Mursal Mohamed Yusuf
Member of the House of Representatives of the Galmudug state of Somalia.
waxaan arkay sawiro laga soo qaaday kulan u muuqday barbilaawga ola_ola doorasho oo lagu sheegay in bah weynta caasimada Dhuusamareeb ku garab istaagayeen Ahmed Abdi Kaarie waxaan qariib aheyn in tan oo kale Guricel la isaga dayo, waxaan rabaa si kooban in aan aragtideyda laba qodob ku soo koobo.
1. mudanayaasha sawirka kulanka ka soo muuqday in kasta oo wajigooda laga dheehan karay in aaysan ku qanacsaneyn waxa aay xalay sameeyeen hadane waxaa masuuliyad ka saarneed Caasimada hareeraheedu gubanayaan in aay waqti galiyaan aniga oo fahmi karo in xilalka aay hayaan meelo badan oo aan marinkooda aheyn ku xiirayaan oo aan taasna ugu cudur daarayo lkn ma jirto sabab qifi uu damirkiisa u gato.
2. sxbey Ahmed Abdi Kaarie oo aaminay in uu dhibco siyaasadeed ka helay dabdamiska waxaa u fiicneed in uu dhinaca kale ka eego,
waxaan kuu dirsanay State Galmudug oo xuduudahiisu kala yihiin Hirshabeele, Puntland, Ethopia iyo Badweynta Hindiya oo lagaa rabay in aad uga shaqeyso sidii laguugu igmaday, hadii aad wax qabadkii lagaa rabay muujiso waxaa laguu arki lahaa nin tiisii mid kale ku darsaday lkn dayaca Galmudug ka muuqda ayaa kaa dhigay tiisii gabe tu kale kalkaalay.
waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxibada isu quuri waayay meel aan munaasib u aheyn in aay ka soo muuqdaan si kasta oo loogu goodiyay xilalka aay Galmudug ka hayaan
Dagaalka, barakaca iyo isdilka beelaha walaalaha ah ee Cayr iyo Saleebaan waxa uu ku fac yahay mudaxileedka Ahmed Abdi Kaarie ee Galmudug, waxaan si kore iyo hoosaba ugu sheegnay in aay lama huraan tahay in walaalahaan la nabadeeyo lkn waxaa uga awood batay siyaasadiisa ku dhisan Inta la isdilayo ayaad adigu nasan kartaa.
Guud ahaan Galmudug waxaa ka baxaya Qiica colaado sokeeye oo aan qaarkood markaan ka hor isku gacan qaadin, waxaan soo jiirnay 4 sano iyo dheeraad mugdi u badan dhimashaduna tira beeshay.
Imtixaanka reer galmudug heysta si karta oo loo qeymeyay waxa uu dhaafi waayay aragti xumo hogaamineed, laxaw la’an dadeed iyo cawo xumo alle u dhaliyay mana jirto sabab dambe oo loogu sii dilqaato nolol xumada maanta Galmudug la Il xumtahay
Waxaan halgan ku jirnaa mudo 16 sano oo xariir ah hortaagneyna Khawaarij Diinta iyo Dalka oo dhan si isku mid ah qatar ugu ah, waxaan marar badan la kulanaa hagardaamooyin midaba kala duwan leh oo sameyn xun nagu reebto laakiin waxaa noogu xanuun badan marka dadkii u dhaartay in aay Galmudug difaacaan dharka usoo dhigtaan in aay khawaarij gacmo u noqdaan.
Difaac aan ku jirno deegaano badan oo aCeelbuur hoos tago oo an waqti, Naf iyo Maalba galinay ku jiifta magaalooyin badan oo laamiga ku teedsan aanan dareensaneyn culeyska aan ka xigno sidoo kale waxaa ku nasiino qabo CXD oo iyaga waajib ka saarnaa difaaca dalka xuquuqna ku qaato.
