Liban Hussein nor

Liban Hussein nor

You may also like

Kyay Hmone
Kyay Hmone

ليبان حسين نور

24/08/2022

Post edit test

24/08/2022
Liban Hussein nor 31/05/2022

like this page please

Liban Hussein nor ليبان حسين نور

23/03/2021

Bisha Ramadaan Allah nawada gaarsiiyo.

Like this page/ likegareey pagekaan wll

19/03/2021

Xikmado

18/03/2021

Nala wadaag waxay kula tahay
Adiga oo aanan ku deg degayn

18/03/2021

Waa maxay xaqa macalinka lagu leeyahay?

Xaqa macalinka lagu leeyahay waxaa ka mid ah:

1. Dulqaadasho.
2. Kibir la'aan
3. Si heybad leh u fariisasho
4. Dulmiga oo uu reebo
5. Kaftanka oo uu ka fogaado
6. Ardeyda oo uu u dhimriyo
7. Dhex-dhexaadin iyo talooyin wanaagsan
8. In aanu ka xishoon magaranaayo.
9. Qofka wax weydiiya oo uu dareenkiisa usoo jeediyo.
10. Inuu ogolaado marka xujo loo keeno.
11. Ardeyda oo uu ka celiyo cilmiga aan faa'iidada lahayn.
12. Markuu qaldamo ee uu ogaado in uu xaqa usoo noqdo.
13. In uu noqdo mid ilaahey ka baqaya si ardeygu ugu daydo dhaqankiisa hadalkiisana uga faa'iideysto.

W/Q LIBAN HUSSEIN NOR

LIKE SAAR PAGEKAAN MAHADSANIDIIN.

Photos from Liban Hussein nor's post 18/03/2021

Jaziiradda laamuu

18/03/2021

الإيمان بالقدر خيره وشره من الله تعالى

Like saar pagekaan mahadsanid.

18/03/2021

?
Waxaa laga weriye mucaad (RC) inuu yiri: "Rasuul allow ii sheeg camal hadii aan sameeyo jannadda igalinaya naartana iga fogeeynaya?
Rasuulka ( S.C.W) wuxuu yiri " waxaad su'aashay wax weyn weyna u fududahay qofkii uu alle u fududeeyo ( shahaadada oo aad qirto, salaadda oo aad tukato, Bisha Ramadan oo aad soonto, sekeda oo aad bixiso iyo xajka oo aad aaddo, makuu sheegaa wax waxaas oo dhan isku fuuqsanaya" kan cesho" rasuulka ( S.C.W)
oo carabkiisa taabanaya, mucaad wuxuu yiri " rasuulka allow manaloo qabanayaa waxaa aan ku hadleyno ( hooyadaa ku weydey maxaa dadka weji-weji ugu tuura naarta oo aan aheyn xasdiyadda carabkooda.

W/Q: Liban Hussein Libsome

Photos from Liban Hussein nor's post 15/03/2021

Aniga siyaasadda ma gorfeeyo laakiin in aan ka hadlo arimahaan xasaasiga ah ee baddeena soomaaliyeed dood gelin kara runtii waa waajib ayaan oran karaa.

Marka waan soo duceynayaa Muran la'aan baddeenii inaan soo ceshano insha alah
Ilaahay kheyr haku soo dhameeyo adinkana aamiinta waa xagiinna.

15/03/2021

Dulmiga waa lagu hoogmaa

15/03/2021

Qur'aanka dhageysigiisa

Qalbiga ayaa ku xasila.
❤❤

Liban Hussein nor 15/03/2021

Qur'aanka iyo dumarkeena muslimiinta ee xijaaban waan idin jeclahay

Weliba alle dartii❤❤

Liban Hussein nor ليبان حسين نور

15/03/2021

Si aad u nabad gasho:
1. Aamusnaanta badso.

