OneChelsea Somali Fans

OneChelsea Somali Fans

Halkani waa Page-ka Rasmiga ah ee taagerayaasha Chelsea ee Soomaliyeed, kala soco wararka Xoog Weynta

23/12/2023

Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in Enzo Fernandez uu qabo xanuunka hernia isla markaana uu seegi doono ciyaarta Bari ee Wolves.

23/12/2023

Ka hor bilaabashadii Xili Ciyaareedkan, inta uusan Pochettino soo shaqo galin, Wareysi uu majalada Standard Sports siiyay Raul Fernandez oo ah aaba Enzo ayuu ku xusay Arin baryahanba la hadal haayo.

Raul Fernandez ๐Ÿ—ฃ " Wiilkeya waxuu doorbidayaa in horay loo durjiyo booskiis ( Booska Kubad sameeyaha ) waxuuna midaasi weydiisan doona Pochettino, wax badan ayaad arki doontaan isagoo dhanka weerarka u badan doono "

Dabcan sida iska cadna Enzo wuu weydiistay midaas Macalin Pochettino, waana laga aqbalay oo waaba sababta uu Enzo wax badan 10 ahaan ugu ciyaaray Xili-Ciyaareedkan.

Ma jirto Sabab uu Pochettino u badali lahaa Rule-ka Enzo hadii uusan isagu dalbanin.

๐Ÿ“ Noma Raage

22/12/2023

Lavia + Chukuweameka + Nkunku " waa soo wada laabteen waxaan daawan donaa kubada qurxan + awood xad dhaaf ah.

Dekz Yare 22

22/12/2023

Nkunku waa uu soo laabtay, Jackson wuxuu aadi Doona Tartanka AFCON, Sanadka Cusub Ma Tabi Doona Mise Waa Ma reesan doona.!?

22/12/2023

๐Ÿ GOAT-KA Fanka ๐ŸŽถ

๐Ÿ’™ Abdikream Ali Shah oo ku damaashaadayo Stamford Bridge oo ah Hooyga Kooxda uu Taageeraha u yahay ee Chelsea.

๐Ÿ’ฅ The Son of Ali Tea was Doing Drogba Things at the Bridge. ๐Ÿ”ฅ๐Ÿ˜‚

22/12/2023

Cole palmer ayaa celcelis ahaan 0.31 caawinta la Filaaye ka Sameeyey Premier League ga laga soo bilaawo intu furmay Xilli Ciyaaredkan, in ka badan ciyaaryahan kasto kale (720+ daqiiqo ciyaaray).

22/12/2023

Chelsea Fans hadaa nahay Tartankaas inaa kusoo guuleysano ayaan rabnaa inshaallah. Page-kaas sii follow gareyso si aad tartanka ula socoto bilow ilaa dhamaad.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1117840022946963&id=100041629281116&mibextid=Nif5oz

Galab wanaagsan Saaxiibayaal.

Waxaa Habeen Danbe inoo bilaaban doona Tartanka Taageerayaasha kooxaha taas oo aan ku ogaanayno kooxaha caalamka ee taageerayaasha ugu badan ku leh guud ahaan soomalida iyo Page-keena Caaqil Yare 1 .

Tartan-ka waxa uu u dhici doonaa sida Champions laegue oo kale waxaana u qabanay 16 Kooxood oo ka dhisan Qaaradda Yurub.

FG: Labo kooxood oo isku waddan ah isma arki doonaan ilaa wareega 8-da mooyaane.

Kooxaha Aan ugu Talagalnay Tartan-kaan iney Ka qeeb Galaan Ayaa ah Kuwaan Hoos idin-kaga Muuqda, Waana Kuwa Halkaan ay Taageerayaashoodu Ku Dagaalami doonaan Hadduu Alle Raali Ka noqdo inshaallah.

1:AC MILAN
2:LIVERPOOL
3:CHELSEA
4:BARCELONA
5:REAL MADRID
6:JUVENTUS
7:BAYERN MUNICH
8:BORRUSIA DORTMUND
9:ARSENAL
10:MANCHESTER UNITED
11:MANCHESTER CITY
12:INTER MILAN
13:TOTTENHAM HOTSPUR
14:ATLร‰TICO DE MADRID
15:PARIS SAINT GERMAN
16:SEVILLA

FG: Dhawaan Filo isku'aadka Tartanka Anagana Ayaana Sameen doono inshaallah Weliba Si Cadaalad ah

Waxaa inoo ballan ah Habeen Danbe iyo Xilliga 8:00 Fiidnimo iyo Tartanka oo si rasmi ah u furma Inshaa Allaah.

