Dr Abdifatah Abdullahi Adami

Welcome guys �you can get in here the latest news of the world and general informations about our community � Livestock is the backbone of our economy

09/11/2021

Macmiil: Waa imisa boorashkaasi? Waxa uu baayacayay nooca loo yaqaan Kabtanka oo 500g ah.

"Waa15,000 SLSH" ayuu yidhi wiilkii dukaanka hayay.
Nin kale oo wax ka iibsanayay oo aan u malaynayo in uu ahaa qurbe-joog ayaa yidhi: "Waa qaali. Annaga mid ka wayn ayaa nalaga siiyaa hal dollar".
Macmiilka iibsanayay waxa ka muuqday in uu la yaabanaa ninka leh 15kun ayaa qaali ah. 15kun waa ku dhawaad 2$.

Arrintaasi waxa ay ku tusinaysaa in maceeshaddu ay qaali ku tahay dalkeenna oo aan la xisaabtaminba.

Sida aan maqlay dad badan oo qoysaskooda u raray Turkey, Uganda, Kenya iwm waxa ay sheegeen in maceeshaddu aad uga hoosayso kana tayo wanaagsan tahay ta dalka?

Arrimahaas ma la dareensan yahay, mise dawladuna cashuur ayay ka fekeraysaa, ganacsataduna macaash, dadkuna waa qof iyo nasiibkii?
ilo lagu kalsoon yahay ✔️

Photos from Dr Abdifatah Abdullahi Adami's post 01/15/2021

Lix Qodob Kugu Dooran Mayno Ayaa Tolkii U Sheegeen Wuuse Qanci La'yahay.

(Nimaan Quusanna' Isagaa Quusa)

Wuu Samri la'yehee Tolkii Hadal Cad Waxay u Sheegeen in Anay Diyaar u Ahayn inay doortaan, waxayna u Sheegeen Lix qodob.

Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland Maxamud Warsame Jama
Ayaa Maalin Isugu Yeedhay Dhamaan Guddiyada Kala Duwan ee Waayeelka, Waxgaradka, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Culimada, Ganacsadayaasha, Shaqaalaha, haweenka, Beesha uu kasoo jeedo, Wuxuuna u Sheegay Inu Sharaxan Yahay Ayna Doortaan, Waxayna u Sheegeen Inay Ka Tashanayaan Saddex Cisho Ka Bacdi uu Kusoo Noqdo.

Hadeel Dheer Iyo Talo Qiimo leh Dabadeed Maalinti La Balansanaa Waxaa Loo Sheegay Lix Qodob ee Soo Socda:-

1- Afhayeen Haddaanu Nahay Beeshaadi Waxaanu Ku Dooranay Shalay Xaqna Maaha in Mar Labaad Lagu Doorto, Duca Qabe Musharaxnimadu Waa Meerto.

2-Haddaanu Nahay Beesha Aad Kasoo Jeedo Sidaanu u Dhan Nahay Waxaanu Nahay Waddani, K**a Bixi Karno Qodobadii Lagu Heshiiyay Shirkii Daalo Ee Beesha Habar Yonis iyo Kii Gacan Libaax ee beesha Garxajis,Kulmiyana Boos Uma Hayno.
Fiqina Tolkii K**a Jano Galo.

3-K**aad Bixin Secondary School, sidoo kale kamaad Bixin Jaamacad, Wax Xirfadana Ma Lihid, Sido Kale Da'dii Barlamaanka Maad Gaadhin.

4-Maanta Gobolka Sanaag Iyo Gobolada Kale Ee Barriga Dulmiga Ay Ku Jiraan Waxaa Kala Dabaalan Kara Oo Keli ah Xildhibaan Kaso Baxa Xisbi Mucaarad,
Loomana Baahna Xisbigii Laga Soo Reebi Lahaa Dalka In Isaga Cod Loogu Sii Daro.

5-Beesha Aad Kasoo Jeeda Waxay Shalay toole si Hufan oo Hagar La'aan ah Kuu Gaysay Xisbiga Waddani Iyo Golaha Deegaanka Ceerigaabo Codkii Labaad Ee Gobolka Sanaag ugu Badnaa ayaa Lagu Siiyay Waxaad Kaga Tagtay Meel Cidlaa,Waxaadna ku Biirtay Xisbiga Kulmiye, Berina Damaanad ka Noqon Mayno Inaad Ka Carrarto XilKanaad u Sharaxan Tahay.

6-Haddaanu Nahay Beesha aad Kasoo Jeedo Jilibka Hoose Ee Aad Ka Tahay Waxaa Laydin Doortay Afar Jeer:-
1-Axmed Xasan (Mr-Dinad) Oo ahaa Baarlamankii U H**eeyey
2-Ibrahim Dhaadhere (A.H.UN)Baarlamaankii Labaad
3-Siciid Mire Jama Gole Degaan
4-iyo Adiga Oo Ah Maxamud Warsame jama(Gole Degan)
Maantana Rag Kale oo Tolkaa ah Ayaa Han Siyaasadeed Leh ooTaagan, Qaarkoodna H**e Kugu Tanaasuleen ee Xishood.

Lkn Waxaan Kugula Talin Lahayn Shaqada Aad Joogto Dabada Ku Adkayso Maandhooooow.

Wuxuuna Balan Qaaday Inu Tolka Kala Goyn doono Haddaan Tiisa Lo Yeelin.

