Dr Ismail Speciality Hospital

Ku soo dhawoow isbitaalkaaga takhasuska lafaha ee Dr. Ismail.

Waxaad naga helaysaa daryeelka ugu fiican ee dhaawacyada lafaha, cudurada kala-goysyada, iyo qalliinada qurxinta, si aad ugu noolaato nolol farxad leh, hawl maalmeedkaagana u gudato

19/09/2023

100%

Qalliinka Qurxinta -ta iyo Dalqada Furan Oo 100% Bilaash Ah - Waxa Kaa Caawinaya dhakhaatiirta Qurxinta ee Dr Ismail Speciality Hospital Iyo Hay'adda oo Is Kaashanaya

Ballanta Ka Qabso Taleefanka 063-7077773

17/09/2023

Olecranon Bursitis waa xaalad caafimaad oo suxulka ku dhacda. Wax ka baro waxyaabaha sababa, calaamadaha lagu garto, iyo habka loo daweeyo.

16/09/2023

Trochanteric Bursitis waa xanuun ku dhaca misigta, waxa uu ku keena qofka xanuun saayid ah iyo qofka oo kari waaya socod iyo fadhi sax ah. hadaba wax ka baro xanuunkan, calaamadihiisa, iyo sida loo daweeyo.

15/09/2023

Jumca Mubarak dhamaan muslimiinta meel kasta oo aad nagala socotaan.

09/09/2023

Elbow Tendonitis waa xaalad ku dhacda laabatada suxulka. Hadaba maxay tahay? Maxaa lagu gartaa? sideese lagu daweeyaa? ka bogo jawaabaha suaalahaa iyo kuwo ka badanba sawirka hoos ku xusan.

08/09/2023

Jimce mubarak dhamaan muslimiinta.

02/09/2023

Khadra laba sano ka hor ayuu dhaawac kasoo gaadhay bawdada, dhaawacaas oo isa soo tarayay wuxuu keenay in ay labadii bilood ee u dambeeyay socon kari waydo xanuun dartii oo ay noqoto sariir yaal

Iyadoo la sido labada lugoodna ay isku xidhanyihiin ayaa la keenay Dr Ismail Speciality Hospital, halkaas oo lagu ogaaday in bawdadu jabantahay oo ay is dhaaftay (stress fracture), waxana loo fuliyay qalliin. Khadra maanta waxay dib ugu laabatay socodkii iyo nolol maalmeedkeedii

Dhakhaatiirta Qaybta Jajabka iyo Burburka (Emergency & Trauma) waxay u heellanyihiin in ay 24 Saacadood kuu fuliyaan Gargaar degdeg ah. Wixii Emergency ah naga soo wac taleefanka 0637077797 ama 564411

Ballamaha caadiga ah waxaad ka qabsataa taleefanka 63 7077773 ama booqo www.drismailhospital.com oo ku gooso tigidhka si ONLINE ah adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

01/09/2023

Jumca Mubarak dhamaantiin.

29/08/2023

Waa Geesiyaal yaryar oo go'aansaday in loo soo celiyo Kalsoonidii, Quruxdii, Xanuunkana laga tirtiro, si ay ula jaan qaadaan oo aanay uga hadhin carruurta aynigooda ah ...

Qalloocyada Caruurta Korniinku u socdo waxa inta badan keeni kara dhaawacyada, caabuqa lafaha, korniinka oo xumaada, iyo mararka qaar in ay ku soo dhashaan ... Inta badan Qalloocyadu way saxmaan inta uu ilmuhu korayo, mararka qaarna waxa lagu saxaa kabniin ama qalliin

Waaxda toosinta Qalloocyada Lafaha (Deformity Unit) ee Cisbitalka Dr Ismail Speciality Hospital waxa ku diyaar ah dhakhaatiir lafaha oo takhasus dheeraad ah u haysta lafaha carruurta iyo qalloocyada (Subspecialist)

Si loo eego in qalloocani yahay mid dabiici ah oo la rajaynayo in uu saxmo inta ilmuhu korayo, ama in uu yahay mid noloshiisa dambe saameyn ku yeelan kara oo u baahan wax ka qabasho, la kulan oo ilmaha soo tus dhakhaatiirta adiga oo ballanta ka qabsanaya taleefanka 063 7077773, ama hab ONLINE ah adiga oo booqanayaa mareegta www.drismailhospital.com

27/08/2023

Cabdiraxmaan waxa uu ku dhaawacmay shil gaadhi, waxana uu ka jabay labada lugood, daanka (mandible), iyo feedhaha.

waxa la keenay Dr Ismail Speciality Hospital isaga oo xaalad khatar ah ku sugan, waxaa loo fuliyay gaargaar degdeg ah, kadibna waxa loo sameeyey qalliino badan oo lugta iyo daanka ah.

