Abdiwali Mohamed Ahmed

HADAF IYO HIMILO

01/11/2021
Photos from Abdiwali Mohamed Ahmed's post 10/07/2021

Caana Saado Plus iyo Nasri

10/07/2021

Caana Saado Plus iyo Nasri

13/06/2021

“Waxaan ka shaqeeyaa in aan u abuuro ka qeybgelinta dadka qaba baahiyaha gaarka ah anigoo kordhinaaya gaaritaanka goobaha dadweynaha, hal abuurka dhalinyarada iyo shaqo abuur.” Cabdiwali Maxamed Axmed, 33, Isuduwaha Barnaamijka.

Photos from Iftin Foundation's post 22/12/2020
22/12/2020
22/12/2020

Iftin Foundation will conduct 2 days training in collaboration with EFASOM.

Title: communication skills and use of social media as a campaign tool.

The training participants will come from different regions of the country and will represent various humanitarian organisations.

.
.

13/10/2020

Dr. Shariif Sheikh Osman oo ka warramaya xalaadda siyaasadda Soomaaliya iyo dhaqanka dib u socodka ah ee siyaasadda Soomaaliya ee doorashada qabiilka ku saleysan.

24/08/2020

Talada Dalku Cadaaday Ku Dul Saaran Tahay.

Rajo k**a qabin in ay sidooda ku meel marayaan qodobadii iyo nuucii doorasho ee Samareeb lugu gaaray, sidoo kale cabsi k**a qabo in Garoowe danbaska looga dhigi doono go’aankii Samareeb.

Maahan wax laga dido shirka labda hogaamiye ee Jubaland iyo Puntland uga billaawday Garoowe, waxayna aniga iiga dhigan tahay horumar siyaasadeed oo Soomaaliya gaartay mar haddii wixii laysku diido si nabad ah looga garaysanayo.

Hogaamiyayaashii Samoreeb ku soo gaaray go’aanka waa in ay gar baxaan oo difaacdaan dadkana ku qanciyaan wixii ay soo guddoonsheen, madaxda Garoowe fadhisaana in ay gorgortamaan oo garaystaan, si gaara haddii madaxweyne Faramaajan looga yeero Garoowe waa in uu ku tagaa si hal halleel ah.

Dawladnimada Soomaaliya waxay la mid tahay maro dun ah oo muddo qorrax yaalay oo lugu dul waray geed cadaad ah, waxay sidaas dhacday markii talada loo dhiibay dad aan dawladnimida iyo maamulka wax wayn ka aqoon. Baarlamaankiii 7da daqiiqo ku riray ra'isul wasaarihii dalka iyo madaxtooyadii sidaas ku aqbashay masuul maahan.

Khilaaf waa nuucya badan yahay, mid maahane inta kale way reeban yihiin sunadeena markii loo eego, khillaaf qalad jira lugu saxyo ee aan wax lugu hallaynayn ma xuma mana reebana.

Puntland waabay saamayn lahayd oo Sanka looga xirnaa, saaka lama joogo subaxdaas, waxaa la joogaa xilli ay tahay in Puntland lugu qadariyo wixii ay dawladnimada Soomaaliya u soo gashay intii laysla qirsan yahay.

Madaxdii Samoreeb ku soo gaartay go’aanka qancin iyo waxaa u eg wada hadal aan is difaac ku jirin, madaxda Garoowe fadhisana waxaa u eg garaysi ka fog aargoosi.

Waxaa jira xaafiisyo iyo dad ka faa’iidaya markii jiitan iyo khilaaf daba dheeraada ay yimaadaan, madaxda Garoowe waa in ay arrintaas ku baraarugsanaadaan, 𝘴𝘪𝘥𝘢 𝘬𝘢𝘭𝘪𝘺𝘢 𝘦𝘦 𝘢𝘺 𝘶𝘨𝘢 𝘧𝘰𝘨𝘢𝘢𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘢𝘢𝘯 𝘬𝘩𝘪𝘭𝘢𝘢𝘧 𝘬𝘦𝘦𝘯𝘢 𝘥𝘩𝘪𝘣-𝘶-𝘥𝘩𝘢𝘤 𝘶 𝘴𝘦𝘦𝘵𝘢-𝘥𝘩𝘦𝘦𝘳𝘦𝘦𝘺𝘢 𝘥𝘢𝘥 𝘸𝘢𝘲𝘵𝘪𝘨𝘪𝘪 𝘬𝘢 𝘥𝘩𝘢𝘮𝘢𝘢𝘥𝘢𝘺 iyo khalalaasana waa in aan waxba ka ma jiraan laga soo qaadin go’aankii Galmudug.

Haddii madaxda Garoowe fadhisaa ay diidaan gabi ahaanba wixii ka soo baxay Samoreeb waxaa afka looga duulayaa Ceel gorof ah, waxaana dhici kara’
- 𝐈𝐧 𝐤𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐲𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚,
- 𝐈𝐧 𝐃𝐚𝐛𝐢𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐰𝐚𝐪𝐭𝐢 𝐤𝐨𝐫𝐨𝐫𝐬𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐫𝐚𝐫𝐚𝐲𝐞𝐲,
- 𝐈𝐧 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐚𝐲 𝐠𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐥𝐚𝐥𝐚𝐚𝐬𝐞 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨
- 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐪𝐚𝐚𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐚 t𝐢𝐦𝐚𝐚𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐬 𝐥𝐞𝐡 𝐛𝐚𝐥 𝐢𝐬𝐮 𝐝𝐚𝐚𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢.

Beesha Caalamka waxaa u eg aamus iyo aayarsi haddii aysan waxa socda wanaag ku darsan karin.

Madax doonaysa waqti kororsi haday jiraan, waan in talada looga fariyosuuliyhaa sida geedka Cadaad ka ah oo laga fuqsado marada markii uu kaaga dhego.

