Sakariye muhamuud faarah

Sakariye muhamuud faarah

soo dhawaada

12/10/2023

Kelinimo.
Maarso 9 2023
w/q maxamed D.ciise

"Danteyda i cusleysoo
Cid wax saaraan maaye…"
Danteyda ayaa i cusleysay oo iga yeeshay mid kuwa ku hareereysan aysan ka war heyn kana wardoonin, taasi k**a dhigno in aan ahay daryeel doon, se waxaan ahay mid kelinnimo ku dhex habowsan. Socod dheer ayaan kasoo bilaabay Bar Ubax, ilaa iyo Daljirka Daahsoon welina ma aanan gaarin xeebta Liido.
Kelinimo ayaan ku socdaalayaa keliyah waxaa wehelkeyga ah macallin Liyoo Tolistooy buuggiisa. Afkaar kala jaad ah ayaan ku dhex socdaalayaa, qorraxduna wey kulushahay,dabeyl iyo bus daran ayaa jiro bal se aniga waxaan nafteyda la rabaa keli ahaansho iyo isla sheekeysi aan nefis dheer uga helo diiqoodka.
Balwad oo dhan waxa aan ka leeyahay kobbashiinaha, sigaar ma cabo, qayilaad iyo wax lamid ahna warkeeda iska dhaaf, Feeb(Vape) isagana ma isticmaalo, cabitaannada tamarta ayaan iyagana badi isticmaala. Tamarta ugu badan ee aan ku socdaalo waa afkaarta kala geddisan ee gudaheyga ka dhex ololsan, kelinmaduna iga yeeshay in aan halkaan sadarro madow ku weeleeyo.

Cid kasta wey naga socdaasha kaddib marka aynu u qabanno ma ay naga qabsadaan danahoodii innooga xirnaa, dib innooma soo eegaan, weyna naga sii socdaalaan iyaga oo usii socdaallo kuwa cusub oo ay xiiseynayaan. Gudaheenna waxa ay uga tagaan xasuuso iyo raadad se iyagu maba ku baraarugsana in ay innagu beereen dareemo iyo xasuuso boholyow u qabo iyaga. Haa! Waa isla sida ay inoo illoobaan kolka aan geeriyoonno oo ay isaga keyna fogeeyaan.
Dadku waa hal xiraalle koonkaan lagu abuurey, isaga ayaa istarmiyo haddana isaga ayaa badi isdabar jaro. Inta aan noolnahay waxa aan ammin badan gelinnaa raalli ahaanshahooda, farxad gelintooda iyo dareemadooda sidii aan u kasban laheyn se intaas inta aan mareyno waxa aan dayacnaa nafaheenna, dareemadeenna iyo nafsaanniyaddeenna.
Waxaas oo dhan iskuma aynaan dhibneen haddii aynu ku baraarugi laheyn sida fudud ay inoo illoobayaan dadku kaddib geerideenna. U fiirso sida ninka uu inan kale u guursado ulana raaxeysto kaddib marka ay geeri ku imaato inantii uu la raaxeysan jirey, halka dhinaca kale gabadhu marka uu geeriyoodo seygeeda uu dumaallo wiilka walaalkiisa u lana raaxeysato. U fiirso sida hoosku uu u dhuumanaayo marka aan galno meel har leh, u fiirso isla sida wax kasta billow u leeyihiin ayeyna dhammaad u leeyihiin.
Kelinimo ayeynu ku dhallanay, kuna dhimaneynaa, xisaabtana ku mareynaa.

Dhammaad.

10/10/2023

Kulanka Meerayaasha.

W/Q; Maxamed D. Ciise

Jardiinka dheer ee Curubo ayaan wada fadhinna labadeenna. Goorsheegtu waa Toddobada fiidnimo, cirka wali waa mugdi oo dayaxa aayanan soo bixin. Dekadda ayaan daawanaynaa, goobtuna waa faaruq. Badankood dadka waxay halkaan yimaadaan gabbalka inta uu san dhicin ka hor. Se, innagu waxaan halkaan nimid billowga habeenka. Waxkastoo dabiici ah waxay noqdaan raqiis kolka ay horteyda fadhiso. Badweynta iyo mowjadaheeda sidaas uma siinaayo indhaheyga, oo gabi ahaanba waxaan ku maqanahay bushimaheeda.

