Mohamed Midnimo
FEDERALKA QABYAALADEYSAN ee Soomaaliya waa QEYBI OO XUKUN, Fadaro iyo Fowdo. Aan is weheshano Walaalayaal, Aan Wadajirno walaalayaal.
(Qabyaalad iyo Qarrannimo waa Dab iyo Basiin)
MIDNIMO iyo WADAJIR baan ku gaari kartaa Guul, Barwaaqo iyo Qarrannimo.
Guulshu waa ay dhowdahay! Idamka Illaaheey.
: (Siduu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, iyo laga lahaa). (QEYBTA 1aad)
==========================================
Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed.
Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN). Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan.
Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba sidii loo xoreyn lahaa dhulalkaas maqan, waxana lagu hubeeyey Itoobiya, tusaale ahaan, jabhado ay ka mid ahaayeen tii Tigreega ee madaxda ka ahaa Meles Sanaawi.
Sidaas si la mid ah, waxaa iyana jiray jabhado kale oo uu Mingistaha Itoobiya e ku soo hubeynayay Soomaaliya si ay iyaguna u wiiqaan awoodda xad-dhaafka ahayd ee dalka Soomaaliya, taas oo ku aheyd caqabad iyo wadne-kurkur aad u weyn, jabhadihiina waxay ku guuleysteen in ay burburiyaan xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya; nasiib-darrose halka jabhadaha Itoobiya ay muujiyeen wadaniyad iyo dal-jacayl oo ay ilaashadeen dalkooda, jabhadaha Soomaaliya waxay ku dhaqaaqeen burburin hanti-dadweyne, dhac iyo xasuuq shacab iyo weliba isku-jeesasho iyaga dhexdooda ah halkii ay ka unkami lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.
Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf sababay dagaal sokeeye; halka Itoobiya uu madax ka noqday Meles Sanaawi horraantii 1991gii. Isla sanadkii 1993dii, Itoobiya wax aka dhacay afti qaran oo loo qaaday in Eriteriya la xoreeyo sidaasna waxay ku noqotay dal madax-bannaan.
Meles waxaa soo tababary oo maal-gashaday dadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu ku noolaa guri fillo ah oo ku yaallay dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq isaga iyo Isaayas Afwarki; waxayna si fiican u barteen afka iyo dhaqanka Soomaalida.
Isla markii uu Meles la wareegay talada dalkiisa wuxuu bilaabay isaga oo fahmsan meesha ay ku jirto dantiisa iyo danta Itoobiya; halkaasna wuxuu ka bilaabay in uu isku hubeeyo jabhadihii Soomaalida ee xilligaas taasoo aakhirkii sababtay barakac, burbur, halaag iyo kala-firdhad ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed.
Haddaba Itoobiya oo iyada lafteeda haysteen caqabado gudaha ah oo ay qowmiyadeheeda kala duwani is-riixriixayeen ayaa waxaa ay jabhadii TPLF-ta ku dhawaaqday in dalka Itoobiya laga dhigay dowlad ‘federaal’ ah sannadkii 1995kii.
Meles oo si fiican u fahansanaa Soomaalida iyo halka ay hannaanka afaara-qabiilka ka joogto, kaashanayana Nayroobi, sidoo kalana ay gadaal ka riixayaan quwado kale oo shisheeye, ayaa wuxuu qaatay in uu dhaqan-geliyo aragtidii laga dhaxlay gumeystaha ee ku dhisnayd ‘Qaybi oo xukun,’ waana halka aragtida Meles ee Soomaaliya in ‘federaal’ laga dhigo ay ka timid; ‘federaal’ ku dhisan laba arrimood oo aad muhiim ugu ah Itoobiya oo ah:
1. In uu xadduud badeed yeesho iyo
2. In uu xadduud dhuleed la wadaago dalka Itoobiya.
Sanadkii 1998dii, saddex (3) sano un ka dib qaadashadii ‘federaalka’ ee Itoobiya waxaa la aas-aasay ‘maamul-goboleedkii’ ugu h**eeyay ee Soomaaliya kaasoo ku dhawaaqay kana dhaqan-galay gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya.