Cadaad; waa geed qodxo leh, qodxihiisu waxay u samaysan yihiin sida cidiyaha Bisadda, geedkaas cidna ma soo raad sado kumana soo boodo laakiin qofkii asagu u yimaada oo marada ku dheg sada sahal ugama fuqsado, si farsamo ku jirto ayaa looga fuqsadaa hadaad jifaaliso waligaa ka fuqsan maysid waana kaa jeexayaa waa la hubaa, geedkaas dadka ku hiigta xitaa wuu suraa cidida.

Baarlamaankii iyo madaxtooyadii wixii la ogaa galay waa Cadaad, anakaana talada u dhiibannay oo ku dul warannay.

Madaxda Jubaland iyo Puntland waa in aysan ayaku dabaaq ku qaadan eed loo hayo cid kale.

W/Q

https://www.facebook.com/Cabdew/

16/08/2020

...................𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐢𝐝𝐚𝐚𝐧.....................

Qoraal gaaban oo sawiraya hab dhaqan caadeedka guryageena.

Sida caadada noo ah reeraha Soomaalida waxaa la yaqaanaa wax la yiraa Adeeg iyo Iidaankiis. Ina ragoow dhaqankaan aan meelna ku qornayn dani kuma jirto.

Dumarkiina jadiinka yaan lugu jiri-riqin, Waxaan qoondaynaa miisaaniyad ka kooban Adeeg iyo Iidaan waxaan ku tirinaa xaaaaska masruuf ku jaan-go'an Bil, dibna waan uga tirinaa xaasas keenna wixii aan ku tirinnay, dhaqaalaheenna wixii intaa ka soo hara waan kaydsannaaaa kana qarinaa xaasas keenna anagoo ku faaja-faajoona banaanka wixii dani naga reebto mooyee wixii kale, waxaan u isticmaalna dhamaana baahiya heenna qaab faakihaysi ah.

Gabadha guriga kuu joogtaa waa adoo kale danaheedii oo dhan aday kaadhigtay, reer keeediiyaad ka soo saartay ugana gacan haatisay, dhexdeedaa lugu sameeyaa xayn tolkiina ka midda, ahna ubad kaaga, cid aan adiga ahayn waxba uma gasho umana guddo oo ma qaybsanto, Birmaahan waa Binu aadam baahiyahaaga oo kale ayay leedahay marmarka qaar waykaa dano badantahay.

Markay halkaas joogto aduguna aad la soo taagan tahay Adeeg iyo Iidaan Bil ku jaan-go'an arinka gurigu see noqon?.

Xabsiyadda ayaa waxaa ka jira dhaqanka Adeeg iyo Iidaan ileen maxbuus axsaan malahane, iswaydii gurigaagu ma xabsiyaa?

Xaaskaagu waxay xaq u leedahay maradaad gadato maradeeda kale, moobeelkaad gadato midkiisa kale, maqaayadaad gasho medeeda kale, Hariyarta aad wadato Hariyarteeda kale, wixii lugu heshiiyo ayadoon lays handadayn waa halkeeda.

Waxaa jira rag haday Guriga yimaadaan ayakoo jeebka ku sida wax ay isku soo iloobeen aan habeenkaas hurdo ladin, caawa dhan waxay iska waar diyaynayaan xaaska oo bisteed ah siduu ugu dayrinayay, intaan suququl ku abuurno ayaan niraa iimaan malahan, maxay iimaan yeeshaan ereyadeena aan is la haynbaa iimaanka ka qaadaye. In aan xaasaskeena nafiskale u diidno $100 adeega iyo $20 iidaana mooyee waa xaalad xanuunbadan lugu na minja xaabinayo farxadda qoyska.

Wax badan hadaad haysato waa in aad isku daydaa sidii aad ku gaari la heed qanaacada Xaaskaaga aadna siisaa fursad dhaqaale oo ka baxsan Adeeg iyo Iidaan ka adiga luguu kariyo, hadaad wax yar haysato dhexda soo dhig is la na qoondeeya si wadar-ogol ah oo saydarayn ka fog.

Adeeg iyo Iidaan ku tiri kana tiri waa GUMAYN aan geed loogu soo ganban, gob weeye gabdhaheenu ina ragoow yaan la gumaynin, anigu wali fooda isma aanan darin dumar, midaan kala fursan wayno war sanaa naga soo yeeri doona hadaadnaan ijiidan adinku.

Ubadka ku kora bii'o ama xaalad sidaan u xak**aysan ee farxaddu ku yartahay waxay wajihi doonaan culays nololeed oo Gacanku samaysa iyo farxad la'aan.

Afeef: wixii dani keentay dadoow diiradda masaarin.

W/Q:

15/08/2020

𝟕 𝐃𝐢𝐢𝐪𝐨 𝐌. 𝐟𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐚𝐣𝐨 𝐮 𝐣𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐄𝐞𝐥 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚

W/Q; Cabdifataax Imaam

M. Faramaajo cid fahmi karta oo haysa cabir lugu cabiro siyaasaddiisa ma jirto. Aniga ayaa isku daya laygana maqlidiid.

🟥 Ma siyaasadda madaxweynaha yaan cabir lahayn mise dadka ayaan garasho lahayn wali lama kala cadayn, adiga maxay ku la tahay?.

In uu maanta madaxweynuhu baarlamaanka hor yimaado sheegana in;

✅ Horay ay Soomaali iyo Beesha Caalamku Lodon ugu heshiiyeen doorasho qof iyo cod ah,
✅ Horay Maamul Goboleedyada iyo Dawladda federaalka ah Baydhabo ugu heshiiyeen iyo,
✅ In uu ku soo celin doono wixii Dhuusamareeb lugu soo heshiiyo.

Wuxuu ka leeyahay u jeedo fog wuxuuna rabaa in uu horkeeno go'aanka Dhuusamareeb lugu soo gaaro uuna yiraahdo Baarlamaanka diida.

Madaxweyne Faramaajo wuxuu aad ugu dheereeyaa in uu dadka ka dhex hadlo, waxa Dhuusamareeb lugu gaarana wuxuu diididoonaa asagoo ka dhex hadlaya baarlamaanka.

