Vision Academy

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Vision Academy, Science, Technology & Engineering, Hargeisa.

09/04/2024

Ciid mubaarak dhamaan umada Islaamka ah meelkastooy joogto,waxan leeyahay ciidan ciideeda Illahay haynagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo Imaan qab suuban idam Alle.

Illahayna haynaga aqbalo acmaashii bisha barakaysan ee Ramadaan aynu soo qabanay.

20/06/2023

ILaahay idinkii waxa inoo bilaabmi doona horaanta bisha July kooraskeenii ahaa advanced Excell and data anlysis. Offline iyo online labadaba waa ku diyaar insha allah. Ee soo booqo oo qaado xirfad boloshaada anfacda oo muddo kooban aad ku barato.

19/06/2023

Vision Academy waa Akaadamiyad kaa caawin doonta inaad xirfad wax barasho oo tayo leh kuna anfacda kaana qaadata wakhti kooban.

17/04/2023

Simplfying of Simple fraction

16/04/2023

Basic derivation of calculus

07/04/2023

Every thing can learng something if it gets more training and repeatation.

07/04/2023

Maryan qoyskeedu waa 4 afar qof ,saddex hablood oo walaalo ah iyo hayadood.
Hablaha ay walaalaha yihiin waxa lakala yidhaahdaa luuliya, iyo laaliya haddaba inanta saddexaad magaceed?

06/04/2023

Haddii 7 Bisadood ay dili karaan 7 jiir muddo 7 daqiiqo ah,immisa bisadood ayaa dilli kara 100 jiir ah muddo 56 daqiiqo ah?

Jawaabtu waa ?

05/04/2023

Berri aan yaraa
Oon biid ahaa
Oo badi habluhu
Balan ii qabteen
Ina wada boqreen

02/04/2022

Muwaadinimadu iyo inaad bulshadaada tabaalaysan la dareen noqotaa oo wadankaaga aad badbaadisaa maaha mid cid walba laga helo, waxa xallay lay sheegayay in ay jiraan dhalinyaro usoo tuugo tagaysay dadkaa tabaalaysan ee hantidoodii qadarku baabiyay.
Haddana waxay indhaagu qabanayaan dad xallala oo muwaadiniin ah oo damiirkoodu qoyanyahay oo iska daa in hunguri u qabtee jeebkooda wixay ka heleen, bulshada ciidamada iyo hawlwadeenada kale ee dabka bakhtiintiisa la halgamaya ku caawinayay waxay cunaan iyo waxay cabaanba.

Dhalinyarooy aynu naqono muwaadiniin ciidooda iyo dadkooda la dareena oo xoog iyo xoolaba kaynu awoodna umadooda lagarab istaaga bulshadooda .

Ninka la arko masaakiinta dhawrka kartoon ee yar yar dooxa la galay in uu boobo ama xaddo waa in labada gacmoodba la jaraa!

Aad aan u murugooday wallaahi waxa aad iiga farxiyay dhalinyaradan Illahay khyr hasiiyee.q

24/03/2022

Xafladii qarniga iyo fasalka sifaha aqoonta ku sifoobay ee 4D. Hambalyo sidaad macalimiintiina uga farxiseen ilaahayhaydinka farxiyo idinkana.

17/03/2022

Dabka yaa shidoo
Duulkaniskudiray
Bal maxaa dawo ah
Oy isku daynayaan
Kuna wada dagaan?

Bal wadaadkan daya
Duubkii sitee
War Is daaya lee
Dabka sii hurini !
Dulmi diidaniyo
Daacad muu noqoni
Dadku aaminaan?

Wiilkan daacadee
Xalka daydayee
Dani is daafac tidhi
Miyuu dambi leyaho
Diyada laga doonaya?

Daganoow wankaa
Nabad doon layidhi
Dabaddeed inkiray
Inu dooxdo oo
Goor h**e dubtaa
Bal maxaa dambiya
E dacwad loohayaa?

Su,aalahaa xal ha loo raadiyo asxaabeey!

10/03/2022

Indirect teaching!

09/03/2022

My classmate of Master's degree of Economical Development at Admas University.

24/02/2022

After the collapse of the Soviet Union in 1991, East European countries including the likes of Estonia, Poland and the Czech Republic, moved away from Russia’s Sphere of Influence and joined NATO. NATO happens to be a military alliance of several European and North American countries. The alliance is particularly formidable considering “an armed attack on one or more of the Parties is deemed to include an armed attack on the territory of any of the Parties in Europe or North America.”

So everybody retaliates.

And as NATO’s influence spread across East Europe, Russia found itself in an increasingly precarious position. Or as Vladimir Putin puts it — “ You promised us in the 1990s that [NATO] would not move an inch to the East. You cheated us shamelessly.”

