Bashir Mohamed Abdukadir
Nearby schools & colleges
Mogadishu
Dharkeynley
Jaayga K/Godeey
Ex-Control Afgooye Street
Maka Almukarama Street
Hodan District
Xararyaale
Makka al Mukaramah Street Tre Piano
Banaadir
You may also like
إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهْدِينِ
My mom asked how much I bought my iPhone and I told her $50, now she has given me $100 to go buy for her and my lil sister too!! 😂😂😭
Sxpkaaga ayaa kaa deensaday lacag 4,000 dollar ah sanad ka hor, wuuna kuu diiday inuu ku soo celiyo, waxaad ka bariday ( tuugtay) inuu kala bar xitaa kuu soodiro ( 2,000 dollar) sababtoo ah shiid ayaad ahayd, adna howlahaga ayaad ku qabsan lahayd, wuxuu ku yiri haday saas tahay waxaan ku soodiraa 1,500 dollar, waxaad ogaatay inaadan wax qiyaar ah lahayn aadna ku qasban tahay inaad aqbasho, waxaad tiri waa yahy isoodir, waxaad siisay accoun number ka bangigaga, subaxdii markaaad soo kacday acoun kaagi ayaad fiirisay waxaaba ku jira 15,000 dollar, waad aamini wayday si fcn ayaad ufiirisay waaba 15,000 dollar, mobile kaaga ayaad ku booday misena sxpkaa ayaaba 53 missed calls ka aragtay iyo 25 Tex message, asoo kaa barayaya inaad usoo celiso13,500 dollar wuxuuna rabay inuu 1,500 dollar kusoo diro lkn si kadis ah ayaa 0 ka raacday,
Maxaad sameyn lahayd:
1) waxaan ucelin lahaa 13,500 dollar
2) 5,000 dollar ayaan ka jaran lahaaa
3) 15,000 dollar waan qadan lahaa
4) Telephone kaaba ka dansan lahaaa
Fikirkaaga bal
Congratulations sxp Macruuf Guuleyso
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Waxaan Hambalyo uu dirayaa Adeerkey Mohamed Ibrahim Nur ou soo idlaaday Jaamacadda Waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo Adeer, waxaan ku aqaanaa Howlkarnimo iyo daacadnimo. Adeer Cilmiga aad baratay looma ciishoon doono, Hambalyo Hambalyo qalinka sii wad hogaanwanaagna waan kuu rajeeynayaa.
Congratulations Adeer 🙏🥰
🥰
Congratulations guys
Another Sacrifices Paid Off Alhamdulillah
It wasn't that easy 🥺❤️ I finally graduated from University SIU 😍
Alhamdulillah😊
Maalin igu weyn, in badana aan sugaayay maanta oo kale, waafajin Eebe iyo dedaal dheer kadib Finally I made it, Alhamdulillah😊
Smart 🧠 🤣😂
Diyaarad ayaa qarka usaarneyd inay burburto waxana ku jira 4 qof. Duuliyaha, Macalin, ardaygiisii iyo nin caqli badan. Nasiib daro waxaa yaala keliya 3 baarashuud "parachutes."
Duuliyaha ayaa yiri sanado badan ayay qaadataa in la helo duuliye aniga oo kale ah. Waa in aan dalkan u noolaado oo aan u adeegaa. Inta uu baarashuutkii mid ka mid ah qabsaday ayuu la booday.
Ninkii Caqliga badnaa ayaa isna yiri, waan caqli badnahay. Markaa waa inaan noolaadaa. isna wuu qabsaday wuuna booday.
Hal baarashuud keliya ayaa haray.
Macallinkii ayaa ardaygiisi ku yiri, ani waan sii duqoobayaa adigaa dhalinyaro ah, ee midka harsan qado ee la bood.
