Tankesmien for Norsk-Somaliere

Tankesmien Norsk-somaliere er en partipolitisk uavhengig tankesmie som skal gjennomføre samfunnsana

07/06/2020

Madaxweyne careysan..

Forhastet oljeutvinning i Somalia kan skape nye konflikter 27/04/2020

Asalamu Alaykum, Ramadaan Kariim asxbta dhamaan. Maanta waxa soo baxay maqaal ka hadlaya xaalada wadanka maanta iyo qorshaha dowlada ee shidaal qodista Somalia iyo muhiimada ee ledahay in qorshayn iyo nidaam loo abuuro ka hor soo saarista macdanta iyo qayraadka dabiiciga ee wadanka.

Jirdilka, xariga iyo dhibaataynta wariyayaasha iyadana in la joojiyo. Weriyahu waa u adeegaha bulshada iyo araga iyo iftiinka umada ee ledahay. Dowladu waa in ay ilaalisaa xaquuqdooda, tababrtaa, difaacda. Ma ahan in ay noqoto mida dhibataynaysa.

Aqris wacan. Maqaalka oo soomali ah mar dhow soo baxaya Inshallaha. Caafimaad dhamaan iyo Taxadar

Forhastet oljeutvinning i Somalia kan skape nye konflikter MENINGER: Funn av olje i afrikanske land fører ofte til konflikter og elendighet i de samfunnene som påvirkes av disse funnene, skriver Mohamud Ali. Han mener man må forhindre at den norske bistanden til Somalia blir en del av landets problemer.

15/04/2020

for Gurbiye. Farmajo has to respect pressfreedom. They serve for the people. No Dictatorship.

09/04/2020

asc dhamaan walaalaha somaaliyeed,

waxeey u egtahay in mowjadihi cudurka COVID 19 ee si rasmi inoo soo gaareen.
Shalayto waxeey wasaarada caafimaadka xaqiijisey in case-kii ugu h**eeyey oo faafid gudaha uu u geeriyoodey xanuunka. Alla ya raxma.

Waxaan walaalaha somaliyeed kula dar daarmayaa ineey taxadirka badiyaan, talooyinka ka hortagana si wanaagsan u qaataan. Allah ayaa wax bad baadiyo, laakiin dadaal ayaa nala faray. Hala dadaalo walaalayaal.

Sidoo kale, dowlada waxan kula dar darmayaa ineey xoojiso wasaarada caafimaad iyo kooxda loo xilsaarey howshaan. waxaad mooda in is dhex-yaac ka jiro maareynta howshaan isla markaan isbuucyadi dahabiga ee na soo maray, aan si fiican looga faaideysan. waa in dowladu culeyska saarta si dhakhso, howlaha wacyi-gelinta umadda iyo ka hortaga faafida.

Wabilaahi towfiiq.

DF oo ‘mushaharka ka joojisay’ xaasaska askartii dalka u geeriyootay + Sawirro 04/04/2020

Soomalida been kuma maahmaahdo lakin waa ku hadasha h**e loo yiri. Nin maqan aya sadkiisa dhumaa..!!! Dowlada ma waxay goaamisay agoonta mujahidiinta dalka u dhimatay in laga goosto mushaarki yaraa??? CRONA VIRUS laguma dagalaamaya lacagtas ilo xog ogaal ah II so gudbiyeeen😲😲😲

Wlhi waaa nasiib daro in sidaaas loo fikiro. I hope KHEYRE to reconsider his budgeting plans. Fikira aan so jeedinayo ayaa ah in Xildhibaanada iyo wasiirada, madaxwaynaha iyo Raisulwasaaraha Mushaaroodk 50% loo gooyo caawinta bulshada?!! Maxay kula tahay??

https://www.caasimada.net/df-oo-mushaharka-ka-joojisay-xaasaska-askartii-dalka-u-geeriyootay-sawirro/

DF oo ‘mushaharka ka joojisay’ xaasaska askartii dalka u geeriyootay + Sawirro Muqdisho (Caasimadda Online) – Iridda h**e ee Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay sameeyeen qaar ka mid ah xaasaska askartii u geeriyootay difaaca dalka san…

30/03/2020

CORONAVIRUS maxa Af-soomali lagu dhaha horta?😂😂

06/01/2020

Taliyaha Policeka iyo Gudomiyeha waaxda, kan Degmada iyo gobolka arrintaan maxay ka leyihiin???dilka joogtada ah marna ciidanka dowlada, qabiil ama argagixasada umada shacabka ku hayso sidee loo yarayn kara/joojin karaa??