Needless to say, after putting up with this “provocation” for so long, he now wants NATO to walk back — Remove the missiles and the defence systems stationed in East European countries and halt further expansion. Most notably, he doesn’t want NATO to welcome Ukraine to its fold — a country that borders Russia. NATO meanwhile doesn’t want to cede to these requests considering they believe any sovereign country should have the right to decide its own fate — including Ukraine.

So there was an impasse. An impasse that political leaders tried to resolve.

But alas, talks didn’t help. Diplomatic solutions couldn’t bear fruit. And tensions peaked as Russian President Vladimir Putin increasingly ramped up his rhetoric against Ukraine. At one point he even questioned its statehood — Asserting that Russia created Ukraine. What’s worse? He has also recognised the independence of Donetsk and Luhansk — two cities in Ukraine, partly controlled by Russian backed separatists and partly controlled by the Ukrainian government.

Political analysts now believe that Putin may have set the stage for a full-scale invasion of Eastern Ukraine. He may even choose to invade the whole country, but considering the human and economic cost involved, that proposition does seem a bit unlikely — at least for now.

So there’s the status quo.

And while Western leaders have condemned Putin’s actions so far, they aren't willing to send in their own troops to fight on Ukraine’s behalf. Instead, they've promised to pursue sanctions. Sanctions that will likely deal a crippling blow to Russia’s economy.

But before we deal with that, let’s talk about the war itself. The cost of war is steep. Russia won’t just pay for supplies and operations today. They will have to do so in perpetuity.

Take, for instance, the US war on terror. Their government committed close to $6 Trillion dollars on post-war efforts since 9/11. This includes all the money spent mobilising resources in Iraq, Syria, Afghanistan and all future obligations that accrue out of such war efforts — including interest costs (on borrowed money) and post-war care for veterans. And if Russia’s objective here is to invade people who aren’t sympathetic to their cause, then the costs will only add up.

Second, Russia will also have to deal with the sanctions. Think of sanctions as financial restrictions imposed on Russia and agents operating out of Russia. For instance, the European Union and the US are likely to impose heavy restrictions on Russia’s ability to borrow from investors in Europe. Without borrowed money, it can become extremely hard to wage a prolonged military campaign. The US will also impose similar sanctions and ban key Russian businessmen from the country. They’ll freeze their assets and target businesses in Russia — Making it hard for them to operate across the world.

But here’s something interesting. These measures won’t just hurt Russia. There will also be some collateral damage back in the US and the European Union. Take, for instance, the sanctions imposed on Rusal (Russian aluminium giant) back in 2018. After only a few months, the US had to roll back sanctions because of the unexpected fallout in the aluminium market.

As a Reuters report notes —

U.S. sanctions on Rusal imposed in April 2018 — and lifted in early 2019 — created major disruption for firms in the transport, construction and packaging industries. The resulting scramble for aluminium saw prices jump 30% in just a few days.
And this isn’t a one-off either. Right now Germany has decided to halt the final approval to operate Nord Stream 2 — a 1,200 km pipeline running under the Baltic sea— transporting natural gas from Russia to Germany. The pipeline is ready. Gazprom has invested about €5 bn and the likes of Shell and ENGIE (oil and gas companies in the West) have put up the rest. All they need is the go-ahead — a final seal of approval to transport natural gas from Russia to the European Union. However, with the sanctions in place, that may not happen. And if it doesn’t happen, Europe will have to source gas from elsewhere, which will likely lift oil prices for everyone.

A sudden rise in oil prices could affect multiple industries. Prices could soar and inflation could become a key concern — not just in Russia, the US and the EU, but everywhere. And this should probably explain why the markets have been jittery. This isn’t an isolated event. This affects all of us.

And finally, one other thing. We talked about Nord Stream 2, but what about other pipelines? Isn't Russia already pumping gas to the European Union?

Yes they are. And it's business as usual on this front. The only difference — some of these older pipelines run through land — Russian land, Ukrainian land and German land. And Ukraine doesn’t want any disruptions here. If anything they're worried that the Nord Stream 2 may reduce Russia's dependence on Ukrainian co-operation.

And that brings us to today.

It should be evident by now that this crisis isn’t just about geo-politics. It’s about economics, money and shared financial interests. But like most things, economics is a fleeting enterprise. You make some money today. You lose some tomorrow. But the human costs will be immeasurable. You can't just look past the bloodshed and the misery this war will beckon if Russia chooses to invade Ukraine and subjugate its people. People who by the way have no role to play in any of this. Ukraine isn't allied with NATO yet. And despite Russia's repeated assertions, they haven't been the aggressors. They've restrained themselves. As one Twitter user put it, "Putin saying that Ukraine is attacking Russia is like me saying someone’s cheek is pummeling my fist."

Russia will probably use it as a pretext to commence its campaign today.

But we hope and pray it doesn't come to that. We hope and pray that the Russian President sees reason.
*It should be evident by now that this

Photos from Vision Academy's post 16/02/2022

kor u kaca shidaalka!