Dadka deegaanka ee mudada intaas la eg difaaca ku jira iskuna difaaco xoolahooda oo aay soo iib geystaan waxaa xusid mudan xuquuq kale helideed iskaba daay in xoolaha aay u iib keenan in aay isku difaacan canshuurta laga qaado waxbo uga soo laaban mana ahan mid indhaha laga sii qarsan karno iyada oo aay u dheertahay in Gargaarkii bini’adanimo ee deegaanadaas gaari jiray sidi aay mudnaayeen aan loo maareyn.
Ugu dambeyn Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka kula talinayaa in aad deegaankaas difaaca aay ku jiraan lagu fiisan cadawga maanta waxaa joogaa waa hambo u baahan in si hufab loo garab istaago
Burujeed in aad xor ahaato oo aan cadaw kusoo dhiiran ragbaa dhiig iyo dhididba u huray
Waxaan wada aragnaa in Culeyskii ciidan oo ugu badnaa Khawaarijtu dul geysay dadka reer Xarardheere si aad u damiso nalka u daaran, inaga dowrkeenu wuxuu ku ekaaday in aan halbdo telephone u dorno (KAABO HAYE MAGAALDA DIFAACA KA DHEX GALA) oo an aheyn kaalin maamul degmo ka Mid ah degmooyinka ugu faca-weyn cadaw dul daganyahay,
hadi alle k**a dhigo ee Khawaarijtu dumiso difaaca Xarardheere waxa uu saameyn doonaa I nat badan dadka reer Galmudug ee indhaha ka fiirsanayo waxa maanta walaalahood lagula kacayo.
Waxaa naxdin gaar ah leh arinta laga soo tabinayo Xarardheere Hospital oo Mujaahidiintu daryeel caafimaad la,aan ugu dhimaanayaa aysana jirin wax taakuko caafimaad ah oo daryeel igu filan dhaawacyada in aan la gaarsiin mudadii Xarardheere xorta aheed’ waadayac muuqda oo lagu xisaabtami doono mustaqbalka dhow waxaana masuuliyadaas qaadi doono madaxweyne Ahmed Abdi Kaarie, waxey aheed dhaqaalaha maalaayacniga lagu bixinayo in halkaas loo leexiyo.
Uga dambeyn walaalaha reer Xarardheere oo aan ogahay in aad dadaal ku liidan waxaan idin leeyahay si sharaf leh isugu garab dhinta taas ayaa xorminadu ku jirtaaye.
Walaalkey Liibaan Golcas waxa uu ahaa Saragaal aad u qalbi fcn waqtina soo galiyay u kifaaxida Dalkiisa.
Xalay ayuu sawirkaan soo dhigay bartiisa waxa uuna ku dulqiray shaqadi waa isoo dhamaatay saakayna Shahaadadiisii ayuu helay isaga oo sooman 10kii dhexe ee bisha Ramadaan oo ku asteysan waqti dambi dhaaf ahna waqti aay dunida ka tageen shuhado badan oo diinta iyo dadka difaaciisa dhiigoodu u daatay.
Waxaan alle uga rajeynayaa in uu shahaadadiisa ka aqbalo maqaamkiisaba meel Sare gaarsiiyo.
LABO MAALIN AYAN KUSOOMAY BURUJEED OO CIIDANKA DEEGAANKA IYO KUWA DOWLADA KU HORFADHIYAAN JIIDA H**E ARGAGIXISADA
SIDOO KALE WAXAN BULSHADA LAWADAAGAY IN MAAMULKA GALMUDUG MUDNAATEEDII KAGAABIYA.
سَفْرِي بَعيدٌ وَزادي لَنْ يُبَلِّغَني
وَقُوَتي ضَعُفَتْ والموتُ يَطلُبُني
وَلي بَقايا ذُنوبٍ لَسْتُ أَعْلَمُها
الله يَعْلَمُها في السِّرِ والعَلَنِ
Waa nasiib daro weyn maxaabiista gacan ku dhiiglayaasha ah ee saldhiga Dhusomareb ka baxatay.
Waxaa Wasaarada aminiga gudaha iyo taliska Booliska Galmudug kula xisaabtameyna dayacaada keentay in maxaabiis nuucaas ah xabsi ka fakadaan.