Wax Hadal ah Looguma Jawaabin.

lkn Nin Ragga Ka Mid Ah oo Ay Kaftamaan Ayaa U Sheegay In Dhakhtar Caafimaad La Gayn.

Photos from Dr Abdifatah Abdullahi Adami's post 06/10/2020

Waxbarasho bilaash ah oo aan haddana bilaash ahayn:-

Sannadkii 2010kii waxaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ay ku dhawaaqday in dhammaan dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawladdu ay yihiin lacag la’aan, isla markaana arday kasta oo Somalilander ah uu heli doono waxbarasho bilaasha oo tayo leh.

Wakhtiga ay dawladdu ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay waxaa ardayda dugsiyada dawladda laga qaadi jiray lacag ka yar $2 doollar, balse xaalku wuxuu ahaa mid ka sii daray uun, bilaashkii wakhtigaas lagu dhawaaqayna hirgalkiisii muu noqon mid lugo adag ku taagan, waayo maalintii lagu dhawaaqay illaa maanta dugsiyada dawladda ardayda lacag ayaa laga qaadaa, iyadoo weliba ay sannad kasta korodho, waxaana intaasi u sii dheer lacago kale oo iyaguna marmar ardayda si gaar ah looga qaado, sida dayactirka iskuulka, abaaraha, nadaafadda, i.w.m.

Ardayda dugsiyada dawladda dhigata intooda badan waa kuwo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee tahli kari waayay in ay wax ka bartaan dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Somaliland gudaheeda waxbarashadooda la ammaano.

Wixii ka dambeeyay markii xukuumaddii Kulmiye ee 2010 ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay waxaa uu ahaa qodobka ugu weyn ee xisbiga iyo xukuumadduba ku faanaan, iyadoo danyartuna ay garan la’dahay bilaashka la sheegayo halka uu ka hirgalay.

Dhawr jeer oo la waydiiyay xukuumadda Somaliland sababta uu u hirgali waayay in bilaash ay noqoto waxbarashadu, waxay ku adkaysteen mas’uuliyiintu in waxbarashadu lacag la’aan tahay oo aanay ogayn meel ardayda lacag lagaga qaado.

Maxaa sababay in lacag la qaado?

Sannadkii 2010 dawladdu markii ay ku dhawaaqday in waxbarashadu bilaash tahay, sidoo kale waxaa iyaduna ay ballan-qaaday in macallimiinta dugsiyada dawladdu ay si joogta ah ku heli doonnaan mushahar ku filan. Macallimiinta ayaana mushahar ahaan u qaata lacag dhan $100 doollar.

Si aan ugu kuurgalo sababta illaa hadda loo qaado lacagta dugsiyada oo ay dawladdu rumeysan tahay in ay bilaash yihiin ayaa waxaan tagay dugsiyada dawladda qaarkood si aan u soo hubiyo arrimaha keenaya lacag qaadista iyo waxa kallifaya. Waxaan la kulmay macallimiin iyo maamulayaal kala duwan, sidoo kale waalidiinta qaar ee arrintan ka cabanaya ayaan la sheekaystay.
Waxaana iiga soo baxday in sababta keenaysa lacag qaadista dugsiyadu ay tahay sidan:
Macallimiinta oo aaminsan in aanu ku filnayn mushaharka dawladdu
Baahiyaha dugsiyada dawladda, sida nadaafadda iyo biyaha oo aanay dawladdu bixin
Macallimiinta oo u bartay lacagta ay ka helaan ardayda, iyagoo caado ka dhigtay
Dawladda oo aan mas’uuliyad iska saarin dabagalka ballan-qaadkii ahaa in dugsiyadu bilaash noqdaan.

Waxaan sidoo kale la kulmay waalidiin lagu soo eryo ardaydooda marka ay kala raagaan lacagta dugsiga, iyadoo taasina ay tahay arrin kale oo warwar ku haysa waalidiinta danyarta ah.

Ardayda haatan waxaa laga qaadaa lacag dhan 35,000 oo shilinka Somaliland ah taasi oo u dhiganta $4 doollar, waa in ka badan libin-laab lacagtii laga qaadi jiray waagii xukuumaddu ku dhawaaqday bilaashka.

Waxbarashada iyo COVD19

Wakhtigan hadda lagu gudo jiro xanuunka faafaya ee COVID19 goobaha waxbarashadu waxay ahaayeen kuwo xidhan oo fasax ayaa la galay, dawladduna waxay sheegtay in ardayda loo qiimeyn doono imtixaankoodii h**e.

Waxbarashada waxay ardayda intooda awoodi karaysay ay kala socdeen Raadyaha iyo Telefishanka mana jirin dugsi iyo goob waxbarasho oo la tagay muddada fayraska koroona lagu gudo jiro. Waalidiiinta ayaa filaayay in aan wax lacag ah laga qaadi doonnin labadii bilood ee ay ardaydu fasaxa ahaayeen maadaama aanay ardaydu tagin dugsiyada, balse taas baddalkeeda waxaa haatan dugsiyadii dawladdu ay doonayaan lacagtii ay h**eyba u qaadan jireen weliba labadii bilood ee fasaxa ahaa ayay doonayaan in halmar la isku raaciyo taasi oo xisaabta ka dhigaysa ardaygiiba libin-laab.

