Mascuud gurxan

Ku dadaal wixi ku aanfaca ilahayna Talo saaro

08/07/2024

Wali halkan oo kale maku Dalxiistay

Photos from Mascuud gurxan's post 08/07/2024

"Xaaskeyga waxaan guursaday 2016kii iyadoo ka shaqeyneysa Wasaaradda Maaliyadda. Waxay ii sheegtay in ay Dowladda u shaqo billaawday iyadoo jaamacad dhiganeysa, sidaas darteedna lagu diiwaangeliyay shahaado Dugsi Sare ah(Grade B)oo ay mushaar ahaan u qaadato $430 oo aysan joogto u helin.

Mushaarkeeda waxay ku biili jirtay ehelkeeda, wax kasta oo ay rabto ama guriga looga baahdo aniga ayaa iibin jiray xitaa haddii uu xafaayad yahay.

Markii uu noo dhashay cunuggii labaad ayay iga dalbatay in aan gaari u iibiyo. Markaas shiid ayaan ahaa, waxaana ka codsaday in ay i sugto. Way iga diidday, Waxayna igu tiri "Aniga ayaa hadda lacag hayo, ee keen wixii aad hadda heli karto, wixii aan ku darana ii soo celi markii aad lacag hesho"

Iyada ayaan lacag ka deynsaday si aan iyada gaari ugu iibiyo! Saddex bilood k**a nasan oo subax kasta waxay i waydiinaysay in aan u gudo lacagtii gaariga. Ugu dambeynna deyntii waan siiyay.

Habeen ayaan Laptop-keyga shiday, waxaana arkay emailkeeda oo furan. Waxaa ishayda ku dhacay email uu ciwaankiisu ahaa "Mushaarkii Jannaayo" waan furay, waxaana halkaas ka ogaaday in ay Wasaaradda Maaliyadda ka tahay lataliye dhanka dhaqaalaha ah oo mushaarkeedu yahay $6,500 oo uu bixiyo World Bank, waxayna ii sheegi jirtay in ay qaadato $430!

Habeenkaas ma seexan. Waan xanaaqay, haddana waan is dajiyay. Lacagta ay qaadato k**a walwalin, ee waxaan iswaydiiyay halka ay ku bixiso $6,500 iyo sababta ay iiga qarisay.

In aan moobeelkeeda baaro ayaan ku fikiray. Waan ogahay oo sidaasi sax ma aheyn, balse waxay ahayd sida kaliya ee aan xog ku heli karay. Moobeelkeeda ayaan furay, Whatsappka ayaan galay, waxaan fiiriyay farriimaha dhexmaray iyada iyo saaxiibteed, Fartuun. Waxba k**a helin.

Waxaan furay farriimaha ay is dhaafsadeen aabbaheed Cali, halkaas ayaana ka ogaaday in ay dhul ka gadatay xaafadda Oodweyne, haddana uu ka socdo dhismo uu aabbaheed masuul ka yahay. Waxaan arkay sawirrada marxaladaha dhismaha gurigu soo maray oo uu u soo diray. Waxaana aqriyay farriin uu aabbaheed ku dhahayo "Sacdiya, Aabbe ku mahadsanid sida aad u caawisay aboowe Axmed. Baagamuuddo ayuu ahaan lahaa adiga la'aantaa."

Qoraalladii ay walaalkeed isu direen ayaan eegay. Waxayba dhowaan u iibisay gaari Premio ah oo uu Rikaab ahaan ugu shaqeysto.

Si hagar la'aanta ah ayaan u caawin jiray xaaskeyga. Guriga aan gadannay iyada magaceeda ayaan ku qoray, gaariga ay wadatana aniga ayaa ugu iibiyay deyn aan iyada ka qaaday, waayo waxaan aaminsanaa in aysan waxba noo kala soocneyn, oo waxeygu ay waxeeda yihiin.