Dayaxa waxa uu marayaa habeennadii u danbeeyay, fiidnimada ayuu la soo baxayaa iftiin iyo dhammeystirnaan qurux badan, se aniga dayaxii aan ugu jaceylka badnaa ayaa horteyda ka iftiimaayo, misana u daawanayaa si tartiibsi badan. Dayaxa cirka saaran ee masaafada dheer ii jira, waxaa iiga macaan badan dayaxa dunidayda ruuxiga ah ifiyo misana masaafada dhow ee jira.

Waxay si xarrago leh iigaga warrameysaa arrimaheeda, dhacdooyinkeeda iyo doonisyada ay noloshaan ka leedahay. Neecowda qabow ayaan wada dhuuqaynaa, sheekooyinkeedana waxaan ku darsanayaa hadba inta mudan inaan wax ku daro. Kolka ay iiga warramayso nolosheeda waxaan u dhageysanayaa si ka soocan waxkastoo aan dhageysto. Dhugteyda oo dhan waxaan iskugu geynayaa ku raaxeysiga erayda bushimaheeda ka soo burqanaayo. Laqwi, iima ahan hadalkeeda, oo waa xuurulceynta ruuxdeyda.

Dayaxii ayaa qorrax soo baxa ka soo casaaday isaga oo aad u weyn. Waxaad moodeysaa dhimbil sal ballaaran. Halka ay iga fadhiso dhabarkeeda ayuu ka soo iftiimay, wajigeeda iyo dayaxii ayaa isku beegmay. Ashqaraar weynaa, waxaa isku beegmay labo farshaxan, farsamo, iyo fan Rabbaani ah. Quruxyo wada kulmay ayaan u dhaqaaqay daawashadooda. Quruxyadaas anigoo la raacaayo indhaha ayaan maqlay mowjad xooggan oo cirkaa isku shareertay. Calashaan waa qurux kaloo farriin dheehasho ii soo direyso. Iyadoo ii sheekayneyso ayaan tusiyay dayaxa ku soo biiray quruxdaan dabiiciga, intay dhankiisa u jeedsatay ayey taleefankeedii gacanta la soo baxday misana ugu dhaqaaqday sawirro iyo muuqaal duubis. Intaan eegay ayaan gudaha iska idhi, waa quruxdii oo ka heshay qurux kale. Waa ashqaraartii oo sawiranayso mataanteedii. Waa meerayaal kala lumay misana dib isu helay. Dayaxa waa meere qurxinaayo fiidnimadaan meeraha dhulka, iyaduna waa meere qurxinaayo ruuxdeyda.

Qosol, kaftan iyo sheeko dheer kaddib waxaan soo wada qaadnay jidka dheer ee kawaanka kalluunka hormaro, siina tago dekadda. Waxaan u soo tallaabo qaadnay dhankii gurigeeda, misana halkaas ku sii wada dhammeystirannay sheekadii ku saabsaneyd nolosheenna. Dayaxa oo aad u iftiin badan misana xiddigaha ay dhinac socdaan ayaa dusheenna ahaaday. Wax walba waxay qurux badanyihiin kolka ay yihiin wadajir. Wadajirka laftiisa wuxuu qurux noqdaa kolka ay labada qofood wadajir ka dhigaan ruuxo daahiran. Socdaalka ugu macaan waxaa wada galo labada qofood ee isu hibeeyo ruuxo daahiran, edboon misana dareenno badan. Socodka ayey labadaasi ugu raaxeystaan si sare, daalkana kaga nastaan sheekooyin.

Waqtiga sidii uu u ordaayay, waxaa la gaaray waqtigii aan u hoyaadi lahaa dhulkeygii dheeraa, cidladii iyo qolkii aan kaliga kudhex ahaa. Waxaan isku soo taagay jidkii, qabyo aad u weyn ayaan dareemayaa. Dayaxa iyo xiddigihiisa wali waa wadajir, se aniga ayaa noqday qabyo. Qabyada nolosha waa halka ugu xannuunka badan, uguna qiimo xun. Cidladii aan ka faaruqay saacadaha ay horteyda fadhisay ayaan dib ugu soo noqday. Jid dheer ayaan kula kaliyeystay cidlo, waxaa wehel ii noqday eeyahay iyo bisadaha habeennadii soo mirto.
Dhammaad.
Xusuusqor.
Soddonka, Sibteembar,2023.