2. Wax yarna ku qanac

3. Gurigaagana laasim ( joog)

Liban Hussein Libsome

26/01/2021

Xikmadaha Iyo Odhaahyada Rajeb Dayib Erdogan
(Hoggaamiyaha waddanka Turkiga)
=========================================
1: “Haddii ay ummaddi ka tagto diinteeda, waxaa u talisa ummad kale oo dhaqankeeda wadata.”

2: “Haddii aan aaminsanahay nidaam dimoqraadi ah, waa inaan aqbalnaa rabitaanka dadka.”

3: “Haddii ay ummad ka tagto ilbaxnimada ay gaarka la yihiin, waxa ay ku qasban yihiin in ay qaataan ilbaxnimada bulsho kale.”

4: “Waxa aan u qaatay dooddu in ay tahay habka dimuqraadiyadda kor loogu qaado.”

5: “Haddii ilmahaygu ka qaybqaato fasahaadka waddankayga ilbidhiqsi gudhihii ayaan ku dayrinayaa.”

6: “Si kastaba ha noqotee, dimuqraadiyada laguma qeexi karo jiritaanka baarlamaanno iyo doorashooyin kaligood.”

7: “Annagu waxa aan nahay ummad, cidda aan u bogina waa ay iskaga tagi kartaa.”

8: “Waa lama huraan in horumarino aaladaha siyaasadda, kuwaas oo si adag u aasaasa dimoqraadiyada ku saleysan is-afgarad bulsheed, isla markaana awood u siinaya isbaddel salka ku haya xasilloonida.”

9: “Magaranayo goor aan seexdo iyada oo ay miiskayga saaran tahay warqad saxeex u baahani.”

10: “Haddii aynu ku kalsoonahy waxa aynu aaminsahay waa in aynaan ka cabsan xorriyadda fikirka.”

11: “Waddankaygu waa goob kasta oo adduunka kamid ah oo eedaan ka baxo.

12: “Baqdintu inooma qalanto ee waa in baqdinta lafteedu ay inaga baqataa.”

13: “Uma jecli qofna cidda uu yahay darteed, ee waxa aan khalqiga u jeclahay abuuraha dartii.”

14: “Haddii aynu taariikhda eegno waxa aynu arki nidaamyada aan la dooran ee dadka cadaadiyaa in aanay sii jirin.”

15: “Wax alla wixii Rabbigeen yidhi, wax alla wixii Nabigeena qaaliga ah uu dhahay, waannu raacaynaa jidkaas.”

Xikmadee kugu cajiib badan 😍🥰
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

07/01/2021

مهم جدا ❤❤❤

07/01/2021
01/01/2021

Ahaw Sanadyohow Ahaw
Ahow Samo wade Ahaw
Sareediyo Guul ku Curo
Samiyo ku idlaw Wanaag
Seeftaaduna yay na jarin
Lurkaaguna yuu Na Solin
Agoomaha sare U Qaad..
Sabool Koriyanaa Ahaw
Sidaasaan saadaaliyee
Illaah kaa yeel sidaa

27/12/2020
26/12/2020

Haddii aad u malaynayso in nasiibkaagu xun yahay... waxaan hubaa in aadan ka nasiib xumayn ninkan reer Ecuador ee Raul Pesos.

Raul wuxu xaaskiisa iyada oo aan ogayn kaga sii tegey guriga si uu ciyaar ula soo daawado saaxiibtiis oo uu xidhiidh qarsoodi ah la lahaa..

Intii kulanka lagu guda jiray Soosaarihi ciyaarta ayaa 35 kun oo taageere oo garoonka soo xaadiray si badheedh ah ugula soo dhex baxay isla markaana kamirada ku qabtay Raul oo dhunkanaya saaxiibtiis. Tv-yada ayaana lagala socday muuqaalkaas.

Raul habeenkaas ma uusan lumin guushii kooxdiisa Delfin balse waxaa uu lumiyey xaaskiisii oo kulanka Live uga daawanaysay gurigeeda sidoo kale wuxu khasaaray hantidiisa kaddib markii xaaskiisu maxkamadda la tiigsatay.