Subixii waxay dareentay in ay wax qaldan yihiin. Waxay i waydiisay: maxaa kugu dhacay? Waxaan ku iri: waan kugu sirmay ee barasho wanaagsan, Sacdiyo. Waxay tiri: oo maxaan sameeyay? Waxaana ugu jawaabay: waxaad gadatay dhul, waad dhistay, waana iga qarisay.

Waa yaabtay. Waxay igu tiri: yaa kuu sheegay? waxaana ugu jawaabay: Aabbahaa ayaa ii warramay. Afka ayay gacanta saartay, wayna iga tagtay. Wax yar ka dib waxay ii keentay taleefankeeda oo sameecaddu u furan tahay, waxaa qadka ku jiro aabbaheed. Isagoo xanaaqsan ayuu igu yiri: adeer xaad ii nabee ma aniga ayaa kugu iri gabadheyda ayaa guri dhisaneysa? Halkee kugu iri? Goorma ayaanse ku iri? Waxaan ugu jawaabay: adeer been miyaa in gabadhaadu guri ka dhisaneyso Oodweyne, oo adigu masuul ka tahay? Wuxuu igu dhahay: yaa kuu sheegay? Waxaana ku iri: xalay ayaan farriimihiinna aqriyay. Ee adeerow nin ayaad tahay ee ma jeclaan laheyd in xaaskaadu ay sidaas ku yeesho?

Odaygii waa is ceebsaday, wuuna i raalligeliyay. Gabadhii afka ayaa juuqda gebay. Markii uu taleefanka ka baxay ayaan u sheegay in aan wax kasta ogahay, guriga ilaa gaariga ay walaalkeed u iibisay. Waxaana ku iri: xaasidsanidaa! Adiga ayaa iga mushaar badan oo waa ogtahay in aan qaato $850. Wax kaleba iska dhaafe xafaayadda xitaa aniga ayaad i soo waydiin jirtay. Gaari ayaana kuugu gaday deyn aan adiga kaa qaaday! Barasho wanaagsan.

Kalsoonidii way luntay. Jaceylkiina wuu burburay. Saddex maalin ka dib waxaa raalligelin iigu yimid hooyadeed, aabbaheed iyo walaalkeed, waana ka aqbalay. Jannaayo ayay sidaas dhacday, balse Feberaayo iyo Maarso kun shilin ima soo waydiin. Sidaasna kuma soo ka soo celin karto kalsoonidii luntay.

Maalin h**e waxay igu tiri: haddii aad ku qanceysid, dhulka magacaada ayaan ku qorayaa. Waxaan ugu jawaabay: maya. Waa hantidaada. Balse waan xarraashayaa dhulkii aan noo iibiyay ee aan magacaada ku qoray iyo gaarigii aan kuugu iibiyay lacagta aan adiga kaa deynsaday. Waxayna iigu jawaabtay: dhulka iibi, balse aniga ayaa kuu celinaya lacagtii gaariga. Waxay i waydiisay in aan furayo, waxaana u sheegay in uusan furriin ii qorsheysneyn, balse uu afka iga saaran yahay haddii ay iga dalbato.”

Gabadhu masuul k**a aha biilka guriga, mana ku qaldana in ay qoyskeeda dhaqaaleysato, balse waa gunnimo iyo doqonnimo in ay been iyo khiyaano u quurto ninkeedii oo iyada wax kasta u huraya, aaminay in wixiisu ay waxeeda yihiin, dhulkiisa ku qoray magaceeda, gaarina ugu gaday lacag uu iyada ka deynsaday. Kalsoonida in la helo way adag tahay, in la lumiyana way sahlan tahay. Waana muraayad aan la kabi karin haddii ay jabto. Gurina kuma dhisnaan karo tuhun iyo kala-shaki ee ka taxadar wax kasta oo dhaawici kara kalsoonidiinna iyo kalgaceylkiinna.

Sheekadaan waxaa mareegta Shakarasquare ku daabacay nin u dhashay dalka Chana oo magaciisa qariyay, waxa qoray Hussein sabrie si uu waaqiceenna ugu ekeysiiyo.

