Abdinasir Ali Salad

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdinasir Ali Salad, Scientist, Wadajir, Mogadishu.

11/04/2024

((Acmaasha wanaagsani waxey tirtirtaa xumaanta)).

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 16/03/2024
04/03/2024
02/03/2024
27/02/2024

عن أبِي أمامة رضِي الله عَنه قَال :قال رَسولُ الله صلَّى اللهُ عليه وسلّم:.
Fadliga Aayatul Kursiga oo Salaadaha kadib la aqriyo waa mid aad u weyn.

26/02/2024

Heesta Hooyoy la'aantaa .
Hooyoy la'aantaa, Adduunyadu habaashii
Habeen k**a baxdeenoo, iftiin lama heleen.
Abwaan Hadraawi AUN.

25/02/2024

Xaalka Somaalida!
((Rag caddaalad waayaa sidii Cawsha kala yaacye
Caarrow Shabeel iyo dhurwaa nalagu cawreeye
Canka nagu gur bahal goodiroo cimaamadaye
Canda tarantay Caash-boorri bey ciidan leedahaye
Cunbulleyska reeraha xigey kula carawdaaye
Citiqaadday Raageba inuu kuu ciniin yahaye)).
Abwaan Faarax Laanjeer.
Tuducyadan duur xulka ah waxey kamid yihiin gabay dheer oo uu tiriyay Abwaan Faarax Laanjeer,gabaygan Abwaanku waxa uu uga hadlayaa caddaalad darro lagu sameeyay.
Marka aad u fiirsato caqabada dadka soomaaliyeed heysata oo Qowmiyadaha Adduunka kareebtay waa Caddaalad-daro.
Ragu hadduu Caddaalad waayo,wuu kala tagaa;midba mid ayuu cadaw kadhigtaa.
Reerba reerka deriska la ah ee ka mudnaa daris-wanaag iyo walaalnimo ayuu birta u aslan.
Waa nasiib darro Dadka soomaaliyeed heysato.

25/02/2024
25/02/2024

Hawadu waa save.

21/02/2024
27/01/2024

Saliga Nabiga CSW ayay liibaantu ku jirtaa.
SCW SCW SCW

23/01/2024
22/01/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii H**e ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii h**e iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

22/01/2024
22/01/2024

Muxuu u baahan yahay qof Soomaaliya jooga si uu qoys cusub u yagleelo? https://bbc.in/4b24Eq1

22/01/2024

Madaxweyne waad mahadsantahay Dadaalkaaga Diblomaasiyadeed.

Photos from Villa Somalia's post 22/01/2024
22/01/2024

Xadith Nabawi:
Waxaa laga wariyay Abuu dardaa,Rasuulkii Alle (CSW) in uu yiri:"Majiro shey uga Culus miisaanka dabeecadda wanaagsan,Qofka dabeecadda wanaagsan wuxuu gaarayaa darajada qofka Soonka iyo Salaadda u taagan".

Wax ka ogow sharuudaha ka horreeya guurka gabadhaha Moroccoo ee ragga Soomaalidu u safreen - BBC News Somali 17/01/2024

Wax ka ogow sharuudaha ka horreeya guurka gabadhaha Moroccoo ee ragga Soomaalidu u safreen - BBC News Somali Waxaa internetka Soomaalida qabsaday sheekada rag Soomaali ah oo u safraya Moroccoo si ay u guursadaan gabadhaha dalkaas.

17/01/2024

Guul Soomaaliyeed.

In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya. Waxaa kaloo cadayn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso.

Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato. Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah.

15/01/2024

((ولَا تَقفُ مَا لَيسَ لَكَ بِهِ عِلمٌ،إنَّ السَّمعَ والْبَصَرَ والْفُؤَاد كُلُّ أُولآءكَ كَانَ عَنهُ مَسؤُولًا)).
((Ha raacraacin wax aadan cilmi u laheyn,Maqalka,Araga ,iyo Qalbiga;dhammaanba waa la iska weydiinaa)).

15/01/2024

Abwaan Sharlaawe

13/01/2024

Muuse Biixi wuxuu maanta Maxak**ad ciidan saaray wariye dood ka qabtay Is-afgaradkii uu Itoobiya la soo saxiixday. Muuse wuxuu bixinta dhaxalka umadda ku bedeshay in xukunka lagu sii hayo, mana jirto waddo kale oo furan oo aan ka ahayn tan uu maanta qaaday oo ka billaabata cabburin, kuna dhammaan doonta kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo uu Somaliland ku qabsado.