Ardayad waxbarashada kala socota raadyaha.
Waxaana xusid mudan in xanuunkan uu dhaqaalaha qoysas badan uu dhibaato weyn u gaystay, isla markaana ay adag tahay xal u helidda lacagaha libin-laabka ah ee waxbarashada dawladda. Waxay ahayd wakhtigii ay dawladdu lacago iyo nolol ay u raadin lahayn danyarta aan haysan wax ay cunnaan.

Maxaa la gudboon dawladda?

In dawladdu si dhab ah u fuliso ballan-qaadkeedii ahaa, waa bilaash waxbarashadu.
In dawladdu ay kafaalo qaaddo daryeelka iyo dayactirka dugsiyada si joogta ah.
In macallimiintu ay helaan mushahar ku filan oo ay kaga maarmaan lacagta ay ka qaadanayaan ardayda danyarta ah.
In dawladdu ay si dhow ula socota habsami u socodka waxbarashada dugsiyada dawladda.

Fiiro gaar ah:

Waxaa xusid mudan in dugsiyada sare ee dawladdu ay yihiin kuwo lacag ah oo aanay weli dawladdu ku dhawaaqin in ay bilaash noqdaan.

Dhammaad

Xigasho~Khalid foodhaadhi

Photos from Dr Abdifatah Abdullahi Adami's post 06/07/2020

انا الله وانا إليه راجعون
Alle ha u naxariisto guddoomiyihii gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Oo goor dhawayd geeridiisa la xaqiijiyey.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridda guddoomiyaha qoyskii,ehelkii,asxaabtii,Bulshadda gobolka Togdheer iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland oo aan leeyahay Alle samir iyo iimaan ha inagga siiyo,isagana jannooyinkiisa ha ku casuumo.
أمين امين 🙏

03/28/2020

Beri ayaa uu Jabuuti roob aad u xoogani ka da’ay. Biyo ayaa meel walba fadhiistay. Kaneeco aad u badan baa ka dhalatay biyo fadhiisinkaasi. Dadweynihii reer Jabuuti ayaa aad uga cawday Kaneecadaasi. Dawladdii hoose ee magaaladda Jabuuti aad ayeey u dedaashay oo sun badan ayeey Kaneecaddii ku buufisay. Ha yeeshee Kaneecaddii ayaa h**e ugu dhiman weyday suntii lagu buufiyey. Kolkay cabashaddii dadweynahuna halkeedii ka sii socotay ayaa sida la sheegay nin wasiir xilligaasi ka ahaa dawladdii Xasan Guuleed Ilaahay haw naxariistee uu la hadlay warbaahintii Jabuuti waxaanu yidhi sidatan; “ Reer Jabuuti waxaanu idiin sheegaynaa in Kaneecadii ay suntii la qabsatay, dee idinkuna kolkaa la qabsadda qaniinyadeedda.!!!”. Kolkaa waa halkii wasiirkaasiye dadkeenuna xaalka cusub cudurkan Coronovirus sida uu nolosheena u badalay iyo ta adduunkaba inaynu la qabsano ayaa laynooga baahan yahay. Qof walowba is ilaali.

XIGASHO jamaal Cali Xuseen

03/28/2020

Ma hadhooyinka laga hayo bakhaylada waxa ka mid ah:

Nin baa waxa uu martiyey nin ay saaxiib ahaayeen oo bakhayl ahaa, Isla markii uu ninkii gurigii galey ayaa ninkii bakhaylka ahaa inankiisii u dhawaaqay oo uu ku yidhi: "Aabbo maanta nin culus baa ina soo martiyey'e waxa aad soo iibisaa kiiloo hilib ah oo aad u wanaagsan".

Inankii baa baxay, waxoogaa markii uu maqnaa baa uu soo noqday isaga oo aan waxba soo iibin!!

Aabbihii baa weydiiyey:" Hilibkii mee?!"
Waxa uu yidhi inankii:" Waxa aan u tegey hiliblihii, waxa aan ku idhi hilibka ugu wanaagsan ee aad hayso iga iibi. Waxa uu igu yidhi hiliblihii: " Waxa aan ku siinayaa hilib aad subag moodo". Waxa aan is idhi:" Haddii ay sidaa tahay maan subagba soo iibiyo intii aan hilib iibin lahaa".

Waxa aan u tegey ninkii subaga iibinayey, waxa aan ku idhi "subaga ugu wanaagsan ee aad hayso iga iibi". Waxa uu igu yidhi " Waxa aan ku siinayaa subag aad malab moodo" Waxa aan is idhi:" Haddii ay sidaa tahay maan malabba soo iibiyo intii aan subag iibin lahaa".

Waxa aan u tegey ninkii malabka iibinayey, waxa aan ku idhi:" Malabka ugu wanaagsan ee aad hayso iga iibi". Waxa uu igu yidhi:" Waxa aan ku siinayaa malab saafinimadiisa aad biyo mooddo". Waxa aan is idhi :" Haddii ay sidaa tahay biyo saafi ahi gurigii wey yaallaaan". Sidaas baa aan guriga ugu soo noqday aniga oo aan waxba soo iibin.