08/07/2024

Goortu waa casrigii jaahiliyada, goobtuna waa magaalada barakeysan ee Makka. Abul-Caas ibnu Rabiic ayaa Nabi Muxammad ﷺ ka soo doontay gabadhiisa Zeynaba. Nabiga wuxuu Abul-Caas u sheegay in uu la soo tashanayo gabadhiisa. Zaynaba way aqbashay, sidaas ayaana loogu guuriyay Abul-Caas oo ay dhashay habaryarteed Haala Binti Khuweylid, waxayna u dhashay Cali iyo Umaama.

Abul-Caas oo safar ku maqan ayuu Alle Nabi Muxammad ‎ﷺ la soo diray dhambaalka islaamka, Zeynabana waxay ka mid noqotay dadkii rumeeyay. Markii uu safarka ka yimid ayay Zeynab u sheegtay in ay islaamtay. Abul-Caas fadhiga ayuu uga istaagay, wuxuuna ku canaantay sababta ay u qaadatay go’aan aysan isaga kala tashan.

Waxaa la gaaray xilligii hijrada. Zeynab waxay u timid Nabiga ﷺ, waxayna ku tiri: Aabbe, Makka ma kula hari karaa ninkeyga? Sidaas ayuuna Nabigu ugu idmay in ay la joogto ninkeeda iyo carruurteeda.

Sanad ka dib, Qureysh ayaa waxay diyaargaraw xooggan ugu jirtaa dagaalkii Beder, Abul-Caasna wuxuu isu diyaarinayaa in uu ka dagaallamo safka gaalada Qureysheed. Zeynab way murugootay, waayo waxaa labada saf ee dagaalka ku kala jira aabbaheed iyo ninkeeda. Waxayna ku duceysaneysaa “Allow waxaan kaa magangelayaa maalin ay carruurteydu agoontoobaan ama aan anigu waayo aabbahey.”

Dagaalkii ayaa la galay, Abul-Caasna wuxuu ka mid noqday raggii Qureysheed ee nolosha lagu soo qabtay. Qureysh oo guuldarreysatay oo Makka soo galeysa ayay Zeynab ka hortimid, waxayna ku tiri: iiga warrama aabbahey? Waxaa lagu yiri: wuu guuleystay. Sujuud ayay la dhacday. Mar kale ayay tiri: iiga warrama ninkeyga? Waxaa lagu yiri: Wuxuu ku jiraa gacanta aabbahaa. Waxaana loo sheegay in uu is furan karo qofkii dhaqaalo heli kara.

Lacag oo dhan waxay ka heysataa kuul uu nabigu ﷺ siiyay hooyadeed Khadiija, oo ay iyada sii siisay. Kuushii ayay dhiibtay si Abul-Caas loogu soo furto. Nabiga ‎ﷺ oo eegeegaya xoolihii madaxfurashada ayaa ka dhex aqoonsaday kuul xusuus weyn ku leh qalbigiisa. Waa kuushii uu isagu Khadiija siiyay! Nabigu ﷺ ayaa asxaabta ku yiri: Kuushan yaa madaxfurasho looga keenay? Waxaana lagu yiri: Abul-Caas binu Rabiic.

Nabiga ﷺ oo ilmeynaya ayaa asxaabtiisa ku yiri: Kuushan waa tii Khadiija binti Khuweylid, ee asxaabey ninkaan xidid ayaan nahay, waxaana idinka codsanayaa in aad sii deysaan, aadna ii ogolaataan in aan Zeynab kuushan u celiyo.

Asxaabtu Nabiga way ka aqbaleen. Nabiga ﷺ ayaa kuushii u dhiibay Abul-Caas, wuxuuna ku yiri: ninyohow Zeynab ku dheh kuushan ilaali oo ha kugu weynaato. Tan kale, Alle wuxuu i faray in aan kala geeyo muslim iyo gaal kaste oo is qaba, ee ma ii soo celin kartaa gabadheyda, Zeynaba?