------------------La soco qeybta xigta).------------------
: Walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan.
QEYBI OO XUKUN:‘Federaalka’ qabyaaladeysan ee Soomaaliya.
=====================================
Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha.
Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida: waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm; ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka.
Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale. Waxaa la adeegsaday nooc kasta oo lagu siyaadin karo is-nacaybka iyo qabyaaladda ummadda Soomaaliyeed la kala dhex-dhigay. Waxaa la soo bandhigay hannanaka qabiil-wax-ku-qaybsiga ee 4.5. Si kastabase, Eebbe weyne mahaddii iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah dad is-jecel, waa la kala tegi waayay; haba lakala sad-bursado e. Taas markii ay socon weyday ayaa haddana waxaa markii dambe la soo bandhigay nidaamka ‘federaalka’ si ay halkeedii uga sii socoto kala qoqobka iyo kala irdheynta ummadda.
Haddaba, waxaan maqaalkaan hoos ku lifaaqan kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1. Nidaamka ‘federaalka’ iyo noocyadiisa ugu caansan;
2. Waxyaabaha uu la gaar yahay nidaamka ‘federaalka;’
3. Sida uu ku yimaaddo nidaamka ‘federaalka’ iyo ujeeddooyinka loo adeegsado;
4. Sida uu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, cidda ka dambeysa iyo ujeeddada laga lahaa;
5. Halista nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysan uu ku yahay dalka iyo dadka; iyo weliba;
6. Nidaamka siyaasadeed ee ku haboon in ay Soomaaliya qaadato si xal waara loo gaaro.
: Waa uu dheeryahay IGA RAALI AHAADA, lkn waa muhiim ee si qoto dheer oo dhugasho leh u akhri, wadaaga arragtidaadu waa u muhiim Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed xiligaan adag.
Mahadsanidiin
Jimco Wanaagsan
https://hiiraan.com/op4/2021/jan/181355/qaybi_oo_xukun_federaalka_qabyaaladeysan_ee_soomaaliya.aspx
Qaybi oo xukun: ‘Federaalka’ qabyaaladeysan ee Soomaaliya Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato;
Dalkeygaan burburka ka soo kabanaya!
Dadkeygaan Rajada naawilaaya, una hamuun qaba Dowladnimo!
Alle uga yaaba, oo ka xishooda, inta xisaabtan laga gaarayo.
"Hadda ama Haddow"
Thinking....!
Mid kheyr qaba, mideeye ah, Qaran bile ah, Guule ah.
IDAMKA ILLAAHEEY.
Markab alaab waday ayaa wuxuu bilaabay inuu liico ilaa uu ku dhawaaday gaddoomid. Dadkii meesha wada saarnaa waxay dhaheen aan tuurno alaabta hal nin si aan u bad baadno. Nin ka mid ah ayaa yiri " Ma wanaagsana hal qof alaabtii uu soo gatay in biyaha lagu wada tuuro ee qof walbo xogaa aan ka tuurno alaabtiisa si aan u bad baadno." Dadkii meesha saarna waxay isku raaceen asaga iyo alaabtiisa in la tuuro madaama uu ahaa qof aan awood badan lahayn lagana baqeynin, sidaas ayaana lagu soo tuuray.
Mawjadii hirka ayaa qaaday oo Jazeerad cidlo ah ku tuurtay, meeshii ayuu aqal ka dhisan iyo biyo yar oo macaan ka helay, kalluunka ayuu soo qabsan jiray si uu u cuno, baahidana isaga dilo.
