Horn Africa Media

Islam is peaceful and prosperity Aankhiraa war jiraa

12/10/2023
11/08/2023

Maalmahan waxaan ahay Mashquul, laakiin waxaan halkan usoo galay inaan salaan diiran u diro dadkii Muxtarimka ahaa ee odhan jiray "Somaliland loo biqimaayo oo Illaahay baa ilaashanaya, Cidii Somaliland kahor timaadana Cuquubo ayaa ku dhacda"

Haa, intaanan ka bixin waxaan ilaaway inaan salaamo Madaxweynihii adkaa Muuse Biixi, waxaa iigu dambaysay iyadoo layidhaahdo "Madaxweynaha cid uu dhegaystaa ma jirto iyo lama af-garto" Laakiin hada uu leeyahay waa lay fahmaa! Madaxweyne hayna ceebayn laguma fahmo waxaad tahay nin adag! waxaan ku xasuusinayaa Madaxweyne kolay waad xasuusan tahay e, gacantaadi birta ahayd maanta innagu badbaadi.

11/08/2023

Shacabka ceerigaabo oo ka dhiidhiyey dulmiga gelitaliska muuse biixo

11/08/2023

Cidna Isma oranin: bilo kahor Somaliland gudaheeda waxa maanta ka dhacaya ayaa imaanaya, waxa socda, ee dhimasho dhaawac iyo Olalka wadooyinka!

Waase dulmiga iyo wajigiisa dhabta ah!!

Maanta haddii ay ka maqan tahay berri sug!

📌Kuwa badan oo December ilaa maanta Madaafiicda Laascaanood kudhacaysa kufaraxsanaa ayaa qoraya erayo aan aheyn kuwii ay shalay lahaayeen, dadku waa wada Soomaali, waana dulmi weyn sideedaba in dulmi dadka lagu leynaya aad u aragto wax fiican!!

Horn Africa Media

11/08/2023

Jabhada ha joojiso meydadka ay soo sawireyso taasi dhaqan dagaal maaha

11/08/2023

Jabhaddu ha joojiso Maydka ay sawirayso dhaqankaasi maaha mid dagaal iyo mid difaac toona.

11/08/2023

Magaalooyinka waa weyn ee soomaaliland sida Hargeisa Burco iyo ceerigaabo waxa hadda ka socdo mudaharaadyo waa weeyn oo lagu daageeraauo jabhada garxajis ee ku jirto buurkta gacanlibaax

Horn Africa Media

11/08/2023

Somaliland; Ciidamada maamulka iyo Jabhadda Beesha Garxajis ayaa dagaal culusi ku dhexmarayaa Buurta Gacanlibaax.

11/08/2023

DEGDEG; Dagaal culus oo u dhexeeya Jabhadda xoogagga Gacan Libaax iyo Maleeshiyaadka Korneyl Biixi ayaa ka socda Tuulada Go'da yar oo 120Km u jirta Hargeysa.

Horn Africa Media

11/08/2023

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee JFS Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta qado sharaf ku casuumay dhammaan xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto maamulka K/Galbeed.

Lama soo warrin ilaa iyo hadda ajandaha kulanka balse waxii kasoo kordha arrimaha ku aaddan shirkaan bartaan isha ku haay.

Horn Africa Media

10/08/2023

:- Jabkii ugu weynaa ayaa maanta gaaray AS kadib markii laga gubay saddex xaruun oo ay ku lahaayeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Saddexda xaruun ee la gubay waxa ay kala yihiin Garaash uu ugu kaydsanaa waxyaabaha Qarxa, Kayd hub iyo meel kale oo ay ku kaydsan jireen agabka caafimaad.

Ciidamada Qaranka ee ku howlan la dagaallanka iyo ciribtirka Khawaarijta ayaana howlgalkaan fulliyay.

Horn Africa Media

10/08/2023

Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa fasaxay kulamadii Golaha Wasiirrada Galmudug, isagoona faray in ay furimaha tagaan, kana qeybqaataan xoreynta Galmudug.

