Abdulkadir Abdullaahi Mohamed
Member Of Galmudug State Pirliment! Daadir Dhakow
Wacaneey Abaayooy
Wadankii Aynu Aadnee
Waraqyada Lajiidiyo
Wacanoow Mayeeraan
Wadnihii Xeraaliyo
Wadada Huurshe Loo Maro
Waa Meel Dalxiis lehoo
Doogiyo Barwaaqada
Durdurka Iyo Kaymaha
Dareemadiyo ubixii
Caleemaha Dushoodaa
Daawashada Ku Wacanaa
Daal iyo Haraad maleh
Dabayl iyo kulayl Maleh
Daadkiyo Xareedaad
Ku Dabaalaneysaa
Danbarka iyo dhaydaad
Ka Durduuraneysaa.
Waxaan guud ahaan Ummada Islaamka gaar ahaan Ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeynaya munaasabadda Ciidul-Adxaa, Waxaana Alla SWT ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo Acmaashii wanaagsaneyd ee aan soo gudannay,
Waxaan ugu Dambeyn Alla SWT ka rajeynaaya in sanadkan sanadkiisa xiga uu inagu gaar siiyo Nabad, Horumar, Barwaaqo iyo Midnimo.
Hambalyadii maanta kadib ansixintii Degmada Xeraale ee golaha baarlamaanka DGGM ay cod aqlabiyad ah meel mariyeen.
Hampalyo Dhamaan umada soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska ciidanka booliska soomaaliyed Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Sarkaal xiggeenada, Alifleyda, dableyda, Xaasaskiyo Caruurtooda iyo dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaan ugu hambalyeynayaa Sanad guuradii 78aad ee kasoo wareegatay 20/December/1943 Tan iyo markii la aas aasay ciidanka booliiska Somaaliyeed,
Sidaan ogsoonahay ciidanka booliiska Somaaliyeed waxay ku shaqeeyaan marlaxado aad u adag oo ay kala kulmaaan dhimasho iyo dhaawacba xiliyada ay sugayaan amniga Muwaadiniinta, waxay nafta u huraan ilaalinta qarankeena, waxay habeen iyo maalinba usoo jeedaan sugida amniga dalka iyo dadkeena ayagoo u dhabar adeyga Duruufkasta oo ay qabaan, waxaan shacab waynaha somaaliyeed ugu baaqayaa ineey la shaqeeyaan ciidanka booliska si dalkeena qarankeena uu dib ugu soo kabto Dadkeenuna ay u helaan amni ay lu naaloodaan.
Hon Daadir Abdulaahi Dhakow.
Waxaan shalay ka qayb galay shir lagu dhiirigalinaayo dhamaystirka heeshiiskii walaaalaha Xeraale iyo Huurshe oo aan kula dardaarmay in la taaba geliyo heeshiiskii nabada bulshada labada dhinacna loo sameeyo dhiirigalin iyo is dhex gal bulsho si horumar looga gaaro colaadaha sokeeye ineey sii jiraan ama soo noqdaan.
Xaflad baarlamaanka Galmudug ay ku maamuseen Soo dhawaynta dibu doorashada G Mahad Cawad iyo heestii madaxaa na furan.
Xaflad baarlamaanka Galmudug ay ku maamuseen Soo dhawaynta dibu doorashada G Mahad Cawad
Walaalkeena Cabdicasiis Afrika Alla ha u naxariisto, wuxuu kamid ahaa suxufiyiinta dhowrka ah ee dhibaatooyinka dalka ka jira ku soo shaqeeyey, gaar ahaan waqtigii dagaalada Muqdisho.
Dhalinyaro badan ayuu indho ugu ahaa mihnada saxaafada, waxaan alla uga baryeenaa naxariistii janno. Amiin.
Waxaan maanta degaanka lajiide ku tagnay safar kormeer ah iyadoo uu nagu wehliyay Wasiiru Dowlaha wasaarada Arimaha gudaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaarada, safarkaan oo shalay iyo maanta aan ku maraynay degmada xeraale iyo degaanada hoos yimaada laguna qiimaynaayay degmaynta magaalada xeeraale,
Kadib maanta markii aan gaarnay Deegaanka lajiide waxaan kormeernay Xarunta Caafimaadka, Schoolka, ceelka biyaha, iyo xarunta degaanka oo haatan dhismeheedu socdo, dhamaan xarumahaas oo dadka degaanku ay isxilqaan ku hirgaliyeen waxaan Wasaarada arimaha Gudaha hor dhignay in ay buuxiyaan kaalinta Dowlada islamarkaana bulshada lagu garab istaago isku tashiga iyo isxilqaanka ay ku hormarinayaan degaanka,
Waxaan u mahad celinayaa wasiirka iyo howl wadeenada wasaarada oo run ahaantii muujiyay karti masuuliyadeed una dhabar adaygay safar dheer oo laba maalin qaatay islamarkaana dhageystay, soo aruuriyay xogta rasmiga ah ee ka jira deeganada hoosyimaada degmada xeraale oo ay ka midtahay LAJIIDE,
Waxaan caawa gaarnay magaalada Xeraale anaga oo ka kooban wafdi isugu jira Golaha fulinta iyo golaha sharcidrjinta Dowlad-goboleed Galmudug u jeedka safarkeena ayaa ahaa qiimeyn iyo kormeer lagu sameynaayo Degmada xeraale, safarka waxaa nagu wehliyay Wasiiru Dowlaha wasaarada arimaha gudaha DGGM iyo team ka mid ah howlwadeenada wasaarada, kuwaas oo qiimeyn ku sameyn doono Degmada xeraale si ay soo jeedin iyo codsi ansixinta Degmeynta magaalada ay u horgeeyaan golaha wasiirada islamarkaana baarlamaanka u uu ansixiyaan.
Waxaan bulshada iyo maamulka degmada uga mahadcelinayaa soodhawaynta heerka sare iyo martiqaadka ay u sameeyeen wafdiga,
Hon Daadir Dhakow
Click here to claim your Sponsored Listing.
Videos (show all)
Category
Website
Address
KM4
Mogadishu, 256
Waa bogga rasmiga ah ee Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.
Waberi
Mogadishu, 252
ASC waxan idinka mahad celinaya wacan ad usoo boqotay page-kani waxana kuso gudbin doona oo ad igala socon doontan ONLINE BUSSINES waxana so galin doona product-tiyal kala duwan in...
MOE Building, Afgoi Road
Mogadishu, 252
MP, Formar Minister of Education,Culture & Higher Education, Somalia
Mogadishu, 252
Member of Somalia Federal Parliament | Fmr NISA Chief of Staff & Villa Somalia Dep. Chief of Staff
Soddonka Street
Mogadishu
Member of Finance & International Cooperation Committee, Somalia 11th Federal Parliament.
Mogadishu
Madaxa Hoggaanka Warshada & Waxsoo saarka C.A.S ahna Taliye Xigeenka Hoggaanka Maaliyadda ahna Xisaabiyaha Guud ee Hoggaanka Maaliyadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Mogadishu
University Of Somalia Alumni, Former Manager at Fariid Express, Manchester United Fan.
Mogadishu
Second South West State Parliament member of Somalia and State Minister Of Interior Reconciliation