19/07/2023

Maanta qofka aan ahay waxan ku noqdey go'aanki aan shalay qaatey, berito waxa aan noqon rabane waxa ay ku xidhan tahay maanta,
anigoo mar walbo jecel inaan xaqiiq kawada hadalo ayaan go,aan saday inaan xigmadaan soo qaato,maanta dhalinyaradeena waxaanu hayno maanta runtiii ma ahan wax saxan, wixii aanu biri ku noqon lahayn qofka aan rabno inaan noqonana mahayno
hadaba is qiimee,iswaydii suaalahaan
1:maanta level kee joogta
2:qofkii ku haboona maanta halkaad joogto matahay
3:shalay majiraa go,aan aad qaadatay kaas oo qeexaya qofkaad noqon lahayd maanta
4:shan sano ka hor iyo maanta muxuu yahay farqiga kuu dhaxeeya qofkaad ahayd iyo qofkaad hada tahay, haday tahay dhanka dhaqaalaha, waxbarashada,garaadka,jirkaaaga, koritaanka maskaxdaada,hab fikirkaaga,

hadaba hadii ay kuu cadaatay inuusan wax wayn inii dhaxayn wixii aad Shan sano ka hor ahayd iyo maanta qofka aad tahay,runtii dhul cidlo ah oo mugdi ah baad dhex jibaaxaysaa waxaanad la mid tahay qori dab dabada loo galiyey kaas oo gadaal kasoo gubanaya ilaa uu inta udanbaysa ku yimaado sidaasna uu qorigaasi danbas isugu badalo.
dhalinyaro sidaan ku jirno xal maahan ee maxaa inoo xala?

18/07/2023

ina ragow lacagta raadi ka hor intaadan
ku daalin dumarka baadi goobkooda,
maxaa yeelay oraah ayaa tiraahda,dumarka
lagama waayo halka ay lacagtu taal
➡️anoo og inay diinteenu guurka dhiiri galinayso hadana markaad soo guursati waxaa waajib diini ah kugu ah inaad masruufato reerkaaga dhabarkana saarati wax kasta oo ay kaaga baahan yihiina aad usuuro galiso balse hadaad dayacdo aakhiro ciqaab wayn ayaad ku mutaysan kartaa hadaba,.
➡️anigoonan doonayn inaan dumarkayaga
sharafta badan ku xad gudbo hadana iyagu way ogyihiin inuusan waxba u tarayn nin aan wax haysan. waxay ogyihiin inay yihiin ubax kubaxa lacagta haday waayaana uu ubaxaasi muuqaalkiisi is badali doona xitaa haduusan dhiman,
➡️ina ragow yeysan ku sirin quruxda iyo dhal dhalaalka gabdhaha hareerahaaga ordaya xakamee shahawaadkaaga oo hoos fiiiri xaqiijina riyooyinkaaga,
➡️ina ragow ma rabtaa gabadhaad calmato ee quruxda badani inay kuula noolaato nolosha aad niyada ku haysi ee anigu xitaa aan sawiri karin siday uqurux badan tahay,hadaad doonaysi inay wax walbo u dhacaan sidaad niyada ku haysi jooji la haasowga dumarka adigoonan riyooyinkaaga rumayn meela wax kuugu cadayn,
tani waa taladaan siin lahaa wiil kasta oo maanta kuhaminya inuu guursado asagoon waxba haysan

11/07/2023

ma ogtahay inaad leedahay calaamadaha qofka waligiis faqiirka ahaanaya,?

dhibaatada dhalinyaradeena haysta ayaa ah in qof kasta oo dhalinyaradeena ah uu mustaqbalkiisa ku xiro qof kale yacnii dhibka na haysta waxaa weeye,nolosheena dhan waxaa masuul ka ah qof kale sida waaridkeen,wallkeen,ama eedadeen oo dibada jirta iyaga ayaan lacag ka sugnaa sidaas darteed hadaanu wax wayno ama barnaamij aan lahayn uu noo hirgaliwaayo
iyaga ayaan eedaynaa,waxaanu niraahnaa maxaa magaalo heblo la iigu diriwaayey maxaa shaqo la,iigayn waayey.