Ardaygii ayaa yiri, looma baahna ustaad, ninkii caqli badnaa ayaa la booday boorsadeydi dhabarka.🤣😂
Waligaa ha isugu maleynin inaan Aadanaha kale wax dheertahy, oo aan lagu gaarin
Habeen wangsan sxpyaal
Impossible! 🤣🤭 Car qosol isku celi 🤣😂
Oday waayel ah oo 90 jir ah, ayaa guursaday gabadh yar oo 18 jir ah, odeygii ayaa u tagay dhakhtar waxana dhax maray sheekadan:
Odeygii: Diktoore xaaskaygi 18 jir ka ah, ayaa uur leh, maxaa talo isin lahayd ?
Dhaqtarka: saas miyaa OK. sheeko yar aan kuu sheego. nin ugaarsade ah ayaa si degdeg ah ugaar u aaday, wuxuuna horay uqaatay dalad ☔ halkii uu qori ka qaadan lahaa. Wuxuuna aaday Duurka, kadib wuxu arkay libaax, islamarkii wuxuu kor u qaaday dallada ☔ wuxuuna jiiday meesha gacan-qabsiga ( meesha dalaga laga furo ) Libaaxiina wuu dhintay!
Odeygii: macquul ma ahn, qof kale ayaa toogtay libaaxaas.
Dhaqtarkii: Su'aashaada jawaabteeda waad heshay filaa 🥱🤣🤣🤣😂😂😂
Habeen wangsan sxpyaal
Jaamacadda ummadda Somaaliyeed🥰
Waxuu mudo 1 sano oo Dahabi ah aan la qaadanay Maamulka, Macaliminta,iyo Ardayda Social work eeJaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxan umahad celinaa dhaman hogaanka Jaamacadda iyo macalimiinta, xaqiiqdii waad gaarteen hadafkii aad hiigsanayseen, oo waad soo saarteen jiil dhaxal gal uah ah umada Somaliyeed waadna guranaysaan miraha aad beer teen, iyo Juhdigii aad bixiseen, Insha Allah.
Waxaan hamblyo Hamblyo leeyahay sxpday oo muda 1 sano ah isla soo halgenay.
Ma ila argtay:
Afsomaali ku hadal 🙈🤣😂
Ethiopia 🇪🇹 wax ka badan 40 luuqadood looga hadlaa and they are Union, Uganda 🇺🇬 40 luuqadood ka badan loogu hadlaa and their family, Kenya 🇰🇪 50 luuqadood ka badan waad aragtaa hormarkoodi, Tanzania 🇹🇿 100 luuqadood ayay ku hadlaan and they respect each other, in Somalia 🇸🇴 2 luuqadood loogu hadlaa Afsomaali ku hadal 🤣😂
Respecting athor people and their language is very important, coz it shows we see each other as people not as problems.
Waligaa ma laguugu dhahay Afsomaali ku hadal ama ma aragtay qof lagu yiri Afsomaali ku hadal asoo May ku hadlaya
Qoraa : Bashir Mohamed Abdulkadir
Qof iga imtixaaam badan ma jiro! 👇
Waxaa jiro paradigm la yiraahdo " Cognitive therapy" oo qolodaan psychology ay aad ugu shaqeeyan. Paradigm kan waa in Qofka la qanciyo wax allaale wixa negative thoughts uu aaminsan yahyn loo bedelo positive thoughts.
Si markaa u fiirisad waxa laga soo Copy yeeyay diinteena suuban, xadiithkii ahaa(قال رسول الله، ﷺ: انظروا إلى من هو أسفل منكم، ولا تنظروا إلى من هو فوقكم ).
Waa in marwalba aad eegta midka kaa hooseya Tusaale: Hadaad hati raadineyso qofbaa raadi naya caafimaad, Hadaad caafimad raadinay sana ogow qof ayaanba helin oo geeriyoday. Maanta Haad dhoola cadey neyso ogow qofbaa oynaya. Mar kasta oo aad Illahy weydiisato inu kor u qaado noloshada ama wax ka beddelo xaaladdaada, xasuus naaw qofbaa illahy ka baryaya inuu gaaro xaaladdaada oo kale.
Dabaaldeg kasta oo Dhalmo" happy birthday", sidoo kale Waxaa Jira illmeyn Dhimashada Ilmo yar.