Hal iyo labo Kawarama Tartan-kaan Haddaan Halkaan Ku qabano Oo Aan iskaga Caweeno Fikirkiina?

22/12/2023

BREAKING ๐Ÿšจ

Romeo Lavia ayaa maanta qaatay tababarka buuxa ee Chelsea waxaana laga yaabaa inuu safto kulanka Axadda.

Good News for Chelsea Lavia is back ๐Ÿ”ฅ๐Ÿซฐ

โœ๏ธ Sam Allabani

22/12/2023

๐Ÿšจ๐Ÿ”ต Matt Law oo ka hadlaayay Xaalada Conor Gallagher ee Chelsea :

" Ma aaminsani in Gallagher uu saaran yahay suuqa January, wax walbo oo dhoco. "

" Haa, waa sax Suuqa wuu yaalay bilowgii Xili Ciyaareedkan, balse haatan xaaladu wey is badashay, waxuuna noqday Mid kamid ah Xidigaha ugu muhiimsan Chelse, sidoo kale waxuu kamid noqday Kabtanada Kooxda. "

Warar been abuur ah oo aan raad raac leheen ayaana sheegayo in ay Chelsea iska iibin doonto Gallagher marka uu furmo suuqa January.

Balse midaas cagsigeed Chelsea ayaaba loo badinayaa in ay qandaraaska u kordhin doonto Conor oo ah haatan Xidiga ugu bandhiga fiican Qadkeeda dhexe.

๐Ÿ“ Noma Raage

22/12/2023

Carney Chukwuemeka' aya kuso laaban doono garoomada mudo dheer kadib'

Xidigaan intoo dhaawacmin ka hor waxo kamid ahay qorshaha macalin Pochettino' asigoona u adeegsan jiray booska diyeeshaha 10'

Maxa ka rijeynesaa laacibkan mucjisada ah Carney Chukwuemeka ??

โœ๏ธ mohamud

22/12/2023

Taariiqdu iyadaa is xusto....

๐Ÿ”ต Sida diiwaanka Xoog-Weynta London ku dhigan, Koobkii ugu h**eeyay ee Chelsea qaaday waayihii Roman Abrahamovic waxuu ahaa Carabao Cup.

Waxeeyna Chelsea qaaday Sanadkii 2-aad ee waayaha Roman iyadoona ka qaaday Liverpool.

Waxeyna eheed Xili-Ciyaareedka 1-aad ee Macalinkii Xiligaas Jose Mourinho.

๐Ÿ”ต Markale haatan Chelsea ayaa fursad u heysato in ay qaado Koobkeeda ugu h**eeyo waayaha Todd Boehly, kaasoo mar kale noqon kara Carabao Cup.

Waana Sanadkii 2-aad ee waayaha Boehly, iyadoo ay Chelsea Final-ka ku arki karto isla Liverpool.

Waana Xili-Ciyaareedka 1-aad ee Macalinka haatan Mauricio Pochettino.

๐Ÿ“ Noma Raage

21/12/2023

Fadliga laga helo saliga nabiga ๏ทบ

Rasuulku wuxuu yiri : Qofkii igu saliyo hal mar isagana Allah aya ku saliyo 10 mar.

Rasuulku ๏ทบ wuxuu yiri : bakheylku waa kan agtiisa la igu soo hadal qaado ee igu salin.

Intaas waxaa dheer ...

1 : Danbiga ayaa lagu dhaafaa saliga nabiga ๏ทบ ๐Ÿคฒ

2 : Barako ayaa laga helaa ku saliga nebiga ๏ทบ ๐Ÿฉถ๐Ÿ™‚

3 : Wuxuu daaweeyaa walwalka iyo murugada. ๐Ÿฅฒ

4 : Waxaad noqonaysaaa dadka ugu dhow maalinta qiyaame nabiga ๏ทบ haddii aad badiso ku salliga nabiga.๐Ÿค



- ุงู„ู„ู‡ู… ุตู„ูŠ ูˆุณู„ู… ุนู„ู‰ ู†ุจูŠู†ุง ู…ุญู…ุฏุŒ

21/12/2023

BREAKING: Reece wuxu mari Doona Qalin Hamstring-ka ah Kadib Dhaawacas ku so laalabtay inbdn waxu neh Qaliinkas ku mari Doona Wadanka Filand.

