IRFO PAGE

https://www.facebook.com/IRFO-PAGE-104942081490961 warar xiiso leh kahel page-ka irfo

20/11/2021

Allah haunaxariisto halgamaa wariye abdi aziz africa

23/10/2021

Guriceel waxa kadhacay waa kaadhimay oo kugu dhimay
guul uu dhiig kaaga daato guul maahan

15/09/2021

Xildhibaanada dawlad goboleedyada marka laga reebo hirshebeelle
●lacagna mahayaan
●sumcad mahayaan
Balse xildhibaanada hirshebeele
Waana taajireen doorashana waa qabteen.

13/09/2021

Su'aalaha aanan Jawaabaha loo hayn ee ka soo laabtay Warka ka soo baxay Madaxtooyada.

1. Guddigaan ayay baarayaan maadaama Guddiga ay qayb ka tahay Xubin ka tirsan NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan.?

2. Xubinta NISA ka socota yaa soo magacaabaya, ma Agaasimaha KMG ah ee Rooble uu magacaabay mise kan Farmaajo uu magacaabay.?

3. Guddi maloo saari karaa Kiis dadkii dhibanayaasha ah ay ka furteen Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida, Xeer Ilaalintuna ay qabatay.?

4. Guddigaan maxaa laga Filanayaa, maadaama Guddiyo horay oo loo saaray Kiisas waawayn ayasan Wax jawaab ah keenin sida Kiiskii Dilkii Duqa Muqdisho Eng. Yariisow.?

5. Maxay tahay Baahida xiligaan keentay Guddigaan, mana ogolyihiin Dhibanayaasha dacwada furtay Guddiga hada la saaray.?

Abdirisaq Atosh

12/09/2021

Raisal wasaare rooble ayaa soosaaray waraaqdaan

12/09/2021

Dr Tahliil Faarax oo ah Aabaha gabadha loo heysto sirdoonka Soomaaliya ee Ikraan ayaa yiri "Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano. Diyo dooni mayno xataa haddii ay tahay bilyanis".

12/09/2021

Shir looga hadlaayo cadaalad yaan laraadin guusha laga sugayo maxay eheed.
Rooble yuu waqti iskalumin shaqo balaaran ayaa utaalo

12/09/2021

Dadkii dawladnimada madaxda uahaa mawaxay kamaree
Muwaadin soomaliyeed
Cadaalad haloo raadiyo iyo loo raadimaayo .

11/09/2021

Dawlad goboleedyada doorashada maxay uhaystaan
Golaha shacabka

11/09/2021

Maxay kashirayaan
Madaxweyne farmaajo
Raysal wasaare rooble
•kiiska ikraan oo maxkamada yaala
•taliyaha nisa rooble magaacabay .
• wasiirka amniga rooble magacaabay.
Intaas wax wada hadal laga gali karo kuma arag

11/09/2021

Farmaajo maxuu ugu xirayaa kiiska ikraan tahliil doorashada
●Kiiskuna waa soconayaa
●Doorashaduna waa soconeedaa
Wabilaahi tawfiiq

11/09/2021

Parliamanka afarta sano joogay oo kala saari waayay awoodaha raysal wasaaraha iyo madaxwaynaha hada waa kuwa leh baarlamaankii hala isku yeero maxay qabanayaan waxay afar sano qaba waayeen
Alaa ceeb looma dhinto damiir laawayaal waaye kawa sidaas kufakaraya

Photos from IRFO PAGE's post 08/09/2021

Liiska musharixiinta aqalka sare ee dawlad goboleedka hirshebelle

07/09/2021

Villadu galgalasho badanaa
Waxa kujira tira badanaa
Bal hala soofiiriyo inaysa farmaajo ahayn ayaa macquul ahe

07/09/2021

Magacaabistii farmaajo waa laga saaray telefashinka qaranka, wakaalada wararka faafisa ee sonna iyo radio muqdishu kaib amar kayimid xafiiska raisul wasaaraha

