Sahal Maxamed Baane

What's up: +252633879819

14/05/2024

Gabay= INKAAR QABE

MA OGTAHAY RAG AAN EEDAY BAAN,AMAR KAQATAAYE
MA OGTAHAY ABEESAAN BAHNIMO ,UGU ADEEGAAYE
ASALKAYGA RUUX DIIDANBAAN,U OLLO ‘OLLEEYAAYE
ANFACADA NINKII IGA JARRAAN, ARI URAACAAYE
ADOOGEY NINKII TOOGTAYBAAN ,KU INDHA KUUSHAAYE
ARWAAXDAYDA RUUX WIIQAYAAN,DAN U ILLAALSHAAYE
SIDAAS AYAAN ADOONSIGA ,WALIBA KU ISTAREEXAAYE
SIDAAS AYAA ADUUNYADU U QABTAA IN AAN AHAADAAYE
BALSE IN AAN AYAAN DARANAHAY ,OON EEDAY TALLADAYDA
MA INKAAR QABAA LA IGU YIRI ,BADI AMAAN TIISA
EBTALLADA NINKII SIDAY MIYAA, WALIBA LOO IISHAY
ABAAJAHAL WALLAALKII MIYAA ,NOO ARIMINAAYA
INANKII FIRCOON DHALAY MIYAA ,WALIBA IIMAAM AH
ABRAHAM IYO KAN-CAAN MA ANIGAA, WALI ADEECAAYA
MA ANAA AFDUUBAHA BULSHADA, AABE QARAN MOODA
OO WALI UGAASNIMO UQIRA, WAA AMUUR KALLE’ E
MIDA KALLE WAXBAA AASAN ,OON UURKA KU HAYAAYE
AMUURAHA DAHSOON BAAN ,IN LA ARKA DOONAAYE
ALBAAB AAN FURMAYN BAA JIRO , AAN ABID GARAACAAYE
WAX UJEEDA LOO QARINAYAAN ,AAWAY LEEYAHAYE
EHELKAYGA WAX LOODIIDAY ,AYAAAN KU ANDACOODAAYE
ARJIBAAN QORRAA , DAN AAN NOO AHAANAYNE
AYADA OON LEY OGGEYN BAAN ,DANIGA SII ALKUMAYAAYE
HIDI DIILA AAN MUUQAN BAAN, SII ODOROSAAYE
ARINTAYDA OON SOCON ,AYAAN TALO ABUURTAAYE
AFKAARTAYDA OO LIIDATAAN ,MAANSA OLLOLAAYE
AROORTII KASTA IYO WAABARYAAN ,GABAY KU OOYAAYE
BULSHADAAN ABAABUL IS IRAA, OON KU OORIYAAYE
UMAD SEEXATAAN HAD IYO JEER ,WAX U INSHAARAAYE
ASXAABUL KAHFI BAAN IRAA ,TALO OGEYSIIYE
QOLO AWRKIRAAL NOQOTAY BAAN ,WAR ULA EEXDAAYE
AQLI LAGA DANBEEYAAN, WAXKALLE KU AQRINAYAAYE
DHAG HORTAY LASII OWDAYBAAN ,KU ADIMAAYAAYE
MIYAAN AARSAN KARI WAXAANBA NAHAY KOOX LA IIBSADAYE
TOLKYOW AAN IDIIN ISHAAREE, RAGAAN NOO ARIMINAAYA
ARXAN LAAWE YASHAAN WAQTIGU ,NOOGU ULLA DHIIBAY
AHBALKA , ABOODIGA DHARGAY IYO ,AABUQYADA NAAXAY
ABQARAAB YADAAN MIIDHAN ,EE OWLIYADU DIIDAY
ARQOOBYADA DHARGAY EE SHACBIGA ,CABAYA DHIIGIISA
NIMANKAAN ILLAA AAMANUU ,KA ASHTAKOONEYNAY
KUWA ABID NAGUUD FUUSHAN, EE NAGA INKAARQAATAY
ILAAHEY HORTII KOOXDA YAR EE ,NAGA IDLAAN WAYDAY
MID AAN UGU ILDUUFNAA, JIRTOO WAA ILMA ADEER

26/04/2024

Maanso "Quudhsi-diid

Quluubta dadkaan dhisaa
Qaynuun rasmiyaan dhidbaa
Waxaan qeexaa waxaan
Qoraal lagu koobi karin

Xaqiiqda ma qaaddacee
Runtaan qaban qaabiyaa
Waxaan qiil uga dhigaa
Qubkaa meerha ragbaa
Qummaati u soo arkee
Nafyahay qiirada illoow

Cad quudheed hooda iyo
Haloosiga qoolka badan
Qabarka lagu sabo dan yare
Ha qaadan waxaanad gayin
Qab Soomaalaa i faray

Qaniimadu waa kashee
Quwiilaa igu galladay
Hankaygani qarada wayn

Qardoofuhu waa cashare
Wixii shalay aan qarribay
Anoo qun u sii dhugtoo
Ku qaabila feejignaan
Ayaan qaladkii saxaa.