Cabdiraxmaan maanta waxa uu ku soconayaa labadiisa lugood, waxana uu awood u leeyahay in uu shaqaysto, noloshiisana si madax bannaan u maamusho.

Dhakhaatiirta Qaybta Jajabka iyo Burburka (Emergency & Trauma) waxay u heellanyihiin in ay 24 Saacadood kuu fuliyaan Gargaar degdeg ah. Wixii Emergency ah naga soo wac taleefanka 0637077797 ama 564411

Ballamaha caadiga ah waxaad ka qabsataa taleefanka 63 7077773 ama booqo www.drismailhospital.com oo ku gooso tigidhka si ONLINE ah adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

26/08/2023

Dillaaca siddeyaasha garabku waa dhaawac halis ah oo ku badan bulshadeena, Hadaba muxuu yahay? Maxaa lagu gartaa? Sideese loo daweeyaa?

25/08/2023

Jumce Wanaagsan. Alla haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan.

24/08/2023

Dhakhaatiirta Qaybta Jajabka iyo Burburka (Emergency & Trauma) waxay u heellanyihiin in ay 24 Saacadood kuu fuliyaan Gargaar Degdeg ah iyo Daweynta Jajabka Lafaha.

Wixii Emergency ah naga soo wac taleefanka gaaban ee 3010.

23/08/2023

Waa maxay xanuunka Osteoprosis ee burburiya lafaha? Maxaa lagu gartaa? sideese loo daweeyaa? ka bogo jawaabaha suaalahaa iyo ka badanba sawirka hoos ku lifaaqan.

21/08/2023

Qalliinka Qurxinta Faruurta iyo Dalqada Furan Oo 100% Bilaash Ah - Waxa Kaa Caawinaya dhakhaatiirta Qurxinta ee Dr Ismail Speciality Hospital Iyo Hay'adda SmileTrain oo Is Kaashanaya

Ballanta Ka Qabso Taleefanka 063-7077773

Dr Ismail Speciality Hospital Cisbitalka Lafaha, Kalagoysyada & Qurxinta ee Dr Ismail Hospital, Hargeysa. Live Better - Move Better

20/08/2023

Wax ka baro xanuunka Roomatiisanka (Rheumatoid Arthritis), calaamadihiisa, iyo hab dawayntiisa.

18/08/2023

Jumca Mubaraka.

17/08/2023

Nuradin waxa uu dhaawac kusoo gaadhay ciyaar, waxa uu dhaawacaasi wuxuu ka horjoogsaday inuu wax barto, ama ciyaaraha uu ka qayb galo.

Waxa uu yimid Dr Ismail Speciality Hospital isagoo dhul yaal ah, waxana loo fuliyay qalliin.

Nuradin maanta wuxuu awood u leeyahay inuu waxbarto, noloshiisiina si madax bannaan u maamusho si caafimaad ku dheehanyahay.

Dhakhaatiirta Qaybta Jajabka iyo Burburka (Emergency & Trauma) waxay u heellanyihiin in ay 24 Saacadood kuu fuliyaan Gargaar degdeg ah. Wixii Emergency ah naga soo wac taleefanka 0637077797 ama 564411

Ballamaha caadiga ah waxaad ka qabsataa taleefanka 63 7077773 ama booqo www.drismailhospital.com oo ku gooso tigidhka si ONLINE ah adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

16/08/2023

Congratulations to Nimco Mohamed and Ahmed Muhumed Abdilahi for winning the nursing positions posted from July 27th to August 1st 2023! Your dedication and skills have earned you this achievement, and we are excited to have you join our team.

15/08/2023

Waa maxay tigtiganka jiqilku? Maxaa sababa? sidee loo daweeyaa? ka hel jawaaba suaalaha iyo ka badanba sawirka hoos ku lifaaqan.

14/08/2023

Kala baxa garabku waxa uu ka yimaadaa qofka oo dhaca, shil gala amaba dhaawacyada ciyaaraha, Hadaba wax ka baro, noocyadiisa, calaamadaha lagu garto, iyo habka loo daweeyo?

13/08/2023

Waa maxay xanuunka Perthe's disease ee caruurta ku dhaca? Maxaa lagu gartaa? Sidee loo daweeye? Ka bogo jawaabaha suaalahaas iyo ka badanba sawirka hoose.