Mar kasta oo aad kaadido ama biyo cabto xusuusnow in qof uu u isticmaalayo tuubo( pipe) si uu ukaadiyo ama biyo u cabo.
Nuxurka qoraalkeyga waxa weye inuu qofka ku qanco wuxuu Allahy siiyay uuna ku sabro, marxalada uu ku sugan yahy, hadad islleedahay adunkan qof ka ugu imtixaam ka badan baan ahy malaha mid kaa daran waa arki, marwalba Allahy umahad celi marxalad walba ku sugan tahy, aadna ka fikirto waxa wanaaga aad haysato inta aadan ka fikirin waxyaabaha aan micnaha lahayn ee aad xiisayno.
Subax wanagsaan jaalayaal
Waa maxay Faith, Trust, Attitude, and Hope?
Maalin ayaa dad reer miyi ah go'aan saday inay tukadaan salaad roobdoon ( صلاة الاستسقاء) maalinti salaada waxaa isu yimid dhamaan dadka lkn 1 wiil ayaa la imaaday Dallad ☔ . That is faith.
Ilmaha yar ( babies ) marka aad kor utuurto ( boot bootiso ) way qoslaan sabab too ah waxay ogyihiin inaad qaban doonto. That is trust.
Odey waayeel ah oo 80 sano jir ah ayaa funaanadisa ku qortay ( Anigu 80 jir ma ahi ee waxan ahay 16 jir oo 64 sano qib rad leh ) that is attitude.
Habeen kii waan seexana anigoo aan ogeyn inaan soo toosi doono inagoo nool hadana waxaan telephone ka saranaa Gambaleel. That is hope.
Think about it 🤔🤔🤔😒
Subah wanagsan sxpyaal
Muraabaxah
Waa nooc kamid ah noocyada maalgelinta islaamiga ah waana in qof ubaahan badeeco ama Qofbaahi qaba uu utago Bangi ama Qofkaloo lacagleh kadib uuku yiraahdo Badeecadas isoo iibi , kadib mangiga ayaa baxay oo lasoo gorgortamaayo cida haysa alaabta Ama waxa uusamayn karaa bangiga inuu qof uwakiisho una soo iibiyo alaabta kadibna lagu wareejiyo alaabta qofkii rabay Asigoo sheegaya bangiga Qiimaha uukasoo bixiyay alaabta iyo inta uuhada kasiinayo .
Bangiga waxuu kafaaidada inta uu saartay badercada faaido ahaan .Heshiiska noocaas ayaa lagu magacaabaa Muraabaxah .
Waxaana asal u ah muraabaxada inlasheego qiimaha sheyga laga soo bixiyey iyo faaidada lasaartay sheyga .
Xukunka muraabaxada
Muraabaxada way banaantahay Diinteena islaamka ijmaacul culimah .
Keliya muraabaxada waa sida iibka iibkana qofkasta waa uxur .
Waxaana jira culimo xaraantameeyey muraahxada . Xaaran mise xalaal hadaad dhahno waan arindoodee leh culimada ayku kala qeyb samameeen lakiin sida loo badan yahay waa xalaal .
Shuruudaga muraabaxada
◇ waa in lacadeeyaa qiimihii h**e uu kasoo bixiyey sheyga iyo qiimaha hada lagu kala iibsanayo
◇ inta aan alaabta lalawareegin waxiii khasaaro soogara alaabta ama sheyga waxaa masuul ka ah bangiga .
◇ sheyga lakala iibsanayo waa inuu yahay wax jira saacada uu iibka dhacaya yacnii waxaa la diidanyahay inla iibiyo shey aan gacantaba lagu hayn .
◇ sheyga waa in uu qiima leeyahay
◇ Sheyga lakala iibsanaayo waa inuu yahay shey xalaal ah
◇ Waa in uu leeyahay Bangiga sheyga lakala iibsanyo waqtiga uu iibka dhacaayo .