Wadatashi Dhanka Ciyaartoyga iyo Staff-ka kooxda kadib Ayaa goaan lagu gaaray in Captain-ka kooxda Qaliin maro sidaas neh garomada uga maqnado ku dhawaad 4 Bilood

See uaragta News-kan?

~Eisse Abdekader

21/12/2023

Taageero weyn

21/12/2023

Fikirkaaga waa muhiim.

20/12/2023

RASMI! Chelsea ayaa wajihi doonta Middlesbrough semi-finalka Carabao Cup!

20/12/2023

Inaa Lillaahi wa inaa illeyhi Raajicuun, Allah ha u Naxariisto waxaa lasoo warinayaa Geerida Maamo Khadiijo Diiriye oo aheyd Halyey Qaran.

Maamada ayaa dhowr jeer Taageero igo Garab istaag noo muujisay ka OneChelsea ahaan, waxaana Allah uga baryeenaa Naxariista Jano iyo Kitaabkeeda oo Gacanta Midig laga siiyo.

Maalin Madow ayey u tahay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed. ๐Ÿ˜” ๐Ÿ˜Ÿ

20/12/2023

Palmer ayaa ugu yaraan 1 Gaol iyo 1 Caawin kulahaa tiro 3 Kulan ah oo kala duwan ( Micnaha inta uu Dhaliyay ayuuna Caawiyay Kulan walbo oo kamid ah 3-daas Kulan ) waliba isagoo ku jiro bilahiisii ugu h**eeyay waayahiisa Chelsea.

Goal and Assist vs Burnley.
Goal and Assist vs Tottenham.
Goal and Assist vs Sheffield.

Kaliya 40 M ayuuna ku fadhiyaa.

20/12/2023

Kooxdee Jeclaan leheed inaa ku aadno Semi Final-ka ?

20/12/2023
20/12/2023

Subax Wanagsan Chelsea Fans

~Eisse Abdekader

19/12/2023
19/12/2023

Libaaxa Madow soo labo kacleey ๐Ÿ”ฅ๐Ÿซฐ

Moises Caicedo vs Newcastle :

โ€ข 139 touches
โ€ข 115 accurate passes
โ€ข 3/4 tackles won
โ€ข 3/4 long balls completed
โ€ข 6 defensive actions
โ€ข 7 recoveries
โ€ข 7/9 ground duels won

Kawarama bandhigiisa caawa? 1-10

โœ๏ธ Sam Allabani

19/12/2023

Malo Gusto - The Hero ๐Ÿ”ฅ๐Ÿฆธโ€โ™‚๏ธ

Ninka ciyaarta badalay dhiigana ushubay Chelsea Halfka danbe caawa cimaamadiisa iska tuura BLUES FANS

Meeqo Like ayuu uqalmaa? Tiro ma sheegayo aniga!

โœ๏ธ Sam Allabani

19/12/2023

Gallagher vs Newcastle United

142 touches
105 passes completed
9 duels won
6 touches in opp. box
4 shots
3/3 tackles won
2 take-ons completed
0.12 xG

FG: rigooro xitaa wuu dhaliyay yarkaan cimaamadiisa lama heysan karo, kubad waa dheelay kulankaan ๐Ÿ”ฅโœŠ

19/12/2023

The Serbian PETROVIC Gacmo weyne ๐Ÿงค

3K ๐Ÿ’™ DEG DEG AH

Hal iyo labo ka dheh Kalsoonida Libaaxaan ๐Ÿ”ฅ

โœ๏ธ Sam Allabani

19/12/2023

Sawirkaan 1k deg deg ah halagu boobo inta aad seexan haduu kaa farxiyay yarkaaan Mudryk ah๐Ÿ’™๐Ÿ”ต

Kubad mcn iyo guul marka iskugu darto kooxda kale kuwii kula fiirsanaye bul๐Ÿคฃ

19/12/2023

Ciyaar inta badan Chelsea kontorolka u heysay ayee rogooyaal ku gaartay afar dhamaadka koobka carabao cup.

Maqaaar waaa dheeshay kooxda kulankaan runtiii

Fikirkaada โ™ป๏ธ

19/12/2023

Ciyaar inta badan kubada Chelsea iska heysato weliba fursado gool lagu dhalin karay iska qasaariyen ayaa Qeybtii h**e ciyaarta kusoo dhamaatay 0. 1 oo ay kooxda Newcastle leedahy

Fikirkaada โ™ป๏ธ

19/12/2023

Shaxda rasmiga kulanka Chelsea vs Newcastle United

Disasi ayaa kusoo bilawday markale halka Gusto keydka yahay sidookle Nkunku ayaa keydka kasoo muuqday markale.