Abul-Caas wuu aqbalay, wuxuuna ku laabtay magaalada Makka. Zeynab ayaa ka soo baxday gurigeeda, si ay banaanka magaalada ugu soo dhoweyso odaygeeda oo muddo ka xirnaa. Balse Abul-Caas ayaa ku yiri: Zeynabey aniga iyo adigu siima wada noolaan doonno, oo waxaad ku laabaneysaa guriga aabbahaa. Zaynab way yara naxday. Wuxuuna u sharxay warka soo kordhay.

Waxay ka codsatay in uu raaco, oo uu islaamo, si ay u sii wada noolaadaan, balse wuu ka diiday. Waxay gacanta qabsatay carruurteeda, waxayna u safartay magaalda Madiina oo Makka u jirto 453km.

Muddo lix sano ah oo ay kaligeed Madiina ku nooleyd waxay mar waliba soo doonanayay rag magac iyo maalba lahaa, balse way diidday, oo waxayna rajo ka qabtay in ay mar kale dib u midoobi doonto Abul-Caas oo ay u qabtay jaceyl xididdeystay.

Sanado ka dib ayuu Abul-Caas gurigeeda ku soo booqday. Waxay waydiisay: Abul-Caasow ma waxaad u timid in aad soo islaamto? Wuxuu yiri: Maya. Waxay tiri: ma kaa codsan karaa in aad soo islaamto? Wuxuuna ugu jawaabay: Maya. Rajo haka qabin.

Alle mahaddiis, ugu dambeyn Abul-Caas wuxuu soo islaamay 19 sano ka dib markii la soo saaray Nabi Muxammad ﷺ, wuxuuna dib ula midoobay xaaskiisii oo geeriyootay sanad ka dib, Abul-Caasna wuxuu murugo ka dhaxlay geerida ooradiisii, Zeynaba.

Waa aaskii Zeynaba. Abul-Caas wuxuu ku dul oynayaa qabrigii Zeynaba, Nabiguna ﷺ wuxuu illinta ka tirayaa Abul-Caas oo leh “Rasuulkii Alloow, wallaahi ma noolaan karo Zeynaba la'aanteed.” Hal sano oo uu murugo la noolaa ka dibna Abul-Caas wuu dabakacay, oo isaguna wuu geeriyooday.

Eebbe raalli haka noqdo, jannadana dib ha ugu kulmiyo.

W/Q.Hussein sabrie

08/07/2024

💯❤️💡

قصص ممتعة - YouTube 31/05/2024

ku so biir youtube channel oo subscribe dheh oo ka faiidayso waxyabo badan oo faaiido leh

قصص ممتعة - YouTube مرحبًا بكم في قناة قصص ممتعة روائع القصص والحكايات على اليوتيوب ، حيث نقدم لكم عالمًا مليئًا بالقصص الملهمة والمثيرة للدهشة ، قصصًا مشوقة من التاريخ والثقا...

26/05/2024

Nin rag ah iga dhe. Isma dhibin si yar oo fudud ayuu u xaliyay dab xaafada wada qabsan lahaa.
Dhinaca kale khatar ayuu gali gaadhay.
Nin sigtay ma nabad galin.

24/05/2024

Hadaad Rabto guul sacaado Liibaan markuu waaga kuu baryo illaa qoraxda ka dhacdo mugdiga habeenkana soogalo yeysan dhicin inaadan kala Furin musxafka quraanka kariimka, kalaamka Rabbi.

23/05/2024

Gabadha waxay ku fiicantahay in yaraan lagu guursado, ma fiicna haddii 25 sano kor u dhaafto, waa xanuun socda gabadhaas iska ilaali laguma sheegi karo Gabar”
“Aniga Noloshaydii la ima odhan waan ku jecelahay, kaliya waan kaa helay ayaa la i oran jiray, kalmada waan kaa helayna hanti badan ayaa ku sameyay, lacag badana waan ku helay" .. Maryan Axmadey oo caan ka ah baraha bulshada

23/05/2024

Ilahay ma jeclaa dulmiga bal askariga eeg

Photos from Mascuud gurxan's post 23/05/2024

Qaza iyo Hargeisa oo Mataanoobay.

