Maxkamadda Gobolka Banaadir

Bogga rasmiga ah ee Maxkamadda Gobolka Banaadir

10/09/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa dadka kala ah: 1. 𝗖/𝗿𝗮𝘅𝗶𝗶𝗻 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 deggan dalka South Africa. 2. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝘂𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 deggan dalka South Africa. 3. 𝗠𝗮𝘀𝗹𝗮𝘅 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝘂𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 deggan dalka South Africa in ay ka taalo Maxkamadda Gobolka Banaadir dacwad madani ah.

Sidaas darteed, waxaa la idiin farayaa in aad ku hor timaadaan Maxkamadda Gobolka Banaadir muddo 80 maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneyso Maalinta Arbacada oo ay taariikhdu tahay 11/09/2024, kuna eg Maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 30/11/2024.

10/09/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa dadka kala ah: 1.𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 deggan dalka UK. 2. 𝗗𝘂𝗻𝗶𝘆𝗼 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝘂𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 deggan dalka Germany. 3. 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝘂𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 deggan dalka Turkey iyo 4. 𝗞𝗵𝗮𝗱𝗶𝗶𝗷𝗼 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 deggan dalka Saudi Arabia in ay ka taalo Maxkamadda Gobolka Banaadir dacwad madani ah.

Sidaas darteed, waxaa la idiin farayaa in aad ku hor timaadaan Maxkamadda Gobolka Banaadir muddo 160 maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneyso Maalinta Arbacada oo ay taariikhdu tahay 11/09/2024, kuna eg Maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 22/02/2025.

08/09/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta muwaadinad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo 𝗟𝘂𝘂𝗹 𝗗𝗶𝗶𝗿𝗶𝘆𝗲 𝗖𝗮𝗱𝗮𝗮𝘄𝗲 ku wareejisay dhul ay laheyd oo Maxkamadda u xukuntay, waxaana ula wareegay Cabdixakiin Qaasim Shirwac oo wakiil u ahaa.

Cabdixakiin Qaasim Shirwac oo u mahadceliyey Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muddo 30 sano ah uu dacwad waday, maantana uu la wareegay dhulkii.

03/09/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Soo gagagabeysay dhagaysiga kiis dacwadeed ay eedeysanayaal ka yihiin afar eedeysane oo loo haysto lacag dhaqid iyo maalgelin argagaxiso.

03/09/2024

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda Gobolka Banaadir usoo gudbiyey eedda uu u haysto eedeysane Xasan Cusmaan Aadan oo ku eedeysan lacag dhaqis iyo maalgelin argagixiso.

03/09/2024

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda Gobolka Banaadir usoo gudbiyey eedda uu u haysto eedeysanad Xasna Aweys oo ku eedeysan lacag dhaqis iyo maalgelin argagixiso.

03/09/2024

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda Gobolka Banaadir usoo gudbiyey eedda uu u haysto eedeysanad Faadumo Xasan Cusmaan oo ku eedeysan lacag dhaqis iyo maalgelin argagixiso.

03/09/2024

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda Gobolka Banaadir usoo gudbiyey eedda uu u haysto eedeysanad Aamino Cabdullaahi oo ku eedeysan lacag dhaqis iyo maalgelin argagixiso.

03/09/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo su'aallo weydiisay eedeysanad Aamino Cabdullaahi oo ah xaaska Xasan Cusmaan Aadan oo ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgelin argagaxiso.

02/09/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Md Saalax Cali Maxamuud oo su'aallo weydiiyey eedeysanad Faadumo Xasan Cusmaan oo ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgelin argagaxiso.

02/09/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Md Saalax Cali Maxamuud oo su'aallo weydiiyey eedeysane Xasan Cusmaan Xasan oo ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgelin argagaxiso.

02/09/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dhagaysatay kiis dacwadeed eedeysanayaal ka yihiin 4 eeddeysane oo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka kusoo eedeeyey lacag dhaqid iyo maalgelin argagaxiso.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 29/08/2024

Shirka madasha 5-aad ee Garsooreyaasha ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyey magalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Jaziira, waxaa looga dooday Mas'uuliyada dambi iyo tan ciqaab ee ka dhalata dhiseyaasha iyo dembiyada ka dhasha internet.

Sidookale shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo iyo falanqeyn ka tarjumaya caqabadaha shaqo ay wajahayaan garsoorayaasha iyo hagaajinta adeegyadda caddaaladeed ee dalka.

29/08/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Md Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo xeray shirka 5-aad ee Madasha gorsooreyaasha oo socday muddo labo maalin ah.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 29/08/2024

Waxaa hada soo gabagaboobay dood ku saabsan mas’uuliyadda danbiga iyo tan madaniga ah ee dhismayaasha.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 29/08/2024

Shirka Madasha 5-aad ee Garsooreyaasha
ayaa maalintii 2-aad ka socda magaalada Muqdisho waxaana ka soo qeybgalay madaxda Garsoorka ugu sarreeysa ee Dalka.

Shirka ayaa waxaa looga doodayaan Mas'uuliyada dambi iyo tan ciqaab ee ka dhalata dhiseyaasha

28/08/2024

Muuqaal kooban, maalinta koowaad ee Madasha Garsoorayaasha.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 28/08/2024

Maalintii koowaad ee Shirka Madasha garooreyaasha ayaa kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgalay madaxda garsoorka, garsooreyaasha heerarkooda kala duwan iyo marti-sharaf kale.