ma ogtahay dadka guulaysta in musuuliyada noloshooda aysan cidkale ka sugin,hadii aad akhridin background histroyga raga nolosha ka guul gaaray ama aad daawati waraysiyadooda waligood masuuliyada noloshooda cidkale ma qaadin iyaga ayaa iswaday iyaga ayaa isdiray iyaga ayaana guusha gaaray,

ma ogtahay inaad leedahay calaamadaha qofka faqiirka ahaanaya waligiis?

mala yaabtay suaashan balse waxaa laysku raacay dadka faqiirka waligood ahaanaya noloshoodana aan guul ka gaarayn inay leeyihiin dhowr calaamadood oo cudur ah
waxaa laga soo kooba labo calaamadood oo waawayn.
1:eedayan:dadka aan noloshooda horumarka la rabin waxay aad u isticmaalan eedayn waxay marwalbo eedeeyan dadka kale,daruuf walbo oo soo wajahda way sababeeyan cidkale ayeyna madaxa usaaran,waxay eedayaan dawlada waxay eedeeyan dhaqaalaha dalka waxay eedeeyan waalidkood ilaa marka danbe ay ilaahood eedayaan,(Ale iima qorin,Ale ima siin iyo ilaahay baa sidaan iigu talo galay
2:cabasho:dadka aan naftooda horumarka la rabin waxay aad ugu dheereeyan cabashada waxay marwalbo dhibkooda usheegtaan dadka kale qof ayba ogyihiin inuusan waxba u awoodin ayey mar walbo la wadaagan,waxaad arkaysaa inuu ku leeyahay dalkaan waan ku rafaaday shaqo kuma haysto nolol fiican kuma haysto waan dhibaataysanhay halka la rabay inuu arintaas xal u raadiyo ayuu mar walbo ka sheekaynayaa,

19/02/2023

Garxajisku maanta garab buuxa bay nasiiyeen

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Ankara?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Ankara Turky
Ankara
Other Journalists in Ankara (show all)
Ömer ŞAN Ömer ŞAN
Bülbülderesi Caddesi Çankaya
Ankara, 06660

Araştırmacı Gazeteci-Yazar

Sacad Cabduqadir Awmagan Sacad Cabduqadir Awmagan
Ankara, 06220

Waddani Media Waddani Media
Ankara

Waddani Media

Hodan Mohamed Abdullahi Hodan Mohamed Abdullahi
İzmir. 2 Cadde No: 34/616(6. Kat) Kızılay
Ankara, 06420

Filmmaker. Grateful. Hopeful. Award-winning Somali journalist . Founder.Freelancer.

Sıfırdan Yüze Hayatlar Sıfırdan Yüze Hayatlar
Ankara

İlginç Başarı öyküleri küslükler kavgalar herşey bu kanalda

Bashiir Abduqadir Dhaqane Bashiir Abduqadir Dhaqane
Ankara

Asxaabta ku soo dhawaada Pagekeyga , waxaa sharaf iyo dhiirigilin ii ah in aad igula saaxiibto halkan

صبح بخیر و انرژی مثبت صبح بخیر و انرژی مثبت
Ankara, 06590

جملات انگیزشی و صبح بخیر و شب بخیر روزانه برای تو

Yasmin News Yasmin News
Ankara

صفحة إخبارية رياضية واجتماعية

GC Akademi GC Akademi
Üsküp Caddesi, No:35
Ankara, 06680

Gazeteciler Cemiyeti, Avrupa Birliği desteği ile yürüttüğü Demokrasi için Medya, Medya için Demokrasi Projesi kapsamında hayata geçirilen Gazeteciler Cemiyeti Akademi (GC Akademi) ...

Geylan Media Geylan Media
Ankara

Neşat Gündoğdu Neşat Gündoğdu
Ankara

Gazeteci Neşat Gündoğdu'nun yazı ve görüşlerinin paylaşıldığı sayfadır.

Hon. Abdi Asiis diini Hon. Abdi Asiis diini
Ankara

NABAD BA MACAN