Tifnaantiyo qolada iyo
Qudhgooyada reernimiyo
Qabyaaladdu waa balee
Waxay qarannimadu tahay
Anoo quwad saarayaan
Tiraabaha qoor-qabka ah
Ahaadaa duul qarsada

Haddaan qow loolliyeed
Qarkaa kaga soo malmalo
Sidii leeb qaanse riday
Qaboonaan joogsadaa
Halkuu qaayibo dabcigu

Filkay qanibaan u ahay
Biyaha roobkeen qabtaa
Qarkiyo laaggiyo toggiyo
Dhijaantiyo qaydarrada
Xareedda qanjaha marshoo
Waxaan qamandiyo hadhuudh
Sarreen gelley iyo qudaar
Ka qaashaartaa sabool

Ma hiigaan quwad lihiyo
Intaan dirir soo qalcaday
Qayoodkiisii mar furin
Amaba daydadu qotomin

Qayrkay uma baahdo oo
Kufkay uma qayshadee
Dahabka ku qarsoon dhulkiyo
Kalluun badda laga qabtiyo
Qodaalkiyo beerihiyo
Qorshaa ii taabba galay

Samaantaan quudiyaa
Xumaha waan qaadhiyaa
Macabka waan quudhsadaa
Qataarka colaadda iyo
Qaskana wiil kuma dhashee
Markay qamac iyo lur tahay
Hayaay iyo qiiqa tajay
Qudhayda ma baajiyoo
Cadaawuhu ima qatalo

Haaddaan se wamaagu quban
Walaalnimo qaydan tahay
Oo aannaan nala qodqodin
Qareenbaan nabad u ahay

Qaaradda hodontooyadiyo
Qormada laandheerahaan
Ka qaadaa dhaantadoo
Dastuur qoran baa i xukuma

Quruumaha h**e u maray
Libinta way ii qireen
Il-qoodhay igu hayaan
Waxay qoollaaliyaan
Qoorriga badda iyo berriga

Abwaan sahal baane

18/04/2024

Madaxwaynihii h**e ee jamhuuriyada somaliland
Mudane daahir riyaale kaahin oo reer awdal ula hadlay si adag uguna bushareyay
In dakada lughaya la dhisi doono.

Hadaba siday kula tahay adiga
Comment noogu reeb fikirkaga

Sahal baane

30/01/2024

Maanso jacayl ah
Abwaan sahal baane

___Ma dhacdaa qof kaa tagay.🚶‍♂️🚶‍♂️🚶‍♂️
___Dharaar aad u baahnayd.🌅🌄
___Inuu eray ku soo dhaho.🗣🗣
___Qalbigaaga dhaawaca.❤️‍🩹❤️‍🩹
___Dhayalsigu jawaab maleh.🤦🤦
___Dhibta ruuxna lama dhalan.🧟🧟
___Hadii laysku dhiman jirey.❤️🩷
___Hada waa lakala dhacay.👈👈
___Kala dhuumashaa timid.👨‍⚕️👩‍⚕️👩‍⚕️
___Cid is dheehataa jirin.🥰🥰
___Mar haduu dhantaal yimid 💔
___Ana aan dhul suge ahay.👀👀👁
___Maxaa keenay dhiilada.🦻🦻🦻
___Arooskiinan dhacaya.👰‍♂️👰‍♀️🤵‍♀️🤵
___Dhagahuu u daranyahee.🦻🦻🦻
___Ila dhaafa qaylada.😴😴😴
___Hambalyada dhambaalkani.💯💯💯
___Maa dhabaa ina yuusufey🫣🫣.
___Mise waaba dhalanteed.😒😒
___Ninka dhawrsan ay heshay🧍‍♂️🧍‍♂️🧍‍♂️.
___Nasiib buu igu dhaafee.🤦
___Wali ruuxdu may dhalan.🩷❤️
___Dhoolo ka qosol kaago.🤣🥰
___Farxad caawa loo dhigay.🤪
___Inaan dheehdo waan rabay.🥲
__

22/11/2023

Qabiilka aad jèclaan lahayd
In aad ka guursato
Comment noogu reeb

22/11/2023

I have reached 100 followers! Thank you for your continued support. I could not have done it without each of you. 🙏🤗🎉

25/08/2023

Maxaabis ay qabteen ciidanka deeganka ssc ayay so bandhigen

Saxafi sahal baane

05/06/2022

Kaftanka qabiiLada iyo ciidaNka qaranka qosol

05/06/2022

Qasaare ayad taHaY hoYada dib ugu labo

Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Maxaabis ay qabteen ciidanka deeganka ssc ayay so bandhigenSaxafi sahal baane
Kaftanka qabiiLada iyo ciidaNka qaranka qosol
Qasaare ayad taHaY hoYada dib ugu labo #macalinxaliye

Telephone

Website

Address


Mogadishu
0636942366
Other Arts & Entertainment in Mogadishu (show all)
Faasu Diin Faasu Diin
Mogadishu

page waxaa looga talagaley sida sherkooyin iyo sirta nolosha iyo wixii la mid ah

King cayda King cayda
Mogadishu

Hadaf keenu waa guul iyo hormar ��

Boqol Enderson Boqol Enderson
Mogadishu

Kusoo Dhawow Page boqol Enderson

Zubeyr yarě Zubeyr yarě
Geed Jeceyl Mogadisho
Mogadishu, 12345678

You must take life the way it comes at you and make the best of it

jsavagethe jsavagethe
Via 1 Juli
Mogadishu, 00000BN

Mr dagsade Mr dagsade
Mogadishu

FAAFI MEDIA FAAFI MEDIA
Mogadishu

Welcome to FAAFI MEDIA page, Enjoy the entertainment.

Sanka Sanka
Baidoa
Mogadishu, 24350

Rashka Drama Rashka Drama
Maka Al Mukarama
Mogadishu

Fadlan Si Aad Kaga Mid Noqoto Saaxiibadda Rashka Drama "Like Inoo Saar Page-ka Sidoo Kalena Follow D

Qeyr Faafiye Tv Qeyr Faafiye Tv
Mogadishu

Muktar Mohamed Ibrahim Muktar Mohamed Ibrahim
Mogadishu

Social Activist entertainment and Arts

DAACI BILAN DAACI BILAN
Mogadishu , Dhakeney
Mogadishu, NO

policy affairs