Maalin ayuu dab sh*tay ka dibna kalluun ayuu soo qabso is yiri, nasiib darro se dabkii ayaa gurigiisii qabsaday wuuna wada gubtay. Murugo saaid ah ayuu dareemay, wuxuuna ku cataabay "Allow muxuu yahay dhibkaan i daba taagan" meeshii bannaanka aheyd ayuuna iska seexday. Xoogaa kadib waxaa dul timid doon, waa la toosiyay. Aad ayuu u yaabay wuxuuna wediiyay maxaad ahaydeen?
Waxay ugu jawaabeen "ina mari aan meesha kaa kaxaynee". Wuxuu waydiiyay mudo badan ayaan meshan joogee sidee ku ogaateen in meshaan aan daganahay? Waxay ku yiraahdeen "qiiq ayaan aragnay, waxaan dareenay inay dad joogaan meeshan sidaas ayaan ku imaanay. Wuxuu ka wareystay markabkii alaabta waday meshuu ku danbeeyay, waxaa loo sheegay inuu quusay oo lagu wada dhamaaday, qofna uusan ka bad baadin.
Mararka qaar wax badan oo kugu dhacay oo aad u maleysid wax xun ayaa ilaahay wuxuu kugu hareer marinayaa balaayo ka weyn oo laga yaabi lahaa in aadan ka kicin.
Mohamed
2 sano ogolaada, Mdx.Farmaajo fursad ayuu idin siinayaa marka ey dhamaato mudadaase!
Ma ogoshihiin?
Dhib kasta ka mar, wax kastana ha kugu qaadato (Adiga oo dhowraya Sharafka).
Source: SportsCenter
Mucaaradka saxda ah:-
1. Waa kii Dowladda ku challange greeya fikrado, iyo Arragtiyo maan gal iyo wadaniyad leh.
2. Waa kii Mabaadii'diisu caddahay, una soo bandhiga, ka dhaadhiciya oo ka gada Shacabka.
3. Waa kan Dowladda qaladaadkeeda u iftiimiya bulshada, isla markaana soo bandhiga XALKA uu u arko in uu saxanyahay, xita sidaasna ku kasbada Maanka iyo Ra'yi caamka Shacabkiisa.
4. Waa kan dhowra, isla mar ahaanna raadiya danta Dalka iyo Dadka.
5. Waa kan marka ey timaado gacan shisheeye lidna ku ah DANTA QARRANKA, ku gacan siiya, isna garab taaga Dowladda si loo wada difaacida danta qaranka, libintaasna dhankiisa ka qaata, kuna kasbada sidaa SHACABKIISA.
Kuwa kale ee aad xasuusatid adna ku darso.
: Hadda waxa socda waa iska MURAN ku dhisan, NACAYB, QABYAALAD iyo KURSI Jaceyl.
maxaa ey kula tahay?
Mahadsanidiin.
Pic (C) Manifest
10 June ciidamada badda ee Giriiga oo isticmaalaya magaca EU ayaa is hortàagay markab xamuul oo ka soo shiraaqday dekedaha Turkeyga una sii jeeda Liibiya. Markabkan xamuulka waxaa looga shakisanaa in uu hub u sido dawlada Liibiya.
Ciidamada badda ee Turkeyga oo markabkaa xamuulka ah ilaalinayey ayaa radio-ga uga sheegay ciidamadii Giriiga in ay ka hor baydhaan maadaama oo ay wadato dawlada Turkigu. Giriigii sidii bay yeeleen lakin maraakiib dagaal oo Faransiis ah ayaa isa soo qaadqaaday oo markabkii isku hortaagay meel u dhaw biyaha Liibiya ee badda Mediterranean ka.
Markale ayaa markab dagaal oo Turkigu leeyahay fariin ugu diray radio ga, taas uu ku war gelinayo markabkaa dagaalka ee Faransiisku in uu iskaga baydho wadada, laakiin markabkii faransiisku wuu is adkeeyey. Mar kale ayuu markabkii Turkigu fariin u diray markanse wuxuu ku yidhi
" iminka waxaad dul maraysaa badda hadii aad ka baydhi waydo waad hoos mari doontaa" dabadeed si degdega ayuu u baneeyey markabkii Faransiis.