𝘔. 𝘧𝘢𝘳𝘢𝘮𝘢𝘢𝘫𝘰 𝘪𝘺𝘰 𝘉𝘢𝘢𝘳𝘭𝘢𝘮𝘢𝘢𝘯𝘬𝘶 𝘸𝘢𝘢 𝘪𝘴𝘬𝘶 𝘣𝘢𝘢𝘩𝘢𝘯 𝘺𝘪𝘩𝘪𝘪𝘯

Muddo xileedkii waa ka dhammaaday baarlamaanka sidoo kale madaxweynahana waa ka dhammaaday sidaas daraadeed waxa ay labaduba ugu baahi badan yihiin waa muddo kor dhin.

Siyaasadda Soomaaliya siima siddo dadka qofkana ma soo celiso, in M. faramaajo soo laabandoono lama hubo in uu soo laabto iyo in uu muddo kordhistana waxaa u fudud in uu kororsado ayadaana u xisaab yar, baarlamaankuna waa la mid.

Madaxweynaha waxaa bursanaya Beesha Caalamka wuxuuna rabaa in uu Baarlamaanka kula meeraysto oo uu dhufays ka galo.

Heshiiska siyaasadeed ee lugu soo gaaridoono Dhuusamareeb baarlamaanka ayaa didiidoona sida ay u muuqato waxaana ka gacan siindoona M. Faramaajo, sidaas waxaa lugu geli doonaa jahawareer hor leh iyo cakirnaan siyaasadeed waxaana la marin habaabin doonaa canaanta Beesha Caalamka oo hadda ku wajahan M. Faramaajo, waayo markii Beesha Caalamku canaananmaagto wuxuu orondoonaa Madaxweynuhu Baarlamaanka ayay jirtaa arrintu oo ay hor taalaa, waana kaarto ay asaga iyo lataliyayaasha ku takhasusay sida looga daba wareego indha caalamka isla dejiyeen.

Waxaan sugnaaba waa Dhuusamareeb iyo Baarlamaanka iyo u jeedka iyo heelka Madaxweynaha aan cidna gar indhihiisa.

05/08/2020

𝐌. 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐚𝐣𝐨 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐫𝐚'𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐇𝐚𝐰𝐢𝐲𝐞 𝐰𝐚𝐱 𝐤𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐚 𝐥𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱 𝐮 𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 (𝐇𝐚𝐥-𝐱𝐢𝐫𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐚𝐚𝐧 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲𝐧).

W/Q: Cabdifataax Imaam

M. Faramaajo wuxuu ra'isul wasaare ku keenayaa qaab la tashi iyo qancin ku salaysan asagoo la tashanaya qancinayana Qabiil, maamul iyo xulufo siyaasadeed mid ama dhammaan.

Aragtidaan Dadbadan ayaa qaba kuna doodaya, waan diiday doodaas waana ka hor jeedaa gabi ahaanba sida aad ka dhedhemin karto cinwaanka aan faalada u sameeyay.

Waxaan ku diidayaa oo doodayda ku adkaynayaa qodobadaan soosocda;

Ra'isul wasaare iyo Madaxweyne laysu keenay ma wada shaqeeyaan mana wada shaqayn karaan, arrinkaasna waxaa wax naga baray taliskii M. Xassan Shiiq oo dhawr ra’isul wasaare isu daba mareen,

Madaxweyne Farmaajo qof loo keenay waxba lama qaybsan karo mana fahmi karo,

Madaxweyne Faramaajo xilli adag ayuu ku jiraa, waxna lama qaybsan karo qof ay keen sadeen xoogag siyaasiya keensadeen.

Soomaaliya waxaa wax lugu qaybsadaa 4.5, kuraasta Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa qayb u heli jiray sida badan Hawiye iyo Daarood. Marka Beeli hesho kursiga madaxweynaha Beesha kale ayaa la yiraahdaa keensada nin aad isku raacsantihiin oo laga la siiyo kursiga qoondada idinkugu soo aaday. Ra'isul wasaaraha sidaas ku yimaadaa wuxuu isbidayaa awood iyo in uu ku fadhiyo kursi Beelu qayb u heshay.

Xukuumaddii Xassan Shiiq sababihii ay u yeelatay 3 ra'isul wasaare waxay aheed in ra'isul wasaarayaashu ahaayeen kuwo ay saamayn ku leeyihiin Beelo markii h**e madax waynuhu ka talo geliyey xulista ra’isul wasaaraha. Arrintaan waa arrin uu Faramaajo ka qaatay cashir wayn waana iska jiro in uu ku dhaco dabinkii Xassan Shiiq ku dhacay.

M. Faramaajo markii uu Khayre magacaabayay marinkaan awal ra'isul wasaaraha lugu soo xuliijiray waa ka meertay waana tan keentay in ay 3sano wada joogaan Xassan Khayre ayaa la oran karaa.

M. Faramaajo ayadoo aan cidna la tartamayn oo Caleemo qoyan loo ruxayo ayuu cidna wax ka maqli diiday lana tashan diiday, ma maanta oo xaalkiisu halka la ogyahay uu marayo ayuu qof la tashanayaa?!!!

M. Faramaajo waxaa la taliya, lataliyayaal dhagartii ka batay oo aan cidna aaminin, marmarka qaar waxay qaataan go'aamo xaasidnimo abtirsi ku leh. Waxaad ka garan kartaa sida Geeska loo geliyo warbaahinta iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda M. Faramaajo inkastoo uu meesha ka baxay Khayre oo asna aan duca qabe ahayn oo ku tiirsanaa la taliyayaal ay ka mid yihiin Prof. Yaxye Hareeri nin lugu magacaabo oo runtii saamayn badan ku lahaa siyaasaddii ay Nabad iyo Nolol wax ku dhaqijirtay. Lama hubo in Yaxye laga nefiso doono uu jabadka ka baxay.

