Suuqa Xoolaha TV

Suuqa Xoolaha TV

You may also like

Jieyan caraballe vlag
Jieyan caraballe vlag

Codka Shacabka🎤

21/11/2023

DEG'DEG:- Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la mabnuucay khamaarka online-ka lagu ciyaaro ee 1Xbet.

Suuqa Xoolaha TV

21/11/2023

Waxay ahayd macalimad xisaabta dhigta, balse sanado bdn kadib ayaa mid ka mid ahaa ardaydii ay yaraantiisa xisaabta bari jirtay ku arkay iyadoo ka tuugsanaysa astaanka (Boosteejada) tareenka laga raaco.

Wuxuu gartay wajigeeda, wuxuna ugu yeeray magaceeda, kadibna, waxay ku tiri "Sideed magacayga ku ogaatay?" Wuxu ku yiri "Fasalka saddexaad ayaad macalimad ii ahaan jirtay".

Ardaygani iminka wuxuu yahay maamulaha shirkad shiidaal. Iswareysi dheer kaddib, waxay uga sheekeysay sida ay ku noqotay guri la'aanta iyo in carruurteedii ay ka kala tageen oo ay dayriyeen. Meeshii ayuu ka kaxeeyey, wuxuna dajiyey hotel.

Durba maalmo wuxu la xiriiray dhammaan ardaydii ay wax soo bartay ee ay isku fasalka ahaayeen, wuxuna u sheegay sida ay wax u jiraan, kadib ardaydii macalimadan waxay kafaalo qaadeen nolosheeda.

Haddaba macalimiinteena aan xasuusano, qofkii awooddana ha caawiyo oo ha xasuusto.

Sidoo kale maanta waa maalinta macalinka, dhamaan waxaan leeyahay hambalyo.

Suuqa Xoolaha TV

21/11/2023

Ma sheegee Marka🤣

Suuqa Xoolaha TV

21/11/2023

Difaaca Shacabka❤️

21/11/2023

Adiga maxaad utaqaanaa?.

20/11/2023

Furuhu waa sagaal, Adkaatey qaali.😹

Suuqa Xoolaha TV

20/11/2023

"DOWLADDA INGIRIISKA OO SHAACISAY OO LAGU HORMARINAYO KAABEYAASHA DHAQAALAHA SOOMAALIYA".

comments-ka kowaad ka aqtiso.

Suuqa Xoolaha TV

20/11/2023

Waa haweenay u dhalatay dalka Nigeria oo diiwaanka Guinness World Record ku gashay timaheeda macmalka ah ee dhererkoodu yahay ilaa 350-ka mitir una dhiganta dhererka 7 garoon oo ciyaaraha Olombikada ah.

Waxay ku qaadatay qiyaastii 11 maalmood samaynta timahan, waxayna ku bixisay $ 2,493 samaynta timaha macmalka ah.

Suuqa Xoolaha TV

19/11/2023

Fikrad Fiican. kkkkk

18/11/2023

Hal qoys oo Ameerikaan ah ayaa hubkaas iska leh. Kkkkk

Suuqa Xoolaha TV

17/11/2023

"Xaaskaaga Oo aad Malinkii Mar Jug u Qariso ama aad Qoorsagaaro ku qabato oo aad xoga yar xanuun-jiso waxay kasii qaadaysaa Jaceyl xad dhaaf ah ".

"Sheekh Abdiraxman Bashiir"

Suuqa Xoolaha TV

16/11/2023

DEG'DEG:- Hotel ku yaal dalka turkiga ayaa laga helay maydka Ayan Mohamed oo 26jir ah, Ahmed oo ah ninka qaba ayaan ayaa booliska turkigu gacanta kusoo dhigay sida lasoo sheegay waxa ay dalxiis uga yimaadeen dalka uk

si arxan daro ah ayuu u dilayay waxa uuna wadnaha, dhuunta iyo qaybo kale oo jirkeeda ka mid ah ka galiyay dis-mis ama kashawiito.....!

Suuqa Xoolaha TV

15/11/2023

Guriceel: Maxkamada Ciidama Qalabka sida ayaa xukun dik ah ku ridey Dable NISA
"C/salaam Axmed Cali", kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah u dilay Marxuum "Cabdullaahi Cali Hudeey" Taariikhdu markey ahayd tobankii bishan.