Kaalmaha shidaalka ayaa maanta ku iibinaya halka litre ee batroolka ah (petrol) ka ah qiimo dhan 8000 Slndsh ah. oo u dhigma $0.94 doller.waxaanay hal mar oo qudha dalaceen 6.67% oo ah heer aad u sareeya. qimaha shidaalku waxa uu kor u kacay sanadkii ugu dambeeyay 37.5%.
qiimo kaca shidaalku ma ku koobnaanayaa oo kaliya shidaalka mise wuxu sabayaa sixirbarar guud oo umudda aafeeya?
shidaalku waxa uu ka mid yahay shayada daruuriga ah ee bulshadu xooga ugu baahantahay ee aan akhyaar kale oo lagagga maarmi karaa jirin, dadkuna ay aadka ugu qasban yihiin in ay qiime kasta ku iibsadaan.
Haddaba kor u kaca shidaalku waxa uu saamaynayaa dhamaan nolosha baahiyaadka shacabka oo midba mid ku xidhantahay.
saamayn toosa waxa uu ku keeni karaa dhamaan adeegyadan iyo agabyadan oos ku xusan sida :-
1) nooliga gadiidka dadweynaha(cost transportation) oo kor u kaca sida basaska ,baaburta yaryar ee dadwaynaha qaada,kuwa xamuulka qaada,kuwa gobalada iskaga goosha,IWM.
2) sidaynu lasocono dadwaynaha reer Hargaysa inka badan 70% ayaa waxa ay ku cabaan booyado biyaha siiya,haddaba kor ukaca shidaalka ayaa saamayn doona qiimaha biyaha lagu shubo,waxaana yaraan doonta awoodda iibsiga dadwaynaha(purshasing power),waxaanay keeni kartaa biyo yaraan khatar galin karta dad waynaha dakhligoodu hooseeyo.
3) qiimaha shidaalka ayaa isna ah kuwa saamaynta tooska ah uu ku keenayo, waxaanu sababayaa in shirkadaha dabku kiciyaan qiimaha shidaalka lagu iibiyo.
4) agabyada ay soo saaraan warshadaha yaryar ee shidaalka ku shaqeeya ayaa iyaguna kor u qaadi doona badeecadaha ay soo saaraan,si ay faa,iido sare u helaan.
5) waxa kale oo uu aad u saamaydoonaa wax soosaarka wadanka sida beeraha oo cagafyada iyo miishiinada biyaha ceelka ka soo tuura ee ay ku waraabiyaan uu kor u kaca shidaalku saamayn doono.
6) kor u kaca shidaalku waxa uu keeni karaa kharashaadka dawlada oo uu bidiyo, saameeyana dhamaan adeegyada dawladu bixiso.
7) waxa uu keeni karaa kor u kaca shidaalku qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon dadwayne.
qodob kastaa oo halkan kuxusani waxa uu sii saamayn doonaa agabyo iyo adeegyo kale oo tiro badan.
SIDEE LOO XAKAMAYN KARAA KOR U KACA SHIDAALA.

Waxa jirra habab badan oo lagu xakamayn Karo Sixir bararka bulshada.
1) In ay dawladu macaamil toosa lasamayso shirkadaha shidaalka soo heshiisyo caalimiyana lagasho inay shidaal jaban keenaan oo loo kooteeyo(queto) si ay qiimo jaban wadanka ugu soo dhoofiyaan.
2) In hoos loo dhigo heerka cashuurta ee shidaalka iyo waxyaabaha quutal daruuriga ah.
3) in ay dawladu kabto ganacsatada shidaalka soo dajisa ama cashuur dhimis u samayso.
4) In ay dawladu ku samayso faragalin toosa iyada oo dajinaysa qiimaha lama dhafaanka ah ee shidaalka dalka iyada oo u eegaysa qiimaha uu aduunka ka marayo.
5) in laga hortago in ay ganacsatada shidaalku u dhaqmaan sidii ganacsdae kaliya oo lagu ilaaliyo habka suuqa xorta ah.
6) in ay dawladu soo dajiso shidaal ku filan wadanka kaa soo sababayaa in qiimuhu si degdega hoos ugu dhaco.
7) in dawladu kayd badan samayso oo xilliyada qiimaha shidaalku kor u koco qiimaha lagu ilaaliyo/

Tallo BIXIN!

Waxa lagu jiraa wakhti adag oo abaarro baahsani dalka ay ka jiraan,heerka dhaqaale ee umaduna aad ayuu hooseeyaa,dawlada ayaana ugu masuula in ay baahiyaadkooda ilaaliso oo ay u doorteen.
Xukuumada iyo Wasaarada ku shaqada lihi waa in ay xal degdega keenaan oo lagu jaangoynayo qiimaha alaabaha aasaasiga ah.