Kulankii ugu dambeeyay ee maanta waxaa Golaha Wasiirrada shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo kasoo faaruqay kulamadii odayaasha dhaqanka, Culimaa'udiinka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug uu baryahaan la lahaa.

Madaxweyne Xasan ayaa saacadaha soo aaddan ku dhawaaqi doono amar culus, kaas oo ay ku dhaqaaqayaan ciidamada qalabka sida.

Horn Africa Media

09/08/2023

Idris Altesto ayaa saacad ka hor Hargeysa laga tarxiilay. Xamar ayaa loo masaafuriyay.

09/08/2023

DEGDEG; Jabhadda garxajis waxay la wareegtay degmada Oodweyne.

04/08/2023

Galmudug oo isku diyaarisay in ay noolaato Khawaarij la'aan.

Magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhammeystirka wajiga koobaad ee howlgalka khawaarijta looga sifeynaayo deegaannada ay kaga hareen Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dhaqaaqday ku garabsiinta howlgalkaas bulshada ku dhaqan Galmudug, halkaas oo lagu wado in uu berri gaaro madaxweynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud, waxeyna wararku sheegayaan in madaxweynuhu uu dalbaday in uu lug ugu laabto Muqdisho, ayna qasab tahay in khawaarijta laga xoreeyo Galmudug iyo Hirshabeelle inta uu joogo Dhuusamareeb, si loogu gudbo wajiga 2-aad oo lagu xoreynaayo KGS iyo Jubbaland.

Deegaannada Galmudug ay kaga harsanyihiin Khawaarijta ayaa loo arkaa in ay muhiimad weyn u leeyihiin istaraatiijiyadda dagaal ee kooxdan looga ciribtiraayo dalka, waana goobaha kaliya ee la aaminsanyahay in ay isku adkeyn doonaan sababo la xiriira.

1- in ay yihiin dhul howd u badan, gabbaadna u ahaan jiray madaxda ugu sarreysa kooxdan.

2- in uu yahay dhul aan xuduud u dhaweyn, kana fog xuduudaha uu dalku la leeyahay Kenya iyo Ethiopia.

3- in ay xeebtaa dheer kala soo dagi jireen hubka iyo qaraxyada, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay uga imaan jireen dalka Yaman.

4- in deegaannadaan ay yihiin kuwa kaliya ay kooxdu u aragto in ay ka heli karto dad u dagaalama aadna u mayal adag.

Kooxdan khawaarijta ah ayaa gobolada dhexe ku joogtay iska hor-keenka qabaa'illada daga, taas oo ay u arkeen in ay tahay midda kaliya ay kusii cimri dheereysan karaan, waxaana muuqata in ay taasi meeshi hadda ka baxday, maadaama madaxdii, odayaashii, culimaa'udiinkii iyo waxgaradkii beelaha daga deegaannada ay ku hareen hadda ay caasimadda Dhuusamareeb uga tashanayaan aayaha deegaannadaas Khawaarijta ka dib iyo maamul u sameyntooda.

Sidoo kale abaabul xooggan ayaa ka socdo gobolka Mudug, halkaas oo ay isku diyaarinayaan dadka deegaanka oo fursad weyn u arka garabsiinta dowladda.

Galmudug oo hadda ah maamul ay mideysanyihiin ciidankiisa iyo canshuurtiisa ayaa loo arkaa in uu isku filnaansho daqli sameyn karo haddii ay xoroobaan deegaannada iyo degmooyinka ka maqan gacanta maamulka.

Sidoo kale waxaa suurtagal noqon doono in markii ugu horreysay la dhaqangeliyo dhismaha dekadda Hobyo oo marar badan dib ugu dhacday sababo la xiriira ganacstadii maalgashan laheyn oo hantidooda u baqay, maadama ay kooxda khawaarijta ah heysatay deegaanno aan ka fogeyn, tiiyoo ay jirto in halkaas dhawaan laga soo saari rabo Shidaalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u iibgeyso adduunka intiisa kale.