Xukunka qisaasta ah ayaa lafilayaa in lagu fuliyo xukunsanaha sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana h**e xabsiga Guri-Ceel ugu jirey walaalkii oo sugaya in lagu fuliyo dil toogasho ah!.

La wadaag saaxiibadaa
Suuqa Xoolaha TV

15/11/2023

Gabadhan waxaa furay ninkeeda oo ay mid kamid ah kilyaheeda u bixisay mar uu xanuunsanaa.

Markii uu caafimaaday ayuu naag kale aroosay iyadiina wuu ka tagay.

Waa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday dalka Aljeeriya- sida ay warbaahinta Carabta tabiyeen.

Ragga Soomaaliyeed sidan maka suurtowdaa ?

Suuqa Xoolaha TV

Photos from Suuqa Xoolaha TV's post 14/11/2023

Gabar Bikro ah oo dooneysa nin ay guursato !

Gabadhan waxaa lagu magacaabaa Theresia Nyirakajumba, waa 123-sanno jir bikro ah oo u dhalatay dalka Rwanda, waxa ay hadda raadineysaa ninkii ugu h**eeyay ee nolosha ay la wadaagto.

Waxa ay sheegtay duqdan in ay tahay wali gabar bikro ah oo la hubo, waxa ayna xutay in ay hadda dooneyso nin ay nolosha la wadaagto lana qaadato farxada inta nolosheeda ka dhiman.

Haweeneydan ayaa sheegtay in aysan h**ey u jecleyn in ay xiriir jaceyl ay sameeyso ayna guursato, waxa ayna hadda tilmaantay in ay dooneyso nin iyada farxad galiya oo jaceyl iyo nolol qurxoon la wadaaga inta nolosheeda ka dhiman.

Haddaba halkan uga wac wiilkan la jeclaan laheyd bikradan aan wali la taaban in uu guursado oo nolol macaan la wadaago!.😁

Suuqa Xoolaha TV 📺

12/11/2023

Madaale swimming pool 💔✌😂

12/11/2023

Muqdisho magaalo madaxdeena🇸🇴❤

11/11/2023

11/11/2023 "Maanta waa maalinta caalamiga ah ee iskabulada Doobnimada." Rag & dumar.

Metion soo dheh Qof Single/Doob ah
Kuna dheh Hambalyo .😅

11/11/2023

"EVC PLUS- Maku Shaqeynayaa?

Cilad farsamo ayaa kajirto Adegga EVC-PLUS Guud ahaan somalia.

FG:- Ka Joog ha isku gelin meherad ama Maqaayad hadii aadan wadan e-Dahab.🤣🙈

02/11/2023

DEG'DEG:- Maxkamadda Ciidamada ayaa ku riday Sheegow iyo Maleeshiyadiisa Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.

Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

Axmed 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.

18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.

Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sidaas waxaa lagu daabacay goor dhawayd mareegta Garsoor oo ah isha warbaahineed ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Suuqa Xoolaha TV 📺

27/10/2023

Fadliga maalinta jimcaha aan
Ugu faaidesano saliga nabiga
SCW📿❣صلی الله علیه وسلم🥰

27/10/2023

Hay'adda Caafimaadka ee Adduunka WHO ayaa sheegtay in afar ka mid ah 10-kii gabdhood oo Afrika ku nool ay is caddeeyaan.

Nigeria ayaa ugu badan, oo boqolkiiba 77 dumarka way is caddeeyaan. Waxaa ku xiga Togo, boqolkiiba 59, iyo dalka Koonfur Afrika, oo ah boqolkiiba 35.

Soomaalida boqolkiiba imisa ayaad isleedahay way is cadeeyaan?

Suuqa Xoolaha TV 📺

26/10/2023

Isku aadka Tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Khaatumo State ayaa la soo saaray.

Maamulkee baad tageersantahay.?
Suuqa Xoolaha TV 📺

25/10/2023

Sawirkani waa taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Celtic oo ka dhisan waddanka Scotland, waxa ay taageero aan kala har laheen u muujinayaan walaalaha Falastiin ee Yahuuda gumaaday.