Waa markii u horraysay tan iyo dagaalkii 1aad ee dunida ee dawlad ISLAAM ah sidaa dunida loogaga haybadaysto.
Waxaa la leeyahay Maraykanka ayaa kula socda Turkiga dhaq-dhaqaaqyada uu ka wado badda Mediterranean ka, waxaanuu Maraykanku doonayaa inuu isku hortaago joogitaanta Ruuska ee Liibiya isaga oo Ruushku iminka ah awooda rasmiga ah ee Suuriya, laakiin Faransiiska isaga werwerkiisa ugu wayni waa Turkeyga oo quwadiisii soo noqoto.
Turkiga iyo Faransiiska h**e ayaa dagaalo qadhaadhi u soo dhex mareen. Waxaa dagaal ku dhex maray Dardanelles1915 (Marinka Gelibolu ee isku xidha badda Marmara iyo Mediterranean ka).
Dagaalkaas Waxaa duulaan soo qaaday isbahaysi ay hogaaminayeen Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ka mid ahaa Australia, New Zealand iyo ciidamo fara badan oo ka socda dalalkii ay Faransiiska iyo Ingiriisku gumaysan jireen, Ruushkuna duulaankaa wuu taageerayey sababtuna waxay ahayd arin diimeed oo Ruushka oo Orthodox ah wuxuu doonayey in la soo celiyo caasimadii Romanes ka bari( Orthodox). Dagaalka Dardanelles waxaa taladiisii ugu horraysay lahaa Winston Churchill oo markaa ciidamada badda ee Ingriiska xukumayey.
Ujeedadoodu waxay ahayd in ay qabsadaad Istanbul oo ay weligoodba ku taami jireen, ka dibna ay la wareegaan marin badeedka muhiimka ah ee Bosphorus si ay isugu xidhaan badda Mediterranean ka iyo Badda madaw ka dibna ay halkaa ugu sii talaabaan Ruushka, Caucasus-ka iyo dalalka kale ee ku teedsan madda Madaw. Waxaa taariikhda lagu sheegaa in ay isbahaysigaa Ingiriis iyo Faransiis ay soo dhigeen Dardanelles ciidamo ku dhaw hal milyan iyo maraakiib dagaal oo aad u tiro badan, halka Turkiguna uu xidhdhay difaacii ugu adkaa isaga oo weliba ay dhinaca galbeed ee Bolkans-ka ay dagaalo culusi kaga furnaayeen.
Dagaalka Dardanelles wuxuu bilawday 17 Ferbuary 1915 wuxuuna dhamaatay 9 January 1916 kii kadib markii ciidamadii isbahaysigu dib uga gurteen markii muddo 11 bilood ah ay taako dhaqaajin kari waayey ciidamadii Turkiga.
Mararka qaar waxaay isku dayeen in dhica xadka Suuriya ay aag labaad kaga furaan, waxaanay isbahaysigu ciidaamo xoogleh kaga degeen magaalo xeebeeda İskenderun ee ku taala xadka Suuriya, laakiin gobtaana dib ayey ugu gurteen ka dib markii si xun loogu jebiyey.
Dadaalkaa Dardanelles waxaa lagu tilmaamaa goobihii dagaal ee ugu kululaa taariikhaha dagaal ee caalamka soo maray. Waxaa la sheegay in isbahaysigii ay goobtaa kaga dhinteen 300,000 oo askari maraakiib dagaal oo tiro beelayna lagaga burburiyey, halka Turkigana ay kaga dhinteen 250,000 oo askari.
Waxaa kale oo la sheegaa in uu yahay dagaalkii qaabeeyey JamhruuriyaddaTurkiga casriga, taas oo dhalatay todoba sano ka dib dagaalkaa.