W/Q: Mukhtar Ibrahim (Qamac)

11/02/2022

maqaalka waxaynu kaga hadli doonaa sixir bararka (inflation).

Sicir bararku waa heerka kor u kaca qiimaha badeecadaha iyo adeegyada iyada oo qiimo dhacayso lacagtii wadanka laga isticmaalayay.Sidoo kale waxaynu odhankarnaa waa in lacag badani kuu goysaa agab yar ama adeeg kooban. Haddii sicir barar dhaco, wuxu keenayaa inay kordhaan qiimaha baahiyaha aasaasiga ah sida : cuntada,hugga,cabitaanka,kirada guryaha,korantada,shidaalka IWM. waxay saameyn taban( negative impact) ku yeelan kartaa bulshada.

Waxaa jira arrimo kala duwan oo keeni kara qiimahu kor u koco ama sicir barar dhaqaale dhaco. Caadi ahaan, sicir bararku wuxuu ka yimaadaa kororka qiimaha wax soo saarka ama kororka baahida loo qabo wax soo saarka iyo adeegyada.

1. Sicir bararka uu qiimuhu sababo
Sicir bararkani wuxuu dhacaa marka qiimaha uu kordho sababo la xiriira kororka qiimaha wax soo saarka, sida alaabada qaydhiin ee afka qalaad lagu yidhaahdo (raw materials) iyo mushaharka. Baahida loo qabo alaabtu isma bedelayso, halka keenista alaabtu hoos u dhacayso sababo laxidhiidha qiimaha sare ee wax soo saarka awgii. Natiija ahaan, alab yar ayaa suuqa lageeyaa iyada oo baahiddii loo qabay waxsoo-saarkaa wali taagantahay, waxaana kala badanaya dalabkii loo qabay shayga iyo wax soo-saarkii suuqa looga baahnaa.
Baahida suuqa looga baahan yahay > wax soo-saarkii suuqa yaalay=qiimo kac baddeecadaha iyo adeegyada ah.
D > S=I
Mushaharka shaqaalaha la siiyaa sidoo kale wuxu saameeyaa qiimaha wax soo-saarka lagu gadayo, waana kharashka kaliya ee ugu weyn ee ganacsatadu bixiso. Marka dhaqaaluhu si fiican u shaqeynayo, ee heerka shaqo la'aantu uu hooseeyo, yaraanta foosha shaqo raadintu ama shaqaalaha aad haysataa ka cabsi qabto inuu shaqo kale oo kaa mushahar badan kaaga wareego. Shirkaduhuna, waxay kordhiyaan mushaaraadka si ay usoo shaqaale xirfad leh oo uqalma, taas oo keeneysa in qiimaha waxsoosaarka ay kor u qaadaan shirkadduhu, sabababo la xidhiidha kororka mushaharka shaqaalaha, taasina waxay keenaysaa in sicir barar yimaado.

Masiibooyinka dabiiciga ayaa sidoo kale sare u kicin kara qiimasha agabka iyo adeegyada. Tusaale ahaan, haddii duufaan ay burburiso dalaggyada waxsoo-saarka sida galleyda,khudaarta ,waxay keeni kartaa in qiimuhu sare u koco maddaama ay waxsoo-saarkii soo go,ayay yaraanayo.
Tusaale ahaan markii xanuunka covid19 uu aduunyada aad ugu faafay waxa lagalay xayiraado, taasi oo sababtay in inuu yaraado wax soosaarkii warshaduhu,maddaama ay yaraadeen wax-soosaarkii warshaduhu qiimo yaashii waxsoo-saarkuna waa ay kordheen.
Dhinaca kale masiibada dabiiciga ahi waxay baddeecadaha iyo adeegyada qaarkood ku keeni kartaa qiimo dhac(deflation).
Tusaale ahaan xiyiraadaha xanuunka covid 19 waxay agabyo badan iyo adeegyo badan ku keeneen deflation sida: shidaalkii wadamada carrabta ka iman jiray.xoolihii ay Somaliland u iib gayn jirtay waddamada Aduunka.
2. Sicir bararka dalabka (Demand-Pull Inflation ).
Sicir bararka dalabka waxaa sababi kara baahida macaamiilku uqabo baddeecadaha ama adeegyada oo aad u badan. Markay jiraan baahiyo badan oo loo qabo alaabada guud ahaan , qiimuhu waa kordhayaan, natiijaduna waa sicir barar ku yimaada baddeecadaha iyo adeegyadaba. Kalsoonida macmiilku waa ay sarreysaa marka shaqo la'aantu ay hooseyso, mushaharkuna kor u sarreeyo, taasoo keeneysa in qofku kharashaad badan sameeyo. Korodhkan dhaqaalahu waxuu saameyn toos ah ku yeelankaraa heerka kharashkaadka macaamiisha ee dhaqaalahooda, taasoo u horseedi karta dalab badan oo dhanka wax soo-saarka iyo adeegyada ah.

