo gudbin doonaa wax walba oo ku aaddan horumarka Gobolka Benaadir.

Golaha Wasiirada Soomaaliya Golaha Wasiirada Soomaaliya
Villa
Mogadishu

Waa Page-Ka Rasmiga ah ee golaha wasiirada Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska - JSL Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska - JSL
Mogadishu, 252

Bogga Rasmiga ah ee wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska JSL. This is the official page of the Ministry of Employment Social Affairs and Family the Rep...

Independent Anti-Corruption Commission Somalia Independent Anti-Corruption Commission Somalia
Villa
Mogadishu

Guddiga Madaxa Bannaan Ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Office of Cybersecurity Office of Cybersecurity
Jamhuuriya Road, Boondheere District
Mogadishu, BN3010

Office of Cybersecurity, Ministry of Communications & Technology of Federal Republic of Somalia