24/06/2021

Xoriyad aan kashaqeeheenaa ayee kuleeyihiin
Nadaafda darida kajirta xareed wax kaqabta ayaa cudur ahe

23/06/2021

●Keen canshuurta walaal
●Waxbana haugu qaban

17/06/2021

"Saddex sano oo aan Madaxweyne ka ahaa Galmudug Qoorqoor waxa uu ahaa Dubbihii la' ii adeegsaday isaga iyo asxaabtiisa, istaafkayga ayey leeyihiin ciyaalkiisa, 2 sano ayey Saleebaan ii diidanaayaan Cadaado Qoorqoorna ilaa hada waa la qaabilaa Saleebaan ayaa jawaabtaas laga rabaa" ayuu yiri Madaxweynihii h**e ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

"Qoorqoor kursiga waa iga ritay waana ku fariistay iimana abaal gudin balse waxaan leeyahay cadaaladda ka shaqeee mana ila ahan in uu kursi ii diidi karo laakiin 2016-kii wixii ka dhacay cadaado haddii ay soo laabtaan Yoomul-qiyaamaa ka dhacayo Soomaaliya" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xaaf.

07/06/2021

Haka bixin taraag
Tamashlee dalxiis
Todobaadyo xamar
Taagnoow villada

Shirarbaan tagniyo
Tartan doorashaa
Nugu taagan iyo
Safar baan turkiga
Ugu shaqa tagniyo
Toban murashaxbaa
Noo timid xaliyo
Team baan quraac
Ugu tala galniyo
Hadal aan wax tarin
Miidiyaha u tabi

Tiimbaraha GALMUDUG
Iyo taytalkana
Tebbad reer Galbeed
Lugu tuugsadoo
Maal lugu tabciyo
Gacan taag ka dhigo

Ha u turin bulshada
Danta guudna tuur

Towfiiq xumada
Na dhex taalla iyo
Tolalka is diloo
Cid wax kala tiraa
Oo toosisiyo
Tebay maamulkiyo

Tacaddiga shabaab
Mudug kala talshiyo
Degaanada tartiib
Loo taabsadiyo
Dadka taagta daran
Siday ugu tuntaan
Ha luguu tirshee
Taleefoonka ciid
Xogta uga tixnow

Kana taxadar saad
Nin kaleeto taaj
Ugu toli lahayd
Kaagu ha tifmee

Taad haysatood
Madaxda utahana
Cidna yay tixgalin

Rag horaan tabtaas
Ku tijaabinoo
Taariikh ka galay
Tan u liidatoo
Waa talo xumee

Allowyaa si togan
Kuu tilmaama oo

Toorahaa ku dhaha
Haku toobiyayn
Togga ceebta iyo
Taga dhiiqadoo
Dacda tiimbadee

Shido toosh ifloo
Ku tusiya waddada
Tooskaa walaal

Cabdimahad Qarameeye

26/05/2021

Alle naxariistii janno haka waraabiyee waxa hadda magaalada Burco ku geeriyooday Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo maalmihii u dambeeyey u xanuusanaayey xanuunka COVID-19.

Xigasho: Khaalid Bakayle

26/05/2021

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi uu isaga ku riyoodo.

Faysal ayaa iska difaacay in uu yidhi hadalkii ahaa Madaxweynuhu waa badow wuxuuna yidhi;- “Shalay iyo daraad wuxuu sheegay Madaxweynuhu in aan badaw ku sheegay, waan ka xumahay kalmadaa maan odhan, Malaha wuu igu riyooday.”

Photos from IRFO PAGE's post 25/05/2021

Murashax Madaxweyne Mudane Abdikarim Hussein Guled ahna Guddoomiyaha XISBIGA SAHAN ayaa goor dhow kulan kula qaatay hoygiis Guddoomiyaha Aqalka Sarre ee Dalka Mudane Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Xidhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka uu marayo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ka mira dhalinta Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho.