Markasta oo baahida loo qabo agabyo ama adeegyo gaar ahi ay kordhaan, waxaa yaraanaya xaddigii wax soo-saarka ee suuqa yaalay.
Taa soo keenaysa in macmiilku ku raadiyo alaab yar lacag badan si ay u helaan allaabta ay baahan yihiin.

Shirkaduhu sidoo kale waxay door ka ciyaaraan sicir bararka, gaar ahaan haddii ay soo soo saarraan wax soo-saar tayo ahaan iyo bilic ahaanba ka wanaagsan waxsoo-saarkoodii h**e amaba soo-saaraan shay caan ah. Shirkadduhu kor ayey u qaadi karaan qiimayaasha si fudud sababtoo ah macaamiisha ayaa diyaar u ah inay bixiyaan lacagta kordhka ah. Shirkaduhu sidoo kale waxay si xor ah kor ugu qaadaan qiimaha markay sheyga iibku yahay shay macaamiishu u baahan yihiin nolol maalmeedkooda, sida saliida iyo gaaska. Si kastaba ha noqotee, waxa sababaya baahida macaamiisha in ay koradhiyaan qiimayaasha.
3. Kirada guryaha suuqyada
Haddii dalabka guryaha suuqu aad badan yahay, waxay ay keenaysaa qiimaha guryuhu lagu kiraynayaa uu noqdo mid aad usareeya,taasi oo sababaysa ina qiimayaasha alaabtu ay kor u kacaan sababo la xidhiidhaya kirada gurriga shirkadu kajirto oo qaaliya.
4. Waxsoo-saarka wadanka oo yar.
Haddii waxsoo-saarka waddanka gudihiisu ka yaryahay,baddeecadaha dibadda lagga soo dhoofsanayo,waxay keenaysaa in lacagta waddanka hoos u dhacdo iyada oo lacagta qallad qiimoheedu kor u kacayo,banggiga dhexena ay ku adkaanayso in uu wax ka qabto,sababtoo ah lacagta qallad ee waddanka soo gashay ayaa aad u yar.
5. Lacagta suuqa galaysa oo badata.
Korodhka lacagta waddanka ee suuqa galaysa ayaa iyana sababi karta in uu lumo qiimaha lacagta marka ay suuqa ku badato,sidoo kale soo daabicida lacago cusub oo suuqa u gala si xaddhaaf ah ayaa iyana sababi karta in qiimaha lacagta waddanku hoos u dhaco oo dalabka lacagtu yaraato.
6. Mushaharka shaqaalaha oo kordha.
Haddii ururada shaqaaluhu ay soo bandhigaan aragti midaysan oo ah in la kordhiyo mushaharaadka ay qaataan, haddii uu kordhiyo musharka shaqaalaha,shirkaduhuna waxay kor uqaadayaan qiimayaasha baddeecadaha iyo addegyada ay bulshada ka gadayaan,matalan haddii shaqaalaha dawladu loo kordhiyo mushaharaadka dawladuna waxay sare u qaadaysaa cashuurta,taasi oo sababaysa inuu kordho heerka sixir barbarku.

7. Kor u kaca qimaha alaabta qaydhiin.
Tusaalaha ugu fiican waa qiimaha shidaalka. Haddii qiimaha shidaalku uu kordho in ka badan 20% markaa tani waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa inta badan badeecadaha dhaqaalaha, tanina waxay u horseedi doontaa sicir barar qiime-sare ah Tusaale ahaan, 1974-kii ayaa sare u kac ku yimid qiimaha saliidda oo sababtay in sicir-barar sare uu adduunka ka dhaco.
8. Rabitaanka faa,iido sare.
Marka shirkaduhu ay kor u qaadaan qiimaha baddeecadaha ama adeegyada si ay u helaan faa,iido sare. Tani waxay u badan tahay inay dhacdo inta ay dalalku ku jiraan jiraan kobaca dhaqaale ee xoogan.

9. Kordhinta cashuuraha.
Haddii dowladdu ay Kordhiso canshuuraha, sida cashuuraha la saaro allabta la iibinayo (VAT) ama Canshuuraha alaabta soo degaysa lagu cashuuro, tani waxay horseedi doontaa sicir sare, sidaa darteedna waxa kordhaya waxa afka qalaad lagu yidhaahdo consumer price index (CPI). Si kastaba ha noqotee, kor u qaadista canshuuraha ayaa keeni karta qiimaha baddeecadaha oo kordha.

10. Cabsida mustaqbal ee laga qabo baddeecad in suuqa ay ku yaraan doonto.
Haddii baddeecad gaara ama adeeg la sadaaliyo inuu suuqa soo gali doono isagoo tiro yar,waxay shirkaduhu sameeyaan in ay ibka yareeyaan si ay macaamiishooda dalabkooda u laaliyaan,kuna iibiyaan qiime ka sareeya kii h**e loogu iibin jiray.