Xaalada Xamar waxay u sii noqonaysa sidi ee ahyd sanadihii ugu xumaa er amniga..90s iuo bilawgii 2000!!! Sidee wax looga beelo karaa arimaha amniga ee dhinac waliba caqabad ka taagan yihiin iyo fashilka?

https://www.facebook.com/STNSomali/videos/1919774724834340/

31/12/2019

Sanad cusub oo wanaaagsan dhamaan umada Soomaliyeed meel walba ee joogan
2020.🎉🎆

Maxaabiis Shabaab ah oo maanta ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar (Warbixin) 30/12/2019

Side ku dhici karta in 28.12.19 lagu laayo dad shacab ah qaraxi Ex-kontrol Afgooye. Misna maanta maxabiisti argagaxisada xabsiyada laga sii daayo?? 😲😲

Taliyaha booliska somaliya wuxu amaray gudomiyeha gobolka inusan sheegi tiradi dadka ku geriyoday qaraxa, maantana dowlada waxay shegay in qaraxa ee ka dambayse dowlad ajnabi ah iyado cadayn ama wax aqbaar dheraad aama raad mujinayo arintas aysan so bandhigin.

Side u aragtaan fashilkan joogtada ah ee sarakiisha amniga iyo waxa la filan karo in ee xigaan hadii ee sidaan ku si socoto?

https://www.caasimada.net/maxaabiis-shabaab-ah-oo-maanta-ka-baxsatay-xabsiga-dhexe-ee-xamar-warbixin/

Maxaabiis Shabaab ah oo maanta ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar (Warbixin) Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro maxaabiis ah ayaa maanta ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan xabsiga dhexe u sheegeen Caasimada Online. Tirada maxaabi…

30/12/2019

Maxey faaiido eh ee leedahay in la sameeyo Banaadir State?

dhamaan sida lala socdo, dastuurka kumeel gaarka ee wadanka waa federal, ilaa haddana waxaa jira ama la aas aasey 5 maamul goboleed oo dhamaantood hoos yimaada dowlada dhexe ee xamar.

Haddaba gobolka banaadir k**a mid ahan maamuladaas federal ee gaarka u taagan, mana lahan awood, iyo sharciyad uu si madax banaaan uu ku maamulo dadka degan gobolka.
Maamulka iminka jira waxaa soo magacaaba/eryi karana madaxda sare e dalka, ma jiro shuruucyo gaar u madax banaaneyna madaxda gobolka ineey gaaran goáano wax ku ool eh oo danaha shacabka dagan degaanka quseeyo.

Awoodaha maamulka gobolka ee iminka waa sida cad dhex-taalo ka dhaxeyso dhamaan dadka sheegta masuuliyada. Tusaale hadii eey noqoto dhanka amniga, waxaa faraha arimaha muqdisho kula jira taliyaashii qaran ee booliiska, nabad sugida, asluubta, iwm.
Dhanka arrimaha bulashada sidoo kale, waxaa is dhex-yaac. Wasiiro, agaasimayaal, iyo madax sare-ba waxaa kuli faraha lagula jiraa arrimaha hoose ee maamulka gobolka.

Haddaba hadii gobolka loo madaxbanaaneeyo maamulkisa gudaha oo uu noqodo Benadir state, maxee xaalada ka badali kartaa?

Marka koowaad, side ila tahay, waxaa abuurmi kara waxa la yiraahdo “ownership”, ama lahaansho dadka degaanka ee lahaadaan masuuliyada amni, tan bulsho iyo tan daryeel ee gobolka. Waxaa abuurmaya isu-dhawaansho xagga bulshada iyo madaxda gobolka ah, taasoo fududeneysa in xal deg deg ah loo helo dhibatooyinka so noq noqdey ee xagga amniga iyo horumarin dhinacyada deegyada bulshada ee maamulka loga bahanyahay.

Waxaa sidoo kale abuurmaya isku-tashi guud ee dadka degaanka. Waxaa mesha ka baxaya isku haleynta shacabka banaadir ee madaxda sare iyo dowlada dhexe. Dadka degaanka waxee dareemayaan howl kasto iyo shaqo oo amni xaqiijin iyo horumarin arrimo bulsho in iyaga looga fadhiyo, dheefteedana iyagu leeyihiin.

Waa taas sababta aan is leeyahay waa waxa sababey in maamul goboleedyada kale ay ugu guuleeysteen ilaa xad ineey amnigooda gacanta ku dhigaan.

Marka isku soo wado duub, waxaa muhiim ah in masuuliyada maamulka gobolka banaadir iyo amnigiisa iyo horumarintiisa, aan la wada lahaan ee la kala lahaado si ay u fududaato isla-xisaabtan iyo wax qabad dhab ah.