Barnaamij ay caan ku ahayd Magaalada Qaza ayaa markii u horaysay maanta lagu qabtay Magaalada Hargeisa.

200 oo dhallinyaro ah kuwaas oo yaqaana Qur’aanka oo kala ah 100 wiil iyo 100 gabdhood ayaa dhamayn doona Qur'aanka Kariimka ah, inta u dhaxaysa Salaadda Subax iyo Salaadda Maqrib iyadoo ay ka dhagaysanayaan 200 Macallin.

Guud ahaan Magaalooyinka Soomaalida waa Markii u horraysay ee lagu qabto Barnaamij noocan oo kale ah.

23/05/2024

Hargeisa oo maanta 30 jis ee quraan lagu dhamaynayo 400 boqol oo qof ayaana u fadhiya.

22/05/2024

Naftaada waxaa ka Cirib tirtaa nacayb, xaasidnimo, masayr, danaystenimo, adiga oo nacayb u muujinaya aadanaha oo dhan, sababta oo ah waxa aad ogaataa in dareen xun oo aad dadka kale u qaado uusan wax guul ah ku gaarsiinayn.
SHUMACAAGA SHIDO!

Photos from Mascuud gurxan's post 21/05/2024

Bal hooyooyinka ya ka dhaadhicnayaa surwaal imka so baxay ayuu xidhan yahay 🙈😔😂

Photos from Mascuud gurxan's post 21/05/2024

U fiirso ayadan macnaheeda

11/05/2024

CAJIIB: u fiirso Odayga wayn ee Wacdiga dhagay sanaya iyo shekha wacdiga jeedinaya, Dadka waawayn waliga ixtiraam ❤️🥰🙏

قصة التي ستغير حياتككسب الرزق 09/05/2024

qiso cajiib ah

قصة التي ستغير حياتككسب الرزق Waa Channel lagu soo gudbiyo Diinta iyo Dacwada ahna Channelka Tawba Media oo ku yaalo Hargeisa Fadhlan hadii aad ku cusubtahay Channelka ka mid noqo walaala...

06/05/2024

Eebbow jidkaas nagu oofso.
Xaajigaan aad ujeedaan wuxuu u yimi Imaamkii Masjidka oo wuxuu ku yiri Imaam, haddii aad iga weydo Masjidka Labo Salaadood oo Jamac ah waa anigoo gurigayga ku dhintay ee sidaa ogow. 40-Sano Labo Salaad iskadaa hal Salaad oo Jamac ah k**a tagin Allahu Akbar. Maalin Jimce ayuu Masjidka ku dhex dhintay oo waxaa ka markhaati kacay dadkii soo ajiibay Salaadii Jimce.
Yaa Allah u naxariiso Awoowahaas.
Yaa Allah anagana maalinta Qiyaame noo naxariiso.
X/Q Sakariye Maxamed Isticmaar

03/05/2024

She Puts her Baby in...😭😭
Hadaad Ahaani Laheyd Aabaha Dhalay Cunugaas Maxad Sameyni laheyd 💔💔😭😭

02/05/2024

لتركبن طبقا عن طبق (19)

"Waxa aydun maridoontaan, marxalado kala duwan"
Aayaddan macneheedu waxa uu yahay; xaaladihiinnu waa ay
isbedbeddelayaan oo dhibka dheef baa xigaya, cudurka
caafimaad baa ka dambaynaya, murugada farxad baa
beddelaysa, kala taggana midnimo iyo wadajir baa xigaya.
Tani waa adduunyo oo waligeed xaalad keliya kuma waarto,
dadkuna waxa ay u dhexeeyaan: baahi iyo badhaadhe,
cudur iyo caafimaad, leeleel iyo ladnaan iyo kulan iyo kala tag
Liibaanuhu waa qofka mar kasta magansada Ilaahay (swt)

02/05/2024

"Qur'aanka bog walba oo la soo rogo waxaa ku jira casharro nolosheenna saamayn ku yeelan kara oo guusha Aakhiro iyo tan Adduunba aan ku gaari karno".