28/08/2024

Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Md Saalax Cali Maxamuud ee shirka Madasha Garsooreyaasha.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 28/08/2024

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho madasha 5-aad ee Garsooreyaasha taas oo socan doonta 2 maalin, waxaana lagu soo bandhigi doonaa mawaadiic muhiim ah, kuwaas oo si wada jir ah garsoorayaashu uga doodi doonaan 2da maalin.

Waxaan rejeynayaa in doodahaasi wax weyn ku soo kordhi doonaan waaqica shaqo ee garsoorka.

19/08/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa Eedeysane C/qaadir Cali Maxamed oo Maqane, kaas oo dacwad ciqaab ah uu dhinac ka yahay ka furantahay Maxkamadda in uu ku hor-yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir Muddo Soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 19/08/2024 kuna eg Tr:17/09/2024, oo ah maalin Talaado ah, saacaduna tahay: (10:00 Am) Subaxnimo, si uu is-kaga difaaco eedda uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 08/08/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Eedeysane 𝗖𝗮𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻 𝗠𝘂𝗿𝘀𝗮𝗹 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻, ina Batuulo Yuusuf Maxamed, in ay maxkamaddu ku hor-timaado Muddo Soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/08/2024 kuna eg Tr: 07/09/2024,00 ah maalin Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00 Am) Subaxnimo, si ay is-kaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Photos from Maxkamadda Gobolka Banaadir's post 08/08/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Eedeysane Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, ina Aamino Maxamed Ibraahim, in ay maxkamaddu ku hor-timaado Muddo Soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/08/2024 kuna eg Tr: 07/09/2024,00 ah maalin Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00 Am) Subaxnimo, si ay is-kaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

05/08/2024

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo gabagabeeyey eedda uu kusoo eedeeyey 9 eedeysane oo xafiiska kusoo eedeeyey dagaal safeen ah, abaabulid dagaal, aflagaado iyo qalqal gelinta amniga ayaa Maxkamadda ka codsaday in lagu helo dhammaan qodobada uu kusoo eedeeyey.

Sidookale Qareenadda difaacaayey eedeysanayaasha ayaa waxay Maxkamadda ka codsadeen in laga bari-yeelo dhammaan eedaha xafiiska xeer-ilaaliyaha kusoo eedeeyey, dibna loo siiyo xorriyadooda.

04/08/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah 7 eedeeysane oo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka kusoo eedeeyey dagaal safeen ah, abaabulid dagaal, aflagaado iyo qalqal gelin amniga, iyada oo labo kamid eedeysanayaasha lagu waayey dembigii xafiiska Xeer-Ilaalintu kusoo eedeeysay.

04/08/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka usoo jeedisay inuu eedda kala laabto 10 eedeysane oo cadeyn u waayey baarahii kiiska.

04/08/2024

Qareen Maxamed Sheekh Cusmaan oo difaacayey 4 kamid ah eedeysanaayaal xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka kusoo eedeeyey dagaal safeen ah, abaabulid dagaal, aflagaado iyo qalqal gelin amniga.

04/08/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir MD Saalax Cali Maxamuud oo su'aallo weydiiyey eedeysanayaal Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka kusoo eedeeyey dagaal safeen ah, abaabulid dagaal, aflagaado iyo qalqal gelinta amniga.

04/08/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir MD Saalax Cali Maxamuud oo su'aallo weydiiyey baaraha koowaad ee soo baaray 7 kamid ah eedeysanayaasha.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


HQ Office, London Road, Xamarweyne
Mogadishu
00252

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00
Other Government Organizations in Mogadishu (show all)
Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad
Benaadir
Mogadishu, BENAADIR

Follow Us

Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor
Jaziira Street
Mogadishu

Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor waa col kamida CXDS. pagekaan waxaa kala soconkartaa waxqabadka Guutada 18'aad ee CXDS iyo dhamaan Ciidanka xds nuucyadiisa kala duwan

Somali journalist Somali journalist
Mogadishu, 252

Somali Journalist is private investigator

Somalia National Institute of Health Somalia National Institute of Health
Via Londra, P. O. Box 22, Hamarweyne
Mogadishu

The Somalia National Institute of Health

BRA Commission for Refugees and IDPs BRA Commission for Refugees and IDPs
Banadir Region Administration Office Del Governatore, Hamar-weine District, Mogadishu-Somalia
Mogadishu

SONIC SONIC
Hamar Wayne
Mogadishu, BN0300

SONIC is responsible for the administration of the domain namespace for the country code (ccTLD) of

Horumarka Gobolka Benaadir Horumarka Gobolka Benaadir
Via Roma
Mogadishu, 252

Boggan wuxuu idiin soo gudbin doonaa wax walba oo ku aaddan horumarka Gobolka Benaadir.

Golaha Wasiirada Soomaaliya Golaha Wasiirada Soomaaliya
Villa
Mogadishu

Waa Page-Ka Rasmiga ah ee golaha wasiirada Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska - JSL Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska - JSL
Mogadishu, 252

Bogga Rasmiga ah ee wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska JSL. This is the official page of the Ministry of Employment Social Affairs and Family the Rep...

Independent Anti-Corruption Commission Somalia Independent Anti-Corruption Commission Somalia
Villa
Mogadishu

Guddiga Madaxa Bannaan Ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Office of Cybersecurity Office of Cybersecurity
Jamhuuriya Road, Boondheere District
Mogadishu, BN3010

Office of Cybersecurity, Ministry of Communications & Technology of Federal Republic of Somalia

Somalia Covid 19 Somalia Covid 19
Villa
Mogadishu, 252

Boggan waxaa sameysay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu soo bandhigayaa xogihii ugu dambeeyay ee ku