Sawirka hoose ka eeg qaabka muraabaxada
Thanks
Dhamaad
Qoraa Bashiir mohamed badanne
Mudaarab مضاربه
Mudaaraba ( مضاربه ) Waa heshiis ay wada galaayan Bangi ( رب المال ) ama qof hanti haysta iyo qof xirfad leh si uu ugu shaqeeyo hantida .
Hadii hantida ay qasaarto waxaa qaadanaya rabulmaalka .
Laakin hadii khasaaraha uu ku yimaado dayacaad Qofka hantida loo dhiibay waxa uu qeyb ka qaadanayaa khasaaraha .
Faaidadna waxaa loo qeyb sanayaa hadba sida ay ku heshiiyaan labada qof ka hor intaan howshu bilaaban .
Tiirarka ay ku dhisantahay mudaarabada :
1 ) waa in lahalaa 2 qof heshiiska galaya
2 ) soo ban dhigid iyo ogolaasho hadal ku tusaya in labada qof ay raali ka yihiin heshiiska .
3 ) waxaa kaloo la rabaaa rasul maal ( رأس المال )
Mudaarabada waxaa loo qeybiyaaa labo qeybood oo kala ah mudaaraba mudhlaqa " mudaarabo aan xadidneyn ( مضاربه مطلقه ) iyo mudaaraba muqayada " mudaarabo xadidan ( مضاربه المقیده ) .
B) mudaaraba mudhlaqa " mudaarabo aan xadidneyn" waa in qofka rabulmaalka uu udhiibo qofka shaqaalka ahi hanti asigoo xuriyad buuxda uhaysta uu ku maal gashan karo camiilka " shaqaalka " wuxuu doonoo.
T ) mudaaraba muqayada " mudaarabo xadidan " waa in qofka bangigag " Rabul maalka " udhiibo camiilka hanti asigoo ujaan goonaya mashruucyada uu u iaticmaalayo .camiilka uma isticmaali karo wax ka baxsan inta loo fasaxay .
Shuruudaha mudaarabada
1 ) waa in lacadeeyaa hantida lamaal gelinayo inta ay la ektahay
2 ) waa in lacadeeyaa sida loo qeyb sanayo faa idadda .
3 ) khasaaraha waa inay ku koob naataa hantida lamaal gashatay.
4 ) waa inloo madax baneeyaa shqaalka maamulka hantida iyo sida uu u isticmaalayo
Guud ahaan heshiiskani mudaarabkawaxaa lasoo afjarikaraaa waqti kasta waxaana soo afjari kara Rabulmaalka ama Camiilka waa inuu ogeysiiyaa midba midka kale xiliga uu kq baxayo heshiiska
Aqriste bangeyadeena Soomaali ku yaala ama guud ahaan kuwa ku shqeeya nidaamka islaamiga ah makula latahay inay isticmaalan mudaaraba adigoo og hadii ay khasaarato timaado khasaaradaas ay ku kooban tahay bangida " Rabulmaalka " shaqaalkana uu ku waynayo xooguu uu geliyay howsha ?
Wabilaahi towfiiq
Qoraa : Bashir mohamed badanne
Sharikatul Acmaal ( شرکة أعما ):
Sharikatul Acmaal ( شرکة أعمال ) waa in labo qof iyo wax ka badan ay wax isku darsadaan waxa lisku darsanayana ma ahan Hanti ee waa xirfad .
Kadibna xirfadooda ayey ku shaqeysanaayaan deetna lacagtii ay heleen ayay qeyb sanaayaan hadba sida lagu heshiiyey .
Shaqadani waxaa qabta dadka sida harqaan la yaasha, Faryaamada iwm
Xukunkeeda : waybanaan tahay ilaa shaaficiyada mooyeee.
Shirkatul amwaal ( شرکة أموال ) :
Shirkatul amwaal ( شرکة أموال ) waxaa loo qeybiyaa 2 qeybood oo kala ah
1 ) sharikatul mufaawada( شرکة مفاوضه )
2 ) sharikatul Anaan ( شرکة عنان )
sharikatul mufaawad ( شرکة مفاوضه ) waa in 2 qofood iyo wax kabadan ay wadaagan maalkoodi oo dhan si guud .
iyadoo qofba qofka kale wuxuu leeyahay uu lawadaaago wakiil iyo kafiilba uu ka yahay .