12/08/2023

Waa maxay cudurka Gout ee ku dhaca laabatooyinka? Maxay yihiin calaamadaha lagu garto? iyo sida loo daweeyo? Ka bogo jawaabaha suaalahaa iyo ka badanba sawirka hoose.

11/08/2023

Jumca Mubarak Dhamaantiin.

10/08/2023

Farax waxa ay magaalada BURCO ku gashay shil gaadhi oo aad u culus, waxaana ay ka jabtay misigta (pelvic, acetabular and sacral fractures) iyo cududda (humerus fracture)

Iyada oo dhibaataysan ayaa la keenay Dr Ismail Speciality Hospital, kolkii xaaladdeedii caafimaad iyo dhiig bixii la soo kaabay, waxa dhawr qaliin oo kala duwan loogu sameeyay gacantii iyo burburkii misigta ah

Alxamdulillaah, maanta waxa ay si madax bannaan u maamulataa nolosheeda iyo hawl maalmeedkeeda, iyadoo Ilaahay siiyay caafimaad dhammaystiran

Dhakhaatiirta Qaybta Jajabka iyo Burburka (Emergency & Trauma) waxay u heellanyihiin in ay 24 Saacadood kuu fuliyaan Gargaar degdeg ah. Wixii Emergency ah naga soo wac taleefanka 0637077797 ama 564411

Ballamaha caadiga ah waxaad ka qabsataa taleefanka 63 7077773 ama booqo www.drismailhospital.com oo ku gooso tigidhka si ONLINE ah adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

09/08/2023

Salma waxa ay ku dhalatay xaalad ku keentay in lugeheedu qalloocsamaan, kuna keenay dhibaatooyin caafimaad iyo socodkeedii oo is beddelay.

Waxaa loogu fuliyay Dr Ismail Speciality Hospital Qalliin loogu toosiyay lugaha. looguna suurto galiyay inay socodkeedii caadiga ahaa soo ceshato nolosheedii iyo waxbarashadeediina si fudud ugu noqoto.

Hadii uu ilmahaaga la dhibaataysan yahay qallooc lafaha ah, La kulan dhakhaatiirta qaybta Toosinta Qalloocyada Lafaha, adoo ballanta ka qabsanaya taleefanka 63 7077773 ama booqo www.drismailhospital.com si aad tigidhka ONLINE uga goosato Adoo Gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

08/08/2023

Xanuunka carjawda jilibka burburiya ee Osteoarthritis waa xanuun aad ugu badan bulshada. Hadaba Wax ka baro xanuunkaas, calaamadihiisa iyo habka loo daweeyo.

07/08/2023

Waa maxay xanuunka Rickets? Maxay yihiin calaamadaha lagu garto? Iyo sida loo daweeyo?

.

06/08/2023

Waa maxay xanuunka loo yaqaan Sciatica ee ku dhaca neerfaha lugta ee Sciatic Nerve? Maxaa Lagu gartaa? Sideese loo daweeya?

05/08/2023

Sahal waxa uu ka cabanayey dhabar xanuun uu muddo la taag darnaa, una diiday socodkii iyo qabsashada nolol maalmeedkiisiiba.

Waxa Dr Ismail Speciality Hospital loo sameeyey jimicsi lagu furfuray murqaha iyo seedaha dhabarka waxaana uu muddo kooban kusoo ceshtay caafimaadkiisii.

Hadii aad Dareemayso dhabar xanuun, la kulan dhakhaatiirta Qaybta Jimicsiga adoo ballanta ka qabsanaya taleefanka 63 7077773 ama Booqo www.drismailhospital.com Si aad Tigidhka online ah u goosato adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga.

04/08/2023

Jumca Mubarak.

02/08/2023

Wax ka baro xanuunka carjawda misigta burburiya ee Hip Osteoathrtiris, calaamadahiisa, sida loo baadho iyo habka loo daweeyo.

01/08/2023

dillaaca seedda jilibka waxa uu ku yimaadaa qaabab badan. Hadaba wax ka baro dhaawacaa, calaamadihiisa iyo qaabka loo daweeyo.

30/07/2023

Xanuunka Misigtu Wuxuu Hoos u Dhigaa Tayyada Nolosha Qofka iyo Qabsashada Hawl Maalmeedka Caadiga Ah

Cisbitalka Takhasuska ee Dr Ismail Wuxuu U Heellanyahay In Uu Wanaajiyo Tayyada Noloshaada, Kaana Tirtiro Xanuunka Si Aad U Qabsato Hawl Maalmeedkaaga Sida Socodka iyo Dhaq Dhaqaaqa

Hadii aad Dareemayso Xanuun Misigta ah, La Kulan Dhakhaatiirta Qaybta iyo Adoo Ballanta ka Qabsanaya Taleefanka 63 7077773 ama Booqo www.drismailhospital.com Si aad Tigidhka ONLINE uga Goosato Adoo Gurigaaga Jooga

27/07/2023

Jumca Mubaraka Dhammaan Muslimiinta. Alle hayna haleeshiiyo maalinta barakaysan ee caashuura hana inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.