01/05/2024

Awoowaha ugu yar caalamka: 16 jir ayuu ku guursaday, markaasaa wiilkiisuna 16 jir ku guursaday. Waa reer Libya.

Soomaali ma laga heleyaa awoowe soddon jir ah?

30/04/2024

Hooyo ❤️. Wiilkeeda oo Dugsi usocda ayey Qoraxda ama cadceeda ka ilaalinaysaa.

Sawir Qurux badan oo ka yimid Hargeysa.
Mascuud gurxan

30/04/2024

7 xabadood ayaa caloosha igaga dhacay ilahay ayaa iga kiciyay waxaana I dhex maray xabado PKM hada markii aan dhaawac may xaaskayga dadkii dhiiga iishubay iisoo Tuugtay qofkii sidaas dhahay qof kale ma laga daba keeni karaa.?maanta waxyeeshay caan noqday waankaa tagi karaa miyaa tidhi karaa.?,,,Aduunyadu waa danlay dadna way sirtaa dadna way lugoysaa Ani ninka ay sirayso ma ihi.”Shamuuri
Mascuud gurxan

29/04/2024

Maku qanci lahayd Nambarkaaga Moobilka Nambarka ugu dambeeyo Dalka ku qoran baa Aadi lahayd hadii lagu dhaho hadaad Joogto Waaba joogtaa hadaadan joogina maku Qanacsanaan lahayd inaad aado nala wadaag
Nambarka kuugu dambeeyo Nambarkaaga
Fadlan soo booqo.

29/04/2024

قصة التي ستغير حياتك
كسب الرزق

28/04/2024

وكلهم آتيه يوم القيامة فردا .
"Dhammaantood (Ilaahay) ayay u imanayaan
qiyaamaha yaga oo keli keli ah."
Qiyaamaha waxa aad imanaysaa adiga oo ka faramadhan
hantidii aad urursatay, kursiga ku mashquuliyay iyo qoyski
ballaadhnaa ee aad ilaalin jirtay, waxaana isku soo hadhaya
adiga, camalkaaga iyo Ilaahay. Markii uu xanuunka greridu soo
ritay bogor Saleebaan Al-Qaanuuni24 waxa uu ku yidhi dadkii
ku hareeraysnaa: "amminta aan xijaabto iga saara sanduuga;
si ay dadku u ogaadaan xataa bogorku in uu dunidan ka
ambabaxay isaga oo faramadhan."
"Ma xuma in uu qofku u shaqaysto adduunyadiisa, balse
waxa khasaare ah in uu hilmaamo aakhiradiisa. Balo ma jirto
haddii uu qofku qurxiyo gurigiisa, laakiin waa in aanu
ilduufin qabrigiisa."

28/04/2024

قال رب إني وهن العظم مني واشتعل الرأس شيبا,

Eebbow, lafihii waa ay tamardarreeyeen, madixiina waa uu icirroobay."

Nebi Sakariye, irridaha oo dhan ayaa iska soo xidhay, will ayaa uu
doonayay, balse xal ma uu hayn. Lafaha ayaa dabcay, madaxa
ayaa caddaaday, xaaskiisuna waa madhalays. Waxa iswaydiin
mudan: halkee ayuu ka imanayaa ilmuhu yada oo ay jiraan
xaaladahan oo dhami? Sakariye, waxa uu ku kalsoonaa in uu
Alle (swt) wax kasta awoodo. Markii uu qalbiga ka jaray
sababaha, xilligii ay talo farihiisa ka haadday, isla markaana uu
qarwaaqsaday talo in ay tahay ta Alle, ayaa uu qalbiga ku
xidhay isaga oo keliya, kadibna waxa u yimid baaqan quruxda
badan: "Sakariyow, waxa aannu kuugu bishaaraynaynaa wiil
magaciisu Yaxye yahay."
"Qofka si dhab ah ugu kalsoonaada Ilaahay (swt), waxa uu u
sahlaa mucjisooyinka."