M. Faramaajo Ra’isul wasaare k**a keeni doono jahooyinka laga filayo sidoo kale uma badna in uu ka keenayo beelaha tunka waa wayn ee saamaynta iyo awoodda isbidaya hadduu ka keenana asaga laftiisa ayaa kala kulmi doona caqabad ra’isul wasaaraha uu keeno.

Sida duruuftu tilmaamayso M. Faramaajo ra’isul wasaaraha uu keeni doono wuxuu ka eegi doona waxa uu asaga u galo iyo sida uu u fulin karo siyaasadihiisa ay ka mid tahay qof iyo cod u jeed leh, haddii la waayana muddo kordhin inta ugu badan ee la heli karo. Xiliga xukuumadda M. Faramaajo Kursiga ra’isul wasaaraha waxaa qayb iyo qoondo ku timid 4.5 u leh Hawiye, Dadka qaar ayaa tuhmaya in M. Faramaajo raadinayo ra’isul wasaare Hawiye wax ka gala laakiin aan wax u gelin, waa hal-xiraale adag oo aan la furi karin. M. Faramaajo isma fahmayaan ra’isul wasaare kursiga madaxweynenimada u hanqaltaagidoona doorashada soocota maadaama uu asagu rabo kursiga. Hawiye waxay si wayn u raadinayaan kursiga madaxdeynenimada ninkii kursigaas soo dhicin karaana waa nin wax u gala.

Waxaa xusid mudan in laga yaabo in uusan M. Faramaajo uusan ra'isul wasaare kusoo magacaabin mudada dastuurku tilmaamayo oo uu baarlamaanka muddo kororsi ka qaato sida laga dareemayo dhaqdhaqaaqa siihayaha xilka ra'isul wasaaraha oo isu muujinaya in uu hawlaha xukuumadda iska xajin karo.

Ra’isul wasaarihii h**e Xassan Khayre wuxuu ahaa nin karti leh oo Kursigiisa iyo Kurisga madaxweynaha wax u gala Hawiyena wax ka gala laakiin aan wax u gelin Hawiye.

Soomaaliya waxay u baahan tahay madax Cadaalad ku dhaqda waxna ugu qaybisa ee aan Beel gaar ah u adeegin, tusaale; diblumaasiyiina Soomaaliya waxaa u badan 2 Beelood, hal beel ayaana ugu sii badan, waxaanoo kale waa waxa keenaya is aaminaad la’aanta mana loo baahna in madaxdu sidaas wax ku dhaqdo.

02/08/2020

𝐌𝐈𝐈𝐒𝐀𝐀𝐍𝐊𝐈𝐈 𝐋𝐀𝐘𝐆𝐔 𝐐𝐀𝐋𝐐𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐄𝐄 𝐐𝐈𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀 𝐈𝐈𝐆𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘

𝐅𝐚𝐥𝐬𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 dahabiga aheed ee dadka lacagta looga gurtay iyo sidii laftayda la iiga qaaday lacagta ayaan idiin kaga sheegayn doonaa anoo sheekada dhawr qaybood ka kala dhigitoona si aadnan ugu caajisin, illaa sedex qaybood ayaan ka dhigay.

Muqdisho laba nin oo miisaanka dadka lugu cabiro ku shaqaysan jiray oo aan ku arki jiray mid Bakaaraha midna KM4 illaa KM5 inta u dhexaysa, waxay noqdeen dadkii iigu falsafadda badnaa marka laga hadlayo Badeeco gadista iyo socod siinta Suuqa.

Nimankaan waxaan sidaan ku qiimeeyey ka dib markii aan wax ka bartay Badeeco/Adeeg gadista oo xoogaa cilmi ah iiga baxay. In aad Badeecadaada ama Adeegaaga socod siiso ayadoo aysan waxba u socon Dadka kula mid ka ah ee adeegaagoo kale bixiya wax sahlan maahan.

𝐐𝐢𝐬𝐨 𝐐𝐨𝐬𝐨𝐥 𝐁𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚

Aan diin kala baxo Sheekada ragaan aan sheegay iyo adinka anoo isku deyaya in aan sideedii idiinkugu sawiro sidii in aad goob joog u ahaydeen.

Waa galab Qoraxdu baalka sii dhigayso oo ay jawiga dhan dhiin guduudan ka dhigtay, waxaan marayaa Isgoyska Benaadir, dhismaha Wakaaladda biyaha hortiisa. Waxaa waxaa Ishaydu qabtay Dad laamiga dhiniciisa dhooban. Waan ku leexday, Dadka waxaa dhex boodboodaya nin jir yar oo caato ah, afkana Ubur ka dhoobaya oo kiishad yar ay ugu jirto lacag shilin Soomaali ah oo qiyaastii kunkun ama mayee laba labo iskugu duuduuban Kellida uga lulato, korkiisa hadaad eegto dandarro naffeed, mid jireed iyo mid arrad intuba waa ka muuqdaan.

Dadka ku xoonsan way wada qoslayaan, miyirkoodu wuxuu ku maqan yahay nin inta caloosha tunburyo looga dhiftay amar lugu siiyay in uu si degdeg ah u koro makiinad midda dadka lugu cabiro ah oo duug ah oo ciidda baalka kula jirta, waxa tunburyada ku dhifanaya oo amarka bixinayaa waa ninkii ugu tabarta yaraa inta meesha joogta ee aan horay Isha ugu dhiftay. Ninku sida uu Dadka fiirinayo iyo sida uu Sanka u taagayo waxaad moodaa in uu balaayo damacan yahay, meel istaagi maayo, wuxuu si saa'id ah u isticmaalayaa Tamar aanan u jeedin meel uu ka qaadanayo korkiisana aan iiga muuqan, waa naf Neef ka dhawr ah oo aan is iri amuusan si dhamaystiran u naafsan karin?. Afartiisa Addin oo laysku duubay ma dhama halkayga Adsin sidaan qiyaasay naftaydu ma waawaynaan badni oo Indhaha dadka ma buuxiyo, hadana ninkaani iga sii daran.