26/07/2023

Maxamuud waxa uu misigta kaga dhaawacmay shil gaadhi, Qalliinkii koowaad oo xumaaday wuxuu keenay in carjawda Misigta dhareerki ka dhamaado oo ay is listo

Waxa ku adkaaday shaqooyinkii aasaasiga ahaa sida socodkii, hurdadii, iyo inuu guud ahaanba nolol maalmeedkiisii qabsado.

Cisbitalka Takhasuska Lafaha ee Dr Ismail Speciality Hospital Hargeysa, ayaa loogu fuliyay qalliinka beddelista Misigta (Total Hip Replacement)

Qalliinkaasi wuxuu u suurto galiyay Maxamuud inuu dib ugu soo laabto socodkii oo bilaa damqasho ah, si fududna uu u qabsado shaqooyinkiisii iyo hawl maalmeedkii caadiga ahaa

Hadafka koowaad ee Dhakhaatiirta Beddelista Misigta iyo Jilibka ee ka hawl gala Dr Ismail Speciality Hospital waa in ay kuu soo celiyaan socodkii iyo dhaq dhaqaaqii oo bilaa turxaan ah - Ilaahay Idamkii

Si aad ula kulanto dhakhaatiirta Nagala soo xidhiidh oo ballan ka qabso taleefanka 63 7077773

24/07/2023

WE ARE HIRING.

Position: nurse
Location: Hargeisa
Starting date: 01/08/2023

Skills and qualifications

Bachelor degree of nurse with a minimum of two years progressive post qualification clinical experience in general nursing
Currently registered and licensed to practice nursing.
English and Arabic proficiency.

Specific responsibilities and tasks

1) Work with doctors to perform treatments on patients with musculoskeletal conditions.
2) Monitor the patient’s health and general body condition and report changes and improvements to the doctor.
3) Take pain prescriptions from the doctors and administer same to the patients.
4) Prepare a pain management schedule for patients based on doctor’s prescriptions to prevent patients suffering from pain.
5) Monitor and quickly attend to any signs of negative reactions to drugs and allergies.
6) Educate patients on steps to take to manage pain and how to avoid post-surgical infections.
7) Manage patient’s hygiene by assisting with bed pan changes, body cleaning and diaper changes in some cases.
8) Help injured athletes manage and treat pain and get better after injury. Sometimes, orthopedic nurses may also assist with training of athletes that are just recovering from an injury.
9) Assist orthopedic doctors in performing their duties.
10) Perform wound dressing on patients with infections.
11) Monitor vital signs of patients.
12) Help form support groups for patients.
13) Help patients improve mobility and functionality by helping them to redesign their personal spaces and recommending gadgets and furniture that help to support the bone structure and promote healing.
14) Translating doctors into English to Somali or Arabic to Somali.

How to apply
Interested applicants should send their applications with a CV and scanned copies of your academic and professional certificates indicating telephone numbers and three referees to: this email [email protected]

Closing date is 1st August, 2023.

21/07/2023

Jumca Kariim.

16/07/2023

Dhabar xanuunku waxa uu ka midyahay xanuunada ugu badan ee ay la dhibaataysan yihiin bulshadeenu, Hadaba waa maxay calaamadaha lagu garto? Sideese loo maarayn karaa?

Want your practice to be the top-listed Clinic in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

WHO WE ARE

Iyada oo aanu ka jawaabayno baahiyaha baahsan ee dhanka xannuunnada iyo qalliinnada lafaha, waxa aanu muddo ka badan 35 sanno ahayn isbitaalka ugu weyn ee Soomaalilaan iyo Soomaalida kaleba u qaabilsan arrimaha baadhista, dawaynta iyo maaraynta dhaawacyada lafaha ee dadyawgii ku waxyeelloobay kuna dhaawacmay dagaalladii sokeeye. Waxa aanu adeegga ka bixin jirnay isbitaallo kala duwan sida ‘Al-Kawsar’ iyo ‘Gargaar’. Sannadkii tagayna waxa aanu soo kordhinnay isbitaal cusub oo shaqayn doona 24/7 oo gaar u ah dhanka lafaha, kaas oo loogu magac daray aasaasaha “Dr. Ismaaciil”. Iyada oo laga faa’idaysanayo khibraddiisa ka badan 35-ka sanno iyo qalabka farsamada cusub ee casriga ah, ‘Isbitaalka takhasuska ah ee Dr. Ismaaciil’ waxa ay ujeeddadiisu tahay in uu bixiyo adeegga lafaha ee tayadiisu ugu sarrayso iyo daryeelka ugu fiican ee la bixin karo si loo yareeyo baahiyaha caafimaad ee dadku dibadda u aadaan.