Fikirkaada taagere โ™ป๏ธ

19/12/2023

Hadii aad xiiseyso Ciyaaraha Dalka guud ahaan, Gaar ahaana kuwa Tartanka dhawaan furmi rabo ee Maamul Goboleed-yada iyo Gobolka Banaadir, waxaa qasab ah in aad Follow gareeyso Page-kan hoose.

Waa isha kaliya ee aad ka heli karto wax walbo oo ku saabsan Ciyaaraha Dalka.

Pagekeena Sportska Dalka caawa wuxu gaaray 4.8K oo Followers ah.

Sxbyaal waku Mahadsantihiin intaas ina na gaarsiisan balse si aan usii badino barnamijyada Sportska Dalka lagu hormarinayo Follow nagu taagera.

Halkan uga wac 2 qof Asxaabtada kamid ah kuna dheh Follow dhaha page ka si isla caawa 5K u xirno.

Wa naga codsi midaas share na u dhaha asxabtiina

19/12/2023

Ciyaarta caawa

19/12/2023

Soo saadaali Ciyaarta caawa oo ku guuleyso Abaal-marin.

Shuruudaha.

1- Share gareey Postigaan.
2- Sheeg natiijada ay Ciyaarta ku dhanaan doonto iyo cida dhalin doonto Goal-ka 1-aad ee Chelsea.
3- Ugu dambeyn Ku biir Channel-kan Telegram-ka ah oo taabo gilinaayo saadaashan, sidoo kalana aad ka heli doonto saadaalinta Ciyaaraha oo Maalin walba joogto ah ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡ https://t.me/+HwBtcJTf0-BmYmNk

Buuxi shuruudaha, Nasiib wacan.

19/12/2023

Sawirkaan waxaa la qaaday 17 sano ka hor, waana mar ay Chelsea ku guuleysatay Horyaalka Premier League-ga, balse qiso cajiib ah ayaa ku duugan Sawirka.

Xidiga kuu muuqdo waa Hernan Crespo isagoo si dareen leh u fiirinaya Bilada Horyaalka, xitaa hadii ay Ciyaartooydii oo dhan dabaal daga dhameesteen oo ay iska bexeen, isaga wili Bilada ayuu si dareen leh u fiirinaayay, xitaa waxuu xasuusan waayay in uu iska bixiyo Kabahii uu Ciyaarta ku ciyaaray.

Sababtu ma taaqaanaa ?

Crespo ayaa ku fikiray in uu gabi ahaanbo Kubada Cagta isaga fariisto Sanad ka hor Guushaas uu Chelsea la gaaray, Maadaama uu Niyad jab aad u weyn kasoo qaaday Guul-daradii Cajiibka eheed ee Kooxdiisa uu amaahda kula joogay xiligaas ee Ac Milan kasoo gaartay Finalkii Champions League-ga, waa dhacdadii caanka eheed ee Istanbul, Kolkaasoo ay Liverpool Koobka ka qaaday iyagoo 3 Goal kala hormaray Qeybtii h**e.

Isma uusan dhiibin, Sanad kadibna waxaa u suura gashay in uu kusoo laabto Kooxdiisii Chelsea, misana uu kula guuleysto Horyaalka Premier League-ga.

Casharka ku jiro Qisadaan " waa in aadan is dhiibin, oo aadan quusan, xitaa hadii aad la kulanto Guul daro aad u qaraar badan " waana mida uu sameeyay Hernan.

๐Ÿ“ Noma Raage

Photos from OneChelsea Somali Fans's post 19/12/2023

Kaliya 1 Koox ayaa awood u yeelatay in ay Champions League-ga ku qaado Dhulka, kadibna ay ugu soo dabaal dagto dusha sare ee Dayaxa.

Kooxdaasina waa Chelsea. ๐Ÿ’™๐Ÿ”ฅ

19/12/2023

Kulanka maanta

-Chelsea x Newcastle United
๐Ÿ† - Carabao Cup - Quarter-finals -
๐Ÿ•ค - 11:00
๐ŸŸ - Stamford Bridge
๐Ÿ“บ - beIN Sport 1
๐ŸŽ™๏ธ - Hassan Al-Aidarous

Saadaali kulanka?