Ninkii miisaanka sii fuulayay markaan imaanayey oo ka soo dagaya ayaan Isha ku soo celiyay asagoo ka soo degaya Miisaankii, markiiba wuxuu muujiyay qanaaco oo asagoo fajacsanna dhanka kale u degay lacagna bixiyay. Wuxuu ku biiray dadkii meesha xammaasadaysnaa. Dadka shaqadoodu waxay tahay baan is iri in ay dadka ku dhiiri geliyaan in ay Miisaanka fuulaan, waayo, qofkii Waddada maraya iyo kii yimaadaba ayakaa u yeerayey oo lahaa "kaalay ninkaan laga yaaban yahay u imaaw" qofku marka uu yimaado oo uu ku soo leexdo Gacan haatiska wadarta meesha dhooban, hadana uu arko waxa ninka lifta yari sheegayo, waxaa dhalaysa ka dabata waxa la sheegayo oo tijaabi. Waan u fiirsaday, waxaan is iri amay raggu shirko yihiin oo wuxu TuRurubkii Ceelgaabta oo kale yihiin?. Hadana anaa isu jawaabo oo waxaan isku qanciyaa Ragga meesha dhooban iyo waxa ninku qaadayo wax shirko lugu noqon karo maahan ninka laftiisuna wax shirko lala noqon karo maahan.
Mid kale ayaa loo yeeray, waxaa la soo taajiyay meel bannaan oo Dadku ka kala si kadeen, markii qofku halkaas oo istaago ninka aan sheegay ee nafta yar ayaa qofka ku wareegaya asagoo Indhaha ku gubaya, suu ugu wareegayo ayuu mar qura meel ku aadan Xuddunta ayuu Gacantiisa jug uga siinayaa suu ku oranayaa waxaad tahay intaas oo kiilo fuul miisaanka qofku intii ayuu noqonaya, waxaase mushkilad ah sida uu gacanta ugu dhifanayo, qofku waa gariirayaa oo meesha uu markaas Cagaha ku hayo waa ay ka qaadmayaan. Ujeedka uu ugu dhifanayo sheekada qaybaheeda danbe ayaad ku ogaan doontaa. Qof aan jugtaas lugu dhigan fuulimaayo Miisaanka.

Waxaa la soo gaaray xilligii anigana laysaari lahaa, malaha waxaan is iri waxaa tahay ninkii ugu madaxa adkaa ee soo mara, waqtigii ugu badnaa ee qof meesha yimaada is dhangiijiyana waad is dhangiijisay, markaan waxaa xoogaa i jilciyay, arrinta ninka
Dadkii oo dhan waxa uu sheego ay noqonayaan ama ay ku dhawaanayaan, lacagtii oo iigu jirtay jeeb hoose ayaan kala qaybiyay oo aan qoondadiisii soo geliyay jeebka kore, illeen ninkaan seerayn maayo oo lacagi in ay san ii baaqanayn way muuqataaye.

Markaan lacagta soo diyaarinayey ee aan kor soo gelinayay qoondadiisa ayaa kuwii orinayay kii ugu fudaydka badanaa Isha igu dhiftay oo iga arkay meel laba qof dhexdeed ah oo cariiri ah, malahaygana wuxuu iska dhaadhiciyay oo u qaatay in aan diyaar ahay oo hallay saaro aan leeyahay, meeshii yareeduu isku soo majiiray asagoo leh………… Dabadeed waxaa dhacay tii ugu darned. Qaybta danbe ayaad ku ogaan.

Sheekadaan waxna waan ka tegay waxna waan ku daray oo sideedii in aanan u xusuusan oo aanan u sheegin waa jirtaa laakiin ninkaan waad ila aragteen ayaan filayaa?.

W/Q: Cabdifataax Imaam

Photos from Abdiwali Mohamed Ahmed's post 31/07/2020

𝐃𝐢𝐛𝐥𝐮𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧 ayaa maanta shirka golaha wasiirada gabranaa (dhoobnaa), ma aqaan u jeedka.

W/Q:

Waxaa xusid mudan ajandayaasha looga hadlayay shirka golaha wasiirada ee maanta, waxaa u badnaa ajandayaal diblumaasiyadeed waxaana aad loogu raftay heshiisyo u dhexeeya wadamada kulaala gacanka iyo kuwo ka baxsan, maaqaan ujeedka laga lahaa. Diblumaasiyiinta aan uga jeedayey shirka waxaa ka mid ahaa, kuwo aftidooda ay soo diideen wadamo safiir ahaan loogu diray. Maaqaan waxay ay maanta qabanayeen.

M. Faramaajo waxba k**a xumaadaan waa dad jecelyay sida aan is iri.

Shirka golaha wasiirada ee maanta la qabtay wuxuu ahaa mid siyaasadaysan oo lugu qaabaynayey ra'yul caamka beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed, waxaana looga gollahaa siyaasado dahsoon oo M. Faramaajo leeyahay curintooda.

Shirku wuxuu sawir ka bixinayay in la muujiyo in aysan wax isbedel wayn ah iyo hakad ah toona ku imaan hawlaha xukuumaddii horay looga aqriyay warqadda in ay fashilantay, waxaase ka hoosbaxday madaxweynaha in shaki laga qaadi karo arrintaas ah, xukuumad fashilantay hadana fariid laga dhigayo.

Mudane Hassan Ali Khaire iyo M. Faramaajo siyaasad ayay falkiyeen taasoo aan hadda la dareemi karin.

M. Faramaajo kursiga ra'isul wasaarenimada ee uu Hassan Ali Khaire ka qaaday wuxuu ku raadinayaa qiime ay ugu yar tahay 2 sano oo muddo kordhin ah, wuxuuna siinayaa ciddii arrintaas wax ka hirgelin kara oo qiimahaas keeni karta.