Waxa uu ku yidhi aabbihii:" Alla fariidsanidaa wiilkaygiyow, laakiin hal arrin ayuun baa ku seegtay, sidaad kolba tukaan u tegeysay bay kabihii kaa dhamaadeen".
Waxa uu ku jawaabay inankii: "Maya aabbo, waxa aan sii xidhay kabihii martida!".
Imaanka laydinka qaad😂😂

Xigasho:Awo Kahin

03/15/2020

School closed
Offices closed
Malls are empty
Events called off
Flights grounded
Economy down
Even international borders closed

People are scared to look at each other, forget touching

But Hospitals are still open, we still touch patients to check their pulse and examine. We don’t hesitate and walk 3 meters away if you have cold, cough or fever.

The only community which is at highest risk, yet not stepping back, Doctors.

Proud to be a doctor.

02/25/2020

Corona Virus 🦠——

Cuddurka Corona virus 🦠 wuxuu sameyn ku yeeshey dhamaan shacabka Shiinaha ee ku nool USA.

Ganacsigooda, maqaxiyaha, suuqyada. Dadka Waxaad moodaa In la yiri iska ilaaliya Qof Chinese ah.

Cabsi aad u weyn baa soo wajahdey dhamaantood
Kuwa dalkooda ku nool iyo kuwa dibadda.

Ciqaab aad u weyn bey dowlada Shiinaha marisey ummad maaskiin ah. Iyaga oo ku heysta keliya - Maxaa Muslim u tihiin.

Xanuun xagga Rabbi ka socodo ayaa Allah ku amtixaamay oo ah masiibbo rabbaaniya.

Awoodda ay Sheegteen iyo Maanta Waxaan dhegeheena ku maqalnaa In ay lee yihiin hanala caawiyo. War mareykan iyo yurub na soo gaara.

Kuma faraxsani dhibaatada heysata shacabka , waana u duceynayaa inuu Rabbi ka qaado. Laakiin dowlada China xadgub iyo Awood weyn bey sheegteen — Jawaab ka yaabiso na wey arkeen.

85 kun oo Muslimin China ah ayaa Hal bil gudaheeda
Lagu ciqaabey koronto, ciddiyaha laga saarey,qaar biyo lagu dhex hayey, qaar qol mugdi ah qabow lagu dhex shidey lagu hayey. Waa sida AljazeerEnglish sheegtey.

02/23/2020

48-kii saacadood ee la soo dhaafay;waxa ugu hadal hayn badnaa baraha bulshada; wiilyar oo Australian ah oo lagu magacaabo Mr-Quaden.

Waa cunugyar oo 9-jira oo leh xaaladda 'Dwarfism'-ka ama cilin ah, hooyadii ayaa ka duubtay fiidyow niyad-jab ah, kaasi oo ay kaga warramayso sida wiilkeeda loo dhibaateeyo marka uu jooga dugsiga. Waxay xustay in la takooro, magacyo xunna loogu yeedho !

Isaga laftiisa ayaa muuqaalka ku dhex yidhi "Waxan doonayaa in aan is dilo , ii keen mindi " iyo ereyo kale.

In ka badan 15 milyan oo qof ayaa daawatay muuqaalka, wiiilkii yaraana wuxuu heley taageero heer caalami ah, dad caana oo ay kamid yihiin jilayaal, ciyaaryahanno iyo qaar kamid ah carruurta dunida ayaa taageerey, qaarkood ayaa ugu yaboobey lacag gaadhaysa $400 milyan.

Farriinta dadka muuqalka ka falceliyey ay gudbinayeen waxa ahayd in aan la dhibaateyn carruurta.

02/03/2020

Carona virus 🦠 waa nooc kamida viruses 🦠 ka ku dhaca habdhiska neefsashada.
Haddana wuxuu si ba’an uga dilaacay waddanka china 🇨🇳.
Bulshada caalamkuna waxay ku hawlan tahay siday uga gaashaaman lahayd, sababtoo ah ka hortaga ayaa ka wanaagsan iska daweynta “prevention is better than cure”.

01/25/2020

Lalita Bens waa gabadh 26 jir ah oo u dhalatay gobolka Utar Pradesh ee dalka Hindiya. Sannadkii 2012-ka ayey maalin soo booqatay arooska inaadeerteed oo halkaas ka dhacayay. Intii ay arooskaas joogtay ayaa walaalkeed iyo wiil ay ilma-adeer ahaayeen islaayeen, way soo carartay oo kala dhex gashay inta ay waliba min hal dhirbaaxo liqsiisay ayey kala celisay. Wiilkii ay ilmaaderka ahaayeen waxa uu ka samri waayay dhirbaaxadii waxaanu si gaadmo ah wajiga ugaga shubay aysiidh ( Salphuric ACID ).

Lalita waxa ay u doonanayd " mehersanayd" wiil, arooskeedana waxa ka hadhsanaa shan bilood oo kaliya. Hal mar ayey nolosheedii is badashay, guurkeedii waa uu burburay, waxaana u bilowday maalmo murugo iyo ciil xambararsan waxaana god madow ku dhacay mustaqbalkeedii . Waxay gashay 17 qalliin oo wajiga ah, haddana abuurta Ilaahay sideedii lagamu celin karee, dhibaatadu kamay suulin. Qoyskii ay filanaysay iyo wajigeedii quruxda badnaa ba way wayday.