Waxaan dagaasho uga baaqayaa cid kasta oo kiiska fakashada maxaabiistu si toos ah ama dadban u saameysay.
Subax wanagsan
Gurmadaay dad guul laga wataa geed ma jiifsadoye
Waxaan deeq Xoolo nool ah kala wareegnay Beesha Habaraji Cayr oo aay ugu deeqeen Mujaahideen Difaaca Deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka ee difaaca uga jiran Deegaanka Burijeed.
Deeqdaan oo dhameen 100 neef oo Ari’ ah ayaan aheen tii ugu horeeysay ee beeahi nagu soorto tan iyo xoreyntii Deegaanka Burujeed
Burijeed oo Alle nimcadiisa ugu roonaaday
Waxaan wehel ka dhiganay dhawaqa shimbiraha, waxaan alle uga mahadcelineynaa barwaaqada uu nasiiyay xoriyadana noogu daray.
Deyrtaan Gu’gii ka horeeyay ma dhicikarin in Masuuliyiin ama Ciidan aay sidaan kugu damaashaadaan dhulkaan barwaaqadu ceegaagto.
Waxaa mudan in sidoo kale loo mahadceliyo Shukadadii dhiigooda u shubay in aan sidaan xor u ahaano iyo Mujaahidiinta wali duurka ugu jira.
Hadaan dhiman wadku igama dheeree
Saaxiibkeey Mujaahid Cismaan Jugyare balan waad kii uu sameeyay ee ahaa in inta aad Dalkeena Khawaarijtu ka joogaan ka suuli doono inaga ayey maanta deyn nagu tahay in aan fulino.
نية المؤمن خير من عمله
Waxaan maanta ka qeyb galay tacsidii shuhadadii nooga shahiiday deegaanka Burujeed
NIN AMAANTI MEERSHAA RI’ ISMAASHAY WEEYAAN MAAHMAAH FOG BAA TIRI
TUKALAA KA DABA TIRI HADII AAY KU MOOSAAN KARTAA LA ISKU MUUJAA
TAASAA MACQUUL U EG
MAANTANA FAGAARAHA MAGACYAAN LA BAXAYAA AAD IGALA MASUUGTEEN
waa wax laga fiicanyahay in hibintaana lagu magac sheegto
Bah iyo Boqor waa inoo dagaal Shabaab
Waxaan waayay Rag aan iga mudneyn in aan u baroorto waxaana muquuninay Inta nool oo maftanadu ugu horeyso.
Macnaheedo maahan in Khawaarij iga libin heshay lkn qofki garabkeyga ka baxay ayaa igala sareya Eeyaha la soo maquuniyay
Waxaan Deeq Daawo ah ka gudoonay walaalaheed siyaasiyiinta reer Hirshabeele waxaana usaada doona ciribtirka haraadiga Khawaarijta
Waxaan ku jirnaa halgan adag oo nagu qasbayo in aan mar walbo sufuufteena hagaajino baryaha allana ku dhaganaano.
Caawa waa habeen Jumco ah waxaan dhamaan Umadda Muslimiinta ah ka codsaneyn In Saliga Nabida Nabad galyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee nalagu saado loona niyeeysto in Mujaahidiinta halganka ku jirto Alle xijaab uga dhigo.
Waxaan shalay deegaanka Burujeed uga qeyb galay munaasabada xuska dhalasha suubanaheena محمد صل الله عليه وسلم oo aay si wada jira ah u wada dhigeen Mujaahidiinta furinta Burujeed difaaca uga jira iyo Shacabka deegaanka Burujeed.
DHUUSAMAREEB RAG IYO BARI ILAALIYA AYEEY LEEDAHAY EE HA ISKA NASTO
Burujeed waxa aay kamid tahay dhufeysyadii Khawaarijta laga xooreeyay waxaana jooga Ciidamada Soomaaliyeed ee ku dhiiraday xoreyta Khawaarijta.
Khawaarijta waxaay waqti iyo dhaqaale intaba ku bixisay in aay mar falaarta Burujeed iska siibaan lkn taas waxaa dhabarka ka jabiyay dadka Deegaanka.