Photos from IRFO PAGE's post 24/05/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

24/05/2021

War saxaafadeed garabka Cabdi Xaashi ee guddiga wada hadalada u matalayay.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa war saxaafadeed ayaa war saxaafadeed ka soo saaray kulan ay la qaateen garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Xubnahan ayaa soo bandhigay is afgarad ku saabsan saddex qodob iyo qodob aan la isku afgaran oo ay sheegeen inuu diidan hahay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, gaar ahaan qodobka Dhismaha Guddiyada doorashooyinka oo ay labada dhinac u soo dhisaan si isla eg, heshiisna lagu yahay.

Sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay in shirka doorashooyinka dalka looga hadlayo uu noqdaa mid muuqaalka Midnimada JFS ka muuqdo oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka.

24/05/2021

Oday Abdulle Afarti Sano Xildhibaanimo Kasoo Dhamaatay Tolkiis Afarsano Kale Ka Rabo Ineey Doortaan, (Maxaa Noo Qabatay) Afarti Sano ?

24/05/2021

Muuqaal & xog sir ah oo laga helay kulan Saxaafada loo diiday oo xalay dhexmaray C/raxmaan Cabdishakuur ,Qoorqoor, Lafta Gareen & Siciid Deni. C/raxmaan ma yahay madaxweynaha badali doona Farmaajo , maxay ku kala duwan yihiin rajadiisi 2017-kii & middan 20121.
Munasar maxamed
Share

24/05/2021

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa xalay kulan ay albaabada u xiran yihiin la qaatay Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug, Puntalnd iyo Koonfur Galbeed.

Kulankaan oo uu qabanqaabadiisa lahaa madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Axmad Qoorqoor oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd, ayaan la ogayn waxa looga hadlay, iyadoo ay muuqato in ololihii doorashada iyo isbahaysiyadii siyaasadeed ay bilawdeen.

Share

24/05/2021

Booliska Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka bilaabay joojinta xidhashada indha-shareerka [Niqaabka], sababo la xidhiidha arrimo amni.

Jubbaland ayaa h**e u mamnuucday adeegsiga indha-shareerka, kolkaas oo ay sheegtey in rag inta ay soo gashadaan ay sameeyaan falal amni-darro.

23/05/2021

Shirka wadatashiga doorashooyinka ee somalia iyo maalintiisii labaad

23/05/2021

Shirka wadatashiga dawlada federalka iyo maamul goboleedyada iyo gobolka banadir ayaa kasocda maalintii labaad teendhada afisyooni ee magaalada muqdishu .
Waxaa xusid mudan inuusa qeeb ka,aheen shirka madaxweyne mohamed abdullahi farmaajo.
Sidee uaragtaa?

22/05/2021

Basadiirka Deeganka Soomaalida Ee Gil Gilay Baraha Bulshada Soomaalida

Waa samater Maxamed Xuseen oo Ah Wiil Reer Dds ah ayaa isku Ekeesiyey Basadiir Waxuuna Sheegay in Ujeedadiisa ay Tahay inuu Caan Noqdo.

Wiilkaan ayaa sheegay In Uu Hada Gaaray Hormarkii Uu Rajaynayey

sidee u Aragtaa???

Wariye Abdihakin Gamaadiid

19/05/2021

Allah haunaxariisto dagaalkii maanta kadhacay jowhar ayuu kugeeriyooday

19/05/2021

Dagaal culus ayaa lagasoo warinayaa caasimada dawlad goboleedka hieshebelle ee jowhar
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dagaalku udhaxeeyo ciidamo katirsan kuwa dawladda iyo macawisleey.
Lasoco
Share
Like

Photos from IRFO PAGE's post 17/05/2021

Jowhar: 17, May,2021: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuur galid ah ku tagay Tuulada Moyko oo dhowaan fatahaad uu ka sameeyay wabiga shabeelle.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Beeraha iyo waraabka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Kan Degmada jowhar, iyadoo Dadaal dheer oo ay bixisay Dowlada Hirshabeelle lagu guuleystay in la xiro buqda Tuulada Moyko oo uu ka fatahay Wabiga.