Maalin ayay nambar si khalad ah u garaacday. Markii ay aragtay inaanu kii ay rabtay ahayn ayay ka jartay. Wiil nambarka lahaa oo lagu magacaabo Singh ayaa laba saac ka dib ku soo celiyay nambarkii Lalita. Way ka qabatay oo ay sheeko wadaageen. Singh wuxu yidhi " codkeeda iyo dabeecadeeda ayaa i cajabiyay, sidaa daraadeed maalin kasta waan waci jiray oo la sheekaysan jiray, illaa aan u soo jeediyay guur."

Intii ay sheekadu u socotay ayay Lalita u sheegtay in ay wajiga iin ku leedahay oo ay aysiidh hoodhisay. Wuxu se wiilkii ku jawaabay " Lammaanayaal badan ayaa iska caashaqa muuqaalka wajiga; jacaylkooduna aanu raasamaal yeelan, aniguse waxa aan jacayl u qabaa ruuxdaada, codkaaga iyo dabeecadaada."

Arooska labadan lamaane ee nambarka khaldan isu keenay waxa uu dhacay sannadkii tagay.

Dulucda Sheekada : nambarada khaldan ha dhayalsanina ee ka faa'ideeya.

By Hadyad Jacayl

12/12/2019

Kampalla(HWN):-Waxa labaddii sanadood ee u danbeeyay

ku sii qulqullaayay Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhalinyarro u dhalatay Somaliland, kuwaasoo niyad-jab ka qaadday Xukuumaddihii isaga danbeeyay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, gaar ahaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee hadda labadda Sanaddood marraysa.

Dhalinyaraddan ku sii qulqullaaya magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya, waxa ay Niyad-xummaan ka qaaddeen hannaanka Maamul ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo u xuub-siibtay eex, qarraabo-kiil, Musuq-maasuq karkaaradda jebiyay,waxaannay maamul-xummida Madaxweyne Biixi ay dhaawac wayn u gaysatay Hankii, Hammiladdii, Hiigsigii iyo wada-jirkii ay Shacabka Somaliland lahaayeen, iyaddoo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay Ummaddii ku riday rajo la'aan, isla markaanna Dawladdii iyo Ictirraafkii beryo ku naalloon jireen shacabka Somaliland waxay noqotay Xumbo gudhay iyo riyo aan jirin.

Dawladda Fedderaalka Soomaaliya ee fadhigeeddu yahay magaaladda Muqdisho ayaa furtay Xafiis loogu talo-galay dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee ka soo qul-qullaaya guud ahaanba Somaliland.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Xafiis u furtay dhalinyaradda waxbaratay ee maalinkasta iyagoo koox koox ah ka soo degga garoonka caalamiga ah ee Aden Adde International Airport, waxaanna Xafiis loogu talo-galay innuu diiwaan-geliyo dhalinyaraddaas ka soo yaacaysa rajadda la'aanta iyo Maamul-xumidda Madaxweyne Biixi, waxaannu Xafiiskani uu dhalinyaraddaasi ka caawin doonnaa, isla markaanna uu u diyaarinnayaa sidii midkasta loo shaqo gayn lahaa, iyaddoo imikabba dhalinyaraddaasi badankooddu ay ka hawl-gallaan Hay'addaha kala duwan ee dawladda Fedderaalka Soomaaliya.

Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda

10/30/2019

108-JIR SHEEGTAY SIRTA DA’DEEDA:-

Waxay u debaal dagaysaa sanad guurada 108-daad ee kasoo wareegtay markii ay dhalatay, waxayna heshay hambalyayn tiro badan oo loogasoo diray meelo badan oo caalamka ah.

Dorothy Flowers, oo u dhalatay Ingiriiska, ayaa iyadoo ka waramaysa sirta ka danbaysa in ay muddo badan noolaato, marka laga yimaado qadarka Eebbe, waxay sheegtay in ay aad u cuni jirtay chocolate-ka isla markaana ay cabi jirtay cabitaan badan. Chocolate-ka iyo cabitaanada badan ayay sheegtay in ay aaminsantahay in ay horseed u tahay da’deeda oo dheeraatay.

In kabadan 600 oo kaadh oo hambalyo ah ayay heshay tan iyo markii shekadeeda la baahiyay. Mrs Flowers waxay imika ku nooshahay guri lagu xanaaneeyo oo ku yaala deegaanka Harrogate waddanka Ingiriiska.

10/14/2019

Sidan Waxa yidhi alfanaan "Khadar Ibraahim Khadar Keyow"

''Magacayga iyo Muuqayga oo qudha ayay Yaqaanan dadku balse Mayaqaanaan nolashayda iyo marxaladaha aan soomaray,
''anigu badanaa waxaan ahaa nin da yar oo maskaxdiisa la tashada'hada khadar ibraahin keeyo oo dadku iigu yeedhaan'maaha aabahayga Saxda ah'aabahayga saxda ah aniga wuu geeriyooday'Maxamed Khadar Cabdulaahi'ayaa la yidhaahda,
markaan arkay inaan ifka hooyo'iyo aabe iyo walaal aanan midna kula lahayn' oo aan ahay madi la nool ayeeyo'iyo awoowe'Macaan oo dhibta iyo dhulka iididaya wuxuu carabkaygii la qabsaday aabe iyo hooyo sidaa waxaan kula baxay Khadar ibraahin Keeyoow' oo awoowe ah'

marka aad aragto nin saaxiibkaa ah oo hooyadiisa dhabta ah haysta waxaad arkaysaa wax yaabo adiga ku taabanaaya,waayo waxaad odhanaysa adiga oo yar maxay ku dhici wayday inaad aragto hooyadaa,hadana waxaad ku ilawda marka ay niyadaada kusoo dhacdo inaad haysato ayeeyo booskii kuu buuxinaysa,