Xukunkeedi
• sharikada noo caan ah ma banaan sawabtoo ah waxaaa ku jira qaxa loo yaqaano Garar( الغرر )
Imaamu shaafici Allah unaxriisee waxa uu yiri : (( Hadeysan baadhil ahayn sharikatul mufaaqada ( شرکة مفاوضه ) aduunyadan waxbadil aan uaqaano malhn )).
Sharikatul Anaan ( شرکة عنان )
Sharikatul Anaan ( شرکة عنان) waa in 2 qof iyo wax kabadan ay wadaagan qiyaas maal ah oo cayiman daruuri ma ahn in hantida ay isla ekaato.
Sidoo kale qasab ma ahn in faaidada si simam loo qeybsado .
Waxaa lawadaagayaa Faaidada , Qasaarana khasaarana hadba sida ay ku heshiiyeen .
Xukunkeedi
Xukunka sharikatul Anaan waa ay banaan tahay sida ay isu waa faqeen dhamaan culimada .
Shuruudaha Sharikatul Anaan
1 ) Dadka sharikada noqonaya waa in qof walba uu yahay caaqil , Qaangaar , oo aanan la qasbin.
2 ) Maalka la isku darsanaayo waa in isku jinsi " isku mid " yhiin .
Tusaale lacag isku mid ah ama wax la miizaamk oo isku mid ah .
3 ) in hantida lisku qaso ayadoo aan laga soo ci karin midba mida kale .
4 ) waa in lacadooyo oo la qoro sida loo qeyb sanaayo Faaidada iyo qasaaraha .
5 ) waa in aan lagu qeybsan faaidada ama qasaaraha qaab lacageed .
Waxaa laga yaabaa in faaidada ama qasaaraha halqof ku filnaato oo dadka kale banaan cidlo soo istaagan
6 ) Faaidada iyo qasaaraha waxaa lagu saleynayaa Boqolley .
Tusaale Bashiir hadii uu kulahaa faaidada boqolkiiba 18 % Qasaaraha wuxuu kuleeyahay boqolkiiba 18 % .
Wabillahi towfiiq
Qoraa : Bashir mohamed badanne
Qeybta 1aad
Mowduucan islaaamic banking waa mowduuc bad ah marka loo eego dhanka baaxada waxa uuna ka kooban yahay mowduucyo fara badan sidoo kale waa mowduuc ubaahan cilmi , aqoon ,waaya aragnimo ka baaxad weyn inta yar ee aa anigu leeyahy waxaana laga yaabaa inaan kuu soo gudbin dhamaan dhinacyada mawduuca laakin waxaan ku dadaalayaa insha allah inaan soo gudbiyo hal hal sida saxda ah maantana waxaa ka hadlaynaa mowduuc ku saabsan maalgelinta qaasatan mushaaraka.
Maalgelin " investment " waxaa la yiraahdaa heshiis dhaxmaraya qof lacag heysto ( lender ) iyo iyo qof lacag ubaahan( barrowar ) .
Qafka lacagta ubaahan waxa uu haystaa fikir ganacsi oo faa ido leh .
Kulamaa uu batobmaalgelinta wadan ka waxaa kor ukacaya shaqaaleysiinta tasoo keenaysa inuu sare ukoco wax soo saarka dalka halkani waxaa kugu soo gudbinayaa habka ay wax umaal gashtaan bangiyada islaamiga ah oo aan qodob qodon ugu hadli doono waxaa ku bilabayaa mushaaraka.
1 Mushaaraka :
Mushaaraka waa heshiis wax isku darsi oo dhax maraya 2 qof iyo wax ka badan ujeedaduna ay tahay in lasameeyo faa ido faaidadana waxaa lagu qeybsanayaa sida lagu heshiiiyey lkn qarsaaraha waxaa loo qeybinaa hadba saamiga .