Shabaab waxaan ku balanay in aan kala adkaano lkn in aan sixamano waa wax cwa nagu cusub Burujeed afka laguma baneyn karo
Waxaan tacsi u dirayaa Saraakiisha kala ah
1. Taliye Bootaan
2. Taliye Abdülkadir Arun
3. Xiirey
Waxa aay shalay ka run sheegeen balantii aay alle kula galeen difaaca Diintiisa iyo Dadkiisaba waxa aay u jilib dhigeen Khawaarijtii ku soo duushay waxa aay Alle hortiisa uga xishoodeen in Cawadgu dhabrkooda aragto ilaa ay shadaadadii ka heleen.
مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ ۖ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا
لِيَجْزِيَ اللَّهُ الصَّادِقِينَ بِصِدْقِهِمْ وَيُعَذِّبَ الْمُنَافِقِينَ إِنْ شَاءَ أَوْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَحِيمًا
Waxa aay soo soo martay maalihii dagaalkii Uxud iyo Ceel-god oo barakeysna waxa aayna qaateen boosaskii aay qaateen walaalahooda Subaxdii Ceel-god.
1. Taliye Adan Dheere
2. Taliye Shaafici
3. C/karin Kheyre
Oo dhamaantood subaxdaas Shahaadada qaatay iyo oo ku taagan balantii aay rabigooda lagaleen
Waxaan si gaar ah murugada ula qeybsanayaa walaalkey Xildhibaan Hassan Hersi Hashi oo qaraabo iyo saaxiibo badan oo geeridoodo damqisay ku waayay dadaalkii shalay ee Ceel-lahelay waxaana leeyahay sxbey:-
DULIGA IYO CEEBTAAN QABNEE DUUDKA NAGA SAARAN
KUWII DIIDAY EE DHAB U DAFIRAY EE JANADA DOONTAY
DAARAHA FIRDOWSAAD KUWUU DEEQLE U YABOOHAY
IYAGOO DIFAAC GALAY KUWUU DIIRADKUHU BOOBAY
DADKU KALA WANAAGSANE RAGEY QALATAY DAANYEERTU
KOLNA MOOD MA DAAYEEN HADEEY NOLOSHA DOONAANE
Galab wanagsan qaraabo
Allaha u naxariisto walaalkey waa hadalkii ugu dambeeyay ee uu warbaahinta siiyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Maxed Yare).
Waxaa hadalkiisa ka muuqatay sida aay uga goantahay in wax ka gabagabeeyo haraadiga Khawaarijta ama uu ugu shahiido maanta ayaana alle heleeshiiyay shahaadadiisa waliba isaga oo ku faraxsan in uu qeybtii ugu horeysay ee deegaan doorashadiisa wax ka xoreeyay.
Waxaa uu noo ahaan doodaa Astaan aan ku dayano waxaana ugu aargudi doonaa mid xanuunka geeridiisa naga khafiifiya
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
KM4
Mogadishu, 256
Waa bogga rasmiga ah ee Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.
Waberi
Mogadishu, 252
ASC waxan idinka mahad celinaya wacan ad usoo boqotay page-kani waxana kuso gudbin doona oo ad igala socon doontan ONLINE BUSSINES waxana so galin doona product-tiyal kala duwan in...
MOE Building, Afgoi Road
Mogadishu, 252
MP, Formar Minister of Education,Culture & Higher Education, Somalia
Mogadishu, 252
Member of Somalia Federal Parliament | Fmr NISA Chief of Staff & Villa Somalia Dep. Chief of Staff
Soddonka Street
Mogadishu
Member of Finance & International Cooperation Committee, Somalia 11th Federal Parliament.
Mogadishu
Madaxa Hoggaanka Warshada & Waxsoo saarka C.A.S ahna Taliye Xigeenka Hoggaanka Maaliyadda ahna Xisaabiyaha Guud ee Hoggaanka Maaliyadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Mogadishu
University Of Somalia Alumni, Former Manager at Fariid Express, Manchester United Fan.
Mogadishu
Second South West State Parliament member of Somalia and State Minister Of Interior Reconciliation