''Ciidaha oo kale marka aan arko walaalo isla socda oo faraxsan ama hooyadood iyo aabahood oo wada waxaan dareemi jiray inay nolasha boosas muhiima iga maqanyihiin'

'nolashan aad arkaysid waa sida qof doqona oo kale qofka doqonka ahna hal mar haduu dhulka kugu rido inuu kaa tago lagama yaabo,balse inaad dulqaad yeelado ayay ubaahantahay nolashu'
''Heesta walaal ee aan qaado inta ugu danbaysa dhab ayay ilmadu iiga soconaysaa' waayo waxaan ogahay qiimaha uu leeyahay walaalku'iyo inaan anigu walaal aduunka haysanin maanta''''

Xigasho:- arimaha bulshada

09/26/2019

Ninbaa bari lagula taliyay inuu sigaarka iska daayo cabitaankiisa
inta looga sheekeeyay sida ay u kala duwan yihiin sanbabka
qofka sigaarka caba iyo ka aan cabin iyo inuu kansar ku dhici
karaba .
Qofkii la talinayay ayuu intuu dhagaystay ku yidhi ,markaan
dhinto saw ciiddu i cunni mayso?
Markaasuu ku yidhi haa
Intuu qoslay ayuu ku yidhi ,dee waxaan wadaaba ma wax kalaa
ciiddaas i cunni doonta ayaan xaasi-xaasid la ciyaarrayaa oo
inaan sanbab caafimad qaba u geeyo ma rabo markaan dhinto
Dadka qaar waxsheega waa ka malafan yihiin waxaanay keeni
doonnaan qiil ay hawshooda iskaga sii wataan xataa hadday
naftooda halis ku tahay .

Xigasho: oday soomaaliyeed

09/15/2019

Hambalyo hambalyo
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan ardayda ka qalin jabisay jaamcada Burco.

Photos from Dr Abdifatah Abdullahi Adami's post 08/23/2019

XABAAL IYO NINKEED LOO KALA TEG
"Jeeganland burburkeedii waxyar baa u hadhay"

Xeradii maleeyshiyada u shaqayn jirtay Warlord Muse ee Badhan oo calankii Jeeganland dejiyay, kuna bedeshay calanka Puntland, kadib markii taliyihii u awooda badnaa Badhan "Taliye Gurey Cisman Saalax iyo ciidankiisi ay gebi ahaanba kala noqdeen taageeradii ay u hayeen Dagaal oooge Muse iyo Kaahin.

Taliye Gurey waa taliyihii u danbeeyay ee ka soo Jeeday Warasangeli oo iskaga huleelay la sii shaqaynta JeeganLnd. Kadib markii burbur siyaasi ahi soo wajahday wixi la odhan jiray Somaliland,maantase isu bedeshay Jeegaanland , baa gebi ahaanba waxa bilaabmay in beeluhu kala tashadan, beesha Garxajis oo 90% qaadatay midnimada Somaliya ayaa weli waxa si hoose u socda tashigoodii ugu danbeeyay, halka Harti iyo Samaroon ay ka go'antahay midnimo somaliyeed.!
Xigasho.

06/18/2019

Abwaan Maxamuud cabdilaahi ciise (SANGUB) ayaa maanta ku geeriyooday magaaladatan ADDIS ABABA.
Ilaahay Abwaanka haw naxariisto qabrigana ha u waasiciyo, samir iyo iimaan saadiqana haka siiyo awlaadiisi iyo dhamaan umada soomaaliyeed uu ka baxay.
Aamiin Aamiin

04/08/2019

Hargeysa, Habeen dambe waxaa marti ku ah Xarunta Freedom Center For Strategic Studies, Prof. Ahmed Ismail Samatar, wuxuu ka hadli doonaa Qabyaalada iyo Waddaniyada.

Soomaali haddii aynu nahay, waan isu sheekaynaa lakin ma wada xisaabtano, Prof. Samatar ha dhagaysanina keliya lakin kula xisaabtama wixii ku kalifay gefkii uu ku kacay ee xataa naftiisa iyo shacabkaba ka galay, kaasoo ah in isagoo arkaya Hoggaamiye Rayid ah inuu u ololeeyey oo ka doortay Askari militari ah.

Umalayn maayo inuu naftiisa cafiyi doono inaguna ma cafin doono; markale kula xisaabtama inuu cilmigiisi ka doortay qabyaalad ku kaliftay inuu ina yidhaahdo Madaxweyne kuxigeenka Saylici labba ayaanu kala tirsanaa.
XIGASHO :- ABDIRIZAK TERRA

04/08/2019

Abwaan Weedhsame Oo Caddeeyey Mowqfikiisa Ku Aadan Dalabka Jabuuti Ee Ganacsade Axmed Geelle

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumada Jabuuti ku doonayso in loogu gacan galiyo Ganacsade Axmed Geelle

Abwaan Weedhsame ayaa bulshada xasuusiyay dhacdo fool-xun oo sanadkii 2014kii ay xukuumadii Axmed Siilaanyo dalka Jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo aan weli geeri iyo nolol midna lagu ogeyn.