Sicir bararka guud ahaan waxaa maamula Bangiga Dhexe iyo /ama dowladda. Siyaasadda ugu weyn ee la adeegsadaa waa siyaasadda lacagta ee afka qalaad laguyidhaahdo “monetery policy” (isbeddelka dulsaarka).
11) sixir bararka uu keeno qaadku.
geedka qaadka ah ayaa waxa uu inooga yimaadaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethopia,waxana isticmaala in kabadan1.8 million,waxaana habeenkasta laga saaraa wadanka inka badan nus million doller taasoo sababaysa in lacag doller ah oo badani wadanka ka baxdo,lacagta dollerka ahina ku yaraato wadanka.
markasta oo yaraato lacagta dollerka ahi waxay keenaysaa in lacagtii dollerka ee suuqa madoobi kor u koco,lacagtii wadankana ku rido qiimo dhac.

Qaybta:1aad la soco qaybta labaad.........
W/Q:Mukhtar Ibrahim Muse(Qamac)

10/02/2022

kor u kaca shidaalka!

Kaalmaha shidaalka ayaa maanta ku iibinaya halka litre ee batroolka ah (petrol) ka ah qiimo dhan 8000 Slndsh ah. oo u dhigma $0.94 doller.waxaanay hal mar oo qudha dalaceen 6.67% oo ah heer aad u sareeya. qimaha shidaalku waxa uu kor u kacay sanadkii ugu dambeeyay 37.5%.

qiimo kaca shidaalku ma ku koobnaanayaa oo kaliya shidaalka mise wuxu sabayaa sixirbarar guud oo umudda aafeeya?

shidaalku waxa uu ka mid yahay shayada daruuriga ah ee bulshadu xooga ugu baahantahay ee aan akhyaar kale oo lagagga maarmi karaa jirin, dadkuna ay aadka ugu qasban yihiin in ay qiime kasta ku iibsadaan.

Haddaba kor u kaca shidaalku waxa uu saamaynayaa dhamaan nolosha baahiyaadka shacabka oo midba mid ku xidhantahay.
saamayn toosa waxa uu ku keeni karaa dhamaan adeegyadan iyo agabyadan oos ku xusan sida :-

1) nooliga gadiidka dadweynaha(cost transportation) oo kor u kaca sida basaska ,baaburta yaryar ee dadwaynaha qaada,kuwa xamuulka qaada,kuwa gobalada iskaga goosha,IWM.

2) sidaynu lasocono dadwaynaha reer Hargaysa inka badan 70% ayaa waxa ay ku cabaan booyado biyaha siiya,haddaba kor ukaca shidaalka ayaa saamayn doona qiimaha biyaha lagu shubo,waxaana yaraan doonta awoodda iibsiga dadwaynaha(purshasing power),waxaanay keeni kartaa biyo yaraan khatar galin karta dad waynaha dakhligoodu hooseeyo.

3) qiimaha shidaalka ayaa isna ah kuwa saamaynta tooska ah uu ku keenayo, waxaanu sababayaa in shirkadaha dabku kiciyaan qiimaha shidaalka lagu iibiyo.

4) agabyada ay soo saaraan warshadaha yaryar ee shidaalka ku shaqeeya ayaa iyaguna kor u qaadi doona badeecadaha ay soo saaraan,si ay faa,iido sare u helaan.

5) waxa kale oo uu aad u saamaydoonaa wax soosaarka wadanka sida beeraha oo cagafyada iyo miishiinada biyaha ceelka ka soo tuura ee ay ku waraabiyaan uu kor u kaca shidaalku saamayn doono.

6) kor u kaca shidaalku waxa uu keeni karaa kharashaadka dawlada oo uu bidiyo, saameeyana dhamaan adeegyada dawladu bixiso.

7) waxa uu keeni karaa kor u kaca shidaalku qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon dadwayne.

qodob kastaa oo halkan kuxusani waxa uu sii saamayn doonaa agabyo iyo adeegyo kale oo tiro badan.

SIDEE LOO XAKAMAYN KARAA KOR U KACA SHIDAALA.

Waxa jirra habab badan oo lagu xakamayn Karo Sixir bararka bulshada.
1) In ay dawladu macaamil toosa lasamayso shirkadaha soo saara kulana heshiiso in qiimo hoose shidaalka laga iibiyo looguna xidho kooto(queto) si ay qiimo jaban wadanka ugu soo dhoofiyaan.

2) In hoos loo dhigo heerka cashuurta ay dawladu cashuurto.
3) in ay dawladu kabto ganacsatada shidaalka soo dajisa.
4) In ay dawladu ku samayso faragalin toosa iyada oo dajinaysa qiimaha lama dhafaanka ah ee shidaalka dalka.
5) in laga hortago in ay ganacsatada shidaalku u dhaqmaan sidii ganacsdae kaliya oo lagu ilaaliyo habka suuqa xorta ah.
6) in ay dawladu soo dajiso shidaal ku filan wadanka ka soo sababayaa in qiimuhu si degdega hoos ugu dhaco.