Xukuumaddii OPM Somalia Khayre wali sidii ayay u shaqaynaysaa maantana waxay mariyeen ajandayaal dhul-gariir ah markii loo eego kuwii ay waayihii danbe marinayeen, waxaa imaanaysa su'aal ah; haddii Khayre fashilmay ma kaligiis ayaa fashilmay mise wasiiradiisa ayaa la fashilmay, waxaa muuqata in uusan Khayre fashilmin ee uu qiime seestay kursiga. Hadaba haddii M. Faramaajo kursiga ku rabo qiime ay ugu yar tahay 2 sano oo muddo kordhin ah iyo wixii lugu dari karo, qiime intee la eg ayuu Khayrana siistay kursiga?.

Sida habsamida leh ee ay u socdaan hawlaha xukuumaddii Khayre ka cararay waxay muujinaysaa in uusan Khayre fashilmin ee asaga iyo M. Faramaajo oo ay wehliyeen jalaayaal kale ay sameeyeen riwaayad daawashadeedu ay noo bilaabatay maalinkii Isloow Ducaale jejebiyay qaar ka mid ah hantidii qaranka ee taalay Villa Hargeisa mooshinka dadbanna laga keenay Khayre kaligiis.

Adigoo degen aragtidaada dhiibo si xushamad iyo dulqaad ku jiro.

25/07/2020

𝐖𝐀𝐐𝐓𝐈𝐆𝐈𝐈 𝐃𝐀𝐇𝐀𝐁𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐇𝐀𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐁𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀

w/Q: Cabdifataax Imaam

xukuumadda Hassan Ali Khaire Nabad iyo Nolol waa marka ay siyaasadda dalka hogaamiyeen qurbajoogtii ugu badneed abid ee dalka hogaamisa.

Diyaasbaradu waxay hogaamiyaan hey'ado dastuuri ah iyo kuw aan ahayn sidaasna waxay ku ciyaareen door muhim ah.

Aan ku billabo e madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo) dhawaan ayuu tuuryo ku xaabiyay baasaboor dalka maraykan ka ah.

1- Ra’isul wasaaraha dalka mudane Xassan Cali Khayre wuxuu haystaa baasaboorka dalka Norwey.
2- Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad wuxuu hastaa baasaboorka dalka Kanada.
3- Wasiirka wasaaradda qorshaynta Jamaal Maxamed Xassan wuxuu wataa baasaboorka dalka Kanada.
4- Wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre wuxuu haystaa baasaborka dalka Kanada.
5- Wasiirka duulista hawada sare Cabdullaahi Salaad Oomaar wuxuu haystaa baasaboorka dalka Kanada.
6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin waxay haysataa baasaboorka dalka Kanada.
7- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac wuxuu haystaa baasaboorka dalka Kanada.
8- Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiqi Warfaa wuxuu haystaa baasaboor dalka Maraykanka.
9- Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xassan wuxuu haystaa baasaboorka dalka Denmark.
10- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs. Fawziya Abiikar Nuur waxay haysataa baasaboorka dalka Talyaaniga.
11- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu haystaa baasaboorka dalka Maraykanka.
12- Wasiirka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac waxay haysataa baasaboorka dalka Tanzaaniya.
13- Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalaynta Eng. Cabdi Maxamed Sabriye wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.
14- Wasiirka amniga gudaha Abuukar Maxamed Islow wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.
15- Wasiirka wasaaradda cadaaladda Dr. Xassan Xusseen Xusseen wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK
16- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib-u-dhiska Cabdi Aadan Hoosoow wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.
17- Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Xamza Macalin wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.

Wasiirada xukuumadda Xassan Khayre waa 25 sawiir markii aad fiiriso inta qurba joogta aheed waa tiro aad u badan waxayna tusaale cad ka tahay kaalintoodii hogaamineed waana mid aan la inkiri karin.

Waxaa intaas sii dheeraa sawiiro xigeenada, wasiiro dawlayaasha, agaasimayaasha iyo xildhibaanada diyaasbarada ah.

Dad ayaa ku dooda waxaa daka ku soo laabtay diyaasbaradii aan tayada ahayn ee tafiwaayay nolosha adag ee tartanka ku dhisan ee qurbaha, ku waasoo halkaan miciin biday.

Waxaa xusid mudan in diyaasbaradu doorka ciyaaraan yaraynta faqriga oo ay soo diraan bishii lacago gaaraya 1.4 bilyan sida Bangiga aduunku sheegay, waxay sidoo kale doorka ciyaaraan hal abuurka iyo soo kordhinta ganacsiyada wax ku ool ka ah. Arrintaan oo faahfaahsan mar kale ayaan ka hadli doonaa.

Waxaa iswaydiin mudan mar haddii madaxweynuhu tuuray baasaboorkii ajaanibka ahaa arrimo la xiriira damac siyaasiyo iyo olole siyaasadeed mardiidi doonaa in xukuumadda soo socota soo gasho qurba joog farabadan?.

Haddii arrintaan madaxweynuhu siyaasadeeyo waxay gabalka ayaa ku dhici doona diyaasbarada waxayna u noqon doontaa rajo xumo.

Aragtidaada waad nugu dari kartaa.

22/07/2020

Magaca 𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛(n) halla bedelo.

W/Q: Cabdifataax Imaam

Tilmaanta makaanka Dhuusadu marto iyo magaca caasimadda Galmudug qarka ayay isu saaranyihiin waxayna ku kala duwan yihiin oo kaliya N iyo Bda udanbaysa. Bda hadaad Nda ku qaladdo waxa aad sheegaysaa waa makaanka Dhuusadu marto ee maahan caasimadda.

Magaca bixintu waa falsafad Alle baray adoomadiisa oo kala garasho loo isticmaalo.

Magac bixintu waa qadiyad dhulma-dhacdo ah, waxaana ka hadlay oo ka dardaarmay Nabigeenu NNKH, wuxuu dardaarmay in magaca loo hagaajiyo caruurta marka magaca loo doorayo.