Galmudug oo xor noqota ayaa loo arkaa in ay noqon doonto maamul loo shaqo doonto sannadada soo aaddan, maadaama laga dhaqangelin rabo mashruuca ugu weyn dalka ee shidaal qodista iyo howlgelinta dekadda Hobyo oo ah mid ku taallo goob istaraatiiji ah, taas oo dabooli doonto baahiyaha bulshada ku kala dhaqan Mudug, Galguduud, Hiiraan, Bay, DDS Itoobiya iyo guud ahaan dalka Ethiopia.

Horn Africa Media

Photos from Horn Africa Media's post 03/08/2023

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan oo uu wehliyo Agaasimaha xiriirka dibadda iyo Hay'daha Caalamiga ah ayaa ka qeyb galay Isbuuca Naas Nuujinta.

Kulanka waxaa sidoo goobjoog ka ahaa Haweenka gobolka Banaadir, Hay'adda Caafimaad adduunka WHO, Unicef iyo Hay'ado kale oo Caalami ah.

Kor u qaadidda Nuujinta dhallaanka Soomaaliyeed ayaa Todobaadkan xoogga la saarayaa, waana sababta kulankan masuuliyiintu uga weyb galeen.

Horn Africa Media

02/08/2023

DEGDEG:- Isgoyska Macalin Nuur waxaa lagu diley Askari katirsan ciidanka danab sida laamaha amnigu ii xaqiijiyeen , halka degmada Dharkenlay iyana lagu diley Kornel katirsan ciidanka xooga Dalka .

Labadaba dhacdo cidna loma qaban. Sababta ma ogi hana i waydiin.

Horn Africa Media

02/08/2023

Km4 ayaa tartan orod ah laga billaabay, kaas oo dhammaadkiisuna ahaa Daljirka. Laba gabdhood oo dhex ku daalay ayaa la saaray Cabdi Bile. Daljirka uu ku daadiyey waxaana la shaaciyey inay orodka ku guuleysteen. Halka gabar lugteeda ku gaartay Daljirka loo sheegay in xarfaan Cabdi Bile lagu geeyey Daljirka ay ka guuleysteen.

Gabadha oo neeftuureysa ayaa tiri"Hay, kuwaan Cabdi Bile ayaa dhex ka soo qaadaye see iiga guuleysteen" dood dheer kaddib, reer Cabdi Bile waxaa loo sheegay inay fashilmeen.

Dalkaan waa lagu falaaday.

Horn Africa Media

28/07/2023

Xaqiijinta baaritaanka:

Naftii-haligaha fuliyay shirqoolkii kulyadda Jaalle Siyaad waxaa goobta lagu geeyay baabuur cad oo ah kuwa aan xabaddu karin kaas oo looga soo qaatay xaafadda Tree Biyaano.

Wuxuu xirnaa darajada sarreeye guute, wuxuuna watay buug iyo usha saraakiisha.

Wuxuu ka soo dagay gaariga, wuxuu dhexnaray safafka ciidanka, wuxuuna is qarxiyay markii uu hubsaday inuu dhexjoogo guutada 14 October.

Horn Africa Media

28/07/2023

2017-kii ilaa iyo 2022-kii waxaa xiligii AS dhaqaalaha ugu badan ay sameeyeen, shacabka Muqdisho si kasta ay u boobeen sidoo kalana ay ku milmeen hay’ado muhiim ah.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay joojinta dhaqaalaha baada ahaa ee AS, lana yareeyay weeraradii AS ka gaysan jireen Muqdisho sidoo kalana hay’adaha dowladda laga dhex saaray shaqsiyaad gacan saar la lahaa cadowga hadana wali shaqo badan ayaa u taala dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo cadowga AS u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hay’adaha dowladda iyo falalka amni daro ee Caasimadda.

Laakiin tan iyo markii NISA ay shaqadaan bilowday waxaa jira saraakiil la soo shaqeeyay madaxdii dowladii h**e oo AS u baxsaday waxaana ka mid ah Darawalkii gaar ahaa ee Guddoomiyihii h**e ee Golaha shacabka Mursal kaas oo xataa asaga oo hubaysan tagi jiray Madaxtooyada oo markaas Farmaajo uu ku shaqaynayay.