Ali Hasan
Qiyam dil ah, ayaa nagu socota.
Ummad marka la rabo in la asal dooriyo, la baabi'iyo waxaa lagala dagaalaa, oo weerar ba'an lagu qaadaa akhlaaqdeeda iyo Qiyamkeeda asalka ah.
Quraanka laga barto waa Aas aaska ugu weyn ee Qiyamka nolosheyna.
Dagaal adag baa nagu socda Jaalayaal, taas ha la ogaado, wax kastana si fudud ha isaga rumeysanin ilaa laga sal gaaro.
60 Guurada Xurriyadda.
===============================
Waxaa aan halkaan Hambalyo uga dirayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ey joogaan, waxaan la wadaagayaa, dabaal degga, 1da Luulyo, sanad guurada 60aad.
Alle ha innaga dhigo kuwo hela, kuna naalooda xurriyad dhab ah.
Dhallinyaradii Awoowyaasheen oo dhiigooda u soo shubay dhicintii Xurriyadda, Alle abaalkooda Jannada ha ka yeelo.
Hambalyeyn ka gadaal, Jaalayaal waxaa haboon in aan is weydiino su'aalo ah:
Xur ma nahay maanta 60 sanno ka dib?
Dhab ma u xurrownaa?
Gabaygii Saliilyo iyo Abwaan Cali Yuusuf Aaden (Cali Rinji) oo ifinaya dhagaraha cadaawaha, halka nalaga heysto, iyo halka xalku naga jiro.
Alloow ku xifdi abwaane.
Majadsanid
xiliga ay timid Soomaaliya iyo Lacagtii iyo Timirtii Soomaalida lagu halakeeyay.
Dhegeyso Dr Sheikh Mohammed Abdi Daa'uud oo goob joog u ahaa.
.
"HIIGSI IYO HORUMAR"
Waa halka umad kastaahi u hanqal taageyso.
☝️
Talaabo ka xun ma jirto dadkii aad kasbatay, kuna jeclaa, barqo cad DAYACAAD awgeed ku lumi.
Haysashadu wa karti gooni ah.
🙏
CAAFIMAAD: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya.
Fadlan faafi (Share it)
Soomaaliya wey nooshahay, Masuuliyiin difaaca Qarannimodeedana wey leedahay.
"Kenya waa in ey joojisaa, ficiladeeda foosha xun".
Thank you Amb. Abukar Baale.
في ليلة الجمعة .. صلوا علي رسول الله"ﷺ
Halkani waa Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed.
Alloow ku dhowr.
Xafiisyo badan bay arrintani ka jirtaa, mid duli ah wax matare ah baa Nasiibku kaaga hiilinayaa.
Markaasbuu cagta saarayaa kuwii Caqliga iyo cilmiga u saabka ahaa.
هذا اليمني وصف الرسول عليه الصلاة والسلام بما لم يصفه به كبار العلماء
Dr Mustafa Kamal Mahmoud Hussein Alle ha u naxariistee oo ahaa dhaqtar, suxufi, faylasuuf, qoraa, cabqari, caalim, iyo mufakir u dhashay dalka Masar ayaa mar uu ka warramayay go’aankii ugu adkaa ee soo maray noloshiisa ayaa waxa uu yiri sidan:
Sannadku markuu ahaa 1969-kii ayaan maalin dareemay xanuun aad daran oo dhabarka iga haleelay, waan nuuxsan waayay illaa aan gaaray heer aan qeyliyo, dabadeed waxaan u cararay dhaqtar si uu xanuunka iiga daaweeyo, nasiib wanaag dhaqtarkii waxa uu igu yiri -
Dhagax weyn ayaa kellida kaaga jiro, dabcan iminka ma haysano qalab aan u dhaadhicino kellida mana la ikhtiraacin leysar aan qalliinka u isticmaalno si halkaas loogu burburiyo ee waxaa lagama maarmaan ah in aad marto qalliin caadi ah oo kellidaada lagu furayo si aan dhagaxa uga soo saarno, intaas kadib waxaan dhaqtarkii u sheegay in arrintaan ay khatar tahay, jirkayguna aan ku tijaabin karin qalliin caynkaan oo kale ah oo naftayda lagu biimeynayo.