Waxaa laga yaaba inaad ku aragto buugaagta qaar ereyga " shirka " sharikada waxaa loo qeybiyaa 2 qeybood oo kala ah :
1 sharikatul amlak " milk"
2 sharikatul cuquud " caqda " hadaba aan u kubilowdo shirikatul amlaak
Sharikatul amlaak waxaa lagu qeexaa inay isku darsadaan 2 Qof iyo wax ka badan hal shey .
Sharikatul milk waxaa loo qeybiyaa 2 qeybood
1 sharika khiyaar ah ( خیار ) waa mid dadka ay xur uyihiin waxay wadaa gayaan tusaale aniga oo Bashir ah iyo sxbkey Bilaadow ayaa wax isku darsaday anago heshiis galnay hadaba nooca wax isku darsigeena ayaa lagu magacaabaa sharikahl khiyaar ah ayadoo aan qofna la qasbin
2 sharikah khasab ah ( جبر ) waa marka ay qasab tahay in wax lawadaago mana ahan mid ku timid doorasho qofka uu xur uyahay.waxaana tusaale usoo qaadan karnaa DHAXALKA . Dhaxalka adiga ma dooran kartid cida wax kula wadaageyso lkn waa wax alle SWC uu jideeyey.
Nooca labaad ee sharikada
( 2 ) Sharikatul cuquud :
Sharikatul cuquul waxaa loo qeybiyaa sedax qeybood ookala ah :
● Sharikatul wujuuh ( شرکة وجوه )
● Sharikatul Acmaal ( شرکة أعمال )
● Sharikatul Amlaak ( شرکة أملاك )
1: Sharikatul wujuuh ( شرکة وجوه ) waa in 2 qof iyo wax ka badan ay wax isku darsadaan hanti la aan waxaana la isku darsanayaa waa Sumcad , ayadoo la isticmaalayo sumcada iyo sharafta ayaa Alaab ama badeeco lasoo qaadanayaa(( deeen .))
Alaabtii ayaa la iibinayaa waxaana meesha laga helayaa faaido dheeri ah kadib waxaa la wada qeyb sanayaa faa idadaas qofba boqolkiiba ina uu ku leeyahay ayuu qaadanayaa
■ Xukunkeedi
Sharikada noo caan ah way banaan tahay marka laga reebo imaamu shaafici oo diiday.
Ila soco
Albert einstien :
Qofka aan rabin inuu wax aqriyo k**a faaido badna qofka aan wax akhrin karin
Mahahsanid 🙏🙏🥰🥰
Qoraa Bashir mohamed badanne
Intaanan ka hadlin adeegyada ay qabtaan bangiyada islaamiga ah waxaan rabaa inaan idin soo gudbiyo bal taarikhd koo ban oo ku saabsan bangiyada islaamka .
Run ahaan tii markii aynu kawarameyno mowduucan waxaa muhiim ah in aan kala saarno Taarikhda bangiyada islaamka iyo taarikhda bangiga waxbixinteena maanta waxaa ugu hadlidoonaa taarikhda bangiyada islaamka.
Taarikhda bangiyada islaamka waa mowduuc aad uxiiso badan Dowladii Cuthmaaniyiinta ( الذولة اعثمانیه ) ayaa si bàaxad ugu baayacmashturi jiray dadka ku nool spain waxay soo saareen nidaam maaliyadeed oo asal u ah shareecada islaamka (Hanaan maaliyadeed oo aan dulsaar lahayn ) oo kusaleysan habka wadaagidda khasaaraha iyo faaidad
Nidaamkani ayaa maal geliyay ganacsi iyo arimo kale oo ganacsiga quseeya .
Waxaa shiray wasiirada maaliyada ee dalalka islaamka ka waxaana xigay shirweynihii koobaan ee caalamiga ahaa ee dhaqaalaha islaamka waxaana loogu dooday maalgelinta islaamka ilaa markii danbe ay arintii ayuu isku bedeshay ficic oo waxaa dhidibada loo taagay ( la abuuray ) 1975 Banigigii ugu h**eeyey oo aan lahayn dulsaar oo layiraahdo Bangiga Islaamiga ah ee Dubai " DIB " waxaana laga furay isutaga imaaraatka Carabta UAE .