Horn Africa Media

27/07/2023

Geedka Nabadda ee Burka Dirin!

Sidee u aragtaa dadaalada dib u heshiisineed ee uu Madaxweyne Sheekh Shariif kawado Sh Dhexe?

Photos from Horn Africa Media's post 27/07/2023

Badbaadiyihii Qaranka ee kaligiis Taliska yiri boobi maysid waddanka dooorasho ayaana la qabanaa, Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay Nairobi-Kenya.

Marka aad Qarankaaga ugu addegto si hufan waa hubaal inaad baaqi ku ahaanayso quluubta dadka, sida loo soo dhaweeyey ayaad ka garan kartaa miisaankiisa siyaasadeed iyo qofnimadiisa.

RW Rooble ayaa warbixin shaqo ka dhageystay Safiir Tarsan, ugu dambeyn Safiirka ayaa Ra'iisul wasaaraha uga Mahadceliyey kaalintiisii waddanka ee ka badbaadinta khalalaasihii ay la damacsanaayeen kooxdii laga adkaaday.

Horn Africa Media

27/07/2023

Gogasha nabadda ee Beelaha walaalaha Cabdalla Caroone iyo Maxamed Muuse ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah si rasmi ah uga furanto Teendhadaan oo ku taalla degaanka Burka Dirimeed oo u dhaxeya degmooyinka Raage-Ceelle iyo Cadale ee Gobalka Shabeelada dhexe.

Qorshaha waxa uu ahaa in uu maanta furmo balse waxaa dib loogu dhigay wafdi ballaaran oo maanta gaaraya degaankaas, waxaana kala hogaaminaya Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, waxaana ilaa hadda degaankaas oo meel keyn ah ku yaalla ku sugan muddo habeenno ah Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Imaamka Mudullood Imaam Daahir iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Guudlaawe iyo Xaadoole oo uu khilaaf u dhaxeeyo ayaa maanta sidoo kale halkaas isku arki doono laakiin waxaa labadooda hortaallo sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dadka degaanka. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo muddo 7aad ah ku sugan Sh dhexe ayaa ku guuleestay kala qaadidda labada ciidan, xabad joojin iyo in gogal la isugu yimaado, isagoo kadibna ballaariyay Gogasha nabadeed ee degaanka ka dhaceyso.

26/07/2023

War maxaa qaldan cuntada maanta dhan sankeyga marmarine maxaa waaye

26/07/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safri doona magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu dagi doona bil ilaa laba bilood.

Madaxweynaha ayaa Galmudug u tagi doona inuu Dhuusamareeb kala socda dagaalada uu doonayo inuu qaado dhowaan.

Ciidamo iyo hub xoogan ayaa kusii qulqulaya Caasimada Galmudug, kuwaas oo ilaalin doona Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamud.

Horn Africa Media

26/07/2023

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay mooshin loogu yeerayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib qaraxii Isniintii ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshinkan u gudbiyay guddoonka golaha. Sidoo kalena waxaa lagu dalbanayay u yeerista Taliyeyaasha Ciidamada, si wax looga weydiiyay qaraxaasi, oo dhaliyay khasaare xooggan.

Isniintii dorraad ayay aheyd markii xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad uu qof naftii halige ah isku dhex qarxiyay xeradaasi, xilli askar fara badan saf ku jireen.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa inta la xusuuso xero kamid ah xeryaha ciidamada, kaddib sanadkii h**e oo sidan kale qarax uga dhacay Warshadda Nacnaca, Inkasta oo uu khasaaraha uu yaraa.

Horn Africa Media

25/07/2023

Ilaalinta hantida dadweynaha iyo la-dagaallanka Musuqu waa mas’uuliyad wayn.