Culumada ku xeel dheer magac bixinta ganacsigu (branding) waxay dhahaan marka aad magac ganacsi u bixinayso waa in aad ka dheeraysaa magacaas, dhammaan magacyada liidashadu ka muuqank arto ee u ekaan kara ama dadka kusoo dhici kara ama lugu hafri karo.

Halkaas waxaan ka daliishan karnaa in ay haboontahay in asataamaha bulsho ka dhexeeya magacooda la hagaajiyo.
𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛(n) waa magaalo caasimad u ah bulsho waynta reer Galmudug State House waana astaan goboleed.

𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛(n) horay wax laysagama waydiin magaceeeda laakiin dadku xoogaa wayka yara qajili jireen, dadka aan deginna su'aalo ayay ka keeni jireen magacaan.

𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛(n) magaceeda hadda doodo iyo su'aalo ayaa ka yimid waana ma hurto in la bedelo, waxaa adeegsan doona si talantaali ah warbaahinta dunida oo dhan inteeda Soomaaliya danaysa.

𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬o𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛(n) magaca ah wuxuu qarka u saaranyahay tilmaanta makaanka Dhuusadu marto oo ah Dhuuso-mareen waxay ku kala duwan yihiin oo kaliya xarfaha N iyo B oo labadooda u danbaysa.

Xarfaha N iyo B marka lafiiryo Keybord-ka wax laga qoro isku meel ayay ku yaalaan waana isku xigaan sida badanna waa laysku qaldaa oo waxaad arkaysaa qof rabay in uu B qoro oo qoraya xarafka N.
Ka waran qof rabay in uu qoro Dhuusomareeb hadduu sameeyo khalad qoraaleed (type error) oo uu xarafka B uu ku bedelo xarafka N?, makaankii dhuusada ayuu isku siidaynayaa qofkaas.

Ujeedka qofkaas Bda qalday ee Nta qoray wuxuu noqonayaa nin sheegaya tubada dhuusadu marto ama kasoo baxdo.

Tubada Dhuusada iyo magaca caasimadda halla kala leexiyo, hana loo bixiyo caasimadda Daarusalaam. Haddii la diidayo magac dhoof ku yimidna tuulooyin magac qurxoon ayaa u dhawe mid ha looga soo amaahdo.

Gudoomiya degmada Dhuusamareeb(n) ama duqa caasimadda Galmudug waxaan farayaa in uu arrintaas u qareemo oo uu dadaalkiisa laba jibaaro makaanka dhuusada iyo magaca caasimadana kala dheereeyo.

BARAHA BULSHADU WAA HUBKA MAANTA: KU DANAYSO OO KU DAGAAL ~ CABDIFATAAX CALI CABDALLA "IMAAM" 23/06/2020

Baraha bulshada waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin kala duwan, wax ka fahan u jeedooyinkaas.

Maqaalka waxaa qoray

BARAHA BULSHADU WAA HUBKA MAANTA: KU DANAYSO OO KU DAGAAL ~ CABDIFATAAX CALI CABDALLA "IMAAM" BARAHA BULSHADU WAA HUBKA MAANTA: KU DANAYSO OO KU DAGAAL Cabdifataax Imaam 12:32 AM Cabdifataax Imaam HUBKA MAANTA WAA POST YADA, MAQAALADA, BUUGTA IYO SHORT-FILMS-KA. TIGNIKADA MAANTA WAA TV YADA IDAACADAHA, IYO PAGES-KA BARAHA BULSHADA. From Google Dagaal qabiil ayaad maqli jireen, waxaad sidoo k...

No! ‘UN Academy of Somalia’ not UN affiliate-UNSOM spokesman 18/05/2020

Regarding the falsified announcement by the UNSOM Spokesman on (UNAS) creates new public distrust among the society particularly when it comes to emerging new ventures but in my point of view, this needs to evaluate some complex things on UNAS.
For example UNAS team claimed that the Academy is free and will charge only $50 one time with potential candidates, so if this is not sponsored International institution how do they able to manage their running cost let alone even other business income?
Here, Mogadishu UN works strongly and even collaborates with public institutions including Ministry of Higher Education FGS, thus how can these guys say simply are affiliate of UN while fact is far apart from the truth? Could we think that Spokesman's information is not final yet?
We would need to wait another source of critique on the subject of matter.

No! ‘UN Academy of Somalia’ not UN affiliate-UNSOM spokesman The UN has dissociated itself with a learning institution in Somalia purporting to be affiliated with the global body. UN Mission in Somalia (UNSOM) spokesman Ari Gaitanis has told Goobjoog News th…

16/05/2020

Please follow my Twitter.

www.twitter.com/abdiwalima

Twitter. It's what's happening. From breaking news and entertainment to sports and politics, get the full story with all the live commentary.

15/05/2020

In garaadka laga koraahi waxay saldhig u tahay in isbedel bulsho oo sal adag la gaaro, balse markii wacyiga bulshadu hooseeyo waxay wehel u noqotaa tusaalooyin geeda kore saaran oo aysan noloshooda ku dabbaqi karin.

Maanta waa 15-ka Maajo waxayna ku beegan tahay 77-guuradii ka soo wareegtay maalinkii ay 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku dhawaaqeen halgan ummadeed oo xorriyad iyo xaq u dirir ku saleysan ayna sunteen erayada laga soo gaabiyey 3-da xaraf ee SYL (Somali Youth League).

Maanta waxaan aqriyey in ka badan 100 farriimood oo qoraallo iyo cod isugu jira oo la xariira hambalyada iyo waynaynta maalinta 15-ka Maajo (May), marka aad fiiriso nuxurka farriimuhu waxay ahaayeen kuwa isu dhow oo ku saleysan in guushii SYL ay min bilow iyo dhammaad ay tahay wax sax la' oo ay guul ahaan lahayd haddii lagu sugnaado intii ay ayagu mareen ayna ku dayasho fiican tahay dhaqankoodii min bilow ilaa dhammaad.