Waxaase ayaan daran siyaasiga doorasho ka sugaya, caaqilka xurmad kaga fadhiya, suxufiga, aqoonyahanka iyo wadaadka u maleeya in xuquudiisa la dhowrayo. Xuquuqda bawdka banaankiisa ayaa laga daafacdaa.

“Gar-maqaatayaashiyo dadkaa beera ruux gurane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan loogu gola-xaaro
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunud.”

Abwaan Hadraawi AUN

12/01/2024

Shirka Puntland uga socday Madaxda deegaanadaas iyo madaxyaweynta Siyaasadda Puntland oo innaba aan lagu soo hadal qaadin arrimaha masiiriga ee taagan waqtigan.

11/01/2024

Saliga Nabigeenna SCW aan badino.

11/01/2024

Baddeenu iib maahan,banaanbaxa looga soo horjeedo heshiiska xaaraanta ah ee Ethiopia dooneyso iney ku qaadato 20k oo iyo dhulka ku beegan ee Soomaalida.
Muqdisho iyo maanta.

11/01/2024

Surat Huud:
((Salaadda Oog labada daraf ee maalinkanta iyo waqti habeenka kamid ah, wanaagu wixuu tagsiiyaa Xumaha; taasi waa waano kuwa qaadanay usugnaatay)).

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Heesta Hooyoy la'aantaa . Hooyoy la'aantaa, Adduunyadu  habaashii Habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen.Abwaan Hadra...
Saliga Nabiga CSW ayay liibaantu ku jirtaa.SCW SCW SCW
Baddeenu iib maahan,banaanbaxa looga soo horjeedo heshiiska xaaraanta ah ee Ethiopia dooneyso iney ku qaadato 20k oo  iy...
Cabiraadda Reysulwasaare Xamza ee Soomaliya!
Quraan Reciting. Jennifer Grout oo ahead Fanaanad hore oo American ah ayaa Cod macaan ku aqrineysa Duratu Al Qamar.
Qaabka ey isku mehersadaan Masaaridu.
Heesta Midab gumeysi diida.Somali pan-African song [lyrics]Abdinasir Ali Salad
Gabay👀👀👀Tuducyo miisaan iyo mug leh👀👀.

Category

Telephone

Website

Address


Wadajir
Mogadishu
252615150377
Other Scientists in Mogadishu (show all)
Qoral ku dhiigle Qoral ku dhiigle
Mogadishu

Murtiiluhu kaalinta maadeeyaha waa uu gali karaa, balse maadeeyuhu kaalinta murtiilaha ma geli karo.

Caqli kaal Caqli kaal
Wadada Wadnaha
Mogadishu

cilmi kororso

Mr.Maslah Mohamed Yusuf Mr.Maslah Mohamed Yusuf
Benadir
Mogadishu, 252

Welcome Everyone!

Barashada islamka Barashada islamka
Barashada Islamka
Mogadishu, 1234

kusoo Dhawoow Barashada islaamka

Amiin Aarka Amiin Aarka
Jaalle Siyaad
Mogadishu

Magacayga waa Amiin ibraahim C/laahi oo ku magac dheer Aarka Halkani waa page kayga ku sodhawow sxp Mahadsanid

Dr. Abdullahi Osman Yusuf Dr. Abdullahi Osman Yusuf
Mogadishu

This Page is intended To Deliver Health Related information To medical Students, Lecturers and healt

1zaki_yare 1zaki_yare
Makah Al Mukaram
Mogadishu, 252

Waxaan ahay 1 qof laakin waxaan u dhigmaa 100 qof

Liban Hussein nor Liban Hussein nor
Mogadishu, 3344

ليبان حسين نور

Dr Mohamud Aden Issak Dr Mohamud Aden Issak
Zoobe
Mogadishu, 252

Abdihalim Eid Hillaac Abdihalim Eid Hillaac
Sayidka Nool
Mogadishu, 0099

Barta diinta,bartay IT,ND youtuber,qoraa,mufakir jecel arimaha islamka,bulshada,taarikh iyo siyaasada