Ugu danbayn Raul wuxuu waayey saaxiibtiisii qarsoodiga ahayd oo iyadu u adkaysan weydey xayraanimadiisa.

🤣🤣🤣

Waxa macquul ah in ay tani tahay dhamaadka qof kasta oo khaa'in ah.

26/12/2020

Nin Reer baadiyo ah Ayaa xaaskiisa u yimid wuxuuna ku dhahay waad iga furantahay ilaa in mudo ah ;ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ

kadib ninkii waa uu ka shalaayay, waxa uuna doonay in uu ka noqdo, hasa ahaatee waxa uu Raadiyay Mudadaas u carabaabay inta ay tahay,

wuxuu soo aaday Rasuulka scw wuxuuna rabay inuu waydiiyo: Goorma ayaan Xaaskeeyga ku noqon karaa? Hasa ahaatee Rasuulka scw wuu soo waayay xaafadiisa ma joogin waqtigaas.

kadib wuxuu soo aaday Abuu bakar Rc wuxuuna waydiiyay isla Su,ashii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺍﻟﺤﻴﻦ " Tafsiirkeeda (macnaheeda) Abuu bakar Rc wuxuu ku Macneeyay: xaskaaga kuuma banaano ilaa Aad ka dhimaneeso, Yacnii waligaa kuma noqoneysid, wuu ka soo Tagay.

Hadana wuxu u yimid cumar bin khadaab Rc Hadana isla su,ashii ayuu waydiiyay cumar Rc wuxuu ku jawabay : waxay Xaraam kaatahay ilaa 40sano.

Hadana wuxuu u yimad cuthman bin cafaan Rc isla su'ashii ayuu waydiiyay, cuthmaan wuxuu ku jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1sano oo kaamil ah(12bil).

Hadana wuu ka so Tagay wuxuu u yimid Cali bin abii daalib isla su'ashii ayuu waydiiyay? wuxuuna ugu jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1 habeen.

Saxaabigii jawaabihii Tirada badnaa ayuu ku wareeray, Ra'yigee qadataa Tafsiirka kalmdii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ "

kolkaaas buu usoo noqday Rasuulka scw Asoo bustihiisa ku hoos jira, waxa uuna u sheegay wixii dhacay iyo jawaabihii u soo helay.

Rasuulka scw wuxuu dhahay Fadhiiso, wuxuu u Yeeray 4tooda,(Abuubakr,cumar,cithman iyo cali)RC Markeey u yimaadeen Rasuulka scw,

Abuubkar ayuu Rasuulka ku dhahay: Abuu bakarow sababtee ayaad Ninkaan xaaskiisa Ugu xarimtay ilaa uu ka dhimanayo "Yacnii inuusan waligiis ku noqon karin?

Abuubakar: Rasuulka allow Ilaahay soo Qur'aanka kuma dhihin ( ﻓﻤﺘﻌﻨﺎﻫﻢ ﺣﺘﻰ ﺣﻴﻦ ) macnaha " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ " ee halkaan ku jirtana so maahan ilaa dhimshada"

Rasuulka scw wuu amusay, wuxuuna dhahay adigana cumarow maxad ninkan xaaskisa ooga xarintay 40 sano.?

Cumar asna wuxuu dhahay: Rasuulka allow, Alle soo qur'aanka kuma dhihin bilaawga suuratul INSAAN ( ﻫﻞ ﺃﺗﻰ ﻋﻠﻰ ﺍﻹﻧﺴﺎﻥ ﺣﻴﻦ ﻣﻦ ﺍﻟﺪﻫﺮ ﻟﻢ ﻳﻜﻦ ﺷﺌﺎ ﻣﺬﻛﻮﺭﺍ ‏) " ﺣﻴﻦ " Halkaan macnaheeda waxaay ku tahay" in Nabi adam CS janada u ku Nagaaday 40sano Inta aanan Dhulka loo soo Dajin.