Waan soo laabtay aniga oo ka cabanayo xanuun saa’id ah, waxaan h**ey u soo qaatay daawooyin aan faa’iido buuran laheyn oo kaalmaati ah ama xanuun baa'biye ah, waxaan aaminay in xaaladdayda caafimaad ay xun tahay oo aan waxba laga qaban karin, waan istaagay, waan weyseestay, waan dukaday, waan ooyay, waxaan billaabay in aan Alle baryo, waan ducaystay aniga oo dhahayo “Rabbiyow ma awoodo qalliinka ee i caawi oo xanuunka iga qaad.
Markaan in badan ducadii akhristay waxaa ii fududaatay in aan foorarsado, waxaan isku dhiibay Rabbigayga aniga oo yaqiinsan in Eebbe uu yahay midka maamulo dhamaan unugyada jirkayga, haddaba nus saac kadib waxaan gelay musqusha waxaana iga yimid hal liitar oo kaadi ah ayna wehliyaan jajab yar oo dhagaxaan ka sameysan kuwaasi oo miisaan ahaan culus markii aan gacanta ku taabtay, mar kale ayaa kaadiyay illaa ay iniinta oo dhan dibadda u soo baxaan.
Alhamdulilaah! waan neefsaday, dhidid fara badan baa iga yimid, waxaan xaqiiqsaday in Eebbe uu iga aqbalay ducadayda waana bogsooday ama caafimaadey halkaas ayuuna xanuunkii darnaa ee aan ka cabanayey ku dhamaaday.
Dr Mustafa waxa uu leeyahay waxaan dhacdadaan ku soo xasuustay kelmado ay tiri gabar u dhalatey dalka Faransiiska oo soo Islaamtay mar aan joognay waddanka Morocco waxaana hadalladeedii kamid ahaa -
Dadkiina muslimiinta ah waxaa agtiina ahaaday jowharad aadan ogaal u laheyn qiimaheeda iyadoo tibaaxday in ducada ay tahay waxa ugu weyn ee Alle laga dalbado uuna ka ajiibo addoomadiisa taasina waxaa daliil u ah in Eebbe uusan hoojin addoon ilmeeyay, addoon u dhibaato sheegtay, addoon madaxa foorarshay oo Rabbigiisa tuugay ama baryey.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan
Qalinkii - Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).
Xegasho-Kolombo
Haddii aad dareemeysid Qalbi Carriiri, dooneysana Farxad joogto ah, Tasbiixda iyo Sujuudda badi.
Soomaaliyeed Talo hadey wax tar leedahay waa tan.
Aan Gob noqonee aan isu garabsano Dal dhisid iyo tacbasho.
.