Tallo BIXIN!
Waxa lagu jiraa wakhti adag oo abaarro baahsani dalka ay ka jiraan,heerka dhaqaale ee umaduna aad ayuu hooseeyaa,dawlada ayaana ugu masuula in ay baahiyaadkooda ilaaliso oo ay u doorteen.
Xukuumada iyo Wasaarada ku shaqada lihi waa in ay xal degdega keenaan oo lagu jaangoynayo qiimaha alaabaha aasaasiga ah.

W/Q: Mukhtar Ibrahim (Qamac)

07/12/2021

Gudimada an haystaa
Hadba laanka yacaydiyo
Geed jilicda hoosiyo
Currubaha hareeriga
Inay heerto mooyee
Ma hawayso geed kale.

Hangool gantadii la,a
Haddaad wax ku laacdo
Hawshuu qabanaayo
Haddimo igaadhay
Halna i fuli waa dheh !

13/11/2021

Abwaan Yasiin madaale

13/11/2021

Abwaan Yasin Madaale iyo maanso cusub.

16/10/2021

Cashuurta Iibka.
Value Added Tax(VAT)

Cashuurta lagu lifaaqo agabyada ama adeegyada uu iibsanayo macmiilku ayaa waxa loo yaqanaa VAT.

VAT waxay ka mid tahay cashuuraha aan tooska ahayn( Indirect taxion).

Waddankii ugu h**eeyay ee hirgaliya cashuurta iibka waxa uu ahaa dalka faransiiska 1950.

Ujeedooyinkii ugu waawaynaa ee laga lahaa ayaa ahayd in dakhliga dawlada kor loo qaado, shicibkana laga yareeyo cashuuraha laga laba qaado.

Faa,iidada VAT.

1) waxa kor u qaadaa dakhliga dawlada.
2) waxay wax tar fiican u leedahay kobaca dhaqaLe, haddii ay dawladu kharashbadan qabato waxay samayn kartaa maalgashiyo toosa.
3) had iyo jeer cashuurta iibu aad ayay u yartahay oo waxa laga yabaa in aanay dhib kuu gaysan.

Faaiido darrada Cashuurta iibka.

1) waxay dhib iyo ciqaab ku tahay bulshada dhaqaalahoodu hooseeyo .
2) waxa inta badan dhacda in wadamada soo koraya ganacsatadu ay ka dhigtaan fursad ay alaabada ku qaaliyeeyaan.

3) waxay keeni kartaa sixir barar.
4)way adagtahay in la helo ama si saxa loo ogaado cashuurta saxda ah ee iibiyuhu qabtay.
5) Waxa suuro gal ah haddii la saaro agabyada aan aadka daruuriga u ahayn in isticmaalkoodu hoos u dhaco.

Talo soo jeedin.
1) Waddanka waxa ka jira sixirbarar aad u sareeya,heerka nolosha bulshaduna waa mid hooseeya in ay dawladu la shirto dhamaan ganacsatada alaabaha soo dajiya, oo ay cashuur dhimis u samayso ama kab loo sameeyo si qiimaha maceeshada darruuriga ah hoos loo dhigo.
2) in wax soosaarka gudaha la kordhiyo miisaaniyad xoogana loo sameeyo, caqabadaha hortaagana wax laga qabto.
3) in aynu awooda iskugu gayno meelaha aynu aadka ugu wanaagsanahay ee aynu umadaha kale kaga fiicanahay.
4) in heerka waxbarashada dalka la tayeeyo.

Photos from Vision Academy's post 17/09/2021

Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa sxbkey Shakuur Moahmoud Ducaale iyo dumaashidey oo meherkoodu ka dhacay magalada Hargeisa ay tariikhdu ahayd taariilhduna ahayd 16.09.2021 waxaan ugu ducaynayaa ducadii rasuulka

(بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خي)

Photos from Vision Academy's post 17/09/2021

Hambalyo hambalyo.
Waxaan halkan hambalyobmeher wacan uga dirayaa saaxiibkay Iyo marwadiisa oo 16-september-2021 uu meherkoodu ka dhacay magaalada gabiley.
Waxaan leeyahay isku waara Idam Alle, ubad khayrqabana kala hela.
بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير

20/07/2021

Put in suitible values in the empty boxes.

20/07/2021

Xarshin Mathematics ????????.