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana Cithmaanow maxaad ugu xarimatay Ninkaas Xaaskiisa mudo sanad ah (12bil).

Cithaman bin cafaan ayaa yiri: Rasuulka allow, miyuusan Alle subxaannahu watacaala Qur'aanka ku dhihin (ﺗﺆﺗﻰ ﺃُﻛﻠﻬﺎ كل حين)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay la macno tahay geedaha badankood waxay miro dhalaan sanad walba,

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana caliyow maxad ugu xarimtay Ninkaas Xaaskiisa mudo Habeen ah?

Cali ayaa yiri: Rasuulka allow miyuusan alle Qur'aanka ku dhihin: ( ﻓﺴﺒﺤﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﺣﻴﻦ ﺗﻤﺴﻮﻥ ﻭ ﺣﻴﻦ ﺗﺼﺒﺤون ‏)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay lamid tahay "Habeenkii"

Rasulka Scw wuu ku farxay Saxaabadiisa. Markaas Ayuu yiri "Saaxabbadayda waa sida xiddigihi oo kale mid kasta ood ku dayataan waad ku hanuuneysaan,"

Rasuulka scw wuxuu u ishaaray inuu qaato Fikirka cali Rc sababtoo ah isagaa kuu fudud ayuu ku yiri.!!

Hadaad ku raaxeysatay Akhrinteda ku sali xabiibka Scw

Waa codsi ma aha amar Hadduu ku soo gaaro kheyrkaan Allaah dartiis u Share garee.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

الإيمان بالقدر خيره وشره من الله تعالى  Like saar pagekaan mahadsanid.
Dulmiga waa lagu hoogmaa
Qur'aanka dhageysigiisa Qalbiga ayaa ku xasila.❤❤
مهم جدا ❤❤❤

Category

Telephone

Website

Address

Mogadishu
3344
Other Scientists in Mogadishu (show all)
Qoral ku dhiigle Qoral ku dhiigle
Mogadishu

Murtiiluhu kaalinta maadeeyaha waa uu gali karaa, balse maadeeyuhu kaalinta murtiilaha ma geli karo.

Caqli kaal Caqli kaal
Wadada Wadnaha
Mogadishu

cilmi kororso

Mr.Maslah Mohamed Yusuf Mr.Maslah Mohamed Yusuf
Benadir
Mogadishu, 252

Welcome Everyone!

Barashada islamka Barashada islamka
Barashada Islamka
Mogadishu, 1234

kusoo Dhawoow Barashada islaamka

Amiin Aarka Amiin Aarka
Jaalle Siyaad
Mogadishu

Magacayga waa Amiin ibraahim C/laahi oo ku magac dheer Aarka Halkani waa page kayga ku sodhawow sxp Mahadsanid

Dr. Abdullahi Osman Yusuf Dr. Abdullahi Osman Yusuf
Mogadishu

This Page is intended To Deliver Health Related information To medical Students, Lecturers and healt

1zaki_yare 1zaki_yare
Makah Al Mukaram
Mogadishu, 252

Waxaan ahay 1 qof laakin waxaan u dhigmaa 100 qof

Dr Mohamud Aden Issak Dr Mohamud Aden Issak
Zoobe
Mogadishu, 252

Abdihalim Eid Hillaac Abdihalim Eid Hillaac
Sayidka Nool
Mogadishu, 0099

Barta diinta,bartay IT,ND youtuber,qoraa,mufakir jecel arimaha islamka,bulshada,taarikh iyo siyaasada

Somali Geo-science Society Somali Geo-science Society
Jaale Siaad
Mogadishu, 252

Soges Waa Hay'ad madax banaan Ee ka shaqaysa arimaha macdanta, shidaalka iyo Deegaanka