Dhinaca kale, Abwaan Weedhsame ayaa ku tilmaamay waxaan suurto-gal ahayn dalabka dowlada Jabuuti ee Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, isagoo sheegay inay ahayd in la waydiiyo halka ay ku danbeeyeen kuwii h**e loogu dhiibay.

Abwaan Weedhsame ayaa kaga hadlay Arrimahan, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uuna u dhignaa qoraalkiisu sidan:

“ICTIRAAFKA DADKAYAGAA KA MUHIIMSAN!!!!

2014-kii ayaa Qaraxyo ka dhaceen dalkaa aan deriska nahay ee Djibouti. Dawladda jibouti ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dooday inay jiraan dad reer Somaliland ah, oo soo ambabixiyey soona tabaabulsheeyey dadkii Qaraxa geysatay.

Sirdoonka Jibouti ayaa Hargeysa yimi. Imaanshuhu wax kuma yeelee, habeen madaw ayey Xukuumadii KULMIYE ee Siilaanyo hoggaaminayey, saddex ka mid ah muwadiniintii hooskeeda iyo haybadeeda qarannimo ku hoos jiray, si arxan-darro ah ugu wareejisay Gacanta dawlad Shisheeye. Damqashadii dadnimo, dareenkii lexejeclo ee dawladi Muwadinkeeda u lahayd iyo Dastuurkii aynu dejisanay intaba inta la baal maray ayaa babacada loo saaray iyaga oo jeebaysan!!!!

Warbaahinta dalka ka soo baxda qaar ka mid ahi, bishii july 2014-kii waxay qoreen in raggii la dhiibay mid ka mid ahi xabsiga Jibouti ku dhex geeriyooday, sababtuna tahay jidh-dil axmaqnimo ah oo loo geystay darteed. Waxse aan hubaa inu weli, Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo reer Gebiley ahi ilaa maanta gacanta ugu jiro Cadawgaas sidii hadyada loogu hibeeyey!!!

Haddaba maanta waxay ahayd in kuwa inaga maqan laga wada hadlo, ee in kuwa kale la soo doontaa meesha mabay ool. Ictiraafkana inan ku bedelano maaha dad nool nool oo kolba Jibouti loo dhiibo.

Haddaba hadalkii xukuumadu dhan uun buu ahaaye dhexdhexaad muu ahayn. Waayo Xukuumadu inoomay sheegin Axmed Cismaan Hantida kaga maqan Jibouti ee awoodda dawladnimo lagaga haysto Sida looga soo qaadayo iyo cidda uga soo qaadaysa.”
XIGASHO

06/06/2018

Which system of the body affects the smoking of ci******es?

Photos from Dr Abdifatah Abdullahi Adami's post 04/27/2018

CIRID-DHIIG WAQTIGA CADAYGA
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Xiliyada aad cadeysaneyso ma isku aragtaa dhiig caashirkan kaga bogo !

Waa Maxay Cirid Xanuun (Gingivitis) ?

Waa cudur ku dhaca ciridka Calaamadaha ugu wayn ee lagu garto cudurkane wa in aad isku aragto dhiig marka aad cadaaysaneyso Waa cudur anan ku baraarugin dadka somalida ah inta oo wax kaqabasho leeyahay Hadii adan iska daweeyn oo adan la tacaalin waxa oo ku keni karaa

1: ciridka ku qodma oo ilkaha inta qarsonayd dibada usoo baxan taaso keeni karta in ilkaha dareen kooda siyado oo waxii kulul iyo waxii qaboow eey ku dhiban

2: ilkuhu in eey ku liqliqdan oo eey ugu dambeeyn dibada iskaga soo baxan

3: afka in oo ku uro oo neeftadu is badasho

Maxaa keena cudurkan

Waxa keni karo cudurkan bacteria ku dhex jirta huurada ku dhax sameeysanta ilkaha hadii aan la nadiifin mudo 24-28 saadacod ah

Waxaa kaloo keni kara hormonal changes ama is bad badalka hormonada sida qaangarka ama marka eey gabadhu uurka qaado ama marka eey xaamilada tahay gabadha

Maxaa looga hortagi karaa

Inaad ku dadaasho nadafada afka ugu yaraan aad cadayato ugu yaraan malintii 2bo jeer

Meel walba oo aad joogto waa in aad sameey sato dhaqtar ilkood
Waana inaad 6bilood kasta u tagtaa oo aad soo boqato dhaqtarka ilkaha si uu ula socda xaalada caafimaat ee afkaaga

Sidee loo daweeyni karaa

Scalling {dhaqida ama nadiifinta afka }
Chlorohexidinin mouth wash waa dawo lagu luqluqda maalintii laba jeer inta aadan cadayan kahor kuhay dawada afka 30 ilbiriqsi gadibna tuf adiga oo aan liqin.

dheh page-kan si aad ula socotid xogo muhiim ah.