Sida Muuqata dagaalka ka dhanka ah Musuqa Dowladda waa ka go’anyahay, laakiin waxaa jira Hay’ado kale oo baaritaano ay ku socdaan kuwaasi oo mar dhow lasoo bandhigi doono.

Sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda waxaa jirta ku dhowaad 10 Hay’adood oo kale oo ka tirsan dowladda kuwaas oo lagu haysto cunsasho hanti umadeed.

Dagaalka Musuqamaasuqa ayaa suurta galin kara in masuuliyiin hadda xilal ka haaya dowladda ay xilalkooda ku waayaan isla markaana sharciga la horgeeyo.

Horn Africa Media

25/07/2023

Wargelin kale oo shacabka Laabta u qaboojinaya!

Caagii 20-laha ahaa waxa uu noqday qashin kadib markii Ciidanka D/ Warta nabada oo tagay goobta ay sidaas xaqiijiyeen.

Waxaa ammaan mudan shacabka markii H**e soo sheegay & ciidanka ka falciyay.

Kuwii gaari dameer & qof noolba u adeegsaday qarax uma daahayaan jirkaan 20-tan le ah inay qarax geliyaan.

Horn Africa Media

23/07/2023

Xoolo dhaqato reer guuraa ah ayaa si arxan daro ah maqar ugu dilay Xasaney Yuusuf Maja-Qallin oo ahaa beeraley beertiisa laga geliyay ari ay raacayen kooxda xoolo dhaqatada ah ee isaga dishay.

Meydkiisa ayay ku rideen god si aan loo arkin goobtiina way ka guureen maadama ay reer guuraa ahayen.

Dhacdadan ayaa galabta ka dhacday beerta reer Yuusuf Maja-Qallin. Meydka Xasaney waxa uu caawa yaallaa CID-da Xamar.

Horn Africa Media

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Is caawiya oo is garab qabta si aad u guuleeysatan
Madadaalo
Reer mayi iyo reer magaal (ari carbeed ) kulmay
#Somalia #Somaliland #socialmedia
Muslimku imtixaanka iyo waqtiyada adag waa ku towba keenaa
Gabaha saan ma u xidham taqaan                                                    #style #socialmedia #Somalia #Somalila...
Muuminku ma cabsado
Muminka dhabta ma cabsado Sheikh mustafa

Category

Website

Address

Maka Almukaram
Mogadishu
Other Journalists in Mogadishu (show all)
Gen yahye Mohamed omar Gen yahye Mohamed omar
Oodweyne
Mogadishu

bogga rasmiga ah EE Ahmed Hussein Mohamed

Qalimow. Media Qalimow. Media
Mogadishu

Qalimow waa media Mar walba lagu kalsonaa Karo kuso gud binaayo warar xaqiiqa ah idinkana hanga baqiilina like&sherka plse azaxaabta

News day tv News day tv
Mogadishu

Aqbaaraadka aduunka iyo wixii ku soo kordho saaxada siyaasada soomaalida halkaan waa madal wareed

Moqdisho TV Moqdisho TV
Boondheere
Mogadishu, 252

news

Ilkacase Family Ilkacase Family
Mogadishu

Hormariyaha sportga degmada dharkeynley Hormariyaha sportga degmada dharkeynley
Jaala Siyaad Street
Mogadishu, 252

00252617249424

Somali Show Somali Show
Mogadishu

Warar Sugan, Tifaftiran, ku saleysan run iyo xaqiiq, ka dheer eex iyo qof jecleysi halkaan ka dhugo.

Aden boy Aden boy
Lambar 4
Mogadishu

Kusoobiir my page

Axmed Khadar Axmed Khadar
Mogadisho
Mogadishu

Waxa idin soo wada video aad u xiso badan Like dheh page shere dheh page

Codka Naafada Soomaaliyeed Codka Naafada Soomaaliyeed
Bakaro
Mogadishu

Disability activist and poor people

Abdalla Calin Abdalla Calin
KM4
Mogadishu

Kani bogeyga qaaska ah ee an ku soo gudbiyo Sheekoyinka ku saabsan degaan waynaha BAN-BAN.