30/12/2019

Waa hoghaya guud ee qaramada midoobey oo u hambalyeynayo umadaha aduunka dabaaldaga sanadka cusub 2020.

Madama xafiiska UNSOS uu yahay midka maamulo siyasada UNka ee Somalia iyo ciidamada AMISOM ee ilaaliya madaxda ugu saraysa dowlada ee Villa Somalia, qayb wayn ka bixiyha shaqalaha dowlada. Side ayay kula tahay in ee ku caaawin karaan dadka Benaadir in ay helaan xuquudoda?

29/12/2019

Iyadoo aan tixracayo doodii maanta Baarlamaanka somaliya ee qusayse miisaniyada dowlada ee Villa Soomaliya soo gudbindoonta sanadka 2020 ayaa waxan idinla wadagaya xogta misanayida sandka Dhamanaya ee 2019.

Shaxda hoose waxay mujinaysa lacagta loo qoondeye dowlad goboledyada dalka sandaha 2017, 2018 iyo 2019 oo iskugu xiga sida Shaxda ee u qoran tahay.

Gobolka Banaadir waxa lagu wada miisaniyad jaritaaan joogta ah halka canshuurta ka so xarooto magalada ee 10 laabanto lacgto ku qoran in loo qondeeye.

Gobolka Hirshabel waxa uu hela dhaqaalaha ugu yar dhamaan gobolada halka uu ka dadbanyahya gobolada qaar.

Ma cadaalad baa in sidas loo maamulo dhulka iyo canshuurta, dhaqaalaha dadka Hirshabelle iyo Benaadir? Sideese loo joojin kara in arintan ee sii socoto? Baarlamaanka dadka fadhiya ee matala goboladaan side ku saxixeen misaniyad nocaan ah?

Miisaniyada 2020 ma xaqmarin doonta xuquuqda ka maqaan muwadiniinta goboladaan oo weliba caasimada ugu horayso?

Wararkii ugu dambeeyey dagaal Muqdisho ku dhex maraya ciidamo u abaabulan hab beeleed 29/12/2019

Fashilka Villa Somaaliya iyo dhibta haysata dadka degan caasimada.

Xaalada maanta taagan waxay mujinaysa nasiibdaro wayn iyo in dalka dib loogu celshay 20 sano ka hor meeshi uu tagnaa!!

Iyadoo aan weli la aasin masakiinti dhiigooda sida naxariista la'aanta loo dadashay shalayto ayaa hadana maanta dad hor leh lagu sii daray dhimashada joogtada ah ee caasimada!!!! 😔

In maanta beelo hubaysna dhul sharci darro ah isku rasaseyaan maalin cad magaalada waa wax aad looga naxo. Maxay idinla tahay in laga yeelo xaalada Xamar iyo dadka caasimada madama cidna u damqanayn?

https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyey-dagaal-muqdisho-ku-dhex-maraya-ciidamo-u-abaabulan-hab-beeleed/

Wararkii ugu dambeeyey dagaal Muqdisho ku dhex maraya ciidamo u abaabulan hab beeleed Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed, ayaa ka socda magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salk…

29/12/2019

Sida ay iskugu egyihiin qaraxa maalinti shalayto ka dhacay Ex-kontroll Afgooye iyo qaraxi Zoobe/KM5.

Qaraxi shalayto ee Ex-kontroll waxa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qaraxa laga soo buuxiye iyadoo lagu qarxiye isgoys halbowle u ah magalada xilliga ugu mashquulka badan magalada. Qaasaare dhimahsho in ka badan 76 muwadiniin iyo ajnabi shacab isugu jira ee ku nafwaayeen.

Qaraxa Zoobe isagana wuxu ahaa mid gaari xamuul ah loo adeegsaday, isgoys muhiim u aah isu socodka bulshada xilliga ugu mashquulka badan magaalada. Halkaasna waxa ku naf waaye 276 qofood.

Labada xilliba dowlada Farmaajo aya xukunka hayso wadanka iyo raysalwasarihiisa Khayre. Labada qarax halka ee ka dhaceen waxa u dhscayso wax ka yar 5km. Waxa muhiimka ee looga baahanyahay madaxda umada aya ah sugida amniga shacabka ee matalaan iyo ilaalinta xuduudaaha iyo sharciga/dastuurka wadanka.

Shacabka Benaadir waxa ay awoodin in ee magaladooda ee ugu safran dhexdeeda sida ee doonaan! Waxa aysan awoodin in ay ka hadlaan sida loo maamulo amnigooda, canshuurta iyo dhulkoodaba. Sidee gobolkaan xaqiisa u heli karaa, culeeskana loo qaadi kara?