Waxaan hooyaday ka amaahday $50 ,waxaan sidoo kale aabahay ka amaahday $50 ,waxaan dhar siistay $97,waxaa ii soo hadhay $3 Waxaan Hooyaday siiyay $1,waxaanay igu yeelanaysaa $49 ,Abahayna waxaan u celiyay $1,wuxuuna igu yeelanayaa isna $49 waxaana isoo hadhay $1.
Haddaba lacagta Wadartu waa $49ka hooyo igu leedahay +49ka aabo igu leeyahay+1kii iisoo hadhay =$99 .
Haddaba halkee ayuu maray halka dhimani ?

19/07/2021

Ciid mubaarak dhamaan Umada muslimka ah meel kastood joogtaan iyo dhamaan asxaabta iyo Ehelkaba Ilaahay ciida ciideeda haynagu gaadhsiiyo nabad qab iyo barwaaqo.

Dear Muslims , friends and families, Eid Mubarak to you all! May Allah grace you and your family with His heavenly blessings and reward you abundantly for your Holy sacrifice!.

May God give us good health and prosperity on Eid.

15/07/2021

Tigrey
Qoomiyada tigreygu waa qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha dega dalka Ethiopia,waxaanay ka yihiin dadwaynaha Ethiopia 6%.
qomiyada Tigraygu asal ahaan waa sametic,baddidooduna waa kiristan,halka tiro aad u yar ay yihiin muslim.
badankooduna waxa ay degaan dalka Ereteria,tiro koob la sameeyay 2020 ayaa lagu sheegay Tirada dadwaynaha Tigrey 7.1 millon,inkastoo ay ladagaan qoomiyado kale sida dadka Raya, Azebo, Canfarta, iyo Agau (Agaw, ama Agew).

Badi dadka tigreyga ayaa ah beeralay beerta dalagyada kala duwan sida: cudbiga,qamaddinka,galleyda,heedda,daafida,bunka IWM.

waxana mara labada wabi ee Tekeze iyo Gash (Mareb).

magaalooyinka ugu waawayn Tigraygu waa: Makalle,Adigrat, Aksum, Shirre, Humera, Adwa, Adi Remets, Alamata, Wukro, Maychew, Sheraro, Abiy Adi, Korem, Qwiha, Atsbi, Hawzen, Mekoni, Dansha and Zalambessa.

waxa gobolkani ku yaala goobo qadiimiya sida: sida maagalada Aksum oo xarrruun u ahayd boqotooyadii Aksumite kuna yaalo Masjidka caank ah ee boqor Axmed Najaashi, Adwa oo ahayd halkii 1896 Talyaaniga lagu jabiyay iyo meelo kale oo qadiimiya oo tiro badan.

dagaalyahanada TPLF ayaa waxa la aasaasay 18 February 1975 muddo 16 sano oo ay halgan dheer ku jireen kabacdi waxay afgambi ku qabsadeen dalkii Ethiopia oo ay ka talinayeen muddo 27 sano ah.

W/Q: Mukhtar Ibrahim Muse (Qamac)

Want your business to be the top-listed Engineering Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Abwaan Yasin Madaale iyo maanso cusub.

Telephone

Website

Address


Hargeisa
Other Science, Technology & Engineering in Hargeisa (show all)
Somali political media Somali political media
Hargeisa

☆ On this page we will provide you with important information and advertisements ☆

Rog-info Rog-info
Hargeisa, WG

science , technology and whatever new

Som technician Som technician
New Hargeisa
Hargeisa, 12262772

Caalami construction company Caalami construction company
Street. Wadada Madax-tooyada Hargeisa
Hargeisa, 32003

ururka caalami group waa urur ay ku bahoobeen dhalinyaro technicians ah waxanu qabanaa adeegyada bul

PSG Technology PSG Technology
Hargeisa Main Road
Hargeisa

Psg technology waxaad ka heli kartaa wax kasta oo.ku saabsan technologyada sida computers new and se

SUHO PEGE SUHO PEGE
SUHO PEGE
Hargeisa

Horn Of Africa Technology Services Horn Of Africa Technology Services
Central Market
Hargeisa, 00252

HATS

Mohamed Farah Dari Mohamed Farah Dari
Hargeisa

Before you judge me make sure you're perfect. I'm proud to be � ��

Horn Technical and Technology Horn Technical and Technology
Main Street
Hargeisa

Horn Technical and Technology is the largest company in Somaliland. This company offers modern Techn

Alcayn Engineering and contracting company Alcayn Engineering and contracting company
Hargeisa

Alcayn engineering and contracting co. Was founded 2014 the core of our bussiness is the constructio

Eng Abdisamad Khadar Eng Abdisamad Khadar
Road #1 , Waqooyiga Darsalaam
Hargeisa

Halkani waa page ka saxda ah ee Eng Abdisamad Khadar H.Dahir.

CILMI DOON CILMI DOON
Hargeisa

Kadib hoos u dhaca saqaafadeed ee aadka ugu dhex baahay Somalida isticmaala baraha bulshada. Something about everything, waa page loogu tala galay kobcinta caqliga iyo kor u qaadid...