MAHADSANIDIIN

04/26/2018

hadi aad qishka(cheat) barato sedex shayba
waad waayi doontaa.
1..kalsooni: waad waayi naftada kuma kalsonaan doonto cilmigaaga.
2...cilmina waad waayi sababto ah waxad jeceshahy inay dadku kagag shaqeeyan oo ma akhiriyey duruustaada.
3...aragtina waad waayi oo waxad ku socon doonta aragtida dadka kale ay nolosha ka leeyihin sababto ah waxad qishaysa aragtida dadka kale

-jooji_qof_qishay_ma_noole_tijaabi_kalsoonidada_inaad_garan_waydo_ceeb_maha_balse_inaad_qishta_ceebaa

04/25/2018

On the authority of Shaddad ibn Aws, may Allah be pleased with him, the Prophet, Sallallahu Alayhi Wa Aalihi Wa Sallam, said, “The chief of prayers for forgiveness is:

Allahumma anta rabbee la ilaha illa anta, khalaqtanee wa-ana ‘abduka, wa-ana ‘alaa ‘ahdika wawa’dika mas-tata’tu, a’oothu bika min sharri ma sana’tu, aboo-o laka bini’matika ‘alaya, wa-aboo-o bizambee, faghfir lee zunoobi fa-innahu la yaghfiruz-zunooba illa ant.

‘O Allah, You are my Lord, none has the right to be worshiped except You, You created me and I am Your servant and I abide to Your covenant and promise [to honor it] as best I can, I take refuge in You from the evil of which I committed. I acknowledge Your favor upon me and I acknowledge my sin, so forgive me, for verily none can forgive sins except You.’

The Prophet, Sallallahu Alayhi Wa Aalihi Wa Sallam, added, “If somebody recites it during the day with firm faith in it and dies on the same day before the evening, he will be from the people of Paradise and if somebody recites it at night with firm faith in it and dies before the morning he will be from the people of Paradise.”

04/25/2018

Al-Fatihah 1:1

💝بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

💖In the Name of Allah, the Most Beneficent, the Most Merciful.

Al-Fatihah 1:2

💝ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

💖All the praises and thanks be to Allah, the Lord of the 'Alamin (mankind, jinns and all that exists).

Al-Fatihah 1:3

💝ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

💖The Most Beneficent, the Most Merciful.

Al-Fatihah 1:4

💝مَٰلِكِ يَوْمِ ٱلدِّينِ

💖The Only Owner (and the Only Ruling Judge) of the Day of Recompense (i.e. the Day of Resurrection)

Al-Fatihah 1:5

💝إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ

💖You (Alone) we worship, and you (Alone) we ask for help (for each and everything).

Al-Fatihah 1:6

💝ٱهْدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلْمُسْتَقِيمَ

💖Guide us to the Straight Way

Al-Fatihah 1:7

💝صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ ٱلْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ

💖The Way of those on whom You have bestowed Your Grace, not (the way) of those who earned Your Anger, nor of those who went astray.

Want your practice to be the top-listed Clinic in Seattle?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Category

Website

Address


7903 Martin Luther King Jr Way S
Seattle, WA
Other Doctors in Seattle (show all)
Bastyr Center for Natural Health Bastyr Center for Natural Health
3670 Stone Way N
Seattle, 98103

Bastyr Center for Natural Health in Seattle is the largest natural health clinic in the Northwest. We are the teaching clinic of world-renowned Bastyr University and offer a wide r...

Seattle Chiropractic & Wellness Group Seattle Chiropractic & Wellness Group
3611 Woodland Park Avenue N
Seattle, 98103

Located in Fremont, Seattle Wellness Group provides chiropractic and acupuncture.

IBS Treatment Center IBS Treatment Center
6100 219th Street SW Suite 480, Mountlake Terrace
Seattle, 98125

The IBS Treatment Center is the only clinic of it's kind. Founded in 2005 by a doctor who cured his

Thomas McKenny DDS & Associates Thomas McKenny DDS & Associates
509 Olive Way, Ste 1640
Seattle, 98101

At Thomas F. McKenny, DDS, our priority is to deliver quality care to informed patients in a comfort

The Polyclinic The Polyclinic
904 7th Avenue
Seattle, 98104

Welcoming new patients! We're one of the largest multi-specialty clinics in the Puget Sound area, with more than 200 primary care and specialty physicians.

Aixa Santos, D.C Aixa Santos, D.C
1420 E Madison Street, Ste 1 Seattle, WA 98122
Seattle, 98122

Dr. Santos came to Health First to make a difference in the world, changing people lives, restoring and maintaining optimal health, and offering hope by removing the interference c...

USA Vein Clinics USA Vein Clinics
10564 5th Avenue NE, Ste 102
Seattle, 98125

Varicose veins and other symptoms of venous insufficiency can cause chronic pain, but you don't have to face those medical concerns alone.

Winston J. Warme, M.D. Winston J. Warme, M.D.
UW Medicine Sports, Shoulder, & Elbow Surgery 4245 Roosevelt Way NE
Seattle, 98105

Dr. Warme is a professor at the University of Washington who specializes in shoulder and elbow surgery, as well as sports medicine. An avid rock climber he developed the SPOrt to t...

Advanced Integrative Medical Science Institute Advanced Integrative Medical Science Institute
2825 Eastlake Avenue E, #115
Seattle, 98102

FAA Pilot Medical Exams Seattle WA FAA Pilot Medical Exams Seattle WA
8684 Island Drive South
Seattle, 98118

Providing aviation medical exams and EKGs of Class 1, 2 and 3 certifications at affordable prices.

Dr. von Preyss Dr. von Preyss
Seattle

Make aging a better experience.

Joseph Shvidler MD Joseph Shvidler MD
1101 Madison Street Suite 1280
Seattle, 98104

Board Certified Facial Plastic Surgeon specializing in all aspects of facial plastic surgery