Anigu waxaan leeyahay si la mid ah intii aan soo sheegay ee hambalyeysay, wayneysay, maamustay maalinkaas hambalyo 15-ka May waayo waa taariikh Soomaaliyeed oo ay tahay in la xasuusto, si soo yaalkaas taariikhiga ah looga amba qaado halgammo rogaal celis iyo laba kaclayn ah loona gaaro himilooyin aan h**ey loogu riyoon iyo kuwa la qabyeeyey loona saxo wixii ay qaldeen kuwa taariikhdii ay sunteen la raad raacayaahi.

DHALIIL.

Waxaan u arkaa inay tahay nasiib darro wayn in maalmaha xoriyadda, maalmaha faystada, iyo dhammaan maalmaha taariikhiga ah aan u xusno kaliya taariikh ahaan in loo sheeg-sheego oo aan sacab iyo mashxarad ku dhaafno oo aanan lahayn ujeeddo iyo halbeeg ka durugsan in calendar-ku soo gaaro maalin ku beegan maalinka maalinkiisa kale.
Waxaa muhiim in maalinkasta oo taariikhi ah oo ay tahay in la wayneeyo gaar ahaan kuwa halganka xorriyadda la xariira la soo bandhigo tusaalooyin nool oo la xariira dhankoodii tognaa iyo koodii tabnaa (positive & negative), waayo tusaalaha lagu yaqaan bulsho dambeysa waa in loogu qudbeeyo taariikho dhinac ka raran iyo guulo uusan jirin jawigii rasmi ahaanshohooda wax laysaga waydiin lahaa.

Tusaale ahaan haddii aan SYL fiicnaan iyo wanaag kaliya ku xusno muxuu noqonayaa higsigeenna rasmiga ihi? Ma waxaan dhiirrigelineynaa in ay banaantahayez in la qaa'imo halganka umadda? Ma waxaan dhiirrigelineynaa in ay caadi tahay in ay danaha gaarka ah ee madaxda halganka iyo masiirka ummaddu isku jaango'aan? Ma waxaan dhiirrigelineynaa in halganka aan laga fiirineyn natiijo iyo miro dhal la xisaabin karo ee laga fiirinayo magac muuqaaleedka?

Anigu waxaan qabaa in si ummaddu u noqoto mid garaadka iyo garashada ka horumarsan ay nuxur ahaan si fiican u fahmaan meeshii uu ku dambeeyey halgankii SYL, hab dhaqankii ay la soo bexeen madaxdii xisbigii Leegada iyo sidii ay ugu dambeyntii ay isugu milmeem Leegadii iyo gumeysigii, si dhallinyaradu u hesho tilmaamo cad iyo taarikh hufan oo ay qeybna ku daydaan qeybna dib u sixiddeeda halgan laba kacleyn ugu galaan.

Ugu dambeyn waxaan kula talin lahaa hoggaanka dalka iyo haldoorka kale ee isu xilsaara maamuusidda maalmaha taariikhiga ah ee dalka iyo dadka in si xikmad iyo cilmi ku dhisan oo u qalanta waxbaridda, jihaynta iyo kobcinta garaadka bulshada lagu jaangooyo loona diyaariyo barnaamijyo aan ahayn qudbado qalalan oo ka mug iyo miisaan wayn "SOOMAALIYA HA NOOLAATO".

Bulsho qaangaartay maalin taariikhi ah isuguma timaad ayadoon soo bandhigayn qabyo jirtay sanadka tagay waxa uga qabsoomay mana kala tagto ayadoon astaysan tallaabooyinka ay tahay inay ku guuleysato sanadka la galay, haddaba aqriste adigoo ka duulaya aragtidaas ma xasuusan kartaa wax madaxda Soomaaliya 15-kii May 2019 noo sheegeen in ay tahay qabyo daboolis u baahan oo salka ku haysay qabyo ka dhalatay shaqadii iyo habdhaqankii Leegada? Mise sheegi kartaa wax ay tahay ugu yaraan inaan faham u yeelanno marka la gaaro 15-ka May 2021 oo maanta madaxdu noo astaysay?

GABANGABO

Aragtidaan waa la naqdin karaa si cilmi iyo xikmad ku dhisan waaqica bulshadana ku salaysan.

W/Q. Abdiwali Mohamed Ahmed

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu
Other Public Figures in Mogadishu (show all)
Somalia Somalia
Mogadishu

Everybody who love their homeland more than anything, this is the place you can share you views with

Hon. Ibrahim S. Ahmed Hon. Ibrahim S. Ahmed
Mogadishu, 252

Goodwill Ambassador for Mogadishu and Somalia promoting the United Nations SDGs through Globcal International.

SVO (Steadfast Voluntary Organization) SVO (Steadfast Voluntary Organization)
Near Safari Hotel
Mogadishu, 252

Steadfast Voluntary Organization better know as SVO is a non-profit, non-political, non- governmenta

Somaliboy Somaliboy
Taleex Street Mogadishu
Mogadishu

🛑YouTuber 👉 https://youtube.com/@Somaliboy

Prof zaki Ahmed Prof zaki Ahmed
Mogadishu

Degelsame Properties Degelsame Properties
Number 4
Mogadishu

gacmo furan ku so dhawaada sxbyaal

Abdallah Yousuf Abdallah Yousuf
Dhuusamareeb
Mogadishu

U dhaqdhaqaaqaha bulshada

Eng saalax Eng saalax
Mogadishu, 252

WAXA KAHELAYSA INSHA ALLAAH MUQALO KURALI GELIYA FOLLOW HAKA BAQIILIN MAHADSANID

Xaafid Januzaj Xaafid Januzaj
Mogadishu

Welcome to my page Xaafid Januzaj halkan aan ka wada socono my fans walalaha Soomaliyeed 👍🇸🇴🇸🇴

Caliciid Caliciid
Mogadishu, 252

qanciye

Dalmar Wadani Dalmar Wadani
Mogadishu

┏━━━━━°�•°�°•━━━━━┓ 🕋 ☆ NABI MOHAMED ☆ 🕋 ┗━━━━━°�•°�°•━━━━━┛