19/12/2023

Dib u xasuusin 2 sanno ka hor kooxda kubada cagta Chelsea ayaa hadiyad so gaarsisay Page-ka sida rasmiga ee u aqoonsan tahay Somali Fans iyo taagerayaasha ku xeran๐Ÿ’™

( Aqoonsiga ) saxda ah ee aan ku muteysanay ka gudbitaanka wajiga 2aad ee xeendaabka taageerayaasha ay sida saxda u ah u aqoonsan tahay kooxda lehna xuquuqda gaarka ah, taasoo oo ku timid in ay 500 oo taageere soo raacaan Fan Club-ka aan ku leheen App-ka kooxda.

Shahaadadan oo uu ku saxiixan yahay godoomiyaha kooxda BRUCE BUCK ayuu noo gudoomay agaasimaha Page-ka OneChelsea mudane Cubeyd Macalin Fardax oo ah madaale howl kar ah oo magac iyo maamuusba usoo hooyay Page-keena iyo dhamaan inta ku xeranba.

Waxaan si aan lasoo koobi karin oo aad u qiimo badan ugu mahad celineenaa dhamaan taageerayaasha 600 ka badan ee kusoo biirtay Fan Club-ka aan ku leenahay App-ka kooxda 5th Stand, Mahadsanidiin la'aantiina nalama aqoonsadeen idinka ayaana heerkaas nasoo gaarsiiyay adeega aan idiin wadnana idinka ayaa qiimo u yeelay. ๐Ÿ’™

Waxaan sidoo kale u mahad celineenaa dhamaan taageerayaasha kale ee Page-ka ku xeran balse aan halkaas kusoo biirin wali waxaana leenahay waxaa jiro jaanis kale oo midkaan ka weyn ee nagu soo biira si aan u gaarno 1k oo ah xeendaabka 3aad ahna midka ugu qiimaha badan.

Ugu dambeyn waxaan mahad balaaran u jeedineenaa dhamaan howl wadeenada Page-ka maamul ilaa Admin dhamaantiina waad mahadsan tihiin ( Si gaar ahna mudane Cubeyd Macalin Fardax oo ah isku xiraha howshaasi adag ) waxaan gaarnay guul kale oo weyn.

Waxaa jiri doonaan farxado badan oo aan idiinla wadaagi doono maalmaha soo socda kuwaasi oo ku saleesan balan qaadyada kooxda ey inoo fidisay insha allah.

19/12/2023

Dhalasho wacan Cahil, Mid kamid ah Daafacyadii ugu fiicnaa PL balse aan helin mudnaantiisa, maadaama uu usoo ciyaaray Koox aan buun buunis aqoonin.

Waxuu ahaa Naftii h**e wax walba u sameyn jiray si uu sumcada Kooxda u difaaco.

Captain, Leader, Legend. ๐Ÿ’™

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

๐Ÿ GOAT-KA Fanka ๐ŸŽถ ๐Ÿ’™ Abdikream Ali Shah oo ku damaashaadayo Stamford Bridge oo ah Hooyga Kooxda uu Taageeraha u yahay ee ...
Dib u xasuusin 2 sanno ka hor kooxda kubada cagta Chelsea ayaa hadiyad so gaarsisay Page-ka sida rasmiga ee u aqoonsan t...
Pochettino mabadali donaa Tuchel ??Dekz Yare 22
Ugu dambeeyn Chels is Back, Habeen dambe saacaan waan daawan doonaa.
Gallagher ayaa kubada uga soo Karoosay Mudryk meel 20 Meter u jirto Goolkeena, 20 ilbiriqsi kadib isla Gallagher ayaa im...
Shabalala Oo Caawa Ka Qeyliyay Armando Brojaยนโน, Atttttttattttttttttt Kulaha๐Ÿคฃ๐ŸคฃMuuqalka Share Gareeya saxibayaal.โ–ช๏ธŽCaaqiL ...
Tageero yaasha chelsea" iyo Man city  " oo saadaliyay kulanka dhax mari doono Chelsea vs man city Dekz Yare 22
39 Birta Nool ๐Ÿ’ช๐ŸพYarkii Romero ahaa Tabartiisaa ka tusay, Qub Qacdana waan kaa badiyaa cml. ๐Ÿคฃ
Xasuuq wuu dhaafay wixii xalay Tottenham kudhacay 4-1 Dekz Yare 22
Subax Wanaagsan OneChelsea ๐Ÿ’™Soo saadaali ciyaarta caawa.
Dood Adag" shaxdee jeclaan laheed in looga hortago Tottenham!  Dekz Yare 22 ayaa igala qeyb galayCAAQIL YARE
Adminada Page-ka oo sadaaliyay kulanka xiisaha badan ee Chelsea vs Tottenham!Dekz Yare 22

Telephone

Address


Mogadishu