Siyaasi
Maxamud Cali

At least 78 people killed in car bomb attack in Somalia 29/12/2019

How many times should they condemn (printe minister and president of FDS) terror attacks and what has the government done so far in securing citizens of the city from massacres like this? NOTHING learnt or NO will for that from all previous attacks!!! It happened in october 14 2017 at KM5 and now 2 yrs and 2 months later, comes the next grand massacre of civilians 😔

https://www.channel4.com/news/at-least-78-people-killed-in-car-bomb-attack-in-somalia

At least 78 people killed in car bomb attack in Somalia At least 78 people have been killed after a truck bomb exploded at a busy security checkpoint in the Somali capital, Mogadishu.

Taliyaha ciidanka booliska ku dhahaayo ha sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca cumar finish daawo. 28/12/2019

Suaasha muhiimada leh ee maanta taagan, misna bulshada Benaadir hor taaalo aya ah. Gudoomiyeha gobolka iyo taliyaha booliska iyo dhamaan laamaha amaanka oo dhamaantood ku fashilmay difaaca umada, misna isku daye in ay qariyaan qasaraha maatada so gaaray!!

Ma istahilaaan in ay sii wadaan matalaada dadka gobolka iyo in ay ku hadlaan magaca umada aysanba u damqanayn dhibtooda??

14 oktober 2017 ayay ahayd qaraxii Zoobe. Dowlada Farmaajo maanta meel kuma sheegto cidna uma maqno dadki ku geriyoode qoysaskoodi., gunno ama caawiinad dowladeed ma haystaan!!!

Mantana qaraxa 28.12.19 waaa murugo kale oo hor leh.

Ilaa imisa kun ama boqolaal ayaan u ogolaan doona in ay naftooda jidka nocaan oo kale ah ku baxaan iyo caruur, hoyooyin iyo familo bab'asan u ogolanaynaan sidaaan???

https://youtu.be/RcmRwYSTR9U

Taliyaha ciidanka booliska ku dhahaayo ha sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca cumar finish daawo. Taliyaha ciidanka booliska Somalia xijaar ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir cumar finish usheegay inuu sheegin tiraba rasmi ah ee dhimashada baadhista ka hor...

28/12/2019

Inaalilahi wa ina ilayhi Raajicuun😔😔. Waa maalin murugo wayn oo mar kale umada Soomaliyeed ee gobolka Benadir ee ku habsatay musiiba argagaxisada so ababushay. AAD IYO AAD AYAAN U CAMBAARAYNEYNA falka dhiiga umada masaakiinta ah lagu xasuuqay maanta.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00
Other Political Organizations in Mogadishu (show all)
X. isbedel doonka Sh/hoose X. isbedel doonka Sh/hoose
Mogadisho
Mogadishu, 252

Waa xisbi loogu talagay samata bixintta shabeelaha hoose kaaso kashaqayn doonta awoodsiinta dhalinyar

Hiil center for peace and democracy Hiil center for peace and democracy
Makka Al-mukaram Street
Mogadishu, 252

Hiil center for peace and democracy is a research center that aims to achieve leadership in research on peace and to have a clear imprint in promoting peace and democracy in Somali

mohazaahilTuulokiciye mohazaahilTuulokiciye
Mugdisho
Mogadishu

Hussein ahmett Hussein ahmett
Mogadishu

ᕼᗩᗩTᗩᑎ ᗪᕼᗩᑫᗩᗩᑫOO Kᗩ ᗪᕼᗩᗷᗴᗴ...

Hajji Dool Hajji Dool
Mogadishu

Halkaan waxaad kala socon karataan dhaq-dhaqaaqa iyo xogaha Ganacsade /Siyaasi Xaaji dool

Nabad iyo nolol Nabad iyo nolol
Bakare
Mogadishu, 05

Mohamed Abdulaahi Sayid Mohamed Abdulaahi Sayid
Mogadishu

Yaranka❤️ Siyaaasada❤️ Madaxwey Naha ❤️Mustaqbalka ❤️🇸🇴🇸🇴

kulmiye Mohamed abdi kmc kulmiye Mohamed abdi kmc
Yaaqshiid
Mogadishu, 252

Taageerayaasha Muungaab Taageerayaasha Muungaab
Mogadishu

Kusoo dhowaaw bogga rasmiga ah ee Taageerayaasha Dr. Gen. Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), Guddoom

Youths4Khaire Youths4Khaire
Mogadishu

Youths supporting Hassan Ali Khaire to be the next President of #Somalia. #HiigsiIyoHorumar #Youths4

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliya Shacabka Jamhuuriyadda Somaliya
Mogadishu

Soo bandhigista wax kasta oo dani ugu jirto ummada Soomaaliyeed