Sedax kala siloonoo
Midba seef labood yahay
Si xun wax u tilmaam yahay
Ayaan saakey soo tebin
Soomaali weyneey
Bal la socda sarbeebtana
Waxaan siinka ku cabiray
Suugaanta maansada
Sifadeedu eey tahay
Ragan Soomaal haadkaa
Ila meereyso dhaqakaa
Si xun wax u tilmaamkaa
Horta yeey la safanyiin
Waa suu'aal jawaab mudan
Ma soor teey ku dhaartaan
Ma saac baa wareejiyay
Mise waa saqiiroo
Sabcabkaa la tuma iyo
Soowdkeyba raacaan
Anu waan kasalaloo
Sixi waayay hoowshee
Sarta yaa cadeeyn kara
Siinleey horaa tiri
Adigoon sal fududaan
Heestu waa siloontee
Haku seeta dheeraan
Adigoo saxdii garan
Ama sida xaqiiqdaaa
Idinkuna sarbeebtiyo
Maansada suxuladediyo
Melahaa sindadabkaa
Si saaniya u eegooo
Waa sarbeeb la solayee
Ma saxba sanuug hoo
Warkeygana saruu qaad
Soomaali weyneey
Ninka soori qadiyo
Nika seefi qaadaaa
Si xun wax u aragaa
Kala seeta dheeroo
Midba sifa cad leeyee
Kuwaan sowmal hadsani
Sidee baad u aragtaan
Anu waan saluugee
Seddexadaan ninkii siga
Woow sacaba tumilaa
Ninki seefta sarana
Saaxiib beynu noqoleeyn
Sababtuna waxey tahay
Hadaan kuu seddexamaro
Soomaalinimadeey
In yaroo sanuugiyo
Soor dhaaf sanaayaan
Soomaali weyneey
Siinleey horaa tiri
Ninsigta manabad gelin
Waxaan saa u leyahay
Seddexdaa siloonoo
Midba seefata qatoo
Sugaantu sheegtoo
Wada Soomal haadaka
Yaanan sacabka loo tumin
Hadii kale sedkaageey
Soor dhafasnayaaan
Markaasey sakiintoo
Seefata kula dhacayaan
Ileen waa dad siranoo
Sariig aan laheeynoo
Sokeeyaba aqoonoo
Indhahoodu sare iyo
Sarsarad ujeedine
Inta samaha jeceleey
Inta soodka heestiyo
Sadaasha garataay
Xarfkeegu waa siin
Sina woow siloonyahay
Ha yeshe sawaxnkiyo
Sirta ruuxa garan kara
Ha ku sabin sareedada
Ayaan siinka ku cabiray
Wali k**a sal garinee
Intaa saan kusimaya
Siinleeyda maasada
Adinkuna Soomaalaay
Su'aalaha jawab mudan
Saxya qalad waxey tahay
Iigu qora saburada
Waana idin salamaa
Soo noqod haboon iyo
Rabigoo nasaamaxa
Heesku keeyna sugo e
Soo barayaay dhamantiin
Abwan: Salaad Shiine
.
Alloow dhowr,
Walaal Faafi Bilicda iyo Quruxda.
XIkMAD XUL XAQIIQO AH !
"Boqor ama Madaxweyne kasta Beri bay ahaayeen Ilma yar oo oohin badan, Dhisme kasta oo ah mucjiso aad u weyn mar buu ahaa mid Map (Warqad) keliya ku sawiran. Muhiim ma aha halka aad taagan tahay maanta, balse halka aad gaarto Beri ayaa muhiim ah. Yeelo Han iyo Hami sare".
Dhiira geliye.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Website
Address
KM4
Mogadishu, 256
Waa bogga rasmiga ah ee Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.
Waberi
Mogadishu, 252
ASC waxan idinka mahad celinaya wacan ad usoo boqotay page-kani waxana kuso gudbin doona oo ad igala socon doontan ONLINE BUSSINES waxana so galin doona product-tiyal kala duwan in...
MOE Building, Afgoi Road
Mogadishu, 252
MP, Formar Minister of Education,Culture & Higher Education, Somalia
Mogadishu, 252
Member of Somalia Federal Parliament | Fmr NISA Chief of Staff & Villa Somalia Dep. Chief of Staff
Soddonka Street
Mogadishu
Member of Finance & International Cooperation Committee, Somalia 11th Federal Parliament.
Mogadishu
Madaxa Hoggaanka Warshada & Waxsoo saarka C.A.S ahna Taliye Xigeenka Hoggaanka Maaliyadda ahna Xisaabiyaha Guud ee Hoggaanka Maaliyadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Mogadishu
University Of Somalia Alumni, Former Manager at Fariid Express, Manchester United Fan.
Mogadishu
Second South West State Parliament member of Somalia and State Minister Of Interior Reconciliation