Waa sawirkii ugu qiimaha badnaa ee ka yimid ciyaaraha caawa soconaya ee horyaalada Yurub ( Champions League).

🇦🇪🇸🇴
Suuqa Xoolaha TV 📺

25/10/2023

Kani waa weriyaha rugcaddaaga ah (وائل الدحدوح Wael Al Dahdouh) Sidoo kalena ah madaxa Xafiiska Warqabadka Kanaalka Al Jazeera Channel - قناة الجزيرة ee Marinka Ghaza, Maanta isaga oo diyaarinaya oo sawirro ka qaadaya Gaboodfallada waxshinimada ah ay Yuhuuddu ka geysanayaan , ayuu Isbitaalkii uu Warbixinta ka diyaarinayey ayuu Qoyskiisii oo Shahiidey ku dhex arkey(Xaaskiisii, Wiilkiisii curadka ahaa & Gabadhiisii).
Isaga oo ilmeynaya ayuu yiri "Carruurta miyey nooga aargoosanayaan, balse dhib ma leh إنا لله وإنا إليه راجعون د, Ilmada naga socota waa mid naxariiseed ee ma ah fuleynimo & mooral dillaac".

waxa ka socda waa wax Damiirka & dadnimada ay ka damqanayaan, Jirkuna xanuun awadii la jiriricoonayo, Israa'iil celcelis ahaan maalintii waxay kubdishaa 300 oo qof(Seddex Boqol).

Eebbow u gargaar oo miciin walaalaheen Reer Ghaza, Hiil & garab aan adiga aheyn ma haystaan.

Suuqa Xoolaha TV 📺

25/10/2023

Ugu dambeyn waa notimid alaabtii aad wada sugeyseen Rer Suuqa Xoolaha

Madax Ari dheylaa💔😂

23/10/2023

Rugta riixa iyo muruqa oo "SUUQA XOOLAHA" lagaaga furay, bal u wac halkan ha tagee saaxiibkaa ama saaxiibtaa muruq iyo riix haayo!✌😅

Suuqa Xoolaha TV 📺

Photos from Suuqa Xoolaha TV's post 22/10/2023

Soomaali - in aan ka dhalanay miyaa ciqaabtaan u maraynaa.....😳🥺

Bal eeg maalin keliya waxaa dalka ka dhacaya Gaalkacyo wiil yar baa ka maqlayaa waxa aan maqalka u wanaagsanayn – iskaba dhaaf baahinteedee kuwa dhibkaas gaystay ilaahow dhulka la jaray.

Dhinac kale haddana fiiri waxa ka dhacaya Shabeellaha Dhexe Macallin Dugsi iyo ardaydiisa oo qur’aan akhris ka yimid baa dhaxda loo galay la laayay.

In Ka badan intaan maanta keliya taagan ayaa dalkaan ka dhacaya waxaan is dhahaa keliya in Soomaali laga dhashay miyaa loo marayaa , haddiiba taas ay tahay waxay ahayd inaan ka dhalano dalalka kale ee nabddoon.

Ilaahow adiga ku barinay ha inoo ciqaabin dhacdooyinka foosha xun ee ay gaystaan kuwa damiirka lahayn ee diirka Soomaali ka ah.

Suuqa Xoolaha TV 📺

22/10/2023

Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo lagu dilay Deegaanka Xaaji Cali.

Suuqa Xoolaha TV 📺

Photos from Suuqa Xoolaha TV's post 20/10/2023

Fanaanada Caanka ah Maryan Mursal oo 73 sano jir ah ayaa ku dhawaaqday inay Fanka isaga baxday caawa oo 20 October Ah.

“Fanka caawa ayan ka baxay, oo joojiyay. Hala ii soo duceeyo” ayey tiri Maryan Mursal.

Suuqa Xoolaha TV 📺

19/10/2023

BOOB-SIIS:- Dawladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul goboleed lamid ah kuwa kajira dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle.

Suuqa Xoolaha TV 📺

19/10/2023

"Laba Beel oo Dagan Shebelle-dhexe oo iska Gubay Hoygii ay ku nolaayeen".

Suuqa Xoolaha TV 📺

Photos from Suuqa Xoolaha TV's post 19/10/2023

Aby Ahmed qaabka dekadda loogu dhisi lahaa xitaa wuu soo qiimeystay😆

Wuxuu joogaa china.