28/04/2024

Jacaylka iyo naxariista aad ka helayso ilmahaaga ma ogtay inaanay shardi ahayn oonad ku helayn kaliya inaad dhashay, siday waalid baddani aaminsanyihin ?

Naxariista iyo adeecista iyo jacaylka aad rabto inaad ka hesho ilmahaaga bilowgiisa adaa leh( waalid ahaan) wixii aad beerato unbaad ka helaysaa ilmahaaga maalintaad u baahantay!

Kulama doodi kartid ilmahaaga maxaa ii jeclaan wayday waanku dhalee!!

Ilaahay wuxuu kugu abaalin doona dadaalki iyo naxariisti aad siisay ilmahaaga abaalcelintiisa oo ah in ilmahaagina ku siiyo adeecis iyo dhibirsanaan insha allah

من جد وجد ومن زرع حصد

Mascuud gurxan

Want your business to be the top-listed Media Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Wali halkan oo kale maku Dalxiistay
Nin rag ah iga dhe. Isma dhibin si yar oo fudud ayuu u xaliyay dab xaafada wada qabsan lahaa.Dhinaca kale khatar ayuu ga...
Ilahay ma jeclaa dulmiga bal askariga eeg
Qaza iyo Hargeisa oo Mataanoobay.Barnaamij ay caan ku ahayd Magaalada Qaza ayaa markii u horaysay maanta lagu qabtay Mag...
Hargeisa oo maanta 30 jis ee quraan lagu dhamaynayo 400 boqol oo qof ayaana u fadhiya.
CAJIIB: u fiirso Odayga wayn ee Wacdiga dhagay sanaya iyo shekha wacdiga jeedinaya, Dadka waawayn waliga ixtiraam ❤️🥰🙏
She Puts her Baby in...😭😭Hadaad Ahaani Laheyd Aabaha Dhalay Cunugaas Maxad Sameyni laheyd 💔💔😭😭
قصة التي ستغير حياتككسب الرزق
New design cabaya
Diyaar weeye macmiil
New design

Telephone

Website

Address


Hargeisa
252
Other Social Media Agencies in Hargeisa (show all)
Tiyo Media Tiyo Media
Hargeisa

Tiyo Media waa shabakad warbaahineed oo aad ka helayso warar sugan barnaamijyo ku xiiso galiya.

Kutoosnow Dariiq Alle Kutoosnow Dariiq Alle
Hargeisa
Hargeisa, 252

Boggaan waxaa uu marwaliba u taagan yahay faafinta khayrka & khayraadka

Primal Agency Primal Agency
Amal Road 2-57
Hargeisa

Power Digital is a leading, data-driven performance Marketing Agency located in Hargeisa, Somaliland

Qorshe Qorshe
Hargeisa, 00252

Making your wishes cone true in terms of branding your self or your own business

Daarul Rahmah Daarul Rahmah
Hargeisa

Nagu soo biir oo nala faafi kheyrka.

Daarul aflax media Daarul aflax media
Hargeisa

kala soco boggan waxyaabo ku anfaca aakhiro iyo aduunba.

mujaahid biyo Khamri mujaahid biyo Khamri
Hargeisa

mujaahidka waqtigan

Aragtida dadweynaha Aragtida dadweynaha
Hargeisa

@Abdinajiib Ahmed Abdilaahi

Bashiir hussein Bashiir hussein
Hargeisa

kuso dhawow CAAWIYE HOME FURNITURE Waxaanu kuu xidhxidhina alaabtada hurdoyinka xafiisyada counter

Brander Brander
Hargiesa
Hargeisa

best original shoes

Xogogal Xogogal
Xawaadle
Hargeisa, SHEEF

Halkan Kala Soco Warar Xaqiiqo ah Oo Sugan

Horn Graphics Horn Graphics
Madaxtooyadda Road
Hargeisa, 0000

Graphic designers/artists design graphics for use in media products such as magazines, labels, advertising and signage.