16/05/2021

Raysal wasaare Mohamed Hussein rooble
Ayaa sidaan yiri

Photos from IRFO PAGE's post 16/05/2021

Guusha Palestine waan kufaraxsanahay
Jabka yuhuudana waan kufaraxsanahay
Allaw guul kayeel jeeshul muslimiin aamin

16/05/2021

Banaan bax lugu dalbanayo wiilashii elatereeya loo qaaday ayaa kasocda taalada daljirka dahsan
Share

15/05/2021

Madaxweyne abdiaziz laftagareen iyo dhalinyaro iyo sawiro aad uqurux badan
Like page
Share

05/05/2021

Madaxweynaha galmudug axmed cabdi kaariye ayaa madaxtooyada galmudug ee magaalada muqdishu kumartigeliyay kulan lugu xalinayo khalalaasihii magaalada muqdishu

01/05/2021

W/Q:Wasiir Kux.Warfaafinta Abdirahman AL-Cadaala

✅Waan ka xumahay in aan arkay xildhibaan aan sxb nahay oo aflagaadaynaya Raysalwasaaraha kuna tilmaamay in maskaxda laga haysto

Walaalkeeyoow in aad sidaas uhadasho waa maskax ka haysiga ugu wayn sababtoo ah sadex arrimood midna ma aadan xeerin mana ka xishoon

1- doorashadii iyo amnigii dalka ee aad ka cabanjirtay oo xal loo helay uma danaynin.

2- Raysalwasaaraha oo ka jawaabay wax badan oo aad ka dalbanjirtay ma xusuusan.

3- abtiyoow iyo aflagaadana kalama reebin.

Waxaan ku leeyahay inta iska dhigto rarka kale adigoo kaligaa ah oo maskaxda ka xor ah nala hadal walaalkeey.

Akhristayaloow raali ahaada caawa oo kale waa muhiim in runta iyo xaqa loo hiiliyo xumahana lasuuliyo, sababtoo ah lama fiirsankaro qof ku ciyaaraya wax uuna qiimahooda garanaynin isla markaana ay kala duwanyihiin afkiisa iyo uurkiisu.

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Irfo page
Rejo tv
Saab tv
Galmudug football
Allow guusha nayeel
Wariye Cooke allah haunaxariisto

Telephone

Website

Address


Mogadishu
Other Media/News Companies in Mogadishu (show all)
Bahja cadeey Bahja cadeey
Mogadishu

video news

Caadle online store Caadle online store
Degmada Shibis
Mogadishu, 252

mudulood media mudulood media
Muqdisho
Mogadishu

calimuuse

Faruq bookshop Faruq bookshop
Km4, Mogadishu , Banadir
Mogadishu, 252

Page Kaan waxaad ka heli kartaa buug kasto of pdf ah

GOAL Somalia GOAL Somalia
Mogadishu

Himilo Wadag Himilo Wadag
Mogadishu

asxbta kusoo dhawaada page cusub waxaad kaheley kartaa waxa waliba oo xiisaleh

Abdiaziz Rabaani Abdiaziz Rabaani
Airport Street
Mogadishu, 252

Waaberi news network Waaberi news network
Mogadishu

Follow na dhaha Saxibayaal Waxaad Naga heleysaan warbixanadii ugu dambeeyey ee gudaha dalka iyo diba

HAGE MEDIA HAGE MEDIA
Mogadishu

HAGE MEDIA

Garaad service exchange Garaad service exchange
Mogadishu

Kala soco wararka ciyaaraha kusaabsan

Ruunirgood media Ruunirgood media
Kaaraan
Mogadishu

kala soco xogog qarsoon