Suuqa Xoolaha TV 📺

19/10/2023

Milkiilaha shirkada Meta oo sheegay in dhawaan aad awoodi doontid inaad yeelato laba akoon oo WhatsApp ah adiga oo isticmaalaya whatsapp kaaga caadiga. Yacni hal application oo whatsapp ah ayaa waxaa ku isticmaali doontaa laba lambar oo kala duwan.

Adiga maka mid tahay dadka daneenaayo barnaamijkaan oo shirkada hadda ka hor ay shaacisay laakin dhawaan ay so deen doonto?

Suuqa Xoolaha TV 📺

16/10/2023

Allaha u naxariisto Walaalkeen Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys Agaasimihii TV-ga Somali Cable oo ka mid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Suuqa Xoolaha TV 📺

16/10/2023

Dareenka Shacabka Muqdisho "Guul ama Geeri" iyo Ciidamaddii ugu Wakhtiga Dheera Abid Oo Dalka Dib Ugu Soo laabtay.

Suuqa Xoolaha TV 📺

15/10/2023

Taleex, Mogadishu, Somalia🇸🇴✊
Suuqa Xoolaha TV 📺

14/10/2023

14 October 2017 Maanta Oo Kale Mogadishu Maxaa Ka Dhacay?!🥺

Number of deaths: 587

Injuries (nonfatal): 316

Alle ha u naxariisto dadkii qaaliga ahaa ee aan weynay maanta oo kale 6sano ka hor. 14 October.

Waxa ay aheyd musiibo aan marna qalbiyadeenna ka go'i doonin iyo mahadhooyin xusuus leh.
Qiyaamaha warbaa u yaalla........

Suuqa Xoolaha TV 📺

13/10/2023

Nacabku darbiyada ha jiidho💔✌😅

Suuqa Xoolaha TV 📺

12/10/2023

Hambalyo 69 guurada kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed.

Suuqa Xoolaha TV 📺

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Shirka Amniga Gobalka mudug ee labada dowlad gobaleed ee Galmudug iyo Puntland ayaa ka qabsoomay Galkacyo iyadoo laga so...
Munaasabadda Magacaabista Golaha Wasiirrada
Musharraxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani oo ka hadlay Wada hadaladii ay Kula jireen xukuumada iyo Talaabada ay qaadi doo...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xuska sannad guurada 62...
Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxisada ah ee...
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha j...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoo...

Category

Website

Address

Mogadishu
Other Journalists in Mogadishu (show all)
Gen yahye Mohamed omar Gen yahye Mohamed omar
Oodweyne
Mogadishu

bogga rasmiga ah EE Ahmed Hussein Mohamed

Qalimow. Media Qalimow. Media
Mogadishu

Qalimow waa media Mar walba lagu kalsonaa Karo kuso gud binaayo warar xaqiiqa ah idinkana hanga baqiilina like&sherka plse azaxaabta

News day tv News day tv
Mogadishu

Aqbaaraadka aduunka iyo wixii ku soo kordho saaxada siyaasada soomaalida halkaan waa madal wareed

Moqdisho TV Moqdisho TV
Boondheere
Mogadishu, 252

news

Ilkacase Family Ilkacase Family
Mogadishu

Hormariyaha sportga degmada dharkeynley Hormariyaha sportga degmada dharkeynley
Jaala Siyaad Street
Mogadishu, 252

00252617249424

Somali Show Somali Show
Mogadishu

Warar Sugan, Tifaftiran, ku saleysan run iyo xaqiiq, ka dheer eex iyo qof jecleysi halkaan ka dhugo.

Aden boy Aden boy
Lambar 4
Mogadishu

Kusoobiir my page

Axmed Khadar Axmed Khadar
Mogadisho
Mogadishu

Waxa idin soo wada video aad u xiso badan Like dheh page shere dheh page

Codka Naafada Soomaaliyeed Codka Naafada Soomaaliyeed
Bakaro
Mogadishu

Disability activist and poor people

Abdalla Calin Abdalla Calin
KM4
Mogadishu

Kani bogeyga qaaska ah ee an ku soo gudbiyo Sheekoyinka ku saabsan degaan waynaha BAN-BAN.