Hiigsiga Iyo Hiraalka

“In uu hoggaan u noqdo adeegga caafimaad ee dhaawacyada lafaha oo tayadiisu sarrayso qiimuhuna macquul yahay, oo ku jaan go’an daryeelka iyo ‘danta bukaanka’, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyadii u danbaysay, lana hirgelinayo qawaaniinta cilmiga ku salaysan”.

Qiyamka:

Videos (show all)

➡️ Hassan 16 sano Ayuu Socodku Dhibayay Xannuun  Miskaha Ka Haleelay Dartii➡️ Waxa Naloo Keenay Isagooo Gaadhi Curyaan L...
Waaxda Qaliimada Dhibaatooyinka Soo Gaadha Xubnaha Jidhka & Maqaarka, Dhibaatooyinkaas Oo Qofku Kusoo Dhalan Karo Ama Ay...
Xaflada Daahfurka Qaliimada Dhawacyada Seedaha Ee ka dhasha ciyaaraha (Sports Medicine & Arthoscopic Surgery) Iyo waliba...
Qaliin Lagu Samaynayo Seedda jilibka ee ACL-ka
Qaliinka Bedelista Jilibka ama Misigta Carjawdu Ka Dhamaatay ee Is-lisaaya
Qaliin Misigta Lagaga Bedelay & Qaliin Dhabarka ah ayaa Loo Sameeyay
Goorma ayaa jilibka la bedeli karaa? Qaliinka Beddelista Jilbaha & Miskaha.
Total Knee and Hip Replacement Campaign

Category

Telephone

Address


Https://goo. Gl/maps/YcN4V9tYqUS8P4DV 7
Hargeisa
Other Hospitals in Hargeisa (show all)
Hargeysa TB Hospital Hargeysa TB Hospital
Hargeisa, 2522

Hargeysa TB Hospital is the biggest Governmental TB Hospital in Somaliland for the Treatment of TB

Talo dhakhtar indhood Talo dhakhtar indhood
Togdheer Street
Hargeisa

Eye Doctor in Hargiesa

Shaafi Hospital مستشفى شافي Shaafi Hospital مستشفى شافي
Hargeisa Airport Road
Hargeisa, 252

shaafi Hospital waxaad ka helaysaan Adeeg caafimaad Oo dhamaystiran Waqti waliba 24/7.

Raywan Mental and Neurology Hospital Raywan Mental and Neurology Hospital
Hargeisa, 252634734701

WELCOM TO RAYAN MENTAL AND NEUROLOGY HOSPITAL Mental health is an integral and essential component

MACRUUF HOSPITAL MACRUUF HOSPITAL
Hargeisa, 252

Decide on suitable psychiatric treatment plans for patients, which often include a mix of psychological, medical and social interventions in conjunction with other health professio...

İSÜ Hospital Medicalpark GOP -Somaliland İSÜ Hospital Medicalpark GOP -Somaliland
Omer Hashi Building, Near Deero Mall, 6th Floor, Suite 604
Hargeisa

Medical Park Gaziosmanpasa Hospital Xaruntiisa Somaliland waxay kutaalaa Hargeisa waxayna kuu fudaydinaysaa daboolida dhamaan baahiyaha caafimad ee dibada loo aado, adeeg jaban cid...

Gargaar Medical Center 2 Gargaar Medical Center 2
Hargeisa
Hargeisa, HR

Gargaar Medical Center two (GMC2), is a community based hospital founded in September 2020.GMC2 bring

Hooyo Dhawr Hospital Hooyo Dhawr Hospital
150 Street
Hargeisa

Hooyo Dhawr Hospital is a place where you can find a quality services and stand by staff 24/7

Toosiye physiotherapy and clinic Toosiye physiotherapy and clinic
Gooladda Hoose Jigjiga Yar , Dabaa Imaray, Kasoo Horjeedka Fooqa Qaalib/Danjire �0634047753 �0633602193
Hargeisa

Xarunta faaliga, dhabar xanuunka iyo seedaha xidhma

Kaah Community Hospital Kaah Community Hospital
MAKA AL MUKARAMA Street
Hargeisa

Welcome to Kaah Hospital you will find excellent health services for staff who are trained to serve