Haj saciid binu ahmed waa aabaha bangiyada islaamiga ah
Xuseen Haamidna waa aabaha isaamig finance ( maaliyada islaamiga ah ).
Kadib waxaa xigay bangiyo fara badan oo laga furay wadame kale sida :
1 ) Masar 2) Sudan 3) kuweyt .
Waxaa abuurmay ku dhowaad 50 bangiyo islaami ah inkastoo ay ku ooleen wadamada muslimiinta.
Cilmibaaris la sameeyey 2019 waxaa lagu ogaaday in Comercial islaamic banks ay gaarayaan ku dhowaad 428 bangiyo dunido oo dhan
Horaantii 1980 meeyadii waxaa laga furay yurub bangiyo ku shaqeeya qaab islaami ah.Bangigii koobaad oo islaamig ah wadamada yurub waxaa laga furay UNITED KINGDOM ( ingiriiska ) 1980 meeyadiii
Intaa waxaa dheer doladaha BAKISTAN IYO IRAN labaduba waxay waxay hergeliyeen nidaam bangiyadeed oo islaami ah waxaana sii kordhaya bangiyada bixinaya adeegyo maaliyadeed oo islaami ah
Ila soco
Hadii cuntada ay koriso jirka aqriska wuxuu kordhiyaa maskaxda iyo fahanka
Mahadsanid 🙏🙏😍🥰
Qoraa : Bashir mohamed badanne
Maal gelinta islaamiga ku saleysan waa mowduuc aad loogu hadlo maanta waa inaan wax ka ogaanaa maalgaliyadda waa faqsan shareecada islaamka si aan ugu badbaadno ribada una liibaano aduun iyo aqiraba .
Shareecada islaamka waxay ka kooban tahay dhamaan dhinacyada diinta islaamka sida caqiiqada dhaqanka islaamka
Waxaana saldhig u ah 4 qeybood oo kala ah
1) Quraanka kariimka
2) Sunada nabiga SCW
3) ijmaac
3) Qiyaas
Sidaa sidaa darteed waxaan go aansaday inaan wax ka iraahdo arimaha la xiriira maal gelinta islaamiga ah
Bangiyadda islaamka ah
Bangiyadda islaamiga ah sidoo kale waxaa lagu magacaabaa ( Maaliyada islaamka ) waa maaliyadd waa faqsan shareecada islaamka waxaana aas aas u ah labo ' 2 ' arin
1 inlawadaago faaidada iyo khasaaro
2 inlaga fogaago dulsaarka (ribah)
Waxaa jira hab iyo nidaam ay u shaqeeyan bangiyada islaamiga ah waxaan kula wadaagayaa qaar ka mid ah hababka bangiyada islaamiga ah ay u shaqeeyaann waxaana ka mid ah
1) Mudaaraba 2) mushaaraka
3) muraabaha 4) wadiah 5 ijara
mid mid qyaan ugu hadli doona
insha allah
Mahadsanid 🙏🥰
Hadii cuntada ay koriso jirka akhriska wuxuu kordhiyaa maskaxda iyo fahanka
Qoraa : Bashir mohamed badanne
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Address
Mogadishu
Ahlusunnah Wal-jamaca
Mogadishu
Ahlusunnah wal-jamacah. www.ahlusunnah.ning.com http://www.ahlukheyr.com/ Booqo fadlan Group-kena
Banadir Road
Mogadishu
Hamar International Academy is Hight quality and Professional Academy in Mogadishu-Somalia
Mogadishu, 6241
welcome our page please like , follow and then invite your friends to get more benefits thanks
Abdikasim
Mogadishu, KM4
To be learning center Excellence For Health Science in Somalia
(Waberi District) Via Moscow Street
Mogadishu, 252
Let me edit your English Grammar!
Mogadishu
قيل للقعقاع الأوسي: قُلْ لنا شيئًا عن الجنة يشوّقنا إليها. قال: فيها رسول الله ﷺ ���